Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha wakiilada Mareykanka oo ansixiyay isbadalka Canshuuraadka

$
0
0

Xubnaha golaha wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyay ansixinta isbadal asaasi ah oo lagu samaynayo hindisa sharciyeedka canshuuraha .


Golaha wakiilada Mareykanka oo ansixiyay isbadalka...

$
0
0

Xubnaha golaha wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyay ansixinta isbadal asaasi ah oo lagu samaynayo nidaamka canshuuraadka dalkaasi .
Isbadalka ayaa waxa u ololeynayay madaxwayne dalka Mareykanka Donald Trump.
Xubnaha aqalka Sanetka ayaa lagu wadaa in ay iyaguna u codeeyaan hindisa sharciyeedkani isbadalka lagu sameeynayo shuruucda canshuuraha.
Haddii si rasmi ah loo wada ansixiyo hindisa sharciyeedka ayaa waxa ay noqon doontaa guushii ugu horreysay ee dhanka sharci dajinta uu ka gaaro madaxwayne Trump.
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa ay sheegeen in qorshahani oo ah isbadalkii ugu waynaa ee nidaamka canshuuraadka lagu sameeyo uu yahay mid caawinaya dadka dabaqada dhexe.
Balse Dimuqraadiyiinta ayaa dhankooda ku doodaya in isbadalkani nimaadka canshuuraadka uu yahay mid horseedaya barwaaqo.
Ra'yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in hindisa sharciyeedkani uu yahay mid aan shacbiyad badan ku lahayn gudaha Mareykanka.
storvideo: 

Kuuriyada Waqooyi oo lagu eedeeyay weerar interner oo heer caalam ah

$
0
0

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee la dhoho WannaCry kaas oo sannadkan horraantiisii saameeyay Isbitaallo, ganacsiyo iyo bandgiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.

Kuuriyada Waqooyi oo lagu eedeeyay weerar interner...

$
0
0

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee la dhoho WannaCry kaas oo sannadkan horraantiisii saameeyay Isbitaallo, ganacsiyo iyo bandgiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.
Weerarkan ayaa la sheegay in uu saameeyay 300,000 kombiyuutar oo 150 dal kala yaalla, kaas oo dhaliyay khasaare balaayiin doolar ah.
Waa markii koobaad ee Maraykanka iyo Britain ay eedayntan si rasmi ah u soo jeediyaan.
Thomas Bossert oo kaaliye u ah madaxweyne Trump ayaana markii u horraysay eedayntan u sheegay wargayska Wall Street Journal.
Bossert oo madaxweyne Trump kala taliya arrimaha ammaanka gudaha ayaa sheegay in eedaymahan ay "salka ku hayaan caddaymo".
Laakiin wax caddaymo ah kuma uusan soo bandhigin wargayska, laakiin wuxuu sheegay in xogta ay heleen ay waafaqday kuwo kale oo ay heleen dalal kale iyo shirkado gaar loo leeyahay.
Wuxuu sheegay in Australia, Canada, iyo New Zealand ay Maraykanka la qabaan in weerarkan dhanka internetka ah ay ka dambayso Kuuriyada Waqooyi.
Waraysigaas ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in ay weerarka dhanka internetka ah u adeegsanayso si ay ugaga badbaaddo cunaqabataynada la saaray.
Waaxda qaran ee ammaanka internetka ee NCSC ayaa qiimayntii ay samaysay ku sheegtay in ay aad oogu badan tahay in kooxda burcadda internnetka ee Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gaysatay weerarkaas.
Bishii May combiyuutarrada Windows-ka isticmaala ayuu saameeyay weerar dhanka internetka ah macluumaadkii ku jirayna waa la xiray, dadkii adeegsan lahaana waxaa la waydiistay in ay lacago madaxfurasho ah bixiyaan si macluumaadkooda loogu soo celiyo, booliiska Yurub ee Europol ayaa baaxadda weerarka ku tilmaamay wax aan la filaynin.
Maxaa hadda loo eedaynayaa Kuuriyada Waqooyi?
Waaxda Qaran ee ammaanka intarnetka ee Britain ayaa markii u horraysay bishii May ee 2017 weerarka Wannacry la xiriirisay Kuuriyada Waqooyi, toddobaadyo ka dib markii uu weerarku dhacayba.
Jawaabtaas dadgaga ah waxaa sabab u ahaa baaritaan caalami ah oo UK hogaaminaysay ka dib markii uu weerarkaasi aad u saameeyay waaxda caafimaadka qaranka ee UK.
Sirdoonka Maraykanka ayaase wakhti dheer qaatay si ay baaritaankooda u soo gunaanadsaan, laakiin su'aasha wali taagan waxay tahay waa maxay sababta uu Maraykanku hadda u shaacinayo.

  • WADA: Ruushka weerar internetka ah ayuu nagu qaaday
  • Intay la egtahay awoodda Milatari ee Kuuriyada Waqooyi?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dawladdaha ayaa aad uga taxadari jiray cidda ay ku eedaynayaan weerarrada dhanka internetka, laakiin si isa soo taraysa ayay caadi u soo noqonaysaa arrintaasi, waxayna ka billaabatay in Kuuriyada Waqooyi lagu eedeeyay weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday shirkadda Sony 2014kii, dhawaanna Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu u dhacay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
Sheegashadan u dambaysa ayayse u badan tahay in ay tahay isku day caddaadis loogu saarayo Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijkeeda nukliyeerka si la isugu dayo in beesha caalamka loo tuso in dalkaasi uu halis dhab ah yahay ama ha noqoto weerarrada internetka ama hubkeeda nukliyeerka.
storvideo: 

Madaxwayne waxa loo baahan yahay Wakaalada...

$
0
0

Madaxwayne waxa loo baahan yahay Wakaalada Qaxoontiga, Barakacayaasha iyo ka Hortaga Masiibooyinka: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
Mar haddi meesha laga saaray wasaaradi Dib-u-dejinta, Dib-u-habaynta iyo Dib-u-dhiska, waxa muhiima in la sameeyo Wakaalada Qaxoontiga, Barakacayaasha iyo Ka hortaga masiibooyinka. Wasaarada Dib-u-dejintu waxa ay ahayd wasaarada shaqo wayn qaranka u haysa oo ka masuula isku dubaridka iyo daryeelka barakacayaasha gudaha dalka (IDPs), soo celinta dadka qaxoontiga reer Soomaaliland iyo maamulka qaxootiyada ajaanibka ah ee dalka jooga oo u badan dad Itoobiyaana iyo Yemani magaalada Hargaysa buuxiyay. Waxa kale oo ay qabataa isku dubaridka caawimooyinka binu'aadanimo ee ay bixiyaan haayadaha qaramada midoobay (UN agencies) iyo Haayadaha Caalamiga ah (INGOs). Waxa aan u haystay wasaarad yar inti aanan ka noqon la-taliye Wasaarada Dib-u-dejinka iyo NRC oo wada shaqayni ka dhaxaysoo . Wakaaladu waxa ay masuul ka noqon doonta shaqooyin waawayn oo u baahan aqoon, qorshayaal iyo istaraajiyado wax ku oola, waxa ka mida cilmi baadhista masiibooyinka dabiiciga gaar ahaan abaaraha, qorshaynta, diiwaan gelinta iyo daryeelka qaxoontiga, barakacayaasha gudaha dalka, tahriibayaasha iyo dadka magan galyo doonka ah (Asylum Seekers). Sii wadida in barakacaaya loo suuro geliyo nolol waarta oo ay ugu horayso in dhul rasmiya la dejiyo, guryo ama jiigado loo dhiso, tababaro la siiyo ay ku xoogsadaan iyo in ganacsi loo abuuro kuwa aad ka u liita iyo in adeegyada bulshada sida saldhigyo booliis, xanaanooyin, iskuulo iyo biyo la gaadhsiiyo. Wasaaraddu waxa ay wax badan ka qabatay adeegyada baracayaasha iyo qaxootiga, walina fari kama qodna maadaama oo dalka ku nool yihiin 154,067 qoys oo barakacayaala dalka gudihiisa ah. Marka barakacayaasha dhul la siiyo rasmiya waxa kale oo wasaraadda oo kaashanaysa haayada NRC ka caawisa qaar ka mida barakacayaasha in dhulka sharci iyo mulkiyad loogu sameeyo taas oo ka dhigta dad dhulka sifo sharci ah ku mulkiyay.
Dhibta ugu badan ee Soomaaliland ka jirta ee aan dadku aadka u daraynsanayn waxa kow ka ah dadka barakacayaasha dalka guduhiisa ku barakay oo magaalo kasta hareeraheeda aad u degan, sanadkan 2017 waxa uu aha sanadki ugu barakacayaasha badna oo abaaruhu barakiciyeen kuwaas oo gobolada bariga u badan una baahan in dib loogu celiyo xoolihii iyo beerihii ay ku noolaan jireen, dadkan muwaadiniinta ah ee xooluhu ka baxeen waxa ay u baahan yihiin qorshe dhow iyo mid fog oo wax laga qabanayo duruufahooda, si dib u xoolayn loogu sameeyo ama xirfado ay magaalooyinka kaga shaqeeyaan loo baro.
Qaxootiga dalka Soomaaliland soo gala waxa uu u qaybsamaan dhawr nooc oo kala ah dad mushkiladi dalkoodi ka soo kaxaysay, dad magan galyo doona oo dalkoodu bad qabo iyo qaar qaxoonti dhaqaale iyo shaqo doon ah. Waxa jira qaar kale oo tahriibayaala oo ay wado u tahay dalka Soomaaliland oo meelo kale u dhaafa.Shaqooyinka waawayn ee wakaalada horyaala waxa ka mida:

  • Cilmi baadhista masiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan abaaraha iyo ka hortagooda;
  • Diiwaan gelinta barakacayaasha, tahriibayaasha ajaanibka ah iyo qaxoontiga dalka soo gala iyo la socod kooda;
  • Mushkida barakacaayasha gudahu waa mushkilad soo noqnoqata oo ay sababto abaaraha dalka ka dhaca marka waxa muhiima in la yareeyo ama laga hortago saamaynta abaaruhu ku yeeshaan xoolo dhaqatada;
  • In la sameeyo qorshe iyo istaraajiyad guud oo laga ga hortago abaaraha, laguna tacaalayo barakacayaasha abaaraha iyada oo la kaashanayo haayadaha caalamiga ah;
  • Dadka qaxootiga ah ee sida habqanka magaalooyinka dalka u soo gala kuna dhex milma dadwaynaha oo shaqooyinki muwaadiniinta ku cidhiidhiyay waxa muhiima in loo sameeyo xerooyin gaar ahaan Yamanida iyo Itoobiyaanka, taas oo shaqo abuur ay dhalinyartu ka heli lahayd xerooyinka loo sameeyo;
  • In barakacayaasha gudaha ee degan dhulka ku meel gaadha ah dawlada hoose ay siiso dhul rasmiya oo ay degaan, haayaduhuna ay taageero ka gaystaan in guryo ama jiingado loo dhiso iyo in adeeg bulsho la gaadhsiiyo;
  • In tabobaro iyo maalgelin ganacsi loo sameeyo dadka barakacayaasha dalka gudahooda ku barakaca iyo in qaar ka mida xoolo la siiyo si ay deegaanadoodi ugu noqdaan.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
La-taliye wasaaradda Dib-u-dejintahhmadaxyare@hotmail.com
+ 252 (0)634418302
storvideo: 

Kulan sagootin, soo dhawayn iyo maamuus isugu jiray...

$
0
0

Hay'adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah ku maamuustay Wasiiru-dawlihii iyo Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Debadda ee xilka wareejiyay maalintii shalay, , Mudane Maxamed Mixille Boqorre, iyo Danjire Kaysar Maxamed Cabdillaahi, Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debadda uu Madaxweynuhu usoo magacaabay, iyo sidoo kale xubno doora oo ka mid ah Danjirayaasha Somaliland u qaabilsan wadamo kala duwan oo debadda.
Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka SABA ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar), Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Kaysar Maxamed Cabdillaahi, Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Maxamed Mixille Boqorre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed, Ergayga Arrimaha Somaliland iyo Somalia, ahna Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Europe iyo North America ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran Dr. Edna Aden Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ammuuraha Afrika ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran, Danjire Xuseen Cawil Ducaale, iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Danjire Raabi Axmed Maxamed,
Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay Safiirada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wadamada Belgium, Turkey, Yemen, Oman iyo Kuwait, Uganda, Ethiopia, iyo xubno ka mid ah Agaasime-waaxeedyada iyo hawlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo sheegay ujeedada ay u qabteen kulankan "Waxa aannu u qabannay kulankan inaan ku maamuusno oo ku sagootinno laba masuul oo aannu si fiican usoo wada shaqaynnay ee shalay xilka wareejiyay waa Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Kaysar Maxamed Cabdillaahi iyo Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Maxamed Mixille Boqorre, kuwaasoo aan uga mahadcelinayno sidii wadanjiyadda iyo xilkasnimada lahayd ee aan usoo wada shaqaynay, iyo inaanu sidoo kale halkan ku soo dhawaynno oo la is barto Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Madaxweynaha JSL usoo magacaabay xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda waa Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, isla markaana aannu isugu yeedhno oo ku wadatashanno Safiirada Somaliland ee wadamada debadda qaarkood oo had iyo goor aannu wada shaqayn weyn iyo iskaashi ka leenahay xagga xidhiidhka jaalliyadaha iyadoo runtii aan ka cudur daaranayo oo aan ka xumahay inay Safiiro badani noqdeen oo France, Sweden iyo dalal kaleba leh inkastoo aannu Xafiiska ku wada qaabillay oo markasta ay dalka yimaadaan nagu soo booqdaan Xafiiska iyo Wasaaradda," ayuu yidhi.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr. Sacad Cali Shire, oo isna ka hadlay munaasibadda ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Guddoomiyaha Qurbajoogga oo uu ku bogaadiyay fursaddan, isla markaana mahadnaq u jeediyay masuuliyiinta la bedelay ee ay soo wada shaqeeyay isagoo xusay in xilka uun laga bedelay balse aanay ka tegin shaqadii qaranka kana fogaan doonin ee loo baahanyahay kaalintooda.
Waxa kale oo ka mid ahaa xubnaha ka hadlay kulanka Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ammuuraha Afrika ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran, Danjire Xuseen Cawil Ducaale oo ka warramay taariikhda Somaliland, iyo dhibaatooyinkii Somaliland ka soo gaadhay Somalia xilligii midnimadii burburtay ee kallifay in dadka Somaliland halgan dheer u galaan dib ula soo nqooshada madaxbanaanidooda, Dr. Edna Edna Aden Ismaaciil, Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Arrimaha Debadda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan iyo xubno kale. Dr. Edna ayaa ku dheeraaday sida ay diyaarka ugu tahay ee uga go'antahay inay garab taagnaato oo la shaqayso Wasiirka Arrimaha Debadda, "Wasiir waxa aannu diyaar u nahay inaanu kula shaqaynno oo aad nagu shaqaysato, oo waxa aan soo jeedin lahaa inaan immika samaysanno qorshe cad iyo istaraatiijiyad cad oo ictiraaf raadinta ah, oo aan qaybsanno shaqada oo cidba meel loo xilsaaro, oo kolba talo iyo wadatashi la isugu yimaado, maxaa lagu guulaystay, maxaa lagu guulaystay, maxaan lagu guulaysan, maxaa waxka bedel u baahan," ayay tidhi Dr. Edna Aden Ismaaciil.
Waxa iyaguna ka hadlay kulanka labada masuul ee maalintii shalay xilka wareejiyay Mudane Boqorre iyo Danjire Kaysar oo uga mahadceliyay Guddoomiyaha Qurbajoogga, Wasiirka Arrimaha Debadda iyo guud ahaan Wasaaradda Kharaajiga sida dhaqanka, sharafta iyo karaamada leh ee loo qiimeeyay in munaasibadan sagootinta ah loo fidiyo.
Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee kulankan ka hadashay ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay shakhsiyadda, hawlkarnimada, iyo daacadnimada uu ku sifoobay Wasiir Sacad Cali Shire, isla markaana ku bogaadiyay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu asiibay markuu dib ugu soo magacaabay Wasaaradda Kharaajiga taasoo fursad weyn u ah sii wadida dadaalka ictiraaf raadinta iyo geeddi socodka horumarinta siyaasadda arrimaha debadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu yahay qofka ugu habboon ka shaqaynteeda.
Dhinaca kale, shaqaale-weynaha Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa dhammaadkii kulanka shahaado sharafyo ku maamuusay labada masuul ee xilka wareejiyay Mudane Maxamed Mixile Boqorre iyo Danjire Kaysar Maxamed Cabdillaahi.
storvideo: 

Caasimaddii la mid ka ahayd dameerkii malabku saarnaa

$
0
0

Marka aad garan weydo qiimaha aad leedahay iyo muhiimadda aad u leedahay gayiga aad ku taalo ama waxa aad kaga duwan tahay -ha kale ee geeska, wanaaga aad leedahay , hawsha iyo shaqada aad u hayso ummadda , intaa hadii aad fahmi weydo waa xaqiiq xaalku in uu noqonayo magaalo nabadd iyo barwaaqo haysata laakiin aan lahayn dawladd.Shanta soomaaliyeed caasimadda kaliya ee aad si fudud ugu noolaan karto waa Hargeisa , waxaad ka heleysaa nabadd buuxda, xoriyadd dhinac walba ah, dhaqaale si sahlan loo sameyn karo, sharci dawladeed oo aan jirin, waa dahab yaa isku heli karaa afartaa arrimood ee aan is raaci karin, nabad, xoriyadd, dhaqaale iyo dawladd la'aan.Hargeisa waxay la dulman tahay waa magaalada ugu nabadda badan geeska africa ee qofku ku iman karo si bilaash ah, 30 dollar kaliya buu ku so galaa magaalada, hoteladda takaasida meelaha cuntadda lagu iibiyo xafladaha lacagta lagu galo, parking la dhigto gawaadhida, baabuurta la kireysto, aqalada kirada ah waxaasoo dhan dawladdu wax canshuur ah kama qaadato.Fanaaniinta daafaha aduunka ku nool waxay isla qireen Hargeisa inay tahay meesha ugu lacagta badan hadii show faneed lagu qabto xitaa xafladaha Yurub iyo USA ka lacag badan. Fanaan yar oo afsoomaali ku heesaya baa iska soo galaya dalka, hool baa lo kireynayaa dad kun qof ku dhow baa so galaya 20 dollar ama 15 dollar bu ka qaadanayaa , canshuur ma leh controol dawladeed ma jiro , fanaankaa wiig gudihii buu ku helayaa 15 kun dollar dib buu diyaarad uga raacayaa airbodhkii, nidaamkan dawladeed ee fududeeyey in sidaa hawsha yar lacag loo helo maxaa u diiday in ay waajibaad kooda dawladnimo ka qaataan , oo xoolahan faraha badan ee ag marmaraya ay ka qaataan canshuurta ku waajibtay.Askariga miskiinka ah ee nabada ilaalinaya ee 100 dollar ku shaqeynaya soo ma dulmana, sababtoo ah nabadii uu isagu keenay baa lagu helayaa kumanaan kun dollar isagiina wuu ka qatan yahay.Hargeisa waxaa saaran diiradda dhamaan waxa afsoomaali ku hadla ayaa iskugu imanaya, mid cadaw ah iyo mid aan ahayn. Waa in la isku noqdaa oo laga tashadaa dalka sidii uu u yeelan lahaa maamul adag oo kontoroola dadkan sii socda ee soo socda.Qofka afsoomaali ku hadlaya ee aan la garaneyn meel uu ka yimi iyo waxa uu yahay waa in la hubiyaa waxa uu u yimi iyo u jeedada safarkiisa, si caasimadda ay ula jaan qaado -ha kale. Dawladd la'aanta ina haysata waxa ka mid ah in wixii lacag sita aynu u so dhaweyno si sharaf leh, waa aqoon la'aan iyo badwnimo. Miyiga sheeko ka dhacdayberi , islaan reer miyi ah baa la kulantay nin dhar wanaagsan xidhan oo xagaa miyiga booqday, islaantii waxay mooday inuu ninkan yahay wasiir dawladda ka socda ma ba ay sugine wixii ay cabasho haysay bay u sheegtay ninkii, iyadu waa garteed wasiir bu u eekaa ninku , waxaan uga socdaa Somaliland airpodhka markaad ka soo gasho waxaad arkeysaa dad badanoo sidaa islaantaa oo kale ah, wixii suudh xidhan ee lacag sita ee ay arkaan ba way daba yaacayaan xitaa qolka VIP da bay u furayaan wuxu doono ha noqdo xitaa haduu yahay sheydaanka ugu weyn aduunka wey soo dhaweynayaan.Hargeisa waxay u baahan tahay in ay is la jaan qaadaan dawladnimadda , nabada, xoriyadda iyo dhaqaalaha.Dhamaad.Xassan nuur xaaji cabdi cilmihasanelmi303@hotmail.com
storvideo: 

Magaalada Jabuuti oo ka furmay shir looga hadlayo...

$
0
0

Jabuuti(SONNA) Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka furmay Shirka Madasha Aragti wadaagga Soomaalida, kaasi oo looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda, Bulshada, Dhaqaalaha iyo wax-yaabo kale,waxaana ka qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya.
Waxaa soo qaban qaabiyay Shirkan oo ay marti gelisay Dowladda Jabuuti qeybaha bulshada ee geeska Afrika, dadka Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah , Aqoonyahano, iyo Mas'uuliyiin kale.
Waxaa isugu imaanaya Shirkan ah mid Sanadle ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka Soomaaliya ,Itoobiya, Kenya iyo dalalka caalamka qaar kood.
Mausuliyiinta Shirkan ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Xassan Maxamed.
Wasiir Jamaal ayaa sheeagay in shirkan uu ku soo bandhigi doono Mowqifka Dowladda, Hiigsiga Fog iyo Midka Dhow, Qorshaha Dowladda iyo Arrimo kale oo muhiim u ah dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay joogaan Siyaasiyiin kala duwan oo ka kala yimid deegaano kala duwan, hadana ma ahan mid Siyaasadeed, waxaana laga sugayaa talooyin fara badan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.
Waxaa lafilayaa in geba gebada shirkaasi laga soo saari doonoo qodobo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ciidamada...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMagaalada Jabuuti oo ka furmay shir looga hadlayo horumarka Soomaaliya
Next articleQaramada Midoobay oo u codeeyay Aaya ka Talinta Falastiin

storvideo: 

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo u Dabaaldagaya...

$
0
0

Waxaa Xarunta Ciidamada Booliska ee Iskuul Boolisiyo Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir ka socoto Xaflada dabaaldaga Sanadguuradii 74-aad ee aas aaska ciidamada Booliska Soomaaliya.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa la aas aasay maanta oo kale 20-kii December 1943.
Dabaadagaan ayaa waxaa ka qeeygalaya madaxda ugu sareeyso dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Dabaaldag ceenkaan oo kale ah ayaa waxa uu ka socdo qaar kamid ah xarumaha maamul Goboleedyada dalka Ka Jira.
Ciidamada Booliska oo lagu tilmaamo in ay yihiin hooyada ciidamada iyo Saaxiibka bulshada ayaa waxa ay wajahayaan daruufo kala duwan.
Booliska Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay sameeynayay kobac aan la dafiri kari.Xasan Maxamed Samatar CowkePuntland Post Muqdisho
The post Ciidamada Booliska Soomaaliya oo u Dabaaldagaya Sanadguuradii 74-aad ee Aas aaskooda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta markale maxkmada...

$
0
0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqan doona Maxkamadda Gobolka banaadir, kadib markii Maxkamadda ay xeer Ilaalinta u qabatay in muddo 24-saac ah in ay ku keenaan cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga.
Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya ayaa siyaasiga ku eedeeyay eedo ay kamid yihiin Shirqool dowladeed,iyo u adeegidda dano Shisheeye si khalkhal loo galiyo xisiloonida dalka,isagoo abaabulay shirar iyo fadhiyo,Xeer ilaalinta ayaa codsatay in la siiyo muddo shan maalmood balse waxaa taasi diiday Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go'aamiyay in muddo 24-saac xeer ilaalinta ay ku keento cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo todobaadkaan gudihiisa ay ciidamadda Nabadd Sugida hoygiisa ku weeraren islamarkaana ay halkaas ku dileen 4-kamid aheyd ilaaladiisa, isagana ay ku dhaawaceen.PUNTLAND POST
The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta markale maxkmada ka soo hormuuqanayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo u codeeyay Aaya ka Talinta...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

New-york- (SONNA)- 176 Dowladood oo ku jira Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qarar golaha la soo hordhigay oo dhigaya xaqa uu shacabka Falastiin u leeyahay Aaya ka talintiisa.
Qaraarkan oo ay 176-da dowladood ku meel maryeen fadhiga Qaraamada Midopobay ayaa waxa uu ayidaya go'aan hore uu Golaha amaanka uu ku diiday maalintii shalay aheyd kuna saabsanaa go'aanka Madaxweynaha Mareykanka uu ku aqoonsaday in magaalada Qudus ay noqoto Caasimadda Israel isla makaana uu Mareykanku u rari doono safaaradiisa.
Dr. Riyaad Mansuur oo ah kormeeraha joogtada ah ee Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay tageerada dowladaha ku jira Qaramada Midoobay ay u fidiyeen shacabka xaaq u dirirka ah ee Falastiin maalin kadib markii Golaha ammaanka uu isna si aqlabiyad ah u ugu codeeyay in magaalada Qudus ay tahay - Falastiin, isla markaana uu diiday qaraarka Mareykanka.
Wuxuuna Riyaad Mansuur sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku fashilmay isku daygiisa ah in magaalada barakeysdan Qudus oo ka dhigo Caasimadda Israel isla markaana si cad u taageeraya Israel oo xoog ku haysata dhulka Falastiin ilaa sanadkii 1948-kii.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliya
Next articleR/wasaare Kheyre oo ka qeyb galaya Munaasabada Dabaal daga Ciidamada Booliska

storvideo: 

Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar ka dhacay...

$
0
0

Kooxda Daacisha ayaa goordhow sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho u jira 30-KM.
Wakaalada Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee la yiraahdo Acmaaq ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Xalay ayaa weerar culus waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Kooxda Daacisha ayaa sheegatay dhowr Weerar oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar ka dhacay Afgooye appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Deegaanka Soomaalida Itoobiya muxuu ka yari dadkii deegaanka Oromada lagu laayay?

$
0
0

Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay dadka Soomaalida ah ee dhawaan lagu laayay gobolka Oromada

R/wasaare Kheyre oo ka qeyb galaya Munaasabada...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehlinayaan Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Munaasabad loogu dabaal dagayo Sanad guuradii 74aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka soconeysa Xarunta Jeneraal Kaahiye, waxayna ciidamada Booliska soo bandhigeen dabaal dagyo ay ku muujinayaan weyneynta maalintan.
Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda Labada Aqal, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog u ah Munaasabada.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQaramada Midoobay oo u codeeyay Aaya ka Talinta Falastiin

storvideo: 


Kuuriyada Waqooyi oo "weerar internetka ah ku qaaday...

$
0
0

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee la dhoho WannaCry kaas oo sannadkan horraantiisii saameeyay Isbitaallo, ganacsiyo iyo bandgiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.
Weerarkan ayaa la sheegay in uu saameeyay 300,000 kombiyuutar oo 150 dal kala yaalla, kaas oo dhaliyay khasaare balaayiin doolar ah.
Waa markii koobaad ee Maraykanka iyo Britain ay eedayntan si rasmi ah u soo jeediyaan.
Thomas Bossert oo kaaliye u ah madaxweyne Trump ayaana markii u horraysay eedayntan u sheegay wargayska Wall Street Journal.
Bossert oo madaxweyne Trump kala taliya arrimaha ammaanka gudaha ayaa sheegay in eedaymahan ay "salka ku hayaan caddaymo".
Laakiin wax caddaymo ah kuma uusan soo bandhigin wargayska, laakiin wuxuu sheegay in xogta ay heleen ay waafaqday kuwo kale oo ay heleen dalal kale iyo shirkado gaar loo leeyahay.
Wuxuu sheegay in Australia, Canada, iyo New Zealand ay Maraykanka la qabaan in weerarkan dhanka internetka ah ay ka dambayso Kuuriyada Waqooyi.
Waraysigaas ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in ay weerarka dhanka internetka ah u adeegsanayso si ay ugaga badbaaddo cunaqabataynada la saaray.
Waaxda qaran ee ammaanka internetka ee NCSC ayaa qiimayntii ay samaysay ku sheegtay in ay aad oogu badan tahay in kooxda burcadda internnetka ee Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gaysatay weerarkaas.
Bishii May combiyuutarrada Windows-ka isticmaala ayuu saameeyay weerar dhanka internetka ah macluumaadkii ku jirayna waa la xiray, dadkii adeegsan lahaana waxaa la waydiistay in ay lacago madaxfurasho ah bixiyaan si macluumaadkooda loogu soo celiyo, booliiska Yurub ee Europol ayaa baaxadda weerarka ku tilmaamay wax aan la filaynin.
Maxaa hadda loo eedaynayaa Kuuriyada Waqooyi?
Waaxda Qaran ee ammaanka intarnetka ee Britain ayaa markii u horraysay bishii May ee 2017 weerarka Wannacry la xiriirisay Kuuriyada Waqooyi, toddobaadyo ka dib markii uu weerarku dhacayba.
Jawaabtaas dadgaga ah waxaa sabab u ahaa baaritaan caalami ah oo UK hogaaminaysay ka dib markii uu weerarkaasi aad u saameeyay waaxda caafimaadka qaranka ee UK.
Sirdoonka Maraykanka ayaase wakhti dheer qaatay si ay baaritaankooda u soo gunaanadsaan, laakiin su'aasha wali taagan waxay tahay waa maxay sababta uu Maraykanku hadda u shaacinayo.

  • WADA: Ruushka weerar internetka ah ayuu nagu qaaday
  • Intay la egtahay awoodda Milatari ee Kuuriyada Waqooyi?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dawladdaha ayaa aad uga taxadari jiray cidda ay ku eedaynayaan weerarrada dhanka internetka, laakiin si isa soo taraysa ayay caadi u soo noqonaysaa arrintaasi, waxayna ka billaabatay in Kuuriyada Waqooyi lagu eedeeyay weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday shirkadda Sony 2014kii, dhawaanna Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu u dhacay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
Sheegashadan u dambaysa ayayse u badan tahay in ay tahay isku day caddaadis loogu saarayo Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijkeeda nukliyeerka si la isugu dayo in beesha caalamka loo tuso in dalkaasi uu halis dhab ah yahay ama ha noqoto weerarrada internetka ama hubkeeda nukliyeerka.
storvideo: 

Deegaanka Soomaalida Itoobiya muxuu ka yari dadkii...

$
0
0

Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay dadka Soomaalida ah ee dhawaan lagu laayay gobolka Oromada, wuxuuna sheegay in hadda uu u socdo baaritaan ku aaddan arrinkaa, sharcigana lala beegsan doono dadkii ka dambeeyay.
Cabdixakiim Cigaal Cumar oo ah madaxweyne ku xigeenka DDSI, ahna madax xafiiseedka hormarinta magaalooyinka iyo dhismaha ayaa BBC-da u sheegay in ilaa hadda la xaqiijiyay meydadka 64 qof, balse tirada dhimashada ay intaa ka badnaan karto.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa umuurtaasi uga warramay wariye Cabdinaasir Maxamed Xikam.
storvideo: 

Wasiirkii Hore Ee wasaarada Warfaafinta Somaliland...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wasiirkii Hore Ee wasaarada Warfaafinta Cadaani Oo xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub Ee dhawaan usoo magacaabay madaxweynaha Somaliland Md-Muuse Biixi Cabdi-
Halkani ka daawo khudbadii sagootinta wasir cadaani uu ku macasalaameeyey shaqaalaha wasaaradaasi;
[embedded content]
storvideo: 

Hankaygu Ma Aha Wasiirnimo Siyaasadaydu Waa Inaan...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Hankaygu Ma Aha Wasiirnimo Siyaasadaydu Waa Inaan Madaxwayne Noqdo Dr Saleebaan Xaglotoosiye
Daawo
[embedded content]
storvideo: 

Daawo-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Xilalkii lala kala wareegay..
Daawo-
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live