Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

K/waqooyi” Waxaa nala saaray cunaqabateyn dhaqaale...

$
0
0

Muqdisho(SONNA):- Sida lagu qoray Wakaalada Wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA,Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaantay Xayiraadihii ugu danbeeyay ay ku soo rogtay Qaramada Midoobay mid muujinaya Ficil dagaal.
Wasaaradda Arrimaha dibada Kuuriyada Waqooyi ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in tallaabooyinkaasi ay u dhigmaan cunaqabateyn dhaqaale oo dhameystira iyo xadgudub ka dhan ah bini-aadanimada.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.
Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.
Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.
Sidoo kale,war ka soo baxay Kuuriyada Waqooyi ayay ku difaacatay Gantaaladeeda ridada dheer iyo Barnaamijkeeda Nukleerka.
storvideo: 


Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Beled Xaawo (Caasimadda Online) - Nabaddoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Beledxaawo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in marka Dadka Beledxaawo ay doonayaan dhinaca Mandheera ay lacag ku gudbaan mar waliba.
Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga goobta kala qeybisa labada Magaalo ay qaataan lacag dhan $0.5 Doollar ama Nus doollar.
Nabaddoonka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mar waliba qaataan lacagtaas Nus doollarka ah,sidoo kalena qofka marka uu gelato iyo marka uu ka baxayaba ay lacag tahay.
Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan.Halkaan hoose ka dhageyso codka Nabadoonkahttps://www.-.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Baled-Xaawo.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Mashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Magaalada...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Galmudug,waxaana kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Ujeedka Wafdiga ka socda Turkiga gaar ahaan Safaaradooda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay hirgelinta Mashaariic horumarineed oo kala duwan sida qodista Ceel-biyoodyo iyo Waxbarasho oo shacabka si aad ah ugu baahan yihiin.
Mas'uuliyiintaan gaaray Magaalada Cadaado ee Xaruunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa balan qaaday wax ka qabashada Arrimaha bulshada dhawaana ay bilaabayaan hirgalintooda.
Guddoomiayah Magaalada Cadaado C/laahi C/raxmaan Tootoole iyo Xubnihii ka socday Turkiga ayaa si wada jira ula hadlay Warbaahinta Qaranka,waxayna carabka ku adkeeyeen in mashaariicda laga fulinayo magaaladaasi ay shacabka si weyn uga faa'idi doonaan.
Dowladda Turkiga ayaa kaalinta koowaad kaga jirta Dowladaha Caawiya Dowladda Federaalka ah iyo guuda ahaanba Shacabka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleK/waqooyi" Waxaa nala saaray cunaqabateyn dhaqaale oo dhameystiran"
Next articleMunaasabad lagu weyneynayo Aas-aaska Ciidamada Booliska oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

storvideo: 

Munaasabad lagu weyneynayo Aas-aaska Ciidamada...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):- Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa loogu dabaal degayay 74-aad guuradii kasoo wareegatay xiligii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeyay ee laga dhisay dalka iyadoo lagu soo bandhigayay wax qabadka ciidanka Booliska ay u hayaan bulshada soomaaliyeed
Minaasabada oo ka dhacday Xarunta Generaal Kaahiye ayaa waxaana kaso qeyb galay ku simaha ahanTaliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya,Saraakiil ,iyo leyli sargaal,kooxda baambeyda,iyo kooxda heegan oo heeso guubaabin ah aragtidooda ku gudbinayeen,
General Bashiir Cabdi oo ka hadalay daahfurka xaflada ayaa ka sheekeeyay horumarka ciidanka ay sameeyeen,wuxuuna sheegay kaalinta 18-aad ay Ciidanka Soomaaliyeed ka ka galeen aduunka,iyagoo waliba daruufo adag ku shaqeynaya.
Ku simaha ahna taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xeray munaasabada ayaa ciidanka ku aamanay dadaalka ay u hayaan umada sidoo kale kula dardaarmay in ay laba laaban shaqada haatane ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ay isku biirsadeen lacago ay iska soo uruuriyeen dhamaan ciidanka booliska sidii qeybta waliyoow cade loogu qalabeeyo.
Munaasabadaan ayaa ahayd mid si gaar ah ay qabsadeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda,maadama 20-kii bishan la qabtay munaasabada weyn ee aas-aaska ciidamada Booliska oo ka soo wareegtay 74-sano.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Magaalada Cadaado

storvideo: 

Baaq loo diray Beelo ku dagaalamaya Hawdka Gobolada...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post] Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka Soomaaliyeed oo ay hurmuud ka yihiin Culimada Soomaaliyeed ayaa baaq u diray dad Walaalo ah oo Shaqaaqo Ku dhex martay Deeganada Qoriley iyo Gumburka Cagaare ee Gobalada Sool Iyo Nugaal ee Puntland.
Kulankan ay Xubnaha Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka Soomaaliyeed ay iskugu yimaaden waxay Ku Muujiyeen Inay Ka Xunyihiin Colaadan soo Laa Labatay ayna Ku dhimanayaan Dad Hormuud u ah Bulshada.
Sheikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur Gudomiye Ku Xigeenka Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in dhiiga Daadanaya la Joojiyo Nabadana laga Wada Shaqeeyo.
Wuxuu intaas ku daray in dadka dhibaatada wada Aakhiro uu ALLE kala xisaabtamayo, isla markaana uusan EEBE raali ka ahayn in qof Islaam ah si macno daro ah lagu dilo.
Maxamuud Faarax Bille Ayaa Dhankiisa Warbaahinta Ugu Baaqay Inaysan Buun Buunin Shaqaaqadasi Waxa Uu Sido Kale Odayaasha Dhaqanka Ugu Baaqen Inay Arintan Dhex Galaan.
Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta Culimada Iyo wax garadka Bulshada Ayaa Si Wada Jira Baaqan Ugu diray dadka Walalaha ah ee Degaanka Howdka Gumburka Cagaare Wada Dega Inay Joojiyaan Shaqaaqadan.
Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ka Shaqaynaya Sidii Loo Suulin Lahaa Qabyaalada Dadka Somaliyeedna Layskugu Soo Dhawayn Lahaa.

The post Baaq loo diray Beelo ku dagaalamaya Hawdka Gobolada Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo gaadhay Magaalada Gaalkacayo

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaadhey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor inta aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo soo kormeereen dhismaha waddada Garoowe- Gaalkacayo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa maamulka gobolka Mudug, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka magaalooyinkaasi.
weftiga Madaxweynaha ee kasoo kicitimay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa caasimadda gobolka Mudug kusoo dhoweeyey maamulka gobolka, maamulka degmada, Talihaya ciidamada daraawiisha Puntland iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 ee ciidamada DFS, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Magaalada Gaalkacyo.
Madaxwaynaha Dawladda Dawladda Puntland oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo, waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Buurtinle daminta xaaladi ka aloosnayd hawdka gaar ahaan deegaanka Cagaare.
Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa mahad balaadhan ujeediyay masuuliyiinta leh heer federaal, Puntland iyo Galmudug ee kashaqeeyay nabadaynta, xasilinta,isdhexgalka shacabka magaalada Gaalkacayo, islamarkaana waxaa uu Madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka, isimada, nabadoonada magaalada Gaalkacayo in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka, nabad-gelyada iyo xasiloonida Magaaladooda."Waan ku faraxsanahay in aan nimaadno magaalada Gaalkacayo oo nabad ah oo colaad iyo wax shidda ah aysan ka jirin, roobsatay oo barwaaqo ah, waxaan filayaa hadii aad joojisaan colaada in Alle 'SWC' raxmadiisa idiin badinayo hadii aad waadaan colaada waxaa sii badanaya nusqaamidda raxmadda Alle, wanaag haddii lasameeyo wanaag baa lahelayaa, dhibaato haddii la abuurona dhibaato ayaa lahelayaa". ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland."Waan rajaynayaa nabadda aad isku afgarateen inay ahaato mid dhaba, mid waarta, mid xasilooni gobolka u horseedda, si markaa ay dadku horumar iyo wanaag dawladnimo ugu jeestaan wixii anaga dhankayaga ka dawladd ahaan iyo ka xukuumad ahaanba nagu xidhma waan ka qayb qaadan doonnaa" ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland.
Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka gobolka Mudug ee soo dhaweeyay maanta uga mahadnaqay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay kawada shaqeeyaan nabadda, horumarka, kala danbaynta, iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka.-DHAMMAAD-XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo gaadhay Magaalada Gaalkacayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Garoowe...

$
0
0

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo. Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wefdi ay hoggaaminayso ayaa Galabta soo gaaray magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Marwo. fowsiya iyo wefdigeeda,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ku soo dhoweeyay wasiirka Caafimaadka Puntland,Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo mas'uuliyiin kale.Halkaan ka daawo ujeedka safarka Wasiirka.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Garoowe soo gaartay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hay’adda Maamul wanaagga Puntland oo amaantay...

$
0
0

Hayadda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ku ammaantay dadaalka iyo Laba kaclaynta ay wadaan masuuliyiinta sare ee caasumadda Puntland ee Garoowe.
Xafiisku Maamul wanaagga ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay howsha qiimaha leh ee Muuqata taas oo Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ), Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey, masuuliyiinta kala duwan ee xaafadaha degmada Garoowe iyo dhallinyarada wadaniyiinta ah ee la magacbaxay Waan Awoodnaa ay ka wadaan Caasumadda Puntland.
Sidoo kale Xafiiska Maamul wanaagga ayaa sheegay in qaabkan iskaashiga iyo wada shaqaynta hufan ah ee sare loogu qaadayo bilicda iyo muuqaalka guud ee caasumadda Garoowe uu mudan yihiin maamulka Degmadu in lagu ammaano, laguna dhiira galiyo howsha qiimaha leh ee ay u hayaan ummaada reer Puntland iyo Soomaali weynba.
"Waxaa muuqata shaqo wanaagsan iyo firfircooni, waxaa muuqato qorshe isdaba joog ah oo Garowe loogu diyaarinayo heer wanaagsan oo ay kula tartami karto caasumadaha dadlalka koboca iyo ka soo kabashada samaynaya" ayuu lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Maamul wanaagga Puntland .
Sidoo kale qoraal ayaa lagu sii yiri "Howl galladan nadiifinta, dhiraynta, burburinta goobaha sharci darrada lagu daggan yahay ama loogu ganacsanayo, xoojinta taraafikada / nidaamka waddooyinka iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka dhanka Amniga iyo horumarinta Bulshada ayaa ah kuwo si habsami ah uga socda caasumadda waxaana loo baahan yahay in la joogteeyo, Magaaooyinka kale heer gobol. degmo ilaa heer tuulo ayaa sidaa si la mid ah ay sameeyaan si loo wajaho arrimahan muhiimadda iyo ahmiyadda u leh horumarkeenna iyo dowlad nimadeenna".
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa hoosta ka xarriqay in la joogo waqtigii xafiis kasta wax qabadkiisa lagu abaal marin lahaa, xafiiskii wax wanaagsan ummadda u qabtayna la sheegi lahaa.
Xafiiska Maamul wanaagga Puntland ayaa ugu danbeyn ku baaqay in la iska kaashado dowlad iyo shacabba/ daljoog iyo qurba joogba kor u qaadista bilicda iyo horumarinta magaalooyinkeenna.PUNTLAND POST
The post Hay'adda Maamul wanaagga Puntland oo amaantay Maamulka Dowladda hoose ee Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo Helicopter looga...

$
0
0

araakiisha Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo isaga laftirkiisa ka mid ahaa saraakiishii Baydhabo ka soo dejisay wadaadkan Shabaab ka tirsanaa.
Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo galbis ahaan ku keenay Gaari Cabdi Bille ah oo uu leeyahay sarkaalkan iyo Darawalkii kaxeynayay.
wali lama ogaan magaca sarkaalkan la soo qabtay oo dhameystiran iyo faah faahinada kale ee la xiriira soo qabashada sarkaalkan.
Dagaalyahano horleh oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maalintii Jimcaha aheyd iska dhiibay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.
Hadii aan dib u milicsano sidoo kale Khamiistii magaalada Baydhabo waxaa iska dhiibay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Tan iyo markii degaanada Koonfur Galbeed uu gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa jirtay in ay isa soo dhiibayeen xubnaha Shabaab ka tirsan ee sida dhuumaaleysiga ah ku jooga magaalada Baydhabo, kuwaasi oo warar soo baxayay ay sheegayaan in Roobow uu ku cadaadinayay in ay isa soo dhiibaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo u jooga xoojinta...

$
0
0

Gaalkacyo(SONNA) C/Weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlada Gobolleedka Puntland oo kusugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa wada dadaalo ku aadan xoojinta heshiiskii nabadeed oo dhawaan lagu gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wariyaheena ku sugan magaalada Gaalkacyo C/naasir Maxamed Cali ayaa soo sheegaya in madaxweynaha Puntland uu ujeedka socdaalkiisa oo uu ku joogo Gaalkacyo ku tilmaamay in uu yahay mid looga gol leeyahay xoojinta heshiisyada nabadeed iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo Gaalkacyo wuxuu kulamo la qaadan doonaa Mas'uuliyiinta Gobolka,Saraakiisha Ciidamada,Odayaasha iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Puntland iyo guud ahaan qeybaha bulshada,isagoo kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga iyo nabadda.
Mar uu la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in ay miro dhaleen heshiisyadii nabadeed,islamarkaana gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dhibaatooyinka iyo dilalka geysan jiray.
Waxaa dhawaan lagu guueystay in si rasmi ah loo furo wadooyinkii ku xirmay rabshadihii horey uga dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii gogol nabadeed uu fidiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana haatan caadi ku soo laabtay isu socodka bulshada magaaladaasi.
storvideo: 

Wasiirka amniga Maamulka K/galbeed iyo Wafdi u hor...

$
0
0

wasiirka amniga Maamulka K/galbeed ayaa kulamo la yeeshay maamulka dagmada diinsoor iyo wax garaadka ku dhaqan dagmada. isagona kala hadalay sidi sare logu qadi laha wada shaqeynta maamulka iyo bulshada degaanka. wafadiga u horkacayay ayaa u tagay Diinsoor siday ay u dhirigalin lahayen dhalinyarda kaso goostay kooxda argagiixisada All-shabaab. dhalinyarda ayaa hatan lagu dhaqan celinay [...]
storvideo: 

Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeelle

$
0
0

Weli waxaa caqabad ay ka taagan tahay meel marinta xubnahga Golaha Wasiirada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu soo magacaabay, iyada oo xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay is adag kaga soo horjeedaan ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare oo dareensan diidmada kala duwan ee ka imaaneysa xildhibaanada ayaa hada bilaabay kulamo ujeedadooda ay tahay sidii uu xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ugu qancin lahaa ansixinta xubnaha Golaha Wasiirada.
Kulan xalay ka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa la iskula gorfeeyay in la ansixiyo xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana kulankii uu xalay xildhibaanada uu kaga dhaadhiciyay meelmarinta Golaha Wasiirada.
Axmed Cabdi Faarax oo ka mid ah xubnaha Golaha Baarlmaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in hada meel gaba gabo uu marayo sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Gudoomiyaha Golaha...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaano Katirsan Puntland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.
Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Baarlamaanada Heer Maamul Goboleed.
Waxaa sidoo kale kulankaasi ku sugnaa Gudoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Mudane Axmad Cali Xaashi ayaa ugu mahad ciliyay madaxweyne Farmaajo casuumaada uu ugu fidiyay xafiiskiisa.
Dhanka kale waxaa iyana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaasha aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.Hoos ka Daawo SawiradaXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano...

$
0
0

Magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Hir Shabelle.
Shirkaan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Saxaafada ka howlgasha hir Shabelle gaar ahaan magaalada Jowhar oo loo diiday in shirkaasi ay ka qeeybgalaan.
inta kulanka uu socday ayaa Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada si toos ah uga wada hadleen ansixinta Wasiirada cusub ee Hir Shabeele oo Xildhibaanada ay diideen in ay ansixiyeen.
Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ansixiyaan wasiirada Cusub si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Saacado Dheer oo wada hadal ah kadib Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaa is afgarad ah uu dhacay.
Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa la xasuustaa in ay xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee Hir Shabbelle Cali Cabdullaahi Cosoble.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano Diidan Ansixinta Wasiiradiisa Cusub appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiis dhanka...

$
0
0

Dowladdaha Suudaan iyo Turkiga ayaa isku raacay iney dhaqan geliyaan Heshiis iskaashi oo kor u qaadaya ganacsiga ka dib booqasho taariikhi ah oo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku tagay magaalada Khartuum ee Caasimadda dalkaasi Suudaan. Madaxweyne Erdogan ayaa Axadii shalay gaaray caasimadda Khartuum,isagoo halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay,wuxuuna socdaalkiisa qeyb ka yahay safaro [...]
storvideo: 


Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuunay Hawada iyo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Tunisiya(SONNA):- War qoraal oo ay soo saartay wasaaradda Duulista Hawada ee dalka Tunisia ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha Rayidka ee dalka Isutagga Imaaraadka carabta laga mamnuucay inay isticmaalaan ilaa amar dambe hawada iyo Garoomada dalka Tunisiya.
Amarkan ayaa lagu sheegay inuu dhaqan geli doono maqnta oo bisha December ay tahay 25 , wuxuuna daba socodaa talaabo ka dhan ah haweynka dalka Tunisiya oo ay Dowladda Imaaraadka Caraabta ka mamnuucday inay u safaraan dalkeeda,taa oo dhalisay xiisad ah inay ka caroodaan madaxda dalkka Tunisia.
Arrinta ayaa la sheegay inay sii xumeysay xiriirka labadaasi dal ee Carabta, dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tunisiya ay u yeertay safiirkeeda ka fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Gaas oo Gaalkacyo u jooga xoojinta heshiiskii nabadeed ee magaaladaasi

storvideo: 

Tuniisiya oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha Emirates

$
0
0

Dawladda Tuniisiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda Emirates, ka dib markii tiro haween ah oo Tuniisiya u dhashay laga hor istaagay in ay ku safraan diyaaradaha shirkaddaas.

Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku...

$
0
0

Baydhabo (PP) - Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka ka jira qaarkood iyo Dowlado shisheeye.
Dadweynaha ku nool Iidaale ayaa la isugu keenay Fagaaraha ay Toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay la kla shaqeynayeen; Maraykanka, Dowladda Soomaaliya, maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, waxayna dhammaantood ku sheegeen inay ahaayeen jawaasiis.
Shanta Ragga ah ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen; Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo C/casiis Ibraahim Maxamed.
Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dhallinyaro da'adoodu u dhexeyso 20-sano illaa 30-sano, waxaana toogtay dhallinyaro Al-shabaab ka oo wajiyadu u qarsoonaayeen.
Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidaan oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiis, kuwasoo la shaqeynayay Dowladda Somalia iyo waddamo shisheeye.PUNTLAND POST
The post Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Tuniisiya oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha...

$
0
0

Dawladda Tuniisiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda Emirates, ka dib markii tiro haween ah oo Tuniisiya u dhashay laga hor istaagay in ay ku safraan diyaaradaha shirkaddaas.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay dadka Tuniisiya ay aad u caroodeen, iyadoo qolyaha u dhadhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen arrintaas kuna tilmaameen "faquuq iyo midab takoor"
Wasaaradda gaadiidka ee Tuniisiya ayaa sheegtay in xayiraaddan ay taagnaan doonto tan iyo inta shirkadda Emirates ay "si sharciga waafaqsan uga hawlgalayso".
Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dib u dhaca ay horseeday "xog ammaan".

  • Qof noocee ah ayuu ahaa Cali Cabdalla Saalax?
  • Wasiirkii caafimaadka Tunuusiya oo dhintay isaga oo ordaya

"Waan la xiriirnay walaalahanno Tunuusiya anaga oo kala hadlayna xogta muhiimka ka dhigtay in aan tallaabo khaas ah qaadno" ayuu Twitterka ku qoray Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash,
"Aad baan u qadarinaa dumarka Tuniisia waana ixtiraamnaa," ayuu sii raaciyay.
Calaaqaadka labada dal oo mugdi sii galay
Saraakiil ka tirsan dawladda Tuniisiya ayaa sheegay in Isutagga Imaaraadka Carabtu uu dumarka Tuniisiya ka mamnuucay in ay u safraan ama xitaa masaafur ku noqdaan dalkooda.
Jimcihiina dawladda Tuniisiya ayaa sheegtay in ay safiirka Imaaraadka waydiisatay in uu caddeeyo waxa jira, loona sheegay in ay tallaabo ku meelgaar ah ahayd haddana la qaaday.
Warbaahinta guduhu waxay ku warrantay in dumarka Tuniisiya loo diidanaa in ay raacaan diyaaradaha Imaaraadka ee Dubay u socda muddo dhawr maalmood ah.
Qaar ka mid ah dumarka Tuniisiya ayaa la sheegay in safaradii ay Imaaraadka ku tagilahaayeen dib loo dhigay si baaritaanno dheeri ah loo mariyo dal ku galladii ay wateen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Tuniisiya ayaa isku dayaysay in ay hagaajiso calaaqaadka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu xumaaday 2011 markaas oo kacdoon uu ka dhacay dalkaas.
Xisbiga Ennahda oo ah isbahaysiga hoggaanka haya ayaa sidoo kale loo arkaa in uu xiriir la leeyahay Qadar oo ay go'doomiyeen Imaaraadka, Sacuudiga iyo Baxrayn iyaga oo ku eedaynaya in ay argagixisada taageerayso.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay AMISOM inay ka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ra'iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada AMISOM ee deggen Garoonka Stadium Muqdisho ee cayaaraha ay sanadka soo socda 2018 ka bixi doonaan garoonkaas, si loo dayactiro.
Xasan Kheyre ayaa sheegay in la gaaray xilligii la isticmaali lahaa Garoonka, isla markaana ay dib uga billaaban doonaan cayaaraha kubadda cagta, halka haatan lagu cayaaro hal garoon oo keliya.
"In dib loogu soo celiyo Garoonka Stadium Muqdisho gacanta shacabka waa mid ka mid ah qorshaha Dowladda, Waxayna fursado balaaran u abuureysaa dhallinyarada Soomaaliyeed." ayuu yiri Khayre oo ka hadlayay Munaasabad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta Jubbaland oo ku guuleystey tartankii ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo dhawaan Muqdisho lagu qabtay.
Sidoo kale, Hadalka Khayre ka jeediyay xafladii sagootinta ayuu ku sheegay in dadaalku uu yahay mid guul laga gaaro isagoo tusaale u soo qaatay xulka Jubbaland oo sannadkii hore loogaga badiyay ciyaarta finalka balse marka ay isi soo dhiseeen oo ay dadaaleen ay sanadkan koobkii ku guuleystey.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, C/qani Siciid Carab ayaa soo dhoweeyay warka ka soo baxay RW Kheyre, wuxuuna sheegay in ciyaaraha Somalia ay hormari doonaan haddii dib loo dayac-tiro oo lagu ciyaaro garoonka Muqdisho Stadium.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul Wasaare Khayre oo sheegay AMISOM inay ka baxayso Garoonka Muqdisho Stadium appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live