Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ku lug leeyihiin Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Malateriga Dalka Kenya ayaa iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay askartooda oo ku aadanaa in ay  ku lug leeyihiin dhuxul si qarsoodi ah looga dhoofiyo Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada malateriga ee Dalka Kenya Col David Obonyo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda daba galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ciidamada Kenya ay lacago badan ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Mr Obonyo ayaa tilmaamay in warbixinta ay soo saartay kooxda dabagalka ee ka socota Qaramada Midoobay in ay la mid tahay mid isla kooxda ay saameeyeen sanadkii 2012-kii.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada malateriga Kenya ay Soomaaliya ka joogaan dhinaca Badda 150 km oo dhinaca Xeebta ah,isagoo sheegay in warbixinta kooxda daba galka ay tahay mid aan la isku haleyn Karin, maadaama aysan jirin dad ka socda iyaga oo gaaray goobaha dhuxusha laga dhoofiyo.
“ciidamada Kenya ma maamulaan Dekadda Magaalada Kismaanyo howshaasi waxaa shaqo ku leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland”sidaasi waxaa yiri mr Obonyo.
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya u joogin ganacsi, balse ay u joogaan in ay sugaan amniga shacabka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2012-kii ka mamnuucday Soomaaliya in la dhoofiyo dhuxusha, si aysan lacago uga helin Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
The post Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ku lug leeyihiin Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya appeared first on Shabelle.


Dal ay cunno taallo dadkiisuna macaluul u dhimanayaan

$
0
0

Sideed u sharraxi kartaa dal cunno haysta isla markana ay macluul ka jirto?
Dhawr sano ka hor ayaan u tegay Itoobiya inaan kasoo warramo khatarta macluul dalkaasi looga baqayay, ayadoo uu waddankaasi macluushii ka dhacday 1985 uu si weyn usoo tebiyay weriyaha BBC Michael Buerk.
Macluusha ayaa ka dhalata cunno yaraan, taasoo ay keento roob la'aan.
Sanadkii 2011 waxaan ka warramayay macluushii ka dhacday qeybo ka mid ah Kenya.
Macluushii Itoobiya ee 1985 iyo tii Kenya ee 2011 ayaa waxaa uga sii daray dagaallo dhulkaasi ka jiray.
Itoobiya waxaa sannadkaa ka socday dagaallo ay wadeen ururo gooni u goosad ah, halka Kenya ay dhibaato ku hayeen dagaalyahannada Al-Shabab. Waxaase xaqiiqa ah in labada dalba aanay xilligaa haysan cunno ku filan.
Arrin taa ka duwan ayaa ah waxa hadda ka socda Yemen.
Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in todobo milyan oo qof ay dalkaasi ugu faqiirsan Carabta ku wajahayaan macluul, inkastoo aanay abaar ka jirin.
Magaalada furinta ah ee Taaciz, taasoo muddo labo sano iyo bar ah ay go'doomin ku hayeen xooggaga Xuutiyiinta ayaa suuqyada waxaa yaal cunno badan oo ay ka mid yihiin khudaarta, liinta iyo mooska.
Dukaannada waaweyn ayaa waxaa sidoo kale ka buuxa hilib goor dhaw la soo qalay ah iyo ukun. Marka waxa isweydiinta mudan ayaa ah waxa keenay in dad ay gaajo ugu dhintaan dalka Yemen.
Qiimaha sare u sii kacaya
Sami Cabdul Hadi oo 55 jir ah oo aan maalin ka hor ku kulanay isbitaal hortii anaga oo warar duubayna ayaa ikala tusay suuqyada magaalada Taiz.
Isaga ayaa magaciisa noo sheegay wuxuuna yiri xaqiijiya in aad warbixintiina ku dartaan dambiga dhabta ah ee dhashay dagaallada Yemen, dadkuna gaajo ba'an ayaa haysa, ayuu yiri, iyadoo uu sidaas sheegayna haddana cunto badan ayaa hareerahanaga taalay, sidaas daraadeed waxaan ku heshiinay in aan kulano maalinta xigta.
"Fiiri khudaartan" ayuu yiri Sami, isaga oo si khaas ah u tilmaamaya Liin macaan quruxbadan.
Dagaalka ka hor waxaa lagu gadi jiray 300 oo riyaalka Yemen ah oo u dhiganta $1.2 haddana waa 600 oo riyaal, cidina ma awoodi karto," ayuu yiri isaga oo indhaha ka dadbay madaxana raaricinaya.
Sami laftirkiisu ma awoodi karo gadashada cuntadaas hortiisa wadhan, Shirkadaha caymiska ayuu la shaqayn jiray shaqo la'aan ayuuna ahaa tan iyo sannadkii 2009kii, wuxuuna ku tiirsan waxyar oo deeq ah oo uu ka helo hay'adda cuntada adduunka ee WFP.
Shaqo mushahaar wanaagsan laga helo in aad hesho waxay qarka u saaran tahay in aan la heli karin, iyadoo dagaal bartanka lagaga jiro.
Xayiraad saaran
Intii aan la hadlayay Sami koox dad ah ayaa billaabay in ay agagaarkanaga ku soo xoomaan.
Nin da'da 80yada ku jira ayaa sheegay in uusan heli karin dawooyinka uu u baahan yahay ee xannuunka macaanka.
Nin kalana wuxuu ka hadlay in ay shidaal la'aan jirto. Nin kale ayaa isna sheegtay in aan wax mushahaar ah la siinin muddo toddobaadyo ah.
Yemen dadbaa inkaartan ka gaystay. Masiibadanna ma aha mid dabiici ah, laakiin waa masiibo siyaasadeed, waxay wajahaysaa maculuul siyaasad ka soo gaartay.
Dagaalka ka hor xataa 90% cuntada Yemen dibadda ayaa laga soo dajin jiray. Dalka iyo dadka horumarkooduna wuxuu ku xirnaa dekedaha oo si dhamaystiran u shaqaynayay, wadooyinka oo wanaagsanaa iyo diyaaradaha oo hawada u furnayd.
Dagaalkan hadda socdana saddexdaa arrin ayuu indhaha isugu sii qabanayaa. Sacuudi Carabiya oo hogaaminaysa dagaalka ay xulafadu kula jirto Xuutiyiinta Yemen ayaa albaabada isugu laabi karta dekedaha marka ay doonto, taas oo keenaysa culays ah in ay dalkaas cunto gasho iyo in ay gagaar geeyaan maraakiibtu, iyadoo 21 milyan oo ruux ay ku tiirsan yihiin arrintaas.
Arrintaas ayayna Boqortooyada Sacuudigu samaysay afartii Nofembar ka dib markii ay jabhaddu gantaallo ku riday garoonka caalamiga ah ee Riyadh, iyaga oo xadka ka soo toogtay.
Hadda hay'adaha gargaarku waxay ka cabsiqabaan in bakhaarada cuntadu ay madhan doonaan bilo gudahood haddii aan si dhamaystiran loo furin dekedaha ay mucaawinada kala soo dagaan.
Dad samee
Waddooyinka dalka Yemen ayay dhibaato ka jirtaa, qaar ka mid ah wadooyinka waawayn iyo buundooyin ayaana dagaalka ku burburay. Gawaarida gargaarka sida ayaa sii dhexmara marino ay jabhaduhu haystaan waxaana lagu yaqaannaa in ay qabsadaan oo ay u weeciyaan goobaha ay joogaan dadka iyaga taageersan.
Darawallada gawaaariduna waxay ka walwalaan wadooyinka ay jabhaduhu ku suganyihiin, kuwaas oo sii dhexmara deegaanno ay ka arrimiyaan al-Qaacidda.

  • Yemen: Duqeyn lagu dilay rayid
  • Xaaladda Yemen oo quus taagan

Siyaasad iyo waxyaabo dad samee ah oo is biirsaday ayaa Yemen u horseeday "macaluusha".
Sami Cabdul Hadi durba ma fahmi karo waxa dhibaatadan u horseeday, wuxuuna arrintaas kala siman yahay malaayiin kale oo reer Yemen ah.
Wuxuu wax ku bartay Jaacadda Qaahira, wuxuuna shahaadda darajada labaad ee jaamacadda ka ahaystaa culuunta siyaasadda, si wanaagsan ayuuna ugu hadlaa luuqadda Ingiriiska. In uu ku noolaado quutul daruuri uu Qarammada Midoobay ka helo ma ahayn wax uu filayay.
Laakiin sideed qorshe u samaysan kartaa iyadoo uu jiro dagaal dilay ama dhaawacay in kabadan 12,000 oo ruux, oo baro kiciyayna in kabadan saddex milyan oo ruux, burburiyayna dalkii.
storvideo: 

Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ku lug...

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Malateriga Dalka Kenya ayaa iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay askartooda oo ku aadanaa in ay ku lug leeyihiin dhuxul si qarsoodi ah looga dhoofiyo Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada malateriga ee Dalka Kenya Col David Obonyo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda daba galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ciidamada Kenya ay lacago badan ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Mr Obonyo ayaa tilmaamay in warbixinta ay soo saartay kooxda dabagalka ee ka socota Qaramada Midoobay in ay la mid tahay mid isla kooxda ay saameeyeen sanadkii 2012-kii.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada malateriga Kenya ay Soomaaliya ka joogaan dhinaca Badda 150 km oo dhinaca Xeebta ah,isagoo sheegay in warbixinta kooxda daba galka ay tahay mid aan la isku haleyn Karin, maadaama aysan jirin dad ka socda iyaga oo gaaray goobaha dhuxusha laga dhoofiyo.
"ciidamada Kenya ma maamulaan Dekadda Magaalada Kismaanyo howshaasi waxaa shaqo ku leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland"sidaasi waxaa yiri mr Obonyo.
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya u joogin ganacsi, balse ay u joogaan in ay sugaan amniga shacabka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2012-kii ka mamnuucday Soomaaliya in la dhoofiyo dhuxusha, si aysan lacago uga helin Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
storvideo: 

Maalinta Macalinka ee 21 November oo Maanta laga xusay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, kana soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, Bahda Waxbarshada, Ardayda iyo Maamulka Jaamacadda Jobkey ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
U jeedka Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu xusayay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21 November oo maanta ku beegan.
Qaar ka mid ah Macalimiinta ka soo qeyb galay Xaflada ayaa ka hadlay qiimaha uu Macalinka u leeyahay bulshada, iyagoo qiray in Macalinka Soomaaliyeed uu yahay mid kobciya garaadka Ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Cali Sheekh Cabdi oo ah guddoomiyaha Dalad ay ku mideysan yihiin Macalimiinta Soonmaaliyeed ayaa hambalyo kadib sheegay in ay muhiim tahay in la kordhiyo tababarada la siinayo Macalimiinta Soomaaliyeed.
Sanad kasato 21 November ayaa la xusaa maalinta Macalinka Soomaaliyeed, si bulshada loogu baraarujiyo qiimaha Macalinka uu leeyahay.
The post Maalinta Macalinka ee 21 November oo Maanta laga xusay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Madaxweyne Robert Mugabe oo iscasilay

$
0
0

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Kulamada Champions League ee caawa iyo beri dhacaya

$
0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal xubinta ciyaaraha, oo aan ku soo qaadaneyno kulmada koobka horyaallada Yurub ee caawa iyo beri dhacaya. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

Daawo: ” Doorasho Dimuqraadi ayaa dhacday.. Waxaan u...

$
0
0

Daawo:" Doorasho Dimuqraadi ayaa dhacday.. Waxaan u hambalyeynayaa Beeshaydii ii codaysay .... Jeegaantii ayaa Badsatay Waxaasna waxaa ka masuul ahaa Garxajisiyada Waxaasna waxaa ka dambeeyey Hudheelkii Balaayo Jeex Natiijdana waanu ku qasbanahay" Faysal Cali Waraabe
[embedded content]
storvideo: 

Kulamada Champions League ee caawa iyo beri dhacaya

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Ku soo dhawaada dhageystayaal xubinta ciyaaraha, oo aan ku soo qaadaneyno kulmada koobka horyaallada Yurub ee caawa iyo beri dhacaya. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
storvideo: 


Madaxweyne Robert Mugabe oo iscasilay

$
0
0

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.
Afhayee Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan "Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda...taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa".
Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe.
Dabaaldegyo ayaa ka billowday xarunta baarlamanka kadib dhawaqa uu sameeyey Mudenda. Sharci dejiyayaasja ayaa xarunta baarlamanka u joogay inay mooshin xilka uga qaadaan Mugabe oo 93 jir ah, kaasi oo Zimbabwe xukumayey 37 sano.
Mugabe ayaa tan iyo toddobaadkii tagey wajahayey cadaadis ku saabsan inuu iscasilo, markaasi oo milatariga ay la wareegeen xarumaha dowladeed ee ugu muhiimsan, islamarkaana xisbigiisa ZANU-PF ay ugu baaqeen inuu iscasilo.
storvideo: 

DFS oo gacanta ku dhigtay Rag Shabaab u qaabilsan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro maleeshiyaadka al-Shabaab u qaabilsan dhanka Qaraxyada.
Ciidamada ayaa maleeshiyaadkan ku qabtay howlgal si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Danab ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka la qabtay ay al-Shabaab u qaabilsanaayen Qaraxyada, isla markaana xiliga la qabanaayay ay ku howlanaayen fulinta Qaraxyo.
Howlgalka lagu qabtay maleeshiyada ayaa waxaa barbar socday howlgal kale oo isna lagu qabtay 16 maleeshiyo kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa howlgala khaaska ah.
Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalkan ku guda jireen burburiyey saldhig ay maleeshiyada ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Geesta kale, howlgalkan lagu qabtay maleeshiyaadkan Muhiimka ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiil cadaan ah, waxa uuna bartilmaameedka ahaa Saldhiga iyo Maleeshiyada Qaraxyada diyaarineysay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Robert Mogabe oo iscasilay

$
0
0

Zimbabwe(SONNA) Madaxweynihii dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo 37 sano ahaa hogaaminayay wadankaas ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay.
Is casilaada Mugabe ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga talada haya uu ka codsaday inuu is casilo waqtina u qabtay.
Waqtigii loo qabtay oo dhamaatay isla markaana uu gudiga fulinta xisbiga uu bilaabay inuu go'aan ka qaato ayuu Mugabe u gudbiyay qoraal uu isku casilay.
Dadaalo iyo wada hadalo ka dib Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.
Afhayeen Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan "Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda...taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa".
Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe
storvideo: 

Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe oo iscasilay

$
0
0

Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay, sidaasi waxaa shaaca ka qaaday afhayeenka Baarlamanka Jacob Mudenda, warkan oo faahfaahsan goor dhaw la soco

Wasiir ku xiggeenka Maaliyadda Soomaaliya oo G/mudug...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane C/llaahi sheekh Cali Qaloocoow Iyo wasiiru dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye oo ay wehliyeen masuuliyiinta maamulka Gobolka mudug, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta maamulka deegaanka Bandiiradleey iyo xarunta garsoorka deegaankaasi.
Wasii C/llaahi, ayaa sheegay in mashruucaan laga hirgalinayo deegaanka Bandiiradleey uu qeyb ka yahay mashaariic ay wado dowladda federaalka Soomaaliya oo qaarkood laga hirgaliayay deegaano fara badan oo ka tirsan dalka, sidoo kalana laga bilaabi doono kuwa kale oo aan lahayn xarumaha adeegyada bulshada.
Wasiir ku xiggeenka Wasaarada Maaliyada dowladda Soomaaliya, ayaa xusay inay ka muuqato deegaanka bandiiradleey horumar xowli ku socda, isagoo ka dhawaajiyay in labaatan sano ka hor ay ugu danbeysay, balse ay aheyd meel cidlo ah, maantana isku tashiga bulshada reer Bandiiradleey uu gaarsiiyay in magaalada ay noqato mid la tar tami karta deegaanada waa weeyn ee dalka.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRobert Mogabe oo iscasilay

storvideo: 

Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe oo iscasilay

$
0
0

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.
Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaaray go'aankas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Kudhawaaqidan layaabka leh ayaa timid iyadoo xildhibaannadu ay ka doodayeen mawshin xilka lagaga xayuubin lahaa.
Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.
Awoodda ayuu soo hayay tan iyo 1980.
storvideo: 

Over 100 Shabab Militants Killed in U.S. Airstrike in Somalia

$
0
0

The United States military killed more than 100 people identified by the Pentagon as being affiliated with the Islamic militant group Shabab, continuing a stepped-up pace of strikes against targets in Somalia, officials said Tuesday.
The United States Africa Command said in a statement that the airstrike was carried out 125 miles northwest of Mogadishu, the Somali capital. The strike comes after President Trump relaxed restrictions on American military commanders in Somalia.
Separately, United States Africa Command also said that it conducted two airstrikes in Libya against Islamic State militants, on Friday and Sunday. Defense officials did not say how many people were killed in those strikes.
The Trump administration has stepped up its campaign to defeat the Shabab, the group responsible for the 2013 attack on the Westgate mall in Nairobi, Kenya.
The siege on the upscale mall, where dozens were killed, heightened American concerns that the Shabab’s desire to inflict casualties extended beyond Somalia.
For more than a decade, the United States has been trying to fight the Shabab through economic sanctions, missile strikes, and commando raids.
In 2014, former President Barack Obama increased efforts, and an American drone strike killed the leader of the Shabab, Ahmed Abdi Godane, one of the most wanted men in Africa at the time.
But the organization has come back and continues to prove itself to be a potent and resilient killing force.
In the past year the Pentagon has doubled the number of troops in Somalia to about 500, many of them Special Operations forces dispatched to train and advise Somali army and counterterrorism troops, and to conduct clandestine kill-or-capture raids of their own.
The post Over 100 Shabab Militants Killed in U.S. Airstrike in Somalia appeared first on Shabelle.


Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi

$
0
0

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaayo ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo ayaa sidoo kale Shacabka Somaliland iyo xisbiyada siyaasadeed ku amaanay sida quruxda badan ee ay u dhacday doorashadii Somaliland.
"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed." ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa balanqaaday inuu si dhaw ugala shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargalinta wada-hadalladii hakadka galay ee u socday dawladda federaalka iyo Somaliland. Asagoo arintaasi ka hadlayana wuxuu yiri Farmaajo, "Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka."
storvideo: 

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ansixiyey Qaraar...

$
0
0

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa Salaasada Maanta ansixiyey qaraar ku baaqaya in tallaabooyin adag la qaado si looga hortago tahriibinta dadka iyo addoonsiga casriga ah dhammaan daafaha caalamka.
Qaraarkan ayaa waddamada caalamka ku boorrinaya in la dhaqan-geliyo xeerarka la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo in dadaal badan la geliyo sidii loo xaqiijin lahaa burburinta iyo kala-furidda shabakadaha addoonsiga ee caalamka.
Dhammaan 15 xubnood ee Golaha Amniga QM ayaa anixiyey qaraarka,waxayna sheegeen in ay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo arrintaas. Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha u sheegay in horumarka caalamka lagu xoojin karo la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo addoonsiga.
Guterres ayaa ku baaqay in la caawiyo muhaajiriinta caalamka,sidoo kalena la ilaaliyo qaxootiga ku sugan waddamada colaaddu ragaadisay,sida Libya ee u nugul addoonsiga. Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada dhowaan ayaa muujiyey soogalooti Afrikaan ah oo lagu iibinayo dalka Libya."maalmihii u dambeeyey waxaa argagax nagu beeray sawirada ka imaanaya dalka Libya ee muujinaya Afrikaanka la xaraashayo sidii badeecadaha. Waa mas'uuliyadeenna wadareed inaan joojinno denbiyadaan.It is our collective responsibility to stop these crimes",ayuu yiri Guterres.PUNTLAND POST
The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ansixiyey Qaraar cusub. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Over 100 Shabab Militants Killed in U.S. Airstrike...

$
0
0

The United States military killed more than 100 people identified by the Pentagon as being affiliated with the Islamic militant group Shabab, continuing a stepped-up pace of strikes against targets in Somalia, officials said Tuesday.
The United States Africa Command said in a statement that the airstrike was carried out 125 miles northwest of Mogadishu, the Somali capital. The strike comes after President Trump relaxed restrictions on American military commanders in Somalia.
Separately, United States Africa Command also said that it conducted two airstrikes in Libya against Islamic State militants, on Friday and Sunday. Defense officials did not say how many people were killed in those strikes.
The Trump administration has stepped up its campaign to defeat the Shabab, the group responsible for the 2013 attack on the Westgate mall in Nairobi, Kenya.
The siege on the upscale mall, where dozens were killed, heightened American concerns that the Shabab's desire to inflict casualties extended beyond Somalia.
For more than a decade, the United States has been trying to fight the Shabab through economic sanctions, missile strikes, and commando raids.
In 2014, former President Barack Obama increased efforts, and an American drone strike killed the leader of the Shabab, Ahmed Abdi Godane, one of the most wanted men in Africa at the time.
But the organization has come back and continues to prove itself to be a potent and resilient killing force.
In the past year the Pentagon has doubled the number of troops in Somalia to about 500, many of them Special Operations forces dispatched to train and advise Somali army and counterterrorism troops, and to conduct clandestine kill-or-capture raids of their own.
storvideo: 

Cirro oo aqbalay natiijada doorashada

$
0
0

Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa'id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.

Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi

$
0
0

Kn: Cabdiraxmaan Cirro ayaa goordhawayd shaaciyay inuu aqbalay natiijadii ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka Somaliland asagoo xeerinaya nabadda, xasiloonida iyo wadajirka shacabka Somaliland.
Cirro ayaa sheegay in wax kasta oo uu tabanayay uu uga tanaasulay danta guud iyo wadanoolaanshaha, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo dhibaatooyin horseedi kara barakac iyo dhimasho aan loo baahnayn. "dalkayga u burburin mayo damacayga" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisa hoga tusaalaynayay inay dantu ku qasabtay inuu dalku burburo oo uu tanaasuliwaayo iyo dalku sii dhisnaado oo uu tanaasulo dulmi kasta oo lagula kacayba, sidaas darteedna uu doortay inuu tanaasulo oo dalku sii dhisnaado.
Go'aanka Cirro uu ku aqbalay natiijada ayaa waxaa soo dhaweeyay guud ahaan Soomaalida caqligeedu fayowyahay, waxayna Cirro u arkaan halyay maadaama uu qaatay go'aan geesinimo, wadaninimo iyo mid dad iyo dal jacayl ku dheehanyahay.
Aqbalaadda Cirro, waxay meesha ka saaraysaa baahitaanka rabshado ay horboodayaan dhalinyaro xamaasadaysan iyo waliba in madaxweynaha la doortayi aysan wakhti kaga lumin is jiid-jiid ee horay uu ka hawlgalo.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live