Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mareykanka oo ciidamadiisa kala soo baxaya Suuriya

0
0

In ka badan 400 oo ka mid ah ciidamada Maariiniska Mareykanka ayaa ak soo baxaya dalka Suuriya ka dib markii ay gacan ka gaysteen duulaankii kooxda IS looga qabsaday magaalada Raqqa.


Wiilal Isla Dhashay oo Lagu Dilay South Africa

0
0

Burcad hubeysan ayaa habeenkii Khamiista ku dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa, laba wiil oo walaala ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku gacansata dalkaasi.

Mareykanka oo ciidamadiisa kala soo baxaya Suuriya

0
0

In ka badan 400 oo ka mid ah ciidamada Maariiniska Mareykanka ayaa ka soo baxaya dalka Suuriya ka dib markii ay gacan ka gaysteen duulaankii kooxda IS looga qabsaday magaalada Raqqa.
Ciidamadan Mareykanka ayaa halkaasi loo daad gureeyay bishii March si ay gacan u siiyaan Kurdiyiinta iyo dagaalyahanada carabta ah ee la dagaalamayay kooxda IS.
Xoogaga dimuqraadiyada Suuriya ee (SDF) ayaa bishii aanu soo dhaafnay waxa ay ku dhawaaqeen in ay ku guulaysteen dagaalkii magaalada Raqqa.
Isbahaysiga Mareykanka uu hogaamiyo ayaa ka soo saarida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Suuriya waxa ay ku tilmaamee calaamad muujinaysa hormar.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Suuriya ayaa waxa ay tababaro iyo talooyiin dhanka militariga ah ay siiyaan xoogaga mucaaradka ee qunyar socodka ah ee Suuriya ka dagalama.
Kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa laga saaray inta badan dhulkii ay haysteen ee dalalka Suuriya iyo Ciraq.
storvideo: 

Wiilal Isla Dhashay oo Lagu Dilay South Africa

0
0

Burcad hubeysan ayaa habeenkii Khamiista ku dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa, laba wiil oo walaala ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku gacansata dalkaasi.
Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Libaan Salaad Xaashi, ayaa waxaa lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen magaalada Johannesburg.
Sahra Cabdi Axmed oo la xiriirtay ehelada wiilasha la dilay iyo qaar ka mid ah ganacsato taqaanay dhalinyaradan ayaa warbixintan ka diyaarisay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:35
0:00:00 /0:04:35
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Xildhibaanada oo garan waayey waxa ay garteen gabdhahan

0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Magaalada Muqdisho waxaa ka socdo Mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna mooshinkaas ka gudbinayaan madaxda ugu sareyso dalka.
Haddaba waxaan warbixintaan kusoo qaadan doonaan waxyaabaha keenay mooshinkaas iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda ee lacagta yar qaata.Maxaa keenay Mooshinkaan?:
Dhawaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa Canshuur kusoo rogtay Mushaarka ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe ay qaadatay nidaamka isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga.
Tallaabadaas lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda kadib, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay ololo ay mooshin kaga diyaarinayaan madaxda ugu sareyso dalka kadib markii ay ka xanaaqeen Canshuurta ay Wasaaradda Maaliyadda soo rogtay.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay inaysan macquul aheyn in Mushaarkooda laga jaro lacagta Canshuurta dalka, waxayna bilaabeen inay mooshino diyaariyaan si ay Canshuurtaan uga badbaadaan.Xildhibaanada oo garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha nadiifiyo Xafiisyada dowladda!!:
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda Soomaaliya kuwaas oo qaata lacag aad u yar marka loo fiiriyo lacagaha aadka u badan oo ay qaataan Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya.
Ifraax oo kamid ah Shaqaalaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda Soomaaliya oo la hadashay Caasimadda Online ayaa sheegtay inay wax lala yaabo tahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya diidaan Canshuurta dalka wax loogu qabanayo.
Ifraax waxay sheegtay inay iyadana diyaar u tahay in mushaarkeeda laga jaro lacagta Canshuurta si dalka wax loogu qabto sida ay hadalka u dhigtay, waxayna sheegtay inay niyad jab weyn ka qaaday tallaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku diideen inay Mushaarkooda ka jaraan lacagaha Canshuurta.
" Waxaa niyad jab weyn ka qaaday go'aanka ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku diideen in Canshuur laga jaro Mushaarkooda, aniga waxaan qaataa lacag aad u yar sidaas oo ay tahay waxaan diyaar u ahay inaan mushaarkeeda ka jaro lacagta Canshuurta dalka" ayey tiri Ifraax.
" Marnaba ma fileyn inay XIldhibaanada dowladda diidaan Canshuurtii iyagoo Kitaabka Alle ugu dhaartay inay ka shaqeyn doonaan danta Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, Canshuurta waa waxyaabaha ugu horeeyo ee dalka lagu hormariyo, haddii ay Xildhibaanada diidaan waxaa muuqato inay jabiyeen dhaartii aheyd inay dalka wax u qaban doonaan" ayey sii raacisay.
Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo isna la hadlay Caasimadda Online isla markaasna codsaday inaan magaciisa lagu xusin warbixintaan ayaa sheegay inay Xildhibaanada diidan Canshuurta ay muuqaal qaldan ka bixinayaan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu u taagan yahay hoggaaminta iyo toosinta Shacabka Soomaaliyeed.Go'aanka XIldhibaanadaan muxuu kaga dhigan yahay Shacabka Soomaaliyeed?:
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay matalaan Shacabka Soomaaliyeed, tallaabo kasta oo ay qaadayaana waxaa muhiim ah inay noqoto mid ku dayasho mudan isla markaasna dalka u horseedayo horumar iyo cadaalad.
Prof. Yaxye waa mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ku yaalo, wuxuuna qabaa in talaabadaan ay Xildhibaanada ku diidan yihiin Canshuurta ay dalka u horseedi doonto foodo iyo inay Shacabka Soomaaliyeed ka hor imaadaan Canshuurta.
" Baarlamaanka Soomaaliya waa meesha ay Shacabka Soomaaliyeed kaga dayanayaan wax kasta, waxaa muhiim ah inay ogolaadaan Canshuurta dalka, qaarkood waxaa wax lagu soo baray Canshuurtii dowladda qaadi jirtay, waxaa ayaan darro ah inay Maanta diidaan Canshuurtii ilmahooda iyo jiilka cusub wax lagu bari lahaa isla markaasna dalka lagu horumarin lahaa" ayuu yiri Prof. Yaxye.
" Haddii ay Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka diidaan in Canshuur laga jaro mushaarkooda, waxay keeni doontaa inay ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka hor imaadaan Canshuurta dowladda, maadama Baarlamaankii dalka ugu awoodda badnaa uu diiday" ayuu sii raaciyey Prof. Yaxe.
Ugu dambeyntii mooshinada ay diyaarinayaan Xildhibaanada diidan Canshuurta, ayaa waxaa garab socdo ololo ay wadaan Xildhibaano kale oo ogol in la bixiyo mushaarka isla markaasna kasoo horjeedo in dowladda mooshin looga gubdiyo dood ku saabsan Canshuurta lagu soo rogay Xildhibaanada dowladda.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Gaaray Magaalada Beydhabo

0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network ) –Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” oo horay ugu tirsanaa Xarada Al Shabaab balse kal hore isku soo dhiibay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo iyo qaar kamid Shacabka Magaalada Beydhabo ayaa soo dhaweeyn u sameeyay Sheekh Mukhtaar Roobow isagoona ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay.
Roobow ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo gudbiyay Madaxtooyada Maamulka K/galbeed ee Magaalada Beydhabo halkaasi oo uu kulama kula qaadanayo Mas’uuliyiin ka tirsan K/galbeed.
Dowladda Soomaaliya aya horay u sheegtay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ay ka kaashaneeyso Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Socdaalka maanta uu ku tagay Magaalada Beydhabo ayaa imaanaya iyadoo maamlihii danbe uu ku sugnaa Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
 
The post Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Gaaray Magaalada Beydhabo appeared first on Shabelle.

Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday kolonyo uu...

0
0


Baladweyne (PP) -
Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta Weeraray Gaadiid uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Goolka Hiiraan.
Guddoomiyaha la weeraray ayaa kasoo ambabaxay Beledweyne isagoo kusii jeeday degmada Maxaas, iyadoo weerarkan uu yimid intii uu safarkisa kusii jiray , iyadoo la sheegay in guddoomiyuhu uu bad-qabo.
Ilaaladii guddoomiyaha iyo xoogaggii Al-shabaab ee weeraray ayaa waxaa dhex-maray dagaal culus oo muddo kooban socday, inkastoo la ogeyn inta uu le'eg yahay khasaaraha weerarkan ka dhashay.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah xoogagii Al-shabaab ee weerarka geystay, tiro kale oo intaas ka badnana la dhaaway. Inkastoo aysan sheegin khasaare iyaga ka soo gaartay weerarka.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid dhabo-gal ah, ayna ku dileen saddex ka mid ah Askartii ilaalada u ahayd guddoomiyaha gobolka Hiiraa, tiro kalena ay dhaawaceen.
Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay weerarro ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyagoo dhawr maalmood ka hor weerar ku qaaday deegaan u dhaw degmada Beledweyne, kaasoo khasaare geystay.PUNTLAND POST
The post Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday kolonyo uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan la socday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Gaaray Magaalada Beydhabo

0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network ) -Sheekh Mukhtaar Roobow "Abuu Mansuur" oo horay ugu tirsanaa Xarada Al Shabaab balse kal hore isku soo dhiibay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Mas'uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo iyo qaar kamid Shacabka Magaalada Beydhabo ayaa soo dhaweeyn u sameeyay Sheekh Mukhtaar Roobow isagoona ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay.
Roobow ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo gudbiyay Madaxtooyada Maamulka K/galbeed ee Magaalada Beydhabo halkaasi oo uu kulama kula qaadanayo Mas'uuliyiin ka tirsan K/galbeed.
Dowladda Soomaaliya aya horay u sheegtay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ay ka kaashaneeyso Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Socdaalka maanta uu ku tagay Magaalada Beydhabo ayaa imaanaya iyadoo maamlihii danbe uu ku sugnaa Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
storvideo: 


Faah faahin ku saabsan dagaal Shabaab looga dilay 11...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Hiiraan(SONNA) Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dilay ilaa 11 katirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab,ayna dhaawaceen kuwo kale,kadib markii dagaal uu ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Maxas ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaad katirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo la socotay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Degmada Maxaas.
Janaraalk Axmed Maxamed(Tredisho) oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay shabaab ka dileen 11 qof tiro kalena ay ka dhaaweceen,isagoo xusay in dhankooda uu dagaalkaasi uu kaga dhintay 1 askari,ayna kaga dhaawacmeen 4 kale.
Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan gaaray degmada Maxaasi ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.
Ujeedka socdaalka ayaa ah sidii halkaasi loo geyn lahaa maamul cusub oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u magacaabay degmadaasi,iyagoo kulamo la qaadanaya qeybaha kaladuwan ee bulshada si loola shaqeeyo maamulka cusub.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo Wakaaladda SONNA uga wararay kulamo uu la yeeshey madaxda K/Galbeed+Sawiro

storvideo: 

Wararka BBC Somali ee loogu akhriska badnaa todobaadkan

0
0

Halkan akhriso qaar ka mid ah sheekooyiinkii loogu akhriska badnaa todobaadkan ee aan ku daabacnay Barta BBC Somali

Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna oo heshiis is-af...

0
0


Jabuuti (PP) -
Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug oo Wada-hadallo ay uga socdeen Dalka Jabuuti, ayaa isku af-gartay qodobbo dhawr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin; habka awood-qaybsiga maamulka Galmudug.
Kulankaan oo socday muddo Toddobaad ah ayaa ugu horreyn ku billowday siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban-qaabisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo siminaarka kaddib la galay wada-hadalladii tooska ahaa ee labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna.
Heshiiska labada dhinac ay gaaraan ayaa la filayaa inay Muqdisho si rasmi ah ugu saxiixaan, waxaana labada dhinac ay go'aansadeen inay keligood wada-hadleen oo aan loo dhexeyn.Qodobbada ay illaa hadda isku af-garteen labada maamul ayaa kala ah;
1. In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.
2. In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.
3. In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.
4. In Ahlusunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.
5. In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.
Ugu dambeyn, Tallaabadaan ayaa muujinaysa in Ahlusunna ay si rasmi ah ugu biirayso maamulka Galmudug, kaddib khilaaf muddo dheer soo socday, waxaana la filayaa in qodobbo kale oo xasaasi ah ay is-af-garad ka gaaraan dhinacyadan.PUNTLAND POST
The post Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna oo heshiis is-af-garad ah ku gaaray dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Gujiskii quusay ee Argentine oo laga quustay

0
0

Mas'uuliyiinka dalka Argentine ayaa sheegay in ay ka quusteen 'raq iyo ruuxba' markabkii gujiska ahaa ee ku quusay badweynta, kaas oo ay saarnaayeen illaa 40 shaqaale ah.

Wararka BBC Somali ee loogu akhriska badnaa todobaadkan

0
0

Halkan akhriso qaar ka mid ah sheekooyiinkii loogu akhriska badnaa isbuucan ee aan ku daabacnay Barta BBC Somali
1. Caro ka dhalatay nin Israa'iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga
Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay Caro ka dhalatay nin Israa'iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga
2. Lix arrimood oo laga bartay muuqaalka askerigii ka baxsaday K/Waqooyi
Waxaa la baahiyay muuqaal aan caadi ahayn oo laga duubay askarigii Kuuriyada Waqooyi dhawaan uga baxsaday dhanka xadka.
Tariikhdu markay ahayd 13kii Nofembar askari ayaa gaari u eryay dhanka Koonfurta Kuuriya isagoo la rasaasaynayo.
Goobta uu ka tallaabay ayaa ka tirsan xadka uu dhererkiisu yahay 250km, goobtaas oo ah midda kali ah ee ay askarta labada dal iska arki karaan.
Waxay ku taallaa tuulada Panmunjom oo caan ku ah dalxiiseyaasha Kuuriyada Koonfureed.
Ciidammada Qaramada Midoobay ee dusha kala socda xaaladda milatari ayaa sheegay in muuqaalku uu muujiyay in si cad loogu xad gudbay xadkii la jeexay dagaalkii Kuuriya ka dib, iyadoo ciidammada Kuuriyada Waqooyi ee rasaasta furayay ay ka tallaabeen xadka.
3. Maxaa ugu wacan Sucuudiga iyo Iiraan xifaaltanka kharaar?
Sucuudiga iyo Iiraan oo ah labo dal oo daris ah, misna xoog badan ayaa si weyn ugu hardamaya midkoodii ku ku gacan sarayn lahaa gobolka Bariga Dhexe.
4. Waydiimaha jawaabaha loo waayay ee Zimbabwe
Iscasilaadii uu Robert Mugabe, xilka ka daggay ka dib ku dhawaad 40 sano oo uu Zimbabwe xukumayay ayaa ahayd mid u dhacday si lama filaan ah, dhaqso ah islamarkana uusan dhiig ku daadan.
5. Maxaa fududeeyay guusha Muuse Biixi?
Inkastoo uu guddiga doorashadu 8 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeertay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?
6. Ra'iisulwasaaraha New Zealand oo ka shalayday "ka sheekaynta Trump"
Ra'iisulwasaraaha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay ka shalayday in ay saaxiibbadeed la wadaagtay sheekada ku saabsan kulankii ay dhawaan la yeelatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
7. Seddax arrimood oo ku saabsan go'aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax
Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go'aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya.
storvideo: 

Gujiskii quusay ee Argentine oo laga quustay

0
0

Mas'uuliyiinka dalka Argentine ayaa sheegay in ay ka quusteen 'raq iyo ruuxba' markabkii gujiska ahaa ee ku quusay badweynta, kaas oo ay saarnaayeen illaa 40 shaqaale ah.
"Inkasta oo uu aad u badnaa dadaalkii baadi goobka, suurtogal waa noqon weysey in la helo halkii uu ku quusay markabka" ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidammada badda Argentine.
Markii ugu dambeysay ee shanqartiisa la maqlay markabka waxa ay ahayd 15 kii bishii November, 2017-ka.
Waxaa la sheegay in muddada la goobayay ay labo jeer ka badantahay waqtiga la rumeysanyahay in ay sii noolaan karaan shaqaalaha marka laga qiyaas qaato hawada ay ku heysteen markabka dhexdiisa.
Hadda waxa la baarayo ayaa ah haraadiga markabka, kaas oo loo maleynayo in uu yaalo gunta badda.
Hase yeeshee qaraabada dadka maqan ayaa ku doodaya in ay dowladda sii waddo hawlgalka baadi goobka, iyaga oo aad uga naxay warka ciidanka ay ku dhawaaqeen.
Dadka qaarkood ayaa ka shakisan sida ay wax u dhaceen, waxayna doonayaan in ay ogaadaan sababta markabka u quusay marka horeba, haddane loo badbaadin kari waayay.
Markabka San Juan ayaa kasoo laabanayay hawlgal roondeyn ah oo uu ku tagay koonfurta ugu shisheysa ee badda.
Taliyaha ciidanka badda Jeneraal Gabriel Galeazzi ayaa sheegay in markabka uu saaxada biyaha yimid, kadibna laga heley fariimo la xiriira in ay cilad heysato.
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo Garowe dib ugu soo laabtay

0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay kawada haleen Madaxda dalkaasi arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi, dhaqalaha, amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda cadawga tamarta yar ee kudhuumaalaysanaya dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in arrimaha ay kawadahadleen Madaxda dalka Ethiopia ay kamid ahayd fududaynta isusocodka shacabka labadadhinac, ganacsiga iyo adkaynta amaanka xuduuddaha Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dhammaan arrimaha laga wadahadlay ay guul kusoo dhammaadeen, islamar'ahaantaana uu guul u ahaa safarkoodu Dawladda Puntland iyo dalka Ethiopia."Sidoo kale waxaanu kawada hadalnay in la fududeeyo isusocodka dadka iyo ganacsiga Puntland iyo Ethiopia, waxaanu aragnay Madaxdiidalkaasi u saraysey oo uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka Etiopia iyo qaar kamid ah Wasiirada dalkaasi, waxaan is leeyahay safar-kaasi wuxuu ahaa safar Puntland guul u ah, Ethiopia-na guul u ah, wuxuu muujinayey baahida labada dhinac oo ay kamid yihiin ganacsiga iyo amniga, waxaanna is leeyahay safar-kaasi wuxuu kusoo dhammaaday guul nabadbaanna kusoolaabanay"ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
Ugudanbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay farxad iyo guul u tahay inuu kusoo laabto dalkoo nabad ah, waxaana uu shacabka reer Puntland iyo masuuliyiinta dawladdaba kubooriyey inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo kaladanbaynta.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

The post Madaxweynaha Puntland oo Garowe dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Dowladda Somalia oo war kasoo saartay Soomaalida ku...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow war kasoo saartay Soomaalida ku dhibaateysan dalka Libya. Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo arrintan ku saabsan hoos ka aqriso.Warsaxaafadeed
Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.
Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.
Mas'uuliyiinta iyo hey'adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.
Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas.
###
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dadka deegaanka Dhadhaab oo ka cabanaya hay'adaha gargaarka

0
0

Mudaaharaad ayaa ka dhacay deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo dadka deeganka ay uga soo horjeedaan hay'adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR

DEG-DEG: Spain vs Portugal, Belgium vs England –...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Isku aadka koobka Aduunka 2018 wareegiisa Group-yada ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo culus, waxaana isha lagu heyn doonaa wixii dhaca bartamaha sanadka soo aadan markaas oo la isugu imaan doono ciida qabow ee Russia.
Argentina iyo Nigeria ayaa mar kale isku arki doona wareega group-yada iyadoo la xasuusto iney isku arkeen koobabkii aduunka ee 2010 iyo 2014 waliba groupyada, dhinaca kalana ma dhicin kulamo waaweyn oo la filayay sida inuu England ku aado wadamada kale ee ugu waaweyn.
Wadanka loo saadaalinayo koobka Aduunka ee Brazil waxey galeen meel qabow marka loo fiiriyo iney ku qol tahay Switzerland, Costa Rica iyo Serbia.
Wadamada Africa waxaa fursadda ugu fiican heysta Senegal oo ku group noqday ay iska caabin karaan sida Poland, Colombia iyo Japan, dhanka kalana Egypt ayaa la oran karaa iney fursad fiican heysato madama ay ku group noqotay Russia, Uruguay iyo Saudi Arabia.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaabka ay isugu aadeen Wadamada:ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:Group A

  1. Russia
  2. Saudi Arabia
  3. Egypt
  4. Uruguay

Group B

  1. Portugal
  2. Spain
  3. Morocco
  4. Iran

Group C

  1. France
  2. Australia
  3. Peru
  4. Denmark

Group D:

  1. Argentina
  2. Iceland
  3. Croatia
  4. Nigeria

Group E:

  1. Brazil
  2. Switzerland
  3. Costa Rica
  4. Serbia

Group F:

  1. Germany
  2. Mexico
  3. Sweden
  4. Korea Republic

Group G:

  1. Belgium
  2. Panama
  3. Tunisia
  4. England

Group H:

  1. Poland
  2. Senegal
  3. Colombia.
  4. Japan.

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Sidee ayaa Mukhtaar Roobow loogu soo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka degay diyaarad gaar ah oo siday Wadaadka Mukhtaar Roobow ''Abuu Mansuur''.
Roobow ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay mas'uuliyiin dhowr ah oo uu kamid ahaa Wasiirkii hore ee Difaaca Somalia C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiil Ciidan.
Roobow iyo mas'uuliyiinta wehlineysa ayaa ka hor inta aysan gaarin magaalada Baydhaba ka amba baxeen Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana intaa kadib loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.
Mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku nagaan doono magaalada Baydhabo muddo ku eg asbuuc, iyadoo halkaa lagu dajin doono qaabka uu u dhici doono duulaanka ka dhanka ah al-Shabaabka ku dhaqan Koonfur Galbeed.
Abuu Mansuur ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo mar kale la kulmi doona Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay).
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dadka deegaanka Dhadhaab oo ka cabanaya hay'...

0
0

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mudaaharaad ayaa ka dhacay deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo dadka deeganka ay uga soo horjeedaan hay'adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR iyo hay'adaha gargaarka oo la sheegay inay sameeyeen shaqaale dhimis.
Arrintan ayaa waxay saameyn ku yeelatay howlgalladii hay'adaha gagaarka ay ka fulin jireen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo iminka ay ku nool yiihin ku dhowaad 250,000 oo qof.
Banaanbaxyadan waxaa wada dadka deeganka oo sheegay in dhimista shaqaalaha iyo qandaaraasyada ay saameyn weyn ku yeelatay noloshooda. Waxay ku eedeeyeen hay'adda qaxootiga UNHCR inay si gaar ah u bartilmaameedsatay dadka deegaanka ee la shaqeynayay. Hay'adda ayaa beenisay eedeymahaasi.
Boqolaal dadka deegaanka ah oo wata boorar ay ku qoran yihiin halkudhagyo ka dhan ah Qaramada Midoobay ayaa xiray waddooyinka iyagoo cuuryaamiyay hawlaha hay'adaha samafalka.
Arrintan ayaa saameynta ugu badan ku yeelatay qaxootiga oo aan maanta helin raashinkii la siin jiray bishiiba mar.
Assadullah Nasrullah oo ah sarkaal ka tirsan hay'adda UNHCR ayaa haseyeeshee sheegay in hoos loo dhiigay maalgelinta hawlaha hay'adda UNHCR eee Dhadhaab ka dib markii ku dhawaad kala bar dadkii halkaa ku jiray ay dalkooda dib ugu laabteen.
''Waxaan hadda helna 30% dhaqaalihii aan heli jirnay 2011, marka sidaas darteed waxaan u baahannahay inaan xirno xafiisyo, 25 ka mid ah shaqaalaheena Dadhaab oo gaaraya 224 aan shaqadaka joojino marka la gaaro March 2017'', ayuu yiri Nasrullaah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live