Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Shabeelaha Hoose oo beeniyay In Isbaaro ay taalo inta u dhaxeysa  Muqdisho iyo Afgooye

0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Gobolka ShabeelaHaCali Nuur Maxamed ayaa ka hadlay Cabashada ka soo yeereysa Gaadiidleyda isticmaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Waxaana uu tilmaamay in goobo cayiman oo la yaqaano Gaadiidka looga qaado Lcaga Canshuuro ah, isl markana si Nidaam ah lagu qaado sida uu hadalka u dhigay.
Cali Nuur Maxamed Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee  Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka loo qaado, isaga oo meesha ka saaray in Isbaaro ay taalo inta u dhaxeysa Muqdisho iyoAfgooye.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka..

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Onkod.mp3
The post Maamulka Shabeelaha Hoose oo beeniyay In Isbaaro ay taalo inta u dhaxeysa  Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Shabelle.


Dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu ka dhaco...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wararka naga soo gaaraya isgooska Tarabuunka ee degmada hodan ee gobalka banaadir, ayaa sheegaya in Saaka halkaa uu ka socdo dhaqdhaqaaq hor leh oo ay wadaan ciidamada NISA iyo kuwa Militeriga oo shalay halkaa ku dagaalamay.
Ciidamadan oo kawada tirsan dowlada ayaa la kala qaaday waxaana saaka mar kale halkaa kusoo rogaal celiyay ciidamada Militeriga oo iyagu ka careysan askar laga qabtay.
Ciidamada Militeriga oo tirro ahaan shalay yaraa ayaa saaka helay gurmad hor leh waxaana laga cabsi qabaa in mar kale halkaa uu ka dhaco dagaal.
Ciidamada Militeriga ee saaka ku sugan isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan, ayaa eeryadaas ka mamnuucay ciidamada Xasilinta ee NISA, kuwaa oo fariisimo ku leh Tarabuunka.
Gaadiid ka tirsan ciidamada Militeriga oo ay la socdaan ciidamo u muuqaal ek kuwo aan u diiwaan gishneyn Militeriga ayaa sidoo kale gaafmeer kawada Isgooyska Tarabuunka, kuwaa oo kor ka ilaalinaaya ciidamada lasoo dhigay Tarabuunka ee dhaqdhaqaaqa wada.
Goobjooge ku sugan Isgooska Tarabuunka ayaa sheegay in Saaka ay mar kale ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo, maadaama ay dareemayaan dhaqdhaqaaq ka duwan kii shalay dagaalka dhaliyay.
Waxa ay Goobjoogayaasha sheegen in Saaka ay indhaha ku kala furteen ciidamo farabadan oo ka tirsan Militeriga kuwaa oo tuban Isgooyska Tarabuunka.
Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ayaa u muuqanaaya kuwo iyaga un iska adag, xili aysan u babac dhigi Karin kuwa cadowga ah marba haddii uu xaalku sidaa yahay.
Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Hay'adaha amaanka ee aan qudhooda laheyn Taliyayaasha iyo Maamulka Degmada Hodan ee gobalka Banaadir.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maamulka Hargeeysa iyo Aftida Dastuurka

0
0

11th December 2017 admin Category :
Dastuurka dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inaan afti loo qaadi doonin inta maamulka Hargeeysa lagu soo darayo maamul goboleedyada federaalka ee ka jira dalka Soomaaliya. Siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa ayaa sheegay ineey ka go'een dalka Soomaaliya, balse ma jiro cid aqoonsatay ama diyaar u ah ineey aqoonsato.
[embedded content]
Allsanaag.com
storvideo: 

Sawirro:-Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Dhaqanka & Dalxiiska oo ka dhacaya Dalka Cumaan

0
0

Masqad ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa waxaa ku wehliya booqashadan Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.
Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo. Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada (Travel Agency), ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.
Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo goob Istraatejiyad ah ayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, leedahayna labo webi, iyadoo kheyraad badan uu ka buuxo dalka, laakin loo baahanyahay maalgashi caalami ah si dalka uu horumar ballaaran u gaaro. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya waxey leedahay goobo dalxiiska ku habboon oo deegaan walba laga heli karo goob aad u qurxoon, iyadoo jawiga iyo neecowda Soomaaliya tahay mid aad ugu habboon dalxiiska. Wasiirka ayaa ka codsaday UNWTO iyo UNESCO inay Somalia ka saacidaan dejinta Istraatejiyada Dalxiiska iyo qorsheyaasha si dhaqso leh loogu soo celin karo dalxiiska Soomaaliya.”
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/f458ac2d-5e32-4b19-b... 561w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/aa-300x225.jpeg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/aa-80x60.jpeg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/aa-265x198.jpeg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/aa-696x521.jpeg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/aa-561x420.jpeg 561w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />
The post Sawirro:-Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Dhaqanka & Dalxiiska oo ka dhacaya Dalka Cumaan appeared first on Shabelle.

Maamulka Shabeelaha Hoose oo beeniyay In Isbaaro ay...

0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Gobolka ShabeelaHaCali Nuur Maxamed ayaa ka hadlay Cabashada ka soo yeereysa Gaadiidleyda isticmaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Waxaana uu tilmaamay in goobo cayiman oo la yaqaano Gaadiidka looga qaado Lcaga Canshuuro ah, isl markana si Nidaam ah lagu qaado sida uu hadalka u dhigay.
Cali Nuur Maxamed Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka loo qaado, isaga oo meesha ka saaray in Isbaaro ay taalo inta u dhaxeysa Muqdisho iyoAfgooye.Halkaan hoose ka dhageyso Codka..
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Onkod.mp3
storvideo: 

Sawirro:-Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka...

0
0

Masqad ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay'ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas'uuliyiin kale.
Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay'ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa waxaa ku wehliya booqashadan Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska. Mas'uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas'uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay'ada Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay'ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas'uuliyiinta Hay'adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.
Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo. Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada (Travel Agency), ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.
Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo goob Istraatejiyad ah ayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, leedahayna labo webi, iyadoo kheyraad badan uu ka buuxo dalka, laakin loo baahanyahay maalgashi caalami ah si dalka uu horumar ballaaran u gaaro. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa yiri "Soomaaliya waxey leedahay goobo dalxiiska ku habboon oo deegaan walba laga heli karo goob aad u qurxoon, iyadoo jawiga iyo neecowda Soomaaliya tahay mid aad ugu habboon dalxiiska. Wasiirka ayaa ka codsaday UNWTO iyo UNESCO inay Somalia ka saacidaan dejinta Istraatejiyada Dalxiiska iyo qorsheyaasha si dhaqso leh loogu soo celin karo dalxiiska Soomaaliya."
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Duqeymo lixaad leh oo ka dhacay Gobolka Shabellaha...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay ka dhaceen duqemo diyaaradeed oo khasaaro kala duwan geystay.
Duqeymaha oo xooganaa ayaa waxa ay ka dhaceen Degmada Qoryooleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.
Cali Maxamed Aadan ''Cali Waaq'' oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryoley ee Gobalka Shabeelada Hoose, ayaa xaqiijiyay duqeyntaas ka dhacday Degmada Qoryoley.
Waxa uu sheegay in duqeynta xoogeeda ay ku soctay Saldhigyo qarsoodi ah oo ay lahaayen Alshabaab waxa uuna cadeeyay in maleeshiyada intooda badan laga saaray Degmada.
'Cali Waaq, wuxuu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan 45-KM ujirta degmada Qoryooley, taasi oo uu sheegay ilaa hadda inaanan laga heyn warbixin buuxda, balse ay jiraan khasaarooyin kala duwan.
Macluumaad aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay helayaan ayuu sheegay inay muujineyso in khasaaraha uu kor u dhaafayo 15 oo ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac oo Horjoogayaal iyo maleeshiyaadba leh.
Wuxuu sheegay in hada ay wadaan baaritaanada la xiriira Duqeyntaaasi iyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen khasaaraha rasmiga ah ee khashay Duqeynta.
Dhinaca kale, duqeyntaan ayaa daba socta duqeymo dhowr ah oo maalmahan ka dhacaayay qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Fiqi oo banaanka soo dhigay Sir badan ‘’Waxaan...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka hortagtay Musuq-Maasuqii ka dhextaagna xarumaha dowlada.
Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Musuq-maasuq uu hadda bilow ka yahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Hantida Qaranka lagu kala iibsanaayo suuqyada magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in goobaha wax lagu kala iibsado xiliyada qaar aad ku arkeysid Hanti Qaran, waxa uuna cod dheer ku sheegay musuqa ceynkaa ah ay mas'uul ka yihiin mas'uuliyiin ka tirsan dowlada.
Hantida Qaranka ee lagu kala iibsanaayo Suuqyada ayuu sheegay inay u hayaan cadeymo rasmi ah, wuxuuna ku baaqay in la xafido Hantida shacabka.
Madaxda ugu sareysa dalka ayuu dusha ka saaray mas'uuliyada musuqa maadaama aysan u diyaarsaneyn inay ka hortagaan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Fiqi waxa uu cadeeyay inay jiraan mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada oo guryo waaweyn ka dhistay Hantida Qaranka, halka xarumihii Wasaaradaha ay yihiin kuwo burbursan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaa raaciyay in Musuq-maasuqa ka jira dalka uu saameeyay xitaa madaxda ugu sareysa dalka iyo dhamaan shaqsiyaadka ku magacaaban Xafiisyada dowladda.
Haddalka Fiqi ayaa kusoo beegmaaya maalin un ka hor goortii uu Ra'isul wasaare Kheyre shaaciyay in Xukuumadiisa ay ciribtirtay waxa loogu yeero musuqa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Anigu Qabiileeyste ma ihi

0
0

11th December 2017 admin Category :
Shiikh Baaruud ayaa ka jawaabay eedeen ay u soo jeediyeen qolyo canaasiir ah oo ka tirsan baarlamaanka oo sheegay in shiikha uu qabayaalad waddo iyo kuwo leh shiikha ha loo dhiibo Itoobiya iyo wax la mid ah.
Shiikha waxa uu ka hadalay in aan la oggolleen mooshin wax lagu burburiyo, balse arrintaas waxaa ka xanaaqay dadka iyagu mooshinada ka ganacsada ee wax iskuma fallayaasha ah. Shiikh Baaruud wuxuu sheegay in lacagta shacabka uu leeyahay oo ay xaaraan tahay in mooshin iyo laalush lagu bixiyo.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Wasaaradda Isboortiga oo Qorsheyneysa in ay Muqdisho keento xulalka Jabuti iyo Sudan

0
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta sheegtay in wasaaraddeedu ay qaban-qaabineyso in magaalada Muqdisho ay ku marti-geliso xulalka waddamo dibadda ah oo ay Djibouti iyo Suudaan kamid yihiin.

Wasaaradda Isboortiga oo Qorsheyneysa in ay Muqdisho...

0
0

WASHINGTON. D.C --
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta sheegtay in wasaaraddeedu ay qaban-qaabineyso in magaalada Muqdisho ay ku marti-geliso xulalka waddamo dibadda ah oo ay Djibouti iyo Suudaan kamid yihiin.
Dhinaca kalena waxaa Muqdishu ka socda ciyaaraha maamul goboleedyada. Wasiirka ayaa beenisay warar maanta la isla dhex marayay oo sheegayay in albaabka garoonka kubadda cagta Banaadir ee ay ciyaaraha maamul-goboleedyadu ka socdaan laga soo saaray walxaha qarxa.
Jacfar Kuukaay ayey ugu warrantay khadka telefoonka ee Muqdisho.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:07:01
0:00:00 /0:07:01
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Al Shabaab oo Gaadiid Ganacsi Ku Gubay Hiiraan

0
0

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabab in ay duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ku gubeen gaadiid u rarnaa dad ganacsata ah oo kusii jeeday magaalada Xudur.

Qarax ka Dhacay Magaalada New York

0
0

Qarax ayaa ka dhacay boosteejada Port Authority ee degmada Manhattan ee magaalada New York ee dalkan Mareykanka. Booliska magaalada New York ayaa sheegay in ay xireen nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay qaraxa.

Soomaaliya oo Sanadka 2020-ka Hiigsaneysa Doorasho Dadweyne

0
0

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku soo bandhigay Muqdisho qorshahooda 5-ta sano ee soo socoto.

Qarax ka Dhacay Magaalada New York

0
0

WASHINGTON. D.C --
Qarax ayaa ka dhacay boosteejada Port Authority ee degmada Manhattan ee magaalada New York ee dalkan Mareykanka.
Booliska magaalada New York ayaa sheegay in ay xireen nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay qaraxa.
Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu yahay qofka kaliyah ee ku dhaawacmay qaraxa.
Saraakiishu ma aysan xaqiijin waxa sababay qaraxa, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in qarraxa loo adeegsaday bamka nuuca loo yaqaano tubada ama Pipe Bom.
tareenada mara wadada 42-aad ee aada fagaaraha caanka ah ee Times Square ayaa la xiray.
Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in xaalada qaraxa ay saraakiisha amniga ku wargeliyeen madaxweyne Donald Trump.
storvideo: 


Al Shabaab oo Gaadiid Ganacsi Ku Gubay Hiiraan

0
0

WASHINGTON. D.C --
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabab in ay duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ku gubeen gaadiid u rarnaa dad ganacsata ah oo kusii jeeday magaalada Xudur.
Gudoomiye ku xigeenka guddiga Amniga iyo Siyaasada degmada Beledweyne, Maxamuud Cali Maxamuud oo ayaa sheegay in baabuurta waday badeecada oo gaareysay sagaal lagu gubay tuulada Maroodile oo qiyaastii 20 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.
Wuxuu khadka telefoonka ugu warramay wariyaheena Jaamac Buulle Jaamac.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:23
0:00:00 /0:03:23
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo...

0
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Xoogga dalka ah,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.
taliyaha iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere),hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaannada puntland.
Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay,waxaana hadalka ku hormaray gen.Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) oo sheegay in Puntland tahay halka ugu ballaaran Soomaaliya"oo nabadda iyo xasiloonida iyo is-difaaca nafsiga ah ka jiro",taasoo ay ku gaartay"isku-tashi iyadu leedahay Ilaahay ka sokoow",sida uu hadalka u dhigay.
Siciid Dheere ayaa tilmaamay in uu maqsuud ka yahay imaanshaha taliye Gorod,islamarkaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn donaan taarikhda in uu markii la magacaabay durbadiiba Puntland soo booqday.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey,wuxuuna sheegay in isaga iyo wefdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya,kana mid noqday Ciidanka Xoogga dalka.
Taliye Gorod sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,islamarkaana uga sii gudbayo dhinaca gobolka Mudug ee colaaddu ka jirto.
Dhimaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabullaahi Xaaji Cumar(Cameey) oo saaka hadal u jeediyey ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee ku sugan xerada 54 aad ee duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe,ayaa u sheegay in ay yihiin ciidan qaran oo Soomaali oo dhan u dhexeeya,sidaasi darteedna ay mas'uuliyad ballaaran iska saaraan difaaca dalkooda hooyo.
Xerada 54 aad ee ciidankaan ku jiraan aya waxaa saaka booqday saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay,kuwaasoo kulan halkaasi kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo saraakiisha ciidanka.
Talaadada berri ah ayaa la filayaa in uu xeradaas booqdaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdigiisa,iyagoo soo kormeeri doona ciidanka.Halkaan ka daawo Muuqaalka.
Sawirro.

PUNTLAND POST
The post Daawo:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Maanta Garoowe soo gaaray. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Soomaaliya oo Sanadka 2020-ka Hiigsaneysa Doorasho...

0
0

WASHINGTON. D.C --
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku soo bandhigay Muqdisho qorshahooda 5-ta sano ee soo socoto.
Gudoomiyaha guddigaasi Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xalima Yareey) ayaa sheegtay in dhamaan dhinacyada ay khuseeso doorashooyinka ay gacan siiyaan howsha shaqo ee guddiga.
Haddaba faahfaahinta qorshahan waxaa warbixintan nooga soo diray weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:13
0:00:00 /0:04:13
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbuul ee cariga dalka Turkiga u ambabaxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayay.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Istanbuul ay uga qeybgalaan shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyay OIC.
Shirkan ka furmaaya magaalada Istanbuul oo xiisa gaara leh ayaa waxaa looga arrinsanayaa Go'aanka uu magaalada Qudus Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu wareejiyay - Israel.
Shirkan ayay dowladaha Muslimka ah go'aan kaga gaari doonaan Mowqifka uu Trump Qudus ugu hibeeyay magaalad Qudus oo ay leeyihiin falastiiniyiinta.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa shirkan ku dhawaaqay 6dii bishaan si ay Madaxda wadamada Muslimiinta ah isula gorfeeyaan go'aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.
Sidoo kale, qorshaha shirkaan ayaa ah inuu bilaabto maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dhinaca kale, Madaxda dalalkan ayaa la filayaa in shirkooda ay kasoo saran Mowqif mideysan oo lid ku noqon doona Madaxweyne Trump iyo Israel.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Dabkii ka shidnaa California oo kusii...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Nairobi (- Online)-Waxaa aad looga deyrinayaa dabka todobadii maalmood ee lasoo dhaafay ka shidnaa koonfurta gobalka California ee dalka Maraykanka kaa oo kusii faafaaya qeybo hor leh.
Dabkan oo si xooli ah ku jaraaya masaafo dheer ayaa barakiciyay dad qiyaastii lagu sheegay 200 kun oo qof, kuwaa oo banaanka uga baxay guryihii ay degnaayen.
Magaalooyinka laga cabsi qabo inuu kusii faafo dabka ayaa waxaa kamid ah magaalada Santa Barbara oo dadkii degnaa ay bilaaben inay isaga sii baxaan, xili uu kusii siqaayo dabka.
Saraakiisha maamusha gaadiidka gurmadka ee dabdamiska ah ayaa sheegay inay kusii adkaaneyso daminta dabka awooda leh ee kusii faafaayo deegaano hor leh oo maalmo ka hor badqabay.
Waxa ay sheegen in dabka laga damin la' yahay dabeylo xooli ah oo sii fidinaaya dabka, waxa ayna tilmaamayaan inaysan horay u arag dab ceynkaan ah.
Goobaha uu iminka gaaray dabka ayaa la sheegay inay kamid tahay Xaafada Bel Air ee magaalada Los Angeles.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live