Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ninka looga shakiyay weerarkii New York oo dacwad lagu oogay

$
0
0

Ninka oo asalkiisa ka soo jeedo Bangladeshi, Akayed Ullah, ayaa dhaawacmay markii "wax jirkiisa ku xirnaaa uu qarxay."


Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Ciidanka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Garoowe (SONNA), Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi wali Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad ku jirta.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaxaabiis Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+Sawirro

storvideo: 

Ninka looga shakiyay weerarkii New York oo dacwad...

$
0
0

Ninka looga shakisan yahay qarixii shalay ka dhacay meel basaska laga raaco oo ku taalla New York, Akayed Ullah, ayaa lagu oogay dacwado la xiriira argagixisanimo, sida booliska ay sheegeen.
Ninka oo 27-jir ah waa qaxooti ka soo jeeda dalka Bangladeshi, wuxuuna ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Manhattan, Isniintii.
Ullah ayaa laga daaweynayaan dhaawac halis ah, ka dib markii uu ku gubtay "wax jirkiisa ku xirnaa oo qarxay". Saddex qof oo kale ayay dhaawacyo fudud gaareen.
Laanta booliska New York ayaa shaacisay in Ullah lagu oogay dacwado la xiriira haysashada hub dembi lagu geystay, taageeridda ficilka argagixiso iyo "halis argagixisanimo".
Sida boolisku sheegeen, wuxuu u sheegay in ay dhiirageliyeen weeraradii xilligii masiixiyadda lagu qaaday Yurub, isagana uu xushay meesha basaska laga raaco ee Port Authority "ka dib markii uu arkay boorarka xafladaha masiixiyadda oo gidaarada ku dhegan", sida warbaahinta Mareykanka ku warrameen.
Ullah wuxuu sheegay "in weerarka uu qorsheeyay ka dib markii uu arkay diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya xarrumaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Suuriya iyo meelo kale", sidaas waxaa qoray wargeyska New York Times.

  • Shan saaxiibo ahayd oo lagu dilay weerarka New York
  • Trump oo dalbaday in la dilo ninka lagu tuhunsan yahay weerarkii New York

Dowladda Bangladeshi waxay sheegtay in Akayed Ullah uusan weligii dembi ka galin dalkiisa oo markii ugu dambeysay ee uu booqday ay ahayd bishii Sebtembar ee sannadkan. Wuxuu dalkaasi ku sugnaa lix isbuuc, sida adeerkii u sheegay wakaaladda wararka ee AP.
Xaaska Ullah, oo aan ku sugnayn Mareykanka iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah ayaa hadda la weydiinayaa su'aalo si loo fahmo qaabka lagu xagjireeyay.
storvideo: 

Madaxii Miino Baarista Puntland oo lagu dilay Qarax...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Garoowe (- Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta Qarax lagu dilay Madaxii Miino Baarista Puntland Col. Cisman Abshir ''Kabayare''.
Col. Kabayare, ayaa ku dhintay Qarax tan weyn oo loogu aasay agagaarka buuraaleyda Galgala ee gobolka Bari, xili uu ku sugnaa fariin ay ciidamada ku leeyihiin aaga.
Col. Kabayare, ayaa xiliga Qaraxa ku howlanaa howlgal lagu soo saarayay Miinada Qaraxday oo u muuqatay mid isaga iyo ciidamo la socday loo aasay.
Col. Kabayare, ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac culus oo markii danbe soo dadajiyay geeridiisa, waxa uuna Qaraxa ka haleelay dhammaan oogada jirkiisa.
Hay'adaha amaanka maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Qaraxa lagu dilay Col. Kabayare, waxaana jira warar kale oo sheegaya inuu jiro dhaawac culus oo soo gaaray Saraakiil kale.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca aaga Galgala ayaa waxaa inta badan ka danbeeya Kooxda Daacish iyo Al-shabaab oo halkaa ku leh Saldhigyo dhowr ah oo ay ku dhuuntaan.- OnlineXafiiska Garoowe-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somalia intelligence officials report suspected US...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
A senior Somali intelligence official says a suspected U.S. airstrike has largely destroyed a minibus travelling near a rebel-held village in southern Somalia.
The official says the strike by an unmanned drone occurred near Mubarak village in Lower Shabelle region late Monday night. The official spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media.
A second Somali intelligence official confirmed the airstrike, saying the vehicle might have been heading to the capital, Mogadishu, to carry out an attack.
There was no immediate comment from the U.S. Africa Command.
The U.S. military has carried out at least 30 airstrikes this year against the Somalia-based extremist group al-Shabab and a small but growing presence of fighters linked to the Islamic State group.
Source: AP
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

OIC top official calls for establishment of doctors’...

$
0
0

The secretary-general of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), Yousef Al-Othaimeen, has proposed the establishment of a voluntary network of Muslim doctors affiliated to the OIC to help alleviate the sufferings of those in need of medical assistance in member states.
He also called on all OIC member states to increase cooperation in the fields of drugs and vaccines to eradicate diseases. The OIC secretary-general made these proposals at the sixth session of the Islamic Conference of Health Ministers recently hosted by Saudi Arabia in Jeddah.
The conference discussed the Strategic Action Plan 2014-2023 of the OIC in the area of healthy lifestyles, prevention and control of communicable and non-communicable diseases, and disaster situations.
Turkey's Minister of Health Ahmet Demircan told Arab News: "Tukey has made considerable progress over the past 15 years in the field of health care, and we have been extensively sharing experiences with our sister countries through the OIC..."
"In the area of health care delivery, we jointly build and operate hospitals in our sister countries such as Somalia, Sudan, Libya, Gaza, and Kyrgyzstan.
We also deliver emergency health services after disasters such as the recent blast in Somalia; there were 34 severely injured civilians and we were able to bring them to Turkey and provide them with the care they needed," he said.
The Turkish minister stressed the readiness of Turkey to exchange its expertise and knowledge in various fields of health and pharmacy with member states.
He also discussed health and nutrition of mothers and children, self-reliance in the provision and production of medicines, vaccines and medical technology, as well as the health conditions of migrants, displaced people, and refugees.
One of the achievements of this conference was the establishment of a center of excellence for the OIC on vaccines and biotechnology products.
Mishaal Al-Rubaian, the Saudi Ministry of Health spokesperson, told Arab News: "The center has been markedly successful by the progress made by Indonesia as chair of the working group on vaccine manufacturing. It was established during the fourth session of the conference."
Source: - Arab News
storvideo: 

Halis cusub: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maaanta howlgal ka dhex fuliyay gudaha Jaamacadda Plasma ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Ciidamadan oo watay ilaa Seddex gaari ayaa gudaha u galay Jaamacadda waxa ayna halkaa kala soo baxeen laba arday oo la sheegay inay ka tirsanaayen maleeshiyaadka al-Shabaab balse ku dhuuman jiray inay arday yihiin.
Labada ruux ay lasoo baxeen ciidamada ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay u qaabilsanaan jireen basaasida Shaqaalaha ka tirsan dowlada ee dhigta Jaamacadda, iyagoo xiliyada qaar ay fulin jireen dilalka looga maarmi waayay, sida laga soo xigtay mid kamid ah Askarta howlgalka fulineysay.
Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday ardayda ku wargalinaayay inay is dajiyaan isla markaana u jeedkooda uu yahay shaqsiyaad kooban.
Sidoo kale, ciidamada howlgalka ku guda jiray ayaa waxaa wehlinaayay kuwo kale oo la sheegay in iyaguna ay baarayeen shaqsiyaadka kale ee laga shakiyo.
Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa ku dhex dhuunta meel waliba oo ay u shaqo doontaa shacabka, iyadoo sababta lagu sheegay inay ka dhiganayaan Kofar.
Dhinaca kale, waxaan ilaa iyo hadda howlgalkaan aan faahfaahin ka bixin Saraakiisha Hay'adda Amniga ee dowlada Federaalka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Muuse Biixi oo berri la caleemo saarayo

$
0
0

Munaasibadda dhaarinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13 kii November oo beri subaxda ka qabsoomaysa xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeisa ayaa la sheegay inay ka soo qayb galayaan wufuud kala duwan oo ka kala imanaysa wadamada Africa Europe iyo Dalalka carabta, kuwaasi oo sida ay VOA da u sheegeen masuuliyiinta qaban qaabada xafladda caleemo saarku ay ka mid yihiin safiiro, xildhibaano iyo wasiiro ka kala imanaya wadamo dhawr ah.
Madaxweynaha Berri xilka la wareegaya Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya madaxweynihii 5 aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991 kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3 aad ee si dimuqraadi ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan.
Halka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu noqonayo m/weyne ku xigeenkii 4 aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay.
Xafladda Caleemo saarka berri lagu qabanayo magalada Hargeisa ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee laba madaxweyne oo la soo doortay laba xili oo isku oo ka soo wada jeeda xisbi kali ah ay xilka la kala wareegaan.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo bishii July 2010 kii xilka madaxtinimo ku wareejiyay madaxweyanaha haatan talada ka sii degaya Axmed Maxamed Silaanyo oo kaga guulaystay doorashadii 26 kii June 2010 ayaa ka mid ah masuuliyiinta berri ka qayb galaya munaasibadda dhaarinta madaxda cusub.
Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo in musharaxiintii xisbiyada mucaaradka ee la tar tamay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ay ka soo qayb galayaan xafladda caleemo saarka iyo in kale.
Dadweynaha Reer Somalialand ayaa aad ugu dheg taagaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkasta oo aan ilaa hadda wax macluumaad ah laga haynin xubnaha ku jira golaha wasiirada Cusub ee madaxweyne Biixi soo dhisi doono, isla markana xukuumadda haatan xiligeedii dhamaaday iyo xukuumadda cusub ee la filayo in uu soo dhiso Madaxweynaha cusub ay ka soo wada jeedaan xisbiga Kulmiye, hadana shacbigu waxay ka filayaan in isbedel lagu sameeyo tirada wasiirada iyo tayada xukuumadda cusub.
Sidoo kale waxay dad weynuhu aad uga war sugayaan talaabada uu madaxweyne Biixi ka qaadi doono la dagaalanka Musuq maasuqa, wax ka qabashada shaqo la'aanta, tayaynta haayadaha dawladda, kor uqaadista adeegyada caafiamadka, wax barashada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Mudada Xilka Madaxweynaha iyo M/weyne ku xigeenka cusub waa shan sanadood oo ka bilaabmaysa marka ay maalinta berri ah si rasmi ah ula wareegaan loona dhaariyo xilka.
Caqabadaha hor yaala xukuumadda Cusub wax aka mid ah shacbi si wayn ugu kala qayb samay tar tankii xisbiyadu ay ugu jireen loolanka madax tinimo, sicir barar saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadka miyi iyo magaalo ba, abaaro ragaadiyay wax soo saarkii beeraha oo keentay in dad badani u baahan yihiin kaalmo kadib markii tacabkii beeruhu gabaabsi noqday iyo sidoo kale qabashada doorashada golaha wakiilada oo mudo dhaaftay , Doorashadii golaha deegaanka oo Iyana xiligii la qaban lahaa taagan, iyo golaha Guurtida oo aan ilaa hada la is la garan qaab lagu wajahayo, doorasho iyo soo xulitaan midka ay ku iman doonaan mudane yaasha golaha guurtidu.
storvideo: 


General Gorod Oo Booqday Xerada 54aad ee Taliska...

$
0
0

13th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Taliyaha guud ee ciidanka xooga Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod oo ay weheliyeen saraakiil ka socota wasaaradda gaarshaandhiga Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xerada 54aad ee ciidanka xooga Soomaaliyeed ee Puntland.
Kormeerka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo taliska qaybta 54aad oo dhammaan oo ay ku sugnaayeen ciidankii dowladda Puntland ku wareejisey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa bogaadiyey taliyaha iyo dedaalada uu kumidaynayo ciidanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Puntland ay mar walba ka shaqaynayso dhismaha Soomaaliya.
Dhanka kalena, taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya ayaa ammaanay ciidanka Puntland iyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabad diidka ah, wuxuuna balan qaaday inay ka shaqayn doonaan sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen.

Share this:
storvideo: 

Farmaajo oo ka degay garoonka diyaaradaha magaalada...

$
0
0

13th December 2017 admin Category :
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka aan caadiga aheyn dalalka ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka (OIC) ee maalinta bariya ka furmi doona isla Magaaladan Istanbuul.
Shirkan oo ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa looga hadli doona arrinta Qudus.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka aan caadiga aheyn dalalka ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka (OIC) ee maalinta bariya ka furmi doona isla Magaaladan Istanbuul.Shirkan oo ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa looga hadli doona arrinta Qudus.
Opslaet af Villa Somalia pa 12. december 2017

storvideo: 

STOCKHOLM Syndrome

$
0
0

13th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

STOCKHOLM Syndrome, cudurkan Soomaalidu horay uma ayna aqoon, waxaana Soomaalida baray madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas. Intaan Cudurkan STOCKHOLM Syndrome madaxweynaha Puntland Soomaalida u sheegin wuxuu ku dhacay oo aan la ogayn qayb ka mid ah bulshada ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag.
Hadaba Cudurkani muxuu yahay? Astaamaha cudurkan lagu garto ninka qaba waxa ka mid ah in ninka dhiba, dila uu dadka ugu jecel yahay . Waa Cudurka ay qabaan agoonta reer Maakhir oo ay aabayashood dileen SNM. Maantana dadka ay ugu jecel yihiin qofkii u sheegta Isaaq.
Qofka ugu caansan ee qaba STOCKHOLM Syndrome, sida madaxweynaha Puntland sheegay waa Cali Khaliif
[embedded content]
Post navigation
- Farmaajo oo ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Ma Xildhibaan Soomaaliyeed baa? -
storvideo: 

Ma Xildhibaan Soomaaliyeed baa?

$
0
0

13th December 2017 admin Category :
Daawo jabhad SNM ah, oo ka soo jeeda beesha Habar jeclo ee Isaaq, oo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu khudbadeenaya in Somaliland tahay Dawlad oo aan loogu yeedhi karin maamul goboleed. Haddii ay SNM dawlad tahay muxuu ka dhex qabanayaa Baarlamaanaka Soomaaliya? Sidoo kale munaafaqnimada Maareeye dadka ay ugu yeedhaan Walaweynta lacagta canshuurta looga soo ururiyey ayuu doonayaa in Hargaysa lagu qayilo. Walaweynta waa erey ay beesha Isaaq u yaqaaniin Soomaalida Koonfurta gaar ahaan beelaha Hawiye.
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Ciyaaraha Dagaalka kii ugu Xooganaa Sanadka ...

$
0
0

Marlon Morayes ayaa dhulka ugu tuuray ciyaaryahankii ka soo horjeeday Allegman Stirling, isagoo garaacay habeenkii kulankooda UFC Fight Night 123.
Murray ayaa Ku dhuftay Stirling's wajiga taas oo keentay inuu dhulka ku dhaco isaga oo dawakhsan.
Dad badan ayaa rumeysan in tani noqon karto tii ugu xoogga badanayd goobaha dagaalka ee sanadkan.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Lieberman oo Ku qeexay xildhibaanada Carbeed ee...

$
0
0

Wasiirka gaashaandhiga Israel Avigdor Lieberman ayaa ku tilmaamay xubnaha ka tirsan Carabta ee golaha Knesset inay yihiin "dambiilayaal dagaal".
Weerarka Lieberman ayaa yimid ka dib markii xildhibaanada Carabta ahi ee ka soo horjeeda ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay ku sheegeen dambiile dagaal uguna baaqeen in la hor keeno Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada oo awood leh.
Waxayna kale oo ku dareen in haysashada sharci darrada ahi ay ku saleysan tahay dambiyada dagaalka iyaga oo tixraacaya qabashada Falastiin 50 sano ka hor.
"Halkan joogitaankiinu waa qalad waxaad ka faa'iideysanaysaan daciifnimada iyo mudnaanta dawlad dimuqraadi ah inaad na baabiisaan, wakhtiguna wuu iman doonaa aydaan joogi doonin," ayuu Lieberman u sheegay xildhibaannada Carabta.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Faransiiska oo ka mamnuucaya Dugsiyada Telefoonada...

$
0
0

Wasaaradda Waxbarashada ee Faransiiska ayaa go'aansatay in ay ka mamnuucdo taleefannada casriga ah dugsiyada laga bilaabo Sebtembar sanadka soo socda, qorshahan oo ka mid ahaa ololahii doorashada madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron.
Wasiirka Waxbarashada Faransiiska Jean-Michel Blancier ayaa sheegay in mamnuucidda telefoonada smart-ka ay ku dhiirrigeliso carruurta inay dibedda ku ciyaaraan inta lagu jiro nasashada iyo qadada iyo in xannibaadda telefoonnadu ay yareyn karaan dhacdooyinka internet ka.
"Maanta, carruurtu ma ciyaaraan waqtiga nasashada sidii hore, waxay dhammaantood mashquul ku yihiin telefoonadooda, waxbarasho ahaan taasi waa qalad," Blancier ayaa sidaas yidhi.
Dugsiyada Faransiisku waxa ka mamnuuca carruurta in ay isticmaalaan telefoonnada gacanta fasalada dhexdooda, laakiin ma aha mamnuuc isticmaalka telefoonnada waqtiga qadada iyo saacadaha u dhexeeya xisaska.
"Telefoonnada ayaa lagama maarmaan u ah xaaladaha degdegga ah, sidaa darteed way joogi doonaan, laakiin waa la mamnuucay," ayuu yidhi Blancier.
Mamnuuciddu waxay saamayn doontaa iskuulada hoose iyo dhexe, halka carruurtu dugsiyasada sare sii isticmaali doonaan..
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Dagaal culus Iyo isku dhacyo qabiil ah oo ka socda...

$
0
0

Tirada dadka ku dhintay iskudhac u dhaxeeya laba qabiil oo ka mid ah gobollada galbeedka ee waddanka South Sudan todobaadkii hore ayaa kor u kacay illaa 170 kadib markii ay hore u ahayd 45, sida uu sheegay sarkaal koonfurta Sudan ah.
Iskudhacyada qabaa'ilka iyo rabshadaha ayaa ka socday Wadanka ay Googooyeen Dagaalada sokeeye ee South Sudan muddo afar sano ah,
"Waxaa dhintay in ka badan 170 qof oo labada dhinac ah, 342 guri ayaa la gubay iyo qiyaastii 1,800 oo barokacay," ayuu yidhi Durai Mapur Tani oo ah xubin Baarlamaan oo Deegaankaas ahi una sheegay Wakaalada Wararka Reuters.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Dollar Faalso ah si Heer Sare ahna loo Farsameeyey ...

$
0
0

Waxaa jira shaki sii kordhaya oo ah in North Korea ay samayso lacag Faalso ah oo ah noodhka Boqolka Dollar ah $ 100 , qaab aad u qarsoon oo aan la garanayn, kadib markii tiro ka mid ah laga helay South Korea.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Telegraph, khubaro lacagta Faalasada ah ee bangiga KAPHANA ee Korea da Koonfureed ayaa fashiliyey Noodh $ 100 Faraca ama laanta BaankaSeoul bishii November.
Helitaanka kooxda ayaa walaac ka muujiyay Koonfurta Kuuriya, sababtoo ah mas'uuliyiinta ma oga in haddii ay jiraan waraaqo isku mid ah oo ku baahsan dalka oo dhan.
Noodhka ayaa 2006 waxaana loo sameeyey si aad u saraysa marka loo eego dhinaca khadka iyo warqada. Midabka waraaqda ayaa isbeddelaya marka loo dhigo iftiinka, sida waraaqda dhabta ah ee $ 100.
Marka tayada Noodhka la xaqiijiyay, Waqooyiga Kuuriya ayaa markiiba noqoday tuhunkii ugu horreeyay, oo markii hore caan ku ahayd Sawiraada ama Faalsaynta lacagaha caalamiga ah si loo sugo lacagta dawladda .
Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale u muuqata in ay qabto baahi weyn oo dhaqaale maaliyadeed ah, ka dib markii cunaqabateen caalami ah ay ku jirtay sababtayna barnaamijkeeda nukliyarka, taas oo u keeni karta lacagaha been abuurka ah inay samayso.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Faah faahinno ka so baxaya qarax ka dhacay Gobolka Gedo

$
0
0

Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Fax faxdhuun ee Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay Guriga Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow, waxaana ku dhawaacamay 2 Qof oo ay midi tahay Gabar uu dhalay Guddoomiyahaasi.
Guddoomiyaha Deegaanka Fax Faxdhuun Aadan Shuqul Nuunow oo la hadlay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in ay baritaan ku hayaan qaraxaasi, oo an weli la ogeyn Nuuciisa waxa uu ahaa.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/cod-faafaxdhuun-Qarax-1.mp3
The post Faah faahinno ka so baxaya qarax ka dhacay Gobolka Gedo appeared first on Shabelle.

Somali Parliament approves 2018 budget

$
0
0

The Lower House of the Federal Parliament of Somalia has passed the 2018 budget during Wednesday’s session in Mogadishu.
The Federal MPs unanimously voted in favor of the new budget submitted by the Ministry of the Finance, giving the Federal Government a go-ahead to continue its operations.
During the session, 162 lawmakers endorsed the budget out of the 164 present, 1 rejected while 1 obtained from voting, according to the first deputy speaker Abdiweli Ibrahim.
The finance minister Dr Abdirahman Dualle Beyle has thanked the legislators for the approval of the budget and promised for accountability and transparency.
The post Somali Parliament approves 2018 budget appeared first on Shabelle.

Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo Shirweyne Qaran...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, kana dhacay Hotel Jazeera Magaalada Muqdisho Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah 12 ka -13 ka Disembar 2017.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed, waxayna kala yihiin:-
Ururka Qareenada Soomaaliyeed, Madaxda Hey'adda UNSOM ee arrimaha Caddaaladda iyo Asluubta, Hey'adda IDLO, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Dowlad Goboleedyada dalka kajira sida Puntland, Galmudug, Jubbaland,Hirshabeele iyo Koofur galbeed, qaar ka mid ah ku-xiggeenada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Guddiga Garsoorka ee Golaha shacabka, Guddiga Garsoorka ee Aqalka sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda iyo marti sharaf kale.
Ujeedka shirku waxa uu ahaa in laga doodo Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed iyo in la abuuro Dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan xirfadleyda Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed si dalladaas loogu ilaaliyo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
Dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aanaan halkaan ku soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri:-
Taliye Xiggeenka Boliiska Soomaaliyeed Generaal Bashiir: "waa muqadas xiriirka ka dhexeeya booliska iyo Xafiiska xeer-ilaalinta dalka, Xeer-ilaalintu waxay talo siisaa, saxdaana Boliiska, sidaas darteed waxaan farayaa dhammaan Boliiska Soomaaliyeed in ay raacaan kuna dhaqmaan talooyinka Xeer-ilaalinta dalka".
Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mr. Xuseen Xasan Xaaji
"Waxaan u baahannahay in aan dalkeena burburka ka soo kabanaya caddaalad ugu Shaqeyno, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo olole ku aadan caddaaladda dalka, haddii caddaalad la helo waxaa meesha ka baxaya musuqmaasuqa, amni darrada, iyo maamul xumada."
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka aqalka sare Xil. Faadumo Xasan "Walaalayaal caddaaladda ha laga shaqeeyo, xabsiyada hala booqdo".
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir "qofka Soomaaliga ahi waxa uu caddaalad u aqoonsan yahay sida uu isagu u arko in ay ku jirto maslaxadiisa bedelkeedana caddaalad darro ayuu sheeganayaa"
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Dr. Ibraahim Iidle "Oraah baa tiraahda Ilaahey waa ilaaliyaa Dowlad caadil ah Muslimba yey ahaanine, yabooha/ ilaalinta Alle ma hesho Dowlad aan caadil aheyn Muslimba ha ahaatee, Caddaalad waxay ka timaadaa marka la xaqiijiyo sareynta Sharciga, Sareynta sharcigu waxay laf dhabar u tahay Dowlad wanaagga, iyo jiritaanka amniga."
Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka soo socda:-
1- Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo hey'adaha gacanta ka geystay sida UNSOM iyo IDLO.
2- In ay adkeeyaan xiriirka ka dhexeeya Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed.
3- In ay lagama maarmaan tahay sameynta dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Xeer-ilaaliyeyaasha Dalka, dalladaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, iyo sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, dalladdu waxay wax weyn ka qabaneysaa dhisidda, kobcinta, iyo tayeynta Xeer-ilaaliyeyaasha, abuurista Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Dowlad gobaleedyada, kuwa aan lahayn xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa oo kaliya.
4-Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qeyb gashay waxay doorteen Guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood, oo sameyn doona Xeer-hoosaadka iyo qaab dhismeedka Dalladda Guud oo ay ku midoobayaan Xeer-ilaaliyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad-gobaleed.
5-Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Dalladda, iyo mid afar biloodle ah oo ay yeelan doonaan gudiga maamulka Dalladda, laguna qaban doono dhammaan Xarumaha Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee soomaaliya, qaab meerto ah.
6-Shir-waynuhu waxa uu si buuxda u taageeray dib u habeynta hannaanka caddaaladda dalka, sidoo kale dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen lagama maarmaan-nimada ka qeyb qaadashada, hogaaminta, iyo go'aan ka gaarista hannaanka caddaaladda gaar ahaan qeybta kaga aadan xiriirka ka dhexeeya Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo qaab dhismeedkooda heer Federaal iyo heer Dowlad-gobaleed intaba.
7-Shirweynuhu waxa uu si xoog leh u taageeray go'aankii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Amniga Qaranka ee Hannaanka Caddaaladda dalka oo ku saleysnaa habka isku dhafka oo afka qalaad loogu yeero (Mixed System), waxa uuna shirweynuhu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo dardaro geliyo dhameystirkiisa.
8-Shir-weynuhu waxa uu garwaaqsaday doorka la taaban karo oo ay Haweenka Xeer- ilaaliyeyaasha ahi ku leeyihiin Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka, sidoo kale waxaa leysla gartay in Haweenku qeyb lixaad leh ka ciyaaraan hirgelinta iyo habsami u socodsiinta howlaha xafiisyada Xeer-ilaalinta heer Federaal iyo Heer dowlad-gobaleed, sidoo kale shir-weynuhu waxuu dhiirigeliyey in la fududeeyo lana taageerodoorka haweenka.
9- Shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciga dalka u dhigan.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live