Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulanka dhexmaray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee - Somalia kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia iyo Xildhibaano uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabouti.
Kulankan labada dhinac ayaa ahaa mid isbarasho ah, waxaana leyska wareystay hanaanka wada shaqeeneyd iyo in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyn kara labada baarlamaanka.
Sanatorada Aqalka Sare ee wafdiga Dowladda Jabuuti la kulmay ayaa waxaa Hogaaminaayey Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare, halka Xildhibaanada Jabuuti uu ka hogaaminaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas Xaamud.
Xildhibaano ka kala tirsan labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay is horfadhiistan, iyadoo leyska wareysanaayo shaqooyinka labada dhinac.
Xildhibaanada waxa ay tilmaameen inuu sii socon doono is aragooda inta laga yagleelaayo xiriir joogta ah oo dhexmara labada baarlamaan.
Wafdiga ayaa sidoo kale qadka Teleefanka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Kuma Raacin in aan Mansab iyo Maaliyada Ka Helo...

$
0
0

Wakhti hada laga joogo laba sanaadood ayaan shaqo warbaahineed la bilaabey xisbiga kulmiye anigoo wariyaha gaarka ah u noqdey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xiligaa ahaa murashaxa madaxweyne ee xisbul xaakinka kulmiye marka laga yimaado xirfadeyda saxafinumo waxaan aragti ahaan taageersanaa siyaasada Hogaamiye Muuse Biixi Cabdi sababta oo ah markaan bartey waxaan ku qancay in uu tahay shaqsiga kaliya ee isbadal nololeed u samayn kara bulshada reer somaliland oo nololashooda aya soo foodsaartey waayo adag oo gurmad u baahnaa waxaan dhexda u xidhey sidii xisbiga kulmiye mar labaad ugu guuleysann lahaa hogaaminka qaranka curdinka ah ee Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi Kartidiisa ku dhiciisa hankiisa iyo hiigsiga uu la damacsan yahay somaliland markaan arkey ayaan la jeclaadey in uu noqdo madaxweynaha shaanad ee somaliland ay yeelato wixii ka danbeeyay markii ay dib ula soo noqotey xoriyadeedii 18 May 1991.
Deegaano badan ayaan wakhtigii ololaha iyo xiliya ka horeysay madaxweyne muuse biixi cabdi la soo marey isagoo hadalo kala duwan u jeediyay shacabka reer somaliland ee jiidahaas uu ku marayay khudbadiisa waxaa laga dhadhan sanayay bisaylka siyaadees ee ka muuqda hogaamintiisa iyo aqoonta uu u le yagay dalka iyo dadkaba iyo sida uu ugu dhuun daloolo xaalada bulshadu ku jirto iyo isagoo ay u cadeyd sidii wax uga qaban kari lahaa badi shacabka reer somaliland waxay jeclaysanayeen in talada dalka uu qabto hogaamiye hal adag oo ku dhac badhiidha ah leh kaas oo ay u garowsanayeen in uu yahay Muuse Biixi Cabdi.
Waxaney shacabku ka filayeen in uu isbadel wanagsan dhalinayo oo uu rajada shucuubka reer somalaland celiyo dalkana ka suurto galinayo sharci iyo kala dambeyn dhab aha waana sababta ay codka weyn u siiyeen bulshada reer somalialand Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Anigu kuma dooran Muuse Biixi Cabdi in uu dhaqaale xil mansab meeqaam sare i siiyo balse waxaan kaga doortey musharixiintii kale ee kursiga kula tartamayay in uu wax muuqda ka qaban karo xaalada adag ee ay ku jiraan shacabka reer somaliland aniga iyo inta ila aragtida ahiba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxanu ku dhisidoonaa sidii uu bulshada wax ugu qaban lahaa una dhisi lahaa xukuumada lagu tanaado oo waxqabadkeeda shacabku ay kaga baxaan dhibaato badan oo jirtey.
Nin dhisey iyo ka soo horjeedayba Muuse Biixi Cabdi waa u madaxweyne waxaana waajib ku ah in uu qaranka cadaalad iyo sinaan ka hirgaliyo si somaliland ay guul weyn u gaadho
Waxaan farayaa shacabka reer somaliland in culeyska ah beeshada xil u magacaaw ka daayaan madaxweynaha cusub oo aynu wax ku doono qaranimo iyo somaliland yaa u shaqayn kara waxna u qaban kara.
Alle Xilka Ha Ku Asturo Madaxweynaha la doortey ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Qalinkii Suxufi
Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)
Email: akiid14@gmail.com
storvideo: 

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.
Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda darajadeeda koowaad iyo midda sare oo ku guuleystay kiisas culus inay qaadaan, iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay aan dhinac mareynin.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee C.Q.S, G/sare Xasan Cali Nuur shuute, waxaa xilkaasi loo magacaabay 24 September 2014, biloow ilaa iyo dhammaad waxbarashadiisa dalka ayuu kusoo qaatay, waa dhalinyaro firfircoon oo har iyo habeen u istaagay in saldhigga ay ka duulaan uu noqdo cadaalad iyo in meesha ay ka baxdo qof jecleysi ama xeer jajab in lagu dhammeeyo kiisaska maxkmadda loo soo gudbiyey.
Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka go'antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.
Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxaana ognahay kiisas kala duwan inay ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukuno kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.
Eedeysanaha dambiyada ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda go'aan ay ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, oo la weydiiyey su'aal aheyd
"waxaa la idinku eedeeyaa dadka eedeysaneyaasha ah in aydan u qaban qareen difaaca oo iyagga ay keensadeen, balse aad u qabataan qareen dhanka Maxkmadda u janjeera" isagoo ku jawaabay:-
"Arrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen ah, dacwo hufan oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah iyo cidda difaaceyso Eedeysanaha oo qareenkii ah iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysay" ayuu yiri guddoomiye Shuute
Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineyso in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalka ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn go'aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?
"Xaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku xukumeyso isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayey" mid kamid ah garsoorayaasha Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .
Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ah in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qur'aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa su'aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.
Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.
Lama qarin karo wanaagga maxaa yeelay si dhaqso ah ayuu ku faafaa, bulshadana uu u gaaraa, Shacabka Soomaaliyeed ayaa xaqiiqsaday in tuhunkii jiray uu dhammaaday oo ay arkeen garsoor u tafaxeytay cadaalad iyo ku dhaqan sharci, waxaana ay fal celintooda noqotay inay boggaadiyaan shaqada adag ee qaranka ay u hayaan, Guddoomiyaha Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan cali nuur shuute, Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Ciidamada qalabka sida S/guuto Liibaan cali yaroow, garsooreyaasha iyo xeer ilaalinta Maxkamadda.W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan
storvideo: 

Puntland oo biyo xireen ka dhagax dhigtay Balibusle

$
0
0

Hay'adda American Refugee Committee (ARC) iyo Wasaarada Degaanka iyo duurjoogta Puntland, ayaa Magalada Bali-busle ka dhagax dhigay biyo Xireen Qaadaya 45,000 Afartan iyo Shankun oo Birmiil, kaas oo laga bilaabay Maanta gelinkii dame duleedka Magaalada Balibusle Ee Gobolka Haylaand .
Dhagaxdhigii Mashruucan Ee Maanta Waxaa ka soo qaybgalay Xubno ka Socda Maamulka Wasaarada, Isuduwaha Wasaarada Degaanka iyo duur joogta,Badhasaabka Gobolka Hayland, kan Degaanka Balibusle Ee Gobolka Hayland iyo Masuuliyiinta Hay,adda ARC.
Biyo Xireenka ayaa kufadhiya dooxa Wayn oo balaceedu aad u balaadhanyahay taas oo fursad siinaysa Xiliyada roobka In looga faaideysto biyaha roobka oo Xiliyo badan lugu baahi beelidoono.
Ugu horeyn Waxaa goobtan ka hadlay, Isla markaana ka hadlay ahmiyada iyo fa'iidiyinka Haradan Casriga ah u leedahay bulshada Mandaqada C/weli Aadan oo ahaa Masuulka ka socdey Hay' adda American Refugee Committee (ARC) ,Wuxuu sheegay In mashruucani oo yahay mid uga baahan bulshada Degaanka In la ilaashado oo aan la dayacin marka la dhamaystiro.
Haradan Waa mid Casriya oo ah Plastic dhulka loo goglayo deedna lugu kaydinayo biyaha oo aad u kaafin doona Malayiin Qoys.
Xubno ka mida Qandaraas layaasha Mashruuca oo ah Shirka Sanaag Contracture Campny oo fulineysa howshan ayaa sheegay iyo Odayaasha Degaanka iyo bulshadaba kawada shaqayn donaan arrintan.
Gudoomiyaha Gobolka Hayland Mundane Maxamed Cawil C/laahi ayaa uga Mahadceliyey Wasaarada Degaanka ,Masuuliyiinta Hay,adda iyo dhamaan bulshada Degaanka siday uga wadda shaqaynayaan horumarka Biyo xireenkan oo Ahmiyad Weyn ugu fadhiya bulshada Gobolka gaar ahaan goobtan iyo Nawaaxigeeda oo ay ka ag dhow-dhowyihiin Xoola dhaqatada miyimiyigu.
Maxamed Axmed Ciise, Balisbusle, Soomaaliya
storvideo: 

Wasiirka gaashaandhigga oo la magacaabay

$
0
0

Kn: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dawladda federaalka Soomaaliya.
Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, wuxuuna horay u soo qabtay jagooyin ay kamid yihiin, ku xigeenka ra'iisul wasaaraha, wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.
Booska loo magacaabay Maxamed Mursal ayaa banaanaa tan iyo intii uu bil ka hor iska casilay wasiirkii hore ee gaashaandhigga, mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed. Magacaabista Maxamed Mursal waxay meesha ka saaraysaa warar bulshadu isla dhex maraysay oo sheegayay in Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur loo wado booska wasiirka gaashaandhigga.
storvideo: 

Dadka yaa dowlad u ah? Wuxuu na baday burburki wuxuu...

$
0
0

Asbuucaan warki iigu xiisaha badnaa waxaa uu ahaa miisaaniyadda 2018ka ee dowladdu soo bandhigtay. Inkastoo aanan helin masaaniyadda oo dhamaystiran, hadana goosgooska lagu soo bandhigay shabagadaha wararka ayaa iigu filnaaday mashquul. Mar walba oo aan akhriyaba xog dheeraad iyo qodobo xiiso leh ayaa ii baxayay. Laakiin waxaan goor danbe ku baraarugay in xiisaha ay ii leedahay miisaaniyaddu aysan dadka u wada lahayn. Sidee?
Marki ay dowladdu soo bandhigto qorhse cusub, waxaa caado noo ahayd in aad looga faalloodo. Muxaafid iyo mucaarad ayaa loo kala safan jiray. Mid aqoon u leh iyo midaan waxbo kala soconba qof walba fakerkiisa ayuu dhiiban jiray. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa lagu wadaagi jiray. Laakiin miisaaniyaddu sidaasi ma noqon inkastoo ay ahayd midda ugu qiimaha badan qorshayaalki aan arkeenay dhawaanahaan.
Waxay ahayd in idaacaduhu ay aad u baahiyaan misaaniyadda sharraxaad dheeraad ahna dadka ka siiyaan. Waxay ahayd in dhaqaalo-yahannadu ka faalloodaan muuhiimadda ay xambaarsantahay iyo sida ay u saamayn doonto howlaha dowladda. Waxay ahayd in shacabku si fog u akhriyaan fahmaanna muhiimadda ay u leedahay miisaaniyaddu.
Shacabku waa dadka ay sida tooska ah u saamaynayso miisaaniyaddu. Iyaga ayaa canshuurta laga qaadaayaa, alaabaha canshuurta lagu kordhiyay qiimaha ku darmayo shacabka ayaa bixin doono si toos ah, sidoo kale iyaga ayaa dib loogu celinayaa inteeda badan. Sidaa darteed waxay ahayd inay waqti galiyaan si ay dowladdu oogala xisaabtamaan adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.Oo yaa baahida bulshada xisaabta ku darsado?
Maya saas maahan. Adeegga bulshadu waa xilka koowaad ee dowladda saaran, mana hilmaansana in wixii loo ikmaday ay taasi ahayd. Miisaaniyadda sanadkaan waxaa lagu soo bandhigay lacagta loo qoondeeyay waxbarashada iyo caafimaadka oo waliba la sadex jibbaaray. Tusaale, miisaaniyaddi hore qoondada waxbarashadu waxay ahayd labo milyan labo boqol iyo sodon iyo afar kun, siddeed boqol afarntan iyo todobo doolar ($2234847) halka sanadkaan laga dhigay todobo milyan todobo boqol iyo todobaatan kun, afar boqol iyo siddeetan iyo siddeed doolar ($7,077,488).Hadaba shacabka maxaa ku dhacay?
Dhibka nagu dhacay ayaa ah in burburkii nasoo maray meesha uu ka saaray shaqadii dowladdu noo qaban jirtay sidaa awgeed inay adeeg noo haysaba ma ogin. Kama sugayno waxbarsho iyo caafimaadka aasaasiga ah, kama sugayno taakulayn iyo gacan qabasho kuweeenna taagta daran kumana aanan tashan inayba xisaabta nagau darayso. Haddiiba ay nagu soo dhacdo inaan xuquuq ku leenahay waxaan ka fakernaa amniga. Inta kale waxaa ka doodno waa yaa wasiirrada noogu jiro iyo kuraas nagu filan beesha ma la siiyay.Mucaardki maxaa ku dhacay?
Marki maasaaniyad lasoo gudbiyo, cidda kowaaad ee ahayd inay findhicisho waxay ahayd mucaaradka. Waxay ahayd inay toosh weyn ku ifiyaan in dowladdu xil iska saartay bulshada iyo in kale. Waxay ahayd inay si hoose u eegaan in canshuurta dowladdu soo bandhigtay si gooni ah uu saamanayso deegaannada laga soo doortay. Waxay ahayd in qoondoonyinka la soo bandhigay ay ka eegaan in gobollada laga soo doortay ay ku jiraan iyo in kale iyo inay xuuquqda dadkooda raadiyaan.
Taasi ma dhicin. Ugu yaraan si muuqato uma aannan arak inay gadaal wax ka yimaadaanse waa laga yaabaa. Waxaan is iri mucaaradku ma naftiisa kaliya ayuu u doodaa mise iyaguna sida shacabka ayaysanba ogayn in dowladdu xil ka saaranyahay adeegga bulshadu.Maxaa xal ah?
Waxaa socdo horumar fiican. Tallaabooyin muhiim ah ayaana xagga horumarka loo qaaday. Shacabku laf dhabar ayuu u yahay horumarka dalka. Cidda la hormarinayo waa iyaga. Mustaqbalka loo doodayo waa kan caruurtooda. Dan aan shacabka ahayn oo jiri karto ma jirto sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in shacabku noqdo barta laga cabbir qaadanayo marki la eegayo horumarka uu dalku samaynayo.
Si loo helo shacab udub u ah horumarka waa in la qaadaa olole ballaaran oo shacabka lagu barayo xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin, waxa ay tahay inay ka fishaan iyo sida ay ula xisaabtami karaan. Ilaa la helo shacab soo jeedo oo yaqaan waxa ka maqan, danta bulshadu waxay ku jiri liiska danbe.
Ibrahim Aden ShireIshire86@gmail.comKala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
storvideo: 

Maxaa kusoo kordhay qorshaha uu Waare ku magacaabayo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonaayo in Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu kusoo dhisaayo Gole Wasiiro oo dhameystiran.
Hogaamiye Waare oo laga doonaayo Wasiiro ay ka kooban yihiin beelaha dega deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo, ayaa iminka ku howlan wadatashi kii ugu danbeeyay.
Hogaamiye Waare ayaa wadatashiga xoogiisa isugu geeyay Xildhibaanada, Odayaasha iyo Bulshada qeybahooda kale, waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.
Siyaasiyiin ku dhow dhow madaxtooyada Jowhar ayaa sheegay, in Hogaamiye Waare uu hadda bilaabay wadatashigii ugu danbeeyay, waxa uuna iminka kulamo aan kala joogsi laheyn la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugala tashado wasiirada uu soo magacaabi doono.
Siyaasiga aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in magaalada Jowhar ay ku qulqulayaan Siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle.
Geesta kale, waxaa maalmahaan jiray khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Hogaamiye Waare iyo Xildhibaanada Hirshabelle, kaasi oo ku aadanaa hanaanka loo soo magacaabayo wasiirada, balse ugu dambeyn is faham laga gaaray.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Prof. Axmed Samatar maxuu qabyaaladda Muqdisho ku...

$
0
0

Muddo laga jooga shan sano waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay doorashadii madaxweynaha dawladda Federaalka oo ay ka qayb galeen musharaxeen uu ka dhex muuqday nin ay Soomaalidu ku baratay ka hadalka midnimada , wadajirka iyo falanqaynta muhimadda ay leedahay in dalkii Soomaliyeed dib dhidibadiisa loogu taago. Ninkaasi waa Dr. Ahmed Samatar, oo ka mid ahaa mudanayaaashii habka qabiilka ah lagu soo xulay ee dooranayay madaxweynahii hogaamin lahaa dalka ay daashadeen colaadaha iyo abaaraha xaalufiyay dad, dal iyo duunyaba. Haddaba waxaa dhamaatay doorashadii madaxweynaha, waxaana ku guulaystay mudane Xasan Sh. Maxamuud oo helay cododkii ugu badnaa ee doorashada ay codeeyeen xildhibaandii Baaarlamaanka.
Iyadooba ay xafladdii caleemasaarka madaxweynaha qoyan tahay waxaa Hargaysa ka degay Dr. Axmed Samatar oo aad uga cadhooday guuldaradii ka raacday doorashadii iyo tartankii kursiga mdaxweynaha. Professor-ka ayaaa isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo in sababta uu uga quustay Soomali weyn ay tahay in labo qabiil loo afduubay kursiga madaxweynaha Soomaliya. Waxuu intaa ku daray in markaan u soo jeestay in uu dalkiisa Somaliland u shaqeeyo uuna mar danbe laga maqli doonin arrin ku saabsan Soomaliya. Hadalada Professor-ka waxaa ka muuqatay fudayd, nacayb, quudhsi, cay iyo cadho badan oo uu kula dul dhacay waxa uu ugu yeedhay Koonfurta Soomaliya iyo Muqdisho.
Waxaase dad badan oo waxgarad Soomaliyeed ah la yabeen in Professor-ku uu san sheegin runt aka danbaysa u digasho rogashadiisa Hargaysa iyo kala goynta midowgii Soomaliya oo sanooyin badan uu ku heesayay. Hadiii arrintu tahay qabyaalad, miyaanu Dr. Axmed laftiisa kursigii Baarlamanka ku soo gelin habka 4.5 ee wax lagu qaybsanayay. Miyaanu ogayn in heshiis lagu ahaa in seddexda kursi ee ugu sareeya dalka loo qaybsaday hab qabiil ah oo cid waliba ogayd. Professor-ka miyuu isyeeel yeeelayay mise waxa uu ka maquurtay in uu yidhaahdo waxaan danteyda gaarka ah ka dhex arkay magaalda shidan ee Hargaysa.
Waa sanadka 2017 waxaana mar kale soo muuqday Dr. Ahmed Samatar oo dhex boodaya doorashada xisbiyada Somaliland ee s qabyaalddu ay garwadeenka u tahay. Markaan ma aha labo qabiil waxa ay afduuban tahay jagada madaxweynaha ee waa hal qabiil . Cid kalena looma ogola xitaa inay haweysato. Bal aynu wada eegno hadalkii uu jeediyay Faysal Cali Waraabe doorashada ka dib "Waxaynu galnay doorasho qabyaaladaysan, aniga cid aan reerkayga ahay oo weliba qaar la iga kaxaeystay oo ii codaysay ma jirto. Waxaa guulaystaywaa qabiil ka guulaystay qabiil kale, waa Jeegaanwaxa guulaystay."
Haddaba Maxuu maanta ku hadli karaa haddii si xushmad leh aanu u weydiino Professor Axmed Said samatar, Maxaad uga cadhootay oo weliba u caysay qabyaaladii Xamar oo aad u dhexboodi oo weliba u amaani tan Hargaysa? Jawaabta waynu kaa sugi , haddii aad weydo jawaab lagu qanci karo fadlan raali geli dadkii faraha badnaa ee aad ku gaftay ee aad ka dhigtay in qabyaaladda iyo eexdo ay gaar u tahay reer koonfureedka.
Waxaan leenahay Professor-ka iyo dadka la midka ah ee uu arka kuna dooda in Somaliland dimoqraadiyad ka hana qaaday oo qabyaaalad ka gudabtay bal dib u eega doorashadii dhacday November 13-keedi iyo sida qabyaaladdu ugu milantay min bilow ilaa dhamaad. Waa hawl Soomaali u wada taal sidii aynu uga gudbi lahay qabyaaladan ragaadisay noloshii iyo horumarkii Soomali meel ay joogtaba.W/Q: Yuuusf A GeelleAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 


Erdogan: Diyaar ayaan u ahay In aan Xilka Ka Dego Se...

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xafiiska haddii xisbiga mucaaradka ah Xisbiga Shacbka Jamhuuriga ahi uu caddeeyo inuu leeyahay xisaabo lacageed oo dibedda ah.
"Haddii aad caddeyso inaan heysto lacag aan ku leeyahay bangi dibadda, waan iska casili doonaa madaxnimada," Erdogan ayaa sheegay intii lagu jiray hadal uu ka jeedinayay Istanbul.
Khudbadii 21 November uu ka jeediyey Baarlamaanka Hoggaamiyaha Xisbiga Jamhuuriga (CHP) Kamal Kilicardaroglu wuxuu ku eedeeyay qaraabada madaxweynaha iyo asxaabtiisa ay "maalgalin malaayiin doolar ay dibadaha dhigteen."
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Sawirro qurxoon: Xeebta Batalaale oo dhowr sano...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Kheyre oo aasaasay xisbul-xaakim laga dhex...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu hirgaliyay Xisbul-Xaakim is garabtaaga Xukuumada Somalia.
Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa dhidibada loogu aasay Villa Somalia, sida aan kasoo xiganay mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, iyadoo qorshaha aasaaska lagu sheegay in looga gaashaanto Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha ka imaado Golaha Shacabka.
Xisbul-Xaakimkaan aan weli lagu dhawaaqin ayaa waxaa ku jira Wasiiro, Wasiiru dowlayaal iyo Xildhibaano miisaan ku dhex leh Dowlada Somalia.
Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa si rasmi ah u hogaamin doona Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana la xaqiijiyay in looga gaashaman doono Mooshinka caadada u noqday Xildhibaanada garabka Mucaaradka.
Xubnaha Xisbul-Xaakimka ayaa ah Xildhibaano sidoo kale ka tirsan Golaha Wasiirada waxa uuna heerkoodu yahay kuwo u kala qeybsama 3 qeybood oo kala ah:
1-Taageero Buuxa (TB)
2-Taageero (T)
3-Taageero meel Dhexe ah (TMDH)HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANADA IYO HEERKA AY U KALA BAXAAN:
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maxaa ka jira in Qatar ay qoraneyso Soomaali iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Riyadh (- Online) - Wargeyska CUKAAZ ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray.
Wargeyska oo ku xiran dowladda Sacuuidga waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go'aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ku dareen Dowladda Qatar Liiska dalalka iyo Shaqasiyaadka taageera Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Wargeyska CUKAAZ waxa kale oo uu qoray inay heleen Mcluumaadka Qorshaha Qatar ku qoranayso Calooshood-u-shaqaystaal Somali iyo Kenyan, si ay weeraro uga geystaan Magaallooyinka Riyadh iyo Abu Dhabi.
Wargeyska ayaa sidoo kale horey ugu qoray in Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Qatar ay magan galyo siisay lagu daray liiska argagixisada.
Wargeyska CUKAAZ waxa uu qoray in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab, haatanse ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa uu qortay dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waa sida uu Wargeysku qoray.
Marka la eego warkan ayaa u muuqanaya mid ka mid ah olalaha ka dhan ah Qatar ee ay wadaan warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo aany jirin meel kale oo loo dhaafo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog cusub: Siduu miirka Al-Shabab ku go’aamiyey...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Nairobi (- Online) - Wargeyska The Standardmedia ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoraya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda Xarakada Al-shabaab kaddib weerarkii 14kii Ocober ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegaya in madaxda dhexe ee Al-shabaab, guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda.
Khilaafkan ayuu wargeysku sheegayaa in uu soo baxay kaddib weerarkii 14kii October waxaana Abuu Cubeyda lagu eedeynayaa in uusan la tashan Golaha shuurada ee Al-shabaab markii la go'aaminayay Qaraxii Zoobbe ka dhacay.
Golaha shuurada ee Al-shabaab ayaa ansixiya bartilmaameedyada la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go'aankaas uu kaligiis qaatay.
Sidoo kale The Standard waxaa ay sheegeysaa in khilaaf uu ka midyahay dilka lagu fuliyo Dadka lagu eedeeyo in ay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabab Axmed Diiriye ayuu Wargeysku sheegayaa in uu hadda bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab,waxaana uu uga wal walsanyahay in ay saameyn taban ku yeeshaan hoggaankiisa Xarakada.
Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira Al-shabaab ay baxsan ka yihiin kaddib markii la isku qabtay weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan Mandheera iyo Gaarisa oo ay ku dhintaan dad Muslimiin ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiir Yuhuudi ah oo Is-Casilay Ka dib Markii la...

$
0
0

Wasiir Israel ah Xag Jirna ah ayaa iska Casilay Xilkii Xukuumada isbahaysiga ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu ka dib khilaaf dhinaca tareenka lana xidhiidha inuu shaqeeyo maalinta Sabtida maalintaas oo ah fasax Yuhuudda.
Afhayeen u hadlay wasiirka caafimaadka ee Israel Yakov Letzman oo ah hogaamiyaha xisbiga Tullow Judaism ayaa sheegay inkastoo uu is casilay wasiirka wasaarada ee xisbiga xagjirka ah se Xisbigu uu ku sii jiri doona isbahaysiga xukunka ee Netanyahu marxaladdaan, taasoo u ogolaatay Netanyahu inuu sii haysto aqlabiyad yar.
"Waxaan iska casilay xilkaygii dawladda ee wasaarada caafimaadka, go'aanka ayaa yimid kadib markii shirkada tareenka ay shaqasay maalin sabti ah", Litzman ayaa ku yidhi warqada istiqaalad ah oo ay heshay AFP.
Wuxuu intaa ku daray "Ma aqbali karo mas'uuliyadda wasaarada ee dhaawaca culus ku ah mid ka mid ah qiimaha daa'imka ah ee dadka Yuhuudda ah, taas oo ah sabtida."
Litzman ayaa sii haysan doona kursigiisa baarlamaanka Israel.
Israel Railways ayaa sheegaysa in shaqooyinka maalinta Sabtida ah u wadaan si ay uga fogaadaan dhibka rakaabka, maadaama aysan tareenadu shaqaynayn.
Xisbiyada Xagjirka ah ayaa dalbanaya in la dabaqo sharciga diinta Yuhuudda gaar ahaan Maalinta sabtida.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Dhakhaatiir doonaya in ay si bilaash ah u daweeyaan dad magangalyo doon ah

$
0
0

Koox dhakhaatiir heer sare ah oo reer Australia ah ayaa waraaq u diray dawladda iyaga oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda dadka magangalyo doonka ah ee ku nool dalka Papua New Guinea.


Dhakhaatiir doonaya in ay si bilaash ah u daweeyaan...

$
0
0

Koox dhakhaatiir heer sare ah oo reer Australia ah ayaa waraaq u diray dawladda iyaga oo soo jeediyay in ay dawayn bilaash ah u samaynayaan dadka magangalyo doonka ah ee ku nool Papua New Guinea.
Dad lagu qiyaasay 300 oo ruux oo magangalyo doon ah ayaa Jimcihii ka tagay xarun ay Australia dadka ku hayn jirtay oo ku taalla jasiiradda Manus ee dalka PNG, arrintaas oo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay "xoog kaga saarid".
Dadkaas ayaa sheegay in ay ammaankooda u baqayaan inta ay joogaan jasiiradda Manus Island oo hadda loo dajiyay si ku meelgaar ah.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen "in ay aad uga walaacsan yihiin" xalaadda caafimaadkooda jireed iyo midka maskaxeedba.
Australia ayaa dadka magangalyo doonka ah ee doomaha ku soo gala gaysa meelo ay ku xirto oo dalkeeda ka baxsan, siyaasaddaas oo ay ku sheegtay in ay dadka ka niyad jabiso in dadka wax tahriibiya ay dadka ka ganacsadaan iyo in badaha lagu shubo.
Ilaa 600 oo ruux oo magangalyo doon ah ayaa diiday in ay katagaan xero ku taalla jasiiradda Manus Island oo albaabada loo laabay 31 Oktoobar. Qaar badan oo ka mid ahna waxay ku sii jireen iyadoo ay xaaladdu aad u liidato ka dib markii biyihii iyo korontadii laga jartay.
"Anaga oo dhakhaatiir sarsare ah ayaan shaqsiyaad ahaan u sheegnay walaaca aan ka qabno xaaladda caafimaad iyo badqabka dadkii horay loo hayay" ayay dhakhaatiirtu ku qoreen waraaqda furan.
Dhakhaatiirtu waxay soo dhigeen in ay dhakhaatiir takhasus ah u duuliyaan jasiiradda, dawladda Australia-na ay ogolaato gargaarka iyo in ay fasax dublamaasiyadeed siiso.
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo gar gaarkii ugu horeeyay geysay...

$
0
0

Qaramada midoobay ayaa gargaarkii ugu horeesay ka dejisay dekedda ay maamulaan Xuutiyiinta ee ku taala waqooyiga dalka Yemen, kadib markii ay dowladda Sacuudiga ay qafiifisay xayiradii ay kusoo rogtay dalkaasimuddo saddex toddobaad kahor.Yemen ayaa qarka u saaran macluul, waxaana hakintii howlaha gargaarka ay keentay walaac horleh.
Maraakibtan siday daqiiqda ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Hodeidah ee wadanka Yemen , taasi oo aan la barbar dhigi karin baahida ka taagan gudaha Yemen.
Malaayiin qof oo ku sugan gudaha dalka Yamen ayaa la daalaa dhacayaa dhibaatooyin ay kamid yihiin baahi iyo caafimaad darro.
Waxaana gargaarkan hadda la geeyay dalkaasi la rumeesanyahay inuu habayaraatee wax ka tari doona baahida ka taagan gudaha Yemen, maadaama haatan dib loo furay dekedda.
Hey'adaha gargaarka ee ka howgala Yemen ayaa rajeynaya in dib u furida dekedda ay horseedi doonto in dalkaasi la geeyo gargaar dheeraad ah.
Abeer Etefa oo ah afhayeenka hey'adda cunnada adduunka ee WFP oo ka hadashay xaaladda dalkaasi ka taagan iyo baahida loo qabo gargaarka deg deg ah ayaa sheegtay in dalkaasi uu qarka u saaranyahay macluul.
Caruurta dalka Yemen oo ay saameysay xayiraadda lagu soo rogay dalkaasiLahaanshaha sawirkaEPA
Sidookale madaxa hey'adda badbaadad carurta UNICEF ee bariga dhexe iyo waqooyiga qaarada Afrika, Mr Geert Cappelaere oo ka walaacsan xaaladda caruurta ee dalkaasi ayaa sidookale BBC-da u sheegay in dhibaatooyinka bani'iaadanimo ee ka taagan dalka Yemen ay saameysay inta badan dadka kunool Yemen, gaar ahan Caruurta.
Dadka qaar ayaa qabo in bixinta gargaarka la geeyay Yemen uu qaadan doono muddo.
Dowladda Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogtay wadanka Yemen, kadiib markii Xuutiyiinta Yamen ay Gantaal ku soo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, taa oo dhalisy in xukuumadda Riyadh ay qaado talaabooyin saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah.
Xulafada Sacuudiga ayaa dagaal kula jira xuutiyiinta ay taageerto dowladda Iran, waxaana taasi ay horseeday in dalka Yamen uu noqdo mel ay ku hardamaan Sacuudiga iyo Iran.
storvideo: 

Xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee Seychelles  

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Jasiirada Seychelles ku booqday illaa 15 maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.
Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay muddadii lagu xukumay, isla markaana la sii deyn doono bisha December ee dhamaadka sanadkan.Akhriso Warbixin uu ka qoray safarkiisa Xabsiga iyo kulankii uu la qaatay dhalinyarada xabsiga ku jirto:-
Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee dalka Seychelles ayaan ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran.
Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo.
Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa.
Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas'uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.
Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl.
Inkatsa oo xorriyad la'aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona.
Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin.
Lix hor leh
Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah.
Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood.
Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.
Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay.
Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas'uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah.
Faahfaahin badan hadda kama bixin karo.
Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa.
Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya - Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada...
Maanta ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas'uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles...

$
0
0

Mudane Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaliya ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee dalka Seychelles ku booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran,kuwaasi oo ku xukuman sannado kala duwan ka dib markii lagu eedeeyey burcadbadeednimo. Waxaa laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya,Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa [...]
storvideo: 

Cali Gacal:-“Wada-hadalada u Dhaxeeya Maamuladda...

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya Maamuladda Galmudug iyo Ahlu Sunna uusan aheyn wada hadal rasmi ah oo labada dhinac u dhaxeeya.
Waxa uu sheegay in shirka ka dhacaya Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti iyaga loogu sheegay Tababar Siminaar oo labada dhinac la siinayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo isaga shaqsi ahaantiisa ay la hadleen Urur Goboleedka IGAD oo Shirkaan qaban-qaabinayo, uu u sheegay in uu yahay shir iska caadi ah, uusan aheyn wada-hadal u dhaxeeya Maamuladda Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug.
Gudoomiye Gacal ayaa meesha Ka saaray jiritaanka wada hadalka Jabuuti in uu yahay mid heshiis labada dhinac ay wada gaarayaan islamarakaana wadatashiyo iyo go'aamo kasoo baxayane aanan jirin.
Magaaladda Djabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti waxaa shalay gaaray Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasi oo ka qeyb galaya wajigiisa 2-aad ee wada-hadalka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live