Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xog cusub: Maxaa ka jira in DFS ay fashilisay...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa talaabadii ay dowlada Federaalka ah ee Somalia ku xirtay Siyaasiga CC Shakuur oo kamid ahaa Musharaxiintii doorashada kula tartameysay Madaxweyne Farmaajo.
Warar hoose oo aan ka helnay ilo ka tirsan Xarunta Villa Somalia iyo Xafiiska Xeer ilaalnta, ayaa xaqiijiyay in kiiska weerarka CC Shakuur uu soo degdegay ka gadaal markii laga warhelay in Siyaasiga CC Shakuur iyo Ra'isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke ay isla qorsheeyen fulinta afganbi ka dhan ahaa Farmaajo iyo Khere.
Qorshaha afganbinta ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid maraayay heer gabagabo isla markaana la dhisay hanaanka loo qeybsan lahaa dowlada cusub ee ku imaan laheyd afganbiga.
Dowlada Cusub ayaa waxaa lagu soo dhisay shir khaas ahaa oo ka dhacay magaalada Abu Dabai, kaa oo ay ka qeybgaleen ilaa Afar Siyaasiyiin oo uu kamid ahaa CC Shakuur, iyadoo qorshaha uu ahaa mid uu waday Ra'isul wasaarihii Hore ee Somalia CCC Sharmaarke.
Waxaa qorshahaan fashiliyay Xildhibaan ka tirsan BFS oo dhawaan dib u celiyay dhaqaale la sheegay in lagu marin habaabin lahaa, waxaana dhaqaalahaasi bixinaayay Dowlada Imaaraadka Carabta.
Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in DFS ay gacanta ku dhigtay Dukumiinti cadeynaaya in Dowlada Imaaraadka ay afganbinta ugu talo gashay lacag aad u cusley oo qiyaastii u dhexeysay 20 ilaa 40 Milyan.
Xogta aan ka heleyno Villa Somalia ayaa intaa kusii dareysa in Ra'isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke uu isku diyaarinaayay inuu noqdo Madaxweynaha Somalia ee loo diyaariyay inuu ku imaado afganbiga, waxaana arrintiisa sheeda kala socday Dowladaha Imaaraadka, Sacuudiga, Ethiopia, Mareykanka iyo Israel oo dhinac ah.
Sidoo kale, dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku howlan dadaal ay kusoo bandhigeyso Dukumiintiyo Qoraal iyo mid Muuqaal ah oo ay ka heshay goobaha lagu diyaarinaayay afganbiga iyo qeybo kamid ah dhaqaalaha loo qorsheeyay.
Geesta kale, DFS oo kaashaneysa dhinacyo kala duwan ayaa ku daba jirta shaqsiyaad kale oo la sheegay inay si dhow dowlada Imaaraadka kala shaqeynayaan dhaqangalinta talaabo waliba oo lagu carqaladeynaayo Qaranka.
- Online
Xafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Xildhibaanada Soomaaliya oo isku dayaya inay mooshin...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay mooshin xilka looga tuuray ka geeyaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay sii kordheyso qalqalka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo labo bilood ah fasax galay ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada waxa ay doonayaan in dib loo furo arrimo deg-deg ah awgeed, sida uu Xildhibaan Mahad Salaad u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
"96 xildhibaan ayaa weydiistey guddoomiyaha baarlamaanka inuu dib u furo baarlamaanka si loo bilaabo eedeymo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo,waxaana lagu eedeynayaa madaxweynaha inuu ku xad gudbay dastuurka,qayaano qaran,burburin dowladii federalka iyo arrimo kale."ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.
Hase yeeshee qoraalka lagu codsanayo dib u furista baarlamaanka ayaan loo geyn inay gaartay afhayeenka Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 mudane ayaa laga doonayaa in marka saddex loo qeybiyo labo kamid ah ay xilka ka qaadi karaan Madaxweynaha.
Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada.
Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah.
"Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,"sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah
Bishii August ee sanadkan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan ayaa waxa ay ku dileen illaa toban ruux deegaanka Bariire, weerarkan ayaa muran iyo carro badan dhaliyay.
Milatariga Maraykanka ayaa ku tilmaamay dadkaas la dilay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ahaayeen dad rayid ah.
Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa ka heshay amaan diblumaasiyiinta dadaalada ay ka sameysay ka hortagida musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada milatariga iyadoo hay'ada lacagta adduunkana ay ku amaantay dib u habeynta ay dowladu sameysay.
Hase yeeshee dhinaca gudaha ayay dowladu ka wajahaysaa mashaakilaad. Dowlada ayaa shaqada ka erisay saraakiil sarsare oo dhinaca amniga ah
Alshabaab oo ku xeel dheer ka faa'ideysiga kala qeybsanaanta beelaha ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah waxaana qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalo madaxda Muqdisho uu galaaftay illaa shan boqol oo ruux.
Khilaaf ka dhex jira dowladaha Qadar iyo Imaaraadka oo labaduba taageera xukuumada Soomaaliya ayaa ka dhex dhaliyay khilaaf xukuumada federalka iyo maamul goboleedyada taasoo dhaawacday sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka.
Bishan December ayay dowlada Maraykanka waxa ay ku dhowaaqday inay joojinayso gargaarkii ay siin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq.Xigasho: Reuters- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Dhageyso: Muxuu Guddoomiye Thaabid ka yiri...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo qeyb ka ahaa Mas'uuliyiintii Dadaalka ugu jiray Siideynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay siideynta Siyaasiga.
Guddoomiye Taabit ayaa u mahad celiayay Dhamaan intii ka qeyb qaatay sii deynta Siyaasin cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Guddoomiye Thaabit ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii damiinta ka noqday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana damiinta kula jiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiye Thaabit:
https://www.-.net/wp-content/uploads/2017/12/Taabid-1.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ramaphosa oo ballan qaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa Koonfur Afrika.

$
0
0

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga tallada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC Cyril Ramaphosa oo dhamaan la doortay ayaa ballan qaaday in uu la dagaalami dono musuqmaasuqa, sidoo kalena uu horumarin doono dhaqaalaha.

Akhriso: Farriintii ugu horeysay ee C/raxmaan C...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Xalay xilli dambe xabsiga laga sii daayay ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada.
Farriinka oo afar xaraf ka koobneyd ayuu ku qoray luqada ingiriiska: "Cadaallada ayaa waareysa, Cadaalad darraduna waa fashilneysa. "Justices prevails. Injustices fails." ayuu soo dhigay bartiisa twiterka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in damiinka lagu sii daayay ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin: Inuusan saxaafadda la hadli karin, isticmaali karin baraha bulshada, kana dhoofi karin dalka, laakiin waxaa muuqata inuu ugu yaraan dhowr erey ku cabiray xaaladiisa.
Sii deynta siyaasiga ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah.
Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi.
C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas'uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ramaphosa oo ballan qaaday inuu la dagaalami doono...

$
0
0

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga tallada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC Cyril Ramaphosa oo dhamaan la doortay ayaa ballan qaaday in uu la dagaalami dono musuqmaasuqa, sidoo kalena uu horumarin doono dhaqaalaha.
Mar uu soo xirayay shirkii xisbiga ayaa waxaa kale oo uu sheegay uu diiradda saari doono shaqo abuurida, la dagaalanka saboolnimadana uu siin dooona ahmiyadda koowaad.
Mr Ramaphosa ayaa loo doortay inuu badello hogaamiyaha xisbigaasi Jacob Zuma.
Waxaa la saadalinayaa in uu ku guuleysan doono doorashada xilka madaxtinimda dalkaasi ka dhici doonta sanadda 2019-ka.
Xibiga ANC ayaa wajahaya culeys aad u weyn, kaddib markii xubno katirsan xisbiga lagu eedeeyay musuqmaasuq.
storvideo: 

Al-Shabaab oo habeenkii labaad oo xiriir ah weeraray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Afgooye (Caasimadda Online) - Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay Ciidanka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Al-Shabaab ay habeenkii Labaad ay weerar ku soo qaadeyn qeyba ka mid ah degmada, weerarkii ugu dambeeyay ee xalay ayaa ka dhacay Buundada degmada Afgooye ee Sh/Hoose.
Dagaalka ayaa ku bilaawday Bambooyinka gacanta laga tuuro kadibna waxaa xigay rasaas socotay muddo kooban, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay tiro kalane ay ku dhaawacmeyn.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheere ayaa beeniyay in weerar lagu soo qaaday Saldhig ciidanka Soomaaliya ee ku leeyihiin Afgooye balse ay madaafiic rideyn Ciidamada AMISOM.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Oo Goordhow...

$
0
0

Goordhow ayaa waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay markale mudo 24 Saac ah kadib Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo dacwad lagu soo oogay.
Maxkamada ayaa waxaa hadda ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Eheladiisa si ay kor joogto uga noqdaan Maxkamadeyntiisa.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa laga sugayaa in ay maanta soo bandhigto cadeymaha laga doonayo ee ku aadan dembiga loo heysto Cabdirxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Ugu dambeyn is Maanta ayaa la filayaa in Kiiska Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur la soo gaba gabeeyo.
Xalay xili dambe ayaa mudo Saddex Maalin ah kadib suurtagashay in Siyaasiga si damiin ah lagu siidaayo kadib markii ay waan waan sameeyeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Xildhibaanada labada Aqal iyo laba ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada.Hoos Ka Daawo Sawirrada
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Maxaabiista Ku Xiran Xabsiga Jalalaqsi Oo Uu...

$
0
0

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka heesta Maxaabiista ku xiran Xbsiga degmadaas kuwaas oo qaarkood ah kuwo aan weli la Maxkamadeyn.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada degmada Jalalaqsi Xuseen Sheekh Qaasim ayaa sheegay in maxaabiistaas qorshuhu ahaa in loo gudbiyo Baladweyne si loo maxkamadeeyo basle ay waayeen Wadooyinkii ay marsiin lahaa.
Waxa uu shegay in ay jiraan qaarkood kuwo xiran mudo 9 Bilood ah,isaga oo ka codsaday madaxda Maamulka Hir-Shabeelle in ay furan ama Go'doonka ka qaadaan Wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in tani ay dhibaato ku tahay maxaabiista oo ah kuwo xaqooda lagu tumanayo,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle laga doonayo in uu xal keeno.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Golaha Iskaashiga D/Goboleedyada oo ka hadlay sii...

$
0
0

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada qoraal ay soo saareen waxay kaga hadleen sii deyntaii xalay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasi oo habeenkii 18-kii bishan lagu soo qabtay Howlgal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay guriga Muqdisho uu ka degan yahay.
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday howlgalkaas, waxaa uu Goluhu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu isha ku hayay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen in hadii aan xal siyaasadeed oo deg deg laga gaarin saameyn xooggan ku yeelan karto degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.
Golaha ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan sii deynta Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ay ku tilmaameen siideyn shuruudeysan, iyaga oo ka digay inaan dambi laga dhigin kala aragti duwanaanta siyaasadeed, iyadoo la beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Waxay ka digeen inaan xoog ciidan lagu xalin khilaafaadka siyaasiga ah, iyagoo xasuusiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in dalku u nugul yahay wax walbo, sidaasi darteed wada hadal wax lagu xaliyo.
Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay u soo jeediyeen in aysan ku milmin siyaasada, ciidamada Nabad sugida iyo kuwa xoogga dalkana waxay kula taliyeen inaan loo isticmaalin arrimaha madaniga ah ee Booliiska loogu tala galay.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), kadib wada hadalo saacado badan qaatay oo tan iyo shalay galab ka soconayay Magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la...

$
0
0

Booliiska Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux ku dhaawacantay gaari dad ku der-deray isgooys mashquul badan oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in xabsiga la dhigay dareewalkii gaariga iyo nin kale oo la socday,islamarkaana baaritaan ku socdo,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin.
Mas'uuliyiinta gawaarida gurmadka deg degga ah ee gobolka Victoria ayaa sheegay in ay isbitaalka geeyeen 13 ruux oo dhaawac ah,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da'yar.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ay arkayeen dadweyne kala cararay iyo dhaawacyo dhulka yaalla ,kadib markii gaariga oo xawli ku socdaa isgoyska soo galay.
Ilaa iyo hadda ma cadda in weerarkaan ahaa mid argagixiso iyo in kale.Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net
The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Iyadoo maanta mar kale maxkamad la soo taagayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya caddeymaha loo hayo denbiyada lagu soo oogay.
Xogta la helayo ayaa qeexeysa in xeer ilaalinta ay u gacan galeen macluumaad ku saabsan qorshihii afgembiga siyaasadeed ee ay ku howlanaayeen xubno ku xiran Imaaraadka oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, xidhibaanno iyo madax hore.
Caddeynaha ugu muhiiimsan waxaa ka mida:
1 - Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada.
2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay.
4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur.
Lama oga in Xeer ilaalinta ay adeegsan doono caddeymahan oo dhan iyo in qaarkeed ay soo bandhigi doonto, inkastoo xildhibaannada kiiskan ku jira ay weli xasaanad heystaan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maamul gobolleedyada oo ka hadlay xarigga C/raxmaan...

$
0
0

Kn: Golaha ay ku midaysanyihiin madaxda maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horaysay warmurtiyeed ka soo saaray xarigga ay dawladdu u gaysatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayagoo ka digay inaan kala afkaar duwanaanshaha la caburinnin.
Madaxda ayaa sidoo kale ka digtay in awood ciidan loo adeegsado waajihidda kala afkaar duwanaanshaha taasi oo horseedi karta natiijooyin aan u wanaagsanayn marxaladda dalku marayo maadaama wali uu dalku u nugul yahay jaraaxooyinka danqi kara boogaha aan wali bogsoon ee bulshada ku nagaaday.
Hadaba hoos ka akhri warmurtiyeedka ay soo saareen golaha iskaashiga dawlad gobolleedyada:
storvideo: 

Boliiska Australia oo qabtay 2-ruux oo gaari...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Boliisaka dalka Australia ayaa xabsiga dhigay laba ruux,kadib kolkii gaari ay wateen uu jiirayy dad ku sugnaa ,agaalada Melbourne .
Gaarigaasi ayaa jiiray tiro badan oo dad ah oo marayey hareeraha wadada Flinger ee bartamaha magaalada, sida ay sheegeen boliiska.
Howlwadeenada gawaarida gargaarka degdegga ah ayaa sheegay in 13-ruux ay geeyeen cisbitaalada,halka qaar ka mid ah dhaawacyada la tilmaamay in ay liidato xaaladooda caafimaad.
Boliiska ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid ulakac ah ,waxaana ka mid ah dadka dhaawacmay cunug yar.
BBC.English
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWafdi uu hogaaminayo Wasiir Beyle oo kormeeray Deegaanka Goob weyn+Sawirro

storvideo: 

Madaxda Ahlu Sunna oo kulan ku yeelanaya Dhuusa-mareeb

$
0
0

Maagaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Madaxda maamulka Ahlu Sunna ee dhowaan Muqdisho kula heshiiyay Galmudug.
Madaxa Golaha Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo shalay dib ugu laabtay degaanada Maamulka Ahlu Sunna ayaa waxa uu ku hormaray magaalada Guriceel, halkaasi oo uu kula hadlay dadweyne fara badan.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay markii uu ka tagayay Ahlu Sunna uu ahaa Madaxweynaha Ahlu Sunna, balse shalay oo uu ku laabtay uu yahay Madaxa Golaha Xukuumadda Maamulka Galmudug.
Wuxuu sheegay muhiim in ay tahay Ahlu Sunna in ay u diyaar garowdo dhaqan gelinta heshiiskii ay la gashay Galmudug iyo in loo diyaariyo Madaxda Galmudug in ay u soo guuraan magaalada Dhuusa-mareeb.
Dhowaan ayaa la rajeynayaa maamulka Galmudug inuu u soo guuro magaalada Cadaado, si uu u soo dego magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana shacabka Dhuusa-mareeb ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Madaxda Galmudug.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Ra’iisulwasaare ku xigeenka Britain oo shaqada looga...

$
0
0

Damian Green oo ka mid ah xulafada ay isugu dhaw yihiin ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa shaqadii ra'iisulwasaare kuxigeennimada laga eryay ka dib markii lagu helay in uu ka tallaabay anshixii golaha wasiirrada.
Waxaa la waydiistay in uu is casilo ka dib markii lagu helay in uu "been iyo haddallo marin habaabin ah ka sheegay" waxa uu ka ogyahay eedaymaha sheegaya in kombiyuutarka xafiiskiisa laga helay muuqaallo galmo ah sannadkii 2008dii.
Waxaa kale oo uu raaligalin ka bixiyay in uu Kate Maltby ula dhaqmay si aysan raali ka ahayn sannadkii 2015kii.
Laura Kuenssberg ayaa sheegtay in "ay koobnayd istikhiyaarta" ay haysatay ra'iisulwasaaruhu.
Tifaaftiraha arrimaha siyaasadda ee BBC ayaa sheegaya in rafiiqan ka baxay garabka May uu ra'iisulwasaaraha ka dhigay mid "mid cidlo ciirsila taagan".
Green oo 61 jir ah oo ahaa ku xigeenka ra'iisulwasaaraha ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee gollaha wasiirrada ka tirsan ee is casila muddo labo billood gudahood ah, Michael Fallon iyo Priti Patel ayaana is casilay bishii Nofembar.
May oo war qoraal ah ka soo saartay arrintan ayaa sheegtay "in ay aad uga xumaatay" xafiiska uu banneeyay Green balse waxay intaas ku sii dartay in ficilkiisu uu "ka hoos maray" hab dhaqankii laga filayay golaha wasiirrada.
Waxaa ku socday baaritaan ku aadan eedaymo sheegaya dabci aan haboonayn oo ku wajahnaa Maltby oo saxafiyad ah. Wuxuu diiday in uu kula kacay ficilo aysan raali ka ahayn sannadkii 2015kii.Damian Green ayaa wakhti dheer ku kalsoonaa ra'iisulwasaaraha
Wuxuu sidoo kale diiday in uu ku soo dajistay ama ku daawaday muuqaallo galmo ah kombiyuutar laga qaaday xafiiskiisa 2008dii.
Laakiin warbixin rasmi ah oo xafiiska gollaha wasiirrada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in xogtii uu dadka la wadaagay ay ahayd "mid aan xaqiiqo ahayn" uuna jabiyay anshixii gollaha wasiirrada.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Akhriso Waraaqihii damiinta ahaa ee lagu sii daayey...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii damiinta ahaa ee lagusii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sida ka muuqato Saxiixaha Waraaqaha waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinta:

  1. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed
  2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  3. Madaxeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Seddexdaas mas'uul ayaa damiintay, waxayna waraaqdaan xeer ilaalinta guud ku caddeysay inay aqbashaday codsigaas isla markasna ay sidaas kusii deystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ka socoto, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro natiijo.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda damiinta

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Ka Horyimid Go’aankii...

$
0
0

Kadib Go'aan ka gaaristii Maxkamada Gobolka Banaadir kiiskii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa Go'aankaas Maxkamada ka soo horjeestay xeer ilaaliyaha Qaranka.
Axmed Cali Daahir oo Saxaafada Shir Jaraa'id Muqdisho ugu qabtay ayaa ku tilmaamay Go'aankii Gudoomiyaha Maxkamada Sare mid Sharcidaro ah isla markaana ay racfaan ka qaadanayaan.
Waxa uu sheegay in Xeer ilaalinta aan marnaba loo ogolaan waqti ay baaris ku sameyso isla markaana la dhinac maray Go'aana lagaaray taasina ay tahay in sharciga la jebiyay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in aysan muhiim aheyn in laga hadlo dembiga eedeysanaha balse ay aheyd in xeer ilaalinta laga ogolaado in ay baaris sameyso.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Videoska Waraysiyada

$
0
0

[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]https://www.youtube.com/watch?v=Sw0YYa6ILhQ
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh...

$
0
0

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii Maanta si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar burinaya go'aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday magaalada Qudus.
128 dal ayaa u codeeyey qaraarka,sagaal waddan ayaa diiday,halka 35 dal ay ka aamustay,kadib kulan deg deg ah oo Goluhu ku yeeshay magaalada New York gelinkii dambe Maanta.
Qaraarka loo codeeyay ayaa ku baaqaya in la buriyo go'aan kasta oo wax ka beddelaya xaaladda haatan ay ku sugan tahay Qudus,inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin madaxweyne Trump,sidoo kale wuxuu dalalka ku boorrinayaa in aanay wax safaarado ah ka furan magaalada Qudus.
Maraykanka iyo Israel ayaa cambaareeyey dalalka u codeeyay qaraarka.
PUNTLAND POST
The post Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ka dhan ah go'aankii Trump. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live