Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Pakistan: Waxay Isku guursadeen Wali La`aan...

$
0
0

Bilayska Pakistaan ayaa sheegay in ay xidheen 10 qof oo ku eedeysan inay dileen lamaane cusub oo isku Guursaday Wali La`aan Magaalada dekedda ah ee Karachi. Sida laga soo xigtay Associated Press.
Cabdel Hadi oo 24 jir ah iyo Xasiina Bibi oo 19 jir ah ayaa la dilay toddobaadkii hore kuna baxay gacanta Ehelkooda iyagoo aan fasax ka haysan Waalidiinta qoysaska horraantii bishan, sida uu sheegay Masuul Sare oo la yidhaa Qasim Xamiid.
Xamid ayaa Intaa ku Daray in aabaha Cabdul Hadi iyo sagaal kale la xidhay ka dib markii meydka lamaanaha laga helay qabuuraha Axaddii, Waxaanu sheegay in aabaha Xasiina uu maqan yahay.
Raggan ayaa qirtay in ay lamaanaha ku dileen Midiyo amar ka yimid Jirga ama golaha qabaa'ilka maadama oo ay ka baxeen dhaqanka Pushtun-ka, ayuu yidhi.
Ku dhawaad 1,000 haween ah oo Pakistani ah ayaa sanad walba la dila iyaga oo ku baxa gacanta qaraabada taas oo lagu magacaabo dambiyada sharafta.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Ciidanka Shiinaha oo Is...

$
0
0

Mid ka mid ah saraakiisha Sar sare ee shiinaha ayaa is dilay ka dib baadhitaan musuqmaasuq.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in General Zhang Yang uu isku dilay Gurigiisa Khamiistii la soo Dhaafay.
Waxaa la sheegay in wax laga weydiiyay labo sarkaal oo hore oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare oo ka tirsan xisbiga Shuuciga ah ee talada Shiinaha haya lagana saaray xisbiga.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Amiir Sucuudi ah oo xorriyaddiisa ku iibsaday in ka...

$
0
0

Dhowr qof oo ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo isugu jira amiirro iyo saraakiil sare oo kal hore bishan lagu soo qabqabtay hawlgal ka dhan ah musuqmaasuq ayaa hadda xabsiga laga sii daayay.
Qofka ugu magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo Miteb oo labo usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka madaxa ilaalada qaranka.
Warka ku saabsan sii deyntiisa ayaa lagu ogaaday qoraallo ay barta Twitterka soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqor.
Xarigga Miteb oo tan iyo afartii bishan lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasi oo ahaa xil aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada.
Waxaa sidoo kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo.
Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.
Dhammaan shakhsiyaadkani ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la sheegay in la geystay tobanaan sano ka hor.
storvideo: 

Kuuriya Waqooyiga oo tuurtay Gantaal

$
0
0

Waqooyiga Kuuriya ayaa iska tuuray gantaal balaaran oo caalami ah waxaana uu halis ku yahay dunida oo dhan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka James Mattis ayaa sidaas yiri. Gantaalaha oo bilowday Arbacadii, ayaa degay biyaha Japan. Waxay gaadhay heerkul dhan 4,500km (2,800 mile) waxayna soo duushay 960km, sida ay sheegeen milatariga South Korea. Waxay ahayd [...]
storvideo: 

Sawirro:-Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaaray Degmada Xudur

$
0
0

Xudur ( Sh. M. Network )-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur'"oo horay uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Sheekh Mukhtaar safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan dowladda sida Xildhibaano, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo mas'uuliyiin kale.
Lama oga sababaha rasmiga ah ee uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur" u tagay Magaalada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool.
Balse muddooyinkii dambe ayaa waxa jiray dadaalo dowladda Soomaaliya ay waday oo ku aadan sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dagaalka ka dhanka Ah Al Shabaab.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Daawo -Naasir Qodax Oo Anu wax ka waydiinay...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)- -Naasir Qodax Oo Anu wax ka waydiinay dareenkiisa Maalintii codbixinta .
Naasir Qodax oo Ka mid ah masuuliyinta sarsare ee Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka Ucid Oo doorashadii dalka ka qabsoontay Radio -Toggaherer wax ka waydiiyey dareenkiisa ku aadanaa doorashadaasi Bacbi waynaheenu sida xorta ah ugu dareeray goobaha codbixinta ,ayaa dareenkiisa ku cabiray sidan:
Dooawo Muuqaalkaasi :
[embedded content]
storvideo: 

Akhriso:-Liiska Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkasi.
Dr Waare ayaa magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 57 xubnood, kuwaas oo isugu jira 20 Wasiir, 20 Wsiir ku xigeen iyi 17 Wasiiru Dowle.
Halkaan hoose ka Akhriso Liiska:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-1-169x300.jpg 169w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-1-576x1024... 576w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-1-236x420.jpg 236w" sizes="(max-width: 875px) 100vw, 875px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-3-169x300.jpg 169w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-3-576x1024... 576w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasiirada-3-236x420.jpg 236w" sizes="(max-width: 764px) 100vw, 764px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasirada-2-169x300.jpg 169w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasirada-2-576x1024.jpg 576w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/wasirada-2-236x420.jpg 236w" sizes="(max-width: 824px) 100vw, 824px" />
 
The post Akhriso:-Liiska Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle appeared first on Shabelle.

DEG DEG:-Diyaarad Siday Muqtaar Rooboow Oo Goordhow...

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.
Muqtaar Rooboow ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho,waxaana Safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.
Wefdiga ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool,waxaana weli la ogeyn Safarkaan uu muqtaar rooboow uu halkaasi u tegay oo aan horay loo sii shaacin.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Akhriso:-Liiska Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkasi.
Dr Waare ayaa magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 57 xubnood, kuwaas oo isugu jira 20 Wasiir, 20 Wsiir ku xigeen iyi 17 Wasiiru Dowle.Halkaan hoose ka Akhriso Liiska:-
storvideo: 

Madaxweynaha Hir Shabelle oo ku Dhawaaqay Golahiisa...

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa Goordhow ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiirada.
Madaxweyne Waare ayaa Magacaabay 20 Wasiir iyo 20 Wasiir ku Xigeen iyo 7 Wasiiru Dowlayaaal ah oo u badan Wasiiro Cusub.
Baarlamaanka Hir Shabelle ayaa lagu Wadaa in loo gudbiyo oo ay ansixiyaan wasiiradaasi .La soco Magacyada Wasiirada La MagacaabayXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweynaha Hir Shabelle oo ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Warar ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada...

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku magacabayo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib ugu laabtay shalay magaalada Jowhar kadib markii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne.
Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in uu 24 saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadiisa iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle inuu ku soo dhiso Golaha Wasiirada Hirshabeelle.
Golaha wasiirada cusub ee Hirshabeelle ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii uu Madaxweyne Waare uu sheegay in uu ka soo xulayo Golahiisa Wasiirada aqoonyahano aan ka mid ahayn xildhibaanada Hirshabeelle.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ciidamadda XDS oo Al-shaabab Kala Wareegay...

$
0
0

Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed oo taageero malatari ka helaya Ciidamada AMISOM in shabaab ay kala wareegeen deegaankaas.
Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay waa siduu hadalka u dhigee.
"Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada Al-shabaab gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay"ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan
Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo Ku Dhawaaqay...

$
0
0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhow ku dhawaaqay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood.
Golaha wasiiradda lagu dhawaaqay ayaa isugu jira qaar horey ugu tirsanaa Xukuumadii Cali Cabdulaahi Cosoble iyo kuwo cusub.
Golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka kooban yhiin 20 wasiir 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Puntland Oo Soo Bandhigtay Farqiga U Dhexeeya...

$
0
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka badda Puntland iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca Badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan oo Warbaahinta kula hadlay Dekeda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay tahay Dekedda ugu raqiisisan Dekedaha ku yaala dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Dekeda Magaaladda Boosaaso ay aad uga raqiisan tahay Dekedaha Berbera iyo Muqdisho, waxaana uu isbarbar dhigay qiimaha Khidmado ee laga kala qaado Badeecadaha ka daga Dekedahaas.
Cabdi Majiid Samatar Jaafaan, ayaa sheegay in Raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Boosaaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda.
Shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen.
CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha).
DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha) Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ).
DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha).
Markii ugu horaysay ayaa Puntland, ay soo bandhigtay xaqiiqda ka jirta Dekeda magaalada Boosaaso, taas oo Agaasime Jaafaan uu si xirfadaysan uso bandhigay.
Wuxuu Jaafaan sheegay inay jiraan Ganacsato ka macaashi jiray 30-kii sano ee tagay Dekeda magaalada Boosaaso, kuwaas oo doonaya inaysan Dekedu hormar samayn.
storvideo: 

Xaaskii Hore Ee Meles Zenawi Oo Lagala Noqday...

$
0
0

Azeb Mesfin oo ah Xaaskii hore ee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa la shegay in lagala laabtay Xubinimada Xibiga TPLF oo ah xisbiga talada dalkaas hadda haya.
Arrinatan ayaa kadib sida l sheegay kadib markii ay kulamo badan oo wadatashi ah ay yeesheen Madaxda Xisbigaas taas oo keentay Xubinimadii Xisbiga TPLF in lagala laabto.
Sidoo kale waxaa hoos loo dhigay xilalkii ay ka hayeen xisbigaas Beyene Mikru iyo Abay Woldu oo ahaa kaaliyayaashedii,iyada oo Xubin ka aheyd Guddiga fulinta ee Xisbiga TPLF.
Kala noqoshada Xubinimda Azeb ayaa timid xili eedeyn kala duwan ay uga imaaneysay Madaxda Xisbiga taas oo ku saabsaneyd in kulamo badan uu xisbiga lahaa ay ka baxday,tas oo keentay in dhamaan awoodii ay ku laheyd xisbiga laga xayuubiyo.
Weli dhankeeda wax jawaab ah kama bixin talaabadan ay Madaxda Xisbiga TPLF ay Xubinimadii ay ku laheyd Xisbigaas uga qaadeen
Azeb Mesfin oo ah Xaaskii hore ee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Warbixin: Faashilka Kooxda AL-Shabaab iyo Guushii...

$
0
0

Kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab waxa ay utaagan yihiin dhibaataynta iyo daadinta diigga dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyaga oo aan u aaba yeelin nooca qof ee ay dilayaan muhiimadda uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed, waana sababaha ay mar waliba u laayaan Culimada, Dhaqaatiirta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Haweenka, waxaana ficiladooda ka muuqda cadaawada fog ee ay u [...]
storvideo: 

Diyaarado duqeeyay saldhig ay Al-Shabaab ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooceedu uu yahay Drones ay duqeysay deegaanka Toorotoorow.
Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toorotooroow.
Duqeyntan oo laga maqlay deegaano ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntan loo geystay gawaari ay saarnaayen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo xiligaa booqasho ku joogay Saldhiga.
Al-shabaab oo ka baxay inta badan magaalooyinka waaweyn oo ay hore u haysteen ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin tuulooyin ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose iyo degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Jubbada Dhexe.
Dhinaca kale, duqeyntan ayaa ku soo beegmaysa xili ay dowlada Maraykanka kordhisay weerarada cirka ah ee ay ka fulinayaan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay...

$
0
0

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada sida weyn looga ixtiraamo Guud ahaan Soomaaliya ayaa caawa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho kaga hadlay muhiimaddu ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacuubta Muslimiinta u leedahay xusidda iyo weyneynta dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH). Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) ay tahay [...]
storvideo: 

Al Shabaab Oo sheegay in ay la wareegeen Deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan

$
0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network )- Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay in gelinkii dambe ee Maanta ay la wareegtay Deegaanka Ceel Cadde oo 70 KM u jiro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Ciidamadooda ay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Ceel Cadde ayna Khasaaro gaarsiiyeen Ciidama Liyuu Boolis ah oo ay sheegan in halkaasi ay ku sugnaayeen.
Warka Al Shabaab ay soo saareen ayaa intaa ku daraya in Dagaalka uu saacado socday  Hubna ay ka furteen Ciidamada ay kala wareegeen Dagaankaasi.
Marka laga soo tago Warkan kasoo yeeray Al Shabaab Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.
The post Al Shabaab Oo sheegay in ay la wareegeen Deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan appeared first on Shabelle.

Al Shabaab Oo sheegay in ay la wareegeen Deegaan ka...

$
0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network )- Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay in gelinkii dambe ee Maanta ay la wareegtay Deegaanka Ceel Cadde oo 70 KM u jiro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Ciidamadooda ay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Ceel Cadde ayna Khasaaro gaarsiiyeen Ciidama Liyuu Boolis ah oo ay sheegan in halkaasi ay ku sugnaayeen.
Warka Al Shabaab ay soo saareen ayaa intaa ku daraya in Dagaalka uu saacado socday Hubna ay ka furteen Ciidamada ay kala wareegeen Dagaankaasi.
Marka laga soo tago Warkan kasoo yeeray Al Shabaab Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live