Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Amaanka ee QM oo diiday Go’aankii Trump...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u taageeray xallinta khilaafka si wax ku ool ahna ugu baaqay Maraykanka in ay dib uga noqdaan aqoonsiga Jeruslem ugu aqoonsaday caasimadda Israel.
128-Dowladood ayaa ka hor yimid Go'aankii Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel, iyada oo 35 ka aamuseen halka sagaal kale ay taageereen Go'aanka Trump ee ahaa in Qudus noqoto caasimadda Israel.
Madaxweynaha Mareynkanka ayaa ku goodiyay inuu deeqaha uu siiyo ka jaranayo dalalka ka hor yimaada Go'aankiisa.

  • 9,dalka ee taageeray in Qudus noqoto caasimadda Israel waxaa ka mid ah Mareynkanka,Israel, Guatemala, Honduras, Jaziirad Marshall , Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.
  • Wadamada kale ee ka hor yimid go'aanka Trump waxaa ka mid ah Xubnaha joogtada ah ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, sida China, France, Russia iyo UK iyo wadamo kale oo kale oo dunida Muslimka oo xulufo la ah Mareynkanka

Ra'iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa balan qaaday inuu qaadacayo Natiijada wuxuuna ugu yeeray Golaha amaanka "Guri beeneed"
Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan ayaa horay u sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in magaalada Barakeysan ee Qudus loo aqoonsado caasimadda Israel,taa badalkeedana wuxuu shir ay hogaamiyaasha Dunida Muslimka ay ku yeesheen magaalada Istanbul ay Qudus si rasmi ah ugu dhawaaqeen iney tahay caasimadda Falastiin.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidanka Danab ee XDS oo Gobolka Sh/hoose ku dilay horjoogayaal Nabad diidka ka tirsan

storvideo: 


Daawo: Wasiirka Wasaarada Shaqalinta Iyo Ari...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Wasaarada Shaqalinta Iyo Ari Bulshada Ayaa Kotmeer Ku Tagay Xaruunta Dhaqan Celinta M.Mooge
[embedded content]
storvideo: 

Caalamka oo ka soo horjeestay Maraykanka iyo Isreal

$
0
0

Kn: Kulan beesha caalamku ay maanta ku yeesheen xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayay daaqadda ka saareen go'aankii madaxweynaha Maraykanku magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isreal.
128 dal ayaa u codeeyay in go'aanka Donald Trump uu yahay gaf iyo meel ka dhac, 35 dal ayaa ka aamusay halka 9 kalana ay taageertay go'aanka Maraykanka, halka 21 dal aysan codkooda ridin. Arintani waxay ku soo aadaysaa xili maalmo ka hor golaha amaanku uu sidan oo kale uga codeeyay Maraykanka ayadoo asaga mooyee 14-ka dal ee kale ay ka soo horjeesteen balse uu u isticmaalay diidmada qayaxan. Golaha loo dhanyahay ee manta oo aan loo isticmaali karin diidmada qayaxan isla mar ahaantaana ku dhisan dal iyo cod ayuu Maraykanku isku dayay inuu khalkhal galiyo dalalka saboolka ah ee uu caawimaadda siiyo asagoo ugu hanjabay in qoladii ka codaysa uu dhaqaalaha ka jaran doono. Laakiin cabsigalintaa waxba Alle ugama aaboyeelin. Qaraarka maanta waxaa lagu ayiday qaraarkii hore ee Qaramada Midoobay ee 1967 kaasi oo dhigayay in xalka Qudus loo daayo Falastiin iyo Isreal inay xal ka gaaraan intaasi ka horaysana ay ahaato magaalo u dhaxaysa diimaha oo dhan.
Dalalka Afrikaanka ayaa guud ahaan ka codeeyay Maraykanka marka laga reebo dalka yar ee Togo oo Maraykanka la saftay, iyo Uganda, Southsudan iyo Rwanda oo ka aamusay, waxayna amuurtani abuuraysaa jawi cusub oo Maraykanku isku go'doominaayo maadaama ay siyaasaddiisa dibaddu sii murgayso. Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas ayaa ku tilmaamay "guul" codeynta maanta halka ra'iisul wasaaraha Isreal, Netenyahu uu ka soo horjeestay.
Hanjabaaddii Maraykanka ayaa la sheegayaa inay dalal badan oo laga yaabi lahaa inay arinta ka aamusaaan ka caraysiisay ayagoo u arkay hadalka Trump kasoo yeeray mid ku ah aflagaado sidaasna ay uga soo horjeesteen Maraykanka. Marka Maraykanka iyo Isreal laga reebo todobada dal ee raacday waxay kala yihiin Honduras, Guatemella, Marshal Islands, Palau, Nauru, Micronesia iyo Togo.
Oday Trump ayaa u muuqda in siyaasaddiisa qayaxani tahay odaygii Soomaalidu tiri "indhoolow barbanaan ayaad fadhidaa" waxayna dadka siyaasadda odorosaa saadaalinayaan in Maraykanka iyo Isreal ay weerar ku qaadi doonaan Iran si ay indhaha caalamka ugu jeheeyaan meel kale.
storvideo: 

Waa Maxay Baahida Keentay Abuuridda Ururka...

$
0
0

Ururka MAHURAAN Kulmiye;
Waa Urur dhalinyaro oo ka kooban dhammaan gobolada JSL & qurbaha. Hadaba baahida keentay inuu samays-mo ururkan dhalinyarada MAHURAAN waxay ka dhalatay ka dib markii ay kor u kacday heerka qabyaaladeed ee xisbiyada qaranka qaarkood saamayn togana ku yeeshay bulshada dhexdeeda. Iyadoo qabyaaladduna bulshada dhexdeeda ka noqotay macruuf & shay caadiya. Ayaanu ikhtiraacnay samaynta ururkan MAHURAAN, anagoo ah guruub dhalinyaro ah kana kooban dhammaan gobolada dalka & qurbaha.
Waa kuwan aragtida & ujeedooyinka ururka dhalinyarada ee MAHURAAN.
Aragtida Ururka Dhalinyarada Mahuraan Kulmiye :-
. Dhalinyarada Somaliland oo u Diyaarsan una Midaysan Horumarka & Dhismaha Dalkooda Kana Xor ah
. Qabyaalad &
. kala Qaybsanaan.
Ujeedooyinka Ururka Dhalinyarada Mahuraan Kulmiye:
1. In Dhalinyaradu Qaataan Doorka ay ku Leeyihiin Horumarka Bulshada & Doorashada Hogaanka Suuban ee Mustaqbalka Dalka.
2. In La Xoojiyo Fursadaha Waxbarasho & Awoodda Wax Soo Saar ee Dhalinyarada Somaliland.
3. In ay Dhamaan Dhalinyarada Somaliland u Sinaadaan Helitaanka Fursadaha. Iyadoo Loo Eegayo, Aqoonta, Xirfadda & Kartida Qof Ahaaned.
Gudomiyaha Ururka Dhalinyarada MAHURAAN Kulmiye:
Gar. Keyse Koosar Cilmi-
storvideo: 

Daawo: Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Dacwad Ayaan ku...

$
0
0

Daawo: Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Dacwad Ayaan ku Furayaa Raggii I Xiray Istafkana iga laayay "
[embedded content]
storvideo: 

Qudus oo loo Hiiliyey

$
0
0

21st December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Mareeykanka ayaa ku guuld dareeystay inuu ka hello taageero wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay si Qudus looga dhigo - Israa'iil. Donald Trump oo u heesta adduunka in uu yahay iayga oo kalliya ayaa waxaa taas beeniyey wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay oo cod aqlabiyad ah ku diiday in caasimad looga dhigo Qudus Israa'iil. Mareeykanka ayaa ay la soo daristay siyaasad xummo baahsan iyo hoos u dhac marka laga eego masraxa caalamka tan iyo markii uu madaxweeynaha Mareeykanka ka noqday Donald Trump.
Hadaba waxaa ka soo horjeestay in Qudus caasimad looga dhigo Israa'iil 128 dal oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaa ka aamusay sodon iyo shan dal 35, meesha Mareeykanka uu taageero ka hellay isaga iyo siddeed wadan oo isku dar noqonaya 9. Sagaalkaa dal ayaa kalla ah: Mareeykanka, Israa'iil, Guatamala, Honduras, Jasiirada Marshal, Micronesia, Nauru, Palau iyo dalka Togo.
Trump ayaa ku hanjabay in lacagta ay ka jaran doonaan wadankii ka horyimaada taas oo madax xannuun iyo ciil ku noqotay wadamo badan oo laga yaabi lahaa ineey taageeri lahaayeen, balse haddeer ka hor yimid.
[embedded content]
[embedded content]Allsanaag.com
Post navigation
- Previous Post
storvideo: 

Caasimadda Puntland ee Garoowe oo marti gelinaysa...

$
0
0

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyaan Wasiirada Dastuurka dowlad Goboleedya dalka iyo guddoomiye ku xigeenka gobola Banaadir,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Wasiirka Dastuurka Puntland iyo mas'uuliyiin ka socday Wasaaraddiisa ayaa wefdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe,waxaana ujeedka wefdigaan ayahay shir weyne ku saabsan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo Maalinta berri ah ka furmi doona Garoowe.
Shirka oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa si gaar ah looga hadlayaa turxaan-bixinta Dastuurka dalka,waxaana ka qaybgalaya dhamaan Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Bishii May ee sannadkaan,Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada ayaa samaystay madal ay ku midaysan yihiin,kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Madasha ayaa loo as-aasay sidii looga fogaan lahaa khilaaf ku saabsan Dastuurka oo ka dhex abuurma dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,balse waxaan xilligaas Madasha ku jirin oo haatan ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir.Sawirro.
PUNTLAND POST
The post Caasimadda Puntland ee Garoowe oo marti gelinaysa Shir weyne qaran appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dekedda Boosaaso oo si caadiya u shaqaynaysa, ka dib...

$
0
0

22nd December 2017 admin Category :
Dekedda Maagalada Boosaso Ee Xarunta Gobolka Bari oo mudooyinkii u dameysey furnayd, kadib Go'aankii Isimada Somaliyeed ee Puntlnd ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq Ganacsi iyo badeecoyinka oo sidii Caadiga ahaa u soo degaya.
Xafiiska Wargeyska Allsanaag ayaa booqday gudaha dekeda Magaalada Bosaso ,xili ay howlaha shaqo si caadiya u kala socdeen.
Waxaa Ku soo xidhtay gudaha dekeda Doonyo waawayn oo wadey Raashin,Shidaal,Gadiid iyo Qaybaha kale Ee Bagaashka Bakhaalada iyo Shirkada waawyn Ee badecooyinka.
Ganacsatada oo aan wax ka weydiiney Heshiiskii dhowaan Maamulka Puntlnd uu lagalay shirkadii Emaraadka ayaa sheegay Inaaney danta dadka iyo xiriirka ganacsiga Puntlnd dan ugu jirin.

storvideo: 


Dacwadii daciifka ahayd ee xeer Illaalinta u...

$
0
0

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shalay ka horyimid go'aankii lagu siidaayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran iyo Qaran dumis.
Xeer illaaliyaha ayaa ku dooday in dacwadooda ay u cuskadeen labada qodob oo kala ah 36 iyo 58 ee xeerka ciqaabta dalka Soomaaliya.
Sidaan horey ugu soo sheegnay maqaalkii aan ka qornay dacwada ka dhanka ah CC Warsame, waxaa jiray caqabado badan oo dhanka sharciga ah oo ka horimaanayey kiiska xeer illaalinta maadaama aysan heysan wax Waaran (Warrant) ah oo ay maxkamada ku fasaxeyso xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Baaritaanka gurigiisa.
Xeer-illaalinta si caqabadahan ay uga gudubto ayey cuskatay labada qodob ee xeerka ciqaabta oo kala ah 36 iyo 58, sida uu Xeer illaaliyaha guud ku xaqiijiyey shirkiisii jaraa'iid ee shalay.
Dhageyso: Shirkii Jaraa'iid ee Xeer illaaliyaha Axmed Cali Dahir
https://www.-.net/wp-content/uploads/2017/12/Xeer-Illaaliyaha-Eeda-CCWarsame.mp3
Hadaba maxay kala yihiin labadan qodob ee kala ah 36 iyo 58?Qodobka 36aad- Flagrante Delicto
Qodobkan waa mid ka hadlaya in ciidamada booliiska ay soo qaban karaan shaqsi markaasi faraha kula jira danbi iyagoo aan wax Waaran ah ka heysan maxkamada, waxaana qodobkan loo yaqaan (Flagrante Delicto).
Waxaana loo isticmaalaa sida dadka Khamreysan oo wadada maraya, qof horey baxsad u ahaa ama jabiyey sharuudo horey maxkamada u xukuntay, qof sita hub sharci daro ah ama Qarax iwm.
Doodan ayaan Garsooraha Maxkamada u cuntamin maadaama Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan lagu soo qaban wax danbi ah oo uu faraha kula jiray sida ku qeexan qodobkaasi, balse xeer illaalinta ayaa mala-awaal ka dhigtay inuu faraha kula jiray dumin Qaran taasina kumeysan guuleysan cadeynteeda inay horkeenaan Maxkamada.Qodobka 58aad- Baarista Guri ama Goob la tuhmay (Waaran La'aan)
Xeerkan waa mid ciidamada "booliiska" u fasaxaya inay sameyn karaan baaritaan iyagoo aan heysan (Waaran), balse waxaa shardi looga dhigay in baaritaankan loo maro xeerka 24 oo sheegaya in booliiska ay dadka su'aalo weydiinkaraan, baaritaana sameyn karaan hadii aysan ka gaarin maxkamada Waaran ka helaan.
Awoodan ayaa booliiska la siinayaa oo kaliya hadii ay jirto xaalad deg deg ah, sida hadii qof horey baaritaan ugu socday laga baqayo inuu burburiyo cadeynmo muhiim ah ama laga cabsi qabo inuu baxsado.
Waxaase shuruud looga sii dhigay in inta aysan hawlgalka dhicin laga rabo ciidanka booliiska inay fariin u diraan ama wargeliyaan Xeer illaalinta iyo waliba Maxkamada ku shuqulkaleh. Kadib markii ay baaritaanka sameeyaan ayaa laga doonayaa in ay si deg degleh maxkamada u horgeeyaan natiijada baaritaankooda.Cadeyn La'aan
Xeer illaalinta maxkamada ma horkeenin sababihii ku khasbay inay baaritaanka guriga sameeyaan iyagoo aan maxkamada xataa wargelin, waxay sidoo kale xeer illaalinta ku guuleysan weyday inay soo bandhigto wixii ay kusoo qabatay baaritaankaasi ee xoojinaya tuhunkooda ama danbiga eedaysanaha lagu heysto.
Arrintan ayaa ku khasabtay in Garsooraha Maxkamada uu laalo dacwadan isagoo cuskaday siduu qabo sharciga iyo Waliba Shariicada Islaamka Suurada Nuur (ciidamada iska galeen guri aan loo fasixin ama lagu casumin).Racfaan La'aan
Garsooraha wuxuu diiday wax racfaan ah maadaama wadooyinkii ay u mareen hawlgalka ciidamada iyo xeer illaalinta ay maxkamada wax kama jiraan kasoo qaaday (null and void) sida sharciga uu qabo.
Xeer illaaliyaha guud Axmed Cali Dahir Xeer oo shalay la waydiiyey sababta ay cadeymaha u horgeyn waayeen maxkamada ayaa ku dooday in kiiskan uu yahay kiis culus oo wakhti dheer qaadan kara, ayna xaq u leeyihiin inay wakhtigooda qaataan, doodaasi oo sharciyan ah mid aad u daciif ah.W/Q: Maxamed JeenyoHorseed Media
storvideo: 

Mareykanka oo Cambaareeyay Xuutiyiinta Yemen

$
0
0

Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay gantaal nuuca riddada dheer oo ay Xuutiyiinta Yemen todobaadkan ku rideen magaalada Riyad ee caasimada Sacuudiga.

Dhageyso Barnaamijka Amuuraha Islaamka

$
0
0

Barnaamijka Amuuraha Islaamka wuxuu todobaadkan ku saabsanyahay, qaraarki ay Golaha Guud ee QM shalay ku diideen, go,aanki madaxweyne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

Jubaland oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

$
0
0

Ciyaarta waxay ku dhammaatay 1-0, waxayna la dheeleen Puntland.

Mareykanka oo Cambaareeyay Xuutiyiinta Yemen

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay gantaal nuuca riddada dheer oo ay Xuutiyiinta Yemen todobaadkan ku rideen magaalada Riyad ee - Sacuudiga.
Mareykanku wuxuu sheegay in gantaalkan uu bartilmaameedkiisu ahaa qasriga boqortooyada oo deegaan u ah boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud.
Tallaabadani ayay Washington ku tilmaantay mid ka mid ah gantaallo is xig xigay oo ay Xuutiyiinta ku weerareen dhulka Sacuudiga.
Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders ayaa Khamiistii ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay mas,uliyada gantaaladaasi u qabsato dowlada Iran, oo ay ku sheegtay in ay ku xadgudubtay qaraarki Golaha Amaanka ee Yemen.
storvideo: 

Faaqidaada Todobaadka: Madasha Aragti-wadaaga Soomaalida

$
0
0

Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka, wuxuu ku saabsanyahay todobaadkan, Shirka madasha aragti wadaaga Soomaalida ee todobaadkan ka dhacay dalka Jabuti.

DEG-DEG: Kooxda Jubaland oo ku guuleysatay Koobka K...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Kooxda Kubadda Cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Koobka Maamul-goboleedyada dalka, kaddib markii ay 1-0 ku suul-daareen Kooxdii ka socotay maamulka Puntland.
Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa qaybteedii hore waxay labada koox ku kala naxeen 0-0 gool la'aan ah, iyadoo markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee cayaarta ay kooxdii ka socotay Jubbaland u suuro-gashay inay gool dhaliyaan, kaasoo noqday midkii ay guushu ku raacday.
Goolka ay ku adkaatay kooxda maamulka Jubbaland ka socotay ayaa waxaa u dhaliyay laacibkooda Weerarka uga cayaara ee Yoosin C/raxmaan Maxamed.
Inkastoo labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaag, ayaa haddana kooxda Jubbaland waxay u noqotay maalin guul ah, iyadoo Kooxda Puntland oo sannadkii hore koobkan ka qaaday Jubbaland, iyadana maanta Koobkii ay difaacanaysay laga qaaday.
Wixii warar ah kala soco Puntlandpost haddii Eebbe ogolado.PUNTLAND POST
The post DEG-DEG: Kooxda Jubaland oo ku guuleysatay Koobka K/Cagta ee Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Jubaland oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

$
0
0

Kooxda kubadda cagta ee Jubaaland ayaa ku guuleysatay koobka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya.
Jubaland ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Puntland oo difaacanayay koobka. Tartankii sannadkii tagay Puntland ayaa qaaday koobka oo dhammaadka ay isugu yimaadeen Jubaland.
Labada koox waxaa ka dhexeeyo loolan adag. Goobla waxaa dhaliyay Yoonis Xuseen Maxamed oo kooxdiisa u horseeday in maanta ay ka aargudato Puntland.
storvideo: 

Faaqidaada Todobaadka: Madasha Aragti-wadaaga...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka, wuxuu ku saabsanyahay todobaadkan, Shirka madasha aragti wadaaga Soomaalida ee todobaadkan ka dhacay dalka Jabuti.
Waxaa soo jeedinaya wariyaheena Jabuti, Ramadan Muse.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:43:45
0:00:00 /0:43:45
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud oo kormeeray Waddada...

$
0
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya ahna siihayaha Xilka Wasiirka ayaa kormeeray Waddada Jeneraal Daa'uud oo isku xirtay Degmooyinka Boondheere, Warta Nabadda iyo Yaaqshiid, halkaasi oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah. Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Salaax Cabdulaahi Axmed oo la [...]
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Guddoomiyay...

$
0
0

Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa waxaa maanta kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi. [...]
storvideo: 

Siyaasi Aadan Gaadaale oo maanta lagu soo dhaweeyay...

$
0
0

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe Gudoomiyaha guddiga ku hawlan dhismaha wadada isku xirta Dongoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Siyaasi Aadan Maxamed Ciise (Gadaale) oo kasoo laabtey socdaal uu ku tagey magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.
Soo dhaweynta Aadan Gaadaale waxaa ka qeybgalay Odoyaal dhaqmeed, saraakiil, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada,Isagoona soo dhaweyn ka dib warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada.
Gudoomiye Aadan Gaadaale ayaa warbaahinta uga waramay meesha ay mareyso dhismaha wadada laamiga ee isku xiri doonta Garowe iyo Eyl, wuxuuna sheegay inay ku rajo weyn yihiin sidii uu u guulaysan lahaa mashruucan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay inay jiraan fursado shaqo oo dhalinyaradda uga banaan mashruuca wadada Eyl, islamarkaana hoos u dhigi doona shaqo la,aanta ka jirta dalka.
Dhinaca kale Aadan Gadaale wuxuu baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya cariska cagaare ee xuduudka Sool iyo Nugaal, Isagoona sheegay diyaar inuu yahay wax walba oo lagu baajinayo dhiiga ku daadanaya colaadaas.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Siyaasi Aadan Gaadaale oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live