Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Badhasaab Ramaax Oo Sheegay in Isaga iyo...

$
0
0

Daawo: Badhasaab Ramaax Oo Sheegay in Isaga iyo Badhasaabka Sanaag dhakhso loogu Magacaabo Xilal hadii kale aanay Waxba Soconayn
[embedded content]
storvideo: 


Daawo: Wasiirka Maaliyada Ee Cusub Oo ka waramay...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Maaliyada Ee Cusub Oo ka waramay Khibrada Uu u leeyahay Wasaarada Loo Dhiibay Sidoo kalena Sheegay in Is Badal Dhakhso ah uu ka samayn doono Wasaarada
[embedded content]
storvideo: 

Gudaha ka eeg: Saif Al-Islaan Gadaafi Oo Shaaciyey...

$
0
0

"Wiilkii Qadaafi ka sugaynaa doorashadii madaxweynenimada ee dalka Liibiya sannadka soo socda " Sidaana waxaa yidhi afhayeen u hadley Sefal Islaam Qadaafi
Saif al-Islam Gaddafi oo ah wiilkii hoggaamiyihii Liibiya Muammar Gaddafi, ayaa qorsheynaya inuu u tartamo madaxtinimada wadanka Liibiya doorashooyinka soo socda ee dhicidoonta 2018-ka afhayeenka , ayaa xaqiijiyay.
"Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilkii madaxweynihii hore ee Liibiya, Saif al-Islam Gaddafi, wuxuu ku tiirsan yahay taageerada qabiilooyinka waaweyn ee Liibiya si uu u ordo doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda dhicinoonana2018," ayuu Al-Soul Oo u sheegay wargeys kasoobaxa wadanka Masar
"Saif al-Islam wuxuu qorsheynayaa hadii uu ku guuleysto doorashada dhici doonta 2018 in uu wax weyn ka badadi doono xaga amniga iyo xasiloonida Liibiya," Ayuu yidhi Saif Al-ismaal Gaddafi oo laga sii daayay xabsiga bishii June lix sano kadib markii uu ka soo horjeestay kacdoon shacab oo NATO taageeraysey markaasoo Aabihii laga Tauuray Talada Dalka Aakhirkiina Maaleesiyaadkii ka soo horjeeday ay ku Toogteen Dalka Liibiya. Dalka Libiya Ayaa hadeer u Gacan galay Maleeshiyoonin Iska soo hor jeeda una Badan Islaamiyiinta.
Waqabadka Togaherer
storvideo: 

Daawo: Wasiir Samsam Wasiirkii hore ee Maaliyada Oo...

$
0
0

Daawo: Wasiir Samsam Wasiirkii hore ee Maaliyada Oo Beenisay War Suuqa la isla Dhex maraayey Sheegtay in Shaqaaluhu hawshoo wataan Fartayna Dadka in aan Wasiirka Cusub Cay lagu Bilaabin ee la taageero
[embedded content]
storvideo: 

Dowladda Maraykanka oo codka veto u adeegsatay ...

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa Codka qayaxan u adeegsatay qaraar ay Masar soo diyaarisay oo ku saabsan go'aanka madaxweyne Donald Trump ee magaalada Qudus,kaasoo la horkeenay Golaha Amniga Qaramada Midoobay.
Qaraarkan qabyo-qoraalka ah oo dhigaya in"waxba kama jiraan" laga soo qaado go'aankii maadxweyne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil,ayaa waxaa taageeray 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga.
Xubnaha ayaa si wadajir ah u sheegay in xalka Israa'iil iyo Falastiin ku jiro wada-hadal,si loogu guulaysto in ay nabad ka dhalato labada dhinac,waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo baaqyada caalamiga ah ku aaddan arrimaha Qudus,inkastoo aysan magacaabin madaxweyne Trump.
Laakiin safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay,Nikki Haley ayaa weerar afka ah ku qaadday 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga,waxayna taageeradooda ku tilmaantay"bahdil lama illaawaan ah".
Haley ayaa tiri"ma aqbalaynno in naloo yeeriyo halka aan safaaradda ka dhiganeyno".
PUNTLAND POST
The post Dowladda Maraykanka oo codka veto u adeegsatay qaraarkii Qudus. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyay...

$
0
0

18th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka kala hadlay arimo u badan dhiira galinta hawgalada la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro Al shabaab, waxana uu sheegay Madaxweynaha sababta uu maanta u tagay wasaaradda Gaashaandhiga inay tahay in la isku diyaariyo Hawgalo kusoo food leh dowlada, wada shaqeyn buuxdana la yeesho
"Runtii waxaan halkan maanta u imid oo qeyb ka ah inaan halkan u bato oo aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan isugu diyaarino hawgalada nagu soo fooda leh waxaa soo socda Join Operation oo AMISOM SNA iyo qolada Mareykanka oo iyaguna gacan naga siiya dhinacyo badan aan wada gali doono hawgalo, Hawgaladaasi waxay keeni doonaan inaan isku badano maadaama ay tahay inaan is aragno anaga iyo qolooyinkan shacabkeena laynaya, maxaa yeelay iyagu mar walbo weerar ayay soo qaadaan dadkeena ayay laayaan" ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Mudada Sideeda Bilood ah oo ay Xukuumadda dhisan tahay in la qabtay waxyaabo badan, isagoo sheegay in markasta ay dardaaran iyo wada hadal joogta ah la yeeshaan ciidanka si sharciga loo ilaaliyo
"Xukuumada waxay dhisan tahay sida loo ansixiyay waa sideed bilood iyo xoogaa, waxaan aaminsanahay in wax badan la qabtay wax badana ay inoo harsan yihiin, mar walbana aan dardaaran iyo wada hadal joogta aan idin heynay oo ay kow ka tahay in ciidanka dishibiliinkiisa la adkeeyo shuruucda la ilaaliyo, qof walba waa inuu ixtiraamaa kala dambeynta taas weeye waxa dowliga ah" ayuu yiri Madaweynaha.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada
"Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo" ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan.
"Waxaan cadeyneynaa in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano" ayuu yiri Mudane Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in ay ciidamada ku sameeyeen Tirakoob sax ah, baarlamaankana ay u gudbiyeen Sharciga Xaqsiinta oo ay rajeynayaan inuu sida ugu dhaqsaha badan u ansixiyo.
"Waxaan sameynay tira koob sax ah oo ay wax inoo kala cad yihiin ciidanka shaqeeya, kuwa aan shaqeynin, kuwa hawlgabka u baahan, ciidanka dhaawaca ah iyo agoonta, waxaan gudbinay sharciga xaqsiinta oo aan dooneyno baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u ansixiyo si dad badan oo active u ah ciidanka ay u galaan dhanka xaqsiinta, oo mushaaradooda inta ay qaataan ay ku qaateen iyagoo hawlgal ah, kuwa dhaawaca sidaas oo kale, agoonta sdiaas oo kale oo aan kala naqaano ciidamada diyaarka ka ah oo hawgalada gali kara iyo kuwa dhaawaca ah oo aan la isku qasin, taas waxay inoo suurta galineysa imisa ciidan ayaan u baahanahay inaan tababar u dirno, dadka na caawinaya qaabkan maaha sida ay ku shaqeeyaan marka waa inaan is hagaajinaa iskuna tashanaa"
Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in waqtigiisa ugu badan uu ku bixinayo Ciidamada, dhaqaalaha ugu badan ay dowlada ku bixin doonto ciidanka iyo sidii dalka loo xureyn lahaa
"Aniga waqtigeyga inta ugu badan waxaan siinayaa ciidan, dhaqaalaha inta ugu badan waxaan siineynaa ciidan, dhanka dagaalka ilaa aan dalkaan ka xureyno oo aan kusoo dabaaleyno nabad"
storvideo: 

Xulka Kubada Cagta Puntland oo Samafinal u Gudbay

$
0
0

18th December 2017 admin Category :
Puntland ayaa u gudubtay Ciyaarta kama dambaysta ka dib markii ay xulka Banaadir ay kaga badiyeen 0-1 oo Puntland guushu ku raacday. Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ciyaartoyda Puntland Galabta Waxaa ay soo bandhigeen Ciyaar cajiib ah oo ay ka muuqatay kalsooni isu dheelitirnaan .
Xulka Banaadir oo laga guulaystay ayaa iyana soo bandhigay ciyaar qurux badan oo wareer ku dhisan waxaase ka beeniyey Difaacyada Puntland oo galabta sameeyey difaacasho xirfadeedu sarayso oo deganaan iyo kalsooni ku dhisan .
Waan markii labaad oo Puntland ciyaarta kama dambaysta ah gaarto iyadoo Sanadkii hore Jubaland kaga guulaystay ciyaarta kama dambaysta ah .
Maxamed Saciid-Garoowe.
Bal aan aragno asxaabta reer Puntland ee igu jira oo share gareya heesta ugu xamasada badan ee loo qaaday laacibta puntlandShare share share share ficil ku share gareya oo dhiri geliya lacibinta puntland
Opslaet af Khadar Yare Murtimaal pa 18. december 2017

storvideo: 

Dawladda Trump oo codka qayaxan ee Veto ga la yidhaa...

$
0
0

Awdalpress - London - Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday qaraar qabya ahaa oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay la keenay kuna saabsanaa magaalada Qudus.
Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go'aankii madaxwayne Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus - Israa'iil.
Dhammaan 14 xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarkan.
Dalalka taageeray qaraarka looga soo horjeedo go'aankii Trump waxaa ka mid ah Britain iyo Faransiiska.
Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.
Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa rajaynaya in bariga Qudus maalin uun ay noqon doonto - Falastiiniyiinta.
Go'aankii madaxwayne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday - Israa'iil ayaa waxa ka dhashay cadho gaar ahaan dalalka Islamku u qaadeen.
storvideo: 


Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo soo...

$
0
0

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdi weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Boqolaal Dhalinyaro oo kala yimid Gobalada dalka.
Warmurtiyeed ka kooban qodobo muhiim ah ayaa laga soo saaray Shirkan, waxaana ay kala yihiin:-
In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada.
In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo.
In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka.
In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad
In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada.
In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay.
In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado.
In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato.
In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada.
In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista.
In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga.
In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay.
In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan.
In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan.
In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada.
In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha)
In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka.
Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan.
Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya.
In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan.
In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirkan furay 17-kii bishan, isagoo tilmaamay in dawladdani ay mudnaan gaar ah siisay dhalinyarada, laguna tilmaamo dawladdii shacabka. Isagoo xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo firfircoon oo diyaar u ah ka qeybqaadashada horumarka dalka ka jira.
storvideo: 

Xuutiyiinta dalka Yeman oo gataal casri ah ku...

$
0
0

Xuutiyiinta dalka Yeman oo gataal casri ah ku weerartay - Sacuudiga ee Riyaad
Dec 19, 2017 -
Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay in hawada lagu bur buriyay Gantaal nuuca balaastika oo kooxda Xiitiyiin dalka Yaman kusoo rideen magaalada Riyaada ee - Boqortooyada Sacuudiga.
Telefishinka dowlada Sacuudiga ayaa baahiyay in hawada sare lagu bur buriyay gantaalkan laga soo riday gudaha dalka Yaman, waxaana gantaalkan la bur buriyay lagu sheegay in uu yahay nuuca loo yaqaan Burkan-2 .
Hawada magaalada Riyadh ayaa lagu arkayay qiiq iyo uuro markii gantaalka hawada lagu bur buriyay, waxa ayna dadka qaarkood sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa gantaalkan la bur buriyay.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidan oo kale horey gantaalo ugu weerartay Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyadh, waxaana inta badan ciidamada cirka Sacuudiga ka hortagaan gantaalada Xuutiyiinta kusoo weeraran. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Ninka lagu magacaabo Dabcasar ee caanka ka noqday...

$
0
0

Ninka lagu magacaabo Dabcasar ee caanka ka noqday baraha bulshadu ay ku kulanto ee InterNetka ayaa xabsiga loo taxaabay. Somalilandna waxa loogu baaqay in ay deg deg ugu soo celiso xorriyaddiisii. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 19th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Ciidammada Police ka ee Somaliland ayaa caddeeyey in ay xabsiga dhigeen Abdirahman Haji oo ku magac dheer Dabcasar. Ninkan oo haysta dhalashada Maraykanka, ayaa dadka taageeraa ay durba gudbiyeen dacwado caalami ah oo ay ugu dagaallamayaan ninkan oo la sheegay in jidh dil lagu sameeyey, kadibna la xidhay. Illaa immigana aan war laga hayn xaalka uu ku sugan yahay.
Dabcasar ayaa ah nin caan ku noqday baraha bulshadu ku haasawdo ee ay ka midka yimihiin Facebook, YouTube, WhatsApp iwm. Farriimaha uu la wadaago shacabkiisa afka Somaliga ku hadlana, waxa ay dadku u kala arkaan siyaal kala geddisan, inta badanse waa lagu maaweeloodaa. Oo dad badan ayaa xiiseeya sheekooyinkiisa noocyada badan.
Dhaqanka badawnimda ah ee ka jira Somaliland ayaa ah mid ka hor imanaya ilbaxnimada dunida iyo rabitaanka mustaqbal ee Somaliland, taasi oo ah in ay ka mid noqoto bulshada caalamka.
Ka saxaafad ahaanna waxan ku baaqaynaa in la sii daayo Dabcasar amma aan faraha lala gelin dadka noocan oo kale ah. Waayo waa uun dad maddadaaliya shacabka, cayda iyo aflagaadada ay sameeyaana cidna wax ka qaadi mayso, ee ha loo adkaysto. Sida dalalka horumarayba ay madaxdooda iyo dawladahoodu ugu adkaystaan dacaayaadka iyo aflagaadada.
[embedded content]
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 145 times.
storvideo: 

Daawo :Ururka Bah-Waynta Gobolka Maroodijeex Oo...

$
0
0

Ururka Bah-Waynta Gobolka Maroodijeex Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Saamiga Miisaanka Leh Ee Uu Xukuumaddiisa Ka Siiyay Dhalinyarada .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka ..
[embedded content]
storvideo: 

Sacuudiga oo hawada ku burburiyey Gantaal...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Riyadh (Caasimadda Online) - Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.
Telefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in Gantaalkan lagu bur buriyay hawada, intii uu ku soo socday magaalada Riyadh.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qiiq iyo uuro cirka laga arkayay, markii gantaalka hawada lagu bur buriyay.
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.
Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.
Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee maamula magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka Yemen.
Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo furay xarun ay ku...

$
0
0

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga ayaa si ramsi ah u furay xarun ay ku shaqeyn doonto Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga oo markii ugu horreysay muddo 27 sanno ah kaddib sameysay Jaaliyad ay ku mideysan yihiin. Munaasabadda waxaa joogay guddoomiyaha KMG ah ee Jaaliyadda Sheekh Maxamed oo si weyn u soo dhoweeyey sida Safaaradda Soomaaliyeed ay [...]
storvideo: 

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo...

$
0
0

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdi weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Boqolaal Dhalinyaro oo kala yimid Gobalada dalka. Warmurtiyeed ka kooban [...]
storvideo: 


Daawo: ” Ninbaa Yidhi in Askari la keeno Maaha aniga...

$
0
0

Daawo:" Ninbaa Yidhi in Askari la keeno Maaha aniga iyo Madaxweynuhuba Askari ayaanu ahayn" Wasiir Saleebaan Cali Koore
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Maxakamada Berbera Oo Xukuno Kala Duwan Ku...

$
0
0

Daawo: Maxakamada Berbera Oo Xukuno Kala Duwan Ku riday Tahriibayaal laga soo kala qabtay Xeebaha kala duwan ee Dalka .Xukunkan oo isugu jiray Xabsi iyo Ganaax lacageed
[embedded content]
storvideo: 

Golaha guud ee QM Khamiista kulan deg deg ah ka...

$
0
0

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa caawo shaaciyey in ay kulan deg deg ah Khamiista soo socota ka yeelanayan doonaan go'aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.
Isniintii,dowladda Maraykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee veto u adeegsatay qaraar qabyo-qoraal ah oo ku baaqayey in la buriyo go'aankii madaxweyne Trump ee magaalada Qudus,kaasoo ay Golaha Amniga horkeentay dowladda Masar.
Laakiin hoggaamiyaasha carabta iyo muslimiinta ayaa salaasadii Maanta mar kale dalbaday in Golaha guud ee Qaramada Midoobay ay kulan deg deg ah arrintaan ka yeeshaan Maalinta khamiista ah,si mar kale loogu codeeyo qaraarka.
193 xubnood ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay khamiista u codeeyaan qaraarkaan burinaya go'aankii madxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.
PUNTLAND POST
The post Golaha guud ee QM Khamiista kulan deg deg ah ka yeenaya go'aankii Trump ee magaalada Qudus. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u...

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sedexda maalin ee u dambaysay qabanaysay shir lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) ayaa maanta soo gabagaboobay. Ka qaybgalayaal ka kala yimid Dawlad Goboleedyada iyo kuwo ka socday Bulshada Rayidka ayaa shirka ka qaybgalayay iyaga oo maskax shiil kadib soo gudbiyay [...]
storvideo: 

Qooleeysatada Abaabullan oo la Fahmay

$
0
0

19th December 2017 admin Category :
Cumar Cabdirashiid oo VOAda u waramayey ayaa difaacay Ca/raxmaaan Cabdishakuur. Cumar Ca/rashiid iyo Ca/raxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa dadkii iibiyey badda Soomaaliya oo illaa iyo waqtigan ay taagan tahay murankeeda. Kooxdan abaabulan ee qooleesatada ah ayaa ah koox laga soo abaabulay dalka Imaaraadka Carabta si loogu burburiyo dawladda waqtigan ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheeyre. Waxaana dhab ah in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka daaleen mooshin iyo dawlad la rido, Soomaaliyana waxeey diyaar u tahay ineey ka baxdo burburka waqtiga dheer soo jiitamayey.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live