Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Xaaf oo Si kulul uga hadlay Ammaanka Galmudug

0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Caadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi ayaa amray Ciidamada Ammaanka in ay ka hortagaaan Kooxaha Jidgooyooyino dhigta Deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan Kooxahaasi ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Cid kasto oo dhac loo geysta ama Gaari laga qafaasho in Dacwadeeda ay u soo gudbiso Maamulka Galmudug.
Waxaana uu ballan in uu wax ka qaban doono arrimahaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay isku filantahay, islamarkaana ay heysato Ciidamo ku filan Ammaanka deegaanadeeda.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli deegaano ka tirsan Maamulkaasi ay dhibaatooyin amni ku hayaan Kooxo Maleeshiyaad ah oo Dhac iyo Boob u geysta dadka shacabka ah.
Waxaana indhawaanahan jirtay cabasho la xariirta arrimahaasi, iyadoona aysan jirin tallaabo ay qaadeen Ciidamada Galmudug oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.
The post Madaxweyne Xaaf oo Si kulul uga hadlay Ammaanka Galmudug appeared first on Shabelle.


Midowga Europe oo Diiday in Qudus uu u aqoonsado...

0
0

Midowga Euorope ayaa diiday Baaq uga yimid ra'iisuk wasaraha Wadanka israa'il Binjamin Natanyahu oo ku aadanaa in Midowga Europe uu aqoonsado Magaaladda Qudus in ay tahay Caasimadda isra'iil, wuxuuna sheegay in Xal Labo Wadan uu yahay Mid kaliya ee lagu dhameeyn karo Khilaaf ka u dhexeeya Is'raaiil iyo Falastiin.
Madaxa siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Europe federika Mogherini ayaa Magaladda Baraasales ku la kulantay Natanyahu, Booqashadda natanyahu ayaa hayd middii ugu horreeysay ee Ra'iisul wasaare israa'iil uu kuTago midowga Europe Muddo 22 Sano ah.
Kulankoodu wuxuu yimid wax kayar todobaad markii Madaxweeynaha Mareeykanka Donad Trump uu Magaaladda Qudus u aqoonsaday casimadda israa'iil islamarkaana uu Safaaradiisa u soo rarayo Qudus.
Madaxa siyaasadda ee Midowga Europe ayaa u sheegtay Natanyahu in midowga Europe uu ogol yahay Xal Labo dan ah oo kaliya Balse uusan magaaladda Qudus u Aqoonsaneeyn in ay noqoto Casimadda Israa'iil.
Nayanyaahu yaa Shir jaraaid ka sheegya " in magaaladda Qudus ay ahyd Caasimadda Is'raaaiil mudoo 70 Sano ah, waxaa u maleeynayaa waxa uu Madaxweeyne trump sameeyay Xaqiida ayeymiiska saartay" ayuu yiri.
"Qudus waa Caasimadda Israa'iil, majirto cid inkiri karta, Nabadana lid kuma aha, Nabadda ayey Suurta gal ka dhigeeysaa" ayuu hadalkiisa Raaciyya natan yahu.
storvideo: 

Madaxweyne Farmajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Turkiga

0
0

Istanbuul ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey  magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaasi oo ka furmaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus.
Wafdiga madaxweyn aha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga,waxaana ku soo dhawereyey diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.
Hoggaamiyaasha wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay kujirto ayaa lafilayaa in ay shirkooda ka soo saaraan go’aano deg deg ah oo ku aadan arrinta Qudus.
Waxaa shirkan deg dega ah ee arrinta  Qudus 6dii bishaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil,iyo jawaabta ay kabixintoonto Dunida Islaamka.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxmed Axmed ayaa  sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”Ayuu yiri C/nuur.
Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.
Wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel waxaa marqura caro xoogan muujiyay dhamaan shucuubta muslimiinta ah ee caalamka ku nool,waxaa bilowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka qaldan ee uu qaatay madaxweyne Trmp.
The post Madaxweyne Farmajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Turkiga appeared first on Shabelle.

Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faahfaahin ka...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Baay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Amniga Deegaanka.
Xasan Isaaq Guddoomiyaha Deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Baay ayaa tilmaamay in ay wanaagsan tahay Amniga Deegaanka Goof gaduud iyo deegaanada kale ee hoos yimaada isagoona sheegay in Goof gaduud ay ka howlgalaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Xasan Isaaq ayaa sheegay in ay qorshaynayaan Maamulka oo kaashanaaya Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Darawiishta Maamulka Koonfur galbeed sidii Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab kuwaa soo dhibaatooyin kala duwan ku haya Shacabka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKenya oo dardar gelinaysa weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab

storvideo: 

Madaxweyne Farmajo oo si weyn lagu so dhaweeyay...

0
0

Istanbuul ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaasi oo ka furmaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus.
Wafdiga madaxweyn aha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga,waxaana ku soo dhawereyey diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas'uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.
Hoggaamiyaasha wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay kujirto ayaa lafilayaa in ay shirkooda ka soo saaraan go'aano deg deg ah oo ku aadan arrinta Qudus.
Waxaa shirkan deg dega ah ee arrinta Qudus 6dii bishaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go'aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil,iyo jawaabta ay kabixintoonto Dunida Islaamka.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxmed Axmed ayaa sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
"Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go'aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay."Ayuu yiri C/nuur.
Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.
Wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel waxaa marqura caro xoogan muujiyay dhamaan shucuubta muslimiinta ah ee caalamka ku nool,waxaa bilowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo go'aanka qaldan ee uu qaatay madaxweyne Trmp.
storvideo: 

Madaxweyne Xaaf oo Si kulul uga hadla Ammaanka Galmudug

0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle "Xaaf" oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Caadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi ayaa amray Ciidamada Ammaanka in ay ka hortagaaan Kooxaha Jidgooyooyino dhigta Deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan Kooxahaasi ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Cid kasto oo dhac loo geysta ama Gaari laga qafaasho in Dacwadeeda ay u soo gudbiso Maamulka Galmudug.
Waxaana uu ballan in uu wax ka qaban doono arrimahaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay isku filantahay, islamarkaana ay heysato Ciidamo ku filan Ammaanka deegaanadeeda.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli deegaano ka tirsan Maamulkaasi ay dhibaatooyin amni ku hayaan Kooxo Maleeshiyaad ah oo inta badan dhac iyo boob u geysta dadka shacabka ah.
Waxaana indhawanahan Galmudug ka jirta cabasho xoogan oo la xariirta arrimahaasi, inkastoo weli aysan jirin tallaabo ay qaadeen Laamaha Ammaanka Galmudug oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.
storvideo: 

Dhageyso: Maamulka Degmada Hobyo oo ka hadlay...

0
0

Guddoomiyaha Magaale Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Mashariicdaan kala duwan ee Imanka Socda Degmada. C/laahi Axmed Cali Faad ayaa tilmaamay in garoonka Magaaladu uu yahay mid shaqeynaaya hada ayna kasoo dagi karaan Diyaaradaha xamuulka ah maadaamada ay ku [...]
storvideo: 

Saraakiil: Ninkii fuliyey qaraxa New York waxaa...

0
0

Saraakiisha booliska New York ayaa sheegay in ninkii fuliyey qaraxii fashilmay ee shalay ka dhacay magaaladaas uu internet-ka ka daawaday muuqaalo borobogaando ah oo ay sameysay kooxda Daacish.
Waxa ay sidoo kale sheegeen inuu sheegay inuu weerarka u fuliyey si uu uga aarguto wax uu gu yeeray gardaradda milatariga Mareykanka.
Mas'uuliyiinta ayaa ninkan la tuhunsan yahay ku sheegay 27 jir lagu magacaabo Akayed Ullah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Bangladesh, islamarkaana horey u wadi jiray taksi.
Weerarkii isniinta ayaa ka dhacay jid dhulka hoostiisa mara oo isku xira terminalka basaska ee dekedda New York iyo qadka tareenada ee ku yaalla Times Square.
Tuhmanaha ayaa waxaa loo qaaday isbitalka oo hadda looga daweynayo gubniin xooggan oo kasoo gaaray qaraxa.
"Kani wuxuu ahaa isku day weerar argagixiso" waxaa sidaas yiri duqa agaalada New York Bill de Bilasio, oo sheegay inay mahad tahay inuusan ku guuleysan hadafkiisa.
storvideo: 


Caddaalad Nooceeya Ayaynu Rabna: Hassan Hussein Abdi...

0
0

Caddaalad Nooceeya Ayaynu Rabna: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Soomaaliland waa meel caddaaladu tahay kala badsiga iyo boobka, inta badan caddaalada waxa ka sheekeeya kuwa jilicsan, kuwa kale waxa ay u tahay eray erayada kale la mida sida ganacsi ama gargaar oo kale. Waa koox dhalinyaro ah oo reero kala duduwan ka soo jeeda, sheekadu waxa ay daf tidhi caddaalada iyo matalaada reero hoosaadyada ama jilibada, madaxdi cadaaladuna waaba ay nala joogta nasiibkeeda, wiil dadka la haybsooco ka mid ah aya soo bandhigay sida loo jiidhay, kuwi kalena iyana wada cawde bari ilaa galbeed, nin waliba faan oo reerkisa faro-badi oo yara buun buuni, waana habeenki cod bixiyayaasha is diiwaan galiyay lagu dhawaaqay oo doodu xiiso gaara ayay samaynisa maadaama oo la qiyaasi karo cidwalba tiradeeda. Sheekada ugu yaabka badnaydi waxa ay ahayd marki u yidhi midi anaga waxa aanu haysanay 17 magacaabis madaxwayne, 2 waanagii iska celinay wali cadaaladu sidan haddi loo dhigo waxba naga maqan, jilib halkan waxa aan uga jeeda ilaa 10,000 qof oo xildhibaan baarmaan soo saara ama sigay, dhalinyarti kalena wada cabatay oo soo bandhige cadaalad la'aanta dalka. Sarkaalki caddaalada nagala joogay isagaba cadaalad raadinaaya. Ana waxa aan idhi fikirkayga jilibkayga cadaaladi nagama maqna ayaan qaba raadcana uguma jiro, in kasta oo tirada matalaada madaxda dawlada marka la eego aan ugu hoosayno dhalinyarta goobta joogay, waxa aan garanwaayay waxa ay micno samaynayso in aan ana cawdo aniga oo ku hadlaya afka jilibkayga. Inta badan jilib kasta waraabe u taag ayaa dawlada ugu jira badankooduna waa ganacsato dawladnimada dilaala, caddaaladu marka ay jilibada joogto waa reerkayagu maxaa u cuna, marka ay siyaasiga joogtana waa maxa aan anigu cuna. Caddaalada waxa qeexideedu i so jiidatay sarkaal mucaarida oo mar walba cabashada reerkooda miqaaxiyaha ku so qaada, ayaan maalin ku idhi maxa idinka maqan, waxa uu yidhi isaga oo qoslaya aniga oo hebela ayaan xil haynin maanta.
Caddaalada shakhsiga taabanisa sida lahaanshaha dhuleed, shaqo heliseed ama garsoorka dadwaynaha waxa xoog badan ninki lacag haysta ama adeer adag le. Waxa dhacday in dhalinyaro wasaarad ka shaqeeya u cabasho tageen agaasimihi guud, iyaga oo u sheegay in cadaalad daro goobta ka jirto sida gunooyinka loo kala badsado iyada oo aan loo eegin xil iyo shaqo midna, marki ay doodooda si fiican u soo bandhigeen ee ay jiq kaga dhigeen agaasimihi wasaaradda, ayuu inta u iska qoslay ku yidhi adeer waa maxay waxan aad ka sheekaynisaan meesha ma aakhiro ayaad moodisaan waa maxay caddaaladan aad ka sheekaynisaan, aakhiro la suga caddaalada warkeeda. Yaabki meesha ka dhacay wiilashi dib looma arag iyaga oo wax ka maqan ka hadlaaya, wiilka sidan casharka loogu dhigay bal tu isna keeno waaba loo joogi ileen wu guntade godob tane. Fikirkayga caddaalada aakhiro in lala sugo waxa ka roon in la wada jabo ee dhalinyarooy jawaabtu ma dheera e is waydi Waraabaha reerkina matala macnaha uu samaynayo iyo cida aad taageerayso.
Waxa ay su'aasha wayni tahay siddeebay ugu suuro gashay diin laawaha dawladaha galbeedka in u ummadahooda cadaalad ku dabaalo iyo horumar. Aniga waxa ay ila tahay haddii caddaalada lagu cabiro indho beeleed waligeed la gaadhi maayo maxa yeelay reerku meel u ku dhamaado lama yaqaano, laakiin reerku waxa u isu taageersan kara in ay xildhibaano la soo baxaan taas oo noqonaysa dhinaca metalaada bulshada. Marka ay timaado dhanka fulinta dawlada waxa muhiima qofka wax qaban kara ee hal abuurka shaqo le, kaas oo waxtarka bulshada iyo fidinta adeega bulshada wax ka qaban kara. Marka Arrinku dawladnimada taagan tahay waa laba midkood ba dhacda in la sameeyo dawlad tayo le oo dadka wax u qabata oo adeega bulshada iyo daryeelkooda ka shaqaysa iyo in la sameeyo dawlad kuraas badan oo waraabo u taagyo la sameeyo si cid kasta loo qanciyo oo ninkii qaylo bataba meel loogu sameeyo uu ku mashquulo, tan danbe waxa ay keenisa in maamulku dabco oo musuqa iyo tuugadu caadi noqoto sifo waraabe u taagu u hayn karo odayada reerkooda.
Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
Bare Sare iyo Cilmi Baadhehhmadaxyare@hotmail.com
+ 252 (0)634418302
storvideo: 

Baaq Ku Socda Madaxweynaha La Doortay Iyo Xisbiyada...

0
0

Taariikh: 11/ 12/2017
Ku: Madaxweynaha La Doortay ee JSL - Hargeysa
Ku: Xisbiga Waddani - Hargeysa
Ku: Xisbiga UCID - Hargeysa
Ku: Dhammaan Warbaahinta JSL - XaruumohoodaUJEEDO: BAAQ KU SOCDA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO XISBIYADA MUCAARIDKA AH
Asalaamu Calaykum:
Ugu horrayn waxaanu duco ballaadhan u diraynaa madaxwaynaha la doortay ee JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, annagoo Ilaahay SWT uga baryayna inuu xilka ku asturo, kana dhigo madaxwaynihii dalkiisa iyo dadkiisa gaadhsiin lahaa horumar iyo ictiraaf.
Marka xigta waxaanu ku xasuusinaynaa arrimo aad adigu nooga aqoon badan tahay oo aanu kugu boorinayno in aad wax ka qabatid:

  1. Mudane Madaxweyne Waxaad ogtahay in Sannadihii hore uu dalka ka dhacay musuq-maasuq baahsan sida uu caddeeyay Gudoomiyihii hore ee komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, sidaa awgeed waxa aanu kaa codsanaynaa si loola dagaalamo musuqa in aad ku dhiiratid talaabooyinkan:
  2. In aad diiwaangalisid isla markaana shaacisid hantidaada gaarka ah ka hor inta aanad xilka la wareegin sida uu kugu waajibaanayo dastuurka Qaranka JSL qodobkiisa 82aad , si ay kaaga sii daydaan wasiirada iyo dhamaan shaqaalaha dawladu.
  3. In aad ka soo celisid hantidii ay lunsadeen dadkii musuqa ku kacay sannadihii hore ee tagay.
  4. Dhinaca Kale Mudane Madaxweyne Waxa dalka ku baahay sannadihii ugu dambaysay xaalad qabyaaladeed oo aad u adag taasoo diciifinaysa qaranimadeena, sidaa awgeed dhinaca la dagaalanka qabyaalada waxaanu kuu soo jeedinaynaa arrimahan:
  5. In aad ku dhawaaqdid in aad gabi ahaan laashay is-xulufaysiga codaynta ku saabsan ee ka dhaxeeya qaar ka mid ah reeraha Somaliland ee shacab badan dareen san yahay inay astaan u tahay guusha xisbiga Kulmiye, si dhamaan muwaadiniintu ugu kalsoonaadaan in ay suuragal tahay in ay xilka dalka qaban karaan mar uun, oo aanay noqonayn qori isku dhiib laba reerood ka dhexeeya.
  6. In aad ka dhabaysid balan qaadka ku xusan barnaamijkii xisbiga kulmiye ee 2017 ee sheegaayay in aad waxbarashada waddaniyada ku dari doontid manhajka JSL.
  7. In aad asaastid komishan qaran oo qaabilsan xoojinta qaranimada iyo la dagaalanka qabyaalada.

Mudane Madaxweyne waxa lagama maarmaan ah in aanu ku xasuusino in samirka shacabka Somaliland uu maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaayo oo uu si weyn u karhay siyaasad ma dhalays ah oo aan noloshiisa horumarinayn.
Sidaa awgeed waxaanu si weyn kuugu baaqaynaa in isbadalaadaasi kor ku xusan si cad uga muuqdaan maamulkaaga 100 casho ee ugu horreeya.
Annaguna urur ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu noqono askarta foront-ka ugu horaysa ka galaysa horumarinta dalka waa haddii aad siidhiga noo afuuftid, sidoo kale-na waxaanu si weyn uga soo horjeedsanaynaa wax kasta oo mustaqbalka JSL dhaawacaaya.

  • Dhinaca kale waxaanu xisbiga Waddani ugu baaqaynaa inuu si dhakhso ah uga soo kabto jawigii doorashada, oo aanuu ku mashquulin wixii shalay dhacay oo uu xooga saaro sidii uu u noqon lahaa xisbi mucaarid oo xukuumada hadda dhalanaysa ku ilaaliyo sharciga iyo danta dalka, iyadoo uu dalku aad ugu baahan yahay marxaladan xisbi mucaarid oo aad u firfircoon, si aanuu dalku mar 2aad ugu noqon xaalad mucaaridad la'aan sidii ka jirtay dalka 5 sano ee ugu dambaysay.
  • Sidoo kale waxa xisbiga mucaaridka ah ee waddani la gudboon in mucaaradnimadiisa uu ku saleeyo mabaadiida danta dalka iyo dadka oo uu ka fogaado inuu mucaaradadiisa sal uga dhigo qabyaalad.
  • Xisbiga UCID-na waxaanu ugu baaqaynaa in aanuu siyaasada u fahmin masrax lagu jilo hibooyinka faneed ee ka qoslinta dadwaynaha balse uu u arko inay tahay masuuliyad qaran oo uu ku qaato cashuurta muwaadiniinta laga soo guro, taasina waxay uga baahan tahay inuu la yimaado siyaasad ka mug weyn hadalo makrafoonka laga jeediyo.

ALLAA MAHAD LEH
URURKA DALSOOR
storvideo: 

Wasiir Dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha...

0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wasiir Dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Ayaa ka qabgalay kulan lagaga Hadlaayey Shaqo ABuuris Loogu samayn lahaa Dhalinyarada Wadanka.
Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa si wado jir ah uga soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha dhalinyarada,shaqada iyo arrimaha Bulshada ,Hay-adda Havayoco macalimiin ka socady.Wasiiru dowlaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Cabdirashiid ismaciil kaahin oo furitaankii xafladaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka waramay in dhalinyarada wadanka shaqo Abuuris loogu samaynaayo ,iyadoo Hay-adda Havayoco ay barayso da-yartaasi xirfado kala duwan .Waxaanu wasiir dowluhu uu ka dalbaday hay-adda Havacoyo in ay da-yartaasi baraan xirfadaha suuqyada magalada hargeysa looga baahan yahay,waxaanu farta ugu fiiqay hay-adaasi in xirfadi lix bilood ah oo kookooban ay baraan dayartaasi si ay ugu shaqo tagaan.
Geesta kalena C/laahi Maxamed xasan oo ahaa macalin ka socday hay-adda havayoco ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada xafladaasi oo ahayd mid kor loogu qaadaayo fursadaha shaqo Abuuriseed laguna dhiirigalinnaayo dhalinyarada dalka,gaar ahaanna ardeyda ka soo baxda jaamacadaha dalka.
storvideo: 

Sawirro:-Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo lagu Aasay Muqdisho

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maaNta lagu Aasay Qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ku dhintay qarax Gaarigiisa loogu xiray oo Shalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyed ee NOSOJ Maxamed Ibraahim “Macallimuu” oo ka hadlay Aaska ayaa  ugu horreyn Tacsi u diray Eheladdii Qosykii uu ka baxay iyo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.
Macallimuu ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah ay ku sameyso Raggii ka dambeeyay Dilkaasi.
Sidoo kale Maxamed Ibaraahim Macallimuu Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta NOSOJ ayaa si kooban uga hadlay Tariikhda Marxuum Maxamed Ibraahim Gaabow.
Waxaana uu sheegay in uu ka mid ahaa Wariyeyaasha hal dooka ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, islamarkaana heerka koowaad, iyo labaad ee Jaamacadeed  uu ka qaatay gudaha Dalka iyo Dibaddiisa, isagoona dhaawan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ka hadlay Geerida ku timid Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow, iyagoo Cambaareeyay falkii lagu dilay Wariyahaasi.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/mm-1-300x225.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/mm-1-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/mm-1-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/mm-1-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/mm-1-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/3-34-1-225x300.jpg 225w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/3-34-1-696x928.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/3-34-1-315x420.jpg 315w" sizes="(max-width: 720px) 100vw, 720px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/1-36-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/1-36-696x392.jpg 696w" sizes="(max-width: 720px) 100vw, 720px" />
The post Sawirro:-Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo lagu Aasay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Sawirro:-Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maaNta lagu Aasay Qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ku dhintay qarax Gaarigiisa loogu xiray oo Shalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyed ee NOSOJ Maxamed Ibraahim "Macallimuu" oo ka hadlay Aaska ayaa ugu horreyn Tacsi u diray Eheladdii Qosykii uu ka baxay iyo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.
Macallimuu ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah ay ku sameyso Raggii ka dambeeyay Dilkaasi.
Sidoo kale Maxamed Ibaraahim Macallimuu Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta NOSOJ ayaa si kooban uga hadlay Tariikhda Marxuum Maxamed Ibraahim Gaabow.
Waxaana uu sheegay in uu ka mid ahaa Wariyeyaasha hal dooka ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, islamarkaana heerka koowaad, iyo labaad ee Jaamacadeed uu ka qaatay gudaha Dalka iyo Dibaddiisa, isagoona dhaawan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ka hadlay Geerida ku timid Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow, iyagoo Cambaareeyay falkii lagu dilay Wariyahaasi.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Lieberman Oo Sheegay in Carabta Isreal la Qaadaco...

0
0

Wasiirka difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa ku baaqay in la qaadaco muwaadiniinta Carbeed ee ku nool dalka Israa'iil sababtoo ah mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Maraykanka Donald H. Trump uu ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Israa'iil.
"Waa inay dareemaan inaan halkan laga doonayan meeshan kuma abtirsadaan" ayuu Lieberman u sheegay Raadiyaha Ciidanka.
"Waxaan ku baaqayaa inaanan waxba laga iibsan dukaamadoodu, iyo sidoo kale Umm al-Fahm, meeshan ma aha halkoodi, laakiin waa Ramallah," ayuu yidhi.Waxa uu intaa ku daray in uu rajeynayo in mudaaharaadyada iyo rabshaduhu ee ka dhanka ah go'aanka Trump ay dhammaanayaan.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Nin Mareykan AH Oo U Baxsaday Kuuriyada Waqooyi Oo...

0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Nin Mareykan AH Oo U Baxsaday Kuuriyada Waqooyi Oo Dhintay.
Askeri ka mid ahaan jiray ciidamada Mareykanka oo u goostay dhanka Kuuriyada Waqooyi, ka dibna 40 sanno u xirnaa maamulka Pyongyang ayaa dhintay.
Charles Jenkins, oo 77 sanno jir ahaa, ayaa qoyskiisa kula noolaa Japan, ka dib markii la sooaayay, 2004-tii.
Wuxuu ka mid ahaa afar askeri oo Mareykanka ka baxsaday 1960-maadkii, ka dibna wuxuu noqday jilaayaal caan ka ah aflaanta Kuuriyada waqooyi, balse keligii ayaa ugu dambeyn la sii daayay.
Nin kale oo ka mid ahaa afartaasi qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay Kuuriyada Waqooyi. James Dresnok ayaa lagu soo warramay in uu dhiig-kar u dhintay, 2016-kii.
Charles Jenkins wuxuu Isniintii ku dhintay jasiiradda Sado, halkaas oo uu kula noolaa xaaskiisa, Hitomi Sago, oo iyadana mar maxbuus u ahayd Kuuriyada Waqooyi.
Wuxuu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah, sida warbaahinta Japan ku warrameyso. Xaaskiisa oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ay "ka naxday geeridiisa", sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.
Wuxuu sheegay in uu filayay in safaaradda Ruushka uu magangelyo weydiista ka dib marka uu Pyongyang gaaro, ka dibna uu Mareykanka ku noqdo.
Habeen uu si aad ah isu daroogeeyay wuxuuna ka gudbay xadka, ka dibna wuxuu isu dhiibay ciidamada Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegay Mr Jenkins. Wuxuu xilligaasi ahaa 24 sanno jir.
Laakiin, Ruushka ma aysan ogoleyn in ay megengeliyaan dadka Mareykanka ah, wuxuuna ku sii jiray xabsiga Kuuriyada Waqooyi.
"Waxaan u maleynayaa in aan doqon ahaa. Alle hadduu samada joogo, halkaas buu i geyn lahaa," ayuu yiri Mr Jenkins oo 2005 wareysi siiyay warbaahinta CBS.
Waxaa raggaasi lagu qasbay in ay wax ka bartaan hoggaamiyihii hore Kim Il-sung oo ay bareen turjumaadda iyo luqadda Ingiriiska.
Waxay sidoo kale noqdeen dad la yaqaano ka dib markii ay jileen filim ay Kuuriyada Waqooyi ku dacaayadeysay reer Galbeedka. Waxay metelayeen xumaanta iyo shirqoollada reer Galbeedka.
Mr Jenkins wuxuu sheegay in la garaaci jiray, sidoo kale in jirkiisa lagu sameeyay tijaabooyiin dawo oo mararka qaar ahaa xadgudub naxariis darro ah. Waxay ahayd khibrad uu Mr Jenkins ku qeexay sida "cadaabta".
Qoyskiisa waxay degeen jasiiradda Sado ee Japan halkaas oo ah meesha ay ka soo jeedo xaaskiisa Ms Soga. Markii la sii daayay ka dib wuxuu shaqo ka helay beer loo dalxiis tago oo ku taalla jasiiraddaas.
Balse wuxuu dhibaato kala kulmay laqabsiga dunida casriga ah ka dib markii uu sannado badan ku xirnaa dal go'doonsan.
Wuxuu sheegay in uusan weligii kombuutar taaban, wuxuu sidoo kale la yaabay in uu arkay dumar badan oo ciidamada ku biiray iyo dad madow ah oo boolis ah, sida ay baahisay CBS.
Wuxuu ku xanuunsaday dawooyiinkii jirkiisa lagu tijaabiyay intii uu ku xirnaa Kuuriyada Waqooyi, cisbitaal ayaana la seexiyay ka dib markii la soodaayay, sida uu ku sheegay wareysigii ugu dambeeyay oo wargeyska Los Angeles Times uu ka qaaday bishii August.
Inkastoo meel amni iyo xor ah uu ku noolaa, Mr Jenkins wuxuu ku jiray cabsi uu ka qabay Kuuriyada Waqooyi. Wuxuu si joogto ah uga baqayay in isaga iyo qoyskiisa la dilo.
"Kuuriyada Waqooyi waxay dooneysay in aan dhinto," ayuu u sheegay Wargeyska Los Angels Times.
storvideo: 


Maxkamad ku taalla Australia oo Xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

0
0

Sydney ( Sh. M. Network )-Muwaadinkani oo lagu Magacaabo Rashid Mohamed Abuuh ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi ah, kadib markii lagu helay in uu Dalka Australia ka geystay falal la xariira Kufsi iyo Dhac intaba.
Maxkamad ku taalla Dakaasi ayaa dhageysatay eedaymaha loo heysto Ninkani oo ah in uu ku kacay fal Kusfi ah iyo Dhac.
Sidoo akle Maxkamadda ayaa sheegtay in markii la soo qabanayay Rashid Mohamed uu doonayay in uu u socdaalo Magaalada Muqdisho, balse gacanta lagu dhigay inta u soo Ambabixin.
Rashid Mohamed Abuuh ayaa inkiray in Soomaaliya uu aadayay, si uu uga baxsado Dalkaasi Australia
Ma’ahan markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaali la soo taago Maxkamad ku taalla Australia, waxaana badanaa Maxkamadaha Dalkaasi ka soo muuqda Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo heysto Dambiyo kala duwan.
The post Maxkamad ku taalla Australia oo Xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

Gaari looga shakiyay Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Muqdisho

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Neetwork )-Ciidamada Ammaanka Dowladda ayaa goor dhow 3 Gawaari oo mid kood looga shakiyay in ay saaran yihiin walxaha qaraxa ku qabtay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana Ciidamadu gabi ahaan ay xireen Wadadaasi, iyagoo dadka iyo gadiidka ka celinaya halkaasi.
Gawaarida laga shakiyay ayaa ah kuwa qaada Xamuulka, islamarkaana ay ku raran yihiin Coos iyo waxyaabo kale, iyadoona haatan baaritaano ay ku haayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
Halkan kala soco wixi soo korha
The post Gaari looga shakiyay Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Duqeyn ka dhacday gobolka Sh/Hoose

0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay duqeyn cirka ah lala beegsaday gaari nooca caasiga loo yaqaan ah oo marayay deegaanka Mubaarak.
Al-Shabaab ayaa ku sheegtay baraha taageera in gaarigaasi ay uu siday khudaar, dad rayid ahna ay weerarkaas wax ku noqdeen, laakiin saraakiisha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in gaarigaasi ay saaraayeen walaxaha qaraxa.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warrintan ka wareystay, gudoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeelaha Hoose, Cali Nuur.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:38
0:00:00 /0:02:38
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Soomaaliya oo fileysa in deymaha laga cafiyo

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fileyso in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga dhaafo, isla markaana la maalgashado Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay inay ka soo baxeen waxyaabihii looga baahnaa dowladda si loo siiyo deymo iyo deeqo dhaqaale.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay inay horumar ka sameesay habka maamaulka ilaha dhaqaale ee Dowaldda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay.
Wariyeheenna Axmed Xassan Colaad ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:53
0:00:00 /0:02:53
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Soomaaliya oo qarka u saaran in deymaha laga cafiyo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in kulamo ay la yeesheen madaxda hay'adda IMF kuwaa oo qaatay muddo Shan maalin ah loogana hadlay arrimaha la xiriira deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay wasiirka in maalmaha soo aadan la filayo in hay'adda IMF kasoo baxo war qoraal ah oo ku saabsan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay iyo sidoo kale arrinta ku aadan cafis loo sameynayo maadaama ay dowladda Federaalka kasoo baxday arrimo badan oo la hordhigay iney sameeyaan si looga cafiyo deymaha.
"Waxay dadka Soomaaliyeed ogsoon yihiin inaan heshiis kula jirnay hay'adda lacagta ee aduunka IMF, heshiiskaasi oo ah geeddi socod loo baahan yahay markaan meel ka gaarno in deymaha faraha badan leh ee la inagu leeyahay nalaga daayo ama habkii nalooga deyn lahaa wadadeeda la qabto iyo in lacagaha dalka horey loogumarinayo la inoo furfuro, waxyaabo badan baa markaa la inooga baahnaa inaan sameynno, geeddi socodkii kasoo bilaabmay bishii Shanaad ee ku dhammaanaya bisha Shanaad ee soo socota, laakiin imtixaankiisa ugu weyn uu ahaa iminka ayaan kasoo noqoney shirkeedi, geeddi socodkaasi dhowr qeybood ayuu u qeybsanaa, waxayse dulucdeedu ay tahay maamul wanaag dowladeed iyo gaar ahaan maamul wanaag xagga maaliyadda ah iyo ururinta lacagta, qarashka bixintiisa oo nidaam loo sameeyo iyo waxyaabo badan oo noocaasi ah ayaan heshiis kula jirnay, waxaa marka Shan maalmood aan joognay Nairobi, koox ka timid Washington oo hay'addaasi ah iyo Bankiga adduunka oo isna dhinac kaga jira iyo adduunyada oo dhegaha u taageysa Soomaalida bal waxa ay sameeyeen iney ka bixi karaan waxa la saaray, marka Shan maalin oo maalin walbo aroorti laga bilaabo illaa fiidki ayaan ku jirnay, waxyaabaha qaar aad bay inoogu adkeyd, laakiinse waxa bishaaradu tahay waxay weeye markii Shalay galab lasoo gabagabeeyey inaan kasoo baxnay waxyaabihii la doonayey inaan fulinno aan dhammaantoodba si wanaagsan u fulinney, shir jaraa'id ayeey qaban doonaan qoloda IMF, saakay ayeey noqonayeen, war-saxaafadeedna waa ay sameyn doonaan oo aan annaga Draft-giisa haynno" ayuu yiri wasiir Bayle.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo dedaallo badan oo dalka looga cafinayo deymaha lagu leeyahay, iyadoo dowladda hadda jirta ay ku guuleysatay in deymihii hore ee dalka lagu lahaa aanay wax kale kusoo darin.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live