Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kooxda Manchester City oo gaartay guushii 15-aad ee isxigta.

0
0

Kooxda Manchester City ayaa xalay gaartay guushii 15-aad ee isxigta, ka dib markii ay 4-0 kaga adkaatay kooxda taagta daran ee Swansea. Laba ka mid ah goolashaasi ayaa waxaa u dhaliyay David Silva, halka Kevin de Bruyne iyo Sergio Aguero ay min hal gool dhaliyeen.

Kumannaan qawmiyadda Rohingya ah "oo bil gudaheed lagu dilay"

0
0

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in dadka Muslimiinta ah ee Rohingya ee ku dhintay Myanmar ay aad uga badan yihiin tirada sida rasmiga ah loo shaaciyay ayna ku jiraan 700 oo carruur ah

Kumannaan qawmiyadda Rohingya ah "oo bil gudaheed...

0
0

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa daabacday daraasada lagu sheegay in ku dhawaad 6700 oo ah Muslimiinta laga tirada badanyahaya ee Rohingya lagu dilay intii ay socdeen rabshadaha Myanmar.
Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha, saxafiyiinka iyo saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa horey u diiwaangaliyay tacadiyo naxdin leh oo ciidammada ammaanka Myanmar ay ka gaysteen gobolka Rakhine, taasi oo ay sheegeen qaxootiga soo gaaray Bangladesh.
Balse daraasadani waa macluumaadkii ugu horreeyay oo faafaahin ka bixinaya qiyaasta tirada dadka Rohingya ee lagu dilay rabshadaha Myanmar.
Tiradan ay hay'ddu sheegtay ayaana aad ooga badan mida rasmiga ah ee ay shaacisay dawladda Myanmar oo ah in ay colaadaha ku dhinteen 400 oo ruux.
Hay'addu waxay intaas ku dartay in dadka dhintay ay ka mid yihiin 730 carruur ah oo ay da'doodu ka hoosayso shan sano.
Rabshadaha Rohingya ayaa ka billawday weeraro ay qaadeen jabhadda Rohingya dabayaaqadii bishii Agoosto, waxa weeraradani ka dhashay howlgal ay Qaramada midoobay ku tilmaamtay isir sifeyn.
Hay'ada MSF ayaa 6 daraasad ka samaysay xerayaha qaxootiga bishii aan aan ka soo gudubnay.
Hay'adda ayaa ogaatay dad ku dhintay rabshadaha oo ay caruur ka mid yihiin islamarkana boqolkiiba 70 dadka dhintay ayaa ku dhintay rabshadaha.
Warbixinta imika la soo saaray ayaa miisaan u yeelaysa baaqyada loo jeedinayo xukumada Myanmar ee ku aadan in la baaro suurtagalnimada in la gaystay danbiyo ka dhan ah aadanaha.
storvideo: 

Qaramada Madoobe oo ku baaqday in colaada Suuriya la soo afjaro

0
0

Ergayga Qaramada Madoobe u qaabilsan Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa ugu baaqay Ruushka in ay ka dhaadhiciyaan madaxwayne Bashar al-Assad in uu soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho &...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ciidan oo la kala saftay laba qoos oo isku hayay dhul ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay Xaafadda Jamhuuriya.
Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Seddex, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafay afar.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Odayaal kala matalaya labada dhinac ee is haya ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo colaada soo laab laabatay.
Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Qaramada Madoobe oo ku baaqday in colaada Suuriya la...

0
0

Ergayga Qaramada Madoobe u qaabilsan Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa ugu baaqay Ruushka in ay ka dhaadhiciyaan madaxwayne Bashar al-Assad in uu soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya.
Mr De Mistura ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Suuriya in la qabto doOrasho cusub.
Mr De Mistura oo garwadeen ka ah wadahadalada nabadda ee Geneva ayaa u sheegay telefishin laga leeyahay Switzerland in geedi socod siyaasadeed oo loo dhan yahay uu u baahan yahay in la sameeyo dastuur cusub.
Ruushka oo soo faragaliyay xaaladda Suuriya ayaa waxa ay taageeraan madaxwayne Assad.
Dowladda Ruushka waxa ay maalmo ka hor shaaciysay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala soo baxaan Suuriya.
Ruushka ayaa loo arkaa in uu muhim u yahay xal laga gaaro dhibaatada Suuriya.
storvideo: 

Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Xero...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya '' General Kaahiye'' ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa.
Ciidamada uu naftii haligaha isku miidaamiyay ayaa xiligaa ku guda jiray diyaar garowga dabaaldaga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska, waxa ayna ciidamadaasi ahaayen kuwo lasii baraayay gaada ka cayaarka ka hor inta aan la gaarin maalinta dabaaldaga.
Askari kamid ah kuwa Booliska ee ku sugan goobta oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 askari.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in naftii haligaha uu ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska, waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya.
Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya.
Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Booliska Kenya oo Lagu Eedeeyay Kufsi iyo Jirdil

0
0

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkaan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah isla markaana jirdil u geysteen dad rayid ah.

Gudaha Ka Eeg :Taariikh-da Wasiirka Cusub Ee Biyaha .

0
0

Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa loo magacaabay Wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudane Saleebaan, hore ayaa uu Somaliland uga soo qabtay xilal kala duwan, haddiise aynu taariikhdiisa dib ugu noqono. 1965-kii ayaa uu ku dhashay baadiyaha dagmada Taleex.
Dugsiga hoose dhexe iyo Sarreba waxa uu kaga baxay Shabeelada hoose isaga oo ka mid ahaa Lodkii 1981-kii ka baxay dugsigii Beeraha ee Shabeeladda Hoose.
Ciidamadda ayaa uu markaas ka dib ku biiray, waxaana uu ka gaadhay darajada Gaashaanle ilaa ay ka dhacday dawladdii dhexe ee Somalia.
Somaliland, 1991 waxaa uu ka mid noqday raggii hor kacayay shirarkii nabadaynta Ceerigaabo ee danwadaagta barri, kuwaas oo yimid Hargaysa 1993-kii. kana mid noqday Weftigii siyaasadeed ee ka qaybgalay shirweynihii Boorama lagu soo dhisay. Waxaana waqtigaas uu kala shaqeeyay wadda-hadaladii cuqaasha beeshiisa oo uu ergay ka ahaa.
Markaas ka dib, waxaa loo magacaabay Xoghayaha fullinta guddiga diiwaan galinta ururada siyaasada ee ugu horeeyay. Ka dib waxaa uu noqday Wasiirka Xanaanada xoolaha Somaliland, waxaa kale oo uu noqday maareeyaha guud ee madbacada qaranka Somaliland. Waxaa kale oo uu noqday Xildhibaan Golaha Wakiillada ah oo uu illaa hadda ahaa. Haddana waxaa loo magaaabay Wasiirka horumarinta Biyaha
storvideo: 

Booliska Kenya oo Lagu Eedeeyay Kufsi iyo Jirdil

0
0

WASHINGTON. D.C --
Hey'ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkaan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah isla markaana jirdil u geysteen dad rayid ah.
Warbixin cusub oo ay Khamiista maanta ah soo saartay Hey'adan, ayay ku sheegtay inay dhaceen xadgudubyo baahsan oo dhinaca galmada ah oo loo geystay dumar.Waxaa kale oo ay ku eedeeysay ciidanka booliska, in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen dad mudaaharaadaayay.
Jirdil, dhac iyo dil ayaa ka mid ahaa danbiyada ay Human Rights Watch ku eedeysay ciidamada booliska Kenya.
Taliyaha ciidanka booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa ku tilmaamay warbixintan been lasoo dhoodhoobay. Wuxuu ugu baaqay Human Rights Watch in ay keento caddeymo.
storvideo: 

Warbixin: Dowladda Maraykanka oo joojisay kaalmadii...

0
0

Dowladda Maraykanka ayaa joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,cabsi laga qabo musuq maasuq,taasoo dharbaaxo ku ah militariga Soomaliya,iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabeen in ay Soomaaliya ka baxaan bishaan.
Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay 10 sano ka hor,si ay ula dagaallaman mintidiinta Xagjirka ah ee Al-shabaab,waxaana la filayaa in Ciidanka Soomaliya ugu dambayntii la wareego waajibaadkiisa.
Laakiin Maraykanka ayaa sidoo kale bixiya kharashka 22 kun oo Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,xilli Maraykanku ka caraysanyahay in xukuumadihii is-daba joogga ahaa ee Soomaaliya ay ku fashilmeen dhismaha ciidan qaran oo awood leh.
Debloomaasiyiintu waxay ka walwalsan yihiin in aysan Soomaaliya haysan ciidan xoog leh,taasoo suura-gelin karta in ay dib u xoogaystaan Al-shabaab oo khalkhaliyaan gobolka iyo in ay Soomaaliya gabbaad ka helaan dagaallamayaal kale oo Al-qaacidda ama Daacish ah.
Xayiraadda gargaarka ayaa timid,kadib kolkii marar badan ciidanka Soomaalidu ku fashilmeen in ay xisaab sugan ka soo gudbiyaan cunto iyo shidaal la siiyey,sida ku xusan qoraallo sir ah oo ay is-weydaarsadeen dowladaha Maraykanka iyo Soomaliya oo ay aragtay Wakaaladda Wararka Reuters."Wada-xaajoodyadii ugu dambeeyey ee ay yeesheen Maraykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,labada dhinac waxay isku raacaceen in ciidanka Xoogga dalka Soomaliya aysan buuxin hal beegga is-la xisaabsanka gargaarkii Maraykanka",sidaasi waxaa wakaaladda Wararka reuters u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka oo magaciisa diiday."Waxaan dib u-habayn ku samayneynaa gargaarka Maraykanka ee cutubyada Xoogga dalka Soomaaliya,marka laga reebo cutubyada helaya hagidda,si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka loo adeegsado sida wax ku oolka ah ee loogu talo-galay",ayuu yiri sarkaalka.
Xayiraadda gargaarka ee Maraykanka ayaa ku beegmatay,wakhti xasaasi ah oo la qorsheeyey in Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ay Soomaaliya ka baxaan sannadka 2020. Kunka askari ee ugu horreeya ciidamada AIMSOM ayaa bixi doona dabayaaqada sannadkaan 2017.
Mas'uul ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa sheegay in Washington sii wadayso taageerada ay siiso cutubyada yar ee ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ay madaxda u yihiin shaqaalaha Maraykanka ,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya la shaqeyn doonto,si loogu heshiiyo halbeeg lagu soo celin karo kaalmadii la siin jiray ciidamada kale."Waa run, waxaa jira xooga walaac ka jira qaabka kaalmada loo adeegsaday loona qaybiyey.Xukuumadda federaalku waxay ka shaqeyneysaa inay wax ka qabato,"ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal oo u waramay Reuters.Meeyay Gargaarkii?
Documentiyo laga soo diray Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo loo diray dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya in saraakiisha Mareykanka ay aad uga careysan yihiin in ciidanku aysan awoodin in ay xisaabiyaan kaalmadooda.
Documentiyada ayaa rinjiyeynaya sawir muuqaal ka bixinaya arrimo musuq maasuq, iyo in aysan awoodin in ay ciidankooda mushahar siiyaan,inkastoo boqolaal malyan oo dollar ah ay kaalmo u qaataan.
Intii u dhexaysay bilihii May iyo June ee sannadkaan koox saraakiil Maraykan iyo Soomaali ah ayaa booqday sagaal saldhig mililtari,si ay u qiimeeyaan,bal in 5000 askari oo saldhigyada ku sugan ay heleen gargaarkii cunto ee Maraykanku soo dhiibay."Ma aanno helin cadadkii weynaa ee aan filaynay inaan meel kasta ka helno,mana hayno caddayn muujinaysa in la isticmaalay,(marka laga reebo laba saldhig)",sidaasi waxaa xukuumadda Soomaaliya u qoray kooxdii Maraykanka ahayd.
Hal saldhig oo keliyah waxaa ku joogay in ka yar boqoliiba 5 askari oo kamid ah ciidamadii ay taliyaasha Soomaalidu sheegeen in ay joogaan. Saldhigii ugu fiicnaa waxaa ku sugnaa160 askari oo kamid ah 550 askari ee ka diiwaan-geshanaa,kuwaasoo 60 asakari oo keliyah qoryo haystaan."In badan ayaa u muuqday inay xiran yihiin lebis cusub . Tani waxay muujinaysaa in ay isugu soo uruuriyeen oo kaliya si loo hagaajiyo muuqaalka,"sida ku qoran Warqadda ay Reuters aragtay.
Qiimeyn joogto ah oo ku aaddan ciidanka milateriga Soomaaliya sannadkan, xukuumadda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo afmeeray natiijooyin isku mid ah.
Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen oo ay aragtay Reuters,ayaa sheegtay in qaar badan oo ciidanka kamid ah aysan haysan qoryo,direes,cunto,gawaari iyo teendhooyin. Ciidanka ayaa ku tiirsan taageerada ciidamada Midowga Afrika ama maleeshiyooyinka maxalliga ah si ay u noolaadaan.
"SNA waa ciidan jilicsan oo leh taliyaal aad u liita ," ayaa lagu yiri warbixinta. "Waxay awoodi kari waayeen in ay sameeyaan howlgalo wax ku ool ah".
Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale joojisey barnaamij ay ku bixiso askar bilays ah oo ah $ 100 bil walba,bishii June kadib markii xukuumadda federaalku diiday in ay la wadaagto mas'uuliyadda helitaanka lacagaha ciidamada maamul goboleedyada ee la dagaallama al Shabaab.
Washington waxay Ciidanka Soomaaliya ku bixisay $ 66 milyan toddobadii sano ee la soo dhaafay laakin waxay joojisay barnaamijka dhowr jeer, iyadoo ka walwalsan in lacagtaas aanay gaarin askarta furimaha hore.
Xigasho:- ReutersPUNTLAND POST
Abdirahman Isse Omar
The post Warbixin: Dowladda Maraykanka oo joojisay kaalmadii ay siin jirtay Ciidanka Xoogga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Maraykanka oo Joojiyey Taageeridii Ciidanka...

0
0

15th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Xigasho:- ReutersPUNTLAND POSTAbdirahman Isse Omar
storvideo: 

Qarixii Muqdisho, tirada dhimashada oo korortay

0
0

Kn: Siihayaha xilka taliyaha Booliska qaranka Soomaaliya, Gen. Maxamed Xuseen Afrax oo saxaafadda u soo bandhigay khasaarihii ka dhashay qaran saaka lala eegtay dugsiga tababarada ciidamada booliska ee Kaahiye ayaa ka warbixiyay tirada khasaaraha iyo qaabka weerarku u dhacay.
Afrax wuxuu sheegay in 18 askari ay ku dhinteen qaraxa, tiro intaasi le'egna ay ku dhaawacantay kadib markii sida uu sheegay uu xerada ku dhex qarxay qof ku soo dhex dhuuntay ciidamada booliska oo isu diyaarinayay inay dhigaan bandhig tijaabeed at ugu diyaargaroobayaan munaasabadda bari.
Sargaalku ma faahfaahin qaabka uu ninka isqarxiyay ku soo galay xerada iyo cidda u fududaysay maadaama afaafka hore ee xerada si adag loogu baaro dadka gudaha u galaya. Sida ay aaminsanyihiin dadka qaar, dadka goobta lagu xareeyay ma wada ahayn ciidamo ka tirsan booliska ee waxaa ku jiray qaar magaalada laga soo uruuriyay si munaasabadda loogu moodo, waana halkaasi meesha ay ka timid habacsanaanta dhinaca amaanka, waxayna sahashay in Shabaabku si dhibyar u soo dhex galaan xerada.
Ciidamada booliska oo kaliya ma aha ee sidoo kale ciidamada milatariga ayay u diiwaan gashanyihiin boqolaal ay saraakiisha ciidanku mushaarkooda ku qaataan magacyadooda, laakiin aan dhab ahaan u jirin. Waxay u muuqataa in qaranku dhinac kasta ka dhiigbaxayo, ayna yartahay dadka lahaanshaha iyo lexojeclada muujinaya.
storvideo: 

Mourinho oo laga dalbaday inuu sharraxo hadal kasoo yeeray

0
0

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa laga dalbaday inuu sharaxaad ka bixiyo hadal kasoo yeeray kahor ciyaartii kooxdiisa ay la yeelatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man city.

Gabar guulo ka gaartay horumarinta qoyskeeda

0
0

Nimco Cali Daahir waa gabar Soomaaliyeed oo kunool dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa ayna ka mid noqotay dumarka tusaalaha u noqon kara haweeen badan, kadib markii isbedel ay ku sameysa nolosha qoyskeeda.

Marabbidii miyaa la khiyaameeyey?

0
0

15th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Suldaan Siciid ayaa wasiir ka helay maamulka Hargaysa, horayna siyaasiyiin ugu diray Puntland iyo federaalka.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdi salaam ayaa wasiir ka helay dawladda Hargaysa, kaas oo ka shaqayn doona danaha Suldaanka kaga xirma maamulka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin .
Suldaanka oo la filayey inuu u gudbiyo maamulka SNM, magaca mid ka mid ah Marabbida Warsangeli oo degaanadii ay ka soo jeedeen sida Ceerigaaabo, Yube, Carmale iyo Dhahar u dayacay inay u nacamleeyaan maamulka Hargaysa sanadihii danbe , ayaa hadda Suldanku wuxuu u gudbiyey maamulkaas inuu wakiil uga noqdo quba joog u bedeli doona wakiilkiisii hore Cadami
Ciise Xawar, oo ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee ee dalka Australia. ayaa Suldaan Siciid u qaban doona howlihii uu Cadami uga hayey maamulka SNM intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga maamulka SNM.Marabbidii beesha Warsangeli oo Suldaan Siciid magacyadooda gudbin waayey
[embedded content]
1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah -- Ciise Muuse, Cumar #Jibriil.2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada -- #Jaamac #Siyaad / #DhulBahante3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta --Samaroon4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha -- Reer Daahir / Habar Jeclo5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga --- Warsan Gali, Reer Garaad6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada -- Ciidagale7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada -- Ciise8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta -- Arab9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha -- Habar Cafaan / Samaroon10 . Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud -- Dhulbahante11. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha -- Habar Yoonis12. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha -- Jibriil Abakor /Sacad Muuse13. Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga -- Samaroon14. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada -- Habar Jeclo15. Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga -- Guulane / Arab16. Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga -- Habarjeclo17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta -- Makaahiil / Sacad Muuse18. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka --- Cali Siciid / Habaryoonis19. Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha --- Nuur Axmed / Dhulbahante20. Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta -- Habarjeclo21. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka -- Ciise Muuse22. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha -- Habarjeco23. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka -- Habaryoonis
Wasiir Ku Xigeenada
1. Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada -- Subeer Celi / Arab2. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha -- Sacad Muuse3. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta -- Ciidagale4. Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha -- Ayuub5. Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada -- Toljecle6. Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta -- Gabooye7. Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada -- Ciidagale8. Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka -- Habar Jeclo9. Sahal Maxamed jaamac Faraax wasiir ku xigeenka ---
Tiraada Guud
Habar Jeclo-----Shan WasiiHabar Yoonis---Saddex WasiirArab----Laba WasiirCiise Muuse---Laba WasiirSacad Muuse---Laba WasiirCiidagale-----Hal WasiirDhul Bahante-----Saddex WasiirSamaroon------Laba WasiirCiise-------Hal WasiirWarsangali----Hal Wasiir
Post navigation
- Maraykanka oo Joojiyey Taageeridii Ciidanka Soomaaliyeed
storvideo: 

Maraykanka oo Joojinaya Sahayda Milatari oo uu siiyo Soomaaliya.

0
0

Washington ( Sh. M. Network):- Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorsho ay ku  joojineyso kaalmada dhinaca saadka ah  ee ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in waxyaabaha ay joojineyso ay ka mid noqoyaan cunooyinka iyo weliba shidaalka ay ugu deeqdo Milatariga Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sababaha ay u joojinayaan kaalmadaasi ku sheegay kadib markii ay heleen in la Musuqmaasuqo sahayda ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya.
Mareykanka oo sidoo kale taageero dhaqaale siiya Ciidamada Midowga Africa  ee ka howlgala Soomaaliya oo gaaraya 22,000 Askari ayaa sheegay in lagu guul dareystay in somaliya loo dhiso ciidamo awood leh.
Diblumaasiyiin ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in haddii aan la helin ciidamo tayeysan ayAl Shabaab fursad weyn u tahay in  ay sii wadaan weerarada ay ka gasytaan gudaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo Soomaaliya oo dhawaan booqday saldhigyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya ayaa soo ogaaday in aysan jirin xisaab celin sax  ah oo ku aadan halka lagu bixiyo shidaalka iyo raashiinka,iyadoo ay soo arkeen tiro ka yar tirooyinkii ciidamada ee hore loogu gudbiyey.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay joojinayaan lacago gunooyin ah oo Askari kasta ay bil kasta ku siin jireen lacag gaareysa 100$
Joojinta kaalmada Maraykanka ee Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay imaaneysa xilli ciidamada Ilaalinta Midowga Africa lagu wado in ay dalka ka baxaan sanadka 2020
The post Maraykanka oo Joojinaya Sahayda Milatari oo uu siiyo Soomaaliya. appeared first on Shabelle.

Kaaliyihii Trump oo beenisay in dhulka lagu jiiday

0
0

Haweeneyda oo muddo la shaqeyneysay Donald Trump ayay ciidamo ka soo saareen Aqalka Cad, balse waxay beenisay in ay isku dayday in ay xoog ku gasho gudaha.

Kaaliyihii Trump oo beenisay in dhulka lagu jiiday

0
0

Mid ka mid ah kaaliyayaashii hore ee madaxweyne Donald Trump ayaa beenisay in ay isku dayday in ay xoog ku gasho dhismo iyo in shaqada laga ceyriyay.
Omarosa Manigault Newman - oo ah xidig hore oo qaban jirtay barnaamijkii Trump ee telefishinka - ayaa la sheegay in ay aad u carootay Arbacadii.
Ciidamada sirta ee ilaaliya madaxweynaha ayaa sheegay "in aysan iyaga ka saarin dhismaha", balse ay furayaasheeda ka dhigeen kuwa aan shaqeyneyn.
Ms Manigault Newman waxay ka mid tahay tirada yar ee dadka caanka ah ee madowga-Mareykanka ah ee taageera madaxweyne Trump.
Warbixin Aqalka Cad ka soo baxday ayaa lagu sheegay in ay iyada iskeed uga tagtay shaqada "si ay fursado kale oo shaqo u raadsato".
Laakiin sarkaal aan lamagacaabin oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wargeyska The Wall Street u sheegay in lagu qasbanaaday in "kaaliyaha dhulka lagu jiido oo laga saaro dhismaha" ka dib markii shaqada uu ka tiray madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly."
CBS News ayaa ku warrantay in buuq ay abuurtay xilli ay isku deyeysay in ay xoog ku gasho dhismaha si ay uga doodo shaqo kaceyrinteeda, waxaana qasab noqotay in xoog looga saaro Aqalka Cad.
Wareysi lala yeeshay Khamiistii, Ms Manigault Newman, waxay ku beenisay wararkaasi, waxayna ku tilmaamtay "Kutiri-kiteen".
Sidoo kale waxay beenisay in shaqada laga ceyriyay, sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC.
Haweeneyda, oo caan ku ahayd barnaamij TV oo xaqiiqada ka hadla, ayaa su'aal gelisay dhab ahaanta wararka la xiriira in dhulka lagu jiiday, waxayna weydiisatay in sawir cadeyn ah la keeno.
"Aaway sawirrada iyo muuqaallada?" ayey tiri.
"Haddii aan la dagaallamay John Kelly, oo ah qof adag, waxay dhallin lahayd in qofkasta uu soo eego oo sawirro ama muuqaallo la duubo," ayey hadalkeeda ku dartay.
Qoraal si deggan loo qoray oo ay soo saartay laanta sirta ee ilaalisa Madaxweynaha Mareykanka, waxaa lagu beeniyay in ay ku lug lahaayeen in Ms Manigault Newman laga "soo saaro dhismaha".
Laakiin laanta sirta waxay u muuqatay mid xaqiijineyso in haweeneyda laga saaray dhismaha Aqalka Cad, oo furayaasheeda casriga ah laga dhigay kuwa aan shaqeyneyn.
Ms Manigault Newman waxay tilmaamtay in wararka sheegaya in ay damacday in ay gasho dhismaha madaxweynaha, in ay yihiin "kuwo aan macquul ahayn".
"Waa wax lagu qoslo in qof uu iskudayo in uu carqaladeeyo amniga meesha la og yahay in uu yahay dhismaha ugu amniga adag dunida," ayey hadalkeeda ku dartay.
Ms Manigault Newman waxay sidoo kale beenisay hadallada sheegaya in doorkeeda shaqo ee ah Xiriirka Bulshada uu ahaa mid aan si wanaagsan loo sharrixin.
Waxay sheegtay "in ay arrinteedu noqon lahayd sheeko aad u xiisa badan".
"Waxaan arkay arrimo iga careysiiyay, oo aan ku jahwareeray, oo si qoto dheer iyo dareen ahaan ii saameeyay, oo saameeyay bulshadeyda iyo dadkeyga," ayey sheegtay.

  • Xiriirka Trump iyo saxaafadda oo sii xumaaday
  • Maamulka Trump oo isku maandhaafay Kuuriyada Waqooyi

"Waan ogahay in ay tahay sheeko aan caadi ahayn oo dunida ay dooneyso in ay maqasho".
Markii Trump la weydiiyay shaqa ka tagiddeedii Khamiistii, wuxuu ku jawaabay: "Waan ka helaa Omarosa. waa qof wanaagsan".
Muddadii ay ka shaqeyneysay Aqalka Cad, waxay dhowr goor qeyb ka ahayd arrimo muran dhaliyay, sida in xaflad aroos ay ku qabatay Aqalka Cad, si ay sawirro lama filaan ah iasaga qaadaan, sida uu qoray wargeysta Politico.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live