Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaan Saabir “Hadalka Xeer Ilaaliyaha waa daan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, kaasoo ahaa eedeyn isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin Fal dambiyeed Qaran dumis ah.
Xildhibaan Saabir oo qadka taleefanka kula hadlay Saxaafadda, isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan raad iyo wax loo cuskado aanay laheyn.
"Eedeyntaas waa wax aan sal iyo raad midna laheyn, waxa uu leeyahay waa baarnay in aysan jirin, waayo aniga dalka waa ka maqanahay, nin dalka ka maqan in la dhaho waa baaray wax is leh maba lahan, halkaas ayaa caddeyn kugu filan, isagaa u baahan in xilka laga qaado, waayo isagoo magacii garsoorka wata in loo adeegsado sharci bur burin waa wax qaldan, cida u baahan in tallaabada laga qaado waa isaga"ayuu yiri Xildhibaan Saabir.
Xildhibaan Saabir ayaa arrintan ku tilmaamay daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wsaaaraha oo uu ku eedeeyay in maalmahan ay wadeen isku dayo lagu caburinayo Xildhibaanada, looguna gafayo magacooda.
"Waxaa u arkaa arrintan in bilowgeeda ay tahay daan daansi Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay wadaan, waayahan waa la socoteen marna Ruwaayadaha beenta ah ee la waday, marna Culimada, marna Baraha Bulshada lacag fara badan lagu bixinayay oo aheyd hantidii qaranka in Xildhibaanada lagu caayo, tanna waa wax aan sugeyn, wax bilow ah ma ahan"
Waxaa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha hadii uu wax ka hadlayo ay aheyd inuu ka hadlo arrinta Qalbi Dhagax oo uu xusay in aheyd qodob dastuur ah oo la jebiyay.
"Xeer Ilaaliyaha Hadii uu wax ka hadlayo waxay aheyd arrinta Qalbi Dhagax inuu ka hadlo, oo runtii si sharci darro ah dal kale loogu dhiibay, taas ayaa aheyd qodob dastuuri ah oo la jebiyay, Baarlamaankana uu sharci darro ku tilmaamay, marka taasaa sax aheyd inuu ka hadlo,"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir.
Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka in aysan aheyn arrintan wax shaqsi ku saabsan, balse ay tahay waxa lagu xadgubayo sharafka Xildhibaanada, isagoo ku baaqay inay u kacaan la xisaabtanka Xukuumadda iyo Madaxweynaha.
"Xildhibaanada baaq dheer ayaa u dirayaa, oo ah in aysan aheyn wax shaqsi ama qof ku saabsan ee waxa lagu xadgubayo ay tahay sharafkooda iyo karaamadooda, inay hurdada ka kacaan oo la ixsaabtanka inta garatay Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay la xisaabtamaan"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir.
Hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shir jaraa'id oo uu goor dhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo oogay fal dambiyeed ku aadan in isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin dowlad dumis, isla markaana dal shisheeye ay lacag ka soo qaateen.
Isha: Jowhar- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Xeer ilaaliyaha guud oo dalbaday in 2 xildhibaan xasaanadda laga qaado

$
0
0

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu baarlamaanka u gudbiyey qoraal uu ku dalbanayo in xasaanadda laga qaado xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud iyo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, si loogu soo oogo dacwado uu xeer ilaaliyuhu sheegay in "caddaymahooda iyo baaritaankooda uu dhamaystiran yahay".

Wareysi-Xkuumada Cusub Inta Ay Xilka Hayso Magalada...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi-Xkuumada Cusub Inta Ay Xilka Hayso Magalada Hargeysi Waxay wado Heli Doontaa Biyo ku filan- Xil Maxamed Cabdiraxmaan.
Daawo wareysigaasi oo Dhinacyo badan taabanaya:
[embedded content]
storvideo: 

Arrinta lagu heysto labada Xildhibaan ee lagu...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey'addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.
Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.
Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.
Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay.Maxaa lagu heystaa?
Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliya Qaranka ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in labadaan xildhibaan lagu hayo falal aad u weyn.
Illo wareedyadaas ayaa Xaqiijiyey in labadaan XIldhibaaan lagu hayo inay Xildhibaano lacag kaga saxiixeen Mooshin ka dhan ah madaxweynaha isla markaasna ay dowlado shisheeye u adeegayaan.
Waxaa la sheegay in la hayo caddeymo arrintaas ku aadan isla markaasna ay maxkamadda horteeda soo istaagi doonaan xildhibaano ku marqaati furayo marka labadaan Xildhibaan laga qaado Xasaanada.
Labadaan Xildhibaan ayaa la sheegay inay lacago kasoo qaateen dowlado ay kamid tahay Imaaraadka Carabta.
Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inay dalka ka abuurayaan foodo iyo Xasilooni darro siyaasadeed, waxaana kaloo lagu hayaa qiyaano qaran iyo inay u adeegayaan dano shisheeye.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xeer ilaaliyaha guud oo dalbaday in 2 xildhibaan...

$
0
0

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inuu baarlamaanka ka dalbaday in xasaanadda laga qaado laba xildhibaan si loogu sameeyo "baaritaan qaran dumisnimo".
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu baarlamaanka u gudbiyey qoraal uu ku dalbanayo in xasaanadda laga qaado xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud iyo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, si loogu soo oogo dacwado uu xeer ilaaliyuhu sheegay in "caddaymahooda iyo baaritaankooda uu dhamaystiran yahay".
Wuxuu xeer ilaaliyaha ku eedeeyey xildhibaannadaas inay ku tunteen sharciga oo ay dalal shisheeye ka soo qaateen lacag lagu duminayo "qaranka Soomaaliyeed".
Hadalka xeer ilaaliyaha waxaa ku jiray in uu faray hay'adaha xoojinta sharciga in ay shaqadooda qabsadaan, hase yeeshee ma cadda sida ay taasi u meel mari karto ayadoo uusan baarlamaanku arrinta xasaanad ka qaadidda xildhibaannada la eedeeyey go'aan ka gaarin.
Waa markii ugu horraysay ee dalab xasaanad ka qaadid ah ay xeer ilaalinta u gudbiso baarlamaanka.
storvideo: 

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo.
Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay'addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo
Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga.
xeer ilaaliyaha
DEG DEGXeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir oo Goordhaweyd Shir jaraaid ku qabtey Xafiiskiisa ayaa sheegay in baaris lagu sameynayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu tuhmayo Dowlad DumisXeer ilaaliyaha Guud ayaa Sheegay in Gudoonka Baarlamaanka ay ugudbiyeen Warqad ay kaga dalbanayaan in Xasaanada laga qaado Labada Xildhibaan Ee kala ahXasan macalin maxamuud iyo Abdi saabir Nuur shuuriyeXeer ilaaliyaha Ayaa ku eedeyey Xildhibaanadan in ay Dhaqaalo Dowlada lagu duminayo ka soo qaateen Dowlado Shisheeye
Posted by Universal Somali TV on Sunday, December 17, 2017
"Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye," ayuu yiri Dr. Axmed Cali.
Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay'adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo.PUNTLAND POST
The post Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wariye muddo ku xirnaa Dalka Itoobiya oo Maanta dib...

$
0
0


Muqdisho (PP) -
Wariye Maxamed Aweys Muudeey [Boqorka bartamaha] oo muddo afar sano ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kaddib markii maalin ka hor xabsigii ku xirnaa laga sii daayay.
Suxufigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Somalia, suxufiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo halkaas kula hadlay suxufiyiintii iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay.
"Waxaan u mahad-celinayaa Dowladda Itoobiya oo aqbashay inay xabsiga iga sii dayso muddo sannado ah kaddib, waxaana sidoo kale u mahad-celinayaa Dowladda Somalia oo codsigeeda la isugu sii dayay," ayuu yiri Boqorka Bartamaha.
Isagoo sii hadalaya ayuu Wariye Muudeeya sheegay inuusan wax dambi ah gelin, balse ay amarka ALLE ku noqotay in la xiro, haatanna laga soo daayo xabsigii lagu xiray ee Itoobiya.
"Dowladda Itoobiya, waxaan weydiisanayaa inay xabsiyada dalkeeda kasii dayso tiro muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo muddo sannado ah halkaas ku xirnaa," ayuu hadalkiisa daba-dhigay Muudeey.
Wariyaha ayaa hadalkiisa ku daray in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu tilmaamayo ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla dalalka Jigjiga iyo Addis Ababa oo ah xarunta Itoobiya.
Ugu dambeyn, Wariye Boqorka-bartamaha ayaa waxay dowladda itoobiya ku xukuntay 27-sano oo xabsi ah, kaddib markii la sheegay in lagu helay falal argagaxiso, inkastoo wariyuhu uu diiday in eedeyaha loosoo jeediyay ay ahaayeen kuwo sax.PUNTLAND POST
The post Wariye muddo ku xirnaa Dalka Itoobiya oo Maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

WASAARADDA DUULISTA IYO HAWADA EE MAQAN IYO MAAMULKA...

$
0
0

Wasaaradda duulista iyo hawada in la ga dhigo hay'ad duulimaad iyo madaarro iyada oo aynaan weli helin aqoonsi, maamulin hawadeenna, ciidan cir difaacana aynaan yeelan waa ilduuf siyaasadeed oo ilaa iyo hadda aan aad u la tacajabsanahay. Inkasta oo wareegtada xafiiska Madaxweynaha ka baxday aaney saxeex iyo shaanbad toona lahayn oo iyaba cibaaro kale ah! Ujeeddada se aan u leeyahay maamulka hawadu wasaarad ayaa ku habboon ee hay'adi wakhtigan waa ku ilduuf waxa aan ku cuskanaya shan ammuurood oo siyaasi ah:-
Ammuurta koowaad waa; Soomaaliyada sida xasadka ah innoo ga dabo lulata meesha keliya ee aynnu awood ahaan iyo farsamo ahaan ku muransan nahay waa cirka. Dhul, bad iyo dawladnimo intaba waa aynnu ka madax-bannaan nahay. Duulista iyo hawadu waa qaddiyad siyaasiyan halgan dawladnimadeenna uga baahan maanta oo aan cir iyo hawo gacan innoo gu jirin. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay hawadeenna maamusho oo ay la soo wareegto. Dedaal weyn oo ballaadhan ayey ammuurtaa ugu jirta - sidaa soo ay tahay waxa jira dawlado waaweyn oo ammuurtaa si aad ah uga la shaqaynaya oo hiil iyo hoo la garab taagan. Iyagu; waa Soomaaliya e, wasaarad sare oo wasiirkeeda leh ayaa u yagleelan oo ay rabtaa in ay kula wareegto maamulka hawadeenna. Maanta Madaxweynuhu durtaba waxa uu magacaabay hay'ad duulimaadka iyo madaarrada qaabilsan - wasaaraddii duulista iyo maamulka hawada sarena waa la tirtiray sida ay u egtahay. Waxa ay u muuqataa in aan la raacin gaadiidka ee la baabi'iyey oo la ga dhigay sidii wax u eg shirkad duulimaad iyada oo nin duuliye ahna madax loo ga dhigay!
Ammuurta labaad ee haddaba iswayddiinta lihi waa; Wasiirka Soomaaliya ee maamulka hawada u xilsaaran ma maareeye ayeynu hor fadhiisinnaa oo aan dhiggiisa ahayn? Maxay tahay sababta loo bahdilayo qaddiyadda hawadeenna? Saw ma habboona in la ilaaliyo marka hore waxa la yidhaa "Counterpart Act " oo wasiir la ga hor geeyo wasiir dhiggiisa ah? Marka labaadna loo arko in maamulka hawadu yahay qaddiyad qaran sidaa darteed mansab sare loo irkado oo aan la hoosaasin?
Ammuurta saddexaad waa; In wasaaradda duulista iyo maamulka hawada bildhaanteeda iyo hawl galkeedu si weyn u ifo oo xaqa ummadda ee 27 sano ku dhawaadka dhacan gamcaha qaranka ku soo celiso waa ammuur masiiri ah, oo dastuuriyan ah, oo Somaliland aaney sinaba in ay u dhayalsato ahayn. Labada wasaaradood ee qarankeenna ka silloon ka ahi waa maamulka hawada iyo arrimaha dibedda. Sababtuna wax kale ma aha e, waa aqoonsi la'aan iyo in maamulkii hawadeennu aannu gacanta qaranka innoo gu jirin.
Ammuurta afraad; cidda loo magacaabayo duulista hawada ma jiraan wax la yidhaa duulis iyo madaarro iyada oo aan weli aqoonsi la helin e, oo ileen dawladnimadeenna oo aan weli sumad caalami ah yeelan hay'ad magac safar duulimaad ahi waa ku ceeb e, (Travel Agency) waa in ay noqotaa cid aqoon buuxda u leh sharciyadda caalamiga ah iyo heshiiyada duulimaadka hawada oo farsamo ahaan ka bixi karta hawsha loo igmanayo Af qalaad iyo sharci adduunna ku balaaqi ah. Si ay innoo gu suuro-gasho in madalaha caalamka iyo madxafyada adduunka aynnu si guul filasho ah uga garnaqsanno oo aynaan u khiyaamo hodmin. Dhanka kalena in aynnu Soomaaliya si xigmadi ku jirto aynnu isaga furdaaminno waa in la helo cid farsamo yaqaan ah oo aqoon iyo kartiba ku wadi karta Wasaarad duulis iyo hawo maamulkeed oo madax-bannaan inna ga la maqan oo aynnu baadigoob weyn ugu jirno.
Ammuurta Shanaad; waa in ay nasiib wanaag tahay in Madaxweynuhu magacaabay nin duuliye ah oo khibrad iyo waayo-aragnimo huwan, oo yaqaan habka iyo nidaamka maamulka hawadu u shaqeeyo oo guul ka keeni kara. Waxase iyana nasiib-darro ku ah duuliyaha sare in qaddiyad maqan oo masiiri ah la yidhaa ku baadigoob hay'ad iyada oo cidda aad is-haysaan (Soomaaliya) ay wadato oo ay walwaalaneyso wasaarad uu horkacayo wasiir kaa mansab sarreeya oo aannad dhiggiisa ahayn. Halkaa waxa ka dhacay waxa la yidhaa "counterpart violation". Waxana ay u muuqan doontaa dawlad iyo maamul goboleed ku hoos jira oo garramaya marka uu maareeyaheennu hoos fadhiisto wasiir wasaaradeed oo dunidu weli u aqoonsan tahay in aynnu dawladdiisa ka mid nahay. Arrinta tani waa mid khatar ah siyaasiyan oo ilduuf ba'ani ka muuqdo. Waxana u la ga ma maarmaan ah Madaxweynaha cusub in uu dhakhso maaro ugu helo inta ay goori goor tahay.
In la xoojiyo oo itaal iyo awood dibloomaasiyadeed intii karaankeenna ah aynnu xoog iyo xiniin dul dhigno maamulka hawadeenna waa la ga ma maarmaan. Haddii ammuuri Madaxweynaha ka ahayd in la yareeyo wasaaradaha xukuumadda - boqol siyood oo loo yareyn karayey ayaa jirtay. Iyada oo aan kuwa qaranka wakhtiga kan u mihimka ah ee masiirka ummadda baadigoobaya aan meesha loo ga saarin qaar markoodii horeba lammaanida ku wacnaa.
Tusaale ahaan kala saarista ganacsiga iyo maalgashigu mihim ma aha ee waa is-feeraarin qorshe xumo ku timi. Sidoo kale kala saarista gaadiidka iyo hawlaha guud iyana waa farsamo xumo kale - halka jidadka ay ahayd in hay'ad gaar ah oo aan wasaarad ahayn loo xil-saaro. Madaxweyne Hay'adda dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka ayey ku habbooneyd e, kollaba ma aysan ahayn in aad u magacowdo qaddiyad maqan oo masiir qaran ah hay'ad magac duulis iyo maamulis madaar wadata.
Madaxweyne dhaliilahaaga sax go'aan qaadashadana miyir badan u yeelo. Waxa kale oo Mudane Madaxweyne aan kuu soo jeedin lahaa kolba haddii aad magacowday hay'adda duulista iyo madaarrada ka noqosho ma joogto e, fadlan maamulka hawada iyada ha u xilsaarin gaar ahaan wakhtiga wadahadallada maareeyaha iyo hay'addiisa duulimaadka oo ha wajihin in UU la gorgortamo wasiir ka mansab iyo hay'ad sarreeya. Shirarka Soomaaliya na ku lammaanee wasiirka arrimaha dibedda oo isaga u xilsaar siyaasiyan doodda maamulka hawada iyo qaddiyadda qaranka ee maqan.
Mohamed Hagi Mohamoud
storvideo: 


Daawo: Ka Xorowgii Aqoon La’aanta Waa muqaal...

$
0
0

Waa muqaal xanbaarsan laba xaalood oo kala duwan. Midi waa waxbarasho la'aan, halka xaaladda labaad na tahay xalkii laga gaadhay. Waa muuqaal isu keenid ah oo soo koobaya documentry filimyadii hal-ku-dhiggoodu ahaa "HALKII AAN KA IMI" oo laba jeer iska soo daba baxay, oo uu sameeyey suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).
Nuruka ay gudbinayeen waxa ay ahaayeen waxbaraasho la'aanta miyiga iyo xalka lagaga bixi karo, iyadoo si gaar ah loo xushay 12 jir bilaa waxbarasho ku ahaa miyiga. Farriinta ugu mudanna waxa bixinayey Mawliid Xasan Macallin (oo ahaa 12 jir aan waxbarasho xilligaa haysan).
Sannad badh ka dib Mowliid yare xaggee ayey waxbarashadii isla marayaan? Maxaa se u kordhay? Muxuu dareemayaa?
Halka hoose ka daawada:
[embedded content]
storvideo: 

Erdogan: Safaarad ayaan ka furan doonnaa Bariga Qudus

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadi maanta sheegay in Dowladiisu rajeyneyso in ay safaarad ka furato caasimada Falastiin ee Bariga Qusus, mustaqbalka.

Erdogan: Safaarad ayaan ka furan doonnaa Bariga Qudus

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadi maanta sheegay in Dowladiisu rajeyneyso in ay safaarad ka furato - Falastiin ee Bariga Qusus, mustaqbalka.
Wuxuu sheegay in Bariga Qudus ay hadda heysato Israel sidaasi daraadeedna aysan ka furan karin wax safaarad ah, balse ay rajeynayaan in ay soo dhawaatay maalmihi ay sida rasmiga ah u furan lahaayeen safaaradooda Falastiin.
Hadalkaan ayaa imanaya maalmo yar kadib marki uu Erdogan ku martigeliyay magaalada Istanbul shirka dalalka Islaamka, kaasoo looga soo horjeestay go,aanki uu madaxweyne Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasmada Israel.
Bariga Qudus ayaa waxaa qabsatay Israel sanadki 1967, kadib dagaal ay la gashay dalalka Carabta.
Turkiga wuxuu hadda qunusuliyad ku leeyahay magaalada Qudus, waxana uu xiriir diblamaasiyadeed buuxdo la leeyahay Israel.
storvideo: 

Wariye Boqorka Bartamaha oo Muqdisho Gaaray

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray wariye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo muddo ka badan 4 sano ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Ethiopia.
Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia, ayaa Maxamed Aweys Muudey ku xakuntay 25 oo xabsi ah, balse dadaal dheer oo ay u gashay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu danbeynti suurta geliyay in lasoo daayo.
Boroka Bartamaha ayaa lagu eedeeyay inuu galay dambi culus oo lid ku ah dowladda Ethipia xilli uu ku sugnaa dalkaasi, wallow aan dambigaasi la carrab dhabin.
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Boqorka Bartamaha inuu si nabad ah ku tagay Muqdisho. Wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha Soomaaliya, in ay dadaal u galeen sii deyntiisa.
Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ah wariyaasha caanka ah ee Soomaaliya.
storvideo: 

Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta warbixin ka...

$
0
0

????????????????????????????????????
Muqdisho(SONNA);- Xildhibaanada Aqalka sare ayaa kulan ay maanta yeesheen waxay warbixin seddax biloodle ah kaga dhageysteen Guddiga dib u eegista dastuur ee Labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari),waxayna guddiga dib u eegista dastuurka halkaasi ku soo bandhigeen warbixino muujinayay waxqabadkooda seddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Sidoo kale,Xildhibaanada Aqalka sare ayaa waxay kulan ay ku weyneynayeen u sameeyeen Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo abaal marin uu ku muteystay sida uu shacabka Soomaaliyeed u garab istaagay lagu soo siiyay dalka Swizerland.
???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????
storvideo: 

Xasaanadda xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia

$
0
0

Xasaanadda xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia
Dec 17, 2017 -
Kadib hadalkii maanta kasoo yeeray xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ee ahaa in xasaanadda laga qaado xildhibaan Xasan Macalin iyo xildhibaan Saabir Nuur Lugeey si loo maxkamadeeeyo ayaan jeclaaday inaan idinla wadaago xeerka xasaanadda xildhibaanka, waxaa ka hadlaya qodobka 70aad ee dastuurka Somalia oo u qoran sidaan hoose
(1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.
(2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.
3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka
4) Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka.
(5) Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.
Waxaa qorayAbdullahi Osman Farah Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Kaka oo Ka Fariistay Ciyaaraha

$
0
0

Xidigii hore ee kooxda AC Milan iyo xulka Brazil Recardo Kaka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka fariista dheelida ciyaaraha kubadda cakta.


Daawo Sawiro Badan: Xaflad Lagu Tageeraayey Guulaha...

$
0
0

Daawo Sawiro Badan: Xaflad Lagu Tageeraayey Guulaha Is barbaryaala Ee Ka soo hoyatay Doorashadii Madaxtooyada Ee Somaliland Oo Xalay Ka dhacday Oslo iyo Dadweynaha Jaaliyada Oslo Oo Hambalyo iyo Duco u diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland
storvideo: 

Kaka oo Ka Fariistay Ciyaaraha

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Xidigii hore ee kooxda AC Milan iyo xulka Brazil Recardo Kaka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka fariista dheelida ciyaaraha kubadda cakta.
Kaka oo sanadki 2007 ku guuleystay laacibka adduunka, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Globo Sporte ku sheegay in kadib marki uu la tashaday qaar ka mid ah qoyskiisa, uu go,aan ku gaaray inuu iska siibo kabaha kubadda cakta.
23 jirkaan ayaa sheeegay inuu qaadan doono waqti uu kaga fakaro shaqada uu qaban doono, kadib ka fariisashadiisa kubadda cakta.
Muddadi uu ku jiray ciyaaraha kubadda cakta, Kaka wuxuu ku guuleystay koobka duunka sanadki 2002. Wuxuu sidoo kale AC Milan u qaaday koobka Champions League iyo horyaalka Talyaaniga.
Wuxuu sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Sao Paulo, Real Madrid iyo kooxdi ugu danbeysay ee uu muddooyinkan danbe ka tirsanaa ee Orlando City ee dalkaan Mareykanka.
storvideo: 

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo dalbaday in Xasaanada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dr Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa eedeyn kulul 2 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Xeer Ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada kala ah Xasan Macallin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye arrimo la xariira Qaran dumis.
Waxaana uu sheegay in Dowlado shisheeye ay gacan saar la leeyhiin Xildhibaanadaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka dalbaday Guddoonka Golaha Shacabka in Xasaanada laga qaado Xildhibaanadaasi, si loo horgeeyo Sharciga.Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/ddddddd.mp3
storvideo: 

Dabley Hubeysan Mu’adin ku dilay Degmada Hodan ee G/...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa Xalay Saqdii Dhexe Wiil Mu'adin ahaa ku dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay Nawaaxiga Isbitaalka Digfeer Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxaana la sheegay in Rag hubeysan ay ku dhex Toogteen Gurigiisa oo aan ka fogeyn Misaajidka uu Mu'adinka ka ahaa uu ku yaalla Agagaarka Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan.
Faadumo Mire Xirsi oo ah Hooyo dhashay Marxuumka ayaa sheegtay in sababta loo dilay aysan garaneyn Wiilkeeda.
Waxaana ay tilmaamtay Hooyo Faadumo in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxasadeen.Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/cod-dilka.mp3
storvideo: 

Rabashado u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida oo ka...

$
0
0

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in xasilooni darro Siyaasadeeed ay ka bilaabatay Dalkaasi, taas oo ka dhalatay dagaallo u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ku dhaqan Dalkaasi.
Xubno ka tirsan Xisbiga Kacdoonka iyo Dimoqoraadiyadda ee Dalka Ethiopia ayaa warbixin ay soo saareen si kulul ugu cambaareeyay Ciidamada milateriga Ethiopia, kuwaas oo ay sheegen in ay Rasaas ku fureen dad si nabad galyo ah ugu Mudaharaadayay gudaha Dalkaasi.
Xubnahani ayaa wacad ku maray in ay baaritaan ku sameyn doonan Ciddii ka dambeysay xadgudubkaasi, islamarkaana xusay in ay sharciga horkeeni doonaan.
Colaadaha u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Ethipia ayaa soo bilowday Bishii September ee sanadkani 2017.
Shalay ayey ahayd markii dagaallo dhexmaray labada Qowmiyadood ay ku dhinteen ku dhawaad 7 Qof oo Soomaali ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live