Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Micheal Keating”Ciyaaraha waa astaanta horumarka”...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo magaalada Muqdisho weli ay ka soconayaanm ciyaarihii kubadda Cagta ee Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa rajo wanaagsan laga muujinaya in ciyaaraha ay fure u noqdaan isdhexgalka bulshada iyo Nabadda.
Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka qeybgalay tartankii ugu dambeeyey ee dhexmaray Kooxaha Kubadda Cgata Koonfur Galbeed iyo Puntland,oo qeyb ka ah tartanka ciyaaraha Muqdisho ka socda.
Sidoo kale waxaa jiraty tartan dhanka Orodadad ah kaasi oo lagu soo dhaweynayay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabislan arrimaha Soomaaliya Ambassador Keating,sida ay sheegtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo furtay tartankaasi orodada ah.
Micheal Keating oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhiirogeliyay habsami u socodka Ciyaaraha,wuxuuna xusay in ay yihiin astaamo muujinaya nabadda iyo is dhexgalka bulshada.
Ciyaartii dhexmartay Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa 1-0 waxaa ay guusha ku raacday Koonfur Galbeed,iyadoo galabta ay is arki doonaan Galmudug iyo Jubbaland.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiraya Kalfadhiga Labaad...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow soo xiraya kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa la xiray wadooyinka Soo gala xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho halkaasi oo la soo dhoobay ciidamo aad u fabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad uu kaga hadlayo xaaladaha dalka u jeedin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa gali doono Fasax ilaa 3 Bilood ah iyada oo dib uu u furmi doono Kafdhiga Baarlamaanka Bisha March ee Sanadka 2018-ka.
inta uu socday Kalfadhigaan 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanadu waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeed kala duwan.
Kalfadhiga Sadaxaad ee soo socdo Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalo hindise sharciyeedyo kale oo Baarlamaanka loo soo gudbiyay.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiraya Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xisbiga ANC oo badalaya hogaamiyahoodii hore

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):Xisbiga ANC ee ka taliya dalka South Afrika ayaa diyaarinaaya sidii ay u bedeli lahayeen hogaamiyihii hore ee xisbigaas oo ah madaxwaynaha iminka Jacub Zuma.
Warka ayaa intaa ku daraaya in dadka ugu cad cad ee xilkaa loo dooranaayo ay kala yihiin madaxwayne ku xigeenka dalkaas Mr. Cyril Ramaphosa iyo xaaskii hore ee madaxwayne Jacub Zuma Mrs Nkosazana Dlamini-Zuma.
Dhawaan ayaa la filayaa in shirwaynihii xisbigaasi ka dhaci doono Magaalada Johannesburg ee dalkaas.
Dhawr jeer oo hore ayaa madaxda xisbiga ANC ku eedeeyeen Madaxwayne Jacub Zuma ku tagri-fal awoodeed iyo in uu ku kacay musuq maasuq aan qiyaas lahayn.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMicheal Keating"Ciyaaraha waa astaanta horumarka"+sawirro
Next articleXisbiga Jamhuuriga oo canshuur dhimis u sameynaya shirkadaha waaweyn

storvideo: 

Xisbiga Jamhuuriga oo canshuur dhimis u sameynaya...

$
0
0

Muqdisho (SONNA): Xubnaha labada aqal ee congreska maraykanka kaga jira xisbiga jamuuriga ayaa shaaca ka qaaday xeerka canshuur dhimista shirkdaha waawayn ee dalkaas.
Hogaamiyayaasha xisbiga ayaa sheegay inay heleen codad meel marin kara qaynuunkan,ka dib marka ay helaan labada xildhibaan ee Marco Rubio iyo dhigiisa Bob Corkor.
Madaxwaynaha maraykanka ayaa xilligii oloaha uu ugu jiray tartanka hogaaminta dalka balan qaaday inuu cashuur dhimis wayn u samayn doono shikadaha ugu waawayn dalkaas.
Xisbiga dimuqraadiaga ee dalkaas ayaa walaac wayn ka muujiyey xeerkaas,kaas oo ay ku sheegeen mid u hiilinaaya dadka hodanka ah.
storvideo: 

Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka “ Waxaa hubaal ah...

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha uu dalkiisu u xanibay kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya.
Maraykanka ayaa baaritaan muddo dheer soo socday oo ay soo gaba gabeeyeen bishii 5aad ee sanadkan waxa ay ku ogaadeen in kaalmada dhaqaale ee ay siin jireen ciidanka la musuq maasuqay, kadibna wada-hadal dhex maray dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya la isla qaatay in la hakiyo kaalmadaan tan iyo inta dib loo saxayo hanaanka lacag siinta Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jira hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.
Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka.
"Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi."
Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo.
" Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag." Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.
Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika "Africom" aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.
AFRICOM warbixin ay soo saartay bishatan December waxa ay ku sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haya ay yihiin kuwo ay ka go'antahay in ay dalkooda ka hir geliyaan nabad dhammaystiran sidoo kalena Maraykanka waxaa ka go'an in arrinkan ay ku garab siiyaan, korna ay u qaadaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya.
Sidoo kale, Hay'adda lacagta Adduunka IMF ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya hirgelinta hannaan maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo kaas oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.
storvideo: 

Wasiirka Difaaca Maraykanka “ Waxaa hubaal ah in...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Washington (Caasimadda Online) - Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha Maraykanku ay u xanibeen kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya.
Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujinayso musuq maasuq baahsan oo ka dhex jirey hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.
Wasiirka Gaashaanhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka.
"Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi."
Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo.
" Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag." Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.
Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika "Africom" aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.
AFRICOM waxa ay sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haysa ay yihiin kuwo ay ka go'antahay in ay dalka ka hir geliyaan nabad dhammaystiran isla markaasna ay ka go'antaahy Maraykanka in ay arrinkan ku garab siiyaan, laba laabaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Iiraan oo la sheegay in Hubka ay u waddo Xuutiyiinta...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Hubka Kooxaha Xuutiyiinta ay helaan oo la sheegay in Xeebaha Soomaaliya loosoo Mariyo.Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa laga soo xigtay Khamiistii Todobaadkii tagay in Hubka Dowladda Iiraan ay siiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay usoo mariyo dhanka Xeebta.
Nikki Haley oo ah Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in Gantaalada ay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ka ridayaan Yemen kuna Tuurayaan Sacuudiga ay kamid tihiin Gantaaladii Iiraan ee Xeebta usoo Marsiisay.Xukuumadda Washington ayee sheegtay Nikki in aysan aqbali doonin in Dowladda Iiraan ay Gantaalo u gacan galiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisada.
Bishii November ayee sheegtay in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ku sugan ay ridaan Gantaalo Riddo Dheer.Xukuumadda Washington ayaa aaminsan in Kooxda Nasrullaah ee Lubnaan ka dhisan ay ku xirmi karaan Xuutiyiinta, wadadaasine ay wado Xukuumadda Tahraan.
Iiraan Ayaa wajaheysa Eedeemo ah in ay hubeyneyso Dhinacyada ku sugan Dalalka Syria iyo Ciraaq, iyadoona Qaab tahriib ah hubka ugu geyso.
Tahriibinta Hubka ee Kooxda Xuutiyiinta ayee ku sheegtay in dhanka Xeebaha loosoo mariyo sida ay hadalka u dhigtay.
Hubka loo wado Yemen ayaa la sheegay in aanan si toos ah loo gelin, balse loosoo mariyo Xeebaha Soomaaliya si looga dhigo badeeco Soomaaliya u socota, kadibne loo leexiyo Yemen sida Sawir lasoo bandhigay ka muuqata.
Ciidamada Faransiiska ayaa 15-kii November gacanta ku dhigay Dooni hub usoo watay Soomaaliya, waxayna sheegeen in hubkaasi Kuuriyada Waqooyi ay kasoo iibsatay Iiraan, kadibne soomaaliya loosoo qaaday sida sheegeen Ciidamada Faransiiska.
Isha: Mustaqbal Radio- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somali lagu laayey degaan ka mid ismaamulka Oromada.

$
0
0

Somali lagu laayey degaan ka mid ismaamulka Oromada.
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London Wararka naga soo gaadhaya deegaanno ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaadheyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow.
Mar ay saxaafadda VOA la xidhiidhay Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirada dadka la laayey ku sheegay 14 qof.
Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkani uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerkii askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.
Jaamac Buulle Jaamac ayaa la xariirey mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta dadka lagu laayey, arrimo amniga la xariiro darteedna codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxaana uu uguhoreyn weydiiyey sidii ay wax u dhaceen.
http://www.awdalpress.com/index/wp-content/uploads/2017/12/5ad64cb6-05ea...
Awdalpress
This post has been viewed 90 times.
storvideo: 


Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la...

$
0
0

Aqoonsiga uu madaxweyne Donald Trump u aqoonsaday Quddus inay tahay caasimadda Israa'iil ayaa dhaliyey dhaliil aad u culus oo ka timid saaxiibada Ameerikaanka.
Dalka Baxrayn oo uu ka socdo shirweynaha sannadlaha ah ee wadahadallada amaanka, ayaa waxaa ka jira in ka soo qayb galayaasha dhamaantood ay walaac ka qabaan in dhawaaqaas uu fursad siinayo labada qolo ee gobolka mucaaradka ka noqday - Iran iyo jihaadoonayaasha Al Qaacida oo dhinac ah, iyo kooxda loogu yeero dawladda islaamiga (IS).
"Madaxweynuhu dab ayuu shiday, wuxuuna saaxiibadiisa carbeed u dhaafay inay la tacaamulaan ololka" sidaa waxaa tiri Elizabeth Marteu, oo ka tirsan machadka caalamiga ah ee daraasaadka istaraatijiyadeed (IISS).
Sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee UK, oo dalbaday in aan la soo xigan, ayaa dhawaaqaas la mid dhigay "sidii bam gacmeed inta biinka laga baxshay qol lagu dhex tuuray".
Rasmiyan, xukumayaasha carbeed ee khaliijka waxay mar walba taageersanaayeen in Falastiin xaq u yeelato dhul, ayagoo yaqiinsan in ay arrintan tahay mid muddo dheer jiitamaysay oo gobolka oo dhan saamaysay, ha noqdeen carab oo dhan, ama islaam oo dhan.
Si gaar ah laakin marka loo fiiriyo, xubnaha da'da ah ee qoysaska xukunka haya marnaba kama aysan cafin hiilkii uu maamulka Falastiiniyiinta siiyey Saddaam Xuseen markii uu qabsanayey Kuwait 1990.
In yar ka dib markii dalkaas la xoreeyey, 'waxaan arkay' ayuu yiri ninka faalladan qoray 'qoraal darbi ku yaalla magaalada Kuwait City oo leh'"Quddus waa hoyga daa'imka ah ee Yuhuudda, aniga wax qorayana waxaan ahay qof u dhashay Kuwait".
Markaas waxay ahayd 1991, laakinse iminka arrintu sidaa way ka duwan tahay. Inta badan dadka ku nool dalalka carbeed waa dad dhallinyar oo aan aad u xusuusnayn, ama aan dan ka lahayn qabsashadii Kuwait 1990kii, laakin Quddus waa arrin ku weyn.
Waa goobta 3aad ee ugu barakada badan Islaamka marka laga yimaado Makka iyo Madiina, waxayna ku taalla quluubta dad badan. Haddaba taasi maxay ka dhigan tahay marka laga hadlayo la dagaallanka argagixisada? Waxay ka dhigan tahay in khatar loo bareeray marka laba dhinac laga eego.
Midda hore waxay tahay in dadka markii hore aan ku kacsanayn reer galbeedka, oo qaska bariga dhexe uusan ugu muuqan fal xasaradeed ay iminka dib u fekeraan.
Khatarta labaadna waxay tahay in qofkii markii hore la shaqaynayey hay'adaha dawladda Maraykanka uusan iminka dhankaas u janjeerin.
Qodob kale oo muhiim ah waa dalka Iran
Jamhuuriyadda islaamiga waxay weli sii waddaa inay awood ahaan iyo sharaf ahaanba Sacuudiga kula tartanto gobolka. Muddo dheer waxay taageero siin jirtay laba miliishiyo oo ku kacsan Israa'iil oo kala ah Xisbullah iyo Xamaas.
Haddaba, inkastoo xukumayaasha carbeed ay u dhaxeeyaan cadaadiska reer galbeedka iyo culays kaga imaanaya dadkooda, ayaa dhawaaqa iminka ka soo yeeray Maraykanka wuxuu xusuusinayaa hogaamiyeyaasha carabta in maamulka aqalka cad uu awood u leeyahay inuu wajigabax bado.
storvideo: 

Warbixin ku saabasan siyaasadda dawladda Federalka...

$
0
0

Warbixin ku saabasan siyaasadda dawladda Federalka Somalia iyo shirkii golaha wasiirada.
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Aan idiin soo gudbinno, warbixin xasaasi ah oo ku wajahan siyaasadda cusub ee dawladda Federalka ah ay ka qaadanayso ciidammada shisheeye ee nabad ilaalinta u jooga, deeqaha dalka la siiyo iyo daymaha dalka lagu lahaa oo loo ballan qaaday in laga caafiyo iyo sidii loogu furi lahaa in bankiga caalamka ama hay'adda lacaga dunidu ay dhaqaale u siiyaan dalka Somalia.
Ugu horreyse waxa af-hayeenka golaha u hadlayaa u tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii lala beegsaday ciidanka joogay dugsiga ciidanka Booliska Somalia.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 85 times.
storvideo: 

Jen. Gorod: ‘Lacagta uu Maraykanku naga joojiyey...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.
Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahyna aysan ku yeelan doonin.
Hadalka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay joojisay Saanaddii ay ku Taageeri jirtay Ciidamada Xoogga Sababo la xiriira Musuq Maasuq jira.
Waxaana sidoo kale hadalkaan uu imaanayaa Xilli Maanta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay sheegtay in Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid la aamini karo oo dagaal kula jirta Musuq Maasuqa la dagay Soomaaliya.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Mudug: Waddooyin Xirnaa oo la Furay

$
0
0

Masuuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland iyo dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay furaan wawooyin muddo sanado ah u xirnaa dagaallo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wadooyinka la furay ayaa muhim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.
Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan inooga soo diray halkaas.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:22
0:00:00 /0:04:22
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo: ” Anigoo u Diyaar Garoobay in aan imaando...

$
0
0

Daawo:" Anigoo u Diyaar Garoobay in aan imaando Ayaa Ayaa Kaadhadhkii la iima Keenin Maxamed Kaahin ayaa gaadhi dhexdii iiga yeedhay oo yidhi Hal kaadh hoo Ana waxaan idhi Garab dhan ayaan ahaa ...." Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay In khilaaf dhe galay isaga iyo Muuse

[embedded content]
storvideo: 

Heesihii AUN Mohamed Mooge ee hanuuninta iyo wax...

$
0
0

Heesihii AUN Mohamed Mooge ee hanuuninta iyo wax sheegga ahaa aan mid mid u soo qaadanno. ( Dhageysi wacan )
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London -Dhagihii Eebbe waaniyo ayaa waansan ayey Somalidu ku maah maahdaa. Laakiin haddana kama maaranno culimo inna wacdida oo xaqa dadku kala leeyihiin innoo sheegta, waxgarad aqoon leh oo fagaarayaal ka hadla iyo abwaanno amma heesaa shucuurteenna kiciya, oo luqadda wax lagu fahmi karo wax innoogu sheegay.
Isku soo wada duuboo, heesaha aan idiin soo xuli doonnaa waxa ay toos u taabanayaan filashadii ummadda reer Somaliland iyo waxa maanta la arkayo. Adduunyaduna maanta uun maaha, ee waa mid is bed beddelkeedu badan yahay, taariikh ayuun baana ka hadha. Haddii aanad walaalkaa oo qaldan u tilmaamin talada toosanna la mid ayaad tahay.
Allow kuu naxariiso heesaagii Mohamed Moge iyo abwaaniinta innaga hoosaysa ee murta badan innooga tagey.
Inta ay deeq Eebbe maqan tahay......Maxaa dayr cad geel hallaabay kkkkk
[embedded content]
Heestii dadka hayska weyneyn iyana bal aan dhageysanno.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 111 times.
storvideo: 

Daawo: ” Waa in Aan Wasiirka Xaflado Reeraysan loo...

$
0
0

Daawo:" Waa in Aan Wasiirka Xaflado Reeraysan loo Qaban .. Xila wareejintuna ahaato Wasaarada ay Khusayso" Muuse Waa Kulankii ugu horeeyey la yeeshay Golihiisa Wasiirada Qodobona ka soo saaray
[embedded content]
storvideo: 


Warar dheeraad ah: Oromo lagu eedeeyey inay Soomaali laayeen

$
0
0

Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu keenay xero askareed si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo.

Warar dheeraad ah: Oromo lagu eedeeyey inay Soomaali...

$
0
0

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah.
Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in dadkaas markii la laayeen ka dib lagu riday meel god ah.
Inkastoo aysan eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goobjoogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay.
Waxaa kale oo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Goobjooge:
Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu keenay xero askareed si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo.
Qofkaas oo ah nin codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni dartood wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba ilmood oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar caruur ahna uusan war ka hayn meel ay ku dambeeyaan.
Wuxuu intaas ku daray inay jiraan guryo la gubay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Jawaabta Oromada:
Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Canada oo BBC la soo xiriiray ayaa isna sheegay in ay dad ku dhinteen halkaas, hase yeeshee si kale ayuu arrinta u dhigay.
Wuxuu sheegay in, sida ay maqleen iyagu, ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 qof, ka dibna nin uu walaalkiis ka mid ahaa dadkii la dilay oo caraysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah.
Wuxuu intaa ku daray in aysan fiicnayn in aargoosi la isu laayo, wuxuuna labada dhinac ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan.
Weli xukuumadda federaalka ee Itoobiya iyo ismaamulka Oromiya midkoodna kama uusan hadlin dhibaatadan.
storvideo: 

Caweyska Washington

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Qodobo kale duwan oo xiiso leh ayaan idiinku haynaa barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkiiba aad mar dhageysataan.
storvideo: 

RW Kheyre oo shaaciyay sababta rasmiga ah ee dowlada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha ay dowlada Mareykanka ku jartay deeqaha ay siisi ciidamada dowlada.
Ra'isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in go'aankaasi lagu hakiyay kaalmada uu ahaa mid ay isla ogaayen dowladaha Somalia iyo Mareykanka.
Waxa uu tilmaamay in ujeedka loo jaray uu yahay mid lagu saxaayo khaladaadka weli ka dhex jira ciidamada dowlada, iyadoo dib loo bilaabi doono sixitaanka kadib.
Waxa uu Kheyre sheegay inuu jiro khaladaad farabadan oo ay kamid tahay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo howlaha kale ee ku xeeran baahiyaha ciidanka.
Waxa uu Ra'isul wasaare Kheyre intaa ku daray inay jiraan warar been abuur ah oo la xiriirta in kaalmada loo jaray sababo la xiriira musuq-maasuq ka dhex jira ciidamada.
Kheyre waxa uu hadalkan ka sheegay shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uuna rajo weyn ka muujiyay in dib loo bilaabayo kaalmada Mareykanka.
Haddalkan ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Mareykanka ay daboolka ka qaaday inay hakisay deeqaha ay siiso ciidamada dowlada Somalia.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Khayre “Dowladda Mareykanku ma aysan joojin ...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaar ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go'antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay'adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.
"Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay".Ayuu yiri RW Khayre oo intaas raaciyey.
"Waxaa kale oo aan rabaa inaan idinla wadaago in dawladda Soomaaliya ay sameysay daraasad muddo dheer aan wadnay oo haatan lasoo gabogabeeyay. Daraasaddaas oo lagu qiimeynayay tirada, tayada, qalabka ay haystaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada XDS".
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan.
"Waxaa jira dalal naga caawiya mushaar bixinta ciidamada oo aan horay isula garannay inaan soo dhameystirno daraasadda aan soo xusay si aan u dejino qorshe dhameystiran oo qeexayo taageerada aan ka rabno iyo qaab dhismeedka ciidamada. Is-afgaradkan ayaa waxaa uu sababay in dawladda Mareykanka oo dalalkaas kamid ah ay si kumeel gaar ah u hakiso mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada".Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in Dawladda Mareykanka aysan joojin taageerada ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga ah.
Ra'iisul Wasaare Khayre waxuu sheegay in heer gabogabo ah marayo qorshe ka dhashay daarasadka la sameeyay ee xoojinaya isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka loo maamulo kaalmada dhanka amniga ah ee Soomaaliya ka hesho caalamka, dhowaana ay dib u bilaaban doonto mushaaraadka iyo kaalmada amniga.
--DHAMMAAD---
The post Khayre "Dowladda Mareykanku ma aysan joojin Taageerada Dawladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>