Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War deg deg ah Amaanka magaalada Muqdisho oo caawa...

$
0
0

War deg deg ah Amaanka magaalada Muqdisho oo caawa la wareegeen ciidamo boliis oo dhalinyaro ah
Nov 29, 2017 -
Ciidamo cusub oo boolis ah ayaa caawa lagu arkay inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Booliskan cusub oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa u badan dhalinyaro aad u yar yar oo la sheegay iney badankood ka baxeen Jaamacadaha dalka, waxayna da'doodu u dhexeysaa 20 illaa 30 sano jir.
Goobaba ciidamadan lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah Kontrolka lagu baaro gaadiidka ku sii jeeda garoonka Aadan cadde ee yaalla agagaarka isgoyska KM4, isgoysyada wadooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha. Zoope iyo qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada, waxayna u muuqdaan kuwo dishipilinka ciidanka kaga wanaagsan kuwii hore.
Ciidamadan cusub ee tababarka soo dhameystay ee caawaba howlgaladooda ka bilaabay magaalada Muqdisho ayaa bedelay ciidamo ka tirsan Booliska iyo xasilinta oo horey u joogay goobaha caawa lagu arkay.
Xukuumada RW Kheyre ayaa ku guuleysatay iney sida ugu wanaagsan wax uga qabato xailinta amaanka magaalada Muqdisho ka dib markii juhdi iyo dedaal dheeraad ah ay muujiyeen laamaha amaanka dowlada. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


An airstrike hits Al Shabaab stronghold area in Somalia

$
0
0

Reports reaching at Radio Shabelle’s news desk from Lower Shabelle region indicate that an airstrike struck an Al Shabaab base in the town of Toratorow on Wednesday afternoon.
There was immediate confirmation of the casualties, but, local residents said they could be heard the thud of the explosions as result of the airstrike against the militant camp.
Al Shabaab, however, did not comment on the reported airstrike against its camp.
In the past, US Africa Command said it carried out a number of air raids in southern Somalia and killed many fighters, a claim that Al Shabaab remained silent on it.
The post An airstrike hits Al Shabaab stronghold area in Somalia appeared first on Shabelle.

An airstrike hits Al Shabaab stronghold area in Somalia

$
0
0

Reports reaching at Radio Shabelle's news desk from Lower Shabelle region indicate that an airstrike struck an Al Shabaab base in the town of Toratorow on Wednesday afternoon.
There was immediate confirmation of the casualties, but, local residents said they could be heard the thud of the explosions as result of the airstrike against the militant camp.
Al Shabaab, however, did not comment on the reported airstrike against its camp.
In the past, US Africa Command said it carried out a number of air raids in southern Somalia and killed many fighters, a claim that Al Shabaab remained silent on it.
storvideo: 

Dhageyso:- Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Wargeys Mareykan ah oo shaaciyey caddeymaha xasuuq...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Washington DC (- Online) - Wargeyska Daily Beast ee Mareykaka ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in ciidamada Mareykanka ay xasuuq shacab ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya.
Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdadii 25-kii August ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo si ula kac ah loogu dilay 10 qof oo shacab ah, oo uu ku jiro canug yar.
Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdada, isaga oo wareystay saddex qof oo ka bad-baaday, taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka gacanta ka gaystay iyo kan ciidamada Amisom ee Uganada.
Wargeyska ayaa sidoo kale Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdooka Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan dowladda, oo codsaday inaan la magacaabin.
Daily Beast ayaa qoray in dhammaan dadkii la hadlay ay magacyadooda u qariyeen ayaga oo ka cabsanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dad shacab ah oo aan hubeysneyn, ay adeegsadeen warbixino sirdoon oo laga helay dad aan la isku haleyn karin oo gobolka ku sugan iyo saraakiisha dowladda federaalka.
Kadib xasuuqii shacabka ayaa diblomaasiyiinta Mareykanka waxay dowladda Soomaaliya ku cadaadiyeen inay qariso natiijada baaritaan ay sameysay oo caddeysay xasuuqan.Halkan ka aqri warbixinta Daily Beast- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Pope-ka Diinta Kiristaanka oo ugu baaqayaa...

$
0
0

Pope Benedict XVI ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Buddhist ee Myanmar inay ka soo horjeestaan nacaybka intii lagu jiray kulan ay la yeesheen xubnaha Golaha Sare ee Buduhiska.
Sidoo kale waxa la qorsheenayss inuu u safro Bangladesh Khamiistii, halkaas oo uu kula kulmi doono in ka badan 600,000 oo Muslimiin Rohingya ah oo ka soo cararay Myanmar.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Trump oo Ra'iisulwasaaraha Britain ku weeraray Twitterka

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK badalkii ay isaga ku mashquuli lahayd.

Trump oo Ra'iisulwasaaraha Britain ku weeraray...

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.
"Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska," ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.
Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo".
Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin "xiriir khaas ah".
Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.
Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo "goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.
Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku sheegay Muslimiin.
Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan "in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo".
storvideo: 


Dembiile Dagaal oo Cabay Sun ka dib Markii...

$
0
0

Waxa la laalay Dhegaysiga Dacwada maxkamadda dambiyada dagaal ee Yugoslaviya oo ku taal Hague ka dib markii eedaysanuhu Cabay Sun isla markii uu maqlay xukunka.
Eedeysanaha Slobodan Berliac waa mid ka mid ah lix Saraakiil Ciidan iyo Siyaasyiin oo ka tirsan Croatia Bosnia ayna maxakamadu dhegaysanaysay Rafcaankooda.Slobodan Pralayak ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah sannadkii 2013.
Isla markii uu maqlay in garsoorka racfaanku uusan beddelin xukunka, wuxuu u sheegay garsoorka in Qaadanayo sun.
Sawirada ayaa muujiyay in Baralik uu istaagay oo gacmihiisana kor u qaaday afkiisa Madaxna Dib u Celiyey cabayana galaas oo uu qareenkiisu ku sheegay inay ku jirto sun.
[embedded content]
Garsoorka ayaa isla markiiba amar ku bixiyay daahyada in la xidho dhagaysigana la joojiyo.
Garsooraha ayaa weydiistay inuu koob la xafido ee uu isticmaalay Baraleic isaga oo markiiba ay ka soo muuqdeen Calaamado .
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Garoonka diyaaradaha ee Qansax-dheere oo dib loo furay

$
0
0

Waxaa markii ugu horreysay ku dhawaad muddo sagaal sano ah dib loo furay garoonka Qansax-dheere ee gobolka Baay, kaa oo diyaarad ku soo degta ay ugu dambeysay sanadkii 2008-kii.

Khatar soo wajahday keydka qadiimiga ee Radio Muqdisho

$
0
0

Raadiyo Muqdisho oo ah raadiyaha qaranka Soomaaliya ayaa usbuucan u dabbaal-degaya sanad guuradii 66 ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Dawlad Tiro Yar OO Tayo Leh Shardi Baa Ka Horeeya

$
0
0

Dawlad Tiro Yar OO Tayo Leh Shardi Baa Ka Horeeya
Yaa Damaanad Qaadaya Odayaashii Shirka jaraaid qaban jirey oo odhan jirey Hadaanu beel Hebel nahay Saami Qaybsigaygii Nalama siin Oo Tabashaanu Qabnaa Kadibna shacabka maatada ah Qabiil ku Kicin jirey
Shacabka Somaliland Jooga Ooo dhan Marka aad la sheekaysato waxay ku cel celinayaan Madaxweyne Dowlad Tiro Yar oon Tayo leh baanu Kuu Dooranayay Oo Bilaa Musuq maasuqa oo aqoon Iyo Karti OO Umada wax U qabata waayahay
DHanka kale waxaad moodaa In Qabiil Dabada Ka Riixayo oo Qabil walba Kursi Doon Yahay Qofkii Hada ku lahaa Dowlad yar oo tayo leh Baa hadana ku odhanaya wasiir waa in naloo magacaabaa Hadaanu nahay reer hebel
Taariikhda Guryo laguma dhisto ee waxa laga faa iideystaa waxii hore dhacay Dib U milicso 4 Dawladood oo Hore oo Soamliland Soo Maray Madaxweyne walba waxuu Odhan jirey Dowlad Kooban oo Tayo leh Ayaan Dhisayaa Qaarkoodna way ba dhiseen Laakiin Cadaadis Iyo Caqabado Badan bay la Kulmeen marka danbe ILaa 70 wasiir Gaadho Iyadoo Sababaha Inta badan loo kordhinayo Markaad dhan ka eegto Wada Xal ah Dawlad Dhan baa Xal ah Hadii Xal Meesha Yimaadona Horumarka IyO Wax qabadka Yaraanaya Sharciguna wuu hoosaynayaa Ileen waxuunba la kala xalinayaaye
Waa Xal wasiir hebel Reer baa lagu qancinayaa ilaa 100 wasiir iyo kuxigeen iyo wasiir dowle
Madaxweynaha hada la doortay muuse biixi Cabdi Hadii U ka dhabeeyo balan qaadkii Dadki ku doorteen Dowlad aqoon Yahana Oo karti leh oo Tayo leh oo Kooban
Yaa Damaanad Qaadaya Odayaashii Meelahaas Ka hadli Jirey odhan jirey beel hebel hadaanu nahay waxba nalama siin Saamigayagii Wuu Maqan Yahay Kadibna shacabka Kicin jirey
Hadii Dawladan Yaraato Oo koobnaanto Feedback ka soo baxaya waynu og nahay Yaa Damaanad qaadaya Maatada Inaan Qabiil Lagu kicin Hadana waxba nalooma qabto aanay odhan
Dhanka kale waxaad moodaa shacabka laftisu inuu Musuq maasuqa Sabab U ayahay Iyagu raali ka Yihiin Sababta oo ah Wasiir aan aqoon ku Iman qabiil loogu geeyo meesha hadana beeshii odhan waxba nalooma qabto
Waa In Xalkii Feedback Dawlada kooban IYO Caqabadaha ka dhalaya laga sii Hor Tagaa
Wacyi Gelin badan oo shacabka ah la siiyaa Hadii Kale Halkedii Ba Ka Degaysaa
Walaahu aClamu Wa Axkam
QalInkii Y Dhamac Hargeisa
storvideo: 

Mareykanka oo markale u hanjabay Kuuriyada Waqooyi

$
0
0

Safiiradda Mareykanka u fadhida golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ayaa hoggaanka Kuuriyada Waqooyi uga digtay in gebi ahaan ba la burburinayo haddii uu dagaal qarxo.

Mareykanka oo markale u hanjabay Kuuriyada Waqooyi

$
0
0

Safiiradda Mareykanka u fadhida golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ayaa hoggaanka Kuuriyada Waqooyi uga digtay in gebi ahaan ba la burburinayo haddii uu dagaal qarxo.
Nikki Haley oo ka hadashay shir deg deg oo golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku yeesheen magaalada New York ayaa ugu baaqday dhamaan dalalka caalamka inay jaraan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya xukuumadda Pyongyang.
Ms Haley ayaa intaa ku dartay in madaxweyne Trump uu horay ugu booriyay dhigiisa dalka Shiinaha inuu joojiyo saliidda ceyriinka ee uu Shiinaha u dhoofiyo dalkaasi, kadib markii labada madaxweyne ay ka wada hadleyn tijaabadii gantaal ee ay sameesay Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa horay u sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada ballistic loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.
War laga sii daayay telefishinka qaranka ayay ku sheegtay in Pyongyang ay hadda xaqiijisay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal quwad Nukliyeer ah leh.
Waa markii koobaad ee ay gantaal ballistic ah tijaabiyaan muddo labo billood ka badan. Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured waxaa ay shegeen in gantaalkani uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.
Khubaro ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka.
Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka oo ka hadlay tallaabadan ay qaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in tani ay u muuqato inay tahay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.
storvideo: 

Guddiga taakuleynta ee qaraxii Zoobe oo shaaciyey...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan.
Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.
Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay.
Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56.
Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Dhageyso: Fiqi oo si carro leh uga hadlay war kasoo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shaaciyay in dadkii ay ku dileen howlgalkii ay ka fuliyeen 25-kii bishii August ay ahaayeen cadow hubaysan.
AFRICOM war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in wax shacab ah aysan ku dhiman weerarkii ka dhacay beerta ku taalla nawaaxiga Bariire.
Warkan ayaa lidi ku ah mid kasoo baxay dowladda Federaalka isla bishii August oo ay ku sheegtay in 10 ruux oo shacab ah lagu dilay howlgalka ciidamada Mareykanka iyo kuweeda ka fuliyeen Bariire.
Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya ka bixisay dadkii ku dhintay weerarka lacag magdhaw ah, taasi oo gaarayso 100-kun oo dollar qofkiiba, sida wararku ay sheegayaan.
Axmed Maclin Fiqi, oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warka kasoo baxay Mareykanka ee lagu sheegay in cadow ay ku dileen howlgalka.
Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay Twitter-dooda ay kusoo qoreen in weerarka dad shacab ah lagu dilay, haddana wax yar kadib ay ka tireen markii sida uu sheegay ay la kulmeen cadaadis dibada ah.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in AFRICOM warkooda uu xad-gudub ku yahay cadaaladii ay sugayeen ehelada dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay, islamarkaana ay ayaan darro ku tahay dowladda Federaalka oo wali ka aamusan dhacdadaasi.
Gudi xaqiiqa raadis ah, oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo tagey Bariire weerarka kadib ay warbixinta baaritaankooda kusoo celiyeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, balse ay meel iska dhigeen kiiska oo dhan, sababtuna tahay cadaadis dibadda uga imaanaya.http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/12/lbDShxOs9I1V.128.mp3
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Trump oo Baddalaya Rex Tillerson

$
0
0

Waxaa sii xoogeysanaya warka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump uu todobaadyada soo socda beddeli doono Xoghayah Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Masar oo Laga Xusay Mawliidka Nabiga (NNKH)

$
0
0

Meelo badan oo ka mid ah dalka Masar ayaa waxaa xalay lagu qabtay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), todobaad kadib marki kooxo mintidiin ahi ay boqolaal ruux ku dileen weerar ay ku qaadeen masaajid ay leeyihiin dariiqada suufida Masar.

Masar oo Laga Xusay Mawliidka Nabiga (NNKH)

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Meelo badan oo ka mid ah dalka Masar ayaa waxaa xalay lagu qabtay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), todobaad kadib marki kooxo mintidiin ahi ay boqolaal ruux ku dileen weerar ay ku qaadeen masaajid ay leeyihiin dariiqada suufida Masar.
storvideo: 

Trump oo Baddalaya Rex Tillerson

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Waxaa sii xoogeysanaya warka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump uu todobaadyada soo socda beddeli doono Xoghayah Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.
Madaxweyne Trump ayaa Khamiisti beeniyay inuu shaqada ka eryayo Tillerson, kadib marki ay soo baxeen warar sheegayay in uu qorsheynayo in madaxa Hey'ada CIA-da Mike Pompeo uu ka dhigayo wasiirka arrimaha dibadda.
Qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Mareykanka ayaa ku warramay in xiriirka madaxweyne Trump iyo xoghayahiisa arrimaha dibadda Tillerson uu xumaaday sanadki hore, sidaasi daraadeed uu ku badalayo madaxa CIA-da oo ah nin uu xiriir wanaagsani kala dhaxeeyo madaxweynaha.
Senatar-ka xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Arkansa Tom Cotton, oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhaw Trump ayaa la sheegay in laga dhigi doono madaxa hey'ada CIA-da.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live