Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dowladda Somaliya oo sheegtay inay weeraro ku tahay deegaanada loo-barakacay iyo baaq ay u dirtay shacabka

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta sheegtay inay weeraro xoogan ku qaadeyso deegaanada loo-barakacay, oo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.
Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu maanta uu sheegay inay weeraro ku qaadaan goob kastaa oo ay joogto Al Shabaab.
General Dhaga Badan ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed ay duullaano culus ku qaadayaan, dhamaan deegaanada ay ka taliso Xarakada Al Shabaab, wuxuuna shacabka uu ugu baaqay inay ka dheeraadaan goobaha ay jooggaan.
General C/Kariin Yuusuf Aadan ayaa wuxuu sheegay inay la-wareegi doonaan goobaha ay Shabaabku jooggaan oo dhan, goobahaasi ayaa wuxuu sheegay in dhibaatooyin loogu geysto dadka rayid ah.
Wuxuu sheegay inay waajib tahay inay shacabka ka dul qaadaan cadowga dhibaateynaaya, isla-markaana wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay inay dhawaan soo afjari doonaan dagaalada ka dhan ah kooxda Shabaab.
Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu ugu dambeen uu soo dhaweeyay guulaha ay shalay ka gaareen Xoogaga Shabaab.


Roobab xoogan oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

$
0
0

Roobabkii Deryta ayaa si weyn uga curtay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dad iyo duunyaba ku diirsadeen, waxaana la sheegay in roobabkaasi xoogoodu ay ka da’een deegaano ka tirsan gobolada Mudug, Sh/dhexe, Bay iyo Gedo.
Sida warku sheegayo roobabkan oo meelaha qaar weli ka da’aya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool deegaanada ay roobabku ka da’een, kuwaas oo ay soo martay xaalad abaareed oo aad u daran oo ay xoolahoodii ku waayeen, waxaana ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin roobaka haatan u bilowday.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in roobabka ugu xoogga badan ay ka da’een gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo la sheegay inay biyo-dhigeen, waxayna sheegeen dadka ku nool deegaanada in roobabka oo bilow ah ay rajeynayaan in kuwo kale xoogan ay u di’i-doonaan, kuwaas oo ay dadka iyo duunyada ku diirsato.
Sidoo kale dadka Beeraleyda ah ee ku nool gobolada uu ka da’ay roobaka Deryta ayaa si weyn u soo dhaweeyay, waxayna sheegeen inay haatan isku diyaarinayaan tacbashada beeraha, maadaama ay saameyn xun ku yeelatay abaartii ku dhufatay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Inta badan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay abaaro ku dhuftay, kuwaas oo sababay dhimashada kumaan kun oo Soomaali ah, isla markaasna xoolo tiray kumanaan Soomaali ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku barakaceen gobolada deriska la ah Soomaaliya, halka qaar kalena ay ku soo barakaceen magaalada Muqdisho.

Ciidamadda Amisom oo sheegay inay isku diyaariyeen dagaalo ay ku qaadaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

$
0
0

Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo shalay Xoogaga Shabaab ka saaray dhul balaaran, ayaa waxay sheegeen inay hadana dagaalo xoogan ku qaadi doonaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Fred Mugisha oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada BBC-da, ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday inay dagaalo culus ku qaadi doonaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan xaqiijinay gacan ku heynta magaaladda Muqdisho, magaaladda Muqdisho waxaa gacanta ku haaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, hadana waxaan diyaar u nahay inaanu weerarno Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Waa inaan Shabaab ka saarnaa dalka Soomaaliya oo dhan, maxaa yeellay wax mustaqbal ah uma hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Fred Mugisha.
Major Fred Mugisha ayaa wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay in Xoogaga Shabaab ay kala wareegi doonaan guud ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, isla-markaana wuxuu sheegay in Amisom ay baacsan doonto Xoogaga Shabaab.
Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan looga saaray Gobolka Banaadir, ayaa waxay hada dooneysaa inay daafacato Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo ay suurta gal tahay inay soo weeraraan Ciidamadda Amisom.

Dowladda KMG iyo Xarakada alshabaab oo si dheer uga hadlay dagaaladii Muqdisho ka dhacay shalay.

$
0
0

Ugu yaraan 20-ruux ayaa ku geeriyootay dad ka badan 40-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagalo qaraar oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo ay taageerayaan kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhinac ah iyana.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay barbar socotay duqeyn culus oo ay adeegsanayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa yimid ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana dagaalka guulo ka sheegtay dowladda KMG oo sheegtay inay fariisimo badan kala wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dagaalada ugu culus ee dhexmaray dhinacyada ayaa waxa uu ka dhacay Warshadda Baastada, Saldhigga degmada Huriwaa iyo Isgoyska SOS oo dagaal la isku mari waayey uu ka dhacay, halkaas oo ay ciidamada dowladda KMG fariisin ka dhigteen markii ay hor u socon waayeen, waxaana la sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay difaacyo ka sameysteen warshaddii Nacnaca, agagaarka Ees-kambani iyo boosteejadii laga rari jiray baabuurta suuqa xoolaha.
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay dagaal ku qabsadeen Warshaddii Baastada, Warshaddii dayactirka baabuurta ee Xayle Bariise, Isgoysyada SOS iyo Ex. Kontarool Balcad, xaafadda Waxara-cadde iyo Qabuuraha Jaamacadda Muqdisho ee Barakaad.
Wasaraxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda KMG waxa uu yimid ka dib markii ciidamada ay bilaabeen inay la wareegaan dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka talin jirtay Xarakada Al-shabaab, ka dibna ay ku fideen xaafado kale oo ku yaala degmada Huriwaa iyo Yaaqshiid.
Dagaalka ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda, kaas oo sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho uu macnihiisu yahay sidii ay xoogagga Al-shabaab uga riixi lahaayeen oo ay uga qabsan lahaayeen goobaha ay haatan ku suganyihiin, isla markaasna ay awoodooda ku balaariyaan guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalkii shalay dhacay ay ka gaareen guulo waa weyn.
“Dagaalka Muqdisho macnihiisu waa sidii Al-shabaab looga riixi lahaa goobaha shacabku daggan yahay” ayuu yiri ahayeenka AMISOM oo intaas ku daray in 12-qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan inuusan marnaba soo hadal qaadin madaafiic arxandaro ah oo ay ciidamada AMISOM ku gareeceen xaafadaha Suuqa Xoolaha, Gubta iyo dayniile, taas oo ilaa xalay socotay, geysatayna khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dad shaca ah.
Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ka hadlay saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Abaanduulaha ciidamada Milleteriga dowladda KMG Gen. C/kariin Yuusuf {Dhego badan}, Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Taliyaha guutada koowaad ee Maxtooyada Col. Caanood, Taliyaha guutadlada labaad ee Madaxtooyada ee dhinaca waqooyiga Col. Saney, Gaashaanle dhexe Goobaanle iyo saraakiil kale oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay dhammaantood inn dagaalka ay guulo ka gaareen, isla markaasna ay gacanta ku hayaan fariisimo ay horay ugu sugnaayeen Xarakada Al-shabaab, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay sii wadayaan inta ay magaalada ka saarayaan ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dhinaca kale dagaalka waxaa ka hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo sheegtay in fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamadooda si kedis ah dagaal loogu soo qaaday, isla markaasna ay iska caabiyeen kooxihii soo weeraray, waxayna intaasi ku dareen in goobihii ay ka baxeen ay uga baxeen xeelad dagaal.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Abuu C/raxmaan oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday dadka muslimiinta iyo hantidooda iyo diintooda, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG.
“Dagaalkii nalagu soo qaaday waxa uu ka dhiganyahay mid lagu soo qaaday diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah hantidooda, waxaana idiin sheegaynaa inaan iska difaacnay kooxihii weerarka nagu soo qaaday, ciidamadeena haatan waxay ku suganyihiin Suuqa Xoolaha iyo fariisimo kale, waxayna diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar kasta oo ay uga yimaada kooxaha naga soo horjeeda” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay duqeyn arxandaro ah u geysteen xaafadaha Suuqa Xoolaga Gubta iyo degmada Dayniile, kuwaas oo xalay oo dhan socday, iyadoo xaafadaha la duqeynayo ay ku suganyihiin dad rayid ah oo ku godoomay xaafadaha sida ban loo duqeeyay.
 

Wasiirada Haweenka Puntland oo ka Hadashay Tacadigii loo Geystay Faadumo Xasan, Sheegtayna in Baaritaan degdeg ah lagu Sameynayo kiiskeeda

$
0
0

Wasiirada Haweenka Puntland, Marwo Caasho Geelle Diiriye
Garowe (RBC) Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa ka hadashay tacadigii loo geystay Faadumo Cali Xasan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Boosaaso oo ay dhibaato u geysteen ilaalada gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir haddana ah agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka oo dhowaan loo magacaabay.
Wasiirada oo xalay khadka telefoonka kula soo xiriirtay Shabakada Raxanreeb.com ka dib markii Raxanreeb ay so bandhigtay dhibaatada heysata hooyo Faadumo Cali Xasan oo dhaawac ah ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in hooyo Soomaaliyeed dhibaato loo geysto, waxayna wasiiradu tiri;-
“Anigu bil iyo xoogaa waan maqnaa oo dalka ma joogin, gabadhaas walaasheen ahna arinkeeda warbaahinta unbaan ku arkay qof aan horey isu naqaanay maahan Gabdhaas ima soo wicin laakiin markaan imaado arintaas waan dabagaleynaa waana baareynaa insha Allaahu” ayey tiri Marwo Caasho Geelle oo iyadoo ku sugan magaalada Nairobi khadka telefoonka kula hadashay Raxanreeb.
Agaasimaha guud
Wasiirada waxay sheegtay in wasaaradda haweenka ay tahay mid u taagan difaaca iyo adeegida haweenka Soomaaliyeed guud ahaan, ayna suurtagal ahayn in wasaaraddu raali ka noqoto wax kasta oo dhibaato ah oo lagu sameeyo hooyo Soomaaliyeed iyadoo tilmaantay in magacaabista agaasimaha guud ee loo magacaabay C/qaadir Yuusuf Daahir aysan ka warheyn.
“Agaasimaha guud markii la magacaabayey maan joogin, shakhsiyana qof aan horey isku naqaanay mahan, magacaabistiisana nalakama tashan oo lama dhihin ma la magacaabaa  iyo lama magacaabo, laakiin si kastaba anigoo hadda dalkii ka maqan waxba kama oran karo” ayey tiri wasiirada iyadoo ka hadleysay magacaabista C/qaadir Yuusuf Daahir loo magacaabay wasaaradeeda.
Marwo Caasho waxay sheegtay in ay jeclaan lahaayeen in wasaarada loo magacaabo gabar agaasime guud ah, balse nasiib darro aysan taasi dhicin.
Marwo Caasho Geelle waxay dhanka kale tilmaantay in qorshaha wasaarada haweenka uu yahay mid cad oo la yaqaana oo aan ku jirin wax xadgudub ah iyadoo cadeysay in wasaaradu ayan marnaba xaqdaro iyo dulmi taageeri doonin.
“Anagu wasaaradda haweenka shaqadayada iyo qorshahayaga waanu naqaanaa, waana mid cad xadgudubna kuma jiro. Wasaarada haweenka waxay u shaqeysaa dumarka iyo carruurta, anaga horteena laguma sameyn karo wax xadgudub ah” ayey hadalkeeda ku sii dartay.
Faadumo Cali Xasan oo soo bandhigtay dhaawacyadii ay u geysteen ilaalada C/qaadir Yuusuf Daahir
Wasiiradu waxay ballanqaaday in marka ay ku laabato dalka ay bilaabeyso baaritaan la xiriira dhacdada Hooyo Faadumo Cali Xasan, iyadoo ka codsatay Faadumo Cali Xasan oo haweeneyda tacadiga loo geystay inay dacwadeeda u soo gudbiso wasaaradda haweenka si kiiskan loo raadraaco waxna loogu qabto.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo mudo 24 saacadood oo kaliya laga joogo markii Shabakadda Raxanreeb ay faafisay dhibaatada loo geystay Faadumo Cali Xasan oo ah 28-jir heysata 8 carruur ah kuna nool Boosaaso taasoo ay dhaawaceen ilaalada gaarka ee gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir haatana loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka Puntland arintaasi oo si weyn loo cambaareeyey.
C/qaadir Yuusuf Daahir oo ah masuulka dhibaatada laga tirsanayo
Dhanka kale shabakada Raxanreeb.com waxay goor dhow soo bandhigeysaa warqadii maxkamada derejada koowaad ee Boosaaso ay ugu yeertay C/qaadir Yuusuf Daahir mudo saddex jeer ahna uu ku gacanseyray inuu maxkamada ka tago kagana garbaxo haweeneyda masaakiinta ah ee dulmiga loo geystay.
Waxaana naga xusuusin ah in C/qaadir Yuusuf Daahier xiriiro aan la sameynay aysan suurtagalin illaa hadda.
HALKAN KA AKHRI SHEEKADA FAADUMO CALI XASAN
___________________________________________
RBC Radio
Raxanreeb.com

Xukuumadda Iiraan oo shaacisay in ay dhaqaatiir Caafimaad u soo dirayso wadanka Soomaaliya.

$
0
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay Soomaaliya u direyso kooxdii shanaad oo dhaqaatiir ah si ay daweyn ugu sameeyaan barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha magaalada Muqdisho.
Madaxa haya’dda bisha Cas ee dalka Iiraan Maxamuud Muzaffar ayaa sheegay inay kooxdan caafimaad ka koobanyihiin 10 qof oo kuwaas oo isugu jira dhaqaatiir iyo khabiiriin dhinaca dawada ah.
“Kooxdan dhaqaatiirta ah waxay ka yimaadeen gobolka Markazi ee bartamaha dalka Iiraan ku yaala, waxayna shalay ka soo dhoofeen magaaladaTehranee caasimadda dalka Iiraan, iyagoo lagu wado in maanta oo Talaado ah ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kooxdan dhaqaatiirta waxay joogi doonaan Soomaaliya 17-maalmood” ayuu yiri Maxamuud Muzaffar.
Hay’adda bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa waxay horay uga hirgelisay Muqdisho goob caafimaad oo lagu daweeyo dadka ay abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen, kuwaas oo ku jira lix kaam oo haya’ddu ay horay uga hirgelisay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ay ku jirto dalalkii ugu horeeyay ee gacan ka geysata caawinta barakacayaasha abaaraha ee soo gaaray Muqdisho, iyadoo ku tabarucday gargaar isugu jira cunno iyo dawo.

Raa’isal Wasaare Gaas iyo Golaha Wasiirada oo maanta kullan culus ku yeeshay Madaxtooyada Somaliya “War Saxaafadeed”

$
0
0

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October, Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.
Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
- DHAMAAD -

Liberians Vote to Elect President

$
0
0

Liberians queued peacefully in the rain on Tuesday, October 11, for the West African state's second presidential election since its civil war


Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada DFKMG.

$
0
0

 
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.
 
Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.
 
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.
 
Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.
 
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.        
- DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
                         +252-6-2536608      
Mogadishu, Somalia

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.+Sawiro

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib safaro dhaadheer oo uu dalka uga maqnaa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu warbaahinta uu kula hadlay magaaladda Muqdisho, markii uu maanta uu dib ugu soo laabtay, isla-markaana wuxuu sharaxaad uu ka bixiyay safaro uu dalka uga maqnaa.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in uu safaro kala duwan uu ku soo kala bixiyay Qaaradaha Yurub iyo Maraykanka, wuxuuna tilmaamay in uu la-soo kulmay masuuliyiinta wadamada uu booqday, isla-markaana wuxuu sheegay inay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Mudane Shariif  Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay geysteen koox cadow ah.
Ugu dambeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in wax laga qaban doono kooxda Shabaab, oo uu sheegay inay xasuuq u geysteen shacab masaakiin ah, oo weliba u badan arday iyo waalidiin.

Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Oo Doortay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen

$
0
0

Hargeysa(OWN)- Guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasadda, ayaa shir ay yeesheen waxa ay ku doorteen inuu guddoomiye u noqdo Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ciyaale”  halka ay gudoomiye-ku-xigeenna u doorteen Aadan Geeddi Qayaad.
Siddan-na waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kaas oo sidoo kale ay ku sheegeen in ay u doorteen Xoghayaha Guddida Cumar Xasan Axmed, halka Afhayeenka Guddidana loo doortay Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin”.
Waxa ay guddidu tibaaxday in masuuliyiintan u doorteen qaab waafaqsan shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka guddidaasi, isla markaana waxa ay xuseen in xubnaha kale ee Guddida diiwaan gelintu ay ka mid yihiin  Cabdalle Ibraahim Maxamed, Maxamed Cabdi Maalik  iyo Ismaaciil Cabdilaahi Cali.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office

British marines free hijacked Italian ship off coast of Somalia

$
0
0

The 56,000 ton cargo vessel, The M/V Montecristo, had a crew of 23, and was hijacked by 11 pirates, according to the Italian defence ministry. “The vessel has been freed… thanks to the joint intervention of two ships from the United States and British navies,” which had been operating as part of NATO’s anti-piracy operations, [...]

Dagaalo qaraar oo galabta ka soconaaya Gobolka Jubbada Hoose iyo khasaaro.

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa waxay galabta ka soconayaan qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay dagaaladu geysanayaan khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaareysa dhinacyada dagaalameysa.
Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna uu u dhaxeeyaa Ciidamadda Dowladda oo garabsanaaya Ciidamadda Raaskambooni iyo kooxda Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalada ka soconaaya duleedka degmada Afmadow ayaa waxay labada dhinac isku adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka, waxaana la-soo sheegayaa in dagaaladu ay geysanayaan khasaarooyin kala duwan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo kuwa Raaskambooni ay Xoogaga Shabaab ka fir fircoon yihiin, hase ahaatee majirto wax goobo ah oo ay dagaaladu uga qabsadeen.
Shacabka ku dhaqan duleedka degmada Af Madow, ayaa waxay sheegayaan inay maqlayaan hubka cul culus oo ay si weyn iskugu adeegsanayaan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Shabaab.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda
HeeganTV  Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo Maanta Kormeeray Goobihii Shalay laga Xoreeyey Maleeshiyada Shabaab…SAWIRRO

$
0
0

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa maanta kormeer howleyd ku tagay goobihii ugu dambeeyay oo ay ciidamaad qalabka sida ka xureeyeen maleeshiyaadka shabaab .
Mudane C/Samada macaliim maxamuud wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo uu wehlinayay la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Amiga qaranka  C/Qaadir macallim Nuur ayaa waxa ay gelinkii dambe ee maanta soo kormeereen qaar kamid ah goobihii ugu dambeeyay oo ay ciidammada qalabka sida ka xureeyeen maleeshiyaadka nabad diidka ah ee al shabaab waxaana goobahaasi ka mid ah Warshadii hore ee baastada, Isgoyska Ex control Balcad, Isgoyska SOS, xaafadda huriwaa, saldhiga degmada hilwaa, stadium, Muqdisho iyo sidoo kale Saldhiga ciidamada booliska galbeed ee degmada dharkenley iyo wakaaladii hore ee hargaha iyo saamaha oo dhowaan dad badan oo Soomaali ah si barer ah ay ugu leysay kooxda shabaab.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka G/C/kariim dhega badan waxa uuna tilmaamay in maalmaha soo socda magaalada muqdisho oo dhan laga xureyn doono maleeshiyaadka kooxda  nabad diidka ah ee shababa islamrkaana sidoo kale la xureyn doono gobollada dalka.
Wasiirka arrimha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/samad Macalim Maxamud oo isna saxaafadda kula hadlay  isgoyska SOS ee Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qorsheyaasha u dagsan saraakiisha ciidamad ku guuleysanm doonan oo ay xukuumadana gacan ku siin doonto wax walbo oo ay u bahdaan isagoo dhanka kale ka dalbaday shacbiga Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan guryahooda si ay ciidamdu u xaqiijiyana amnigooda.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobaha ay booqdeen wasiirka arrimah gudaha iyo xubnihii la socday ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen guulaha ay ciidamada dowladda ka gaareen dhanka amniga.

 

 






Photo By:-Maxamed C/qaadir Daahir(MCD)

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Kulan Ka Yeeshay Ammaanka Dalka…WARSAXAAFADEED

$
0
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayey xaalada Dalka gaar ahaan dhinaca Amniga kulankaasi oo uu shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali waxaana waxyaabihii looga hadlay kulanka kadib laga soo saaray Warsaxaafadeed.
War-Saxaafadeed
Shirka Golaha Wasiirada
Muqdisho, 11 October 2011

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.
 
Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.
 
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.
 
Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.
 
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
 
- DHAMAAD -
 


Muqdisho oo Yara Xasiloon

$
0
0

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka yara xasilooneey sidii ay aheyd 24kii saac ee la soo dhaafay.  Ciidamada DKMG ah iyo Xoogagga Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa  ee kaabay ayaa weli ku sugan degaanada waqooyin bari Muqdisho oo ay kala wareegeen ciidamadii Kooxda Alshabab.

Dhinaca kale waxaa go’an wadada Muqdisho ka baxda ee aada gobolada Koonfureed Ee Somalia, ka dib markii Kooxda Al-shabab ay laamiga dhexdiisa ka qoteen goadad dhufeeysyo ah meel u dhow KM 13.

Dhibaatada dagaaladii ugu dambeeyay ayaa waxeey gaartay dadka ku nool xaafadda  Suuqa Xoolaha iyo agagaarkeeda halkaaso ay dadkii degenaa guryahooda ku go’doomeen.

Dr. C/qaadir C/raxmaan Aden oo ka tirsan Adeegga Ambulasyada ee Muqdisho ee Aamin Voluntary yaa sheegay in saakay dhaawaca sideed qof oo rayid ah oo ku go’doomay guryahooda ay ka soo qaadeen degaanada Waqooyi ee magaalada

Dhinaca kale Professor Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda Qadar ayaan wax ka weeydiinay dagaaladii ugu dambeeyay waxa ay uga dhigantahay awoodda kooxda Alshabab.

Sheekooyin oo dhan ka dhageeyso halkan hoose

Somalia: 8 die in battle between gov’t, militants

$
0
0

The African Union force in Mogadishu said its forces on Monday fought their way into and took over the last militant strongholds in the northern end of Somalia’s capital. At least eight civilians and one AU soldier were killed.
Heavy fighting broke out after AU and Somali government forces attacked militant positions following what the AU force said were the deaths of at least 12 Somali civilians because of militants’ mortars over the weekend.
Residents in Mogadishu’s northern neighborhoods fled explosions and gunfire as the troops made a push toward positions held by al-Shabab militants. Civilians often suffer heavily from the fighting in Mogadishu. Monday was no different, with at least eight killed and 20 wounded. It is difficult to know if civilian deaths were caused by pro-government or militant forces.
The al-Qaida-linked al-Shabab fled Mogadishu in August in what its leaders said was a tactical pullout. But the militant group returned in a big way last week, setting off a truck bomb that killed more than 100 people as students tried to learn if they had won a scholarship to attend school in Turkey.
The AU force on Monday said the latest military battle was launched to push militants back from a range where their mortars can hit civilians. Spokesman Lt. Col. Paddy Ankunda said 12 civilians were killed Sunday from such attacks. Ankunda said late Monday that the pro-government troops succeeded in taking over the last al-Shabab strongholds in northeast Mogadishu.
“The outer north and eastern fringes of the city must still be cleared, but key ground and buildings are no longer under the control of the extremists,” Ankunda said. “It has been a big achievement to remove (al-Shabab) from the city, and put an end to the fighting that disrupted so many lives. But the challenge is now to protect civilians from the sort of terror attack we saw last week.”
Ankunda said one AU soldier died in the fighting. Ali Muse, director of Mogadishu’s ambulance service, said eight civilians were killed and 20 wounded in Monday’s fighting, including several who bled to death because ambulances could not reach them.
The AU force commander, Maj. Gen. Fred Mugisha, said earlier Monday that a “small number” of al-Shabab militants remain a threat in northern Mogadishu.
Al-Shabab “will be judged harshly for the lives they take and the atrocities they commit. We need the support of all peace-loving Somalis to help us restore peace and stability to the city,” Mugisha said.
Ali Haji, a Mogadishu resident, said he saw Somali soldiers stationed near the fighting. He said residents were fleeing.
Thousands of Somalis on Sunday poured into the city’s sports stadium to protest last Tuesday’s vicious truck bombing by the al-Qaida-linked al-Shabab. The Somali president, Sheik Sharif Sheik Ahmed, spoke at the rally, calling al-Shabab “religious thugs.”
“We have to retaliate against them for burning our people to death. Somalis fought colonialists before and al-Shabab is a new colonialist,” the president said to loud applause.
Under tight security, the protesters waved Somalia’s blue flag as the national anthem pulsated through the stadium. Al-Shabab, mimicking the Taliban regime of Afghanistan in the 1990s, has forbidden music in areas under its control.
“They are not Muslims. They are misinterpreting the religion and have made our blood their business!” said Zaynab Ali, a protester. “They don’t even spare students. We need no more patience, but to kill and fight them. Down with al-Shabab!”
Last week’s attack was not the first time the insurgents targeted students seeking an education that could better the country. In December 2009 a suicide bomber attacked a graduation ceremony for medical students in Mogadishu. The area struck by Tuesday’s truck bomb was near several government ministries, including the Ministry of Education.
“They killed our students to prevent them from being educated and serving their country,” said Mohamed Ahmed Nor, Mogadishu’s mayor. “We are not deterred by their terror acts, and our young men will continue to learn and still go abroad to learn.”
The attacks and battles with al-Shabab come as the Horn of Africa nation continues to suffer through its worst drought in 60 years. Tens of thousands of Somalis have already perished. The U.N. says more than 750,000 are at risk of starvation in the next several months.

The rape of Somalia’s women is being ignored

$
0
0

Like so many in the Horn of Africa, Nadifa needed food. The twice-widowed mother of four left her children at their makeshift hut in an internally displaced persons (IDP) camp outside Mogadishu to seek dry food aid in a neighbouring camp. After waiting hours, she returned home with nothing. She found a gunman inside her home, raping her 11-year-old daughter. She screamed for help, trying to pull him off the child while protecting her other children. Neighbours stood by as the militia abducted Nadifa. In an abandoned building, with a hood over her head, she was pistol-whipped, kicked, punched, and scorched with burning plastic.
For sexual predators, famine and the resulting vulnerability equals opportunity, even in refugee camps with the heavy presence of international aid organisations and the United Nations. A recent UN assessment in Kenya’s Dadaab refugee camp indicates that the majority of families in the camp are female-headed households, and reported cases of rape have quadrupled with the famine.
This points to the unbearable reality for women within Somalia. The crisis in the Horn of Africa is, in many ways, a women’s famine. Women frequently face the daily battle for survival without husbands or male providers, who have died, left with the herds or simply abandoned their families. Women travel hundreds of kilometres with their children. They make do in al-Shabaab controlled camps, facing alone what aid workers euphemistically describe as “the extreme vulnerability of displacement and loss of livelihoods”.
Just prior to the news of the famine, the Guardian named Somalia one of five “worst places in the world for women”. Somali women have long faced a culture of severe oppression, along with 20 years of conflict. IDP camps are ruled by al-Shabaab, a militant terrorist group linked to al-Qaida, which controls 90% of south and central Somalia. Impunity is absolute. If a victim of rape dares to complain, she is accused of promiscuity or “speaking against the brotherhood”, both crimes punishable by beheading or stoning.
While hundreds of millions of aid dollars pour through big agencies providing food, water, and health services, Somalia’s dramatically escalating sexual violence is going largely ignored. This is in part because it is so difficult for large foreign-aid organisations to access the women who most need it: those living in al-Shabaab-controlled IDP camps.
Women like Nadifa face their attackers daily. They are afraid to leave their huts. How likely are these female heads-of-household to aggressively seek water, food and medical aid for their kids? These are no-win choices with a life-or-death impact on the children in their care.
Solutions can be found outside the traditional big-aid model. In collaboration with international aid experts Prism Partnerships, in early July, grassroots Somali leader Fartun Adan officially opened Sister Somalia, a rape crisis centre inside Mogadishu’s government-controlled safe zone, building on word-of-mouth networks. Adan has developed a malleable direct-aid structure informed by local context, catering to victims’ specific needs. It’s risk-laden, but for Adan, whose husband was murdered in 1996 for his human rights work, it’s worth it.
Nadifa met Adan’s outreach counsellors in her camp. Early the next morning, Nadifa made the long walk into Mogadishu to the centre. After a meal and counselling, Adan’s team set out to relocate Nadifa’s family to a one-bedroom apartment in government-controlled Mogadishu.
In the context of famine, sexual violence is being de-prioritised as primarily a psychosocial issue. This is a deadly miscalculation. We cannot allow the crisis in Somalia to relegate women’s security to an optional extra. As sexual predators run rampant over famine-affected ground, food security and women’s security become inextricably linked. It is high time we follow the lead of Somali grassroots leaders like Adan, assuring our assistance holds women’s security as not only possible, but fundamental.

Ciidamo taageersan Al Shabaab oo soo gaaray Muqdisho iyo Al Shabaab oo dagaalo ku dhawaaqday

$
0
0

Ciidamo balaaran oo Shabaab ah ayaa waxay soo gaareen duleedka magaaladda Muqdisho, oo ay shalay ka dhaceen dagaalo xoogan oo Xarakada Al Shabaab looga saaray inta badan magaaladda Muqdisho.
Ciidamo hubeysan oo wata gawaarida dagaalada oo taabacsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay ka soo kala baxeyn Gobolada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, waxayna caawa soo gareen duleedka magaaladda Muqdisho.
Ciidamadda ayaa waxaa la-sheegay inay u soo diyaar garoobeen dagaalo qaraar oo ay la-gallaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo caawa la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay soo gaareen ciidamo gurmad ah.
Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay inaanan weli lagu kala bixin dagaalada Muqdisho, isla-markaana wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin dagaalo xoogan oo ay la-gallaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay inay qaadi doonaan dagaalo culus, oo uu sheegay inay dalka oo dhan uga saarayaan Ciidamadda Dowladda Ciidamadda Amisom.

Dharaarihii Steve iyo Dhalanrogga Qurbaha

$
0
0

 
 
Walaalkay dhab iyo
Dhiigaygiiyoow
Dhofkiinu wuu
Igu dheeryahayee
Wax idin dhiba Illaah
Ha idin dhaafiyo
Dhulkii hooyo waa kanee
Dhaqashaduna waa meel
Dhalashaduna waa meel
Waydin dhaariyeee
Ha is dhalan rogina
Codkii Maxamed Mooge (IHUN)
Mareegta Farshaxan
Oktoober,2011
Waagii baryaaba waayihiisa ayuu wataa.Aqoonyahan ayaa u kicitimay dhinaca dhakhtarka.Rajada uu bukaan-socodkaasi qabaa sidaa uma buurnayn, hase yeeshee wuxuu mar walba u diyaar ahaa inuu aqbalo lama dhaafaanka-geerida-.Dhakhtarkii ayaa u sheegay inaaney jirin ididiilo danbe oo ugu hadhey nolosha.Waxaanu la wadaagey in saddex ilaa lix billood oo nolol “caafimaad” leh loo tirin karo u hadhey.Talo waxay ku soo af-goday u qalabeysiga godka albaabka u ah nolosha danbe “Iilka”.
Warbixintaas oo dhamaystiran halkan ka akhriso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live