Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Arday Lacago U Ururiyay Ambalaasyada Muqdisho

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla gobolka Minnesota ayaa soo gaba gabeeyay olole ay lacago kaalma ah ugu ururuiyeen shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Wariyaheena gobolka Minnesota Maxamud Mascade magaalada Minneapolis kula kulmay Hodan Rooble iyo Nasra Cali oo ka mid ah ardayda barnaamijkan gurmadka ah soo qaban qaabisay. Marka hore Hodan Rooble ayaa ka jawaabeysa sida ay marka hore ku keeneen aragtidani.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:13
0:00:00 /0:04:13
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Sawirkani waa dawladda ay Isaaq rabaan

$
0
0

25th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Beesha Isaaq, Soomaali inteeda kale waxay uga go'ayaan waa inay helaan dawlad iyaga u gaar ah, waxaase nasiib xumo ah in Madaxdii Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaan niman Qabiil iskuu raacay oo u heshiiyey inay Umad kale ee Soomaaliyeed ee la degta ku dhibaateeyaan. Sidoo kale Bulshadii Caalamka ayaaa maalgelinaysa koox lid ku ah Qaranimaddii SOOMAALIYEED.
Sawirka hoose ninka gacanta taagaya waa beesha Habar awal, Sacad Muuse ee Muuse Biixi ka soo jeedo, ninka bidix ka sii xiga waa Beesha Siilaanyo Habar jeclo, ninka ku sii xiga waa beesha Habar Awal Sacad Muuse ee Biixi, ninka ku sii xiga waa beesha Habar jeclo ee Siilaanyo, Ninka ku sii xigaa waa Beesha Muuse Biixi Habar Awal, Sacad Muuse. Labada nin ee ku sii xigaa waa hogaamiyiaashii jabhaddii xaaraanta ahayd ee SNM, waana Gaca ku dhiiglayaashii hogaaminayey Jabhaddas , waxayna ka soo kala jeedaan beelaha Habaar jeclo iyo Habar Awal Sacad Muuse. Ninka ugu danbeeya ee joornaalka afka SNM ku hadla ee jamhuuriya akhrinaya isaguna waa Habr jeclo. Guud ahaan waa sideed, waa Afar Habar jeclo iyo Afar Habar awal ah. Bal is waydii madaxweyne Farmaajo cidda uu u hambalyeeyey iyo waxku kalifay?
[embedded content]
Sawirka hoose waa marabbidda ka soo jeeda beesha Warsangeli iyo AgoontII ay aabayaashood dileen BIIXI IYO Siilaanyo . iyagu shaqadoodu waa maalmaha sanaadiiqda inay soo fuulaan tiknikada SNM oo argagax ku ridaan beeshii ay ka soo jeedeen Caruurtooda iyo dumarkooda.
Post navigation
- Puntland oo saldhig Booliis ka dhisaysa Hadaftimo
storvideo: 

Madaxwaynaha Argentine oo amray in la baaro markabka la la'yahay

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Argentine, Mauricio Macri, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo waxa ku dhacay Markab ah nooca badda quusa oo la waayay todobaadkii aanu soo dhaafnay.

Madaxwaynaha Argentine oo amray in la baaro markabka...

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Argentine, Mauricio Macri, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo waxa ku dhacay Markab ah nooca badda quusa oo la waayay todobaadkii aanu soo dhaafnay.
Markabka ayaa la rumaysan yahay in uu qarax waxyeeleeyay.
Madaxwaynaha Argentine ayaa sheegay in ay muhim tahay in la ogaado sababta Markabkani oo ahaa mid aan cillad qabin uu qaraxa u haleelay.
Mr Macri ayaa sheegay in howlgalka baadi goobka markabkani uu sii socon doono.
Maraakiib iyo diyaarado ay leeeyihiin dalalka Argentine,Mareykanka,Britain,Chile iyo Barazil ayaa ka qayb qaadanaya howlaha lagu baadi goobayo Markabkani Gujiska ah.
Madaxwaynaha dalka Argentine, Mauricio Macri,ayaa sheegay in aan cidna la eedeeyn ilaa xaqiiqooyiinka ku aadan arrintan laga ogaanayo.
Markabka ay lahaayeen ciidamada badda Argentine,ayaa waxaa saarnaa 44 qof shaqaalo ah.
storvideo: 

Trump: YPG ma Sii Hubeyn Doono

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Kismaayo (SONNA) Maamulka Garoonka Diyaradaha magalada Kismaayo ayaa maanta la wareegay qalab cusub oo loogu talo galay in lagula socdo saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo, Kaas oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ugu deeqday.
Maareeyaha Garoonka Kismaayo C/Laahi Aadan Maxamuud Jagadoon oo uu Wehlinaayo injineerka sameyn doona qalabka ayaa soo kormeeray dhabaha weyn Ee ay ku ordaan diyaradaha ,iyagoona soo indho indheeyey halka ugu haboon ee qalabkaan cusub lagu rakibaayo.
Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Maareeyaha Garoonka Kismaayo ayaa sharaxay qalabkaan iyo faa'iidooyinka uu u leeyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu sheegay in qalabka cusub iyo ku shaqeyntiisa loo tababari doono shaqaale.
Dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa xooga saartay tayeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaraha iyo dekedda magaalada Kismaayo
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasaaradda Haweenka oo daah furtay Ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah Jinsiga

storvideo: 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Khudbad u...

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa Maanta khudbad ka hor jeediyay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku lahaayeen Xaruntooda Magaalada Muqdisho taasi oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Guddoomiyaha ayaa u sheegay Golaha Shacabka Soomaaliya in Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin Shacab walaalo ah oo aan marna kala maarmin Dowladda Jabuutina ay tabtay Garabkeeda Soomaaliya.
Xildhibaanada Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday in qof kasta uu is bar bar taago Dowlada Soomaaliya iyo in dalka ay ka dhalato Xasilooni siyaasadeed iyo mid amni.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Trump: YPG ma Sii Hubeyn Doono

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria.
Hadalkan ayaa sida laga soo xigta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu Trump ku sheegay wada hadal dhinaca taleefanka ah oo ay labada madaxweyne yeesheen Jimcihii shalay.
Sida uu sheegay Cavusoglu, Trump ayaa sheegay inuu bixiyay awaamiir cad cad oo ku aadan in aan la hubeyn karin kooxda YPG.
Waxaa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Mareykanka inuu yiri - arrintan macno darada ah waxey aheyd in waqti hore ay joogsato.
"Wey naga farxisay inaan maqalno si cad inaan la sii hubeyn doonin urur isku dayaya inuu burburiyo Syria. Runtii waxaanu dooneynaa in aanu aragno balanqaadkan oo fula."
Madaxweyne Erdogan iyo Trump ayaa sidoo kale ka wada hadlay iibsiga qalab milatari oo uu Turkigu ka soo iibsado Mareykanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad habeenkii Jimcaha.
Trump ayaa u sheegay Erdogan inuu dib u habeyn ku sameynayo taageerada milatari ee Mareykanku siiyo kooxaha ologga la ah ee Syria, laakiin warbixintu ma aaney carab dhabin YPG.
storvideo: 


Ciidamada Puntland oo Rag Ajaaniib ah ku qabtay Gobolka Mudug

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ay gacanta ku dhigay Rag Ajaaaniib ah, kadib howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in Raggan looga shakisanyahay in ay xariir la leeyihiin Al Shabaab.
Waxaana ay tilmaameen saraakiisha ammaanku in haataan baaritano xoogan ay ku socdaan Raggaasi.
Puntland ayaa saakay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Garacad, kadib markii la sheegay in Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen Bariga Gobolkaasi Mudug.
The post Ciidamada Puntland oo Rag Ajaaniib ah ku qabtay Gobolka Mudug appeared first on Shabelle.

Al-shabaab ka baxsanaya duqeynta diyaaraha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Guriceel (Caasimadda Online) - Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka.
Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.
Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug ayaa bulshada degan Gobolada Dhexe ku tilmaamay in ay ka qayb qaataan Dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada ay diyaariyeen ayuu sheegay in aysan ku jirin ciidamo ajaanib ah sida kuwa Amisom ee Nabad illaalinta Soomaaliya u jooga.
waxa uu intaa kusii daray in Galmudug aanan aqbaleyn marnaba in Deegaanadeeda ay ku gabbaad sadaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somaliland: The First Public Speech Of President...

$
0
0

SOMALILAND: THE FIRST PUBLIC SPEECH OF PRESIDENT ELECT HE MR. MUSE BIHITranslated by Ahmed Hassan Arwo
Today 21 November, 2017, The National Election Commission, declared the wining party of Presidential election, held on 13th November 2013 as the candidates of Kulmiye Party, The ruling Party of Somaliland. Mr. Bihi and his running mate Mr. Abdirahman Saylie won 305,909 votes representing 55.19% of total votes casted. The second Party Waddani won 226,092 (40.73%), while the third Party, UCID got 23,141 ( 4.17%) of the total vote casted.
Thus Mr. Muse Bihi and Abdirahman Saylie were confirmed as President Elect and Vice President respectfully.
Mr, Bihi was touched emotionally by the margin of the win. He is first ever elected Somaliland President with overwhelming majority. In his first public speech as President elect, he showed humility and spirit of thankfulness. After thanking his followers for the trust they bestowed upon him, he expressed the burden of leadership and his unreserved endeavour to unite the nation . Here under is his speech, translated from Somali.IN THE NAME OF ALLAH THE MOST MERCIFUL, THE MOST GRACIOUS
All thanks to Allah, then to my Kulmiye supporters, and to all citizens of Somaliland. I am humbled and honoured to win the trust of my people with this enormous margin. I feel intense with the obligation of responsibility. I realise the huge tasks in front of me, to address the immense needs of my people. I shall be President for all, those who voted for me and those who did not.
First and Foremost I appreciate the smooth running of our electoral process, with the outcome of all accepted free and fair election, as a historic landmark for our country. Let me thank the NEC, the Police and National Army, and above all our peace loving, well mannered and democratically oriented public. We did a great job. The whole nation deserves to be praised. It is not Kulmiye's victory, not mine, but victory for all of us. The Nation won. It is not me and you, it is all of us who succeeded.
Disputes are human nature. Families quarrel. A father and son squabble, so a mother and daughter. We contested an election with exciting campaigns, bruises and scratches happened from all parties. It is nothing but a part of the game. There is no enmity between us and no hard feeling at all. Each one of us wants to develop and secure our national interest. We have different means to do that. We presented these differences to our people and the people decided. That is why we all prevail.
I feel that I am not the sole winner, UCID and WADDANI candidates as well triumphed. They contested peaceful and spotless campaign that attracted the eyes of the world. The congratulations and commendable message from International Election Observers, the friendly countries and the world at large is the result of our combined undertaking. Together, we made our people proud and put our country celebrated worldwide for its democracy, a rare attribute to a developing country, lest unrecognised one. We raised our status to be recognised as an independent and sovereign nation. A sacred mission we all seek to accomplish.
I will let no stone unturned to remedy any grudge or resentment any Party feels, I will bring all of us, the three political Parties and their leadership to unite for the common good of our Somaliland. We cannot avoid disunity at these critical times. We have one enemy. That enemy is neither mine nor yours it is our enemy, and we have to unite against him. I welcome my yesterday adversaries as my brothers, with open hand and clean heart to preserve the unity of the nation. United we can move mountains, divided we will fail.
Needless to say, what we share is overwhelmingly more than the tiny differences we have.
Thank You and Allah bless you.
Long live Somaliland, Viva Kulmiye. May peace and Allah's mercy be with us all.
HE MR. MUSE BIHI ABDI
PRESIDENT ELECT,
REPUBLIC OF SOMALILANDhttp://samotalis.blogspot.com/
storvideo: 

Ciidamada Puntland oo Rag Ajaaniib ah ku qabtay...

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ay gacanta ku dhigay Rag Ajaaaniib ah, kadib howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in Raggan looga shakisanyahay in ay xariir la leeyihiin Al Shabaab.
Waxaana ay tilmaameen saraakiisha ammaanku in haataan baaritano xoogan ay ku socdaan Raggaasi.
Puntland ayaa saakay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Garacad, kadib markii la sheegay in Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen Bariga Gobolkaasi Mudug.
storvideo: 

Gargaarkii ugu horreeyey ee cirka lagu geeyo oo ka degey Sanca

$
0
0

Duullimaadyadii ugu horreeyey ee gargaar sida, tan iyo markii xulafada Sacuudigu horkacayo ay xayiraadda ku soo rogeen deegaannada ay fallaagadu haystaan, ayaa ka degay caasimadda Yemen ee Sanca.

Gargaarkii ugu horreeyey ee cirka lagu geeyo oo ka...

$
0
0

Duullimaadyadii ugu horreeyey ee gargaar sida, tan iyo markii xulafada Sacuudigu horkacayo ay xayiraadda ku soo rogeen deegaannada ay fallaagadu haystaan, ayaa ka degay caasimadda Yemen ee Sanca.
Waxay isugu jiraan duullimaad Qaramada Midoobay ay ku geysay 1.9 Malyan oo ah tallaalka Meritxell Relano, sida uu sheegay wakiilka Unicef ee Yemen.
Seddex dayaaradood oo kale oo sida shaqaalaha gargaarka ee Qaramada midoobay iyo shaqaalaha laanqayrta cas ee caalamiga ayaa iyaguna halkaa tegey, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Xulafada ayaa xayiraadda ku soo rogay 6 Nofembar, laba maalmood ka dib markii fallaagadu ay gantaal ku rideen caasimadda Sacuudiga, Riyaad.
Gantaalka oo ay tureen fallaagada Xuutiyiinta ayaa looga hortagay meel ku aaddan dusha madaarka caalamiga ah ee Riyaad.
Imaanshaha duullimaadyada gargaarka ayaa ku soo beegmaya seddex maalmood ka dib markii xulafadu ay ku dhawaaqday inay dib u furayaan magaalada dekedda leh ee badda cas saaran ee Xudaydah, si loogu adeegsado gargaarka daruuriga ah, iyo garoonka dayaaradaha ee Sanca, si ay u tagaan duullimaadyada gargaarka sida.
Saraakiishu waxay sheegeen in uusan jirin Markab gargaar sida oo weli ku soo xirtay Xudaydah.
Dib u furiddan ayaa daba socotay dib u eegid ay xulafadu sameeyeen, ayagoo xaqiijinaya in uusan jirin hub soo gaaraya fallaagada.
Waxaa la filayey in shixnadda ugu horraysa ee gargaarka ay timaado Khamiistii, laakin waxay u muuqataa in ay dib u dhacday bacdamaa ay hay'adaha gargaarku la xaajoonayeen xoogagga isbahaysiga.
Shaqaalaha gargaarga waxay ka digayaan in duullimaadyo kaliya aysan ku filnayn in la dhameeyo mushkiladda.
Waxay ka dardaar warinayaan xaalad aad u daran oo haysata kumanaan qof oo rayid ah, kuwaasoo u baahan in la gaarsiiyo sahay noloshooda lagu badbaadinayo oo laga dejiyo dhamaanba dekedaha ay fallaagadu gacanta ku hayso.
In ka badan 20 Malyan ayaa u baahan gargaar banbi'aadminimo oo degdeg ah. 11 Malyan oo dadkaas ka mid waa carruur, 400,000 oo ka mid ahna waxaa haysata nafaqo darro aad u ba'an.
Xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa soo fara geliyey dagaalka u dhaxeeya Madaxweyne Cabdu-rabbuh Mansuur Haadi iyo Xuutiyiinta 2015. Wixii wakhtigaas ka dambeeyey, duullaannada dhulka iyo kuwa cirka waxaa ku dhintay in ka badan 8,670 qof sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.
Sacuudigu wuxuu sheegaa in fallaagada ay taageero ka helaan Iran oo ah dal ay ku loollamaan gobolka, arrintaasoo Iran ay beenisay.
storvideo: 

Maqaal:- Hirdanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee u...

$
0
0

Wadamada Sacuudiga iyo Iiraan loolanka, is maan dhaafka iyo hirdanka siyaasadeed ee u dhaxeeya mudo sanooyin fara badan ah ayuu taagnaa waxaase uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay iyadoo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyayna xaaladu ay cirka isku sii shareeraysay.
Labadan waddan ee (Iiraan & Sacuudiga) oo kala hoggaamiya Shiico & Sunni arimaha ugu waaweyn ee ay ku hardamayaan waxaa ka mid ah dalkii noqon lahaa quwada ugu weyn ee dhinacayada siyaasada dhaqaalaha iyo milatariga looga danbeeyo marka ay timaado hogaaminta waddamada Bariga Dhexe ilaa Bariga Afrika.
Waxyaabaha mudan in la xuso waxaa ka mid ah markii Allaha u naxariistee Madaxweyne Sadaam Xuseen laga tuuray xukunka Ciraaq ayaa waxaa jirta in awood ballaaran ay lasoo baxday Iiraan, taa baddalkeeda waxaa daciifay oo walina haadaan dheer kusii socda siyaasaddii arrimaha dibadda ee waddankii isku magacaabay hormuudkii Islaamka (Saudi Arabia).
Sacuudigu way daawanayeen raalina waa ay ka ahaayeen markii Ciraaq dhulka lala simayay, iyadoo meesha ay ka baxday dowladdii Sunniga majaraha u hayeen, waxaana xukunkii la wareegay Shiicada, taasoo guul dahabi ah ay u noqotay Iiraan.
Bal aanu eegno siyaasada sacuudiga iyo sida ay ugu muuqato in ay tahay mid majara habawsan.SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA TURKIGA
Turkiga oo maanta awood iyo dhaqaale ku leh dunnida kasbadayna shucuubta dadyowga Islaamka oo idil, Sacuudigu masoo dhaweysan, laakiin taa baddalkeeda waxaa saaxiib dhow ka dhigatay xukuumadda Tehran.SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA YEMAN
Xukunkii ay majaraha u hayeen dowlad Sunni ah ayay Sacuudigu meesha ka saareen mid kale oo ay soo dhoob dhoobeenna waa dhiseen, nasiib xumo Iiraan oo arrinkaas il-feejigan ku haysa ayaa shiico kicisay illaa markii dambe ay heshiis ka dhex abuurtay madaxweynihii xilka laga dajiyay Cali Cabddala Saalix iyo madaxdii shiicada. Caasimaddii wadanka & inta badan dalka waxaa gacanta ku haya Shiico, ninkii Sunniga ahaa "Mr Saalix"& saraakiil ciidan yar oo uu wato waxaa ku hareeraysan Shiico, waayo waa lagu dan gaaray. Iiraan halkaa waxaa uga suurto gashay in gantaaladeeda lagu gano dhulka Sucuudiga. waana fursad kale oo ka dhalatay siyaasad xumada dalalka Sacuudiga & Imaaraadka. Arrimo siyaasaddeed oo lagu dhamayn lahaa bilo gudohood ayaa waxay maanta la maraysaa sanado dhiig ku daateen.SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN SYRIA.
Inkastoo fursad fiican uusoo maray Sacuudiga kuna dhawaaday inuu xukunka ka tuuro maamulkii Shiicada ee dalka Syria, nasiib xumase xoogaggii ku kacsanaa iyo Alqaaciddadii magaca beenta la huwiyay ma midaynin, umana samayn hal ajande illaa markii dambe xoogaggii dagaalka kula jiray xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad ay kala tafaraaruqeen kaddibna ay isku badashay howshii Al-Qaacidda (ISIS) iyo mucaaradkii dalka oo tiro yar.
Waxaa batay dagaalyahannadii ISIS oo ujeeddadii loo aasaasay waji kale u yeelay, waxay ku dhawaaqeen inaysan ku ekaanayn Syria laakiin ay socon doonaan illaa Yurub, Mareykanka & dunnida Muslimkaba. Waxaana halkaas albaab uga furmay dalalka Ruushka, Iiraan iyo ururka Xisbullah, waxayna kusoo dagaal galeen inay sifaynayaan argaggixiso iyo inay difaacayaan dowladdii Shiicada. Mar afaraad waxaa halkaas guul ugasoo hoyatay dalka Ruushka oo maanta go'aamada Bariga dhexe talo ku leh, iyo Iiraan oo araxda ka jabisay qorshihii Sacuudigu maalgaliyay oo Reer-Galbeedkuna u durbaan tumeen.SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA LUBNAAN.
Hoggaamiyaha wata siyaasadda qar-iskaxoorka ah ee Sacuudiga taladiisa la wareegay Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa isagoo raadinaya waddo uu u maro kuna ku dhabar jebiyo Iiraan & ururka Xisbullah ayuu u yeeray Ra'iisal wasaaraha Sunniga ah ee dalka Lubnaan SACAD XARIIRI isagoo magaalada RIYADH jooga ayuu sida wararka ay sheegeen ku khasbay inuu is-casilo, Xariirina waa uu yeelay.
Hoggaamiyaha ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna warfidiyeennada u sheegay in Sacad Xariiri lagu qasbay inuu iscasilo, waana u ekaatay! waxayna Nasrallaah & Iiraan oo wada socda ka codsadeen Madaxweynaha Lubnaan Misheel Cawn inuusan aqbalin arrinkaas uuna yiraahdo waddanka haku soo laabto Ra'iisal wasaruhu. muddo usbuuc ama todobaad kaddib waxaa warbaahinta Sacuudiga kasoo muuqday Sacad Xariiri oo u eg inuu kusoo lugeeyay waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho. (Rifrifka ka muuqda aad ka yaabayso). waayo Maxamed Bin Salmaan ayaa xabsi guri galiyay.
Waxaa arrinta soo dhexgalay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo furtay Sacad Xariiri wuxuuna keenay Magaalada Paris kaddibna ku celiyay Lubnaan, shir albaabbadu u xirnaayeen oo madaxda dalka Lubnaan yeesheen Sacad Xariiri waxaa lagu qanciyay inuu ka laabto iscasilaadda xilkana sii hayo, Waana yeelay!
Waxaa mar kale fashil foolxun ku yimid ujeedkii Sacuudiga. Maanta Sacuudiga Lubnaan & Sunnigii xukuumadda hoggaaminayeen midna faro kuma hayo, gabayguna waa ka xiran yahay. xukuumadda Tehran baase dhoosha ka qoslaysa.SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA Qadar.
Waa dal yar, waa dal dhaqaalihiisu uu Bangiyada Yurub oo dhan buuxaan, waa dal shirkado waawayn ku leh Yurub, waa dal galaangalkiisu dhinac walba jiro, waa dal leh siyaasad midaysan oo qunyar socod ah. Imaaraadka oo ka duulaya dhaqaalihiisii oo u wareegay dalka Qadar ayaa Sacuudiga adeegsaday kuna tilmaamay in ay halis qarsoon tahay sidaa darteedna tallaabo laga qaado, cunaqabatayn aan waxba loola harin baa lagu soo ragay, biyo, raashin, daawo, ganacsi nooc walba leh, hawada & badda ayay ka xirteen, dabeedna Iiraan oo fursad uga bannaanaatay ayaa waddankii Qadar ahaa waxay ula soo ordeen, Qudrad,raashin iyo biyo deg deg ah, dalka Turkigana wuxuu keenay, Caano, Hilib, Daawo iyo ciidamo difaaca haddii lasoo weeraro.
Ujeedka ugu weyn oo ahaa in ay dalka Qadar jilbaha dhulka loo dhigo laga waa, ceeb baase ka raacday, mar kale Iiraan oo maalinba maalinta ka dambeya raadinaysay sidii ay Sacuudiga ugu soo dhawaan lahayd ayaa waxaa jirta in maanta ay Sucuudiga ka xigaan Koonfur, Waqooyi iyo Bari. Dhammaantoodna waxaa jooga sirdoon & ciidan u shaqeeya Iiraan, Sacuudiguna iska daah inuu taako horey u qaadee garoomadoodii dayuuradaha baa si dadban duqayn lagu hayaa.FURSADII UGU DAHABSANAYD GOORMA AYEY SACUUDIGA SOO MARTAY?
Iiraan oo ka caraysan dilkii ay Sacuudigu ku fuliyeen wadaadkii Shiicada ahaa Nimri Al-Nimri ayaa waxaa weerar lagu qaaday safaaraddii & Qunsuliyaddii Sacuudigu ku lahaa Iiraan, waxba kama qaban ciidamada Boliiska Magaalada Tehraan tan iyo intii laga gubayay safaaradda Sacuudiga, waxaana faro ciddi leh ku baxsaday safiirkii,qoyskiisa iyo shaqaalihii safaaradda.
Subixii xigay, waagu markuu baryay Sacuudigu wuxuu waddamadii Sunniga ku cadaadiyay in ay safiirradooda kalasoo baxaan Iiraan xiriirkana diblomaasiyadeedna u jaraan, waa lawada yeelay!
Xukuumaddii Tehran falkaas waa ku fashilnatay, waxayna dhexdhexaadin ka dalbadeen Reer-Galbeedku in ay arimaha soo dhexgalaan, sida caadada u ah Reer-Galbeed Muslim isku jabay waa farxaddooda, ayaa Tehran markay aragtay in xaajo ku qalloocan tahay si asluubaysan bay uga hadleen raali galinna waa ka bixiyeen.HADDABA MAXAA XIGAY?
Sacuudigu kama faa'iidaysan fursaddaas oo waxaa loo baahnaa in ay waddamada Sunniga ah ula yimaadaan siyaasad furfuran, oo waddan kasta taageero nooc walba leh lala garab istaago, waxay ahayd in ay sameeyaan guddi farsamo oo booqda waddamada Islaamka oo latashiyo kala sameeya arrimaha caafimaadka, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, isku socodka. IWM. Waa sida ka muuqata siyaasaddoodee waxay isku qabaan inay dunnida Muslima iyagu leeyihiin....... waa is dhigteen sidii inay guul joogaan.
Waddamo badan oo filayay in Sacuudigu is furfuri doono ayay Sacuudigu xaajaddii la aadeen meel khalddan waxayna Qaramada Midoobey ka dalbadeen in cadaadis la saaro Iiraan, xisaabtaba kuma darsan waddamadii u hiiliyay!
Dunnidii Muslimka candhuuftay dib u liqeen waana loo aamusay, Sacuudiga oo taageero khalddan raadinaya ayay dunnida Islaamka ka codsadeen in xiriirka diblomaasi loo jaro dalka Qadar....... dee wixii aad ogayd baa dhacay! Yaahuu baa la yiri.
Isku soo xooriyoo marka dhinacyo badan laga eego siyaasadda Iiraan waa mid deggen oo qunyar socod ka muuqdo tallaabo walba oo ay qaadayaana ay in badan ka fiirsadaan, ururrada ay taageerayaan waa kuwo u adeega danaha Shiicada & dowladda Iiraan.
Dhinaca kalane Sacuudiga siyaasaddiisu ma fadhido waxaana ka muuqata seef laboodnimo, waana mid u eg istus-tusnimo, magacii Islaamka waa ku ciyaareen, urur kasta oo ay siyaasad ahaan taageeraanna ugu dambeyntii fashil ayuu ku dhammaadaa!Qalinkii: Maxamed Jaamac Faarax.
The post Maqaal:- Hirdanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


RW Kheyre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga,...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ,iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii looga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.
Xilka Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.
storvideo: 

PM appoints new Defense Minister, sacks religious affairs minister

$
0
0

Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has on Sunday appointed former Somalia’s Ambassador to Turkey Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman as the new defence minister.
PM Khaire has also sacked the minister of religious affairs, Iman Abdullahi Ali over undisclosed circumstance.
Somalia’s Information Minister Abdirahman Yarisow has confirmed the appointment of the new Defense Minister and dismissal of the Endowment and Religious Affairs Iman Abdullahi Ali.
Last October, Somali defence minister Abdirashid Abdullahi Mohamed has resigned from his post. citing personal reasons.
The dismissal of the minister of religious affairs will be the first time that PM Khaire has sacked a member of his cabinet since taking office in March this year.
The post PM appoints new Defense Minister, sacks religious affairs minister appeared first on Shabelle.

Farmaajo ma halka uu ka doonay ciidanka difaaca...

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinaya wax loo magac daray "Ciidanka difaaca shacabka", shalay wuxuu la kulmay dhalinyaro la rabo iney ku biiraan ciidankaas si mutadawacnimo ah, sidoo kale horaantii bishan ayuu ugu baaqay dhalinyaradda waxbarata iney qalinka dhigaan oo ay qoryaha qaataan si dalka looga xoreeyo Al Shabaab.
In la dhiso ciidamo horleh iyadoo kuwii hore aan xuquuq iyo nolol fiican loo heynin waa uun iska talo xumo iyo ciwaanka la yiraahdo "wax walba ku tijaabi" , laakiin hadiiba hogaanka sare ee dalku uu raadinayaan ciidamadda difaaca shacabka, waxaan qabaa in shaqaalaha wasaaradaha Dowladda laga qoro kuwa iska dhex fadhiya oo waxey qabtaan waayay, mushaarka fiican qaata, markii horana aan loo qorin baahi shaqaale oo wasaaradaha ka jirtay.
Mudane madaxweyne waxaan aragnay wasaarado degan 5 qol oo kaliya ayna u shaqeeyaan 200 ama 300 oo qof, wax ay wasaaradda u qabtaan Iska dhaafe wasaaraddu xitaa fadhi uma heyso iyo door ay ku shaqeeyaan, waxey qaataan mushaaraad u dhaxeeya $400,$700 ilaa $1200, cid walba ayaa og in aan baahi wasaaradaha ka jirta loo qorin laakiin hadda waxaa la joogaa xiligii laga faa'iideysan lahaa dadkaas.
Adigoo meel ku og 7000 (todobo kun ) oo qof, kuwaas oo 70% aan Dowladda shaqo saxan u heynin, oo mushaar ka qaata bil walba, oo Dowladda Facebook_yadda iyo fedhi ku diriradda ka caaya, inaad dhalinyaro hada wax baraneysa dagaal galiso sabab keeni karta ma muuqato , adna ilama ahan madaxweyne inaad sharaxaad u heyso midaas.
Shaqaalaha wasaaradaha ee 12kii sano ee lasoo dhaafay uu wasiir walba xoogaa ku heyb ah kusoo xaabiyay meesha fadlan qaranka uga faa'iidey ,mudo ayey lacag bilaa dhidid ah qaadanayeen, waxaa jira wasaaraddo shaqaalahoodu ku yimaadeen hanaanka 4.5.
Wasaarad walba hadii aad 100 shaqaale ah ka qaado, tababar ciidan oo deg deg ahna la siiyo lana jiheyo waxaad heli kartaa dhowr kun oo askari oo ah ciidanka difaaca shacabka, markii aad talaabadaas qaado dadku waxey kuu arki doonaan nin meel u socda, hadii aaney xitaa taasi macquul kuu aheyn mushaarkooda 60% hala dhimo oo ciidanka mushaarkiisa 60% kor u qaad si Askarinimadu qiimo u yeelato inta dalku ku jiro xaaladda dagaal.
Suurta gal ma'ahan madaxweyne inaad wiilal iyo gabdho wax baranaya kusoo lugooyso meel bilaa mushaar ah oo bilaa xuquuq ah ee fadlan kuwa aad bil walba lacagta akoonada ku siisaan uga faa'iideya dalka iyo dadka.
Talaabadan hadii aad qaado waxaan hubaa in intooda dhiiga shacabka dhuuqi jirtay ay qeyli doonaan ama ay Iska bixi doonaan , kadib waxaad heli doontaa wiilal iyo gabdho saacadna xafiisyadda ka shaqeeya, saacadna qorigoodu garabka ugu jiro oo dalka difaacaya.
Ilama ahan iney jiri doonaan dad badan oo kugu garab istaaga inaad iska indho tirto 7000 oo shaqaale ah oo lacag qaata bil walba wax muuqdna aan u qaban Dowladda, oo taa badalkeeda aad caruur wax baraneysa dagaal ugu yeerto, Dowladnimadu ma'ahan qudbo iyo hadal macaani ee waa arin u baahan fikir iyo fulin.
Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan FaaraxRaafac22@gmail.com
storvideo: 

Putin oo saxiixay sharci warbaahinta ajaaniibta u aqoonsanaya wakiilo shisheeye

$
0
0

Madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin,ayaa saxiixay sharci dowladda u ogolaanaya in ay u diiwaangaliso warbaahinta ajaaniibta ee ka howlgala Ruushka in ay yihiin wakiilo wadamo shisheeye.

PM appoints new Defense Minister, sacks religious...

$
0
0

Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has on Sunday appointed former Somalia's Ambassador to Turkey Ahmed Mursal Sheikh Abdirahman as the new defence minister.
PM Khaire has also sacked the minister of religious affairs, Iman Abdullahi Ali over undisclosed circumstance.
Somalia's Information Minister Abdirahman Yarisow has confirmed the appointment of the new Defense Minister and dismissal of the Endowment and Religious Affairs Iman Abdullahi Ali.
Last October, Somali defence minister Abdirashid Abdullahi Mohamed has resigned from his post. citing personal reasons.
The dismissal of the minister of religious affairs will be the first time that PM Khaire has sacked a member of his cabinet since taking office in March this year.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live