Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cirro oo aqbalay natiijada doorashada

$
0
0

Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa'id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.
Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen "is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay".
Waxa kale oo uu Cirro sheegay in "taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan", waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay "cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan" in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin.
Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi "waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland" waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi "waxaan go'aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo".
storvideo: 


UNHCR oo dhaqaale u ururinaysa qaxootiga Afrika

$
0
0

Hey'adda qaxootiga QM ee UNHCR ayaa bilowday dhaqaale ururin loo sameynayo guud ahaan qaarada Afrika.

Muuse Biixi iyo Siyaasiyiinta Majeerteen

$
0
0

21st November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Saxaafadda iyo Siyasiyiinta Majaeerteen ma Mujrimkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Muuse Biixi ayeey maanta Mujaahid ku sheegeen.
Maalmo ka hor, Mujrimka gacan ku dhiiglaha ahaa Muuse Biixi, ayaa isaga oo la hadlaya Beesha Daarood waxa uu ku khudbadeeyey "taariikhadayada awoowayaashiin ayaa yaqaana ee soo Waydiiya". Ma jirin taariikh uu awoowayaashiis lahaayeen ee la garanayo, ee qura wxuu ka hadlayey Dumar iyo caruur ka soo jeeday beesha Daarood oo aan hubaysnayn oo Jabhaddii SNM uu madaxda ka ahaa ay ku xasuuqeen gobolada Sool iyo Sanaag.
Maanta in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Majeerteen ay isugu hambalyeeyaan in "Mujaahid" Muuse Biixi uu guulaystay, iyaga oo og taariikhdiisa madow iyo danbiyaddiisii dagaal , waa nasiib daro ku habsatan Beeshan oo u af duuban koox yar oo dhaqanka iyo tolnimadu ku yar tahay
Kooxdani, waa kooxda Mucaaradnimada madaxweyne Farmaajo kula saxiibay Waare iyo Xeef oo soo abaabulay shirkii lagu qabtay Kismaayo. Waa kooxda aaminsan in Sool iyo Sanaag lagu daro Somaliland,
Kooxdani, waa kooxda Cabdi qaybdii oo Gacan ku dhiigle ah, dagaal ooge iyo , danbiye dagaal ka sameeyey gobolka Mudug ku maslaxay inay u sameeyaan Maamul goboleedka Galmudug, lacagna ku bixiyaan .
Ugu danbayntii Hooyadii ay dileen jabhadihii SNM iyo USC, oo loo dilay Isirka ay ka soo jeeday oo ahaa Daarood, laguna dilay Xingalool, Xudun iyo Gaalkacayo. Kuwii dilay ma ahayn Mujaahidiin ee waxay ahaayeen mujrimiin. Wxaana ka mid ahaa Siilaanyo, Muuse Biixi, Cabdi qaybdiid iyo Galaal. Kuwa maanta magaca diinta dadka ku dilayaa maaha Mujaahidiin waa Dadqalatooyin.
Sodon sano ka hor nimankan uu Maxamed Mooge iyo Sahro Halgan ay ka mid ahaayeen, ma ku sheegi lahayd Mujaahidiin u dagaalamyey Diinta Islaamka oo la dagaalamyey Gaalo ku noolAYD Sool, sanaag iyo Awdal
[embedded content]
[embedded content]

Soomaalida Neceb Midnimada Somaliya (SNM)

[embedded content]
storvideo: 

Cabdiraxmaan Cirro oo go’aan lama filaan ah ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (- Online) - Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa'id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.
Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen "is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay".
Waxa kale oo uu Cirro sheegay in "taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan", waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay "cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan" in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin.
Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi "waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland" waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi "waxaan go'aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo".
Aqbalaadda Cirro ayaa dad badan ay lama filaan ku noqtay maadaama uu horey u sheegay in doorashada lagu shubtay, waxayse tani muujineysaa inuu danta Somaliland ka horumarinayo tiisa shaqsiga.- OnlineXafiiska Hargeysa-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

R.W ku xigeenka Soomaaliya oo Ammaanay doorashadii...

$
0
0

Shacabka degaannada Somaliland, xisbiyada, hay'adaha amniga iyo madaxda tartantayba ayuu ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Somaliland ay ku dhacday si Cadaalad ah.
Madaxweynaha cusub ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo mideynta Umadda Soomaaliyeed.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Kooxda Alshabaab oo ah koox ka inxiraaftay Diinta Islaamka iskana dhaadhicisay in ay kaligood Muslim yihiin, Soomaalida kalana u haysata dad gaalo ah ama ka ridoobay Diinta Islaamka waxay dalka Soomaaliya lagu arkay markii ugu horaysay sagaashameeyadii.
Waqtigaas waxay ahaayeen in la tirin karo oo gacmaha lagu soo qabqaban karo, haddii lagu dhaqaaqo, laakiin awoodooda xoogga leh waxay la soo baxeen, waagii Maxkamadaha 2006dii.
Waagaas waxay isku dhex qarinayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee la hirgaliyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Iyaga oo ku dhex jira maxkamadaha oo la moodayo in ay maxkamaduhu hal hogaan oo kaliya leeyihiin ayay hoosta ka samaysteen hogaan iyaga u gaar ah.
Taasna waxaa daliil u ah markii ay soo saareen Amaro ad-adag oo aan ka soo baxin Maxkamadihii markaa jiray sida Qaadkii ay kaligood ku gubeen meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Markii la iska waraystay arintaas iyo cidda fulisay amarkaasna waxay si cad oo bareer ah u sheegteen kooxdaan in ay ka madax banaan yihiin Maxkamadihii Islaamiga mana kawar hayn kooxdaan mayalka adag ee sida tooska ah uga amar qaadanaysay dad aan u dhalan dalka soomaaliya oo horay u soo gubay kuna soo caasiyey dalalkooda, dhuumaalaysiga iyo gabaadkana ka soo raadsaday dalkeena.
maalmo ka dib waxay kooxdaani biloowday ugaarsiga ka taqaluska dadka wax galka ah ee Soomaaliyeed kana soo horjeeday mabda'ooda Xaaraanta ah ee ku dhisan gaalaynta dadka Muslimka.
waxay dilal qarsoodi ah oo abaabulan ku sameeyeen dadka u shaqeeya dawladda, saraakiisha ciidanka kuwooda aqoonta milatari leh, aqoonyahanka ummadda, Odayaasha dhaqanka ku adadag iyo cid kasta oo ay is yiraahdaan waxa garan kartaa ujeedooyinkiina.
Waxaa la dilay dad wax u tari lahaa dalkaan haddii ay noolaan lahaayeen, waxay mooraduugeen in badan oo dhaqaale ku filan haysatay, iyaga oo ugu been hawaasaya in dalka soomaaliya ay ka hirgalin doonaan dawlad islaam ah, midkii iska diida fikirkoodaas oo ka dhaga adaygana si sir ah ayay u dileen, kii ka baqay in uu faqriyo wuxuu isaga cararay dalka oo dhan.
Gumad iyo xaalufin kasta oo ay dalka iyo dadka u gaysteen kooxdaan qawlaysatada ah lama waayin weligeed dad kale oo soomaaliyeed oo rayid iyo ciidanba isugu jira oo ka horyimaada mabda'ooda dad laynta iyo boobka ah iskana celiya in kasta oo aan guul laga gaarin kooxdaas dhiigyacabka ah ee inta badan ku dhuunta magaca diinta islaamka.
Waxaa xaqiiq ah in ay kooxdaani ay yaambo iyo katarabiil ay ka dhigteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan wax la barin iyo dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha lagu ciririyey waqtigii dagaalada sokeeye oo uun alshabaab u raacay in ay aargutaan oo kaliya.
Waa Marag ma doonto in qaar ka mid ah soomaalidu ay eedeen taageeradii indhal'aanta ahayd oo ay taageereen Burcad diineedka alshabaab oo meel dadka lagu dhaco ka furtay goobaha ay ka taliyaan Kooxdaan ka soo horjeedda dadnimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed, ka dib markii la wiiqay awoodooda dib ugu soo laabtay kuwii aqoonyaridooda ku taageeray si ay ula cunaan wixii ay haysteen, ugu dambayntiina ka dhigay dad cayr ah oo maanta gobolada dalka iyaggoo waxba heysan ay joogaan.
Hadda ayay dadkaasi ogaadeen in Alshabaab aysan ahayn dad la ah walaal kuwa soomaalida ah ee ku dhex jirana aysan ahayn dad la walaal ah, waase goor ay xeero iyo fandhaal ka dhaceen oo aan waxba loo qaban karin.
Hadda waxaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo dalka ka mid ah ka socda Beegsi qurux badan oo aan waxba lagu yeelaynin dadka weli ku hoos nool Alshabaab, oo uun lagu dilayo Amiirada iyo horjoogayaasha Kooxda, arintaas oo ay fulinayaan Cutubyo ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed iyo dalalka Saaxiibada la ah oo daqiiqad iyo saacad kasta lagu qaarjinayo xubno sar sare oo qawlaysatada Alshabaab ka tirsan.
Qaar laga soo qabtay iyo qaar kale oo iska soo dhiibay oo u waramay warbaahinta ayaa laga soo xigtay in lagu qalday Diinta islaamka oo aysan aqoon fara badan u lahayn islamarkaana ay run moodeen, waxay intaasi raaciyeen in ay maanta ka shalaayayaan wixii ay Soomaalida kale u gaysteen.
Waxaa hubaal ah in laynta maanta lagu hayo Alshabaab iyo weerarada isdaba joogga ah oo ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid looga adkaado qawlaysatada Alshabaab isla markaana ay mahadin doonaan soomaalida oo dhan.
Waxaan marnaba la iloobi doonin Baaqii Dhaxal galka ahaa ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib markii uu ka xumaaday dhacdadii 14kii octoobar ee alshabaab ay naftooda ku gooyeen in ka badan 400 oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, baaqaas oo ahaa mid uu madaxweynaha si cad uu ugu sheegay in kooxdaas iyo falalkoodaan loo sii dul qaadan doonin dagaal midaysana ay ku qaadi doonaan dawladda iyo dadka Soomaaliyeed iyaga oo aan u kala harin.W/D:- Tifaftiraha wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA
storvideo: 

Akhriso: Ajendayaasha kulanka Golaha Shacabka ee...

$
0
0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamuuriyadda Soomaaliya oo ay horyaalaan Ajandayaal muhiim ah ayaa maanta leh kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo isugu jira ansixin iyo akhrinta Hindise Sharciyeedyo. Warar ay Warbaahinta Qaranka ka heleyso xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Ajandaha xildhibaanada maanta uu yahay sida tan. 1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018 2:Akhrinta1-aad hindise [...]
storvideo: 

Puntland oo Dowladda Itoobiya la gashay heshiisyo ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Adis Ababa (Caasimadda Online) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Heshiis dhinacya badan taabanaya ay la saxiixatay maamulka 'Puntland' ee kajira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ay labada dhinac ku saxiixeen Heshiis dhowr qodob ka kooban kaasi oo dan u ah dowladda Xabashida Itoobiya.
Maamulka Puntland waxaa metelayay Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha maamulka halka Itoobiya uu heshiiska usaxiixay Haillameram oo ah R/wasaaraha wadanka.
Heshiiska qodobada udub dhaxaadka u ah waa ladagaallanka Xarakada Al Shabaab oo ah Koox Argagaxiso iyo adkeynta amniga labada dhinac, sidoo kale warka kasoo baxay Itoobiya ayaa lagu yiri "labada dhinac waxay ku heshiiyeen iskaashiga ladagaallanka Argagaxisada, isweydaarsiga ganacsiga,adkeynta xuduudda labada dal wadaagaan iyo dhaxgalka labada shacab"!.
Cabdi Wali Gaas oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay Addis Ababa uu ahaa mid guuleystay, heshiiskan uu maamulka 'Puntland' lasoo galay dowladda Itoobiya ayaa khilaafsan qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ku dhaxmaray Muqdisho oo dhigayay in dowladda dhexe ay leedahay wada xaajoodka siyaasadda arrimaha dibadda.
Itoobiya ayaa awood siyaasadeed iyo melleteri ku leh dalka Soomaaliya kadib markii ay ciidamadeedu qabsadeen dhowr magaalo oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka islamarkaana ay dhisatay maamul goboleedyo iyada uceynsan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Emirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu...

$
0
0

Wixii ka dambeeyey iscasilaadii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mogabe waxaa sii kordhayay dabaal degyada ay sameynayaan dadweynaha wadankaasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin wareejinta Awoodda oo uu sameeyay madaxweyne Mogaabe.
Xalay ilaa iyo maanta magaalooyinka waaweyn ee Dalka Zimbabwe waxaa ka soconaya dibadbaxyo nabadeed oo siweyn loogu soo dhaweynayo go'aankii Mogabe uu qaatay,xili ay jireen xisado siyaasadeed iyo cabsi dadku ay qabeen,waddooyinka magaalada Haraare ee xarunta Dalkaasi waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan.
Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaaray go'aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.
Waxaa uu horey u diiday Mugabe in uu xilka iska casilo, ka dib markii ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore,waxaana ilaa xiligaasi soconayay dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa kacdoonka siyaasadeed ee taagna,kaasi oo ugu dambeyntii soo gunaanuday iscasilaadii Madaxweyne mogabe.
Theresa May oo ah Ra'iisul Wasaarah Britain ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.
Sidoo akle Waxay sheegtay in Britain oo ah "saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe" in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.
Madaxweynaha xilka ka degay ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.
Waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi si KMG ah Emirson Mnangagwa oo ah ku xigeenkii Robert Mogaabe oo horey xilka looga ereyay.
storvideo: 

President Farmajo congratulates Muse Bihi on his election

$
0
0

The president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has congratulated the new president-elect of the self-declared state of Somaliland, Muse Bihi Abdi on his election.
In a statement released on Tuesday, President Farmajo expressed his optimism and belief in Somaliland’s new leadership.
Somali President has praised the people of Somaliland, political parties, and security agencies for realizing to hold a peaceful and democratic Presidential poll on Nov 13.
The President has assured to working with the new leader of Somaliland Muse Bihi Abdi to resume the stalled talks between Somalia and the northern breakaway state.
On Tuesday, Somaliland’s election body declared Musa Bihi Abdi, former Air Force pilot and rebel commander as the 5th President of the state with more than 55% of the vote.
The election was marred by protests in Somaliland’s capital Hargeisa, a well as the cities Burao and Erigavo, as the opposition party, Waddani, accused the election commission of vote rigging. At least two were killed in clashes with security.
Somaliland declared unilateral independence from Somalia in 1991.
The post President Farmajo congratulates Muse Bihi on his election appeared first on Shabelle.

Ku xigeenka G.Banaadir oo xariga ka jaray Dugsi lagu...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Ku xigeenka G.Banaadir oo xariga ka jaray Dugsi lagu baranayo Computer-ka +Sawirro
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleEmirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu katagay Robert Mogabe

storvideo: 

President Farmajo congratulates Muse Bihi on his...

$
0
0

The president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has congratulated the new president-elect of the self-declared state of Somaliland, Muse Bihi Abdi on his election.
In a statement released on Tuesday, President Farmajo expressed his optimism and belief in Somaliland's new leadership.
Somali President has praised the people of Somaliland, political parties, and security agencies for realizing to hold a peaceful and democratic Presidential poll on Nov 13.
The President has assured to working with the new leader of Somaliland Muse Bihi Abdi to resume the stalled talks between Somalia and the northern breakaway state.
On Tuesday, Somaliland's election body declared Musa Bihi Abdi, former Air Force pilot and rebel commander as the 5th President of the state with more than 55% of the vote.
The election was marred by protests in Somaliland's capital Hargeisa, a well as the cities Burao and Erigavo, as the opposition party, Waddani, accused the election commission of vote rigging. At least two were killed in clashes with security.
Somaliland declared unilateral independence from Somalia in 1991.
storvideo: 

US says Somalia airstrike killed more than 100 Al Shabaab members

$
0
0

U.S. forces on Tuesday conducted an airstrike in Somalia against an al-Shabaab camp, killing more than 100 militants, U.S. Africa Command (Africom) said in a statement.
In coordination with the Federal Government of Somalia, the strike happened at 10:30 a.m. local time about 125 miles northwest of Mogadishu, the country’s capital.
“Al-Shabaab has pledged allegiance to al Qaeda and is dedicated to providing safe haven for terrorist attacks throughout the world,” Africom said in a statement that has been used in the past as the United States ramps up airstrikes in the country.
“Al-Shabaab has publicly committed to planning and conducting attacks against the U.S. and our partners in the region.”
The U.S. military has roughly 500 troops in Somalia, double the number of forces from a year ago. The United States also has two new military headquarters in Mogadishu.
New authorities granted to the commanders by President Trump in March has given Africom more authority to conduct airstrikes and raids against the al Qaeda-affiliated al-Shabaab. Before, they were only allowed to carry out strikes in defense of partnered forces.
The United States for the first time earlier this month used the new authorizations to conduct airstrikes in Somalia against Islamic State in Iraq and Syria (ISIS) militants.
“U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats,” Africom stated.
The post US says Somalia airstrike killed more than 100 Al Shabaab members appeared first on Shabelle.

US says Somalia airstrike killed more than 100 Al...

$
0
0

U.S. forces on Tuesday conducted an airstrike in Somalia against an al-Shabaab camp, killing more than 100 militants, U.S. Africa Command (Africom) said in a statement.
In coordination with the Federal Government of Somalia, the strike happened at 10:30 a.m. local time about 125 miles northwest of Mogadishu, the country's capital.
"Al-Shabaab has pledged allegiance to al Qaeda and is dedicated to providing safe haven for terrorist attacks throughout the world," Africom said in a statement that has been used in the past as the United States ramps up airstrikes in the country.
"Al-Shabaab has publicly committed to planning and conducting attacks against the U.S. and our partners in the region."
The U.S. military has roughly 500 troops in Somalia, double the number of forces from a year ago. The United States also has two new military headquarters in Mogadishu.
New authorities granted to the commanders by President Trump in March has given Africom more authority to conduct airstrikes and raids against the al Qaeda-affiliated al-Shabaab. Before, they were only allowed to carry out strikes in defense of partnered forces.
The United States for the first time earlier this month used the new authorizations to conduct airstrikes in Somalia against Islamic State in Iraq and Syria (ISIS) militants.
"U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats," Africom stated.
storvideo: 

Wasiirkii Horee Wasaaradda Caafimaadku Wuxuu...

$
0
0

Wasiirkii Horee Wasaaradda Caafimaadku Wuxuu Uumiyuhu Uga Marag-kacayaa Inuu Ahaa Wasiir Qaran Oo Kasbaday Kalsoonidii Shacabka Somaliland.
Dr. Xusseen Muxumed Maxamed
Wasiirkii caafimaadkii hore Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen Xoog).
Wuxuu ahaa wasiir ku sifoobay waxqabad muddo xileedkii uu xilka ka hayay wasaaradda caafimaadka.
Wasiir xusseen xoog waxay Somaliland uga marag-kacaysaa inuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee abid soo mara JSL. Uguna waxqabadka badnaa. Wuxuuna ahaa wasiir ay ka go"antahay wax u qabadka bulshadiisa.
Dr. Xusseen xoog wuxuu ahaa wasiirkii markii laga qaaday xilkii uu u hayay wasaaradda caafimaadka ay dhammaan bulshooyinka ku nool gobolada dalku ay dhamnaantood u wada ooyeen xil ka qaadistiisa.
Waxa laga hayay wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waligay masuul aan ka naxo xil ka qaadistiisa wuxuu ahaa Dr. Xusseen xoog.
Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen Xoog). Wuxuu rabbi ku galaday:-
$?. Masuuul-nimo
$?. Waxqabad
$?. Aqoon
$?. Lilaahinimo
$?. Xalaal Miirad
$?. Alle Aqoon &
$?. Shaqadiisa oo uu garanayay.
Anigu shakhsiyan waxaan ahaa shaqaalihii wasaaradda caafimaadka xiligii uu wasiirka ahaa waxaanan markhaati ka ahay inuu xalaal miirad aanay u gabban waslad xaaraani.
Waxaan markhaati ka ahaa marka ay cidi soo martido wuxuu u diri-jirey meheraddiisa, oo walaahi shilin qaranku leeyahay inaanu wali cid ku marti qaadin.
Intii uu wasaaradda joogay waxyaalaha aan ku xasuusto waxa ka mid ahaa:-
. Keenista mishiinka kelyaha lagu sifeeyo oo maanta aynu wada ognahay sida loogu aayay.
. Keenista mishiinka quality control-ka oo ilaa maanta ku xidhan makhsinkii la dhigay maalintii la keenay.
. Dhakhtarada gobolada dalka oo dhan oo uu ku wareejiyay haayado caalamiya oo qof waliba uu markhaati ka ahaa. Faa"iidadii ka soo hoyatay-na la wada arkayay.
Bini-aadamku way iska maseyr badanyihiin dadka inta isku xirfadda ahina way iskugu Sii Darabyihiin. Oo Waxa Dhacday Xiligii Uu Wasiirka Caafimaadka ahaa inay gabi ahaan-ba ka digo rogtaan dhakhaatiirtii waaweynayd cisbatalka weyn ee magalaada hargeysa iyagoo furtay dhakhtarka gaara oo la magac baxay Gar-gaar hospital si ay sxb-kood Dr. Xusseen Xoog dhabarka uga jabiyaan. Laakin nin alle wakiishay ma iisho oo W
Wuxuu ka hawl-galay keenista dhakhtaro ajanibiya sida dhakhtarka Ruushka ah ee ilaa maanta jooga cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa oo wlhi mushaharkiisa uu siin jirey dhakhtarka Ruushka ah.
Waxqabadka Dr. Xusseen xoog halkan kuma soo wada koobi karo. Laakin la soco qaybaha denbe.
Sababihii keenay xil ka qaadistiisa waxa ugu weynaa;

  1. Shaqadiisa oo uu ku eekaaday
  2. Cagta oo uu ku badin waayay xarunta madaxtoyada.
  3. Keenis la"aant xanta xaafadda
  4. Abtinimada Muuse Biixi Cabdi hi u ahaa.
  5. Wasaaradda oo uu ka masruufi waayay deegaanka uu ka soo jeedo.
  6. Gudidii reerka ee xiligaa oo uu gacanta u sii daayay.

Waxaan ku soo af-meerayaa;
. Wasiirada wacnaa jiray& ragay warisay taariikhdu.
. Wax qabad lama qarshee Annaa qiray wanaagiise.
. Wasiir xoog caafimaadkii Inuu tabay
Miyaa laga waliil gooyey.
. Waafi noqo rag-baa reeruhu kala wanaag roonye.
. wax ma sheegin kuwii lahaa Shalay
Maanta laga wareer-gooye.
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii : Gar. Keyse koosaar.
storvideo: 


Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda oo Hortagay Golaha Shacabka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa shir guddoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa horyimid Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”, kaas oo xubnaha Baarlamaanka u akhriyay Sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga xakameynta Hubka wax dila.
Ugu horreyn Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Sharciyadan ay muhiim yihiin, si wax looga qabto guud ahaan xaaladaha amni ee Dalka.
Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta  Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay soo jeedintii Guddiga Maaliyadda ee ku saabsanaa dib u eegista Canshuurta Gunooyinka ee ku noqoshada Miisaaniyadda Qaranka Sanada 2017.
Waxaana soo jeedintaasi ogolaaday 149 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 3 Mudane, ma jirin wax diiday, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka.
Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Baarlamaanka Ansixinta soo jeedinta Guddiga Maaliyadda ee ku saabsaneyd dib u eegista Canshuuraha Gunooyinka ee ku noqoshada Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.
The post Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda oo Hortagay Golaha Shacabka appeared first on Shabelle.

Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda oo Hortagay Golaha...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa shir guddoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa horyimid Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow "Ducaale", kaas oo xubnaha Baarlamaanka u akhriyay Sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga xakameynta Hubka wax dila.
Ugu horreyn Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Sharciyadan ay muhiim yihiin, si wax looga qabto guud ahaan xaaladaha amni ee Dalka.
Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay soo jeedintii Guddiga Maaliyadda ee ku saabsanaa dib u eegista Canshuurta Gunooyinka ee ku noqoshada Miisaaniyadda Qaranka Sanada 2017.
Waxaana soo jeedintaasi ogolaaday 149 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 3 Mudane, ma jirin wax diiday, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka.
Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Baarlamaanka Ansixinta soo jeedinta Guddiga Maaliyadda ee ku saabsaneyd dib u eegista Canshuuraha Gunooyinka ee ku noqoshada Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.
storvideo: 

Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay 100 Dagaalyahan oo Al-Shabab ah

$
0
0

Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka ah oo ay dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada al-shabab, meel ka tirsan gobolka Bay.

Shirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta...

$
0
0

DUBAI(SONNA)Adeegga caalamiga ee maal gelinta yar yar ee Kaah (KIMS) ayaa loo magacaabay ku guuleystaha abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed (EFICA AWARD) ee wareegga 2017, taasoo ah abaal marin sanadeed aad u sharaf badan oo ay isla qaban qaabiyaan Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi (ADIB). Abaal marinta ayaa lagu aqoonsadaa "xalka ugu wanaagsan ee la fullin karo horumarinta dhaqan wanaagga maaliyadeed ee caalamiga ah"
Seddexda isu soo hartay ee kala ah shirkadda maamulka hantida ee Arabesque ee fadhigeedu yahay Ingariiska, (UK-based asset management firm Arabesque), sanduuqa keydka howl gabka ee Malaysia (Malaysia's retirement savings fund) iyo Kaah International Microfinance Services (KIMS) ayaa guddi ka kooban khuburo anshaxa maaliyadeed ka dhax doorteen in ka badan boqol tartame oo ka kala yimid dhamaan daafaha dunida.
Kadib markii la dhageystay daawadayaal 450 ah oo kasoo qeyb galay xaflada casha sharafta ah ee EFICA Gala, waxaa codka aqlabiyadda ee kasoo qeyb galayaasha ku guuleystay KIMS, iyadoona heshay abaal marinta ugu sareysa ee Boqol kun oo doolar ($100,000).
KIMS waa hay'adda kaliya ee gaarka loo leeyahay oo si xirfadaysan uga shaqaysa bixinta adeegga maal gelinta yar yar, iyadoona ganacsiyada yar yar ee Soomaaliyeed siineysa maal gelinta iyo keydinta yar yar ee mas'uuliyadda ku dhisan; isla markaana shareecada waafaqsan.
Tan iyo markii la bilaabay 2014kii, waxey KIMS maal galisay 8,000 oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti soo laabtay, barakacayaal gudaha lagu bara kiciyay (IDPs) iyo qeybo kale oo halis ugu jiray in ay dalka uga tagaan shaqo la'aan u fidisay maal gelin noloshooda wax ka badashay oo gaareysa $8 million.
Isagoo faallo ka bixinayo ku guuleysiga abaal marinta EFICA, Guddoomiyaha KIMS mudane Mustafa Ali, ayaa wuxuu yiri "waan ku faraxsanahay in dadaaladeena aan ku caawineyno dadka ugu nugul Soomaaliya caawa la aqoonsaday. Abaal marinta EFICA ee KIMS waxey aad muhim ugu tahay cadeynta in aan ku taaganahay wadada saxda ah, waxeyna nagu dhiiri gelineysaa in aan sii ballaarino dadaalkena"
Justin Sykes, oo xubin ka ah guddiga maamulka ee KIMS ayaa ku amaanay qaban qaabiyeyaasha EFICA Award in ay kor u qaadeen mabaadi'da anshaxa iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed, wuxuuna yiri " ku guuleysiga abaal marintan waxey ka tarjumeysaa aqoonsiga sii kordhay ee baahida loo qabo xalalka mudada fog ee ku saleysan suuqa ee wadamada nugul iyo kuwa khilaafaadku saameeyay.
Wuxuu barnaamijka KIMS ee maal gelinta ganacsatada yar yar iyo kuwa dhax dhaxaadka ah (SME) awood u siiyay bulshada nugul in ay noqdaan jilayaal dhaqaale. KIMS ayaa sii wadi doonta sare u qaadida awoodeda waxeyna kordhineysaa adeegyada maaliyadeed si ay shacabka Soomaaliyeed ugu xaqiijiso in ay helaan ilo dakhli oo waara".
Cabdullaahi Cawad oo ah Agaasimaha Maamulka KIMS ayaa yiri " Sharaf ayey noo tahay in aan ku guuleysanay abaal marinta EFICA, waxaana Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi uga mahad celineynaa fursadda ay kusoo bandhigeen adeegyada maaliyadeed oo casriga ah oo lagu hogaaminayo mabaadi'da dhaqan wanaag ah isla markaana lagu kicinayo dadka ugu nugul faqriga laguna abuurayo dib usoo kabasho dhaqaale".
Inta lagu guda jiray abaal marinta EFICA AWARD, KIMS waxey soo bandhigtay qorshaheeda ay wax ugu qabaneyso dadka dhaqaalohoodu hooseeyo oo ay ka mid yihiin qaxootiga ku soo laabtay dalka guud ahaan gaar ahaana magaalo xeebeedka Kismayo ee koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ka yimid xerada qaxootiga UNHCR ee Dadaab iyagoo intooda badan labaatameeyo sano dalka ka maqnaa.
KIMS waxey xaqiijisay in lacagta abaal marinta EFICA AWARD ay u adeegsan doonto in ay tababaro iyo maal gelino nolosha wax ka badala ku bixin doonto si ay 100 qof oo dheeraad ah ugu caawiso in ay bilaabaan mashaariic ganacsi.
storvideo: 

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda F. S. oo...

$
0
0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Prof: C/llaahi Sheekh Cali "Qalloocoow" iyo mas'uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa maanta dhagax dhigay xarun la doonayo in uu ku shaqeeyo Maamulka Dagmada Galkacyo ee Puntland, iyadoo dhismaha xaruntaan uu qeyb ka yahay Mashaariicda horumarineed ee ay wasaaradda maaliyaddu ka waddo Goballada Dalkeenna. [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>