Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muran ka taagan cidda maamuleysa hey'adda...

$
0
0

Dalka Mareykanka waxaa uu muran ka taagan yahay ciddii maamuli lahayd hey'adda daryeelka macaamiisha ee dalkaasi, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu waxba kama jiraan kasoo qaaday magacaabistii hore, isagoona xilkaasi u magacaabay shakhsi aad ugu dhaw isaga.
Ninka uu magacaabay madaxweyne Trump oo lagu magacaabo Mick Mulvaney ayaa hey'addaasi mar ku tilmaamy inay aysan aheyn wax quuman.
Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Mulvaney oo horay usoo noqday madaxii miisaaniyadda ee dalka Mareykanka uu sharci ahaan yahay midka sida ku meel gaarka u noqon doono agaasimaha hey'addaasi.
Haweeneyda xilkani loo magacabaay markii hore oo la yirahdo Leandra English ayaa hadda dooneysa inay hor istaagto go'aanka madaxweyne Trump, oo tallaabo sharci ah laga qaado waxa ay ugu yeertay faragelinta dowladda ay ku heyso waaxda dhaqalaaha ee Mareykanka.
Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xaruntani oo ku taala magaalada Washington DC, si ay walaac uga muujiyaan tallabaadni.
storvideo: 


Addis-Ababa: GAAS iyo Shariifka oo ku heshiiyey...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Addis-Ababa (- Online) - Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo kan maaulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan xasaasi ku yeeshay magaalada Addis-Abbaba ee Dalka Itoobiya, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen - Online.
Kulanka ayaa looga hadlay qiimaynta xaalada Dalku Soomaaliya uu marayo, xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah iyo mooshinka la rabo in laga keeno madaxweynaha Soomaaliya.
Sida aan xogta ku helnay, labada masuul ayaa hoosta is kala xariiqay in aysan la shaqeyn karin xukuumadda hadda jirta oo marar badan khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, uguna dambeeyey khilaafkii ka dhashay xiisadda khaliijka.
Labada masuul ayaa isku raacay in ay taageeraan is isbeddel lagu sameeyo hogaanka dalka, inkasta oo aan la ogeyn qaabka ay u marayaan.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale - Online u sheegeen inay Gaas uu doonayo in uu madaxweye noqdo isagoo ku adkaystay in Beesha Daarood loo daayo dhamaystirka mudadda harsan ee xilka Madaxeynenimo.
Shariif Xasan ayaa dhiniciisa balan qaaday in uu fikirkan ka dhaadhicinayo hoggaanka iyo siyaasiyiinta Hawiye ee miisaanka leh.
Labada nin ayaa maanta u kicitimaya Dalka Imaaraadka Carabta si ay qorshahaas iskula soo meel dhigaan.
Gaas oo maalmihii dhowaa uu shaki ku jiray kursigiisa Puntland ayna u eg tahay inuusan soo laaban doonan ayaa hadda damcaya hoggaanka Soomaaliya.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maraykanka oo dacwad ku soo oogay burcad internet oo Shiinays ah

$
0
0

Saddex ruux oo Shiinays ah ayaa dacwad lagu soo oogay iyaga oo ku eedaysan in ay dhac dhanka macluumaadka ah u gaysteen shirkado caalami ah.

Maraykanka oo dacwad ku soo oogay burcad internet oo...

$
0
0

Saddex ruux oo Shiinays ah ayaa dacwad lagu soo oogay iyaga oo ku eedaysan in ay dhac dhanka macluumaadka ah u gaysteen shirkado caalami ah.
Saddexdan ruux ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyaan shirkad ammaanka internetka ka shaqaysa oo Shiinaha ku taalla, waxaana la sheegay in ay bartilmaameedsadeen shirkadaha Moody's Analytics, Siemens iyo Trimble, sida ay sheegayaan eedaymaha loo soo jeediyay.
Waxaa lagu eedeeyay in ay adeegsadeen email lagu soo laray waxyaabo kombiyuutarada loogu dhaco iyo xeelado kale si ay u dhacaan macluumaadka ganacsiga ee sirta ah.
Saddexdan ruux xabsi kuma jiraan, mana cadda in ay wali Shiinaha jiraan iyo in kale.
Eedaymaha faderaalka ayaa ka furmay Pittsburgh, Pennsylvania, waxaana lagu sheegay magacyadooda Yingzhuo, Dong Hao iyo Xia Lei waxaa kale oo la sheegay in leeyihiin shirkad ammaanka internetka ka shaqaysa oo ku taalla magaalada Guangzhou oo dhacda koonfurta Shiinaha.
Waxaa lagu eedeeyay in intii u dhaxaysay 2011 ilaa sannadkan ay qaadeen weerarro dhanka internetka ah oo "abaabulan, sharcidarrana ah" iyaga oo jabsaday emaillo, ganacsiyo, macluumaad ganacsi, iyo xoggo muhiim ah oo shaqaalaha la xiriira.
Dacwad ooge Soo C Song ayaa sheegtay in waraaqda xiritaanka loo jaray saddexdaas ruux, waxayna sheegtay in aysan jirin wax tilmaamaya in qorshahani uu ahaa wax ay dawladdu wadatay.
Shirkadda Shiinaha laga leeyahay wali kama aysan hadlin arrintan.
Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in dacwadan la soo gudbiyay bishii Sabtembar dawladda Shiinuhuna ay ogtahay.
storvideo: 

Somalia’s foreign minister meets with Seychelles President

$
0
0

Maritime security is important for all countries bordering the Indian Ocean, and these countries need to work together to combat piracy, the Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation said Monday.
Yusuf-Garaad Omar made the statement after visiting President Danny Faure at State House, Victoria.
“We discussed the issue of maritime security and the cooperation between the two countries to make sure that the ocean is safe for both countries as well as for the international traders who are using the ocean,” said Omar.
He told the press that “piracy is decreasing for many reasons one of which is due to the effort of the regional international forces and institutions working on it.”
Somalia is looking to work closely with Seychelles, an archipelago in the western Indian ocean, to help with capacity building and the exchange of information and intelligence on maritime security.“Somalia is also working on prosecuting pirates. The Somali government is also committing itself to making sure that we can control our people and coasts,” said the minister.
Omar and his delegation called upon the president and vice president after having visited the Seychelles’ main prison on Sunday, where six Somali citizens are being detained in regards to a piracy case.
The six suspected Somali pirates were transferred to Seychelles for possible trial last week after they were caught by an Italian Frigate attacking a container ship and a fishing vessel in the Southern Somali Basin.
“We also discussed the case of the Somali prisoners who are here, people who are convicted of piracy and crimes. We are going to transfer them to Somalia to continue serving their sentence there,” said Omar.
Omar and his delegation called upon the president after having visited the Seychelles’ main prison on Sunday, where six Somali citizens are being detained in regards to a piracy case.
The scourge of piracy has been plaguing the Indian Ocean since 2005. Seychelles, which lies to the east of Somalia, has been at the forefront of the fight against piracy that was affecting its tourism and fisheries industries, the top two pillars of its economy.
The minister also visited the Regional Fusion and Law Enforcement Centre for Safety and Security at Sea (REFLECS3) located at Bois De Rose, on the outskirt of Victoria.
“It is a new facility and it has big potentials to be the hub for the whole region. We will be cooperating and we will soon have Somali representatives working from that centre, to share information from Somalia and give us feedback on what is going on here,” said Omar.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/0000-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 5184px) 100vw, 5184px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/1111-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 5184px) 100vw, 5184px" />
The post Somalia’s foreign minister meets with Seychelles President appeared first on Shabelle.

Somalia’s foreign minister meets with Seychelles...

$
0
0

Maritime security is important for all countries bordering the Indian Ocean, and these countries need to work together to combat piracy, the Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation said Monday.
Yusuf-Garaad Omar made the statement after visiting President Danny Faure at State House, Victoria.
"We discussed the issue of maritime security and the cooperation between the two countries to make sure that the ocean is safe for both countries as well as for the international traders who are using the ocean," said Omar.
He told the press that "piracy is decreasing for many reasons one of which is due to the effort of the regional international forces and institutions working on it."
Somalia is looking to work closely with Seychelles, an archipelago in the western Indian ocean, to help with capacity building and the exchange of information and intelligence on maritime security."Somalia is also working on prosecuting pirates. The Somali government is also committing itself to making sure that we can control our people and coasts," said the minister.
Omar and his delegation called upon the president and vice president after having visited the Seychelles' main prison on Sunday, where six Somali citizens are being detained in regards to a piracy case.
The six suspected Somali pirates were transferred to Seychelles for possible trial last week after they were caught by an Italian Frigate attacking a container ship and a fishing vessel in the Southern Somali Basin.
"We also discussed the case of the Somali prisoners who are here, people who are convicted of piracy and crimes. We are going to transfer them to Somalia to continue serving their sentence there," said Omar.
Omar and his delegation called upon the president after having visited the Seychelles' main prison on Sunday, where six Somali citizens are being detained in regards to a piracy case.
The scourge of piracy has been plaguing the Indian Ocean since 2005. Seychelles, which lies to the east of Somalia, has been at the forefront of the fight against piracy that was affecting its tourism and fisheries industries, the top two pillars of its economy.
The minister also visited the Regional Fusion and Law Enforcement Centre for Safety and Security at Sea (REFLECS3) located at Bois De Rose, on the outskirt of Victoria.
"It is a new facility and it has big potentials to be the hub for the whole region. We will be cooperating and we will soon have Somali representatives working from that centre, to share information from Somalia and give us feedback on what is going on here," said Omar.
storvideo: 

U.S airstrike kills at least Islamic State militant in northeastern Somalia

$
0
0

A U.S. airstrike killed one terrorist in northeastern Somalia on Monday, military officials said.
The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement the U.S. forces conducted the airstrike in coordination with the Somalia government at about 3 p.m. local time.
“In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike against ISIS, in northeastern Somalia on Nov. 27, killing one terrorist,” AFRICOM said, referring to the Islamic State (IS) terror group.
The U.S. military vowed to sustain airstrikes by using all authorized and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats by partnering with the African Union and Somali security forces.
“Our political and security goals in Somalia are the same — a reconstituted Somali state at peace internally and able to address all threats within its territory,” it said.
U.S. forces carried out a series of drone strikes in the past month in Somalia, targeting IS and Al-Shabaab fighters as the African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeeping mission prepares to exit the country.
Somali and AMISOM forces have also intensified military operations against the insurgents, flushing them in their Lower and Middle Shabelle region bases amid an expected recall of 1,000 African Union troops by end of December.
The post U.S airstrike kills at least Islamic State militant in northeastern Somalia appeared first on Shabelle.

Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaarey

$
0
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim [...]
storvideo: 


Muran ka taagan cidda maamuleysa hey’adda daryeelka...

$
0
0

Mick Mulvaney
Dalka Mareykanka waxaa uu muran ka taagan yahay ciddii maamuli lahayd hey'adda daryeelka macaamiisha ee dalkaasi, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu waxba kama jiraan kasoo qaaday magacaabistii hore, isagoona xilkaasi u magacaabay shakhsi aad ugu dhaw isaga.
Ninka uu magacaabay madaxweyne Trump oo lagu magacaabo Mick Mulvaney ayaa hey'addaasi mar ku tilmaamy inay aysan aheyn wax quuman.
Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Mulvaney oo horay usoo noqday madaxii miisaaniyadda ee dalka Mareykanka uu sharci ahaan yahay midka sida ku meel gaarka u noqon doono agaasimaha hey'addaasi.
Haweeneyda xilkani loo magacabaay markii hore oo la yirahdo Leandra English ayaa hadda dooneysa inay hor istaagto go'aanka madaxweyne Trump, oo tallaabo sharci ah laga qaado waxa ay ugu yeertay faragelinta dowladda ay ku heyso waaxda dhaqalaaha ee Mareykanka.
Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xaruntani oo ku taala magaalada Washington DC, si ay walaac uga muujiyaan tallabaadni.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo booqasho ku yimid...

$
0
0

Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo booqasho ku yimid Muqdisho
Nov 28, 2017 -

Muqdisho, November 28, 2017 - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.
Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.
Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.
Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Mohamed Ali Gaal, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Mr. Yusuf Alasow Mohamud, Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Mr. Mohamed Abdi Ali iyo diblomaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda.
#
Note: please click on the link below to see the photoshttps://www.facebook.com/MfaSomalia/posts/2004487263130150 Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

U.S airstrike kills at least Islamic State militant...

$
0
0

A U.S. airstrike killed one terrorist in northeastern Somalia on Monday, military officials said.
The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement the U.S. forces conducted the airstrike in coordination with the Somalia government at about 3 p.m. local time.
"In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike against ISIS, in northeastern Somalia on Nov. 27, killing one terrorist," AFRICOM said, referring to the Islamic State (IS) terror group.
The U.S. military vowed to sustain airstrikes by using all authorized and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats by partnering with the African Union and Somali security forces.
"Our political and security goals in Somalia are the same -- a reconstituted Somali state at peace internally and able to address all threats within its territory," it said.
U.S. forces carried out a series of drone strikes in the past month in Somalia, targeting IS and Al-Shabaab fighters as the African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeeping mission prepares to exit the country.
Somali and AMISOM forces have also intensified military operations against the insurgents, flushing them in their Lower and Middle Shabelle region bases amid an expected recall of 1,000 African Union troops by end of December.
storvideo: 

Ciidamada Xoogga dalka oo diyaargarowgii ugu...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobalka Bakool ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Bakool C/llaahi Maxamad oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay wadaan Dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan deegaanada fara ku tiriska ah ay cadawgu gacanta ku hayaan.
"Howlgaladani waxa ay qeyb ka yihiin kuwii dowlada ay ku Dhawaaqday isla markaana Maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada gobalka ka tirsan, waxaana heer gaba gaba ah maraya abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada dowlada kula waregayan daganasi ;sidaa waxaa yiri gudomiya ku xigeenka.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayay Howlgalo guud ahaan dalka looga xureynayo cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, iyagoo sidoo kale howlgalo ay sameeyen guulo waa weyn kasoo hoyay, waxaana isa soo dhiibay Maleeshiyo ka tirsanaa Al shabaab iyadoo kuwa kale ay ka carareen meelihii ay ku sugnaayeen waxaana ku daba jira Ciidamada oo ay ka go'an inay guud ahaanba dalka ka sifeeyaan Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaarey

storvideo: 

Wafdi ka socda dalka Qatar oo Muqdisho soo gaarya,...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wafdi ballaaran oo ka socda Xukuumadda Qatar ayaa si diiraran maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana wafdigan oo ka kooban shan xubnood ay Muqdisho joogi doonaan muddo dhawr casho ah.
Xubnaha Wafigan ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiirro ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorsheynta, Danjire Jamal Maxamed Xasan, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa'uud.
Wafdi ka socda dalka Qatar ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta, Khalifa Jassim Al kuwari, waxaana inta ay ku sugna yihiin Muqdisho ay la kulmi doonaan Ra'iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo xubno kale, inkastoo aan la ogeyn waxay kala hadli doonaan.
Socdaalka Wafdigaan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somalia iyo Qatar ay lahaayeen xilliyadii u dambeeyay si loo taaba-geliyo maashaariic horumarineed oo dhaxal-gal ah.
Ugu dambeyn, Wafdigan soo dhaweyntooda waxaa ka qayb-galay Ku-simaha xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali Gacal iyo Mas'uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin; Yuusuf Calasoow, Maxamed Cabdi Cali iyo Dublamaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.PUNTLAND POST
The post Wafdi ka socda dalka Qatar oo Muqdisho soo gaarya, iyagoo la kulmi doona madaxda Qaranka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kenyatta oo ka runsheegay hal arrin oo sabab u ah...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in colaadaha ka jira qaarada Madow ee Africa ay soo idlaan doonto marka Somalia lagu garabsiiyo hanaanka ay uga bixi laheyd dhibta ay ku jirto.
Uhurro Kenyatta, ayaa sheegay in inta badan wadamada Africa dhaca ay marti galinayaan Kooxo argagixiso ah oo qalqal amni u abuuray Africa, balse waxaa oo idil ay ku xiran tahay Somalia oo ay ka dhalato Nabad.
Waxa uu Kenyatta hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah Madaxda martida ku ah caleema-saarkiisa, waxa uuna u cadeeyay in maslaxada amni ee Africa ay tahay mid ku jirta Somalia oo heshaa nabad.
Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa "Somalia wey ka daashay burbur, argagixisada ku dhex nool Africa waxa ay kasoo bilowdeen Somalia, waxaan xal u aragnaa inaan Nabad u raadino Somalia si ay Africa u hesho Nabad"
"Nabadda Africa waxa ay ku xiran tahay Nabada Somalia, waxaan rajeynayaa in Madaxda Africa ay qaadan doonaan soo jeedinteyda maadaama ay sii kordheyso argagixisada Africa"
Sidoo kale, Uhurro Kenyatta ayaa farta ku goday inay ka shaqeynayaan wado waliba oo Somalia ay ku gaareyso Nabad, iyadoo lala kaashanaayo wadamada awooda ciidan ku dhex leh Africa.
Docda kale, waxa uu rajo weyn ka muujiyay in soo laabashadiisa ay kheyr u noqon doonto Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka.- OnlineXafiiska MuqdishoCaasimda@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shan arrimood oo sare loogu qaadi karo dhaqaalaha liicay ee Zimbabwe

$
0
0

Dhacdooyiinkii ka dhacay Zimbabwe ayaa muujinaya in hal toddobaad ay tahay xilli dheer marka dhanka siyaasada laga eego,balse waa il biriqsi marka laga eego dhanka dhaqaalaha.


Doorashadii Soomaaliland Iyo Raadka Ay Reebtay? W.Q....

$
0
0

"Ummadyahay tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso".(Hadraawi iyo Tidiisa Gdugude)W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)Ka soo qaad, aniga, adiga iyo ayada iyo hebello kale, in aynu nahay koox dad ah oo shurko ku ah dano ka dhexeeya iyo lagama-maarmaan aan inoo kala go'ayn oo aynaan ku kala tagi karin. Inta aynaan magac kale ba la bixin, waxa aynu nahay innaga ama dheh annaga. Ka soo qaad, waxa aynu rabnaa in aynu dhexdeena ka dooranno cid ama qof aynu u xilsaarno hoggaaminbta maamulka danaha aynu ku shurugga nahay. Innaga oo innaga ah baynu qof innaga ah iska dhex dooraynaynaa oo xilsaaraynaa. Haddii ay laba iyo saddex ama ka badani ba isu soo taagaan xilkaas, giddigood ba waa innaga ee shisheeye innaga baxsan ma aha. Sow ma aha sidaas? Haddii aynu dalka wada leenahay oo aynu qaranka shurko ku nahay, magaca dalka waxa aynu ku nahay innaga. Mar haddii ay sidaas tahay, innaga oo innaga ah ayeynu dooranaynaa madax qaran oo innaga ah. Laba iyo saddex ba kuwii isu soo sharaxaa ba waa innaga; kii ku soo baxaa na waa innaga. Sow ma aha?Alle Mahaddii, doorashadii ka dhacday dalkeenna Soomaaliland nabad bay ku dhammaatay. Muuse Biixi baa Madaxweyne dalka ka noqday oo caawa ba lagu negi yahay. Werwerkeedii waxaa dhammeeyey Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro- oo ahaa ninkii, run ahaan, Muuse jagada ku la tartamayay, markii uu ku dhawaaqay in uu aqbalay go'aanka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka. Hayeeshee geeddisocodkii doorashadani waxa uu soo debedsaaray xumays badan oo halis ku ah qarannimada dalka. Meesheeda u daa farxadda nabadgelyada uu dadku, 13kii bisha Noofembar, sannadka 2017, ku codeeyey ee adduunku ka maragkacay. Se waxa ila roon in aan taas riyaaqeedu ina la tegin oo aanu ina illowsiin dhibaatooyin badan oo uu ololahii doorashadu muujiyey, kuwaas oo ka soo jeeda dhaqanka siyaasadeed ee ilaa hadda aynu ku soconno.
Bal hadda, tu ka duwan na daymood. Waxa aynu kala nahay innaga iyo ayaga. 'Innagu waxa aynu rabnaa in aynu qaadaano: ayagu na isla sidaas oo kale, waxay rabaan in ay qaataan. Markan waxba ma wada lahin oo shurko ku ma nihin. Waxa dhexdeenna yaallaa na, mar haddii aanu inoo kala go'i karin, waa in innaga ama ayaga, midkeen, xoog iyo xeelad mid ay noqota ba, ku qaataa. Waa iska-hor-imaad iyo is-hirdi. Sow ma aha?
Xaaladda hore waxa ay tusaale u tahay bulsho mid ah oo danaheeda, ayada oo mid ah, ka tashanaysa oo taladeeda na cid iyada ka tirsan u dhiibanaysa. Kii ay doortaan ba waa u madax. Xaaladda labaad waa laba qolo oo aan wax ba isu ahayn; waxna aanay ka dhaxaynin, ama ka dhexayn karin. Xidhiidhkoodu waa isburisada shisheeye iyo sokeeye. Heshiiskoodu sal adag ku ma fadhiyo. Muranka u yar ee dhexdooda yimaadda ayaa kala tuura. Xoog bay wax ku kala qaadaan ama ku kala goostaan, wax se isku ma darsadaan. Haddii aynu dib isu gu noqonno, doorashadan ay Soomaaliland gashay, 13kii Noofembar, 2017kii, iyo ololeheedii dabada dheeeraa, labadaas muuqaal ee kor ku xusan, kee bay leeyihiin? Sow lagu ma kala ahayn ayaga iyo annaga, shisheeyeiyo Sokeeye? Innagu aynu qaadanno jagada, iyo innagu aynu qaadanno oo ayagu yey qaadan; sow ma ahayn? Inna ba miyaa la moodayey dad is ah oo mid ah oo dal iyo dawlad mid ah ku shurug ah oo madaxdooda iyagu iska dhex dooranaya? Afkeed ba lagu ma wada hadlayn.
Haddii aynu nabadgelyo kaga gudubnay qalqalahii halista badnaa ee doorashadan, fursad baynu haysannaa aynu, si miyirqab ah, dib ugu akhrino dhaqanka siyaasadeed ee doorashada hoggaaminayey iyo waxyaalaha ka dhashay ee ka dhalan doona, haddii lagu sii wado doorashooyinka tan ka dambeeya. Aynu wax yar, hoos ugu sii daadegno.
Ololaha doorashada waxaa lagu kala ahaa laba qolo ama dheh laba isbahaysi qabiil oo mid waliba u halgamayo jagada Madaxweynaha. Lama ahayn ummad ah keli ah oo xil ammaanadeed cid u dhiibanaysa. Innaga iyo danaheenna qarannimo wax lagu ma dooraynin ee waxa ay ahayd ayaga ka dhacso oo inoo soo dhici. Waa dhaqankii qabiilada abtirsiinwadaagta oo car iyo bey la'. Qofka wax dooranaya iyo ka la dooranayo labadu ba waa qabiilkii Reer Hebel oo malaasan. U fiirso labada geesood ba waxaa lagu abaabulayey kursiga madaxweynenimo oo uu Reer Hebel doonayo. Gees walba, codeeyuhu waxa uu u codaynayey Reer Hebel. Tusaale ahaan, haddii Kulmiye iyo Waddani laga soo rashaxi lahaa niman kale oo isla labadooda qolo kala ah, aanse ahayn Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, taageeradooda dadweyne wax ba iska ma beddeleen. Xataa haddii ay labada xisbi isu kala beddelaan, isla sidaas uun bay ahaan lahayd, waayo waxaa la eegayo ee loo codeynayaa ma aha qofka iyo xisbi midna ee waa qolada. Qolo waliba mansabka waxa ay la doonaysaa waa Reer Hebel ee ma aha Hebel. Nin kasta oo reerka ah ba codka way siinayaan. Reer Hebel baa Madaxweyne laga dhigayaa. Qaanuunkii dhisme siyaasadeeka qabiil baa, sidii uu ahaa, u falgelaya. Waa wacyigii naftii-hafarka tolliimo ee asagu kelidii isu muuqanayey. Kelida qofeed jiritaan xeer gala ma laha; Reer Hebel sida ay u dhan yahiin waa hal qof oo kursiga ku dagaallamaya. "Aynu innagu yaalanno oo yaanay ayagu yeelan". "Shisheeye ayaa raba in ay kursiga qaataan oo inaga reeyaan". "Dhegteen dhimatay"! Ka sii darane, qolo waliba taas bay ka akhriyeysaa qolada kale. Ololihii la waday dhawrka bilood, dulcdaas buu lahaa.
Sidaa darteed, ololaha qabyaaladaysani waxa uu gebi ahaan, meesha ka saaray qaran iyo qarannimo la wadaago. Af colaadeed qabiil baa si weyn ololaha ugu badnaa oo marar badan qaawanaa; marka aanu qaawanayn, si dadban buu uga dhadhamayey. Waxaa taas inta badan keenayey kuwa magaca qabiil huwan ee sheegta isimmada suldaan, boqor iyo caaqilka oo toos ololaha u hoggaaminayey. Shirar qabaa'il bay kuwaasi qabteen oo lagu wada hadlayey af xulufo ku ballamaya reero isu codeeya oo weliba taas ku kaltami doona weligood. Codkii muwaaddinka xorta ah qabqableyaal qabiil baa la wareegay oo meeshii ay doonaan geynaya; Cod doorasho oo qabaa'il loogu xulufoobaa waxay ka dhigan tahay dadka intiisa kale yey weligood dalka ka madax noqon. Xorriyaddii iyo dimoqraadiyaddii la sheeganayey mugdi baa sidaa lagu geliyey.
Lagu ma ololaynaynin waxii ummaddan ka dhexeeyey ee midaynayey. Bal waqtiga ololaha waxaa qaatay wax dadka kala fogeeya oo isnac iyo colaad abuuraya. Tusaale ahaan waxaa marar badan la ruxruxayey oo la isku eedaynayey dagaalladii sokeeye ee Soomaaliland, sagaashannadii qarnigii tegey dhacay. Koonfur iyo Soomaaliya ayaa la isu soo qaatay oo la isku suntayey. Halgankii SNM baa la kala sheegtay, ayada oo aan xis iyo xusuus loo lahayn in Soomaaliland maanta ka kooban tahay dadkii halgankaas iskaga soo horjeeday oo heshiiyey, dalka na maanta xuquuq siman ku wada leh oo aan cidna ba lagu riixi karin shalay baan 'mujaahid ahaa'!
Waxa roon oo lagama-maarmaan ah in runta loo badheedho oo la isweydiiyo su'aasha maxaa aynu nahay oo aynu isku nahay? Ma ummad magac qarannimo wadaagta baynu noqonaa, mise waxa aynu ahaannaa oo keli ah qabaa'il aan waxba isku darsan karin, waxa ay kala goostaan mooyee? Aragti cusub ma isu yeelanna? Si kale oo aan reero ahayn ma isu garannaa? Wax aynu wada leenahay ama aynu haysanno hadda, ma wada ilaashanaa? Waxa inaga wada maqanna ma wada raadsannaa oo Innaga ma ku noqonaa?
Su'aalahan u ma wado qubanaha dhangaagaalaha la soo habqamiyo marka hunguriga siyaasadeed ololaynayo; waxaan la hadlayaa hoggaanka siyaasadeed guud ahaan; waxaa kale oo uu hadalkani u socdaa madaxda bulshada rayidka ah ee ay ka mid yihiin ganacsatada, culumada dhabta ah ee diinta, aqoonyahannada iyo hogorka dadweynaha xooggooda xalaasha ah ku nool. Sababta aan kuwan, rag iyo dumar ba, u la hadlayaa waa, gogosha isirka qanannimo ayaa giddigoodba isugu keeni kara. Qabiil walba way leeyihiin, hayeeshee bulshada qaran baa kulmisa oo ay dantoodu ku xidhan tahay. Giddigood na qabyaaladdu danahooda waa ku liddi. Waxa aan ka reebay oo aanan tan ugu baaqayn, bal aan jeclay in ay debedda ka joogaan kuwa magaca qabaa'il u cumaamadan. Waayo, salka ay ku fadhiyaan waa ayaga iyo annaga. Bal u fiirso, halka aad ka doonayso qaran lagu wada abtirsado, waxa uu ku leeyahay suldaankii Reer Hebel baan ahay. Macnuhu waxaa weeye qofkii aan Reerkaas ahayn, wax ba isu ma nahin. Dadku ba xeryo-qoqob buu ugu kala jiraa. In ay siyaasadda qaranka ka soo ag-dhawaadaan ma aha. Maamulka guud ee danaha dadka na in ay raad ku yeeshaan ma aha.
Ugu dambayn doorashadii Soomaaliland laga qabtay, saddex baan hambalyeynayaa. Dadweynahii 13kii Noofembar, 2017, codkooda dhiibayey waxa aan ku hambalyeynayaa hab-wanaaggii iyo deggananshihii ay meel walba ku codbixyeen. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani na waan ku hambalyeynayaa go'aankii qummanaa ee uu ku aqbalay natiijadii uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashadu iyo hadalkiisii ahaa "damacayga dartii, u dumin maayo dalkayga". Muuse Biixi na, hambalyada xilka madaxweynimo waxaa ii raaca oo aan ayada na ku hambalyeynayaa hadal daawo ah oo dadka midaynaya, ayuu ku bilaabay xilka dushiisa ku soo wareegay. Waan hubaa in uu, xad aan yarayn, qaboojiyey xanuun uu ololahii doorashad reebay, xanuunkaas oo weli loo sii baahan yahay in bogsiintiisa la sii wado.
W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)Email: rshid.dalla@gmail.com
storvideo: 

Australia oo Xirtay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu...

$
0
0

Victoria ( Sh. M. Network )-Ciidamada booliska ee Dalka ayaa soo xiray Cali Khaliif Shire oo Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kaas oo lagu eedeynayo in uu qorsheynayay weeraro Argagaxiso oo uu ka fuliyo Dalkaasi.
Ku xigeenka madaxa booliska Magaalada Victoria Shane Patton ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Cali oo ah 20 jir uu doonayay in dhibaato ka dhan ah amniga ka fuliyo Dalka Australia.
Mr Patton ayaa intaasi ku daray in Ninkaasi uu ka dhashay Dalka Australia, balse waalidkiis ay ka yimaadeen Soomaaliya.
Cali Khaliif ayaa la filayaa in Bisha March ee Sanadka soo socda uu ka soo muuqdo maxkamad, iyadoo lagu eedeynayo in uu heystay Dukomentiyo muujinayo inuu qorshaynayay weeraro Argagixiso oo u ka geysto qeybo ka mid ah Australia.
Wasiirka Cadaalada ee Australia Michael Keenan ayaa sheegay in dowladiisa aysan bartilmaameed saneynin qolo ama kooxo gaar ah, laakiin ay sameyso baaritaan ku aadan kooxo lagu tuhmo in ay ku lug leeyihiin dhinaca Argagixisada.
Ciidamada amniga ee Dalkaasi ayaa hore gacan ugu dhigay 74 ruux oo looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen Ururada Argagixisada.
storvideo: 

Maamulka Galmudug oo si Kulul uga hadlay Dagaalkii...

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa maanta si kulul uga hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkii ka dambeeyay abaabulka dagaalkaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ahaa.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug iyo Puntland ay ka wada hadli doonaan xiisadaha ka taagan Gaalkacyo iyo Bariga Gobolka Mudug.
Waxaana uu xusay in Xal Waara laga gaari doono Colaadahaasi, si aysan markale dagaallo uga dhicin Gobolkaasi.
Dhawaan ayey ahayd markii maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalameen Gaalkacyo, kaas oo sameyn xoogan ku yeeshay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi.
storvideo: 

AMISOM oo Tababar u furtay Saraakiil ka tirsan...

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Ntwork )-Tababarkan oo uu qabanayo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan Dowladda Fderaalka, kuwaas oo la bari doono, sida loo dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo goosata Xarakada Al Shabaab.
Waxaana tababarkaasi oo ka bilowday Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ka qeyb galaya illaa iyo 20 sarkaal oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan howlgalka AMISOM.
Agaasimaha xarunta dhaqan celinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Ibraahim Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha ay si weyn ugu faa'iideysan doonaan, sida loola macaamilo dadka ka soo goosta Al Shabaab oo uu xusay in ay yihiin dhalinyaro hore loo qalday.
"Waxaad fahmi kartaan halista ay geysan karaan dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab, haddii aadan si wanaagsan ula dhaqmina ama loo abuurin jawi is dhex gal ah" sidaasi waxaa yiri Mr Cabdirashiid Ibraahim Maxamed.
Barnaamijka dhaqan celinta ayaa waxaa uu la shaqeeya howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo taageero ka hela hay'ada Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya.
Mashruucaasi dhaqan celinta ah ayaa waxaa taageero Dalalka Denmark, Ingiriiska, Jarmalka,Mmidowga Afrika iyo Sanduuqa Badbaadada Caruurta ee UNICEF.
storvideo: 

Shan arrimood oo sare loogu qaadi karo dhaqaalaha...

$
0
0

Dhacdooyiinkii ka dhacay Zimbabwe ayaa muujinaya in hal toddobaad ay tahay xilli dheer marka dhanka siyaasada laga eego,balse waa il biriqsi marka laga eego dhanka dhaqaalaha.
Dadka reer Zimbabwe ee isugu soo baxay waddooyiinka Harare iyo Bulawayo ayaa laga yaabaa in ay aad ugu raja wayn yihiin isbadalka siyaasada ,balse waxay kaga sii rajo badan yihiin marka ay timaado dhanka kobaca dhaqaalaha.
Madaxwayne cusub waa la dhaarin karaa waxa ayna qaadan kartaa oo kali ah maalmo ama toddobaadyo,balse sanado ayay qaadanaysaa in dhaqaalaha burburay dib boorka looga jafo.
Madaxwayne Emmerson Mnangagwa ma awoodi doonaa in uu sare u soo qaado dhaqaalaha uuna ugu yaraan ku rido dhabada dib u soo kabashada?
Dadka lafa gura arrimaha dhaqaalaha ayaa shaki ka qaba in uu muuqdo xal degdeg ah oo loo helo dhaqaalaha.
Farxaddii ruxday qaranka Zimbabwe ayaa sare u qaaday rajadda ku aadan in mustaqbalka uu ifayo.
Balse haddii la doonayo in ay dhab noqoto kobaca dhaqaalaha Zimbabwe ayaa waxaa looga baahan yahay dowladda in ay sameeyoso isbadlo asaasi ah.
In la helo lacag caddaan ah
Tillaabadda ugu horreysa ee uu u baahan yahay madaxwayne Mnangagwa in uu qaado si dhaqaalaha sare loogu soo qaado ayaa ah in la helo lacag adag.
Zimbabwe ma lahayn lacag dalku leeyahay tan iyo 2009, ka dib markii sicir bararkii dalkaasi uu dilay doolarki hore ee Zimbabwe.
Tan iyo 2009 kii waxaa dalka Zimbabwe laga isticmaalayay lacagta doolarka Mareykanka iyo lacgta dalka Koonfur Afrika.
Sanooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa dalkaasi ka taagnaa gabaabsi lacagta caddaanka ah taasi oo dhaqaalaha hoos u sii dhigaysay.
Yaa sare u qaadaya heerka lacagta caddaanka ah?
Wadamada reer galbeedka ee deeq bixiyayaasha ayaa wali ka walaacsan dowladda Zanu-PF ,waxa ayna u arkaan in Robert Mugabe uu badalay Mr Mnangagwa oo ay muddo soo wada shaqaynayeen.
Hay'ada caalamiga ah ee lacagta ee IMF ayaa ku tilmaamtay dhaqaalaha Zimbabwe uu yahay mid ka mid ah wadamada uu dhaqaalahooda cagaha adag ku taagnayn.
Shiinaha ayay suuragal tahay in uu noqdo wadanka ka faa'ida lacag ahaan marxaladaha ugu horreeya ee maamulka Mnangagwa.
Qaar ka mid ah dadka ayaa u arka, Mr Mnangagwa uu yahay Deng Xiaoping, reer Zimbabwe.
Deng Xiaoping waa hogaamiyihii Shiinaha ee bilaabay heerka dhaqaalaha furfuran ee dalka Shiinaha.
In meesha laga saaro siyaasadaha guracan lagana taqaluso Musuqmaasuqa
Kaba soo qaad haddii la helo lacag,maxaa xigga ka dib?
Mr Mnangagwa ayaa looga baahan yahay in uu meesha ka saaro siyaasadaha dhaqaalaha ee caqabada ku ah maalgashadayaasha ajaaniibta.
Sanaddii 2009, Mr Mugabe waxa uu saxiixay sharcigii lagu xoojinayo dhaqaala ahaan dadka u dhashay dalka Zimbabwe taasi oo looga gol lahaa in 51% shirkadaha ay gacanta ugu jiraan dadka madowga ah ee reer Zimbabwe.
Wadaxaajood lala galo wadamada deemaha bixiya
Ku dhawaad 20 sano, Zimbabwe waxa ay cagaha kula jirtay deemo dhan 9 bilyan oo doolar.
Deemaha ayaa waxa loo baahan yahay in dib u habeen lagu sameeyo iyada oo ay gacan ka gaysanayo bangiga aduunka iyo hay'ada IMF.
Mnangagwa ayaa waxaa u furan in uu heshiis cusub la galo IMF.
In la abuuro jawi hoos loogu dhigayo shaqa la'aanta.
Shaqooyiinka rasmiga ah ayaa si aad ah ugu yar Zimbabwe ,shaqa la'aanta ayaana maraysa 90%.
Kheyraadka kale ee la iska hilmaamay ayaa waxa ka mid ah khayraadka dabiiciga ah sida beeraha iyo Macdanta.
Si looga baxo shaqa la'aanta Zimbabwe ayaa waxaa loo baahan yahay in la helo rabitaan siyaasadeed iyo in si wanaagsan loo wajaho xaalada shaqa la'aanta dalka.
In la helo lacag ay leeyihiin reer Zimbabwe.
Mustaqbalka fog, Zimbabwe waxa ay u baahan tahay in ay hesho lacag uu dalku leeyahay .
Isticmaalka doolarka mareykanka ayaa noqotay mid lagama maarmaan ah ka dib markii doolarka Zimbabwe uu noqday mid aan qiimo badan lahayn.
Balse in lacag la daabaco ayaa waxaa ka sii muhimsan in la helo kalsooni ay ku shaqayn lahayd lacagtaasi.
.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live