Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Amniga oo Xariga ka jaray Xarunta Carruurta...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow ayaa 27-sano kaddib Maanta xarigga ka jaray xarunta carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qayb-galeen munaasabada xarig-jarka ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Booliska Somalia, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] iyo Mas'uuliyiin kale.
Xaruntaan oo ku Taalla Dhabarka dambe ee Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa loogu magacdaray taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliska Somalia, Jen. Maxamed Abshir Muuse oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Sidoo kale, Xaruntan lagu Xanaaneynayo Carruurta Agoonta Booliiska, ayaa waxaa ku jira 20-carruur ah oo Waaliddiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii Oktoobar ee sannadkan ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Xaruntaan Agoomeed ayaa waxay ka kooban tahay Qayb jiif ah, iskuul wax lagu barto, dugsiga Qur'aan, Masjid iyo Garoon kubadeed oo loogu talo-galay inay caruurta agoonta ah ku cayaaraan.PUNTLAND POST
The post Wasiirka Amniga oo Xariga ka jaray Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska DF appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Sharcigii Xayiraadda Socdaalka Mareykanka oo Qaybo ka Mid ah la Horistaagey

$
0
0

Dalkan Mareykanka Sabtidii ayaa xaakim heer federal ah waxa uu hor-istaagay qeybo ka mid ah sharcigii xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump ee xadidayay soo galitaanka dalkan ee qaxootiga ka soo jeeda dhowr wadan oo Islam u badan, Soomaaliyana ay ku jirto.

Qareenka xukunkan riday ayaa taageeray kooxo ku doodayey in sharciga Madaxweynaha uu ka hor-istaagayo dadka shisheeye inay la midoobaan qoysaskooda horey u sii joogay Mareykanka.

Hadaba, wariyeenna Maxamed Colaad Xassan ayaa...

Daawo jawabtii jilicsanayd ee beesha Isaaq ee...

$
0
0

25th December 2017 admin Category :
Xasan iyo Xuseen ayaan ka soo wada jeedna oo dadka inagaa isugu xigna oo isugu jecel.
Beelaha Isaaq ayaa jawaab jilicsan oo aan dhaqan Soomaaliyeed iyo mid Africaanba ahayn waxay siiyeen Xutuyiintii Shiicada ahaa oo ku booteeyey inay Soomaaliyeed duqaynayaan.
Hoos ka daawo Aadan Ciise Yuusuf oo Mujaahid ku noqday dumar la kufsaday iyo Dhiig Soomaaliyeed oo la daadiyey sida Shiicada Khumaini uu ula hadlayo u baryootamayo.
[embedded content]
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADA:-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye...

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hpoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi mas'uuliyiinta maamulka [...]
storvideo: 

Sharcigii Xayiraadda Socdaalka Mareykanka oo Qaybo...

$
0
0

Dalkan Mareykanka Sabtidii ayaa xaakim heer federal ah waxa uu hor-istaagay qeybo ka mid ah sharcigii xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump ee xadidayay soo galitaanka dalkan ee qaxootiga ka soo jeeda dhowr wadan oo Islam u badan, Soomaaliyana ay ku jirto.
Qareenka xukunkan riday ayaa taageeray kooxo ku doodayey in sharciga Madaxweynaha uu ka hor-istaagayo dadka shisheeye inay la midoobaan qoysaskooda horey u sii joogay Mareykanka.
Hadaba, wariyeenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan iyo halka ay mareyso xaaladda 92 qof oo Soomaali ah oo Mareykanku u tarxiilayay Soomaaliya oo dayuuraddii waday ay ka soo noqotay dalka Senegal ka wareystay, Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ah qareen fadhigiisu yahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta.
Halkan ka dhageyso:

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:19:15
0:00:00 /0:19:15
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADA: Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta...

$
0
0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku-xigeenada koowaad iyo Xubanaha Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Barlamaanka Jubbaland, Saraakiisha ciidamada iyo kumanaan shacab oo ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay laacibiinta xulka Jubbaland oo guul taariikhi ah ka soo gaaray tartankii dowlad gobolleedyada iyo gobolka banaadir. Soo dhaweyntii ciyaartooyda ayaa ahayd tii ugu [...]
storvideo: 

Wasiirka Amniga oo Xariga ka jaray Xaruun lagu...

$
0
0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska,iyadoo ay ka qeyb galeen ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax,la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.
Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.
Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah,Iskuul wax lagu barto,Dugsiga Qur'aan,Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.
storvideo: 

Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda...

$
0
0

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017 kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo , isla mar ahaantaana xarigga ka jaray sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.
Madaxweynaha ayaa waxaa xadhig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinaayey guddooyimaha gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Waddooyinka muhiim ka ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ayaa waxaa kamidda ahaa waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay 1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo bogol iyo afartan miter] , waddada Xero-dayaxay oo dherer keedu yahay 200m[ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ].
Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyin kaasi uu xadhigga ka jaray ee halbowlaha u ah magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay waddooyin kani muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey hawlwadeenada degmada Gaalkacayo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani."Waxaan ku faraxsan-nahay inaan xadhigga ka jarno waddoyinkan muhiim ka ah ee ay yeelatay magaalada Gaalkacayo, waana ku mahadsan yihiin hawl wadeenada degmadu hirgelinta waddooyin kani, saan sheegnayna dabcan waxay wax ka bedelayaan bilicda, horumarka iyo amaanka magaalada madaama ay tahay magaalo furan oo shiddo badani ay ka jirtey, inay heshaa jidad wanaagsan waa wax wanaagsan, waxaanna loo baahan yahay in jidadad kaasi la geliyo nal si habeen iyo maalin ay shacabku ugu ganacsadaan" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacayo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha suuqa xero dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga, iyo xarunta Wasaaradda kaluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo.
Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa soo kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo,deegaan iyo hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanada 2018, Madaxweynaha oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi."Waxaan nimi madaxtooyada Magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircada waawayn ee kasocota magaalada Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay rexo dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacayo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bangigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya"ayuu yiri Madaxweynaha Puntland."waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona inashaa Alla, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn eeaan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda kalluumaysiga iyo hay'adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan kafulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin". ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqay Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen Madaxweynaha iyo Islaanku kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban.-DHAMMAAD-XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Wadooyina Xarigga Ka Jaray Magaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqabka carruurtooda

$
0
0

Kulankan oo ay isku soo duween ururka waalidiinta iyo macalimiinta Soomaaliyeed ayaa looga dooday doorka waalidka iyo badbaadada ubadka Soomaaliyeed, si looga gudbo wel-welika waalidiin badan ay ka qabaan mustaqbalka caruurtooda, waxaana kulankan ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo si qalbi furan uga hadlay sababaha keena qoys burburka qurbaha iyo sida [...]
storvideo: 

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Degmada...

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaaden Bar Koontarool oo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Galbeedka Degmadaasi.
Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in muddo Saacado ah uu qaatay dagaalkaasi.
Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay Barahooda Internet-ka ku baahiyeen in ay la wareegeen Xaafado ka tirsan Degmada ee G/ Shabeelaha Hoose.
Sidoo kalena ay halkaasi ku dileen Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kuna qabsadeen Hub fara badan, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.
Waxaana Saakay xaaladdu ay tahay mid dagan, iyadoona Ciidamada Dowladdu ay howlgallo ka wadaan Degmadaasi Afgooye ee G/ Shabeelaha Hoose.
storvideo: 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Alle Ha u...

$
0
0

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Alle Ha u Raxmdee Oday Caydiid Baaruud Cilmi Oo ka Mid ahaa Odayaasha Somaliland gaar ahaan Hargeysa ayaa Saaka Ku Geeriyooday Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Maruumka ayaa ka mid ahaa Odayaashii Ka Soo Qayb Qaatay Halgamadii kala Duwanaa ee loo soo maray Dalka iyo Nabadayntii Kala Dambaysay ee Ka Dhacay dalka.
Oday Caydiid Baaruud ayaa lagu Xasuusan Doonaa Doorkii Shariifka ahaa ee uu ku lahaa Dalka Guud ahaan gaar ahaan Gobolka MaroodiJeex.
Alle Subaxaanuhu Watcaalaye Ha u Naxariisto Marxuumka Ehelka ubadkii Xaaskii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ha ka siiyo Amiin Amiin.
storvideo: 

Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo...

$
0
0

Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Maxammed cabdi Waare.
Weriye ku sugan magaalada Jowhar ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Xildhibaannadu ay Maaanta yeelanayan kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wasiirada,kadib markii la xalliyey khilaafkii ka dhashay magacaabistooda.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa horay u dhaliilay qaabka uu madaxweyne Waare u magacaabay Golaha Wasiirada Cusub,waxayna ku eedeeyeen in uusan raacin saami qaybsiga saxda ah ee dhammaan beelaha dega Hirshabeelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxammed ayaa maalin ka hor xidhibaannada ku wargeliyay kulankaan aan caadiga ahayn,waxaana warar hoose sheegayan in xildhibaannada badankooda laga qanciyey dooddi ay ka qabeen magacaabista Golaha Wasiirada.
PUNTLAND POST
The post Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo in Maanta la ansixiyo. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Guddiga Gurmadka oo Qeeybiyey Agab

$
0
0

26th December 2017 admin Category :
Dad ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe ayaa loo qeeybiyey agab ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan. Arrintan ayaa waxaa qeeyb weeyn ka qaatay jaaliyadda ku nool dalka Iswiidhen. Dadkan in shillimaad ama xooggaa cunto ah la siiyo waxaa ka fiican wax ay nolol maalmeedkooda ku maareeyaan in la siiyo.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Ceeryaamo Saameesay Isku Socodka Imaaraadka

$
0
0

26th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Magaalooyin ka mid ah dalka Imaaraadka waxaa ka dhacaya ceeryaamo taas oo saameen ku yeelatay isku socodka gaadiidka, waxaana dib loo dhigay qaar ka mid ah duulimaadyada.
[embedded content]
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in ay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Soomaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta Waxbarashada Dalka.
Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa tilmaamay in Wasaaradda oo ka duulaysa xoojinta Waxbarashada Qaranka ay Tababaro siiyeen Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo xoogan ugu jirta xoojinta iyo sare u qaadida Waxbarashada Qaranka iyadoona ay xusid mudan tahay in Hormarka dalka uu ku talaabsanayo ay kow ka tahay Waxbarashada.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Afrikaan ah oo gurigiisa dab la qabadsiiyay
Next articleMadaxweyne Waare oo Golihiisa Wasiirada maanta horgeynaya baarlamanka HIrshabeele

storvideo: 


Shirka Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kuwa...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Baydhabo (SONNA) Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ayaa saacadaha dhaw waxaa ka furmaya Shirka Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.
Magaalada Baydhabo ee Gobolkay Baay ayaa xalay waxaa ku hoyday Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Maamul Goboleedyada.
Maanta ayaa la filayaa inuu shirka si rasmi ah uga furmo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya shirka ayaa Socon doona mudo Sadex maalin ah, waxaana lagana soo saari doonaa War-murtiyeed ku saabsan xoojinta iyo wad shaqeynta Golaha shacabka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Dhexe.
Wariye Ibraahim Guudle Isaaq oo la socda wafdi uu hugaaminaayo Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Saaka soo sheegaya in Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay si wayn loo adkeeyay Amaankeeda maadaama Magaalada uu ka furmayo shirka Guddoomiayaasha Golaha shacabka Federaalka iyo kuwa Maamulada Dalka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKulan looga hadlayay doorka waalidka iyo badbaadada ubadka Soomaaliyeed oo ka dhacay Sweden
Next articleMadaxweyne Afrikaan ah oo gurigiisa dab la qabadsiiyay

storvideo: 

Madaxweyne Afrikaan ah oo gurigiisa dab la qabadsiiyay

$
0
0

Congo(SONNA) Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa lagu soo waramaya in Maleeshiyaad laga shakisan yahay in ay taageersan yihiin falaagada dowladda ka soo horjeedda ay gubeen guri uu lahaa madaxweynaha Dalkaasi Joseph Kabila.
Wararka ayaa sheegaya in marka dabka la qabad siinayay gurigiisa uu Mr Kabila ku sugnayn guriga,islamarkaana uu dibadda uga maqnaa.
Muuqaalo iyo Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshada ayaa muujinaya dab xoogan oo ka kakacay guriga madaxweyne Kabila,taasi oo siweyn loo hadalhaayo.
Intii falkaasi uu socday ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in lagu dilay halkaasi ciidamo ilaalo ka hayay gurigaasi,sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka,waxana guriga uu kuyaalay Gobolka Dhinaca Waqooyi ee Dalkaasi ee Kive.
Sarkaal ka tirsan milateriga Koongo ayaa sheegay in koox maleeshiya ah ay isku dayayeen inay xadaan hantida taalay guriga.
Joseph Kabila ayaa waxaa uu wajahayay dibadbaxyo baahsan oo qaar ka mid ah ay ka dhacayeen gobolka Waqooyiga Kivu, kuwaas oo salka ku hayay diidmadiisii ku aadanayd inuu xilka banneeyo walow xilligii rasmiga ahaa ee ay aheyd inuu jagada hayo uu ku ekaa sannad ka hor.
Inta badan wadamada Afrika ayaa waxaa kajira dhibaatooyin dhinaca siyaasadda ah,saasi oo keentay falalka Afgembiga la xiriira.
Dhawaan ayay ahayd markii Militariga Dalka Zimbabwe ay xilkii ka tureen Madaxweyne Robert Mogabe kadib markii uu diiday in talada uu wareejiyo,taasi oo daba socotay khilaafaad siyaasadeed oo dalka uu hareeyey.
storvideo: 

Madaxweyne Waare oo Golihiisa Wasiirada maanta...

$
0
0

Jowhar(SONNA) Iyadoo in dhawaala ahba uu madaxweynaha Hirshabeele waday dadaalo ku aadan sidii Golihiisa Wasiirada ay codka kalsoonida ah uga heli lahaayeen baarlamaanka Hirshabeele,ayaa waxaa jir akulan ay leeyihiin xildhibaanada oo ku saabsan arrimaha horyaala oo ay kamid yihiin kalsooni siinta Wasiiradaasi.
Sida uu ku soo waramaya wariyeheen magaaladasi Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle,saxaafadda ayaa looga yeeray hoolka shirarka baarlamaanka Hirshabeele ee magaaladaasi,waxaana jir akulna aan caadi ahayn oo ujeedkiisu yahay sidii codka kalsoonida ah loo siin lahaa Wasiirada cusub.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay maanta leeyihiin kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo ansixinta Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lafilaya in maanta uu baarlamaanka Hirshabeele horgeeyo Golihiisa Wasiirada,si ay codka kalsoonida ah u siiyaan.
Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka lagu ansixin doono Golaha Wasiirada,isagoo intaasi ku daray in ay soo dhamaadeen kulamo wadatashiyo ah oo muddooyinkiii ugu dambeeyey u socday madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada baarlamaanka.
Waxaa siweyn loo adkeeyey Ammaanka magaalada Jowhar,iyadoo ciidamadu ay xireen qaar kamid ah wadooyinka,islamarkana aay wadaan baaritaan lagu sameynayo isu socodka dadka iyo gaadiidka.
storvideo: 

Akhriso:-Hadal Qoraal ah oo ku aaddan Dhamaadka...

$
0
0

Muqdisho, 26 Diiseembar 2017- Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta.
Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta, Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba'an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan.
Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya.
Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta.
Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay'adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay'adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah.
Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan.
Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka - waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah.
Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale.
Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay'adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha.
Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda.
Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka.
Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa'iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka.
Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo.
Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar.
Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.
Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah.
Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa'iideysanaya xagjiriinta.
Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da'da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan.
Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka.
Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada iyo beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay.
Waddada loo marayo dhismaha hay'ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta.
Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba'aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla - hawlaha bani'aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay'ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa'iido leh u qaban kara dadka.
Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana I dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Ciyaartoyda Israa’iil oo loo diiday dal-ku-galka...

$
0
0

Xiriirka ciyaaraha jarta miiska ama qamaarka ee Israa'iil ayaa magdhow dalbanaya ka dib markii ciyaartoydooda loo diiday in ay galaan Sacuudiga.
Waxay dalka Sacuudiga uga qeybgali lahaayeen ciyaaraha horyaalka caalamiga ah ee jarta oo maanta halkaasi ka furmay.
Dalka Sacuudiga oo martigelinaya tartanka jarta miiska ama qamaarka waxaa loo arkaa mid boqortooyada u furfuraya qeybaha kale ee caalamka. Laakiin ciyaartoyda Israa'iil waxaa loo diiday dal ku galka sacuudiga ee Visa-ha.
Afhayeen u hadashay Sacuudiga oo lagu magacaabo Fatimah Baeshen, ayaa sheegtay in ciyaartoyda Israa'iil aanan la siin karin dal ku gal, maadaama labada dhinac uusan ka dhexeyn xiriir diblumaasiyadeed.
Balse Israa'iil waxay aaminsan tahay in ay qasab ahayd in ciyaartoyda loo ogolaado dal ku galka. Ciyaartoyda Israa'iil ee loo diiday visa-ha Sacuudiga waxay gaarayeen illaa todobo.
Gudiga ciyaaraha Shax-miiseedka ee Israa'iil ayaa ku eedeeyey Sacuudiga in ay xiriirka ciyaarahan ku marin habaabiyeen arrinta, si loogu ogolaado in ay marti geliyaan.
Ciyaaartoyda Qadar iyo Iraan ayaa loo ogolaaday in ay tartanka ka qeybgalaan, inkastoo xoogaa dib u dhac lagu sameeyay.
Haweeneyda labada goor ku guuleysatay tartanka ayaa sheegtay in aysan ka qeybgalayn ciyaaraha. Waxay tilmaamtay in aysan dooneyn in ay xirato cabaayad oo qasab ka ah dalka Sacuudiga.
Anna Muzychuk, oo 27-jir ah oo u dhalatay dalka Ukraine, waxay tiri: "Inkastoo aan dhaqaale ka helayo, haddana uma socdo in aan Riyaadh ku ciyaaro", xitaa haddii ay ku wayneyso labada goor ee ay ku guuleysatay.
Boqor Salmaan iyo guddiga qabto tartanka jar-miiseedka waxay qeybta ragga ku bixinayaan $750,000 oo dollar, dhanka dumarkana $250,000 oo abaalmarin ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live