Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale...

$
0
0

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ayaa markale guul ka gaaray tartanka cayaaraha ee Maamul Goboleedyada ee ka soconaya Muqdisho, waxaana Xulka Gobolka Benaadir uu noqday Xulkii ugu horeysay ee u soo baxda wareega afar dhamaadka, kaddib markii ciyaartii galabta ay 3-0 uga badiyeen xulka kubadda cagta ee Galmudug. Ciyaartoyda Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay [...]
storvideo: 


Wax ka baro isku daygii inqilaabkii 1961 kii dib...

$
0
0

Wax ka baro isku daygii inqilaabkii 1961 kii dib loogula soo noqonayey dawladnimadii Somaliland.
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 11th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - La soo noqoshada dawladnimo ee Somaliland waxa ay soo socotay illaa iyo 1960kii, markii labada gobol ee woqooyi iyo koonfuri ay isku darsameen, lana bexeen Jamhuuriyadda Somalia. Laakiin dawladdii koonfureed ay boobtay haykalkii dawladnimo ee la wada lahaa. Haddii ay noqon lahayd Madaxweynihii, Ra'iisal Wasaarihii, wasiirradii, saraakiishii ciidammada iyo maamulkii kaleba.
Caddaalad darridaasi ay dadkii reer woqooyiga ahaa ee wakhtigaa wax kala garanayey ay dareemeen, ayaa kaliftay in saraakiishii wakhtigaasi joogtay ay ku fekeraan in ay dib ula soo noqdaan dawladnimadii ay Ingiriiska ka heleen 1960.
Haddaba maxaa dhacay ee ay fashiliyey? Halkan ka daawo....
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 180 times.
storvideo: 

Wareysi Sacuudiga oo laga ogolaanayo Shineemooyinka

$
0
0

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in xayirada ka qaadayaan Shinoomooyinka Ganacsiga taas oo socotay muddo ka badan 30 sanadood.Wasiirka dhaqanka iyo warfaafinta ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan shatiyada si dhaqso leh loo siinayo Shineemooyinka iyadoo tan horeeysa la filaayo in la furo bishi March 2018.

Maanta Waxan idiin soo xullay hees Amxaari ah oo ay...

$
0
0

Maanta Waxan idiin soo xullay hees Amxaari ah oo ay naga soo codsadeen saaxiibbada ku xidhan shabakadda
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 11th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Somalida, Amxaarada iyo Suudaanta ayaa midba mid heesahooda ka helaa, waxana aad isugu dhaw laxanka iyo muuqaalka shacabka sidaasi ayaana qolaba qolada kale uga helaan.
Bal haddaba heestan ay inanta Xabashiyadda ahi innoo qaadayso oo ay naga soo codsadeen asxaabta shabakadda ku xidhani, si fiican u dhageysta.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 155 times.
storvideo: 

Booliska Ingiriiska Oo Eyda Kabo Uxidhaya Waqtiga...

$
0
0

Brithain(Waaheen)-Eyda Tababbaran ee Booliska Ingiriiska ayaa dhibaato kala kulantay kabaha loo sameeyay in loo xidho marka la baadhayo, guryaha dadka muslimiinta ah iyo Masaajidadda si loo ilaaliyo shucuurta Muslimiinta oo Eyda u aaminsan inay yihiin wax nijaas ah.
Jariiradda Sunday Times ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo warkan daabacday ayaa ku warantay in khabiiradda iyo Taliyayaasha sar sare ee Boliska Dalkaasi fadhi culus ka leeyihiin sidii ay dhamaan xooga Boolisku hawl galadooda ugu samayn lahaayeen, iyadoo la ilaalinayo sidii aanay cidhiidhi u dareemin dhamaan Diimaha iyo xaddaaraduhu.
Talaabadan ayaa laga fulin doonaa dhamaan goboladda England, Wales iyo Waqooyiga Ireland marka la gaadho dhamaadka sanadkan. Talaabadan cusub ee ay ku dhaqaaqeen Booliska Ingiriiska ayaa ka danbaysay ka dib markii ogaysiis ay dhawaan soo saareen Boolisku uu ka cadhaysiiyay isla markaana ay cabasho ka muujiyeen Muslimiinta dalkaasi.
Ogaysiiskan ayaa ahaa mid uu ku dhejisan yahay ama uu ku sawiran yahay Ey yar oo fuushan koofiyadda Sarkaal booliska dalkaas ah, Eygan oo sida ku xusan ogaysiiskaa da'diisu tahay 6-bilood ayaa keenay in Muslimiinta dalkaas badan koodu diidaan inay ku dhejiyaan goobaha ganacsiga iyo meelaha sida gaar aha loo leeyahay, taas oo ay ku macneeyeen in iyaga lagu quudhsanay, runtii arintaa Booliska dalkaasi waxa uu ka bixiyay cudur daar rasmi ah waana laga badalay goobaha Muslimiintu ku dhaqan yihiin Ogaysiiskaas Eygu ku sawirnaa.
Booliska dalkaasi iyaga oo taa maanka ku haya ayay go'aansadeen in dhamaan Eyda Tababaran ee galaya goobaha Muslimiintu leeyihiin loo sameeyo Kabo u gaar ah.
storvideo: 

Electoral authorities launch 5-year strategic plan for 2020 polls

$
0
0

Somalia’s electoral authorities today launched a five-year roadmap – known as the Strategic Plan – to guide the management and administration of the country’s 2020-2021 elections, also known as the ‘one-person, one-vote’ elections.
“The Strategic Plan will be the baseline for the ongoing work by the Commission and will provide the roadmap for the implementation of elections so as to attain ‘one-person, one-vote’ in 2020,” the Chairperson of the National Independent Electoral Commission (NIEC), Halima Ismail Ibrahim, said at the launch event in the capital.
The Strategic Plan, developed with the support of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), will provide guidelines for all the activities to be undertaken by the Commission and will be subject to periodic review.
“The Plan lays out clearly how the NIEC intends to deliver its mandate over the coming years, leading to universal suffrage,” the Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said at the launch.
The UNSOM official added that the UN was working closely with donors to finalize the programme for the next stage of the world body’s electoral support for the East African country. That programme is expected to focus on essential steps to be undertaken in 2018.
“The NIEC will travel in the near future to all the Federal Member States, where we will visit four main towns, [and] consult with all stakeholders, in order to achieve free and fair one-person-one-vote elections,” NIEC’s Chairperson added.
At today’s event, the NIEC also launched the ‘Somali Lexicon of Electoral Terminology,’ a glossary of terms in English, Somali and Arabic languages, which harmonizes the definition of 481 key electoral terms.
The Lexicon was developed to provide a common linguistic framework of electoral terminology, which will guide related activities, including the drafting of the electoral law and public outreach to voters, to ensure that every Somali citizen exercises their civic right to vote.
Speaking at the launch, the Federal Minister of Planning, Jamal Hassan, noted that the Strategic Plan was “derived from constitutional principles,” in line with the country’s National Development Plan and the Constitution, and commended the NIEC for both the roadmap and the glossary.
The post Electoral authorities launch 5-year strategic plan for 2020 polls appeared first on Shabelle.

Garowe oo lagu daahfurey shirkad ka shaqeynaysa...

$
0
0

Waxaa maanta lagu qabtey magaalada Garowe munaasabad lagu daahfurey shirkad ka shaqeynaysa kireynta guryaha, boosaska iyo gawaarida oo lagu magacaabo Puntland Care Home.
Shirkada oo xafiiskeedii ugu horeeyay ka furtey magaalada Garowe waxay sheegeen mulkiilayaasha asaasay sidoo kale inay xafiisyo ka furan doonaan magaalooyinka kale,waana shirkad leh labo 2 Website oo laga arki karayo guryaha iyo gawaarida ay iibinayso ama ijaareyso.
Munaasabada daahfurka shirkadda oo ka qabsoontay magaalada Garowe waxaa ka hadlay ganacsato, injineero ka socday Technology-yadda Ramaas iyo marti sharaf kale
Khadar Cabdiraxmaan Aadan oo ah asaasaha shirkaddan ahna ganacsade qurbe joog ah ayaa sharaxay sababta loo sameeyay shirkadda Care, wuxuuna sheegay inay ku timid baahi loo qabo adeegyadda ay qaban doonaan.
Waxaa kulminay inaad hesho xafiis aad tegi kartid iyo inaad adiga oo gurigaaga jooga aad website-ka ka heli kartid adeega aad uga baahan tahay Shirkadda Puntland Care Home" ayuu yiri Khadar.Daawo Sawiradda.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Garowe oo lagu daahfurey shirkad ka shaqeynaysa kireynta guryaha,boosaska iyo gawaarida appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Electoral authorities launch 5-year strategic plan...

$
0
0

Somalia's electoral authorities today launched a five-year roadmap - known as the Strategic Plan - to guide the management and administration of the country's 2020-2021 elections, also known as the 'one-person, one-vote' elections.
"The Strategic Plan will be the baseline for the ongoing work by the Commission and will provide the roadmap for the implementation of elections so as to attain 'one-person, one-vote' in 2020," the Chairperson of the National Independent Electoral Commission (NIEC), Halima Ismail Ibrahim, said at the launch event in the capital.
The Strategic Plan, developed with the support of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), will provide guidelines for all the activities to be undertaken by the Commission and will be subject to periodic review.
"The Plan lays out clearly how the NIEC intends to deliver its mandate over the coming years, leading to universal suffrage," the Secretary-General's Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said at the launch.
The UNSOM official added that the UN was working closely with donors to finalize the programme for the next stage of the world body's electoral support for the East African country. That programme is expected to focus on essential steps to be undertaken in 2018.
"The NIEC will travel in the near future to all the Federal Member States, where we will visit four main towns, [and] consult with all stakeholders, in order to achieve free and fair one-person-one-vote elections," NIEC's Chairperson added.
At today's event, the NIEC also launched the 'Somali Lexicon of Electoral Terminology,' a glossary of terms in English, Somali and Arabic languages, which harmonizes the definition of 481 key electoral terms.
The Lexicon was developed to provide a common linguistic framework of electoral terminology, which will guide related activities, including the drafting of the electoral law and public outreach to voters, to ensure that every Somali citizen exercises their civic right to vote.
Speaking at the launch, the Federal Minister of Planning, Jamal Hassan, noted that the Strategic Plan was "derived from constitutional principles," in line with the country's National Development Plan and the Constitution, and commended the NIEC for both the roadmap and the glossary.
storvideo: 


Midowga Yurub oo Netanyahu ka diiday dalabka Qudus

$
0
0

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in "ururka u dhan yahay" in la taageero in Qudus ay caasimad u noqoto dowlad mustaqbalka ay Falastiin yeelato iyo Israa'iil.
Federica Mogherini ayaa sheegtay in xubnaha midowga aysan Qudus u aqoonsan doonin in ay tahay caasimadda Israa'iil, illaa heshiis nabadeed oo dhammeystiran laga gaarayo.
Waxay hadalkaasi jeedisay ka dib markii ay la kulantay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.
tallaabadii madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.
Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa'id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado "go'aanka caalamiga ah" ee Qudus ku saabsan.
"Waa in aan dhahaa in Ra'iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa'iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Qudus."
"EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go'aanka caalamiga ah ee Qudus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac".
Laakiin Netanyahu ayaa tilmaamay in go'aanka Mareykanka uu yahay mid lagu garwaaqsaday "xaqiiqada".
Wuxuu hadda ku sugan yahay Brussels oo wada xaajood kula leeyahay wasiirada arrimaha dibadda ee EU. Waa markii ugu horeysay oo ra'iisul wasaare Israa'iili ah booqdo Brussels muddo 20 sanno ah.
Dibadbaxyo ka dhan ah go'aanka Trump ee Qudus ayaa weli ka socda gobolka. Goobaha ugu dambeeyay waxaa ka mid ah Daxaya oo ah deegaan uu ururka Xisbullah ku xoog badan yahay ee Bayruut.
Isagoo ka hadlayay meel aan la shaacin, hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa sheegay: "In Trump uu moodayay in -ha caalamka iyo dalalka Carabta ay ku taageeri doonaan go'aankiisa".
"Hadda wuxuu u muuqdaa in la cidleeyay, Israa'iil oo keli ah ayaa taageertay," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku nool Daanta Galbeed ayaa weli sii wada in ay dhagxaan ku tuuraan ciidamada Israa'iil; Sidoo kale shacabka Tehraan iyo Bayruut ayaa loogu baaqay in ay isu soo baxaan.
Xilligii Trump uu ku dhawaaqayay go'aankiisa ku aadan Qudus, wuxuu sidoo kale amray in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo raro Qudus.
Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?
Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.
Magaaladan waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.
Israa'iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.
Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa'iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.
In Qudus ay leedahay Israa'iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.
Tan iyo 1967, Israa'iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa'iil ay diiday arrintaas.
Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.
Tijaabinta Bariga Dhexada cusub
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDibad baxayaal Falastiiniyiin ah oo gubaya sawirka Trump.
Siyaasadda cusub ee Trump waxaa ka dhalatay caro ballaaran oo ka timi dunida Carabta iyo Islaamka iyo xulafada Mareykanka.
Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil.
Urdun iyo Sacuudiga oo isu arka in ay yihiin ilaalada dhulka barakeysan ee Islaamka ayaa soo saaray digniin ah in arrintan ay hurin doonto Dunida Islaamka.
Laakiin kacdoonkii Carabta ayaa sababay in muhiimmaddii Falastiin ay meesha ka baxdo waxaana loo weecday arrimo muhiim ah sida Iraan iyo dhibaatada dalalka Khaliijka.
Sidaa aawadeed, Falastiiniyiinta waxay qaadeen tallaabo xoogaa u muuqatay mid caqliyeysan oo ay kula shaqeynayaan Israa'iil, waxayna u baahnaayeen in Trump uu ku lug yeesho.
Haddii dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay qeylada sii wadaan ayagoo aan ficil ku darin, tijaabadan cusub ee lagu sameeyay waxay dhalin doontaa gobol la dhoho Bariga Dhexada cusub.
Arrinta waxay salka ku haysaa laba dal
Marka la is hor fariisto, su'aasha ma noqoneyso in caasimadda Israa'iil ay tahay Galbeedka Qudus? Balse waxaa laga doodi doonaa in dhulka lahaysto ee Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Mr Trump ayaa arrintaasi ka dhigay mid macquul ah isagoo sheegay in maamulkiisa uusan go'aan rasmi ah ka qaadan goobaha barakeysan, "sida xudduudaha ay Israa'iil u madax bannaan tahay ee Qudus, ama xallinta goobaha la isku haysto".
Taasi waxay muujineysaa in Falastiiniyiinta ay sheegtaan Bariga Qudus weli looga hadli karo wada xaajoodyada. Balse ma uusan kala cadeyn Mr Trump arrintaa, sidoo kale ma uusan ka hadlin in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la helo laba dal oo deris wanaag uu ka dhexeeyo.
Taasi bedelkeeda, wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xalka noocaas ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan: ma ahayn sinnaan la'aanta ay Falastiiniyiinta raadinayeen.
Ugu dambeyntii Trumo waxba uma ballan qaadin Falastiiniyiinta, hadalkiisa oo dhanna wuxuu ahaa mid uu ku taageeray, awoodna ku siiyay Israa'iil.
storvideo: 

Nin loo qabtay weerarkii Manhattan ee Mareykanka

$
0
0

Nin aan heybtiisa la aqoon ayaa loo qabtay isku day weerar argagixiso oo uu doonayay inuu ka geysto xarun laga raaco basaska oo ku taala magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Nin loo qabtay weerarkii Manhattan ee Mareykanka

$
0
0

Nin aan heybtiisa la aqoon ayaa loo qabtay isku day weerar argagixiso oo uu doonayay inuu ka geysto xarun laga raaco basaska oo ku taala magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Nin loo qabtay weerarkii Manhattan ee Mareykanka

$
0
0

Nin aan heybtiisa la aqoon ayaa loo qabtay isku day weerar argagixiso oo uu doonayay inuu ka geysto xarun laga raaco basaska oo ku taala magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Isku dayga weerarkan ayaa dhacay xili dadka kunool magaalada New York ay u kallahayeen shaqooyinka, waxaana duqa magaalada New York oo ka hadlay weerarka uu sheegay in argagixisada marnaba aysan guuleysan doonin.
Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninka looga shakiyay inuu weerarka gesytay ay da'diisu tahay 27, lagu na magacaabo Akayed Ullah, waxaana ay intaa ku dareen in ninkani uu ku dhaawacmay qalab ka sameysan walxa qarxa oo ku rakibnaa jirkiisa.
Afar qof oo kale ayaa sidookale waxyeelo aan sidasi u badneyn kasoo gaartay weerarka. Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqday nin lagu sheegay inuu yahay Akayed Ullah oo dhulka jiifa.
Duqa magaalada ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aysan jirin cidkale oo ninkani weerarka ku wehlisa.
Dadkii ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen ayaa kala cararay, waxaana sidookale halkaasi laga soo daad gureeyay dad badan.
Goobtan ayaa ah meel aad u amshquul badan, waxaana la sheegay in dad badani ay baabuurtaka racaan halkaasi xili walba.
storvideo: 

Qabanqaabada xafladda dhaarinta madaxweynaha Somalialnd

$
0
0

Magaalada Hargeysa, waxaa si xoog leh uga socota qabanqaabada xafladda xilwareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xilka kala wareegyo madaxweynaha xilka wareejinya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Qabanqaabada xafladda dhaarinta madaxweynaha Somalialnd

$
0
0

Magaalada Hargeysa, waxaa si xoog leh uga socota qabanqaabada xafladda xilwareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xilka kala wareegyo madaxweynaha xilka wareejinya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Maxaa lagaga hadlayaa shirweynaha xisbiga Zanu PF?

$
0
0

Dalka Zimbabawe waxaa maanta la filayaa in uu ka qabsoomo Shirweynaha golaha sare ee Xisbiga talada haya ee Zanu PF, kaddib markii uu isbedel ku yimid hogaanka sare ee dalka Zimbabawe.


Suxufi lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Kn: Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa maanta lagu khaarajiyay magaalada Muqdisho kadib markii baabuur uu lahaa qarax loogu rakibay.
Allaha u naxariistee Gaaboow ayaa ahaa wariye u shaqeeya taleefishinka Kalsan, ayadoo miinadu ay ku qaraxday xili uu ku sugnaa kawaanka kaluunka ee degmada Wadajir.
Miinada ayaa sida la sheegay loogu dhayiyay halka darawalku fariisto hoosteeda, markay qaraxdayna asaga kaliya ayay galaafatay oo sida ay wararku sheegayaan dad kaloo la socday oo caruur ku jirtay way ka badbaadeen.
Dilka wariyeyaasha oo intii muddo ah laga raystay ayaad moodaa inay arintani cabsi hor leh abuurayso. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka wariye Gaaboow.
storvideo: 

Galmudug oo lagu cabaaday

$
0
0

Kn: Isreebreebka ciyaaraha gobollada oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta oo ay is hardiyeen kooxda Galmudug iyo kooxda Gobolka Banaadir ayay Banaadir ku durdurisay kooxda Galmudug.
Kooxda Galmudug oo la filaayay inay noqon doonto koox caaboon ayaa si fiican loogu cabaaday kadib markii kooxda Banaadir ay dirtay 3 iyo 0.
Kooxda Banaadir oo horay 2 iyo 1 uga badisay kooxda Jubbaland ayaa wareegga labaad u gudubtay ayadoo 6 dhibcood haysata. Labada qeybood ee kooxaha loo qeybiyay ayaa A waxaa banaanka jooga Banaadir ayadoo ku aadi doonta kooxda kaalinta labaad ka gasha qeybta B.
Jubbaland iyo Galmudug ayay tahay inay foodda is daraan si midkood u soo boxo, kadibna ula ciyaaro kooxda qeybta B ka gasha kaalinta koobaad. Koonfur Galbeed ayaa hadeer 3 dhibcood ku hogaaminaysa qeybta B, waxaana is aragga u horeeyay kulmi doona Hirshabeele oo hal guul darro haysata iyo Puntland oo carcarteeda qabta. Fursadda Hirshabeele waa inay badiso halka Puntland hadii laga badiyo ay wali jaanis sii helayso maadaama ay u dhiman tahay inay la ciyaarto Koonfur Galbeed.
Jubbaland iyo Galmudug ayay labada kooxoodba u tahay ama badi ama bax ayadoo labadooda mid kii laga badiyo ay tahay inuu iska huleelo.
storvideo: 

Diyaarado Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Gobolka...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarado loo malaynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka in xalay saqdii dhexe ay duqeeyeen deegaanka Mubaarak oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka duqeyntaan ayaa dhacday 3:00 Saqdii dhexe ee xalay,waxaana la sheegay in diyaaradaha ay duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Mubaarak.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyaan saldhigaas oo la sheegay in lagu diyaarinayay gawaarida lagu fuliyo qaraxyadda.
Mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay gobolka Shabeelha Hoosse ee koonfurta dalka Soomaliya duqeymo joogto ah oo lala bartilmaameedsanayo saldhigyadda dagaalyahanada Daacish iyo Xarakadda Al-shabaab.PUNTLAND POST
The post Diyaarado Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Gobolka Shabeelaha Hoose appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka warbixiyay booqasho...

$
0
0

Garowe ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamaca Xuseen "Gorod" oo Shalay booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka Warbixiyay u jeedada safarkiisa.
Waxaana uu sheegay in Socdaalkiisa uu la xariiro kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda Maamulkaasi.
Taliye Gorod ayaa xusay in ay ka wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wado abaabulkiisa Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay hormarka ay gaartay Puntland oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejisay ku dhaawaad 2500 oo Askari, kuwaas oo ka qeyb qaadanayo dagaalka Al Shabaab.Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/Fatjoy-1-3.mp3
storvideo: 

uqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha...

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegaayaan in xalay ay diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanka Mubaarak oo ay Gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmd Oowdheegle ee Gobolkaasi ayaa waxaa xalay sida la sheegay 3:00 Saqdii dhexe ay duqeeyeen diyaaraduhu Goob lagu diyaariyay Gaari Homey ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Waxaa la sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaaro in kastoo aan la cadeyn Karin maadaama ay halkaasi Gacanta ku hayaan Al-Shabaab dadkuna ay sheegen in aysan fah faahin bixin Karin.
Wararka ay Dalsan heleyso aya waxa ay sheegayaan in Diyaaradahaasi dagaal oo loo maleynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ay duqeyn u geysteen fariisin Ciidamo ka tirsan Shabaab ku leeyihiin deegaanka Mubaarak.
Shabeellaha Hoose ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeymo joogto ah oo lala bartilmaamedsaday baro koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Shabaab.
Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin qeyntaas,waxana lagu soo waramayaa in Maanta deegaanka Mubaarak laga dareemayo feejignan ay muujinayaan Shabaab.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live