Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jubblanad oo xooga saareysa waxbarashada caruurta ka...

0
0

Kismaayo(SONNA) Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Handal Madax hay'ada Qaxootiga Jubbaland Maryan Ow Cali Iyo Maamulayaasha Iskulaadka Magaalada Kismaayo Ayaa Kulanka Kasoo Qayab Galay,waxaana lagu falanqeeyey ari,aha waxbarashada dadka danyerta ah.
Ujeedada ugu weyn ee kulankaasi ayaa ahaa sidii loo dhiirogelin lahaa fursadaha waxbarasho oo ay helaan ardayda ka soo laabatay xeryaha qoxotiga ee Dalka Kenya,Maamulaha Iskuulka Guulwade Ayaa sheegay in qayb ka yihiin ardayda wax ka barta iskuulada ku yaal magaalda kismaayo ardaydii qaxootiga dib uga soo laabtay.
Madax hay'adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Jubbalaand Maryan OW Cali Ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in xooga la saaro sidii ardaydaasi u heli lahayeen si aysan uga kala go'in waxbarashadoodi hore.
Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Hanadal Ayaa sheegay Wasaaraddu dadaal ku bixisay xoojinta waxbarashada ardyada ka soo noqday qaxootiga.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha waxbarashada ay ka jiraan ciriiri oo fasalad iyo ardayda ay kala badan yihiin.
storvideo: 


Japan oo su’aalo weeydiinaysa rag ka yimid Kuuriyada Waqooyi

0
0

Ciidanka ayaa waxa ay sheegeen in raggan ay la socdeen dooni timid magaalada Yurihonjo, kadibna xabsiga loo taxaabay.

Japan oo su’aalo weeydiinaysa rag ka yimid Kuuriyada...

0
0

Boosliiska dalka Japan ayaa su'aalo weeydiinaya 8 nin oo sheegay in ay ka yimadeen dalka Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo soo gaaray dekad ku taala Waqooyi Bari dalkaas.
Ciidanka ayaa waxa ay sheegeen in raggan ay la socdeen dooni timid magaalada Yurihonjo, kadibna xabsiga loo taxaabay.
Raggan ayaa booliiska u sheegay in ay ahaayeen kalluumeysato doontooda kusoo caarisay Japan.
Japan ayaa si joogto ah u aragta doomaha kalluumeysiga Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ciidamada marar badan badbaadiyeen kuwa baddu ku caarisay.

  • Kuuriyada Waqooyi oo "xadday qorshaha duullaanka" Mareykanka
  • Mareykanka oo cambaareeyay tijaabada Kuuriyada Waqooyi

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mararka qaarkoodna waxaa la sheegay in doomaha dushooda laga helo maydad, taas oo ka dhigan in doonta ay iska sabaynaysay muddo dheer.
Sawirro ay faafisay saxaafadda Japan ayaa muujinaya in doonta uu ku xiranyahay nal, kaas oo inta badan kalluumaysata u isticmaalaan in ay kalluunka kusoo jiitaan habeenkii.
Lama oga in ay Japan sii joogi doonaan ama ay ku laaban doonaan Kuuriyada Waqooyi.
Dadka doomaha kaga soo baxsada Kuuriyada Waqooyi ee yimaada Japan ayaa ah wax iska caadi ah, sababtuna waa masaafada u dhaxaysa labada dal oo ah mid gaaban.
storvideo: 

Zimbabawe: Emmirson Mnangagwe oo maanta loo...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Zimbabwe(SONNA) Qaban qaabo ku aadan sidii xilka madaxtinimo ee Dalka Zimbabwe loogu dharin lahaa Emmirson Mnangagwe ayaaa ka soconaysa magaalada Haraare ee xarunta Dalka Zimbaabwe.
Waxaa lagu wadaa in maanta oo ah maalin Jimco ah waqtiyada soo socda loo dhaariyo si KMG ah xilka madaxweynaha wadankaasi kadib markii dhawaan uu xilkii ka degay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mogabe.
Hoggaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in uu xoogga saari doono dhiirogelinta hanaanka dimoqraadiyada dalkaasi ka curtay.
Mr Mnangagwa ayaa markii uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabweuu xusay in qorshihiisu uu yahay si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay,Waxana uu wacad ku maray in uu shaqooyiin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la'aan,iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadankaasi.
Emmerson Mnangagwa ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah ee ay xilka ugala wareegeen Mugabe oo 37 sano xukumayay awadankaasi Zimbabwe.
Waxaa lafilayaa in dabayaaqada sanadka 2018 ay dalkaasi ka dhicidoonto doorasho guud oo loo qabto shacabka reer Zimbabwe waqtigaasi oo ay go'aansan doonaan mustaqbalkooda
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleJubblanad oo xooga saareysa waxbarashada caruurta ka soo laabatay Qoxootiga Kenya

storvideo: 

Somali pirates caught at sea, transferred to Seychelles

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
European Naval Forces on Thursday handed over six suspected Somali pirates to Seychelles to stand trial.
The suspects were apprehended last week by Italian Marines following a foiled attack on Container-Ship and a fishing vessel off Somali coast.In its Twitter post, the Mission said suspected pirates were handed over to Seychelles authorities to be prosecuted.
" EUNAFOR confirms transfer of suspected suspected pirates by Italian Marines and Sailors to Seychelles authorities today to commence the legal process," the Mission tweeted on Thursday.
Since 2011 foreign navies that capture suspected pirates have handed over hundreds of somali pirates to regional nations including Mauritius, as well as Kenya, and Tanzania, though the criminal industry in the Indian Ocean and Gulf of Aden has largely died out.
The EU naval forces have largely brought the piracy to an end,
The drop in piracy incidents is a relief to shipping companies using the Indian Ocean that have been the target of pirates. However, experts warned that a new wave of illegal fishing by large trawlers may help the return of piracy to the Indian Ocean.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Emmerson Mnangagwa to be sworn in as Zimbabwe...

0
0

Zimbabwe's Emmerson Mnangagwa was set to be sworn in as president on Friday, marking the final chapter of a political drama that toppled his predecessor Robert Mugabe after a military takeover.
Mnangagwa, until recently one of Mugabe's closest allies, will take the oath of office at the national sports stadium on the outskirts of Harare before thousands of supporters, dignitaries and foreign diplomats.AUTOCRACTIC RULE
Mugabe, who ruled the southern African country for 37 autocratic years, was ousted from office when the military intervened after he had sacked Mnangagwa as vice president.
Mugabe, 93 and in increasingly frail health, had been positioning his wife Grace as his successor, but the army chiefs acted to halt the plan and usher in Mnangagwa.
"Come and be an eyewitness of history being made, the historic ushering in (of) a new era and better country," said a statement from the ruling Zanu-PF party calling on people to attend the inauguration.
State television suggested that Mugabe may be present, but no official confirmed his participation.
Buses have been arranged to transport supporters to the 60,000-capacity stadium early on Friday.
Mnangagwa, 75, said this week that Zimbabweans were witnessing "a new and unfolding full democracy", though critics say he is a Zanu-PF hardliner who gained power in a de facto military coup.
He is known as "The Crocodile" for his ruthlessness and is accused of overseeing ethnic massacres by the army in the 1980s and the 2008 election violence when Mugabe was at risk of losing the vote.
Ahead of the inauguration, the army warned that criminals had been impersonating soldiers since the crisis to extort money from the public and called on Zimbabweans to obey the law.
Britain, the former colonial power, said it was sending Africa Minister Rory Stewart to the ceremony.
Regional heavyweight South Africa said President Jacob Zuma would not be present as he was hosting a visit by Angola's new head of state.
Zuma praised Mugabe, noting "his contribution to the liberation of the Southern African region and the decolonisation of the continent".
Mugabe had ruled since Zimbabwean independence in 1980, exercising almost total authority to crush any sign of dissent.
The majority of Zimbabweans have only known life under Mugabe -- the world's oldest head of state -- during a reign defined by brutality, rigged elections and international isolation.
His iron grip on power ended on Tuesday when his resignation letter was delivered to parliament, where MPs had convened to impeach him.GRACE MUGABE
Mugabe was last seen in public on Friday and gave a defiant televised address on Sunday.
Neither he nor his wife Grace has been seen since, though they are expected to be given protection by the government.
The main opposition group, the Movement for Democratic Change, said it was "cautiously optimistic" that Mnangagwa would not be as "evil, corrupt, decadent" as Mugabe.
In the week before Mugabe resigned, military vehicles rolled down Harare's streets, army generals made a TV address in the early hours and tens of thousands of Zimbabweans demonstrated against the veteran leader.
Zimbabwe's once-promising economy collapsed under Mugabe's rule, and many hope Mnangagwa will push through reforms to bring in investment.
Unemployment is over 90 percent, and in his first speech after being announced as the next president he promised "jobs, jobs, jobs!"
Source: AFP
storvideo: 

Post & Telecom Minister closes second conference of...

0
0

(Mogadishu, 24 November 2017) The Minister for Posts, Telecom and Technology, H. E. Abdi Ashur Hasan, has officially closed the second annual conference of Somali Network Operators Group (SOMNOG), held at Jazeera Hotel in Mogadishu.
The two-day conference was attended by around 100 representatives from telecom operators, ISPS, universities, Ministry of Posts, Telecom and Technology, technology companies, students and individual ICT professionals from across Somalia. The conference participants had discussions about current status, new technologies and trends.
Engineer Abdullahi Behi Hussein, SOMNOG chairman, told that this is a forum for ICT professionals in Somalia. He added that the main purpose of the conference is to help technical managers and staff share and update technical knowledge to promote Internet construction, operations and management in Somalia.
In his closing remarks, the Minister thanked the organizers for the wonderful event that brought together ICT professionals in Somalia. He said the conference comes at a time that Somalia's first Communications Act has been signed into law by the President and is expected to regulate the sector.
"We are working to create a knowledge-based economy based on ICT because that is what can fast track Somalia's development. We would like to encourage local universities work with the business sector to make their ICT courses in line with the skills required in the country".
The Minister finally thanked the sponsors of the conference, namely SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank and City University for facilitating this year's event.
ENDMedia and Public Relations Office Ministry of Posts, Telecom & Industry

storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay?


Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Muqdosho...

0
0

(Muqdisho, 24 Nofeembar 2017) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo xiray shirweynaha Madasha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta (Somali Network Operators Group - SOMNOG) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.Shirweynahan oo socday 2 maalmood, waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, jaamacadaha, xirfadleyda isgaarsiinta iyo internet-ka, ardeyda iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo 3 maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda City bartamihii bishii Okoobar ee la soo dhaafay.Guddoomiyaha SOMNOG, Eng. C/laahi Biixi Xuseen, ayaa sheegay in shir-weynahan uu ahaa kii labaad ee la qabto, iyadoo ujeeddada shir-weynahan ay tahay sidii maamulayaasha iyo shaqaalaha farsamada ay isku weydaarsan lahaayeen aqoonta iyo waaya-aragnimada si loo horumariyo adeegyada teknoolojiyada ee dalka.
Wasiirka oo ka hadlayay xiritaanka shirka ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii soo qabanqaabisay shirweynahan oo isku keenay bahweynta ka shaqeysa isgaarsiinta iyo internet-ka. Wasiiru wuxuu intaasi ku daray in sharciga isgaarsiinta ee dhowaan la ansixiyay uu nidaamin doono suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, hirgelinta sharcigana kaalin weyn laga siiyo xirfadleyda.
"Dalka Soomaaliya wuxuu horumar degdeg ah ku gaari karaa haddii farsamada casriga ah looga faa'iideysto ganacsiga iyo nolosha inteeda kale. Sidaasi darteed, waxaan ku baaqeynaa in ganacsatada iyo waxbarashada ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa," ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shirkadaha SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank iyo Jaamacadda City oo suurtogeliyay qabsoomidda shirweynahan, isagoo guddoonsiiyay shahaado-sharaf.
storvideo: 

Maxaa isu soo jiidaya Sucuudiga iyo Israa’iil?

0
0

Todobaadkii hore taliyaha ciidammada qalabka sida ee Israa'iil Gadi Eidenkot ayaa waraysi ku sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Sucuudiga isweeydaarsadaan xogaha sirdoonka si looga hortago Iran.

Maxaa isu soo jiidaya Sucuudiga iyo Israa’iil?

0
0

Waxaa aad isugu soo dhawaaday dalalka Sucuudiga iyo Israa'iil , kuwaas oo samaystay isbahaysi ka dhan ah Iran.
Waa xiriir xasaasi ah, islamarkaasna sii koraya, iyada oo inta muuqata ay ka badantahay inta qarsoon.
Todobaadkii hore taliyaha ciidammada qalabka sida ee Israa'iil Gadi Eidenkot ayaa waraysi uu siiyay wargeys Sucuudiga laga leeyahay oo Britain kasoo baxa oo lagu magacaabo Alif ku sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Sucuudiga isweeydaarsadaan xogaha sirdoonka si looga hortago Iran.
"Waxaan leenahay dano aan wadaagno marka laga hadlayo arrimaha Iran, heshiis buuxa ayaana inoo dhaxeeya Sucuudiga" ayuu yiri Gadi.
Maalmo kadib wasiirkii hore ee caddaalada Sucuudiga Dr Maxamed Bin Cabdikariim Ciisa oo aad ugu dhow dhaxalsugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaa, oo hadlayay kadib shir uu kaga qabtay magaalada Paris ayuu wargeyska Maarif u sheegay "ma jiro ficil argagixiso ah oo marmarsiimo u noqon kara in diinta Islaamka lagu qasbo meel adduunka ka mid ah, xitaa Israa'iil".
Tani waa cambaareyn dhif iyo naadir ah oo loo jeedinayo weerarada Israa'iil ka dhan ah oo ka timid dunida Carabta.
Maalin kale sargaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidammada Israa'iil oo ka hadlayay shir London ka dhacay ayaa ka hadlay labo shir oo uu la yeeshay labo amiir oo ka socota boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ku yiri "ma tihiin cadawgeena".
Hadaladaas oo kale ma ahan kuwa ku yimaada si kama' ah, waa kuwa si taxadar leh looga fiirsaday, ujeedkuna yahay in lagu waabiyo Iran, iyo sidoo kale in shacabka Sucuudiga loogu diyaariyo haddii xiriirka labada dal ka dhaxeeya uu rasmi noqdo.
Israa'iil ayaa sida caadi ah aad uga hadasha xiriirka labada dal in ka badan inta Sucuudiga uu ka hadlo. Balse waxyar ayaa laga ogyahay waxa ay tahay xaqiiqada rasmiga ah , waxaase cad in uu yahay xiriir rasmi ah, islamarkaasna sii kordhaya.
Halista Iran
Markii duulaankii 2003-dii lagu afgambiyay Saadaam Xuseen, waxaa meesha ka baxay difaacii Sucuudiga ee Iran.
Waxaa Ciraaq ka dhashay hoggaan shiicada ay majaraha u heyso, xiriir wanaagsana la leh dalka Iran. Mana ahan arrin shil ah in Shiicada Ciraaq ay ka dagaalanto gudaha Suuriya iyaga oo taageeraya Bashaar Al Asad.
Taageerada Iran oo lagu daray tan Ruushka ayaa Bashaar ka caawisay in uu iska caabbiyo kooxihii qarka u saarnaa in ay xukunka ka tuuraan.
Waxa ay taasi sababtay in uu dhasho dhul ay Iran saamaynta badan ku leedahay oo xiriirsan min Tehran illaa badda Mediterranean-ka taas oo ay suniyiin badan halis u arkaan.
Sidaas darteed cadawtinimada ka dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga waa mid diimeen, iyo mid istaraatiijiyadeed.
Sida hadda xaalka u muuqdo Iran iyo kooxaha ay isbahaysiga leeyihiin sida ururka Xisbullaah ee Lubnaan, ayaa u muuqda in ay ku guuleysanayaan hardanka jira. Sidaas darteed xoojinta xiriirka Israa'iil iyo Sucuudiga waa mid micno weyn samaynaya.
Labadaba waxa ay u arkaan in Iran aanan marnaba loo ogolaanin in ay noqoto dal heysta hubka nuyuukleerka, waxa kale oo ay u arkaan in Xisbullaah ay halis ku tahay degenaanshaha Bariga Dhexe.
Doorka Trump
Waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo socda, dhibka kaliya ma ahan sare u kaca Iran, ee waxaa jira arrimo kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado, taas oo ah saamaynta siyaasadda arrimaha dibedda ee Trump iyo kacdoonkii carabta waxyaabihii ka dhashay.
Marka koowaad waxa ay kula noqonaysaa in Sucuudiga iyo Israa'iil aysan wax cabasho ka qabi karin maamulka Trump, waxaana jirtay in Trump uu labada dalba booqday, una balanqaaday xiriir wanaagsan.
Balse xaqiiqda ayaa ah in Maraykanka Suuriya looga hub batay, lagana siyaasad badiyay, taasna waxaa sameeyay Ruushka.
Illaa hadda ma jirto wax siyaasad cad ah oo uu Maraykanka la yimid si uu uga hortago halista Iran.
Layaabna ma ahan in Israa'iil iyo Sucuudiga ay la qabsanayaan xaqiiqda ah in saameyntii Maraykanka ee Bariga Dhexe ay sii yaraanayso, sidaas darteed waxa ay dib ugu laabanayaan awooddii hore ee soo laabanaysa oo ah Ruushka.
Cabsida Israa'iil
Waxaa jira wax kale oo kuwaas hore ka daran. Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu ku hawl jiraa sidii uu isbadalo uga dhalin lahaa Sucuudiga, iyo sidii uu Iran isaga difaaci lahaa.
Isbadalka uu Sucuudiga ku samaynayo waa arrin ka dhalatay kacdoonkii Carabta, iyo halista kasoo fool leh ururada Islaamka ah.
Amiirka waxa ay u egtahay in ay ka go'antahay in uu isbadal horseedo si loo gaaro mustaqbal wanaagsan.
Balse Israa'iil waxa ay rumeysantahay in ficilada Amiir Maxamed Binu Salmaan ay ka dhalan karto halis aan hadda jirin, waxayse qirsanyihiin in isbadalka uu muhiim yahay.
Israa'iil waxa ay dusha ka daawanaysay wixii ka dhacay Suuriya oo ahaa in ay caadi iska noqotay isticmaalka hubka kiimikada, taas oo sidii la rabay aysan uga jawaabin Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inteeda kale.
Waxa ay Israa'iil u aragtaa in Suuriya ay tahay sheeybaarka lagu tijaabiyo hubka Kiimikada sida uu dadka u xasuuqo, taas oo hadhoow loo isticmaali doono dalal kale oo gobolkan ka tirsan.
Illaa heerka xiriirka Sucuudiga iyo Israa'iil uu sii xoogaysan karo waxa ay ku xirantahay habda sida siyaasadda Amiir Maxamed Binu Salmaan u guuleysato.
Balse waa in horumar la taaban karo laga gaaro arrimaha Falastiiniyiinta, taas oo muddo dheer shuruud u ahayd Sucuudiga.
Xikmadda waxa ay tahay in illaa inta xal rasmi ah laga gaarayo arrimaha Falastiin, in xiriirka Sucuudiga iyo Israa'iil uu ahaado mid qarsoon.
storvideo: 

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo la dhaariyay

0
0

Emmerson Mnangagwa oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka ayaa dibeda ka soo laabtay si uu xilka madaxweynaha ula wareego.

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo la dhaariyay

0
0

Waxaa maanta xilka madaxweynenimada Zimbabwe loo dhaariyay Emmerson Mnangagwa, wuxuuna badalayaa madaxweynihii xilka ka dagay Robert Mugabe.
Mnangagwa ayaa horey u ahaa madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah.
Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.
Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas.
Halka dhaarinta ay ka dhacayso ayaa ah garoonka ciyaaraha Harare oo qaadi kara 60,000 qof halkii mar.
Waxaa jira warar ka hadlaya in Mugabe loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo. Lama filanayo in uu kasoo qeybgalo caleemo-saarka Mnangagwa sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da Andrew Harding.
Balse xaqiiqda ah in uusan kasoo qeybgalaynin ayaa waxa ay muujinaysaa in isbadalka dhacaya uusan ahayn mid fudud.
Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la'aanta Zimbabwe ay gaarayso boqolkiiba 90%.
"Waxaan rabnaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan rabnaa, shaqooyinka ayaan rabnaa" ayuu yiri Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare.
Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.
Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sanadka dambe.
storvideo: 

Warqad Furan Ku: Madaxwayne Muuse Biixi…..Qor:...

0
0

Warqad Furan Ku: Madaxwayne Muuse Biixi.....Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Ugu horayn eebe ayaa mahadleh badhaadhaha iyo barwaaqada nabadeed inoogu dhameeyay hawlihii cuslaa ee Qarrankeena horyaalay.
Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu horayn waxaan kugu hambalyaynayaa Guusha aad ka gaadhay tartankii salmiga ahaa ee doorashooyinkeena.
Mudane Madaxweyne waxaad hogaanka iyo hilinka u qabatay Qarran curdin ah oo ay ku xeeranyihiin baahiyo badan oo aasaasi ah, waxa lagaa rabaa Qorshe cad iyo Qiyam adag oo waafaqaya barnaamij ololeedkaagii.
Mudane Madaxweyne Qarrankan waxaa ragaadiyay dibna uhaya aafooyinka; Dhaqaale-yarrida, Tahriibka, Shaqo la'aanta, Musuqmaasuqa, Sixir bararka iyo Tayo xumada Waxbarashada heerarkeeda kala duwan.
Haddaba si loo helo hogaamin waafaqsan riyooyinka Dadkeena iskuna keenaysa qaybaheena kala duwan ee bulsheed, sidoo kale saxar-tiraysa dhaliilaha dawladeed ee jirra. Waxaa loo baahanyahay in la sameeyo qorshayaal barwaaqeed oo hormuud u noqonaya tabashooyinka dadkeena iyo dalkeena kuwaas oo lagu kabayo barnaamijsiyaasadeedkaagii ololaha, Waxaana hubaal ah hadii taas lasameeyo in talaabo horleh laqaadidoono dhinackasta oo horumareed.
Mudane Madaxweyne waxaad bedeshay madaxweyne ruugcadaa ah nin reer uweyna ahaa wax badan oo jirrana uurka ku hayay in badan oo nabadayn iyo tanaasul ahna dalka kusoo waday isagoo lahaa himilooyin iyo hadaf uu ku doonayo Somaliland mid ah, haddaba adna waxa kula gudboon maadaama aad kasoo baxday xisbigiisii lajaan qaadida wixii horre ee wanaagsanaa iyo iswaafajinta barnaamijkaaga.
Mudane Madaxweyne waxaa muhiim ah inaad ka fekerto soo dhisida dawlad aan la bilaaban mucaaridad iyo kala fogaansho bulsheed oo isla maalmaha ku dhawaaqidaba dhaca. Waxaa muhiim ah inaad shishe u eegto halka ay munaasib ka tahayna aad dhigto waxaad tahay shaqsi ogaal iyo xog oge u ah dadkan iyo dalkaba.
Mudane Madaxweyne marka laga hadlayo soo dhisida dawlad tayoleh oo aan mucaarad la kowsan waxaa muhiim ah inaad qaado talaabo geesinimo ah Dhamaantoodna aad ka takhalusto Golaha Wasiirada hada jirra ama xukuumadii horre, taas oo keenaysa dhabaynta iyo dariiq u helida barnaamijkaaga siyaasiga ah. Bulshadeenu waxay u aragtaa Madaxweyne amaba ay tahay in Golaha Wasiiradan Jiraa ay iyagu masuul ka yihiin dhamaan aafooyinka ka jirra Dalkeena sida: Qabyaalada, Hanti boobka iyo musuqmaasuqa. Sadexdan oo keenaya dhamaan inta kale ee dib uhaysa dalkeena.
Mudane Madaxweyne ugu dambayn waxaan kugu dardaarayaa Ilaalinta cadaalada, garsoorka, horumarinta, deeqda ,daryeelka , dhawrida iyo Ogaanshaha bulshadeena tamarta yar. Adiga oo ka warqaba inta danyar ah ee dadkeena ah hadana waxaa hubaal ah in dhamaantood ama codkii ugu badnaa 55% ay kusoo doorteen Weliba Dana ay kusoo moodeen adiga. Alle garabkaaga hagalo xilkaa culusna Alle hakuu fududeeyo hana kugu asturro dhamaantiisa.
......Wabilaahi Tawfiiq......
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Email: Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55
storvideo: 

Jawaari iyo Xumad oo Baladweyne Booqday

0
0

Wafdi ay hogaaminayaan gudoomiyeyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo  Jabuuti Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  iyo Maxamed Cali Xumad oo booqasho ku jooga Soomaaliya, ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Barn. Faaqidaadda: Korarka weerarrada Shabaab lagu hayo

0
0

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saareyno weerarada ka dhanka ah al-Shabaab oo kordhey. Mareykanka ayaa dhawaanahan duqeymo xooggan ka geysanayay Soomaaliya. Ma tahay kuwa Shabaab looga adkaan karo sidey hadda wax ku socdaan?

Diyaarado ku duqeeyay al-Shabaab Jubbada Hoose

0
0

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegay in xalay (Khamiistii) duqeyn lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada al-Shabab ku leeyihiin deegaan ku dhow Hoosingow.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka JFS iyo kan Jabuuti...

0
0

Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa ka mid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana loo gudbiyay gudaha magaalada Baladweyne.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle, saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.
Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti inta uu joogo Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galayaa shirka xildhibaanada Golaha shacabka ee berryi halkaasi oo uu khudbad u kaga hadlayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka jeedin doona.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Duqeymo dhanka Cirk ah Oo Laga Maqlay Tuulooyin Hoos...

0
0

wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in jug culus laga maqlay degaano hoos yimaada Gobalkaasi.
ilo dadka deegaanka ah ayaa ku waramaya iney maqlayeen dhowr madfac oo diyarado dhanka hawada ah ay kaga tuurayeen Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, balse dadka degaanka ayaa ka gaabsaday iney xaqiijiyaan qasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.
Saraakiil katirsan Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Madfac l lagu dhuftay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad, inkastoo sharaakiisha Jubbaland ay ka gaabsadeen iney bixiyaan faah faahin intaasi ka dheer oo ku aadan duqeynta lagu weeraray Tuulada Baqdaad.
wali wax ah kama soo bixin Xarakada Al-shabaab oo ku adan duqeynta la sheegay in lala bartilmaameed saday Fariisimo Ciidamadooda ay ku sugnayeen, lamana xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntaasi maadaama aysan dowlada iyana ka hadlin duqeynta la sheegay in lala eegtay saldhigyada Al-shabaab.
Bilihii u dambeeyay Ciidamada Maraykan ee ku sugan Gudaha Somaaliya waxay labanlaabeen howlgalada iyo duqaymaha cirka ee lala beegsanayo saldhigyadda iyo Madaxda Sare ee Xarakada Alshabaab ee ku sugan Somaaliya, inkastoo duqeymahaasi qaarkood ay galaafteen nolasha Hogaamiyaal Ajaanib Somaali isugu jiro oo Al-shabaab katirsanaa
storvideo: 

Jawaari iyo Xumad oo Baladweyne Booqday

0
0

Wafdi ay hogaaminayaan gudoomiyeyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo Jabuuti Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Maxamed Cali Xumad oo booqasho ku jooga Soomaaliya, ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Hiiraan waxa ku sugan ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan goor dhow halkaasi ka soo diray.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:45
0:00:00 /0:03:45
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live