Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Rwanda oo dib u dajin u fidisay Afrikaan Liibiya...

$
0
0

Hay'adda Socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMO ayaa iyaduna sheegtay in ay Liibiya ka aruurisay caddaymo ku saabsan in uu adoonsi jiro
Dawladda Rwanda ayaa ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go'doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.
Arrintan ayaa dabasocota muuqaal uu toddobaadkii hore baahiyay telefeshinka CNN, kaas oo muujiyay rag la xaraashayo si beeraha loogu fasho.
"Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo banii'aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo'da oo kale, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadd ee Rwanda.
Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan.
Badanaa waxaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.
Markii uu socday xasuuqii Rwanda ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa ayaa lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.
"Sida dunida inteeda kalaba Rwanda waxay aad uga xumaatay muuqaallada laga soo duubay masiibada Liibiya ka dhacaysa, halkaas oo rag Afrikaan ah, dumar iyo carruur muhaajiriin ahaa lagu hayo loona baddalay addoomo," ayaa lagu qoray warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Liibiya.
Wasiirradda Arrimaha dibadda Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay in Rwanda ay tahay dal yar balse ay dadkaas boos u raadin doonto.
Wargeyska New Times ee dawladda la haya ayay u sheegtay in Rwanda ay wadahadallo kula jirto Midawga Afrika sidii xaaladdan loo farigalin lahaa ee ay dib u dajinna ugu samayn lahaayeen dadkaas.
storvideo: 


Xildhibaankii shalay Muqdisho lagu dilay oo aan weli...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho-(Caasimadda Online): Wararka Muqdisho ka imaanaya waxey sheegayaan inaan weli la aasin xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ay shalay Muqdisho ku dileen ilaalo la socotay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo Baarlamanka Somalia ka tirsan.
Xildhibaanada iyo odayaasha marxuumka ayaa isku raacay inaan la aasin inta uu xildhibaan Abuukate ku doodayo in xildhibaanka la dilay uu bistoolad lasoo baxay kadibna sidaas lagu dilay, beesha marxuumka ayaa ku dooday in aaney aqbali karin in meydkooda eed lasii dabo dhigo, wada hadaladdo labadda reer dhex maray maanta ayaa lagu kala tagay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Sidoo kale xildhibaan Abuukate iyo mid ka mid ah xildhibaanada Dowladda dhexe u matala beesha marxuumka ayaa la sheegay iney isku fahmi waayeen qaabka arinta loo wajahaayo taas oo kiiska sii adkeysay.
Waxaa jirta madal kale oo beri loo balamay oo siyaasiyiin kale ay wadaan kuwaas oo raba iney ka taliyaan qaabkii meydka lagu aasi lahaa loona wada hadli lahaa.
Xildhibaan Madoobe wuxuu sidoo kale ahaa gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidanka booliska Somalia iyo sargaal sare oo ka tirsan hay'adda Nabad Sugida Qaranka.
Xildhibaan Abuukate wuxuu ka tirsan yahay xildhibaanada dhaliilsan Dowladda madaxweyne Farmaajo wuxuuna wajahaya culees badan madaama ay kiis dil ah fuliyeen istaafkiisa, waxaa kaloo jira warar sheegaya in ninka dilka fuliyay uusan aheyn askari u diiwaaan gashan Dowladda Somalia taas oo hadii ay cadaato dambi ku ah xildhibaan Abuukate madaama aan xildhibaanada loo ogoleyn iney ilaalo ka dhigtaan ciidan aan dowladda u diiwaan gashaneen.
Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan FaaraxRaafac22@gmail.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Dalka Sweden oo Isha ku Haya...

$
0
0

Dalka Sweden oo ka mid ah waddamada waawayn ee Qaaradda Yurub, ayaa si gaar ah isha ugu haya inuu aqoonsado madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland kadib doorashadii Madaxtooyada ee badhtamihii bishan shacabkeedu ku doorteen madaxweynaha cusub.
Wargeys kasoo baxa dalka Sweden oo la yidhaa Nyheter Idag, ayaa cadadkiisii soo baxay 21 Nov 2017ka ku daabacay mid ka mid ah bogaggiisa qoraal uu ku falanqaynayo horumarka wayn ee Somaliland gaadhay iyo sida ay indhaha caalamka u soo jiidatay, sidaa darteedna dalka Sweden uu u muuqdo inuu hormood u yahay sidii loo ictiraafi lahaa.
"Dal Afrika ka mid ah oo la yidhaa Somaliland, ayaa kasbaday inuu soo jiito indhaha dunida oo ay ku jiraan dalalka Iskaandaniifiyaanku (Sweden, Finland iyo Dermark), iyadoo uu dalka Sweden yahay kii kowaad ee ka tirsan Ururka reer Yurub (EU) ee aqoonsada Falastiin, sidoo kalena uu yahay ka keliya ee ahmiyadda aan ka dhicin aqoonsi u fidiya Saxaraha Galbeed, waxaana haatan soo baxaya oo muuqda xoogag dibadda ka riixaya in la aqoonsado Somaliland," ayuu ku yidhi wargeysku qoraalkiisa oo aannu Af-soomaali ku soo turjunay.
Waxa uu intaa ku daray Wargeysku, in inkasta oo aan la aqoonsan Somaliland ay haddana qabsadeen doorashooyin dhawr ah oo ay dadweynuhu codkooda ka dhiibteen lix jeer tan iyo intay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda oo ay kasoo wareegtay 26 sannadood.
Guddoomiyihii goob-joogayaasha Caalamiga ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee badhtamihii bishan November qabsoontay Mr. Michael Walls, taas oo madaxweyne loogu doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo ahaa murrashaxii xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa sida uu qoray Wargeysku waxa uu Mr. Michael ku dooday in Somaliland laf ahaanteedu u aragto inay guul u tahay doorashadaasi, waxaannu Micheal yidhi, "Inkasta oo aanay dunidu weli aqoonsan Somaliland, haddana waxay runtu tahay inay suurtagal ka dhigeen qabashada doorashada, taasoo marka si loo eego aqoonsi u ah Somaliland."
Wargeyskan oo emailka ugu diray su'aalo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland laba xisbi oo ka jira dalka Sweden, ayaa labadooduba si togan (Positive) uga jawaabeen. Xisbiyada The Christian Democrats iyo KD waxay si cad u sheegeen in Somaliland qaaday jiho ka duwan ta Soomaaliya ee khilaafaadku hadheeyey, iyagoo doortay [Somaliland] inay qaaday dhabbaha nabadda iyo degganaanshaha, inkastoo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya uu yahay mid xasaasiya. Intaa waxa uu ku sii ladhay Wargeysku qoraalkan "Xisbiga KD waxa uu aaminsan yahay in aqoonsiga Somaliland lala kaashado dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub."
Sidoo kale, xisbiga The Christian Democrats si kastaba ha ahaatee waxa uu isagu si buuxda dhawaaq dheer ku caddeeyey inuu taageersanyahay madaxbannaanida Somaliland.
"Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii sharci ee dal madaxbannaanidiisa lagu aqoonsan lahaa, waayo waxay ka taliyaan dhammaan xuduudahooda, sidoo kalena waxay u shaqeeyaan si tusaale u noqon karta qaybo ka mida dunida, iyagoo qabta doorashooyin xor ah, isla markaana leh hay'ado shaqaynaya, nabadgalyo iyo xasilooni." Sidaa waxa yidhi Markus Wiechel oo ku dooday in dawladda Somaliland arrimaheedu si aad ah uga duwan yihiin waxa loo yaqaan Soomaaliya.
Waxa kale oo uu intaa ku daray Mr.Wiechel in Somaliland oo la aqoonsadaa u noqon karto tusaale fiican oo u adeegi kara in guul laga gaadhi karo khilaafaadka oo lagu xalliyo wadahadal, halkii lagu dooni lahaa rabshad iyo dagaal.
Horraantii sannadkan, ayaa ergeyga khaaska ee arrimaha Somaliland ee Ururka Midowga Yurub (EU) Mr. Mikeal Torstensson uu isagoo tilmaan ka bixinaya Somaliland yidhi, "Somaliland waa dalka qudha ee ugu dimoqraadisan dalalka Geeska Afrika." Waxaannu intaa raaciyey oo sheegay in iyadoo ay sidaa tahay ay haddana ku xeeran yihiin keli-taliyayaal, argagixso iyo budhcad-badeed, waana dal si wacan u dhawra Xuquuqal-Insaanka, gaar ahaana ta haweenka, waana dal si dhammaystiran u buuxiyey dhammaan shuruudaha sharci ee dal lagu aqoosado.
Ergeygu waxa kaloo uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay qaabishay qaxooti ka qaxay Yemen iyo dalal kale oo deris la ah, dhinaca kalena waxa uu Ergeygu si aad ah u ammaanay heerka nabadgalyo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo soo qaatay warbixin uu dalka Maraykanku ku cabbiray heerka ammaanka ee Caasimadda dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay ta Afrika oo dhan ugu ammaan wanaagsan.
Hore waxa uu nin Professor oo la yidhaa Pal Wrange oo qawaaniinta Caalamiga ka dhiga Jaamacad ku taal magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden ku dooday in aanay jirin wax caqabado sharciyeed ah oo ka hor istaagaya in la aqoosado Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hadda Xafiisyo u hawlgala sida Safaaradaha ku leedahay dalal badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Koonfur Afrika, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Sweden, waxayna iskood ugala soo noqdeen madaxbannaanidooda dalkii Soomaaliya sannadkii 1991kii," ayuu ku soo gunnaanaday warbixintiisa wargeysku.
storvideo: 

Xog Waxa yaalaha Dhabtaa ee sababay inuu hadho...

$
0
0

Dhamaan waxaa sharaf iyo karraamo iga mudan bulshadda soomaliland meelkasta iyo dalkasta oo ay joogan .
Intaa ka dib waxaan manta qalinka u hoshay inaan qoraal kooban ka idhaahdo Guuldaradii Lasoo deristay xisbiga wadani u qaadan waagii bulshadda soomalailand.
Waxaad wadda ogaydeen Tar-tankii qadhaadhaa ee ay wadda galeen xisbiyadda siyaasadda soomaliland ee Wadani Ucid iyo Kulmiye .
Taas oo uu markii ugu danbaysay uu ku guulaystay Xisbiga Taladda Dalka hayee Kulmiye inkasta oo Xisbiga Wadni ku eedaynaayay Ku shubasho iyo is daba marin coded ,halka uu xisbiga kulmiyana gaashanka u daruuray .
Iyadda oo uu xaalku halkaa heehaabayo waxaa tanaasul gobeed muujiyaay Musharax xisbiga wadani iyo Madaxdiisa kale ,taageerayaashiisa iyo Deegankiisaba.
Xaalku wuu adkaaday Komishinka qudhoodo waxaa ka muuqday walac ay ku dheehtay baqdin ay ka qabeen is qab qabsi siyaasadeed oo yimadda madama lagu xamanaayay Wax is daba marin lakiin ay diideen .
Hadaba waxaa maxay tallaabooyinka aynu is odhankarno waxaaa sabaab u ahaa inuu hadho xisbiga wadani ,hadaad wadani tahay hayga cadhoon ,hadaad kulmiye tahayn ha ku raaxaysan ,hanna moodin inan adiga kula garab ahay.
Aniga waxa aan qabaa in xisbiga wadni uu aad u dadaalay oo aanu la hadhin Xoog Xooglo iyo Xeeldba hadana waa laga guulaystay waxanaan odhankarnaa waa u sabaab :

  1. Xisbiga wadani waxa uu xilaalkii ku tahay rag dhalinyaraa oo aan waayo aragnimo badan lahayn.
  2. Waxa ay saha shadeen Olalaha kulmiye oo ay is dhaheen waxaa nacay bulshadii ,oo waxaad cidla ka helaysaan Kursiga .
  3. Waxa ay is dhaheen wa kuwan ka soo wadda yaacaay Udub dhaxaadkii xisbiga kulmiye .
  4. Qabyaaladda uma aanay adeegsan sida uu kulmiye u adeegaday oo waxa uu kulmiye socday Qabiil qabiil Raas raas iyo Jifo jifo ,waxaana arrinkaa rug cadaa u aha odayaasha kulmiye ,halka wadani dhalinyaro u adeegsanayay gobol ,Degmo Qaarad iyo Qurbaaba.
  5. Wadani maa uu jirin sanado badan oo uu waayo aragnimo dheeradda ku helo .
  6. Kulmiye oo ay caawinaysa dawladu dhamaan ilaa madaxtooyo iyo Dawlad hoose .
  7. Beelo iyo deegano uu wadani isku halaynaayay oo cod u qaybiyay xisbiyadda .
  8. Wadani waxaa sharaxnaa Musharax faysal oo ay isku deegan kasoo jeedan Ciro,isna waxa uu la dagay cod saa idea.

Qodobada ma wadda mari karno waxaanaan hubaa inaan ka tegay qaar aad niyadda ku haysaan.hadaba waa side rajadda wadani iyo madaxdiisuba .
Ciro waxa uu qabaa rajo fiican maadaba uu markiisii tanaasulay,Xirsi waa u u dadaal si uu wadani kursiga u saaro muusana uga adkaado ,imikana xirsi waxaa uu xoojinayaa aqoontiisa waxaana laga yaba inuu doonto shahaadada BHD. Jirde waxaa uu guntiga dhiisha iskaga xidhayaa sidii uu intaa u xidhilahaa dabino badan oo uu hadhow u maro waddad guusha .
Maxamed cali waxa uu isku duba rid ku samaynayaa Deeganka awdal oo uu dhaqaale iyo taageeera ka doonayo si aanu mardanbe salanka uga dhicin .
Waxanay guud ahaan Xoojinayaan Xulufo siyaasadeed oo ay wadaagan kursiga si daaqadda looga saaro xulufadda kulmiye iyaga oo sugaaya garabka huleela marka ay waayaan gudoomiyaha xisbiga .lasoco q2aad .
Mukhtar Mohamed jamac xaaji diiriye
Burco/soomaliland
Email :Mukhtaar_1991@htmail.com
Click here to Repl, Reply to all, or Forward
storvideo: 

Qaramada midoobay oo sheegtay in ay hoos u dhacday...

$
0
0

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tirada dadka tahriibta ah ee ka soo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee dalka Libya ay aad hoos ugu dhacday.
Hay'adda qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in ku dhowaad 22 kun oo qof ay dariiqaas ku yimaaddeen saddexdii bilood ee la soo dhaafay ilaa dhammaadkii September, taas oo noqonaysa saddex meeloodow meel tiradii marinkaas ka soo gudubtay isla xilligaas sanadkii hore.
Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan.
Badanaa waxaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay ku shaqeeyaan lacag la'aan ama waxa aad u yar baa la siiyaa.
Mar sii horeysay, Dowladda Faransiiska ayaa ku baaqday kulan golaha amaanka qaramada midoobay ku falanqaynayo sida xun ee loola dhaqmayo muhaajiriinta Liibiya.
Dhaqaaqani wuxuu imanayaa ka dib warar ka yimid Liibiya yidhaahdeen muhaajiriinta Afrika in adoomo ahaan loo iibiyo.
Kulan uu la yeeshay madaxda midowga afrika ayaa madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ku tilmaamay iibkaa dambiyo ka dhana biniaadanimada waxaanu ku daray in wax badan loo baahanyahay in la qabto si loo dumiyo shabakadaha dadka kootarabaaniya.
Wasiirka arimaha dibada Jean-Yves Le Drian ayaa yidhi cunoqabatayn caalamiya in lagu soo rogo hadii maamulada Liibiya qaadi waayaan fal lagu dhamaynayo dhaqankaa.
storvideo: 

Inuu Daayinkeen kun كن yidhi, Dawada uu Muuse Sido

$
0
0

Waxaa baraha bulshada iga soo gaadhay qoraal yar oo maad iyo xifaale ahaa, halkudegiisu ahaa waa maxay dariska laga bartay Doorashadii Madaxwaynaha?
Markaan akhriyay, waxaa igu soo dhacday hees kaftan iyo maad noqon karta. Waxa kasoo daba dhacay firkarka ah, malaa hees kaftan ah, waxaa ka haboon mid murti iyo waxsan sheega ah. Waafaqsan Kalmadii Dayibka ahayd Rasuulkeena Maxamed tilmaamay. Heestaasi waa tan:
Inuu Daayinkeen kun kn yidhi,
Dameerahu waylo dhali,
Daaqada Ictiraafku yaal,
Dariska maanta weeye ee Ku duug qalinkoo ogow!
Inuu Daayinkeen kun kn yidhi,
oo ay Duniduba isrogi,
Dalkaas Dimuqraadiga ah,
Ayaa duudsiyay la odhan?
Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!
Inuu Muuse dawada sido,
Duraygaba saarilayd,
Qabyaalada doorin layd,
Dadkeenu walaalo noqon,
Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!
Dalkeenu inuu hormari,
Durdurka Nicmadiisu badan,
Ilaa Daaliyo Jifadda (Jifo Micidheer),
Buuraha dahab soocan noqon,
Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!
Inuu Daayinkeen kun kn odhan,
Inuu dalabkiisa fulo
Dunida kaligiis xukumo
Daacadi ma hungowdo yidhi,
Dubaaqaaga gali, Adeer
Taasoon dafiraad lahayn!
Somaliland Ha Jirto, oo ha joogto, ilal Abid..... Aamiin
Ahmed M. Adam (Doob baje)
Toronto, Canada
E-mail: ahmedm.adam@yahoo.com
storvideo: 

Daawo: Taliska Ciidanka Police ka oo markii u...

$
0
0

Daawo: Taliska Ciidanka Police ka oo markii u horaysay ka hadlay Sababta Keentay Xidhitaanka Xubno Ka mid ah Xisbiga Wadani oo uu ka mid yahay Xil Timacade
[embedded content]
storvideo: 

Waraysi: Waa kuma madaxweynaha cusub ee Zimbabwe

$
0
0

Waxa socda diyaar galowga xafladda lagu dhaarinayo madaxweynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa oo maanta oo Jimce ah lagu caleema saarayo magaalada Harare ee dalkaas.


Ciidamada Puntland oo soo geba-gebeeyey hawlgalkii...

$
0
0

23rd November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

War kasoo baxay taliska ciidanka Amniga Puntland ee (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka Daacish oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.
Hawlgalkan ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaano ka tirsan bariga fog ee Puntland ayaa bartilmaameedkoodu ahaa sidii looga sifeyn lahaa kooxda Daacish deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari.
Warbixin kasoo baxday xafiiska ciidanka PSF ee Puntland ayaa lagu yiri "Argagixisadu isma qarin karayaan, ciidamada Puntland na way sii wadi doonaan hawlgallada ay dhulka Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go'an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan".
Warbixinta ayaa lagu sheegay intii uu socday hawlgalku in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Daacish looga saarey goobo ay kaga dhuumaalaysanayeen deegaano hoostaga degmada Qandala,islamarkaana ciidamadu gubeen godad raashin ugu kaydsana, halka ay burburiyeen saldhigyo kooxdaasi ku lahayd Aaga hawlgalku ka socday, sidoo kalena la qabtey qalab ay ku samaysan jireen walxaha qarxa.Daawo sawirrada
Post navigation
- Soomaali sidan ma ku sii wada joogi doonaan? Khudbaddii Suldaanka Beesha Ciro -
storvideo: 

Khudbaddii Suldaanka Beesha Ciro

$
0
0

23rd November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Muuse Biixi, soo maaha ninkii Cabdiraxmaan Tuur oo Habar yoonis ah dagaalka ku qaaday markii uu madaxweynaha ahaa sidee annaga noo xukumi doonaa
hoos ka daawo Suldaanka beesha Habar Yioonis
[embedded content]
storvideo: 

Qaramada midoobay oo sheegtay in aan gargaar yemen weli gaadhin

$
0
0

Saraakiisha qaramada midoobay ayaa yidhi weli gargaarku in aanu gaadhayn yemen in kasta oo Khamiistii sucuudigu sheegay in uu fududayn doono go'doominta uu saaray dalkaas.

Qaramada midoobay oo sheegtay in aan gargaar yemen...

$
0
0

Saraakiisha qaramada midoobay ayaa yidhi weli gargaarku in aanu gaadhayn yemen in kasta oo Khamiistii sucuudigu sheegay in uu fududayn doono go'doominta uu saaray dalkaas.
Waxaa la fahamsanyahay in qaramada midoobay rajaynayso in xamuulka loo ogolaan doono in lagu geeyo sanca diyaarado ama la geeyo dekeda bada cas ee xudayda sideed iyo afartan saacadood gudahood.
Mar hore ayaa qaramada midoobay isku duwaheeda gargaarka yemen sheegay in ay codsadeen in loo fasaxo duulimaadyo gargaar.
Gaadiidka ayaa bishan horaanteedii laga gooyey ka dib markii falaagada xuutiyiinu ay gantaal ku rideen - sucuudiga.
Qaramada midoobay ayaa ka digtay in kumanan yemeniyiin ahi macaluuli doonaan.
storvideo: 

Burcad-badeed la qabtay iyo Dowladda Soomaaliya oo...

$
0
0

Lix qof oo looga shakiyay burcad-badeed Soomaali ah, ayaa loo wareejiyay dalka Seychelles ,kadib markii lagu qabtay weerar ay ku qaadeen markab iyo doon kalluumeysi xeebaha koonfureed ee Soomaaliya,sida ay sheegeen saraakiil.
Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan ayaa qabtay raggaan laga shakinsanyahay,kadib markii ay weerareen markab ganacsi oo ku gooshayey calanka Seychelles,kaasoo siday 52 tan oo shidaal ah,iyo doonni kalluumeysi todobaadkii tegay. weerarka ayaa dhacay 24 saac gudahood intii u dhexaysay maalintii jimcaha ee 18 bishaan Nov iyo maalintii Sabtida ee 19 Nov.
Kusimaha taliyaha xabsiga Montagne Posee, ee dalka Seychelles, Raymond St Ange ayaa sheegay in wareejinta burcadda lagu saleeyey heshiis horay u dhexmaray dalka Seychelles iyo hawlgalka la-dagaallanka burcad-badeedda NATO ee (EU NAVFOR)."Heshiisku wuxuu noo ogolaanaya inaan bilowno dacwad-qaadista falkasta oo burcadnimo ah,laakiin dacwad-qaadistu waxay ku xirantahay caddeyn uu baaris ku sameeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud",ayuu yiri St Ange.
Tuhmanayaasha, ayaa khamiistii Maanta laga soo dejiyey dekadda magaalada Port of Victoria ee dalka Seychelles oo ku yaalla galbeedka badweynta Hindiya,kana kooban 115 jasiiradood.
St Ange ayaa sidoo kale sheegay in wefdi ka socda Soomaaliya uu imaan doono Seychelles,si uga la hadlo arrinta burcadda.
Xabsiga weyn Montagne Posee,ee Seychelles waxaa horay ugu xirnaa 15 maxbuus oo Soomaali ah.
Maqaal lagu daabacay shabakadda internet-ka ee Navaltoday,ayaa ciidamada EU NAVFOR ku sheegeen"burcad-badeeddu waxay bam-gacmeedyo ku tuureen markabka intii weerarku socday"."Dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka iyo doonta la weeraray way badqabaan",ayaa maqaalka lagu xusay.
Dalka Seychelles oo ka kooban 115 jasiiradood,kuna yaalla galbeedka badweynta Hindiya,ayaa kaalinta hore kaga jiray la-dagaallanka burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005,xilligaasoo ay ballaaratay burcadnimada oo si xun u saamaysay dalxiiskii iyo kalluumeysigii dalka.
Inkastoo hoos u dhac ku yimid weerarradii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya,laga soo bilaabo sannadkii 2011 oo la qaaday 236 weerar,ilaa sannadkii 2014 oo la qaaday laba weerar oo aan guulaysan,haddana Seychelles ayaa ku jirta xaalad feejignaan ah,waxaana St Ange sannadkii tegay sheegay"in xogta sirdoonka ee la helayo muujinayso in weli ay jirto halis burcad-badeed".
Dhowaan, guddoomiyaha Seychelles ee kooxda xiriirka burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya Ambassador Barry Faure ayaa yiri"bad-maaxiintu mar walba waa in ay maskaxda ku hayaan in burcad-badeed halkaasi joogto,maadaama aan xasilooni ka jirin Soomaaliya".
Xigasho:http://www.seychellesnewsagency.com/enPUNTLAND POSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Burcad-badeed la qabtay iyo Dowladda Soomaaliya oo wefdi u diraysa. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Heshiis la doonayo in lagu celiyo qaxootiga Rohingya...

$
0
0

Dowaldaha Myanmar iyo Bangladesh waxay saxiixeen heshiis horseedi karaya in muslimiinta Rohingya ee ku jira xeryaha ku-meel gaarka ah ee Bangladesh dib loogu celiyo Myanmar.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bangladesh waxay sheegtay in dadka barakacayaasha ah ay dib u noqon karayaan muddo laba bilood gudahood ah.
Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay in kabadan lix boqol oo kun oo qaxooti Rohingya waxay ka baxsadeen howlagal xoog leh oo milatariga Myanmar wadeen kaas oo dowladda Maraykanka iyo Qramada Midoobay ay ku tilmaameen isir sifeyn.
Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Rex Tillerson ayaa yidhi falka milatari ee Myanmar ee ka dhanka ah muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya inuu isku keenayo isir sifayn.
Wuxu yidhi Rohingya waxaa ku dhacay "gumaad xun" iyo sidaa ka dhalanaysa in Maraykanku ka fikirayo inuu cunaqabatayno bartilmaameed ka dhan ah kuwa ka masuulka ah.
Sebtember madaxa xuquuqal insaanka qaramada midoobay Zeid Raad Al Hussein ayaa sidoo kale ku dacweeyey Myanmar isir sifayn.
Tillerson faaladiisani waxay timid maalmo ka hor booqashada uu Pope ku tagay Myanmar.
Rohingya waa dad laga tiro badanyahay oo bilaa dawlad ah oo mudo dheer waayo arkay xasuuq Myanmar oo sidoo kale loo yaqaan Burma.
Hay'adda xuquuqda aadanah u dooda ee Amnesty International ayaa sheegaysa in Muslimiinta Rohingya hadii ay ku noqday Myanmar aysan ku nabad geli doonin intaa inta uu ka taliyo maamulka " isir takoorka ahi"
storvideo: 


$250, 000 ayeey u qaaraantay Derbi jiif

$
0
0

24th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

$ 20kii ugu danbeeyey ayuu Gaas ugu shubay iyana waxay u qaaraantay $250, 000
Gabadh ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa waxa caawinay nin Derbi jiif ah ah oo aan hoy uu seexdo lahayn ka dib markii shidaalkii gaarigii ay wadatay uu kaga dhamaaday iyada oo maraysa jidka dheer ee dhex mara gobolka Philadelphia
Kate McClure, oo 27 jir ah, ayaa waxay tiri gaaskii gaariga aan watay ayaa wuxuu igaga dhamaaday aniga oo maraya Interstate 95 markaas ayaa nin Derbi jiif ah, oo lagu magcaabo Johnny Bobbitt Jr, inta uu ii soo lugeeyey i siiyey $20, oo ahayd lacag intuu ka haystay. "Markaas ma haysan lacag, hase ahaatee dhowr mar oo danbe ayaan u soo laabtay si aan u siiyo lacag iyo dhar"
Kate McClure, ayaa horanta bishan bilowday ololaha qaaraan ururinra derbi jiifkan Gofundme.com campaign , waxayna ilaa hadda u qaaraantay $250,000
Post navigation
- Sucuudiga Oo Sheekh Atam Ku Daray Liiska Argagixisada Faysal Cali Waraabe waa nin waalan oo laaluush qaatay -
storvideo: 

Hargeysa:Hooyo haa tahriibin

$
0
0

Nin dhalin yaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa oo la yidhaa Axamed Ismaaciil Xaashi, ayaa ka waramaya sida uu uga noqday hammi uu muddo dheer ku taami jiray oo ahaa inuu Yurub u tahriibo.

Dowladda Ruwanda oo balanqaad muhiim ah sameysay

$
0
0

Ruwanda(SONNA) Xukuumadda Kigaali ee Rwanda ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go'doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.
Talaabadan oo ay ku dhaqaaqday Dwladda Ruwanda ayaa ka dambeysay kadib markii TVGA CNN uu baahiyaya muqaalo muujinaya dad badan oo Africaan ah kuwaasi oo qaab aduunsi ahaaann looga xaraashayay Dalka Liibiya si beeraha loogu fasho.
War ka so baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Ruwanda ayaa lagu yiri "Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo banii'aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo'da oo kale, ayaalagu yiri qoraalkaasi.
Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan,waxaana Badanaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.
Dalka Ruwanda ayaa markii uu socday xasuuqii ba'anaa ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.
Dowladda Ruwanda ayaa iyado oo fiirinaysaa taariikhdaasi waxaa ay damqasho u muujinaysaa dadkasi afrikaanka ah oo lagu dhibaataynayo Dalka Liibiya.
storvideo: 

R/wasaare Khayre”Dhismaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo...

$
0
0

Muqdisho(SONNA)Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maalintii shalay waxaa uu dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.
Talaadani ayuu ku tilmaamay raiisul Wasaraah Soomaaliya in ay tahay mid ay qeyb ka tahay qorshe Dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso Cadaaladda iyo guud ahaan sugidda amniga Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed,isagoo xusay in uu yahay mid u muhiimsan shacbka deegaanadaasi.
"Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka." Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo.
Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.
storvideo: 

Maamulka Puntland oo Damala Xagare sii socda

$
0
0

24th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta gelinkii danbe 23 Nov 2017 ka dhagax dhigay magaalada Damala-xagare Saldhig Boolis kaas oo noqonaya saldhiggii labaad ee uu Agaaasimuhu isla maanta ka dhagax dhigo gobolaka Sanaag.
Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa dhagax dhigga saldhigga Booliska magaalada Damala-xagare ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, maamulka Magaalada Damala-xagare, taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag iyo xubno ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka degmada Badhan.
Weftiga Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa kahor inta aanay dhagax dhigin saldhigga waxa ay kulan is xogwaraysi ah la qaateen waxgaradka maagalaada Damala-xagara, waxaana uu Abwaan Cabdirashiid yuusuf Jibriil Cawl u cadeeyey shacabka magaaladaasi inay tahay magaaladoodu mid muhiimad gaara u leh gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla maraana waxa uu Agaasimuhu sheegay in xukuumadda dawladda Puntland la damacsan tahay magaaladooda inay ka fuliso wax qabad balaadhan oo ay ugu horayso saldhig Booliis iyo ciidankii ku hawlgeli lahaa saldhiggaasi.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddiisa gaarka ah uu u leeyahay saldhiggu magaalada iyo guud ahaan deegaanka hoosyimaadaba, madaama ay kaga faa'iidaysan doonaan saldhigga iyo ciidankiisaba ka hortagga wax kasta oo lid ku ah xasiloonida, horumarka iyo amaanka magaaladoodaba.
Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda oo kahadlay goobtii dhagax dhigga saldhigga magaalada Damala-xagare ayaa sheegay in maanta ay hirgashay qayb kamid ah balanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex 'MCH' , isla markaana waxaa uu Agaasimuhu ku amaanay shacabka magalaada Dama-laxagare sida wanaagsan ee ay isugu xilqaameen kawada shaqaynta horumarka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar latahay kharash iyo wax-kastoo ku baxayaba dhismaha saldhiggaasi.
Maamulka magaalada Damala-xagare iyo bulshada magaaladaasi ayaa iyagoo isku duuban xanbaartay masuuliyadda dhammaystirka dhismaha saldhiggaasi, waxaana ay xukuumadda dawladda Puntland iyo weftiga hawlaha shaqo ugu yimiba uga mahadceliyeed sida wadaniyaddu ku jirto ee ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegayaan.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag ayaa iyana dhankooda shacabka magaalada Damala-xagare uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh, qadarintale, dadnimadale, wadaniyaddu ku jirto ee ay ku qaabileen weftigooda, isla markaana ay u garawsadeen sidii ay u horumarin lahaayeen magaaladooda, waxaana ay tilmaameen in saldhiggu wax badan kusoo kordhinayo magaalada iyo guud ahaan degaankaba.
Ugu danbayn, Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa soo kormeeray dhismaha xarun caafimaad oo magaalada laga hirgelinayo kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah iyo sidoo kale ceelka biyaha magaalada kaas oo ay hirgelisey dawladda Puntland.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live