Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Falastiiniyiinta oo dhigaya dibad bax ka dhan ah go&...

$
0
0

Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool deegaanada la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qaza ayaa billaabay isu soo baxyo ay ku diidan yihiin in Qudus ay noqoto caasimadda Israa'iil.
Dadkan ayaa ka careysan go'aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.
Israa'iil ayaa boqollaal ciidamo dheeraad ah geysay Daanta Galbeed, ayadoo laga cabsi qabo in xiisadda ay ka sii darto.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in siddeed qof oo Falastiiniyiin ah in ay ku dhaawacmeen rabshadaha.
Go'aanka Trump oo isbedel wayn ku ah siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee tobannaanka sano soo jirtay waxaa laga bixiyay jawaabo caro leh oo caalamka oo dhan ka timi.
Dalal badan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa diiday tallaabadaasi, Golaha amniga ee Qaramada Midoobey iyo ururka jaamacadda Carabta ayaa maalmaha soo socda kulmaya si ay jawaabtooda uga bixiyaan go'aanka Trump.
Waxaa jirto cabsi laga qabo in shaacintan ay soo celiso qalalaasii xumaa ee u dhexeeyay Falastiin iyo Israa'iil. Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay kacdoon cusub.
Cambaareynta Sacuudiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sacuudiga ayaa cambaareeyay go'aanka Mareykank ugu aqoonsaday Quddus inay tahay caasimadda Israa'iil, iaydoo ay sii kordheyso cambaareynta caalamiga ah ee go'aankaasi.
War qoraal ah oo ay boqortooyada Sacduuiga soo saartay ayay ku sheegtay in go'aanka Trump uu yahay mid ' aan cudur daar lahayn''
Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.
Wuxuu sheegay Mr Trump in go'aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go'nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.
Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra'iisul wasaaraha Israa'iil iyo calanka Yuhuudda.
Siday Dunida uga jawaabtay go'aanka Trump
Israa'iil: Ra'iisalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go'aan taariikhi ah oo caadil ah.
Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ''albaabadii cadaabta'' ay furmeen.
Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ''Ma taageersanin go'aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan''.
Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas'uulnimo ah.
Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ''waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay''.
Shiinaha iyo Ruushka ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.
Ra'iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.
Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go'aanka Trump.
Xalka labada dal
Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa'iil iyo Falastiin.
In yar ka hor intii uusan go'aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.
Qaybta qaddiimiga ah ee Qudus ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa'iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go'aankiisa.
Sida uu sheegay TVga ABC, waxaa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.
Erdogan: Arrinta Qudus Muslimiinta waxay ug dhigan tahay khad cas
Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa'iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed "ilaa iyo amar dambe".
Wasiirka Sirdoonka Israa'iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in "ay isu diyaarinayaa wax kasta" sida in ay rabshado dillaacaan.
Maxaa muhiim ka dhigaya go'aanka Trump?
Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa'iil. Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin seddaxda diimood ee dunida ugu badan, Islaamka, diinta Yuhuudda iyo Masiixiyadda.
in Qudus ay leedahay Israa'iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.
Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa'iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa'iil ay maamusho.
Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa'iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 


Rag ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galobeed Soomaaliya, sida uu uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Maxamed Nuur Shikshigow.
Waxaana uu sheegay in Raggaasi oo horay uga tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmadaasi Diinsoor.
“Waxaa is soo dhiibay dagaalyahanno kat irsan Al Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiye Shikshigow.
Isa soo dhiibitaanka Raggan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Dowladda ay Muddooyinkii dambe howlgallo ballaaran ka wadeen deegaano ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
The post Rag ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle.

Rag ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay...

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galobeed Soomaaliya, sida uu uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Maxamed Nuur Shikshigow.
Waxaana uu sheegay in Raggaasi oo horay uga tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmadaasi Diinsoor.
"Waxaa is soo dhiibay dagaalyahanno kat irsan Al Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya," Ayuu yiri guddoomiye Shikshigow.
Isa soo dhiibitaanka Raggan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Dowladda ay Muddooyinkii dambe howlgallo ballaaran ka wadeen deegaano ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland...

$
0
0

Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin sarsare oo ka socda midowga reer Yurub, Turkiga iyo Qamada Midoobay.Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana dibloomaasiyiinta kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin madaxa xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr.Jeffrey Sims , Alberto Fiat oo ah wakiilka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr.Ali Noyan Coskun, ayey diblomaasiyiintani ku guddoonsiiyeen hambalyo rasmi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin, waxana ay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisaba.Diblomaasiyiintani waxa ay bogaadiyeen doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, waxana ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland usoo hoysay guul horleh, kuna tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xagga Dimuqraadiyadda loo qaaday.Sidoo kale waxa ay diblomaasiyiintan oo uu madaxweynuhu si gooni gooni ah ula kulmay si isku mid ah u sheegeen inay si hagar la'aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan in lasii wanaajiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaanba dalalka kala duwan ee caalamka iyo qaramada midoobayba.Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu ka mahadceliyey booqashada ay diblomaasiyiintani ku yimaadeen Somaliland iyo kulanka ay isaga la qaateenba, waxana uu sheegay inay ka go'an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka dimlomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Masar

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.
Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona Madaxweyneyaasha Wadamada Guinea, Comoros, Ivory coast, Rwanda, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.
The post Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Masar appeared first on Shabelle.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.
Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.
storvideo: 

Sawiro iyo Muuqaal: Rabshado u dhaxeeyo Israa’iil...

$
0
0

Kadib go'aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa inuu Mareykanka Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa'iil ayaa waxaa Magaalada Beytul Laxam ee dalka Falstiin ka bilowday rabshado u dhaxeeyo Falstiiniyiinta iyo Ciidamada israa'iil ee xoogga ku heysto dhulalka Falastiin.
Dadweyne careysan oo u dhashay Falastin ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee Magaalada Beytul Laxam waxaana la arkayey iyagoo dhagxaan ku tuurayo Ciidamada Yahuuda halka Ciidamada Israa'iil ay adeegsanayaan rasaas nool nool, kuwa dhemishka ah iyo Biyo Kuleyl ah.
Dadweynaha isku soo baxay ayaa gubay Sawirada Madaxweyne Trump si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin go'aanka aan laga fiirsan ee uu qaatay Madaxweyne Mareykanka.
Sidoo kale waxaa la arkayey dadweynahaas oo jidadka ku gubayo taayaro, waxayna xaaladda u muuqataa inay tahay mid aad u qasan.
Waxaa la filayaa in Maalinta Berri Salaad Khudbo kadib ay isku soo baxaan Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah iyagoo muujin doono dareenka xun oo ay ka qabaan aqoonsiga Qudus loo aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa'iil.
Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaal ku saabsan Rabshada iyo Sawiro:

storvideo: 

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo...

$
0
0

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey Shirkii ugu dambeeyey madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamku ay Muqdisho ku yeesheen 4/5 bishaan dec,waxaana Goluhu madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga, xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Amniga ee QM ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaalka ay wadaan bah-wadaagta Caalamka ee Soomaaliya lagu nabadeynayo iyo doorka Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku aaddan xasilinta dalka,iyo dagaalka Al-shabaab ay uga sifaynayaan degaannada ay ku harsanyihiin,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Amniga ee QM.
Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay in la fuliyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyey shirka oo ay ku jiraan dhammaystirka Dastuurka,diyaarinta doorasho hal qof hal cod ah sannadka 2020/2021, iyo in si buuxda loo fuliyo qodobadii heshiiskii hore ee 5 Nov ee sannadkaan ay gaareen madaxda Soomaalida.
Xubnaha Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa ku celiyey in mudnaanta la siiyo istiraatiijiyadda qaranka iyo qorshaha ka hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya,waxayna soo dhoweeyeen aqoonsigii madaxda soomaalida ee kaalinta dhalinyarada,haweenka iyo ururada maxalliga ah ee ku aaddan dadaalka nabadda Soomaaliya.
Golaha Amniga ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha banii'aadantinimo ee Soomaaliya sannadka 2018,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in kordhiyo dhismaha adkeysiga Soomaaliya u yeelanayso abaaraha soo noqnoqda.
Cabdiraxmaan Ciise CumarPUNTLAND POST
The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saaray Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


TOOS U DAAWO:-Tartanka Kubadda cagta Dowlad...

$
0
0

Garoonka kubadda cagta Banadir Stadium Ex Conis degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaa si rasmi ah uga bilowday munaasabadda furitaanka Tartanka Kubadda cagta Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobalka Banaadir sanadda 2017 taasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda sare ee Dalka qaarkood. HOOS KA DAAWO TOOS:-
storvideo: 

Erdogan iyo madaxweynaha Giriigga oo is maandhaafay

$
0
0

Booqashadii u horraysay ee madaxweyne Turki ah uu ku tago Giriigga muddo 65 sano ah ayaa u billaabatay si kulul.

Ali aden lord aabihii xoriyada kenya iyo somalida...

$
0
0

ali aden lord aabihii xoriyada kenya iyo somalida kenya
abdirahman bigays
ali aden lord, wuxuu ahaa nin sommaliya oo ku dhashay nairobi 1915 kuna soo barbaarey kaas oo ahaa wiil ay dhaleen reer caankaa ahaa ee addan lord kuwaas oo kasoo haajiray laasqoray 1850 yadii. waxay lahaayeen qoyskiisu dhulka ugu badan ee xaafada somalidu degto ee islii ilaa ay dowladu ka iibsatay dhul caan ah oo hada ah dhulka ciidamada cirka e islii gadaal kaga dhegsan.
ali aden lord wuxuu ku biiray jabhadii sabata u ahayd inay kenya xorowdo oo la dhihi jiray (mau mau) waxay iskula jiraan jabhadaas madaxweynihii ugu horeeyey ee kenya jommo kenyatta oo ah uhuraha hada jooga aabihii, halkaas oo uu kadib kanoqday hogaamiyayaashooda kuwa ugu horeeya ee haga jabhada, waxay saaxiibada aad isugu dhow ahaayeen jomo kenyatta xiligii halganka kenya loo dagaalameyey.
kadib markii halgankii guulaystay wuxuu noqday xildhibaankii ugu horeeyey oo soomali oo ay kenya yeelato, waxyar kadib wuxuu noqday wasiirkii arimaha gudaha ee kenya ahna wasiirkii ugu horeeyey oo ay soomali kenya ka noqoto.
kadib markii uu soomaalidii kenya u qabtay waxyaalo aad ubadan kana dulqaadey culayso badan oo haystay ka wasiir arimo gudo ahaan, mr ali aden lord wuxuu ku jiray wafti uu hogaaminayey madaxweyne jomo kenyata oo muqdisho tagey xiligaas oo uu madaxweyne ahaa abdirashiid ali shar,marke, sifo isfahan looga gaadho soomaalidii kenya markaas oo dooneysay inay somalia ku biirto, kadib madaxweyne shar,maarke wuxuu ugu magac daray mude ali aden lord wado kutaala muqdisho oo uu ku sharfay.
intaas kadib wuxuu asaasay xisbigii ugu horeeyey ee ay soomali yeelato oo siyaasi ah, xisbigaas oo caan ahaa waxaa la odhan jiray North Eastern People Progressive Party (NPPP).
wakhtiyadiisii uu siyaasada ku jiray oo uu hogaaminayey xisbigaas wuxuu aad ugu doodi jiray inuu kasaaro isir sooca iyo habsaanka dhanka deegaamadooda,
ali aden lord waxaa si aad ah loogu jeclaaa warqado iyo dacwado kala duwan oo uu ka gudbiyey badhasaabyadii gumeysayaasha ee igriiska ahaa taas oo hadaf xornimo oo buuxa uu dooni jiray marka soomalida laga yimaado.
wuxuu diyaariyey qorshe maaliyadeed oo dhamystiran taas oo uu udiyaariyey deeqo waxbarasho iyo adeeg waxbarasho oo ay soomaalidu hesho barigaas.
1961 wuxuu la kulmay wasiirkii gumaysiga ee boqortooyada ingiriiska oo uu kula kulmay nairobi, waxana kawada hadlayeen xisbigiisaas oo uu ku jiray asaasideeda kadib markay xornimo qaataan qorsha xisbigaas uu kadamacsanyahay.kadib waxaa loo ogalaaday shir ka dhacyey lancaster house london oo looga hadleyey arimaha dastuurka kenya maadaama barigaas loo diyaarinayey inay kenya xornimo qaadato, ali wuxuu ka soo dhalaaley inuu wixii xaq ah oo soomalidu ku lahyd dastuurkaas oo damaanad qadaya diintooda iyo xaqooda siyaasiga inay mujiiyan uu ku guuleystay.
isagoo ku doodey hadaanu ingiriisku siin go,aan qaadashadooda soomalidii kenya ka hor intaanu xornimada kenya siin inay dareemi doonaan dayaacaad taas oo keeni karta khatar kala sooc.
kadib ingiriisku wuxuu ogalaaday inay soomaalidii nfd ay siiyaan go,aankooda inay iyagu gaadhaan soona gali karaan siyaasada si buuxda, ali wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey in soomaalidii kenya afti laga qaado oo ay ku dooranayaan inay ku raacaan meeshay rabaan taas oo uu wada xaajood badan ugalay ilaa ingiriiska lancaster house utagey, kadib waxaa loo ogalaaday wax kasta oo u dalbay soomalidii kenya, halkaas oo uu xisbigiisii loogu ogalaaaday barlamaankana ku soo galay kadibna u noqday wasiirkii arimaha gudaha.
kasakow inuu ahaa qof waxbartay xiligaas kuna noola inta badan noloshiisa meel deegaankiisa somida kabaxsan mise qorshihiisa uu xisbigaas u sameeyey waxa ugu weynaa waxay ahyd soomali weyn iyo isu soo jiidka soomaalida.
sidoo kale iyadoo soomaalidu arkaysay nin waxbartay ku soo dhex koray deegaan aan kooda ahyn, muusan rabin in loo arko mid gumaysiga u shaqaynaya ama la nashqadeynayay habkii gumaysigu wadanka uu u dhigi lahaa, isagoo taas ka duulayaa wuxuu aad ukala sooci jiray bulshadii kenyaatiga ahaa iyo tii soomaalida ahaa oo midba xaquuqdooda gooni ugu dooni jiray sifo uu saska uga saaro dadkiisii xooloraacatada ahaa.
taasi waxay dhashay inuu dacwado badan u qoro badhasaabkii ingiriiska kenya u qaalbilsanaa taas oo uu uga dalbanayo awoodo dheeraad oo ismaamul in lasiiyo soomalida oo kabadan tii uu uga soo saxeexay london. taasi waxay dhashay in soomaalidii loo ogalaado inay xornimo lasiiyo ay ku dooran karaan meeshay rabaan inay ku biiran ama soomaliya oo markaas xor ahyd amam kenya lasii joogaan, taas oo ay dadkii soomaaliyeed ugu codeeyeen inay ku biiraan soomaaliyadii xorta ahyd.
kadib xornimadii kenya waxaa suurta gal noqon wayday inay soomalidii kenya ay ku biiraan tii soomaaliya taas oo uu qorshaheeda soowaday wakhti badan mude ali aden lord oo ay sabaha ugu wacnayd dowladii barigaas katalineysay soomali ee raysalwaseere cigaal raysalwasaaraha ka ahaa iyo cadaadis badan oo cali kaligiis qabsaday isagoo isla markaasna aha wasiirkii arimaha gudaha kenya.
kadib wuxuu cali xisbigii soomaalida ee nppp ku darsaday labo xisbi oo kale oo la odhan jiray (kadu) and (kanu) taas oo ayku midoobeen siyaasad dheer oo ay kenya ku xukumaan, mid kamida xisbiyadaas wuxuu soo gaadhay ilaa 2002 kaas oo ah xisbiga kanu oo uu hoogaamin jiray madaxweynihii 20 sano kasoo talinayey kenya oo danial arab moi.
ali aden lord wuxuu ahaa qoorweyntii siyaasiyiinta ee abid soomara kenya kii ugu waynaa.
sawirkani waa mar uu booqday africankii midab kala sooca lagu samyn jiray us.
qoraalka iyo sawirka waxaan kasoo qaatay kenya archive meelo kalena way ku jiraan
storvideo: 

Erdogan iyo madaxweynaha Giriigga oo is maandhaafay

$
0
0

Booqashadii u horraysay ee madaxweyne Turki ah uu ku tago Giriigga muddo 65 sano ah ayaa u billaabatay si kulul ka dib markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisii martigalinayay ay is waydaardeen erayo aan lala kala gabanin.
Erdogan ayaa sheegay in uusan caddaalad u dhicin heshiiskii 1923 lagu jeexay xadka Turkiga markii uu dhammaaday dagaalkii koobaad ee adduunka.
Laakiin madaxweynaha Giriigga Prokopis Pavlopoulos ayaa diiday in wax isbadal ah lagu sameeyo heshiiskii Lausanne.
Calaaqaadka labadan dal ee xubnaha ka wada ah Nato ayaa ahaa mid aan sahlanayn muddo tobannaan sano ah.
Maxaa xasaasiyadda keenaya?
Waxyaabo badan ayaa jira. Muranka jasiiradaha aan la daganayn ee dhaca badda Aegean arrintaas ayaana labada dal qarka u saartay in ay dagaalamaan sannadkii 1996-dii.
Waxaa kale oo ay heshiis nabadeed ka gaadhi waayeen Qubrusta kala qaybsan, waqooyiga Qubrus ayayna qabsadeen Turkigu 1974tii ka dib markii ay halkaas ka dhacday afgambi milatari oo uu Giriiggu taageerayay.
Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in aan la ixtiraamin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Giriigga ah balse asalkoodu Turkida yahay ee degan waqooyi bari ee Giriigga.
Erdogan oo ku sugan Athens ayaa sheegay in aan Muslimiinta loo ogolayn in ay doortaan Muftigooda uuna Giriiggu u magacaabo qofka xeeldheere diimeed u noqonaya.
Dawladda Turkiga ayaan sidoo kale ku faraxsanayn go'aanka ay maxkamadda ugu sarraysa dalka Giriiggu ku diiday in la masaafuriyo siddeed ruux oo ka tirsanaa milatariga Turkiga oo baxsaday ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku luglahaayeen afgambigii dhicisoobay ee sannadkii hore.
Erdogan ayaa sheegay in uu ku baaqayo in askartaas loo soo gacan galiyo.
Dhanka kalana Giriigga ayaa ka cabanaya in Turkigu uu si joogto ah ugu xad gudbo hawadooda iyo baddooda.
Laakiin xiisadda ka dhex taagan dariskan ayaa soo billaabatay 1830yadii, markaas oo Giriiggu ka xoroobay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Siday u socotaa booqashadani?
Hadallada ay is waydaarsadeen labada masuul ayaa dhacay maalintii u horraysay ee booqashada labada maalmood ah ee madaxweynaha Turkigu uu ku joogo Giriigga ka dib markii ay si wada jir ah u qabteen shir jaraa'id.
Erdogan ayaa sheegay in sida loola dhaqmayo Muslimiinta Giriigga ay muujinayso in Athens ay ku guuldaraysanayso in ay raacdo heshiiskii horay loo galay.
"Taakulayntii aasaasiga ahayd ee ay u baahnaayeen lama siinin marka ay timaaddo maalgashiga waxaana jira faquuq," ayuu yiri Erdogan, isagoo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo qoddobo ka mid ah heshiiska.
Madaxweynaha Giriigga Pavlopoulos oo ka mid ah khuburada ugu cadcad ee dhanka sharciga ee dalkiisa oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay "in heshiiskan uusan iyaga u ahayn mid laga wada xaajoon karo, uusan lahaynna wax ka dhiman, sidaas daraadeeddna uusan u baahnayn in dib loo eego ama wax lagu daro, sidaasna uu ku jirayo heshiiskaasi.
Intaas ka dibna ra'iisulwasaare Alexis Tsipras ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in ay billaabaan "tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida labada dal". Wuxuuna sheegay in ay muhiim u tahay in labadooduba ay si degan uga hadlaan aragtiyada kala duwan ee ay qabaan.
Isagoo uu weheliyo Erdogan ayuu intaas ku daray: "Waxaan u baahannahay in aan qaab wax hagaajinaya u soo bandhigno fikirkii aan qabno iyo wixii aan isku haynaba, iyadoo aan laga badbadinaynin ama aysan hanjabaad ku jirin lana ixtiraamayo aragtida middaas ka duwan ee dhinaca kale qabo.
Booqashadan ayuu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid "taariikhi ah" waxayna dhacaysaa iyadoo hawlgallo ammaan oo baaxad leh ay socdaan.
Labada dawladoodba waxay rajaynayaan in booqashadan ay bog cusub u furi doonto xiriir labo geesood ah oo ay yeeshaan, waxayna si wada jir ah u sixiixeen kaabeyaal dhaqaale oo ay si wada jir ah u fulinayaan, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC-da Mark Lowen oo ku sugan magaalada Athens.
storvideo: 

Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.

Daawo Sawirro+Rabshado xoog leh oo ka socda Qudus...

$
0
0

Kumanaan shacabka muslimiinta reer Falastiin ayaa bilaabay bannaan baxyo looga soo horjeedo go'aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Qudus waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ku qeylinayo ereyo ka dhan ah siyaasadda Mareykanka,sidoo kale dadkani waxaa ay dabqabadsiiyeen sawirka [...]
storvideo: 

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda fog ee magaalada...

$
0
0

Qudus(SONNA)Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda.
Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray.
Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.
Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed.
Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.
Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano.
Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.
Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa.
Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed
Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.
Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa'ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii.
Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada.
Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii.
Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah.
Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa'ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.
Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya.
Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda.
Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto. Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa.
Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah.Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.W/Q:Eng. Xuseen Sabriye.
storvideo: 


Mareykanka oo digniin culus u diray Raila Odinga oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Maraykanka ayaa digniin culus kasoo saartay in hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonin in la carqaladeeyo amniga Kenya, bacdamaa Madaxweynaha Kenya uu ku guuleystay cod aqlabiyad ah.
Dowladu waxa ay Raila Odinga ugu baaqday inuu baajiyo munaasabadda lagu dhaarinayo maalinta talaadada ee ku beegan 12-ka bishaan December.
Donald Yamamoto oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska ee Arrimaha Afrika ayaa ka digay in tallaabadaasi kaliya ay sii kordhin doonto xasilooni darrada Kenya.
Waxa uu Mr Donald Yamamoto hadalkan soo jeediyay mar uu kulan la yeeshay hogaamiyayaasha mucaaradka ee isbahaysiga Nasa.
Docda kale, Mr Donald Yamamoto ayaa xooga saaray in xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu keeno miiska wada xaajoodka si ay ula heshiiyaan mucaaradka oo looga baxo xaalada cakiran.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Nin qoyskiisa sumeeyay markii uu ku biiray dariiqo

$
0
0

Booliiska Talyaaniga ayaa xiray nin lagu eedeeyay in uu sunta jiirka siiyay xubno ka mid ah qoyskiisa sababtana uu ku sheegay in ay yihiin dad "aan daahir ahayn".

Nin qoyskiisa sumeeyay markii uu ku biiray dariiqo

$
0
0

Booliiska Talyaaniga ayaa xiray nin lagu eedeeyay in uu sunta jiirka siiyay xubno ka mid ah qoyskiisa sababtana uu ku sheegay in ay yihiin dad "aan daahir ahayn".
Mattia Del Zotto oo 27 jir ah ayaa lagu eedeeyay uu suntan ugu qariyay cuntada waalidkii dhalay hooyadii iyo aabihii iyo eedadii, kuwaas oo suntaas u dhintay.
Shan ruux oo kale oo xubnaha qoyskiisa ah ayaa lagu dabiibayaa isbitaal.
Del Zotto ayaa lagu xiray Monza oo u dhaw Milan, ka dib markii la sheegay in booliisku ay koombiyuutarkiisa ka heleen rasiiddadii uu ku gatay sunta.
Markii la xiray ka dibna wuxuu sheegay in uu doonayay "in uu ciqaabo dadka dambiileyaasha ah", sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen.
Hooyadii ayaa baareyaasha u sheegtay in uu dhawaan ku biiray dariiqo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Sunta jiirka ee Thallium ayaa ah mid khafiif ah oo biyaha ku milanta wax dhadhan ahna malaha.
storvideo: 

Muqdisho oo goordhow marti galineysa banaanbaxyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo ka dhan ah Go'aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump - Israel uga dhigay magaalada barakeysan ee Qudus.
Banaanbaxan oo ay abaabuleen mas'uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa dhici doona maanta oo Jimco ah, waxaana ka qeybqaadan doona Mas'uuliyiin, Culimo iyo Kumanaan dadweyne ah.
Banaanbax ayaa waxaa looga soo horjeeda go'aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel taa oo gilgishay quluubta dadka Muslimka ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo magaalada Qudus, taas oo ka careysiisay dunida Muslimka.
Magaalooyin ka tirsan Falastiin ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo looga soo horjeedo go'aankaas oo ay dhigayaan shacabka reer Falastiin, waxaana barbar socda goobo farabadan oo ay gubayaan dadka careysan.
Dowlada Somalia ayaa saacado ka hor soo saartay Bayaan ay ku muujineyso sida ay kaga xun tahay tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay cadeeyan mowqifkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Qudus: “Dharbaaxada qarniga” iyo Jawaabta Bariga dhexe

$
0
0

Cinwaannada wargeysyada Carabta iyo Turkiga waxaa laga dhigay dhalleeceyn iyo xanaaq looga jawaabayo go'aanka Trump uu Qudus uga dhigay caasimadda Israa'iil.
Wargeysyada ka soo baxa Israa'iil oo sidaa si ka duwan uga warramay waxay ammaaneen go'aanka madaxweynaha Mareykanka.
'Halyey iyo taariikhi'
"Waad ku mahadsan tahay madaxweyne go'aankan geesinimada ah ee taariikhiga ah. Waad ku mahadsan tahay in aad muujisay dareenkaaga ku wajahan shaacintan muhiimka ah iyo arrintan", ayaa lagu qoray wargeys ka soo baxa Israa'iil oo lagu magacaabo Yisrael Hayom.
Mid kale oo lagu magacaabo Maariv, wuxuu qoray, Trump "wuxuu ka gudbay xadkii cabsida".
"Waa xilliga Qudus loo aqoonsan lahayn in ay tahay caasimadda Israa'iil", ayuu yiri wargeyska Yedioth Ahronoth
"Trump wuu saxan yahay. In caalamka uu 70 sanno diidanaa in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa'iil wuxuu ahaa khalad nacasnimo ah," ayuu yiri wargeyska Yedioth Ahronoth.
"Waa dafiicnimo in la dhoho 'go'aanka Trump wuxuu dhibaateynayaa geedi socodka nabadda', sababtoo ah maba jiro geedi socod nabadeed," ayuu ku sii daray qormada.
'Dharbaaxada qarniga'
Aragtida dhulka Falastiin ayaa midda Israa'iil si wayn uga duwan. Cinwaan lagu qoray wargeys ay leedahay dowladda Falastiiniyiinta, Al-Xayat Al-Jadidah ayaa go'aanka Trump ku tilmaamay "dharbaaxada qarniga".
AL-HAYAT AL-JADIDAHImage captionWargeyska Al-Xayat Al-Jadidah
Warbixin uu qoray wargeyskaa ayaa ka digay "in albaabada cadaabta loo furo gobolka", isagoo soo xiganayay warbixin ka soo baxday ururka Xamaas.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay cadaadis iyo tallaabooyiin wax ku ool ah in la qaado.
"Maxaynaan u billaabayn kacdoon lagu soo celinayo wadahadallada hakadka kujiray in muddo ah?" ayuu qoray wargeyska Al-Ayam oo Fatax taageera. "Way fiicnaan lahayd in aan eegno guusheena siyaasadeed, ma ahan kacdoon seddaxaad."
Wargeyska Al-Risalah oo Xamaas taageera ayaa dhankiisa qoray: "Waa in aan diidno cadaadiska Israa'iil iyo Mareykanka, waana in aan eegno xoojinta sidii Falastiin u noqon lahayd dal la aqoonsan yahay illaa aan ku guuleysaneyno midnimo qaran. Arrinta ugu yar ee aan sameyn karno waa in aan xoogga saarnaa sidii aan u mideyn lahayn awoodeena ugana gudbi lahayn khilaafka, si aan u difaacno Qudus una diidno go'aanka Mareykanka."
'Ubaxa magaalooyiinka dhexdooda'
"Waan kuu duceeyay, magaalada ducada" ayey ku jawaabtay Al-Jazeera oo baahisay hees ay qaaday fannaanad caan ah
Telefishinada waawayn ee carabta ayaa barnaamijyo gaar ah ka sameynaya go'aanka Trump, waxay sii deynayaan jawaabta caalamiga ah ee laga bixinayo, waxay sidoo kale muujinayaan sida Qudus u tahay xarunta dhaqanka Carabta.
TV-yo uu Al-Jazeera ka mid yahay waxay baahiyeen hees ay qaaday fannaanad caan ah oo u dhalatay Lubnaan. Heesta oo lagu magacaabo "Ubaxa magaalooyiinka dhexdooda" ayey Fayruus uga hadleysaa qabsashada Qudus iyo rajada Falastiiniyiinta ay ka qabaan in maalin un ay soo celin doonaan.
Lahaanshaha sawirkaAL-ARABIYAImage captionTV-ga Al Carabiya ayaa muujiyay sawirka keedka ciidda masiixiyadda oo ka dhex taagan Ramallah.
Warka ugu sareeyay ee TV-ga uu Sacuudiga maalgeliyo ee Al-Carabiya wuxuu ku soo qaaday sida boqortooyada "uga xun tahay" go'aanka Trump, waxayna maamulka Trump ku booriyeen in dib u qiimeyn uu ku sameeyo arrinta.
Waxay soo qaateen dibadbaxyada Falastiiniyiinta, sidoo kale waxay soo bandhigeen in layrarka ciidda masiixiyadda laga demiyay magaalada Ramallah, ayadoo looga jawaabayo go'aanka Trump.
TV-ga Al-Dustur ee Masar ayaa ku dhawaaqay "Geerida Carabta"
Wargeyska Al-Dustur ee Masar ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqidda "Geerida Carabta"
Dalka Masar, Wargeyska Al-Dustur wuxuu boggiisa hore ku qoray: "waa ku dhawaaqidda geeriga carabta". Mid kale wuxuu yiri "Trump wuxuu bixiyay wax uusan lahayn oo uu siiyay kuwo aan u qalmin".
Wargeyska Posta ee Turkiga wuxuu Trump ku tilmaamay "in uu waashay".
Warbixinno lagu qoray wargeysyada Turkiga qaar ka mid ah waxay Trump ku sheegeen "in uu waashay, uuna bansiin ku shubayo dabka holcaya".
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live