Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Puntland, ayaa maanta dhagax dhigay xarun la doonayo in ay ku shaqeeyaan Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Puntland, dhismaha xaruntaan ayaana Qeyb ka ah Mashaariicda horumarineed ee ay wasaarada maaliyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka wado GobaladaDalka.
Munaasabada Dhagax dhiga xarunta Degmadda Gaalkacyo ee puntland, ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Duqa dagmadda Galkacyo, Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey, waxaana uu sheegay in ay aadugu faraxsan yihiin in loo dhiso xarun cusub oo uu yeesho maamulka degmadda, maadaama tii horay ay ugu shaqeeyn jireen ay ku bur burtay weerar kooxda argagixisidaa ee Al shabaab ay ku qaadeen xaruntoodii iyo goobo ay lahaayeen dad shacab ah, isagoona sidoo kale uga mahad celiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dadaalka ay wado.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow, ayaa ugu danbeyntii goobta dhagax dhiga kula hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in dhismaha xarunta dagmada Gaalkacyo ee Puntland ay qeyb ka tahay mashruucyo horumarineed oo ay wasaaradda Maaliyadu ka wado qaar ka mid ah Gobalada Dalka
wasiirka, ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer galkacyo in ay hormuud ka noqdaan sara u qaadista horumarka iyo ammaanka Gobolka Mudug.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed

storvideo: 


Deg deg: Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa goordhow Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka galmudug.
Marxuumka ayaa waxa uu ku dhaawacmay rasaas lagu furay Gaari uu watay xili uu marayay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zayidka ee Magaalada Muqdisho kadibna uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Rasaasta ku furay Gaariga Xildhibaanka ay ka mid yihiin Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya in kastoo aanan weli Magaciisa la helin.
Weli macada sababta ka dambeysa rasaasta lagu furay Gaariga xildhibaanka,waxaana Warar ay sheegayan in ay kala shakiyeen.
la soco Faahfaahinta oo dhameystiran goor dhow
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maraykanka ay ka...

$
0
0

dowladda Somaliya ayaa Arbacada Maanta sheegtay in ay iyadu codsatay weerarkii shalay Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya,kaasoo lagu dilay in kadan 100 dagaallame oo ka tirsan mindiinta Al-shabaab.
salaasadii shalay, Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in ay duqeyn ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab,xero ku taalla meel 200km Waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho."Xagjiriinta ayaa diyaarinayay walxaha qarxa iyo weerarro. Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la kordhiyay,"ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, Wasiirka warfaafina Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda Wararka Reuters,wuxuuna raaciyey"Maraykanka waxaan weydiisannay in ay hawada naga caawiyaan si hawlgallkeenna dhulku u noqdo mid guulaysta".Faahfaahin goor dhow: puntlandpost.net
The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maraykanka ay ka codsatay duqeyntii shalay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay 100 Dagaalyahan oo Al...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka ah oo ay dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada al-shabab, meel ka tirsan gobolka Bay.
Hadalkaasi ayaa waxaa shaaciyay Taliska Howlgalka Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM).
Saraakiil Milatary ayaa u sheegay VOAda in Duqeyntii dhacday Talaadadii shalay ay beegsatay xero tababar oo ay Al-shabab ku laheyd Gobolka Baay, deegaan qiyaastii 200 kilomitir u jira magaalada Mudisho, oo ay dadka deegaankuna sheegeen inuu u dhaxeeyo Buur-Hakaba iyo Diinsoor.
Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa duqeyntan ka wareystay, Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Ibrahim Nuur.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:04
0:00:00 /0:03:04
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Sida uu u Dhacay Dilka Xildhibaan Madoobe iyo...

$
0
0

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay dil ilaaladiisa ay u geysteen mid kamid ahaa Xildhibaanada baarlamanka Maamulka Galmudug oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Abuukaate ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay kadib markii gaariga Xildhibaanka uu watay uu kusoo dhawaaday gaarigiisa islamarkaana ay ka shakiyeen ilaaladisa taasina ay keentay dilka loo geystay xildhibaanka ka tirsanaa baarlamanka Galmudug oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe).
"Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuumka, si ay u istaajiyaan isagana waa uu diiday, bastooladd uu watay ayuu nagu soo riday, kadib ilaaladeyda ayaa rasaas ugu jawaabay" ayuu intaasi raaciyay.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay in askariga xabadda ku riday xildhibaanka iyo qorigiisa in la geeyay xarunta dambi baarita ee CID-da si baaritaano loogu sameeyo.
storvideo: 

Taliyihii Ka Dambeeyey Xasuuqii Loo Geystay...

$
0
0

Taliyihii hore ee Ciiddanka Serbia, Ratko Maladij ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Caalamiga ee qaadaysa Dembiyadda Dagaalka ee ka dhacay dalkii la oran jirey Yogoslavia, oo ku taalla magaalladda Hayg ee dalka Holland.
Eedeysanaha oo 74-jir ah waxaa lagu xukumay Xabsi Daa'in, kadib, markii lagu helay falkii lagu xasuuqay 8,000 oo rag ka tirsanaa Muslimiinta Bosniya oo lagu dilay magaalladda SERBENIIJA.
Garsooraha Maxkamadda, Alphons Orie ayaa sheegay Kooxihii dilalkaasi ka geystay magaalladdaSEBRANIIJA qorsheynayeen inay wada dilaan Muslimiintii halkaasi ku noolayd.
Garsooruhu waxa kale oo xukmiyey inuu , Ratko Maladij shaqsi ahaan mas'uul ka ahaa Duqeyntii iyo Toogashadii dadkii lagu dilay magaalladda SARAJEEFO.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ganacsade Carbeed Maxamed Sicid Maxamed Al Caamir,...

$
0
0

Muwaadinkii Carbeed ee ugu Horeeyay Oo u Dhashay Emaraadka Carabta, Ganacsade Maxamed Sicid Maxamed Al Caamir, Ayaa Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md Muuse Bixii Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici.Maxamed Seef Maxamed Al Caamir, oo kamid ah Ganacsatada Wadanka Isutaga Emaraadka Carabta Oo kamid ah Muwaadiniinta Emaraadka Carabta ee Taageerada La Garab istaaga Bulshada Reer Somaliland, Gaar ahaana Gobolka Maroodijeex Hore ugu Caawiyay Dirayska Ciyaartooyda Agab Isboorti oo Tiro badan Isla markaana Sidoo kale ka Qayb qaatay Dhismayaasha Masaajidada Dalka.Ganacsadahan u Dhashay Wadanka Imaaraadka ee Maxamed Seef Maxamed Al Caamir, ayaa Waxaa uu Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah usoo Diray Guud ahaanba Shacabka JSL Sidii Habsamida Nabad Gelyada iyo Dimuquraadiyada ahayd ee ay usoo Doorteen Hogaanka Dalka ee Shanta sano ee Soocota.Muwaadinkan oo Noqonaya Ninkii ugu Horeeyay ee Emarati ah ee Soo Hambalyeeyay Shacabka JSL Ayaa Dhinaca kale Hambalyo Bogaadin iyo Duco u Soo Diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaciil Saylici Isagoo Ilaahay Uga Baryay inuu Xilkaasi Loo Doortay u Fududeeyo Masuuliyiinta Cusub.
Maxamed Seef Maxamed Al Caamir,Alla Mahad Leh.
storvideo: 

Soomaali loogu doortay Xildhibaano Dalka Denmark.

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Copenhagen ( Caasimadda Online) - Labo ka mid ah Soomaalida degan dalka Denmark ayaa loo doortay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalooyinka Copenhagen iyo Odensa.
Labada Xildhibaan ee la doortay ayaa la kala yiraahdaa Ibrahim Dhaqane oo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Denmark iyo Abdinur Adan Hire oo loo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Odense oo ah Magaalada 3aad ee ugu weyn Dalka Denmark.
Xildhibaan Ibrahim Dhaqane ayey tahay Markii 3aad ee loo doorto Golaha Deegaanka Magaalada Copenhagen arintaasoo lagu tilmaamay dib u doorashadiisa inay ku timid wax u qabashada Soomaalida degan Magaalada Copenhagen.
Xildhibaan Abdinur Aadan Hire ayaa markii koowaad loo doortay Golaha Deegaanka Odense balse waxaa ay dadka soomaaliyeed ee Degan Magaaladaasi ay sheegeen inuu wax badan u qabtay intii uu ka shaqaynayey dawladda Hoose ee Odense.
Doorashada Labada Xildhibaan ee Golaha Deegaanada Copenhagen iyo Odense loo doortay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayey Guul u tahay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Degan Denmark.
Talaabadan ayey ku tilmaameen dadka degan Dalka Denmark inay tahay talaabo hore loogu qaaday arimaha Siyaasada Yurub.
Inkastoo ay jiraan Muwadiniin Soomaaliyeed oo Jagooyin Waaweyn ka qabtay Wadamo kala duwan oo Caalamka ah haddana arintan waxa ay ka sii qayb qaadanaysaa Doorka ay Soomaalidu ku yeelanayso arimaha Siyaasada dalalka Yurub.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


DHAGEYSO:-WARKA HABEEN EE RADIO SHABELLE 22-11-2017

Caro ka dhalatay nin Israa’iili ah oo isku soo...

$
0
0

Waxa uu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen "kalgacayl iyo maxabo
Sawir uu muwaadin Israa'iili ah ku dhex galay masjidka nebiga ee ku yaal Madiina ayaa caro badan ka dhex abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Carabta.
Ben Tzion oo 31 jir ah kuna dhashay Ruushka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro uu ku galay magaalooyin ku yaal Iiraan, Sacuudi Carabiya, Lubnaan iyo Urdun.
"Shacabka Sacuudi Carabiya waxay garab istaagayaan qaranka Yuhuuda. Nabada ka curata Bariga Dhexe oo ku salaysan jecayl iyo is xushmeyn." ayuu ku sheegay bartiisa Facebook.
Dadka aan Muslimka ahayn ayaa laga mamnuucay inay galaan magaalada Maka, waxaana lagula taliyaa inay ka joogsadaan qeybo ka mid ah bartamaha Madiina ee uu ku yaal masjidka nebiga.
Balse Tzion ayaa sheegay in masaajidda Madiina ay u furan yihiin dadweynaha.
Ninkan oo sanadkii 2014 qaatay dhalashada Israa'iil ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel inuu hiwaayad u noqatay booqashada dalalka Muslimka, uuna u gudbiyo farriin ah "ixtiraamidda dhaqanada iyo diimaha kale".
Waxa uu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen "kalgacayl iyo maxabo ay u qabaan Israa'iil iyo dadka Yuhuuda ah".
Tzion ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro uu ku galay magaalooyinka Tehran iyo Qom ee dalka Iiraan. Xukuumadaha Tehran iyo Tel Aviv ayaa waxaa ka dhexeysa cadaawad weyn, Iiraan-na ma ogola in muwaadiniinta Israa'iil ay dalkeeda galaan.
Mr Tzion ayaa booqday goob barakaysan oo ku taalla Iiraan inkastoo dad u dhashay Israa'iil ay mamnuuc ka tahay inay dalkaasi galaan
Inkastoo uu nabad ka hadlayay, ayaa hadda sawirrada Tzion waxaa ka dhashay caro badan.
24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan 90,000 oo farrin oo lagu baahiyay Twitter-ka ayaa looga hadlay booqashada ninkaas ee masjidka nebiga.
"Culimadii ayaa xabsiyada ku jira, Yuhuudna waxay gashay masjidka nebiga. Waa wax laga xumaado," ayuu qof Carab ah Twitterkiisa ku qoray.
Masjid 800 oo sano jiray oo la qarxiyey
Sida uu sheegay wargeyska Times of Israel, jawaabaha carada wata ee ka dhashay sawirrada ninkan ayaa dhaliyay in barta Instagram ay xayirto cinwaankiisa.
Arrintan ayaa kusoo beegamaysa xilli uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Sacuudiga iyo Israa'iil ayagoo wadaaga mucaaradad ka dhan ah galaangalka sii kordhaya ee Tehran ay ku yeelanayso gobolka.
Taliyaha ciidamada Israa'iil sareeye gaas Gadi Eizenkot, ayaa dhawaan u sheegay bar online oo laga leeyahay Sacuudiga in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu "xogta sirdoonka" la wadaago xukuumadda Riyaadh.
storvideo: 

DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA TACADIYADA GARSOORKA EE RADIO SHABELLE 22-11-2017

“Imtixaanka Xisaabta aan macquulka ahayn in laga...

$
0
0

Isniintii waxaa dalka New Zealand ka dhacay imtixaanka qaran ee fasalka Siddeedaad ee loogu gudbo dugsiga sare.
Saddex warqadood oo imxitaanka ka mid ah ayay ardaydu aad uga cawdeen kuna tilmaameen wax aan suurogal ahayn in laga jawaabo, aad ayayna uga murugoodeen.
Waxaa xataa ka mid ahaa waxyaabo aan loo dhigin, sida uu ku warramay wargayska Herald ee dalka New Zealand.
Wargayska ayaa soo xigtay arday sheegaya in mid ka mid ah waraaqaha ay su'aaluhu ku qornaayeen ay ahayd wax aan maskaxda lagu qaban karin, mararka qaarna su'aalaha aan la soo raacinin macluumaad ku filan si ay si wanaagsan ugu fahmaan, ayna ku jireen su'aalo aan kuba jirin buugga wax looga dhigo.
Mid ka mid ah su'aalaha sida gaar ah looga hadlay waxaa ka kid ahaa mid aan lagu dhiganin fasalka labaad ee dugsiga sare ama fasalka tobnaad sida looga yaqaanno qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida.
Hadday su'aashaas gafaanna waxay ku mutaysanayeen labo ganaax.Sideed xisaabta isku tihiin su'aashan ayaa ka mid ahayd kuwii ardayda la waydiiyay ee?
Illaa iyo hadda labo iyo labaatan macalin oo xisaabta ka dhiga dalka New Zealand ayaa qoray waraaq furan oo cabasho ah oo ay u direen wasaaradda waxbarashada iyo waaxda Imtixaanaadka qaranka.
Waxay sheegeen in ay dalbanayaan imtixaan wanaagsan aysanna ahayn markii koobaad ee tan oo kale dhacdo.
Waalidka ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay arrintan.
Wasiirka waxbarashada ayaa isna dalbaday warbixin dhamaystiran oo arrinta imtixaanka ku saabsan.Lahaanshaha sawirkaNZQAImage captionWaxaa laga yaabaa in aad dhibco ku waydo haddaadii aadan sharixin jawaabtaada ayaa lagu la dhay su'aashan
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Khayre oo safar shaqo ku tagay Magaalada Baydhabo

$
0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wasiirka Amniga oo hortagay Golaha Shacabka ee BF

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta Xildhibaanada ka hor aqriyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.
Labadaan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Amniga ee Xukuumada Soomaaliya, waxaana cod wada ogol ah ku soo ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob halka hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila uu ka kooban yahay 10 qodob.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in labadaan hindise sharciyeed ay muhiim u yihiin dalka.
Aqrinta labada hindise sharciyeed ka dib ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay Wasiirka weydiiyeen su'aalo iyo inuu faah faahin ka bixiyo qodobada qaar ee labada hindise sharciyeed ku jira.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sawirro: Maxaa diirada lagu saaray Shirka Golaha...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu bilowgii shir-guddoomiyey Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay arrimaha amniga, maaliyada, heshiiska Xaquuqda Caruurta, shirweynaha amniga iyo horumarka dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Ugu horreyn, Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee amniga, howlgallada militariga iyo kuwa xasilinta dalka. Sidoo kale waxuu golaha la wadaagay horumarka laga sameeyey hirgelinta qorshaha amniga oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaano dhab ah oo dad la tuhunsanyahay ah.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey ahmiyada shirarka waaweyn oo Muqdisho lagu qaban doono 4ta iyo 5ta December 2017. ,Axmed Caynte Madaxa Hay'ada Xiriirka iyo Deeqaha ayaa Golaha siiyey warbixin ku aadan shirka 5ta December ee ah Somali Partnership Forum oo looga hadli doono horumarka dhaqaalaha, mashaariicda la qorsheynayo iyo arrimaha gargaarka oo ay beesha caalamku ka soo qeybgalayaan. Axmed Caynte ayaa sharaxay ahmiyada kulankan iyo sida looga doonayo Dawladda Federaalka inay ku soo bandhigto waxqabadkeeda si caalamka uu u qiimeeyo una dardargeliyo taageeradooda muhiimka ah. Sidoo kale Axmed Diirshe oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaarada Qorsheynta u diyaarisey mashaariicda dalka oo dhammaantood la waafajiyey baahiyaha dowlada Federaalka iyo Qorshaha Horumarinta Dalka.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa isna ka warbixiyey shirka guddiga wasiirada ee arrimaha Siyaasada oo uu sheegay in kulankoodii u danbeeyey la isla meel dhigay arrimo badan, waxuuna ka codsaday Omar Dhagey oo ah La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha inuu warbixin dheeraad ah siiyo golaha wasiirada. Omar ayaa sheegay in shaxdii iyo nidaamkii Federaaleynta dalka, dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka la diyaariyey oo ay meel fiican marayaan. Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada dejinta qorshaha siyaasada dalka ee shacabka loogu horseedayo qabsoomida doorashooyin hal cod iyo hal shaqsi ah 2020ka.
Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Marwo Deqa Yasin Haji Yusuf ayaa golaha siiyey warbixin dhameystiran oo ku aadan wadatashi iyo daraasad ay ka soo sameynayeen Dowlad Goboleedyada iyo G/Benadir oo carruurta Soomaaliyeed lagu xog-wareysanayey xaaladooda dhabta ah, caqabadaha jira iyo fursadaha si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee carruurta iyo kor u qaadista xaquuqda carruurta. Wasiir Deeqa ayaa sheegtay in heshiiskii Xaquuqda Carruurta ee Soomaaliya ay saxiixday 2015kii na-looga baahnaa inaan warbixin dhameystiran gudbino labo sano gudahood, tanoo ah sababta daraasada, wadatashiga iyo xog-ururinta loo sameeyey.
Wasiir ku xigeenka Dastuurka Hussein Abdi Elmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas'uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.
Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey horumarka laga sameeyey maamulka iyo maareynta Maaliyada oo mashruuca heshiiska geedi-socodka ee Deyn Cafiska (SMP) lagu guuleystay in dhammaan shuruudihii caalamka intooda badan la fuliyey, inta dhimana la rajeynayo in dhamaadka sanadka la dhameystiro, tanoo albaabada u furi doonta Soomaaliya in deymaha laga cafiyo, isla markaasna laga hirgeliyo mashaariic waaweyn sida wadooyinka, warshadaha, kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin horseeda nabad waarta. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada siyaasad ahaan iyo ajenda ahaan ee Dowlada Federaalka ay tahay in caalamka ay ku kalsoonaadaan nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku tagey shalay Baydhabo ayaa ku soo biirey golaha wasiirada ugana warbixiyey safarkiisa, oo uu sheegay in si heer sare ah loo soo dhoweeyey, isla markaasna uu wadatashiyo ballaaran la soo sameeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed, maamulka, Madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada oo dhammaantood diyaar u ahaa xoojinta nidaamka dowliga ah. Ra'iisul Wasaraha ayaa sheegay in safarka uu baydhabo ku tagey ay qeyb ka tahay dardargelinta xoojinta xiriirka Dawlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fulin doono deegaanada Koofur-Galbeed oo ay ugu horeyso dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo si shaqo abuur ay ugu noqoto dhalinyarada isla markaasna loo kordhiyo ganacsida iyo koboca dhaqaalaha dalka.--DHAMMAAD--
storvideo: 


Dhageyso kulamadii ciyaarihi Yurub ee xalay dhacay

$
0
0

WASHINGTON. D.C — Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.

Shiikh Max’ed Siciid Atam oo liiska Argigixisada...

$
0
0

War lagu baahiyay wakaaladda wararka Sacuudiga u faafisa ee SPA waxaa lagu sheegay in dawladaha isbahaysiga ee xiriirka u jaray dawlada Qatar ay xanibaad hor leh kusoo rogeen ururo Islaami ah iyo shaqsiyaad caan oo qaarkood Soomaali yihiin kuwaasoo dawladaha isbahasigu u aqoonsadeen inay aragixisada la shaqeeyaan.
Liiska shaqsiyaad kasoo muuqday warbixintaan oo 11 ruux gaaraya waxaa ku jira Sh, Max'ed Siciid Atam oo Soomaali ah horeyna u ahaa gudoomiyihii dagaalamayaasha Al-Shabab ee ka dagaalamaya degaanadda maamulka Puntland hase ahaatee sanadkii 2014 sheegay inuu iskaga baxay Al-Shabab dawlada Soomaaliyana isku dhiibay.
Atam hadda waxaa uu ku noolyahay dalka Qatar oo uu magangalyo ka helay.
Dawladaha lixda ah ee go'doomiyay dawlada Qatar warkoodaan cusub waxay ku sheegeen in shaqsiyaadkaan uu Atam ku jiro u aqoonsan yihiin inay argagixisada taageeraan ama ay ka tirsanyihiin sida warku u qoran yahay.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA oo warkaan baahisay waxaa ay ku waramaysaa in sidoo kale hay'addo qaarkood ka shaqeeya samafalka iyo faafinta dacwada waxaana ka mid ah hay'add uu maamulo wadaadka la yiraahdo Sh, Yuusuf Al-Qardawi.
Sidoo kale hogaamiyaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa liiskaan lagu soo daray.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Rwanda oo dib u dajin u fidisay Afrikaan Liibiya lagu adoonsanayo

$
0
0

Dawladda Rwanda ayaa ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go'doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.

Dhageyso kulamadii ciyaarihi Yurub ee xalay dhacay

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]WASHINGTON. D.C -- Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.
storvideo: 

Ciidamada Booliiska Iskudhaf Ah Oo Loo Diray ...

$
0
0

Barqanimadii Maant ayaa mar qura waxa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Suuqa Bartamaha sida ay sheegeen qaar ka mid ah Shacabka magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhawaca dad kale,waxaan sidoo kale rasaas kale laga maqlay halka loo yaqaano Isgoyska bile Rafle.
Dhanka kale Ciidamada Iskudhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa haatan ku guda jira in ay kala dhex galaan Maleeshiyaadkaas dagaalmay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>