Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Xisbiga Wadani Saraakiishiisa Burco Oo...

0
0

Daawo: Xisbiga Wadani Saraakiishiisa Burco Oo Canbaareeyey Xukuumada Cusub ee Kulmiye iyo Muuse Biixi Una Sheegay in xukuumadiisii Xadhiga Saraakiisha la kawsatay
[embedded content]
storvideo: 


AKHRISO:- Michael Keating oo qoraal uu soo saaray...

0
0

Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta.
Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta, Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba'an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan.
Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya.
Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta.
Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay'adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay'adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah.
Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan.
Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka - waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah.
Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale.Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay'adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha.
Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda.
Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka.
Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa'iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka.
Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo.
Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar.
Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.
Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah.
Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa'iideysanaya xagjiriinta.
Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da'da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan.
Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka.
Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada iyo beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay.
Waddada loo marayo dhismaha hay'ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta.
Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba'aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla - hawlaha bani'aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay'ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa'iido leh u qaban kara dadka.
Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana I dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Madaxweynaha oo amray Saraakiisha dhalinyarada in...

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa amray in Saraakiisha dhalinyarada ah ee ka midka ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya in loo dhiibo hoggaanada ciidanka, maadaama dhalinyaradaasi ay yihiin kuwa waxbartay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya C/wali Jaamac Gorod oo la faray amarkaasi, ayaa durba shalay wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu waydiistay in hoggaanada ciidanka iyo Talisyada qaybaha loo dhiibo Saraakiisha da'da yar ee tababarada ku soo qaatay dalalka dibada.
Generaal C/Wali Jaamac Gorod Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha da'da yar ee ku jira Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya loo dhiibi doono hoggaanada kala duwan ee ciidamada.
Dhalinyaro badan ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan dhiiragelin Xooggan in loo sameeyo, maadaama ay yihiin kuwa dalka iyo dadka naftooda u huray.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Xulka Kubadda Cagta Puntland Oo Garoowe Lagu...

0
0

26th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Xulka Kubadda Cagta Puntland oo kaalinta labaad ka galay Ciyaarihii Dowlad Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa Maanta si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.
Xulka Kubadda Cagta Puntland ayaa waxaa safarka ku weheliyey agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Puntland, Axmed Cabdalle Tigaana, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar cabdullaahi Faro-weyn, iyo mas'uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Puntland,waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe ee Kanooko ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey),Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Ganacsato iyo dadweyne kale.
Koobkii loo qabtay Dowlad Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guulaystay Xulka Kubadda Cagta Jubaland oo ciyaartii final-ka 1:0 kaga badisay xulka Puntland ee kaalinta labaad galay.
Xulka Kubada Cagta Puntland oo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyey - Puntland ee Garowe
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 26. december 2017

Post navigation
- Garoow iyo Muqdisho Miyeey Siman Yihiin? Siyaasiyiinta Hawiye ma wada Gudoomiye Xisbi baa? -
storvideo: 

Madaxweyne Gaas Oo Magacaabay Shaqsigii Bedeli Lahaa...

0
0

Wareegto ka soo baaxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu Magacaabay taliyaha Ciidamada Howlgelinta Gobolka Bari kadib markii Al-Shabaab qarax ku dileen taliyihii hore.
Xilkaan ayaa waxaa loo Magacaabay Nin lagu Magacaabo Cabdirisaaq Xaaji Cabdalla kaas oo bedelay taliyihii hore ee Ciidanka howlgelinta Puntland oo lagu Magacaabi jiray Korneyl Galayr Xassan Yuusuf kaas oo lagu dilay qarax ka dhacay 20,kii Bishaan duleedka Magaalada Boosaaso.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargaysa...

0
0

Daawo: Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargaysa oo Kormeer ku sameeyey Dhismaha Bilcinta Wadada Wayn ee Madaarka Hargaysa Tagta
[embedded content]
storvideo: 

Cumar Cabdirishiid oo Baaq Udirey Beelo Dagaalamay,...

0
0

Raysul Wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirishiid ayaa baaq udirey beelo ku dagaalamay dhulka hawdka oo sida uu sheegay uu dagaalkoodu soo noqnoqdey, islamarkaasana aan wali xal laga gaarin. Sida oo kale, waxuu Cumar Cabdirishiid ka hadley arragtidiisa ku aadan sanadkan gabagabada ah iyo Soomaaliya.
Isaga oo u waramey Jaamac Buulle Jaamac ayuu uguhoreyn sharaxayaa dagaalka uu baaqa nabadeed kasoo saarey.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:07:18
0:00:00 /0:07:18
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Siyaasiyiinta Hawiye ma wada Gudoomiye Xisbi baa?

0
0

Xubnahan ayaa ka hadlay weerarkii dhowaan Ciidamada Ammaanka ku qaadeen xarunta Xisbiga Wadajir ee uu deganaa C/raxmaan C/shakuur, ku xadgudubka lagu haayo sharafta iyo Kaaramada Xildhibaanada Qaran.
Waxaa ay uga digeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay u adeegsadaan Ciidamada qalabka sida argagax gelinta iyo dilka siyaasiyiinta ka aragtida duwan.
Sidoo kale waxaa ay ka digeen in Culimada iyo hey'adaha garsoorka loo adeegsado arrimaha siyaasadda.Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka
storvideo: 


War deg deg ah:Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland...

0
0

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraashiista Puntland ayaa caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray,Qaleey Yuusuf Jiile ayaa taliye ka ahaa xero lagu keydiyo hubka oo ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo,taasoo magaceeda lagu sheegay Xero Inji.
Malayshiyo hubaysan oo madaxa soo duubtay ayaa rasaas la dhacay sarkaalka oo ku sii jeeday gurigiisa,kadib markii uu shaqada ka soo rawaxay,isagoo durbadiiba u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray,sida uu PUNTLAND POST u xaqiijiyey mas'uul ka tirsan Wasaaradda Amniga Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Amniga gobolka Mudug ayaa gaaray goobta sarkaalka lagu dilay,waxaana halkaasi ka socda hawlgal baaritaan ah,inakstoo aan weli gacanta lagu dhigin kooxdii dilka fulisay,sida aan xogta ku helnay.Wixii ka soo kordha kala soco :Puntlandpost.net
The post War deg deg ah:Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Putin oo madaxweynaha Ruushka u tartami doona markii afraad

0
0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay inuu u tartamo in dib loo soo doorto bisha Maarso, taas oo noqon doontaba markiisii afraad ee uu xilkan u tartamo.

Putin oo madaxweynaha Ruushka u tartami doona markii...

0
0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay inuu u tartamo in dib loo soo doorto bisha Maarso, taas oo noqon doontaba markiisii afraad ee uu xilkan u tartamo.
Muusan ka soo muuqan xaflad ka dhacday magaalada Moscow taas oo lagu xaqiijinayay musharaxnimadiisa.
Magacaabista ayaa waxaa haatan meelmarin doona guddiga doorashooyinka ee Ruushka, guddigaas oo Isniintii ka mamnuucay inuu tartamo ninka kaliya ee magaca leh ee mucaaradka ka tirsan ee la tartami lahaa Putin waa Alexei Navalny.
Afhayeenka aqalka Kremil-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in sharciyaqaanada looga baahan yahay inay qiimeeyaan hanjabaadda siyaasiga mucaaradka ah Alexei Navalny ee ku goodiyay in uu qaadacayo doorashada madaxtinimada, taas oo uu tilmaamay inay tahay sharci-darraba.
Mr Navalny ayaa xukunka lagu riday ku tilmaamay mid siyaasadaysan, aragtidaas oo ay baritaartay afhayeenka Midowga Yurub, Maja Kocijancic, taas oo sheegtay in xayiraadda lagu soo rogay siyaasigan ay shaki wayn galinyaso in Ruushka ay ka jirto siyaasadda axsaabta badan.
storvideo: 

Dowladda Masar oo 15 ruux daldashay.

0
0

Mas'uuliyiinta dalka Masar ayaa sheegay in Salaasadii Maanta la daldalay 15 ruux oo lagu helay denbiyo la xiriira argagixiso iyo khalkhal gelin amni,kadib markii la soo taagay maxkamad militari.
Dadka la xukumay oo dhammaantood rag ah ayaa lagu eedeeyay weerarro argagixiso oo sannadkii 2013-kii lagu qaaday militariga Masar ee ku sugan Jasiiradda Sinai ,islamarkaana ay ku dhinteen askar badan sidoo kalena lagu burburiyo gaadiid dagaal.
Hay'adaha Xuquuqda Insaanka ayaa durba cambaareeyay xukunkaas daldalaadda ah ee ay Masar fulisay,waxayna ku tilmaameen"dil wadareed aan sharciyad haysan iyo gabood-fal ka dhan ah xuquuqda banii'aadanka".
Hay'adaha ayaa sidoo kale dowladda Masar ku eedeeyay in aysan qareenno u qaban eedaysanayaasha oo aan caddeyn ku filan loo helin denbiyada loo haysto,sida ay warka u dhigeen.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Masar oo 15 ruux daldashay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo dib loo maxkamadaynayo

0
0

Kn: Wareegta ay soo saartay maxkamadda racfaanku oo uu ku sixiixnaa gudoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maalinta Arbacada ee bari ah uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qareenadiisu ay dib u soo istaagaan maxkamadda si mar kale dacwadooda loo dhagaysto.
Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka oo racfaan ka qaatay markii maxkamadda gobolka Banaadir ay sii daysay Cabdiraxmaan ayaa ku adkaysatay inay dhag jalaq u siin isla maxkamadda oo xukuntay inaan kiiska laga qaadan karin wax racfaan ah. Haatan maxkamadda racfaanka ayaa dib u furtay kiiska waxaana la filayaa in mar kale ay dib u bilaabato dacwada ay xeer ilaalinta qaranku ku soo oogeen Cabdiraxmaan.
Waxaa muuqata in laamaha garsoorka ee dalku ay ku kala aragti duwanyihiin dhacdadii lagu soo xiray Cabdiraxmaan ee ilaaladiisuna ku dhimatay, waxaana suurogal ah inay meelo kale sii fanato.
Hoos ka daalaco qoraalka ka soo baxay Maxkamadda racfaanka.
storvideo: 

Daawo: Xildhibaano & Xisbiyo Mucaarad oo Madaxda...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa looga digay in ciidamada Qaranka ay u adeegsato qaabab khaldan oo ku xeeran dano shaqsiyadeed.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Madaxda DFS ay dano Siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneyd u adeegsadaan awooda ciidamada.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay uga digayaan in ciidamada amniga ay u adeegsadaan caburinta iyo xariga siyaasiyiinta ka aragti duwan, waxa uuna cadeeyay in mar waliba ay ixtiraam mudan yihiin dhinacyada mucaaradka.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kale ka qeybgalay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda iyo Madasha Horusocod oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii awood iyo qori caaradii wax lagu raadin jiray.
C/raxmaan C/shakuur ayaa kamid ahaa Shaqsiyaadka Mucaaradka ee loo adeegsaday ciidamada Qaranka kuwaa oo dhaawac iyo burbur hantiyadeed u geystay Hooygiisa, waxa uuna shirku ahaa mid looga tusaala qaadanaayay arrintaas.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

PM meets outgoing Somali Ambassador – The Peninsula

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Prime Minister and Interior Minister H E Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani met with Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the State of Qatar, Omar Sheikh Ali Idris, on the occasion of ending his tenure in the State.
The Prime Minister wished the Ambassador success in his future tasks and further progress and prosperity in the relations between the two countries.
Source: The Peninsule
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Danger in my belly: I know where Donald Trump’s...

0
0

I am black. I am a Muslim. I am a war survivor and I am a refugee turned writer from Somalia who now lives in the U.S. Like you, I am a two-legged human creature. America is not a distant hope for me or, for the refugees across the United States, but it is a warm and peaceful home. Life has taught me that it is easy to destroy a nation, but it is very hard to build it up.
Somalia, the country of my birth, is now on the list of banned countries for those wishing to enter the U.S. My own mother, who is a naturalized citizen, currently lives in Somalia. As her first son, I had seen the gory of war, the agony of refugee camps, but, thanks be to God, she and I made it to America in July 1993. We felt safe and made cold New England our new home. With the rise of President Donald Trump's America, that sense of belonging is now dimmed.
In September 1993 I started Bedford High School, where on my first day the school hired Estee, an English as a second language teacher for me. Staffers bought a blue flag with a white star in the middle and they told me that I was a Somali-American. In a way, this restored the dimmed identity of my fractured life. The school exposed me to books: "The Old Man and the Sea" by Ernest Hemingway, "The Scarlet Letter" by Nathaniel Hawthorne, "The Autobiography of Malcolm X" as told to Alex Haley and "The Things They Carried" by Tim O'Brien.
The first word I felt in love with in the English language was "preposterous." There was something about this word that I liked. In Somalia, a country with a single race, a single religion and single tribe but with many clans, the war between clans was beyond preposterous. I never asked God for membership in the tribe I was born into. God chose it through my father, and the fact that my siblings and I belonged to the clan of our dead father was definitely preposterous.
The hideous walk in the jungle between Kenya and Somalia was preposterous. The refugee camp was preposterous. Seeing dead people was preposterous. New England's cold weather was preposterous; but I yearned to see the snow fall from the sky. The dream I carried to America was preposterous. Having to learn a new language and a new culture was preposterous. Working for 15 years and discovering that I was a black man in America was beyond preposterous.
Above all, President Trump's immigration ban has been the most preposterous thing of all my life, whereby America's 70 years' worth of post-World War II prestige is being damaged on a global scale. But since hope was all I carried to America, I am hopeful that the voices of reasons and intellect will prevail over the demagoguery.
The fast-moving situation with regard to President Trump's executive order temporarily banning people from seven majority-Muslim countries from entering the U.S., combined with his Twitter rhetoric, is not only creating doubt and fear in the heart of refugees, but it is also labeling Muslim Americans as terrorist sympathizers. For the first time since I walked on the clean American soil, I feel a danger in my belly. I am now afraid for all the Muslim refugees who left their countries because of war and who came to America to seek a better life. And I know a lot about the danger of labeling a group of people as a threat that needs to be contained and removed from society.
In 1990, I was 13 years old. At the time, my world was about skipping school, flirting with girls, raising pigeons and playing soccer under the magnificent Mogadishu blue sky. I knew nothing about what was simmering behind the lips of the people. My father had died a year earlier, but as part of Somali culture, my younger siblings and I belonged to our dead father's clan. President Siad Barre had ruled Somalia for more than 20 years, and he, too, belonged to our clan.
The Somali economy was struggling and people were hurting. Jobless men often sat in groups in front of the teahouses. As they played cards, they started to blame the ruling clan for their economic ills. Politicians picked up the blame game and politicized it. It wasn't long before the men's tea talks over poker turned into fistfights in the markets. Frustrated men began to engage in drive-by shootings on innocent people. The murder rates went up. As people's internal hate simmered, conflict on a larger scale erupted in the streets of Mogadishu in December 1990.
A boy, a next-door neighbor, came to my house holding an AK47. He came to kill me because I was no longer his friend. I, along with my family, was among those who were libeled as being part of the enemy clan. The threat of murder hung over my family until we made a hasty departure -- to anywhere. We fled our three-bedroom villa in Mogadishu, leaving behind a little of everything: my birdhouse, the chicken coop, Bella and Bilan (our goats), a broom, a wheelbarrow, examination papers, a bulky briefcase, my red typewriter, photographs, and the wooden chair with stretched animal skin that my father used to sit on before he died.
storvideo: 

Xil. Saabir oo weerar ku qaaday Madaxweyne Farmaajo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Iyadoo weli ay jiraan Xildhibaano dhaliil u jeedinaaya Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa dhaliil taa lamid ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u jeediyay Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan BFS.
Xildhibaan Saabar oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhaqaale sharci darro ah siiyo Xildhibaanada BFS.
Xildhibaan Saabir waxa uu cod dheer ku sheegay in dhaqaalahaasi bixinteeda uu Farmaajo ula gol leeyahay inaan laga hadal xaalada ka jirta dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya in Madaxweynaha Farmaajo uu Xildhibaano siiyay qarashaad badan si aysan uga hadlin arintii Qalbi Dhagax iyo xaaladaha kale ee Siyaasadda.
Saabir Nuur, waxa uu sheegay in talaabada ceynkaasi ah ay dhibaato u keeni karto keydka Qaranka, waxa uuna cadeeyay inay la imaan doonaan cadeymo muujinaaya bixinta dhaqaalahaasi.
Waxa uu tilmaamay in arintaasi ay tahay mid sharciga baalmarsan, wuxuuna sheegay Madaxtooyadda Soomaaliya illaa hadda inay bixiso qarashaad la siiyo Xildhibaano, si aysan uga hadlin xadgudubyada dowladda ay sameyso..
Dhinaca kale, Xildhibaanka wuxuu sheegay kulanka Baarlamaanka marka uu furmo xubnaha Golaha Shacabka inay aragti mideysan ka qaadan doonaan arintaasi oo xadgudub uu ku tilmaamay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Sidee ayuu u furmay shirka muranka badan ka...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa manta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka furmay Shirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Somalia iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada ka jira dalka.
Shirka oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyeyaasha Golaha Sharci dajinta ee Maamul Goboledyada.
Shirkan ayaa la sheegay in lagu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Maamul Goboledyada ka jira dalka Baarlamaanadooda.
Shirkan maanta furmay ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.
Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.
Waa Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira, waxaana xusid mudan in furitaanka shirka uu Muran iyo Khilaafba horay uga dhaliyay Guddoomiyayaasha Aqalka Sare iyo kan baarlamanaka Somalia.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhageyso Wasaarada Amniga Galmudug Oo Ka Hadashay...

0
0

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga galmudug Mahdi Maxamuud Sahal oo waraysi siiyay idaacada codkamudug ee magaalada gaalkacyo ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada amni ee deegaanada dawlad gobaleedka galmudug
Mahdi Maxamuud sahal wasiirku xigeenka amniga galmudug ayaa sheegay in hawl galo balaaran ay haatan ka socda deegaanada galmudug qaas ahaan gobalka galgaduud kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amaanka
Wasiir mahdi ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalka galmudug kula jirto ururka alshabaab iyo halka uu marayo asagoo shaaciyay in ciidanka galmudug ay haatan ku jiraan diyaar garow xoogan si ay qayb uga noqdaan hawlgalka qaran ee lagula dagaalamayo alshabaab ee uu kol hore iclaamiyay madaxweyne farmaajoHoos Ka Dhageyso Waraysi Uu Wasiir Ku Xigeenka La Yeeshay Wariye Cali Maalin Nuur
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Wasiirku-Xigeenka-Amniga-Galmudug-.mp3
XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUGSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COM NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440
storvideo: 

Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyada Sarkaal Lagu...

0
0

Fiidnimadii xalay ayaa waxa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.
Kooxo bustoolado ku hubeysnaa ayaa Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiille waxa ay dileen xili uu sii galayay Hooygiisa kadib markii uu ka yimid Goobtiisa Shaqada isaga oo taliye ka ahaa mid ka mid ah Xerooyinka hubka lagu keydiyo ee Magaalada Gaalkacyo.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuulka dilka Sarkaalkaas, ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ee lagu dilay Gaalkacyo.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxa deegaanada Maamulka Puntland ku sii kordhay dilalka lagu hayo Saraakiisha Ciidamada iyada oo dhawaan qarax lagu dilay taliyihii howlgelinta Ciidamada Gobolka Bari.
Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay hadda sheegayaan in Ciidamada amniga Puntland ay wadaan howlgallo baaritaano ah wallow aysan weli dad u soo qaban dilkaas.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live