Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali National Security Forces get training on...

$
0
0

The British Embassy in Mogadishu in coordination with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) trained 32 Somali security sector personnel on gender equality and human rights with the aim of aligning national security forces to international human rights law.
The training was aimed at institutionalizing a gender module in the training and preparation of Somalia National Security Forces with the overall objective of ensuring that AMISOM and Somalia National Security forces operate under the global and regional norms established by the African Union and the United Nations. The training also aimed at promoting participation and leadership of women in the security sector, which has traditionally been dominated by men.
Speaking at the opening ceremony, the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission (SRCC) for Somalia and Head of AMISOM, said Ambassador Francisco Caetano Madeira.
The course, developed in conjunction and partnership with Somali gender experts and in consultation with other partners working in the security sector, was delivered by local trainers who had earlier been trained through UK funding.
The Deputy Minister of Defence, Honourable Olad Abdullahi Roobe, opened the course and announced the establishment of a Gender Directorate in the Ministry of Defence, a positive announcement following months of lobbying from earlier trained Somali trainers.
storvideo: 


Faah faahinno ka so baxaya qarax ka dhacay Gobolka Gedo

$
0
0

Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Fax faxdhuun ee Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay Guriga Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow, waxaana ku dhawaacamay 2 Qof oo ay midi tahay Gabar u dhalay Guddoomiyahaasi.
Guddoomiyaha Deegaanka Fax Faxdhuun Aadan Shuqul Nuunow oo la hadlay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in ay baritaan ku hayaan qaraxaasi, oo an weli la ogeyn Nuuciisa waxa uu ahaa.Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/cod-faafaxdhuun-Qara...
storvideo: 

Somali Parliament approves 2018 budget

$
0
0

The Lower House of the Federal Parliament of Somalia has passed the 2018 budget during Wednesday's session in Mogadishu.
The Federal MPs unanimously voted in favor of the new budget submitted by the Ministry of the Finance, giving the Federal Government a go-ahead to continue its operations.
During the session, 162 lawmakers endorsed the budget out of the 164 present, 1 rejected while 1 obtained from voting, according to the first deputy speaker Abdiweli Ibrahim.
The finance minister Dr Abdirahman Dualle Beyle has thanked the legislators for the approval of the budget and promised for accountability and transparency.
storvideo: 

Akhriso Dowladda Soomaaliya oo xil nooc cusub ah u...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Dowladda Soomaaliya ayaa xil nooc cusub ah u magacawaday xildhibaan iyo wasiir hore C/samad Macalin Maxamuud.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu sheegay in Mudane Cabdisamad uu noqon doono isku-xiraha wadi doona dib u heshiinta, dhexdhexaadinta iyo dhameystirrka heshiiska maamullada Galmudug iyo Ahlu suna.
C/samad oo uu dhalay hoggaamiyaha guud ee Ahlu suna ayaa horeba qeyb uga ahaa arrintan, waxaana hadda uu noqonayaa ergey ay magacawday dowladda Federaalka si looga mira dhaliyo isku biirka labada maamul.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta Booqday Wasaaradda...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.
Ra'iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ugu hambalyeeye guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay'adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP, kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.
Madaxda Hey'adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo Shirweyne Qaran ku yeeshay Magaaladda Muqdisho "Sawirro"

storvideo: 

Culumada Soomaaliyeed oo si muuqata ugu soo biiray...

$
0
0

Boosaaso (Caasimadda Online) - Muddadaan waxaa soo kordhaya walaaca ay ka qabaan inta badan Culumada Soomaaliyeed mustaqbal iyo aayaha dalka, iyaga oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in dalkan la geliyu gumeys cus oo ay horseedayaan siyaasiyeen u adeegaya dalal shisheeya.
Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culumada sida weyn caanka uga ah dalka ayaa Masjidka Huda ee magaalada Boosaaso waxa uu ka sheegay in uu socdo qorshe ay wadaan wadamo Carab ah oo lagu doonayo in lagu kala qeybsado Soomaaliya.
"Dad waxaa jira lacag lasoo siiyey sida uu Sheekh Nuur Baaruud sheegay oo markii ay waayeen Madaxweyne iyo Raiisul Wasaare is-qab qabsada hadda u rogay in ay labadaba wada ridaan. Hadda arrinka socda ayaa ah in Raiisul Wasaaraha la rido kadibna Madaxweynaha lagu xejiyo, arrinkan oo ay ka shaqeynayan dad Carab iyo Islaannimo sheeganaya."
Sheekh Daahir ayaa sheegay in is-qab qabsiga Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, siyaasiyiinta lacagta la soo siiyey ee khalkhalka ku haya xasilloonida siyaasadeed ee dalka iyo Baarlamaanka dheef-raadiska ah ay kaalin weyn ka qaadanayaan hirgelinta qorshahan khatarta ku ah jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
"Arrintaasi hadii ay sii socoto, anigu waxaan ka baqanayaa in la ina qeybsado, meesha aan ku naalana waa jidkii uu marayey Caalamka oo dhan, waa la ina qeybsanni carab ayaana wata. Inaga iyo Carab maxaa ina dhex yaalla, ogaada wax ay inoo qabatay ma jiro laakiin waayahan dambe ilaa Kismaayo ilaa Lowya-cadde iyo inta u dhaxeysa Carab baa dhex yaaceysa, bal hadda maxaa Carab nagu soo kiciyey."
Sheekhu waxa uu farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku tilmaamay in qorsheyashan ay wataan dalal gaalo ah iyaga oo ku shaqeysanaya Carabta ajandeyaasha muranka badan ka wada dalka.
Sidoo kale, Sheekh Daahir Aw-Cabi waxa uu si kulul uga hadlay Baarlamaanka iyo mowqifka ay ka taaganyihiin qorsheyaasha khatarta leh ee shisheeyuhu u malegayan dalka.
" Nimankan Baarlamaanka ah dadka halaga qabto, Calooshood u shaqeystayaal weeye. Dad baa lacag soo siiyey, waxayna rabaan iftiinka yar ee u soo baxay Soomaaliya in ay damiyaan. Waxaa la rabay in ay gurigii Soomaaliya ay dhisaan oo dadka isu soo dhaweeyaan, wixii la kala tabanayey bal in la dhayo oo wax uun bal la isla ogalaado, wixii Soomaaliya la oran jiray in la badbaadiyo iyadoo maanta mareysa nimanka raba in ay kala daadiyaan ma idinla saxan yihiin.?"
Dhanka kale, Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ku gacan seeyrtay siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood xubno ka yihiin Baarlamaanka FS kuwaas oo doonayey in Culumadu ay goonni ka istaagaan arrimaha siyaasadda dalka balse arrinkan si weyn ayey uga soo horjeesteen Culumada iyagoona sheegay in samata bixinta dalka ay tahay masuuliyad qaran, diintuna ay waajib kaga dhigtay qof kasta.
Culumada sida weyn uga soo horjeedda kooxaha mucaaradka ah waxaa ka mid ah Sheekh Nuur Baaruu Gurxan oo si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay tahay in ay diidaan shakhsiyaadka dalalka shisheeya lacagta ka soo qaatay ee ka soo horjeeda Xukuumadda.
Shakhsiyaadka mucaaradka ku ah Dowladda Nolol iyo Nabad ayaa culeys badan waxa uu kaga imaanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada oo aaminsan in dowladdu ay qaaday tallaabooyin soo celiyey dowladnimadii Soomaaliya iyo maaqamka ay ku lahayd Dunida, Sidoo kalena wax badan ka qabatay ammaanka iyo dhaqaalaha dalka, haatanna aan a la joogin wakhti la is-mucaarado dalkana jahwareer siyaasadeed aan la gelin.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Shirka 37aad ee Midowga Idaacahada Dowladaha Carabta...

$
0
0

Shirka 37aad ee Midowga Idaacadaha dowladaha Carabta ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Tunis ee caasimadda Dalka Tunisia, kaasi oo looga hadlayay horumarinta Warbaahinta Carabta iyo sidii loo tayeyn lahaa. Kulanka oo mid sanadkiiba mar la qabto isla markaana socday 11-ka ilaa iyo 13-ka oo ah muddo saddex cisho ayaa waxaa lagu casuumay oo [...]
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Diiradda Shabelle Qeybta Garsoorka


Ra’iisul wasaare Kheyre oo Kormeeray Xarunta...

$
0
0

Ra'iisul wasaare Kheyre oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda
Dec 13, 2017 -

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.
Ra'iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ugu hambalyeeye guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay'adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP, kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.
Madaxda Hey'adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Shiikh Muqtaar Roobow oo ka degay Kismaayo

$
0
0

Roobow ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.
Ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro wadatashi uu la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay xilli ka wada tirsanaan jireen Al-Shabaab.
Sawirro laga soo qaaday markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ayaa waxa ay muujinayeen safarka Wadaadka inuu ku wehliyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo ay isku heyb yihiin Roobow, sidoo kalena ahaa ninkii Xudur ka keenay bishii August.
Sheekh Roobow ayaa dhowaanahan ku sugnaa degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo uu kala soo hadlay sidii loo xoojin lahaa Dagaalka Shabaab, sidoo kalena wax looga bedeli lahaa Istiraatiijiyada hada lagula dagaalamayo.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Roobow intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo in ay isa soo dhiibeen shaqsiyaad qaab dhuumaaleysi ah uga tirsanaa ururka Al-shabaab, oo u badnaa Ganacsato, kuwaasi oo cadaadis uu saaray Roobow ay sababtay in ay banaanka is keenaan, maadaama wadaadka uu yaqaano xubnaha sida qarsoodiga ah Shabaab uga tirsan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Erdogan: Qudus waa “in ay noqoto caasimadda Falastiin”

$
0
0

Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay "caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin"
Hadal kuu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go'aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil in uu yahay "waxba kama jiraan".
Erdogan ayaa markale Israa'iil ku dilmaamay "dalka argagixisada".
Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas ayaa sheegay in "Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda".
"Ma ahan in aan aqbalno in Mareykanka uu door ku yeesho geedi socodka nabadda. Waxay caddeeyeen in ay si buuxda ugu xaglinayaan dhanka Israa'iil," ayuu ka sheegay shirka.
Magaalada Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka ka dhex taagan Falastiin iyo Israa'iil.
Magaalada waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yahuudda.
Israa'iil ayaa hadda maamusho dhammaan Qudus, horey waxaa u maamuli jirtay Urdun. Yahuudda ayaa qabsaday magaalada intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii, waxayna u araktaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala qeybin karin.
Falastiiniyiinta waxay sheegayaan in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda, balse waxay ahayd in looga xaajoodo kulamada keedi socodka nabadda.
Caalamka weli muusan aqoonsanin in Israa'iil ay u madaxbannaan tahay Qudus, dalalka oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaan magaalada Tel Aviv.
Si kastaba, madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka uu safaaraddiisa u rari doono magaalada Qudus.
Istiraatiijiyad la'aanta
Arrinta xaqiiqada ah waxay tahay in Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta uu la yaab ku noqday go'aanka Trump, kaas oo aan qeyb ka ahayn istiraatiijiyadda Bariga Dhexe.
Daawo: Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?
Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo ah in Trump uu adeegsanayo xeelad uu qalqal ku abuurayo si uu waddada ugu xaaro wadahadallada nabadda.
Balse waxaa aad u cad in uu diiradda saarayo fulinta wixii uu Israa'iil u ballanqaaday xilligii ololaha siyaasadda uu ku jiray markii uu codka ka raadsanayay Yahuudda Mareykanka deggan iyo masiixiyiinta diintooda ku adag.
Sida laga soo xigtay illo kala duwan, Mr Trump waxaa ku jahwareeray mucaaradidda kooxdiisa amniga qaran oo Isniintii ka dooday fursadaha dhanka amniga iyo in raro safaaradda Mareykanka.

Saraakiisha waxay sheegeen in madaxweynaha uu aqbalay in uu saxiixo qorshaha dib loogu dhigayo raridda safaaradda, balse wuxuu aqoonsaday in Qudus ay caasimad u tahay Israa'iil iyo in la billaabo hannaanka lagu rarayo safaaradda.
"Iyadoo madaxweynayaashii hore ay ololaha ku ballanqaadeen arrintan," ayuu yiri Mr Trump oo guul ku tilmaamay tallaabadiisa, "Way ku fashilmeen in ay fuleen. Maanta, aniga ayaa fulinaya", ballanqaadkaasi, ayuu yiri.
Waa arrin masiixiyad ah
Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionMike Pence, madaxweyne ku xigeenka oo eegaya Trump oo bandhigaya siyaasaddiisa Qudus.
Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa dhoola cadeynayay markii Trump uu ku dhawaaqayay go'aankan wax wayn ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Pence waa nin si wayn galaangal ugu leh in Trump uu ku qanciyo in uu raaco wixii uu ololaha ku ballanqaaday, waana nin ay siyaasaddiisa ka muuqato sida uu ugu adag yahay diintiisa masiixiyadda iyo wuxuuna aaminsan yahay madaahibta Evangelicals, kuwaas oo taageera xushmeynta Israa'iil.
Taasi maysan dabamarin xildhibaan Falastiini ah oo masiixi ah, Hannan Ashrawi. "Allahey iima sheegin waxa uu isaga rabbigiisa u sheegay," ayey tiri xilli ay wareysi siineysay BBC-da.
"Anagaa ah masiixiyiinta saxda ah, waana inaga kuwa dhulka leh, anagaa boqollaal sano ku nooleyn dhulkan. Sidey ugu dhiiran karaan in ay ii yimaadaan oo iisheegaan bible-ka iyo waxa uu qabo!"
Dhanka kale, si lama filaan ah ayuu Mr Zomlot isugu deyay in uu adeegsado kaarkiisa masiixiyadda, iskuna xiro Beytullaxam iyo Capitol Hill. Wuxuu dadka u ololeeya Falastiin u sheegay in "nabi Ciise uu yahay hadiyad la siiyay Falastiin", si taasi uu taageero ugaga helo Masiixiyiinta Mareykanka.
Tijaabinta Bariga Dhexada cusub
Siyaasadda cusub ee Trump waxaa ka dhalatay caro ballaaran oo ka timi dunida Carabta iyo Islaamka iyo xulafada Mareykanka.
Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil.
Urdun iyo Sacuudiga oo isu arka in ay yihiin ilaalada dhulka barakeysan ee Islaamka ayaa soo saaray digniin ah in arrintan ay hurin doonto Dunida Islaamka.

Laakiin kacdoonkii Carabta ayaa sababay in muhiimmaddii Falastiin ay meesha ka baxdo waxaana loo weecday arrimo muhiim ah sida Iraan iyo dhibaatada dalalka Khaliijka.
Sidaa aawadeed, Falastiiniyiinta waxay qaadeen tallaabo xoogaa u muuqatay mid caqliyeysan oo ay kula shaqeynayaan Israa'iil, waxayna u baahnaayeen in Trump uu ku lug yeesho.
Haddii dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay qeylada sii wadaan ayagoo aan ficil ku darin, tijaabadan cusub ee lagu sameeyay waxay dhalin doontaa gobol la dhoho Bariga Dhexada cusub.
Arrinta waxay salka ku haysaa laba dal
Marka la is hor fariisto, su'aasha ma noqoneyso in caasimadda Israa'iil ay tahay Galbeedka Qudus? Balse waxaa laga doodi doonaa in dhulka lahaysto ee Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Mr Trump ayaa arrintaasi ka dhigay mid macquul ah isagoo sheegay in maamulkiisa uusan go'aan rasmi ah ka qaadan goobaha barakeysan, "sida xudduudaha ay Israa'iil u madax bannaan tahay ee Qudus, ama xallinta goobaha la isku haysto".
Taasi waxay muujineysaa in Falastiiniyiinta ay sheegtaan Bariga Qudus weli looga hadli karo wada xaajoodyada. Balse ma uusan kala cadeyn Mr Trump arrintaa, sidoo kale ma uusan ka hadlin in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la helo laba dal oo deris wanaag uu ka dhexeeyo.
Taasi bedelkeeda, wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xalka noocaas ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan: ma ahayn sinnaan la'aanta ay Falastiiniyiinta raadinayeen.
Ugu dambeyntii Trumo waxba uma ballan qaadin Falastiiniyiinta, hadalkiisa oo dhanna wuxuu ahaa mid uu ku taageeray, awoodna ku siiyay Israa'iil.
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Maalinta berri ah...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas'uuliyiin ka socda Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in uu Khamiista berri ah booqdo waqooyiga iyo Koonfurta magaalada gaalkacyo.
Wefdiga ayaa la kulmaya mas'uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee ku sugan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo,iyagoo kala hadli doona arrimaha amniga iyo heshiisiinta bulshada gobolka Mudug ee ay kala fogaysay colaadda qabiilka ku salaysan.
Taliyaha iyo wefdigiisa oo Isniintii soo gaaray magaalada Garoowe ayaa shalay booqday xerada 54aad oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidankii dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya,kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2400 askari.
Wefdiga oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa dhinaca kale kulan aan la shaacin Maanta la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland,sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helnay.
PUNTLAND POST
The post Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Maalinta berri ah booqanaya gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul...

$
0
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ku Hishiiyay in ay adkeeyaan Xiriirkooda oo heer walba leh, Hishiiskaasi wuxuu ka dhacay Magaaladda Istanbuul oo ay ku kulmeen Madaxda Soomaaliya iyo Pakistan.
Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi iyo ra'iisulwasaarha Pakistaan Shahid Khaqan Abbasi oo kal qayb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Magaaladda Istanbuul Maanta ka furmay ayaa Kulankooda waxaa ay kawad hadleen Dana iyo xiriir Labada Wadan ay Dagaan, sida lagu Daabacay Website Pakistaan laga leeyahay oo Dispatch News Disk lagu Magacaabo.
Horumarinta Xiriirka Dublamaasiyadeed iyo Abuurista Jawi ganacsi ayaa ugu waaweeynaa Qodobadii ay Masuuliyiinta Labadda Dal kawad Hadleen.
Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo ra'iisulwasaarha Pakistaan Shahid Khaqan Abbasi ayaa ka Qayb galaya Shirka ay Madaxda Islaamku ugu Arrinsanayaan Xaaladda Qudus iyo Go'aankii Trump uu ugu Aqoonsaday in tahay Caasimadda Israaa'iil.
Shirkaan aan Caadiga ahayn waxaa ka Qayb galaya madaxda ka kala Socota 26 Wadan, Hugaamiye yaasha isu Yimid ayaa waxaa ay caddeeyn Doonaan go'aankooda iyo Moqfiskooda ku Wajahan Wadanka Mareeykanka iyo israa'iil.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxdu ay kawada Hadlaan Nuuca Taageero ee ay Ufidin karaan Muslimiinta ku jira Gacanta Yahuudda ee Reer Falastiin.
Madaxweeyna Turkiga Rajib Dayib ordogaan oo Ku Baaqay Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Canaan iyo cambaaareeyn kala Dul Dhacay Wadanka Mareeykanka, wuxuuna Go'aankiisa ku Tilmaamay mid horseedi Doono cawaaqib a La Mahdin.
Ordogaan oo Shirka ka Hadlaya aya sheegay in Mareeykanku uu kiu Talo Galay in uu Qudus Siiyo Israa'iil, wuxuuna Hadalkiisa Raaciyay "inaguna waa in aan Falantiin u Aqoonsanaa Wadan, Qudusna waa in aan u Qoonsanaa caasimadda Falastiin"
Madaxweeynaha turkiga ayaa Sidoo kale Wuxuu Madaxda u sheegay in Lagama maaarmaan ay tahay in Wadamadda islaamka ah ay ilaashadaan Magaaladda Qudus, Wuxuuna Yiri "Qudus waa barta Guduudan ee islaamka waanna ka difaaceeynaa in ay israa'iil Qaadato"
Madaxweeynah Falstiin Maxamuud cabaas oo Shirka ka Hadlay oo isaguna shirka hadlaya ayaa sheegay in go'aankii Mareykanka uu san ahayn mid Horseedayaxal ay gaaraan Wadamadda Falastiin iyo Israa'iil, Wuxuuna ku tilmaamay in Mareeykanku uusan dooneeynin Hishiis dhex mara lbada Dhinac.
storvideo: 

Lacagtii Shilin Soomaaliga Qaarkeed oo Afka ku soo...

$
0
0

Lacagtii Shilin Soomaaliga Qaarkeed oo Afka ku soo Hartey
Dec 13, 2017 -

Sazkey ayaa Gabar aan Deris nahay oo Teleefon kula hadleyso Gabadheeda si ay reerka ugu soo adeegto ayaa waxaan aad ula yaabey Iyadoo leh Boqol Shilin oo Kabsar ah, Boqol Shilin oo jeex Basal ah , 100 Shilin Basbaas ah,Shan Boqol Shilin oo Liin ah, iyo Shan Boqol Shilin Baradho ah
Markii ay adeegii ay dhameysey baan ku iri "Faadumooy sidee wax u jiraan maanta waan kuula yaabey markaas bay tiri " oo sidaa ayaa iila yaabtey" waxaan ku iri "Waxaan kaa Maqlayey Lacag waa hore iigu dambeysey Maqalkeeda oo ku adeeganeysid " Markaas bay tiri" Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Lacagtaas aan tirinayey ku soo hartey Afka oo keliya una eg tahay u Niyeeso.
Waxaan weydiiyey Hadii jajab soo Haro marka la isku daro adeega maxaa la sameynayaa "Inta Qososhey bay tiri " Tusaale Hadii Laba Baqol Shilin ku soo harto laba ayaa kuu furan mid in aad Deyn ku lahaatid Islaanta Khudaarta si Beri marka la gaaro laguugu Xisbaabiyo, hadii aad Diidid daynta waxaa lagu leeyahay Laba Boqol oo shilin baa Kunkii kaaga soo harey ee ku qaado Xawaaji ama wax ay goyso Labadaas Boqol
Sidoo kale waxaan weydiiyey waxaan kaa maqley waa Boqol Shilin iyo Shan Boqol marka kuwii kale sida 5 tii, 10-kii Shilin, 20 Shilin iyo 50 Shilin maxaa loogu adeegan waayey markaa iyadoo qaylineyso ayey Tiri " Walaalkeygiiyow Haweenka Khudaarta waa dadaaleen hase yeeshee waxaan kuu sheegayaa hadii aanu isbedel imaan in iyana la weyn doono kuwa maanta Afka keliya ku soo harey oo weli Maqalkoodii uu ku dambeeyo Haweenka ka Ganacsada Khudaarta"
Waxaa ka sii yaab badan Gabadha adeega loo diryo ma garaneyso Lacagahaan Afka la isku marsiinayo waayo marka ay soo adeegto ayey hooyo u sheegtaa Lacagta soo hartey ee islaanta Khudaarta ku leedahay waxay ahayd in Haweenka Soomaaliyeeed ay baraan Caruurta Lacagahaas si hadhow ay u ogaadaan in lacagaatn ay tahay lacag ay leedahay ummada Soomaaliyeed oo la waayey inteedii badan waqtigii dagaalada sakeeyo
Runtii waa wax aan aad ugu farxay in aan Maanta aan maqlo in Lacagtii Jajabka ee Shilin Soomaaliga oo lagu adeeganayo qaarkeed iyadoo la niyeysanayo Xisaabteeda marka waxaan ilaah ka baryayaa in Lacagteenii ay dib u soo laabato waayo mid ka mid ah Ataamaha lagu garto Qaranimada maanta dalkii waxaa wax lagu iibsanayaa ama lagu adeeganayaa lacag wadan kale leeyahay waxaan soo jeedinayaa in Haweenka iibiya Khudaarta in Abaal marin la gudoonsiiyo waayo weli Haweenkaas waxay Af ahaan u hayaan Lacagtii Shilin SoomaaligaW/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494 Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Sawirro: Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ''Abuu Mansuur'', ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Mukhtaar Roobow, oo labadii asbuuc ee ugu danbeysay Safaro ku kala bixinaayay qeybo kamid ah Gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
Mukhtaar Roobow, waxaa safarka ku wehlinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somalia C/rashiid C/laahi Max'ed, waxaana magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.
Mas'uuliyiintan ayaan wax macluumaad ah ka bixin ujeedada safarka Mukhtaar Roobow, waxaana loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Jubaland.
Warar hoose ayaa sheegaya in ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo uu yahay wadatashi uu la qaadanayo Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo xili hore ay ka wada tirsanaayen Al-Shabaab.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo soo gudbiyay Muqdisho.
Dhinaca kale, Socdaalka Roobow ayaa qaadan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah in mudada uu halkaa joogo ay Jubbaland isku dhiibaan maleeshiyaad hada dhow gaaray Gobolka Gedo.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

$
0
0

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/download-1-696x604-1... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/download-1-696x604-1... 100w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/download-1-696x604-1... 218w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/download-1-696x604-1... 610w" sizes="(max-width: 696px) 100vw, 696px" />
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/Bar___Qubanaha-Shabelle-131217-ok.mp3
The post Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. appeared first on Shabelle.

Dowladda Maraykanka oo ka hadashay rabshado ka...

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay rabshado hor leh oo ka soo cusboonaaday qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Ethiopia.
War qoraal ah oo Galabta ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xukuumadda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay rabashado dhimasho iyo dhaawac sababay oo labadii maalmood tegay ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromada.
Safaaradda ayaa ku boorrisay shacabka Ethiopia in ay ilaashadaan sooyaalkooda ku dhisan is-ixtiraamka qowmiyadah,wadajirka iyo nabadda,sida ku xusan qoraalka.
Mas'uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 18 ruux lagu dilay rabshado todobaadkaan ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromia. Rabshadaha ayaa u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,waxaana dadka ku dhintay ku jira arday jaamacadeed,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Maraykanka oo ka hadashay rabshado ka qarxay dalka Ethiopia. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Idaacadda Subaxnimo

$
0
0

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.

Jiritaanka Xamaas muxuu kusoo kordhiyay qadiyadda Falastiin?

$
0
0

Iyadoo dhawaan Mareykanka uu magaalad Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Isra'iil ayaa ururka Xamas ee Falastiin wuxuu maanta u dabaal degayaa 30 sano guuradii kasoo wareegatay markii la asaasay ururkaasi.

Shir ku saabsan ka hotagga gudniinka fircooniga oo lagu soo gabagabeeyay Puntland

$
0
0

Wasaaradda arrimaha haweenka ee Puntland ayaa soo gabagabeesay shir socday muddo todoodbaad oo ay la yeelaneysay cullimada diinta Islaamka iyo weriyeyaasha.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live