Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Booliska Garowe oo ka hadlay hawlgal lagu soo qabtey...

$
0
0

Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garowe Dhame Fardafuul Muuse Bille ayaa ka warbixiyay shaqaaqo xalay ka dhacday magaalada ka dib markii xulka Jubaland ku guulaysteen tartankii maamuladda iyo Gobolka Banaadir.
Taliye Fardafuul ayaa sheegay inay soo qabteen ku dhawaad 40 dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo inay boob u geysteen xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada.
Wuxuu ugu baaqay waalidiinta inay la socdaan dhaq dhaqaaqa iyo rabashadaha ay geysanayaan ubadkooda,Isagoona sheegay in qof kasta uu ka sareeyo sharcigu.
Hawlgalka ciidamada Amaanku xalay ka sameeyeen magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaya xilli ay fawdo geysteen qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Booliska Garowe oo ka hadlay hawlgal lagu soo qabtey 40 dhalinyaro ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Ciidamadii u Horreysay ee ka Qalin-jabiya Kuliyada...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.
"Waxaan idiin haynaa abaal weyn oo ku aaddan sida qiimaha badan ee aad noo garab istaagteen. Siyaasaddeena arrimaha dibadda waa mid ku saleysan iskaashi cid walba u furan," ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo si gaar ah ula dar daarmay ciidankan oo dhammaytay dhammaan tababarrada ciidanka Lugta "Efenteri" ayaa faray in ay ka soo dhalaalaan himillada iyo shaqada ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaad tihiin kuwa aan dooneyno in ay asaas u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin dhaqanka iyo anshaxa ciidannimo," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, Munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyeyaasha iyo Howl-wadeennada Kulliyadda.
Saraakiisha iyo Askarta tababarkan qaadatay ayaa u soo bandhigey Madaxweynaha dhoolla tus ay ku muujinayaan xirfaddooda iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin difaaca iyo u adeegidda dalka iyadoona uu guddoonsiiyey abaal marinno askarta kaalimaha hore ka galey tababarka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigey qalabka iyo hubka dufacaddan, isagoona kormeeray fasallada iyo goobaha ay tababarka ku qaataan ciidamada.PUNTLAND POST
The post Ciidamadii u Horreysay ee ka Qalin-jabiya Kuliyada Turky-Som oo Tababar loosoo xiray appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

CC Shakuur “Farmaajo iyo Kheyre waxaan maxkamad kula...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii dhawaan ka dhacay gurigiisa amarka lagu weeraray ay bixiyeen Ra'isal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynahaba.
Waxaa uu sheegay in weerarkaas lagu doonayay in isaga lagu dilo, hayeeshee aysan dhicin, islamarkaana uu ka badbaaday.
C/raxmaan C/shakauur waxaa uu xusay in Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaarahaba uu ku dacweynayo maxkamadaha waddamada ay dhalashada 2-aad ka heystaan ee ay ka yimaadeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa haysta dhalashada dalka Mareykanka, halka Kheyre uu asna haysto dhalashada dalka Norway.
Dhinaca kale waxaa uu beeniyay warar uu sheegay in la isku aaddiyay oo isaga lagu eedeeynayay in uu sheegay in Muqdisho ay qolo gaar ah leedahay, inkasta oo uu jiro muuqaal arrinntas muujinaya, waxaana uu ku tilmaamay been abuur ay ka dambeeyaan kuwa isaga afduubtay.
Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa amray sida uu qirtay xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Daahir, lamana oga illaa iyo hadda kaalita ay ku lahaayeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda hoose Garowe oo burburisay dhismayaal...

$
0
0

Maamulka Dowladda hoose Garowe ayaa maanta burburiyay dhismayaal sharci daro ay ku tilmaameen oo ku yaala xaafadda Hodon agagaarka Togga Naasa hablood ee magaalada, waxayna isugu jireen dhismayaashu bogcado iyo guryo dhisan.
Hawlgalkaan burburinta waxaa goobjoog u ahaa Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka Ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ) iyo Xoghayaha dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey.
Masuuliyiinta dowlada hoose ee Garowe ayaa sheegay inuu ka dambeeyay burburinta hawlgalkaan saaka ka bilowday magaalada ka dib markii ay soo xaqiijisay inay sharci daro yihiin dhismayaashan waaxda hawlaha guud ee maamulka degmada.
Xoghaye Maxamuud Cali Gurey iyo Gudoomiye Xasan Goodir ayaa sheegay goobaha la burburiyay inay ahaayeen kuwo ku yaala dhul aan sharci ahayn in la dego islamarkaana marar badan oo sii horeysay ay uga digeen dadka degay.Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dowladda hoose Garowe oo burburisay dhismayaal sharci daro ah. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha oo Tababar u soo xirey dufcaddii ugu...

$
0
0

Muqdisho, Disembar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som). Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u [...]
storvideo: 

Guddoomiye Taabit oo ku guuleystay in caafimaad...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku guuleystay inuu Caafimaad dibadda ah u diro Faa'iso Maxamed Cabdi oo ah gabadhii uu dhibaatada u geystay askarigii ka tirsanaa Ciidamada Puntland.
Gudoomiye Thaabit ayaa bixiyay dhammaan lacagta caafimaadka, Visaha iyo Ticket-ka dalka Turkiga faaiso loogu qaaday, waxaana uu dammaanad qaaday sidoo kale dhammaan qarashaadka ku baxaya inta Turkiga ay joogto Faai'so Maxamed Cabdi oo qabta dhaawac uu soo gaarsiiyey Askari katirsan Ciidanka Puntland.
Aabe Maxamed Cabdi ayaa Si Qanacsanaan Ka muuqato ugu mahad celiyay Gudoomiye Thabit Cabdi Maxamed.
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Kaxda Mudane Maxamed Ismaaciil oo gacan ka geystay taageerada Faai'so loo sameeyay ayaa gudoomiye Thaabit u mahadceliyay.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweynaha oo Tababar u soo xirey dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka ee Turky-Som"Sawirro

storvideo: 

Mucaraad in uu dalka xukumo hadan sidaan u dhaqmaayo

$
0
0

Mucaraad in uu dalka xukumo hadan sidaan u dhaqmaayo
Dec 23, 2017 -
axay fanaaniin ku heeseen Musiibadu aduunyada ayadaa macalin u ah ,30-kii sanoo u danbeysey isma weydiinayno musiibada aan gacanteena ku samaynay oo nagu habsatey , iyo inaan noqonay dadka aduunka ugu liita dhan walba ,anagoo isku jinsiyad isku af iyo isku diin ah .
Waxaa nasiib daraa in ay wali jiraan siyaasiyiin raba inay barri na hogaamiyaan ,oo aad u qabto musiibadii na soo martay inaysan waxba ka kororsan oo wax ka baran , oo xaalkoodu yahay hadaan kooyey . oo aad u qabto qabiil wax ku raadin iyo in qabiil lagu awrkacsado ay u shaqayn karto , intay wax nooga raadsan lahaayeen qabiil ka fogaasho iyo midnimo soomaaliyeed wax ku raadin .
Bal meeshaan marayno kuwa u hanqaltaagaya inay na xukumaan ila fiiriya bal labo ka mida aan tusaale ahaan ussoo qaato :-
1-Midka 1aad oo ka mida wuxuu qabo :Madaxweyne umadda soomaaliyeed oo jooga caasimadii umadd Soomaaliyeed in la yiraahdo caasimadiisii martuu ku yahay ,labada gudoomiye ee Barlamaanka Federaalkaa la yiraahdo - martey ku yihiin , xubnahay Barlamaanka Federaalkaa 80% la yiraado casimadoodii martey ku yihiin .
Oo hadana la leeyahay barlamaanka saas lagu qiimeeyey na soo raaca oo dawladda nala rida ,nasiib darada na haysata waa in dadka noocaasihi hawoodaan ama damac ka galo inay na hogaamiyaan , waa hubaal nama hogaamin doonaan mana ussoo dhawaanayaan ,ee waxay naga mashquulinyaan geedi socodka dawladnimo iyo si xawliya inaan horey ugu sii socono .
2- Midka 2aad :-Deegaanka aan ka soo jeedaa Dawladii Soomaaliyeed laga ridey ,hadaan la yeelin sidaan anagu rabnana tanna waan rideynaa .
Qofka buburintii dawladda soomaaliyeed iyo afooyinkii ka danbeeyey inuu ku faano inuu ka danbeeyey hadana sidaas baan u celinyaa ku goodinaya ,isla markaasna u hanqal taagaya inuu dalkaan hogaamiyu ,maxaa lagu timaami karaa ma qof caafimaad qaba mise qof xanuunsan .
Waxaan tusaalayaashaas ussoo qaatay dad badan oo niyad wanaagsan oo waxaad arkaysaa wararkaas aadka u liita ay samaynayaan oo tusaale ahaan dhahaya waa in caasimad kale la raadiyaa , saas markaad tiraahdo ayagii baad la mid noqonaysaa ,mana aha inaad u gafto kuna qiimayso umadda soomaaliyeed oo caasimadda dagan tirada faro ku tiriskaa oo qabyaaladda wax ku doonaya kuna awrkacsanaya .
Isku soo wada duuboo markaan arkay qaabkaas ay u dhaqmayaan nimaankaan mucaaradka sheeganaya ma aha qaab ay ku gaaryaan inay na hogaamiyaan ee "cadan baanba ka heeseynaa" ee xaalku saas waa ka gadisanyahay oo nimanku saas waa noo muujinayaan oo isku qarinyaan si aanan u fahmin ujeedkooda runtaa , balse ujeedkoodu runtaahu yahay ayagoo shaqaale u ah Dawlado raba in Soomaaliya meeshay taalo inaysan ka kicin , dawladahaas oo sidaas u arka in ay danahooda istraatiijigaa iyo dhaqaale saas ku jirto .Ilaahayow umadda soomaaliyeed danteeda garansii adaa awoodeeCabdi AdenWaryaa53@hotmail.com Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Hambalyada iyo Heesaha: Ibraahim (Daanduray) iyo Caasha (Cuud)

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)


Barnaamijka Martiada Makarafoonka

$
0
0

Barnaamijka Martiada Makarafoonka ee todobaadkan waxaa marti u ah Axmed Yuusuf Gool Cadde oo ka tirsan qaybta maamulka ee Jaamacadda Hargeysa.

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

$
0
0

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadayna qubanayaal dhowr ah oo siyaasadda Somalia iyo caalamkaba ka mid ah

Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan waxaad ku maqli doontaan qayb kale oo ka mid ah waraysiga fanaanka Iskalaaji iyo qodobo kale oo xiiso leh.

Wareysi: Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia

$
0
0

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar, ayaa sheegay inay wax ka yar 2 todobaad ka dhimantahay in dowlada Somalia ay si buuxda u maamusho hawada Somalia

Barnaamijka Martiada Makarafoonka

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Martiada Makarafoonka ee todobaadkan waxaa marti u ah Axmed Yuusuf Gool Cadde oo ka tirsan qaybta maamulka ee Jaamacadda Hargeysa.
storvideo: 

Hambalyada iyo Heesaha: Ibraahim (Daanduray) iyo...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
storvideo: 

Taliska CXD oo magacaabay Taliyaha qeybta 27aad...

$
0
0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod, ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 27-aad, waxaana loo Magacaabay Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto oo horay u ahaa Abaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo lasoo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka Qaranka [...]
storvideo: 


Wareysi: Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia

$
0
0

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar, ayaa sheegay inay wax ka yar 2 todobaad ka dhimantahay in dowlada Somalia ay si buuxda u maamusho hawada Somalia, kadib dhowr iyo Labaatan sano oo hawada Somalia ay magaalada Naoribi ee dalka Kenya ku maamulaysey hayada ICAO ee Q.M. hawada u qaabilsan.
Wasiirka oo socdaal ku maraya Waqooyi America ayaa sheegay in hadii Somalia ay dib u hananto hawadeeda laga maamuli doono Airport magaalada Muqdisho halkaasoo qalabeynteedii la soo dhameeye
Wasiirka ayaa u waramay Sahra Cabdi Axmed.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:54
0:00:00 /0:06:54
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Shiine Culay oo ka taageero batay hogaamiyaasha SNM

$
0
0

23rd December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Taageerayaasha Shiine Culay ayaa labo jibaar ka batay taageerayaasha Faysal cali Waraabe oo siyaasadda beeshiisa ku soo dhex jiray labaatan sano, dhowr doorashona ka qayb galay isaga oo Gudoomiye Xisbi ah.
Shiine Culay oo ka mid ah weriyaasha Soomaaliyeed, kuwooda ugu caansan ee ka faalooda arimaha bulshada , ayaa barnaamij toos ah wuxuu soo galay maalintii Hargaysa Isir sooca loogu xiray Sheekha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Dabcasar.
Saacadii ugu horaysay waxa ka soo qayb galay barnaamijkii uu Shiine Culay daadihanayey dad gaaraya 100,000 oo qof oo Soomaaliyeed. Maalintii labaad Soomaalidii daawatay waxay kor u dhaafeen dhowr boqol oo kun.
Taageerayaasha Beesha Ciidagale ee uga codeyey Faysal cali Waraabe Hargaysa iyo Salaxleey , maanta afar jibaar waxa ka badan taageerayaasha Shiine Culay .
Beelaha Isaaq ee Habar jeclo, Habar Awal iyo Habar Yoonis codkii uu Faysal Cali Waraabe ka helay marka laysku daro waxa ka badan taageerayasha Shiine Culay ee ka soo qayb gala barnaamijkiisa markuu soconayey 15 daqiiqo ee ugu horaysay .
Ugu danbayn Shiine Culay waxaan uga hambalyeeynayaa taageerayaashaiisa iyo sida uu umadda Soomaaliyeed u tusay in beesha ISAAQ yihiin dad aad u yar oo doonaya in dadkii badnaa ee waqooyiga Soomaaliya ay xoog ku muuquuniyaan
ALLSANAAG.COM
Post navigation
- Hal Reer ayaa Dhibka Wada Maxaa kala haysta Beesha Dir iyo Dabcasar -
storvideo: 

Koobkii Kismaayo la geeyay xaflad baa loo sameeyay

$
0
0

Kn: Munaasabad lagu maamuusayo laguna soo dhawaynayo Ciyaartooyda Jubbaland iyo koobka ay soo galbiyeen ayaa maanta ka dhacday xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo.
Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socda golaha fulinta iyo golaha Baarlamaanka Jubbaland, odayaal dhaqameen, ururka Haweenka, indheergarad iyo dhalinyaro badan ayaa marxabiyo gudoon ay ku dheehantahay iyo qadarin loo hayo xulka Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay.
Madaxda Jubbaland oo ay wakiil ka ahayd hay'adda JCC ayaa ka farxisay ciyaartoyda koobka soo qaaday iyo tababarahooda.
Guusha ay kooxda Jubbaland soo hoyisay ayaa looga dabaaldegay dhamaan magaalooyinka muhiimka ah ee deegaanada maamul gobolleedka Jubbaland
storvideo: 

Turkiga oo soo saaray dufcadii ugu horaysay

$
0
0

Kn: Xarunta tababarrada ciidanka ee Turkigu ka hirgaliyay Muqdisho ayaa maanta soo saartay dufcaddii ugu horaysay oo ciidamada lugta ah. Ciidanka ayaa ah ciidankii Iskudhafka ahaa ee ugu horeeyay ee caasimadda qaranka Muqdisho lagu xareeyo.
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay xafladda qalinjabinta ciidankan ayaa kula dardaarmay inay dalkooda si daacad ah ugu adeegaan, kana difaacaan cadowga qarsoon iyo midka dibad yaalka ah.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa goobjoog ahaa, waxayna ciidamadu soo bandhigeen dhoolatus ku aadan tababarka ay qaateen intii ay goobta ku xaraysnaayeen. Wali dalka kuma soo noqon dhawr boqol oo dawladda Turkigu dalkeeda ku soo tababarayso qaab saraakiil hogaamineed, ayadoo ay jiraan tobaneeyo kale oo ay u soo tababarayaan dhinaca duulinta diyaaradaha dagaalka.
Turkigu dhankiisa waa la dadaalayaa Soomaalida, laakiin su'aashu waxay tahay ciidamadani maka duwanaan doonaan kumannaankii kale ee Imaaraadka, AMISON iyo Isbahaysiga Yurub tababareen ee badankood duurka galay.
storvideo: 

Taabit oo kafaalo qaaday gabadhii xubinta taranka...

$
0
0

Kn: Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kafaalo qaaday Faa'isa Maxamed Cabdi oo ahayd gabartii uu askariga Puntland xabadda ooga dhuftay xubinta taranka kadib markii uu ku fashilmay inuu kufsado.
Faa'isa oo dhawr qaliin lagu sameeyay ayaa dalka wax looga qabanwaayay waxayna u baahatay in dalka dibaddiisa lagula soo tacaalo. Khayr Allaha siiyee Gudoomiye Taabit ayaa ka farxiyay Faa'isa iyo waalidkeed oo talo ku ciirsantahay wuxuuna balanqaaday inuu dhabarka u ridanaayo in Faa'isa lagu soo dabiibo dalka dibaddiisa.
Askarigii falkaa fooshaxun u gaystay Faa'isa Maxamed oo 16 jir ah ayaa markuu u soo baxsaday dhinaca Jubbaland ay ciidamada amaanka Jubbaland soo qabteen asagoo duleedka Kismaayo ku dhuumaalaysanaya kadibna ku celiyeen Puntland oo ahayd meesha uu falka ka gaystay. Wali wax xog ah kama hayno ciqaabta la marsiiyay gacan ku dhiiglaha.
Bahda KismaayoNews waxay Eebe uga baryaysaa inuu Faa'isa siiyo caafimaad soo degdega, bulshada Soomaaliyeedna waxaan ka codsanaynaa in gabartaa yar loo gargaaro oo ugu yaraan loo duceeyo.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live