Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War Murtiyeedka tababarka Saxaafadda iyo Culumaa...

$
0
0

Garowe: Qeybo ka mid ah warbaahinta dowliga ah iyo kuwa madaxa bannaan ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa tababar ku saabsan sida warbaahinta iyo culumadu uga qeybgali karaan ololaha joojinta gudniinta gabdhaha ugu soo gabagaboobay magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaa tababarka soo qabanqaabiyay Hay'adaha Ifrah Foundation, Global Media [...]
storvideo: 


Ceerigaabo meel ku sheeg

$
0
0

17th December 2017 admin Category :
Mid ka mid ah siyaasiyiinta uu Suldaan Siciid niyad jebiyey oo hadda ka hadlay warbaahinta.
Cabdulqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah siyaasiyiinta degaanadii ay ka soo jeedeen ee Ceerigaabo Nacnaca ka siistay beelaha Isaaq , ayaa hadda ku waabariistay Xilka uu Suldaan Siciid u magcaabay Ciise Xawar oo dalka dibadiisa looga yeerayo
[embedded content]
storvideo: 

Wadooyinkii kala xirnaa ee Magaalada Galkacyo ayaa...

$
0
0

17th December 2017 admin Category :
Madaxweyne Xaaf, Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi, Taliyaha CXDS Cabdiwali Jaamac Gorod, Taliyaha Ciidan Daraawiishta Puntland iyo Mas'uuliyiin kale ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii magaalada Gaalkacyo ku xirmay dagaalkii ka dhacay.

storvideo: 

Beesha Dhulbahante, Maamulkee ayay Marti ku yihiin?

$
0
0

Beesha Dhulbahante, Maamulkee ayay Marti ku yihiin kee bayse iyagu leeyihiin oo Saami Fiican ka Helaan.???
Is Barbardhig Saamiga Beesha Dhulbahante ay Puntland ka Hesho iyo kan ay Somaliland ka hesho.
Saamiga Puntland ay ka Helaan.
* Madaxweyne ku Xigeenka Puntland1. Wasiirka arimaha gudaha
2. Wasiirka duulista hawada iyo garoomada
3. Wasiirka dastuurka dimuqraadiyadda iyo arimaha federalka
4. Wasiirka beeraha iyo Waraabka
5. Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka dhulka.
6. Wasiirada Haweenka iyo arrimaha qoyska
7. Wasiir kuxigeenka Amniga
8. Wasiir kuxigeenka maaliyada
9.wasiir kuxigeenka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha.
10. Wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga.
11. Gudoomiyaha Baanka Puntland (Cabdi Boos)
12Xildhibaano 17 Xunood oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante ayaa Baarlamanka Puntland ku jira..
12 Gudoomiye xigeenka 3aad ee baarlamaanka Puntland waa Beesha Dhulbahante.
15. Gudoomiye kuxigeena commission ka doorashooyinka Puntland
16. Hal xildhibaan golaha deegaanka Boosaso oo 2014kii lagu kordhiyey golaha deegaanka Boosaaso.
Waxaa intaas dheer ilaa 8 Agaasime guud iyo waaxyo iyo taliye kuxigeenada ciidanka Boliiska iyo Daraawiishta.
Saamiga ay Somaliland ka Heleen.
1. Wasiirka biyaha2. Wasiirka hawlaha guud3. Wasiirka waxbarashada4. Afar xildhibaan kaliya5. Agaasimayaal guud
storvideo: 

Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay buuxisay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online): Miisaaniyaddii ay toddobaadkan ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya waxa ay la jaanqaadeysaa is bedelka dhinaca lacagaha ah ee ay sameysay dowladda markii ay ku biirtay barnaamij ku deeqaha lacagaha oo caalami ah bishii Maajo, waxaa sidaas u sheegay Reuters masuul ka tirsan IMF-ta.
Somalia waxa ay haatan ku jirtaa qiimeyntii labaad oo 12 bilood ah oo ay ku sameenayaan shaqaale u xil saran IMF-ta kaddib laban sano oo ay xasarado iyo dagaalo ku jirtay, buuxinta shuruucda lacagaha ee IMF-ta waxa ay u fureysaa albaabaddii ay ku heli lahayd deymo iyo in loo ogolaado maalgalin dhaqaale oo ay ka hesho haayaddaha dhaqaalaha caalamiga ah.
Miisaaniyaddii $274 million ee la meelmariyey arbacaddii waxaa qeyb ka ah tallaabooyin la filayo in sare loogu qaado dhakhliga la soo uruuriyo $20-$25 million, Waxaa ku jira soo kordhinta iibka iyo canshuurta lacagaha shirkadaha isgaarsiinta iyo in meesha laga saaro canshuurtii aan laga qaadi jirin sharci dejiyeyaasha, sidaas waxaa yiri Mohammed Elhage oo hogaaminaya shaqada IMF-ta Somalia.
"Kuwani waa calaamado aad muhiim u ah." Waxa uu sheegay intii ay socotay booqashadii bishii September, in IMF-tu ay ka niyad jabsaneyd horumarka ay sameysay dowladda, taas oo xafiiska la wareegtay doorashadii Febraayo kaddib, Laga soo bilaabo September ilaa iyo hadda, waxaan aragnaa ka'gonaansho is bedel oo xooggan, masuuliyiinta waxa ay si dhaw uga shaqeenayaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.
Miisaaniyadda waxa ay muujineysaa in dowladdu qabatay ku dhawaad $156 million oo ah dhakhliga gudaha iyo $118 million oo deeqo ah, Dalka ka dhisan geeska Africa waxa uu ka soo kabanayaa labaataneeyo sano oo colaad ah iyada oo maleyshiyada Al Shabab wali yihiin Qatar.
Miisaaniyadda cusub wali waxaa aad ugu badan deeqaha, kuwaas oo sanadkii hore ku qarash gareeyey ku dhawaad $1.5 billion deeqaha raashinka, caafimaadka iyo nadaafadda, Kor joogeyaasha waxa ay tilmaamayaan miisaaniyadda cusub iyo meelmarinta Baarlamaanka in ay tahay tallaabo hore loo qaaday.
"Haddii ay IMF-ta ku qanacdo, taasi waxa ay muujineysaa in dowladdu ay bilowday soo uruurinta dhakhliga," waxaa sidaas yiri dimlomaasi reer galbeed ah.
"Haddii ay helaan deymo, taasi waxa ay caddeyneysaa in dahab ka dambeeyo qaanso-roobadka."
Deymo ay ka hesho IMF-ta waxa ay dowladda dhexe siin doontaa fursad ay ku saameyso dowlad gobolleedyadyada xubnaha ka ah, ayuu intaa raaciyey dimlomaasiga.
Dowlad gobolleedydu waxa ay xukumadda Muqdisho ku khilaafsan yihiin qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay xasaradda u dhexeysa Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka.
Deymaha dibadda Soomaaliya looga leeyahay waxa ay gaareysa 5.2 billion sida ay sheegtay IMF-ta. Iskama aysa gudin tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay muddo 25 sano hadda laga joogo, IMF-tu waxa ay sheegtay toddobaadkan koboca dhaqaalaha waxa uu gaari doonaa 2.5 boqolkiiba sanadka 2018 isaga oo ka soo booday 1.8 oo uu ahaa sanadkan, markaas oo ay abaraha iyo amaan daradda ka hoos marisay sadaashadii IMF-ta oo ahayd 2.5 boqolkiiba.Caasimadda OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

SNMta Cusub ee beelaha Isaaq

$
0
0

17th December 2017 admin Category :
Daawo maleeshiyaadka beelaha Isaaq ee loo magcaabay inuu hogaamiyo Qurba joog reer Maakhir ah, oo Isimkiisu sabab aan la garanayn ula jeclaaday inuu qabto xilkaas. Sawirku waa kulanka todobaadle ah ee siyaasiyiinta Muqayiliinta ah ee beelaha Isaaq uga hadlaan sidii ay u heli lahaayeen Ictiraaf
storvideo: 

Moscow waxay ugu baaqaysaa Washington inay ka baxdo...

$
0
0

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa walaac ka muujisay luqadda hanjabaadda iyo caqabadda cadaadiska dul saarnaanta reer galbeedka ah ee la xidhiidha faylasha waqooyiga Kuuriya.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ugu baaqay Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya inay wada hadal yeeshaan, "si ay uga baxaan xaalad khatar badan."
Joogtaynta Waqooyiga Kuuriya ee Tijaabooyinkeeda millatari iyo sidoo kale hawlaha milatari ee Maraykanka iyo xulafadeeda, ayaa hor istaagaya bilaabista wadahadal iyaga oo ku riixaya xaaladda taagan dariiq oodan, ayuu yidhi Ryabkov.
"Moscow waxay ka welwelsan tahay habka galbeedka, taas oo ay ku badan tahay caqabadda cadaadiska, taas oo aan ku eegnay fadhigii ugu dambeeyay ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee xaalka North Korea."
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Shirka Siyaasadda Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmaya

$
0
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhalinyarada Soomaaliyeed,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa,madaxda Dowladda,ururada bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale. Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo [...]
storvideo: 


Dhageyso: Wafdi ka Socda QM iyo Talyaaniga oo gaaray...

$
0
0

Quburo ka socda QM iyo Talyaaniga ayaa gaaray Magaalada Xeerbta leh ee Hobyo iyaga oo sheegay in Galmudug ay ka caawinayaan horumarinta Kaluumeysiga. Magaalo Xeebtedka Dekedda leh ee Hobyo ayaa waxaa ay ka mid tahay Deegaanada hoos yimaada Maamulka Galmudug waxaana ku yaala mid ka mid ah Dekeddihii Qaranka Soomaaliyeed ee ku burburay Dagaaladii Dalka. [...]
storvideo: 

Maxaabiis uu kujiro Wariye boqorka Bartamaha oo...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Muddo sanado ah oo uu ku xirnaa xabsi kuyaala Dalka Itoobiya kadib ayaa Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya,iyadoo lagu wado in laga soo dejiyo Wariye Muudey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waxaa kusugan garoonka diyaaradaha Muqdisho mas'uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,iyo suxufiyiin,kuwaasi oo qaban qaabinaya soo dhaweynta wariyahaasi.
Mar uu la hadlaya warbaahinta ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya,iyadoo sii deyntiisa ay ku timid dadaal ay sameysay Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaare kheyre dadaalkii ay ku bixiyeen sidii uu ku heli lahaa Xuriyadiisa.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa in maanta ay Muqdisho soo gaaraan qeybtii 2-aad maxaabiis ku xirnayd Jaziiradda Seychelles ,kuwaasi oo dhawaan xoriyadooda dib u heley.
Dhawaan waxaa soo gaarey magaalada Muqdisho ilaa 7 kamid ah maxaabiistaasi,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyo kuyaala Dalkaasi Seychelles.
storvideo: 

Golaha Ammaanka oo ka walaacsan go’aankii Trump ee...

$
0
0

Qaraar qabyo ah ayaa loo gudbiyay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo ku saabsan magaalada Qudus. Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in Sal iyo Raad aysan sharciga ku lahayn in hal dhinac uu go'aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus. Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay Dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii [...]
storvideo: 

Diyaarad sida Maxaabiis oo goor dhaw ka soo degaysa...

$
0
0

Muddo sanado ah oo uu ku xirnaa xabsi kuyaala Dalka Itoobiya kadib ayaa Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya,iyadoo lagu wado in laga soo dejiyo Wariye Muudey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa kusugan garoonka diyaaradaha Muqdisho mas'uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,iyo suxufiyiin,kuwaasi oo qaban qaabinaya soo [...]
storvideo: 

Brexit: Theresa May oo sheegtay in 'aysan ka leexaneyn wadada ay ku socoto'

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in xukuumadda Britain ay "u xaqiijineyso dadkeeda inay qalad tahay shakiga laga qabo" wadahadalada ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Jadwalka doorashada Maraykanka

$
0
0

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa si kooban waqtiyada ugu muhiimsan ee doorashada Mareykanka, xilliga ay doorashada bilaabaneyso iyo marka ay xirmeyso, goorta lagu dhawaaqi doono gobolada laysku haysto iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan ku ogaan karno cidda guuleysata.
Dadka Mareykanka ayaa doorashada u dareeri doono talaadada 8 bisha November, si ay u doortaan madaxweyne cusub. Ra'yi aruurin laga qaaday dadweynaha Maraykanka ayaa muujineysa in aad laysugu dhaw yahay.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wakhtiyada dhacdooyinka waa weyn ee lagu ogaan doono cidda noqoneysa madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka. Waqtiyada oo dhan waaa GMT.
Goormee codeynta bilaabaneysaa?
Marka la aado dhinaca galbeed ee dalka, ayey gobolada kale codeynayaan maalinta oo dhan, iyadoo galbeedka Alaska iyo Hawaii ay codeyntooda bilaabaneyso 1700GM.
Marka doorashada dalka oo dhan soo xiranto, ayaa natiijada hordhaca ah la filayo ay sii deyn doonaan TV-yada Mareykanka iyo hey'adaha kale ee wararka, waxayna BBC-da tabin doontaa marka ay gobolada ka sheegaan shabakada wararka ee ABC.
Kuwani waxay ku saleysan yihiin cabiraadda ra'yiga dadweynaha ee la sameeyay maalintii oo dhan, balse aan la sii deyn ilaa inta ay doorashada ka xirmeyso, si aysan saameyn ugu yeelan cod bixiyayaasha.
Haddii gobol aad laysugu dhawaado, lama sheegayo saadaasha gobolkaasi. Waxaana dib laga xaqiijin doonaa natiijada marka codeynta oo dhan xiranto.
Goormee ayeynu ogaaneynaa natiijooyinka ugu horeeya?
Saddex magaalo oo gobolka New Hampshire ah ayay dhaqanka codeyntoodu caadi aheyn. Doorashada, ayaa furanta 05:00 subaxdii, waxyar kaddibna waa xirantaa. Waxaan sidaasi oo kale sameeya oo codeeya inta ay hal mar isu yimaadaan cod bixiayaasha magaalooyinka Dixville, Harts Location iyo Millfield si degdeg loogu ururiyo natiijada. Magaalooyinka waxaa la sheegi karaa natiijada 24 saac ka hor dalka intiisa kale.
Goormee ayeynu heleynaa natiijooyinka ugu muhiimsan?
Habeen barka ayey soo bixi doontaa natiijada, gobolka Florida ayaana ah kan ugu weyn ee aadka laysugu dhawyahay doorashada.
Florida waa muhiim, maxaa yeelay dadka badan ee ku nool ayaa ka dhigaya inay yeelato 29 u codeyneysa madaxweynaha, waana in ka badan 10% tirada guud ee loo baahan yahay in lagu guuleysto doorashada.
Xisbiga Dimuqraadiga wuxuu haysta gobolo ka badan kan Jamhuuriga, sidaa daraadeed Hillary Clinton waxay u baahan tahay si ay u guuleysato inay ka hesho in yar gobolada laysku dhowyahay. Haddii ay guuleysato, waxay noqoneysaa jid dheer oo horay ugu riixayo dhinaca 270-ka cod ee lagamamaarmaanka ah.
Florida waa gobol aad laysugu dhowyahay, waana adag tahay in la saadaaliyo halka ay u codeyn doonaan. Gobolka waxaa deggan cod bixiyayaal badan oo Hispanic ah oo taageera Dimuqraadiga, inkastoo tiro badan oo dadka codkooda dhiibanaya oo asalkoodu Cuba yahay ay u janjeeraan xisbiga Jamhuuriga.
Natiijada gobolka News Hampshire, ayaa sidoo kale waqtigan diyaar ah. Waa gobolka kaliya ay ku xooggan yihiin Diqmuraadiga ee waqooyi bari, inkastoo Jamhuuriga ay heli karaan cododka Maine oo uu Trump ku guulesan karo, waxayna astaan u noqoneysaa in dhankiisa ay u wareegto rajada oo wadanka oo dhan saa noqdo.
Ohio ayey codeynta xirmeysa 00.30GMT. Waana gobol kale oo aad laysugu dhowyahay oo ah meel uu dhaqaalaha hoos u dhacay. Mowduucyada ugu adag, ayaa ah soogalootiga iyo shaqooyinka.
Ohio ayaa looga codeeyay ruux kasta ee ku guuleysatay doorashooyinka ilaa 1964tii, taasi oo ah 13 doorasho oo isku xigay, sidaas daraadeed tani waxay tahay astaan muujineysa cidda badali doonta Barack Obama.
Tobankii doorasho ee u dambeeyay, waxay shan jeer u codeeyaan xisbiga Jamhuuri iyo shan jeer oo kan Dimuqraadiga ah. Gobolka, North Carolina ayaan xisbi taageerin. 2004-tii waxay u codeeyeen George W Bush, 2008diina Barack Obama, halka ay 2012kii u codeeyeen Mitt Romney.
Dad kala duwan ayaa gobolka ku nool. Madowga codka bixiya, waxay ka walaacsan yihiin kala soocid ka jirta gobolka iyo sidoo kale cadaan aqoon sare leh oo ka yimid Midwest oo shaqo doon ah. Cadaanka saboolka ah ee codeynaya ayaa u janjeera Donald Trump. Dadkani waxay ka shaqeyn jireen warshadaha dharka oo hadda u wareegay Vietnam iyo Bangladesh.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muhiim ayey u tahay Donald Trump rajadiisa aqalka cad inuu halkan ku guuleysto, sidaasina waxaa yiri wariyaha BBC-da Katty Kay.
1-da saacadu marka ay tahay ayey Tv-yada ku dhawaaqi doonaan Pennsylvania. Marka dhinacyo badan oo dhaqaalaha laga fiiryo ayey sida Ohio oo kale tahay Dimuqraadi. Xisbiga Jamhuuriyga lix doorasho oo isku xigta ma helin, laga soo bilaabo 1988-kii. Hadii gobolkan oo dhinaca kale aado waxay xisbiga Dimquraadigu u tahay digniin in Trump guuleysan karo.
Labada habeenimo ayey codeynta gobolka New Mexico xirmeysaa. Waa gobol kale oo laysku dhow yahay oo inta aqlabiyadda ku guuleysata aysan qalad u dhawaanin. Hillary Clinton ayaa ku horeysay cabiraadda ra'yiga dadweynaha ee doorashada.
New York, ayaa isla waqtigaas lagu dhawaaqi doonaa. Hillary Clinton iyo Donald Trump, ayaa si isku dhow loogu codeyn doonaa goblka, waana halka labaduba ku qaban doonaan xafladahooda habeenka doorashada.
Gobolka ayey Dimuqraadiga ku xoogan yihiin si ka badan Pennsylvania, marka dib loo fiiryo Ronald Reagan ee guushii u dambeysay xisbiga Jamhuuriga, ayey doorashada u muuqataa mid aan saas aheyn.
Saddexda habeenimo ayaa lagu dhawaaqi doonaa saadaasha gobolka Iowa. Inkastoo gobolka looga cadeeyay labo jeer Barack Obama, hadana waxay u muqataa in ay markan Trump dhiciisa tahay.
Gobolka Nevada oo codeyntiisa isla waqtigaas xirmeyso, ayey adag tahay in lagu dhawaaqo. Gobolka ayaa looga codeyn jiray qofka guuleysanaya doorasho kasta ilaa 1980kii. Cabiraadda ra'yiga dadweynaha ayaa muujineysa in natiijada Nevada waqtigan ay taal middida afkeeda.
Afarta habeenimo ayey codeynta xirmeysaa gobolka ugu dadka badan ee California. Doorashadan dhabtii shaki kuma jirto in California tahay gobol Dimuqraadigu leeyahay, balse 55 madaxweynaha u codeyneysa ee gobolka ayey adag tahay in lagu dhawaaqo doorasho kasta ilaa laga ogaanayo halka Golden State uu noqdo.
Goormeen ogaan doonaa cidda madaxweynaha Mareykanka noqoneysa?
Waa wax lagu yaqaano qofka laga adkaado inuu kan guuleysto waco . Waana suuragal in natiijada isku dhawaato oo uu musharax kasta helo 269 u codeyneysa madaxweynaha. Hadii ay taas dhacdo. Aqalka wakiilada, ayaa go'aamin doono cidda noqoneysa madaxweynaha.
Hadii ay dhacdo isku dhawaasho aan caadi aheyn, waxay lagamamaarmaan ka dhigeysaa in dib loo tiriyo cod kasta taasi oo waqti dheer qaadaneyso.
Waxaa kaloo dib u dhac keeni kara sax ahaanshaha qeynuun sida Florida ka dhacday 2000, xilligaasi oo laysku khilaafay waraaqaha codeynta ee khasaaray.
Tv-yada waa weyn ee Mareykanka sida Fox, CNN, NBC, CBS, iyo ABC ayaa sheegay in Algore uu ku guuleysanayo Florida 2000, balse way ka noqdeen oo George W Bush ayey ku sheegen, hadana way ka sii noqdeen iyagoo ku tilmaamay in muran ka jirto.
Ugu dambeyn waxaa hal cod madaxweyne ku noqday Mr Bush. Sida markaas waa inuu wadanka sugaa ilaa 13ka Desember, si loo ogaado cidda uu yahay madaxweyna soo socda.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 

Brexit: Theresa May oo sheegtay in 'aysan ka...

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in xukuumadda Britain ay "u xaqiijineyso dadkeeda inay qalad tahay shakiga laga qabo" wadahadalada ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
Theresa May waxa ay sidoo kale sheegtay in tobankii maalmood ee lasoo dhaafay ay guul kasoo hoysay hanaanka dalkeedu uu uga baxayo Midowga Yurub.
Maalintii Jimcaha, Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa isku raacay wadahadalada ku saabsan xilliga la hirgalinayo heshiiska, waxaana suuragal ah in heshiiska ganacsiga uu bilowdo sanandka cusub.
Dhanka kale, hoghayaha arrimaha dibadda Britain Johnson Boris ayaa ka digay in Britain aysan beddeli Karin sharciga MidowgaYurub ee muddada dheer soo jiray haddii kalen ay u bareereyso khatar ah inay noqoto "dowlad taabacsan".
Mr Johnson waxa uu sheegay in Mrs May ay qabatay " shaqo wanaagsan oo horey noogu dhaqaajineyso wadahadalada" ka hor inta aan la sameyn wax uu rumeysan yahay in dowladdu ay tahay inay raadsato sidii ay ku heli lahayd heshiiska mustaqbalka ganacsiga ee Midowga Yurub.
UK waxa ay dooneysa " wax cusub oo macno leh, oo faahfaahinaya arrimaha canshuuraha gorgortana uusan ka jirin" xuriyadna u siinaya inay "ku jaan gooyaan nidaamyadooda iyo sharciyada u qaask aah.A yuu intaasi ku daray Mr Johnson.
storvideo: 


Ethiopia oo laga jaray gabi ahaan baraha Bulshada &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Ethiopia ayaa dalkeeda ka xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, kadib markii la sheegay in lagu xoojiyay xiisada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.
Dowlada oo walaac ka muujisay in baraha loo adeegsado faafinta muuqaalada iyo banaanbaxyada socda ayaa waxa ay gabi ahaanba xirtay baraha kuwooda ugu macquulsan ee leysku weydaarsado xaaladaha taagan.
Ethiopia ayaa xirista baraha sabab uga dhigtay inay xoogeysteen iska hor imaadyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi.
Baraha ilaa iyo hadda laga xiray dalka Ethiopia ayaa waxaa kamid ah Facebook iyo Twitter-ka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixino ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada.
Dibadbaxyada looga soo horjeedo dilalka u dhexeeya Qowmiyada Oromada iyo kuwa Soomaalida ayaa waxa ku dhintay ilaa 15 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo hawen.
Waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Ethiopia, waxaana laga cabsiqabaa inuu sii xoogeysto dagaalka.
Dhinaca kale, mas'uuliyiinta Oromada ayaa Soomaalida Ethiopia ku eedeeyay inay geysteen xasuuq ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Mukhtaar Roobow oo abaabulkii ugu dambeeyey ee...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Xudur(SONNA) Waxaa gobolka Bokool ka soconaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagixisada Al-shabaab,kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaano katirsan Gobolkaasi.
Mukhtaar Roobow Abuumansuur oo shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Xudur ee Xraunta Gobolka Bokool ayaa kulamo la qaadanaya mas'uuliyiin iyo saraakiil,kuwaasi oo looga hadlayo xoojinta abaabulada dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab.
Sida uu ku soo waramayo wariyaheena Gobolkaasi Bokool Maxamed Xasan C/raxmaan,waxaa la dareemayaa abaabul dagaal oo xoogan oo ka dhan ah Shabaab,waxaana barbar socda wada tashiyo ku aadan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa in cadowga laga xoreeyo deegaanadaasi.
Majiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Abuumansuur iyo mas'uuliyiinta kale ee K/Galbeed,balse warar ay heleyso Wakaaladad SONNa ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Abuu-mansuur uu ku tagay Xudur ay laxiriirta xoojinta dhaq dhaqaaqaasi oo lagula dagaalamayo Alshabaab,iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey lagu dilaya ku dhawaad 10 Alshabaab ah.
Magaalada Xudur iyo nawaaxiga deegaanka Abal,waxaa kusugan ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuumansuur,kuwaasi oo la sheegay in loo abaabulayo ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaxaabiis uu kujiro Wariye boqorka Bartamaha oo maanta ka soo degaya Muqdisho

storvideo: 

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Sheegay in Baaritaano...

$
0
0

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo goordhow Shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan Xildhibaano uu ku sheegay in ay yihiin kuwo qaran dumis ah.
Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xildhibaanada lagu kala magacaabo Xasan macalin maxamuud Abdi saabir Nuur Shuuriye ay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyeen in Xasaanada lagala noqdo.
Waxa uu Axmed Cali Daahir ku eedeeyay Xildhibaanadaasi in ay lacago ka soo qaateen wadamo shisheeye islamarkaasina ay ku duminayaan dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Sheegay in Baaritaano lagu wado Xildhibaano Baarlamaanka Katirsan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xukuumadda FS oo la weydiistay inay soo gudbiso...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.
Hadalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo uu ku dhawaaqo Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, inkastoo ciidamadan shisheeye ee dalka u sugan ay ku joogaan ogolaasha baarlamaanka Soomaaliya.
"Waxaa maqalnay in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxayaan, sidaa darteed haddii ay baxayaan waa in aan xog ka hayno. Sugidda Amniga anaga dhan ayuu waajib naga saaran yahay Xukuumadda kaliya ma ahan," ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo intaa ku daray inay muhiim tahay in marka ciidamo imaanayaan iyo marka ay baxayaan la ogaado.
Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaannada kale lala socodsiiyo marka askar dalkooda la keenayo, isla markaana iyagoo aan ansixin aan askar dalkooda la geyn sida uu hadalka u yiri.
"Waa inaan nala socodsiiyo oo aan ogaano ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, baarlamaanada kale hal askari marka bannaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo," ayuu yiri Jawaari.
Dhanka kale, Jawaari ayaa sheegay in gole ahaan ay xaq u leeyihiin, isla markaana tahay arrin lagama maarmaan, waxaana uu faray guddiyada arrimaha gudaha iyo difaaca inay arrintan il gaar ah u yeeshaan.
Ugu dambeyn, 22-kun oo Askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan Somalia, sidoo kale Ciidammo Mareykan ah oo gaaraya boqollaal askari, ciidamo ka socda dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.PUNTLAND POST
The post Xukuumadda FS oo la weydiistay inay soo gudbiso Tirada Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xildhibaano ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya oo lagu...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo.
Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay'addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo
Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga.
"Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye," ayuu yiri Dr. Axmed Cali.
Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay'adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo.PUNTLAND POST
The post Xildhibaano ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live