Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir...

$
0
0

30th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe.
Ujeeddada kulanka oo ahaa Mahadcelin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada, ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyeen xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada #Badhan usii jirto #15km isla markaana bisha #March ee soo socota la bilaabi doono in #laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii #Daamurku soo degi doono.
Dhallinyaradii kulanka isugu timi waxay si guud ugu mahadceliyey guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo.
Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray.
Hawl wadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah.
Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cawsane , Midigale, Rad iyo, Laako iyo Hadaaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa.
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka Haweenka Al_Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada.
Gebagebadii waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba

Post navigation
- Dagaal ooge la raali geliyey Jamciyadda Salaam Development oo dhismaha Wadada isku xidha Ceeldaahir -Ceergaabo -
storvideo: 


Jamciyadda Salaam Development oo dhismaha Wadada...

$
0
0

30th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Xubno Ka tirsan Jamciyadda Salaam Development ayaa Booqasha ku tegay goobaha ay ka socoto dhismaha Wadada isku xidha Ceeldaahir -Ceergaabo, dhismahaas oo maraya meel fiican, rajana geliyey dad badan oo deeganka ku nool.wadadani waxay hal-bowle u tahay horumarka Gobolka iyo dhamaan isku xidhka Gobolada Soomaaliya.Jamciyaddu Waxay Baaq u dirat Jaaliyada Mandaqada ee ku dhaqan Qurbaha inay ka qayb qaatan dhismahaa wadaadas..
storvideo: 

Farmaajo oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale" Qeybdiid"
Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.
Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

 Xildhibaan Cabdiqeybdiid oo ka hadlay Weerarkii...

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale" Qeybdiid"
Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.
Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa.
Howlgalkan ayuu ku timmaamay mid sharci darro ah maaddaanma isaga uuyahay Xildibaan ka mid aha qalka sare ee dalka Oggolaansho la'aanna aan la geli karin Gurgiisa.
C/Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga xilliga ay Ciidamada tagayeen waxaase uu tagay kaddib markii ay Ciidamada baaritaanka sameeyeen.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Gudoomiye Taabit Oo Booqday Guriga Sanoter Cabdi...

$
0
0

Kadib weerarkii duhurnimadii Maanta lagu qaaday Hoyga Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxaa booqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Taabit Cabdi Maxamed iyo Xubno la socday ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay Sanoter Cabdi Qeybdiid oo Gurgiisa qeyb ka mid ah ay jejebiyeen Ciidamadii weeraray sida uu sheegay.
Gudoomiye Taabit ayaa falkaasi lagu weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid ku tilmaamay wax laga xumaado."Waxaan aad ugu xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay familka & Hoyga Guddomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid). Hadda ayaan ka imid Hoyga Senatorka oo aan soo arkay dhibkii meesha ka dhacay"
Sidoo kale waxa uu qalad ku tilmaamay in in sisharcidaro ah loo xiro muwaadin Soomaaliyeed waliba ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya""Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharcidarro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay"
Ugu dambeyn waxa uu ku baaq u diray madaxda ugu sareysa dalka."Waxaan markale cod dheer ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in Amniga Gobolka Benaadir sida sharciga uu qabo si toos ah loo hoos geeyo Golaha Amniga Gobolka Benaadir si mas'uuliyadda amniga Gobolkan u yeelato Isla-xisaabtan dhab ah"

Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Saraakiil Iyo Ciidamo Loo Xiray Weerarkii Guriga...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.
Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso Caweyska Washington

$
0
0

Dhagaystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Waxa soo jeedineysa  Sahra Ciidle Nuur.

Wasiir Yariisow”Majiraan Ciidamo Dowlad Kale...

$
0
0

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay falkii lagu weeraray Hoyga Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Waxa uu sheegay in iminka dowladda Soomaaliya ay wado baaritaano dheerad ah isla markaana cid alaala cidii falkaas ku lug yeelata la soo bandhigi doono.
Wareysi uu siiyay Idaacadda Voa-da ayaa la weeydiiyay in ay jireen Warar soo baxayay oo sheegayay in ay Guriga weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ku jawaabay.
"Runtii waxaan kuu sheegayaa majirto ciidamo ay leedahay dowlad kale oo dalka ka howlgalla balse dowladdu baaritaan ayay ku heysaa wixii dhacay si loo soo qabto kuwii ku xadgudbay sharciga dalka ayuu yiri Wasiir Yariisow"
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Ciidamo Weeraray Hoyga C/qeybiid iyo Dowladda oo ka hadashay

$
0
0

Ciidamo hubeysan ayaa duhurkii Sabtida, xilliga Muqdisho, weeraray hoyga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo...

$
0
0

31st December 2017 admin Category :
Waxaa maanta si diiran loo soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee KMG ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Wasiirka Qorshaynta, Iskaashiga iyo xirirka caalamiga dowlada Faderaalka Soomaliya Am Jamaal maxamed Xasan iyo wefti uu hogaaminaayo.
Wafttigaan oo ka soo kicitimay magaalada Mogdisho ayaa salaan la dhexmaray masuuliyintii isugu jiray wasiiro xildhibaano isimo nabadoono aqoonyahano haween oo si diran u soo dhaweeyey Garoonka wasiirka.
Waxaana saxaafada la hadlay wasiirka Qorsheynta iyo xirirka caalamiga dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax isagoo ku soo dhaweeyey hadalka wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ugu horayn ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, wuxuuna xusay in maalmo joogi doonaa Puntland lana kulmi doonaa bulshada iyo masuuliyinta dawladda Puntland.
Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe.
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 31. december 2017

storvideo: 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo go’aan...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- kulLanka Gudiga joogtada ah oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa lagu ansixiyay Qaraar kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku aadan Codsigii kasoo baxay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kaasoo ku aadanaa in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha shacabka.
Guddoomiye ku-xigeemnka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Guddiga joogtada uu isku raacay in la joojiyo soo jeedinta ku saabsan xasaanad ka qaadida Xildhibaanada oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka, kaasoo dhowaan soo eedeeyay Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure,maadaama uusan jirin sharci gaar ah oo tilmaamaya nidaamka ilaalinta Xasaanadda,habraaca loo marayo Xasaanad ka qaadista Xildhibaanada iyo habraaca loogu gudbin lahaa kullamada guud ee Golaha.
Sidoo kale Gudiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka hadlay waqtiga ay fasaxa kasoo laabanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka islamarkaana uu dib u furmayo Kalfadhiga sedaxaad ee Golaha shacabka.
Gudiga joogtada ah ee golaha Shacabka ayaa kulanka maanta ay yeesheen waxa uu ahaa kii ugu dambeeyay waxaana ay dib isugu soo laaban doonaan marka la gaaro 15-February ee sanadka 2018-ka isla bishaas dhexdeeda oo uu furmi doono kalfadhiga sedaxaad ee golaha shacabka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleHooyo Nasro oo Madaxda Qaranka iyo Bulshada ka codsatay in la caawiyo wiilkeeda oo aan lahayn meel uu ka saxaroodo+Sawirro
Next articleAMISOM oo Booliska Soomaaliya u tababareysa ka hortaga Aaladaha Qarxa

storvideo: 

40 arday oo dhameystay Hogaanka iyo Maamulka oo...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Munasabada lagu maamusayey 40 arday oo dhamestay labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iyo dhaqaalaha islaamka waxna ka bartay Akadimayada Barashada hogaanka iyo Maamulka ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari,
Xalfada ayaa waxa ka qeyb galay Maamulka Akadimayada Barashada Hogaanka iyo Maamulka ,wakiil ka socday Jaamacadaha Bosaso ku yaala ,Gudoomiyaha Mu,asasad Al-minhaa ,walidiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Dr Maxamuud Sheekh Cismaan Diyeeshe oo ah Maamulaha Akadamiyada Hogaanka iyo Maamulka oo ugu horan madasha ka hadlay waxa uu ka sheekeyey marxaladihii kala duwan ee ay Akadamiyadu soo martay iyo tirada ardayda qalinjabinaysa.
''Ardaydu wax ay iskugu jiraan labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iya sida oo kale Maamulka dhaqaalaha islaamka tiradooduna waa 40 arday oo gabdho iyo wiilal ah waana dafcadii labad oo Akadamiyada ka qalinjabisa tan iyo markii dhid baha loo taagay''sidaas waxa sheegay Dr Maxamuud sheekh Cismaan Diyeeshe Maamulaha Akadamiyada
Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Bosaso oo ka hadlay goobta waxa ay u hanbalyeyen ardayda qalinjabisay waxan ay kula dar daarmen in ay buslahada uga faa,ideeyan waxii ay soo barteen.
Qaar ka mid ah ardayda oo madasha ka hadlay waxa ay iyaguna dhankooda balan qadeen in cilmigii ay barteen bulshadooda uga faa,idan doona.
Waxa xusid mudan in shahaadooyinka ardayda la gudoonsiyey in ay ka yimadeen Akadamiyada Caalamiga ah ee barashada hogaanka iyo Maamulka ee ku taala Magaalada Khartuum ee - dalka Suudaan.Cabdiqani BoosPuntland Post-Bosaso
The post 40 arday oo dhameystay Hogaanka iyo Maamulka oo xalfad Bosaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xaflad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday...

$
0
0

152 arday oo dhameystay Kulyadaha kala duwan ee Jaamaacada Geeska Afrika ayaa xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho Xaflada waxa ka qeyb galay wasiiro dowlaha waxbarashada Soomaaliya. Xildhibaano masuuliyiin kale, madaxda Jaamacadda, marti sharaf iyo waalidiin, waxa lagu soo bandhigay riwaayad ka turjamaysay ahmiyada waxbarashada Agaasimaha Guud ee wasaarada shaqada iyo Arrimaha [...]
storvideo: 

Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo oo lagu wareejiyay...

$
0
0

Deeq baabuur Ambulance oo ka timid Dowladda Dalka Sacuudiga ayaa maanta lagu wareejiyay bahda Caafimaadka Gobolka Mudug deeq, waxayna qeyb ka tahay deeq loogu talagalay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
Hay,add magaceeda la yiraahdo Kibaaro ayaa ku wareejisay deeqdaan maamulka Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug, waxaana goobjoog u ahaa munaasabadii lagu wareejiyay saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Qeybaha kala duwan ee bahda caafimaadka Gobolka .
Deeqda baabuurta oo ka kooban saddex gaari ayaa labo ka mid ah loogu talagalay dhaawacyadda waxaana bixisay Dowladda Sacuudiga iyo hal gaari oo loogu talagalay meydka oo ay bixisay Hay,adda Kibaaro.
Axmed Baaba-raqiis oo wakiil ka ahaa wareejinta deeqda ayaa sheegay inay qeyb ka tahay deeq loogu talagalay dalka Soomaaliya islamarkaana dhawaan ay rajaynayaan inay soo gaarto deeq loogu talagalay Puntland.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay deeqda ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid kasta oo kasoo shaqeysay Gargaarkan maanta lagu wareejiyay. GaalkacyoPUNTLAND POST
The post Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo oo lagu wareejiyay deeq gadiid ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Siyaasaddu Mooshin maaha

$
0
0

31st December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Siyaasiyiinta Beesha Habar Gidir oo booqday Gurigii hogaamiyahooda Qaybdiid
Xildhibaano iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee beesha Habar Gidir ayaa maanta booqday hoyga Hogaamiyahooda Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho oo ay shalay sida uu sheegay Musqushiisa ay baaritaan ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.
Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada booqatay guriga Cabdi Xasan Cawaale ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay oo weliba aan la tixgelin qaybaha ka mid ah gurigiisa oo ay ka mid tahay Musqushiisa.
"Waxaan galabta hoygiisa ku booqanay Senator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Gudoomiyaha Gudigga Dastuurka ee Labada Gole oo ay shalay si sharci daro ah ugu dhaceen hoygiisa ciidanka afduuban oo la mid kuwii dhowr habeen ka hor I soo weeraray."ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii booqatay hoyga Cabdi Qeybdiid.
[embedded content]
Post navigation
- Wasiirka Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo Garoowe Soo Gaaray.
storvideo: 


Dhacdooyinka Caalamka ee Sanadka 2017

$
0
0

Waa barnaamij gaar ah oo ku saabsan waxyaabihii ugu waaweynaa ee caalamka ka dhacay sanadka 2017ka, waxaana soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan iyo Sahra Cabdi Axmed

Milateriga Nayjeeriya Oo Ka Hortegay Weerar Kaga...

$
0
0

Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger.
Mintidiintan la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ayaa bartilmaameedsaday saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Kanamma ee gobolka Yobe.
Dad tuulo-joog ayaa iyagana la bartilmaameedsaday sida ay wararku sheegayaan.
Laakinse taliyaha milateriga Nayjeeriya ee dagaalka kula jira kacdoonka Boko Xaraam ee gobolka, Sarreeye gaas Nicholas Rogers, ayaa BBC u sheegay in qolyihii weerarka soo qaaday la waabiyey.
Wuxuu sheegay in aysan weli qiimayn khasaaraha, ka dib dagaal dhowr saacadood ka socday meel lama degaan ah.
Waxaa kaloo jiray weerarro ay qaadeen rag loo malaynayo inay kooxaha kacdoonka wada ka tirsan yihiin, oo ay ku qaadeen tuulada Maiwa oo u dhow magaalada Maiduguri ee gobolka jaarka la ah Borno.
Ugu yaraan afar qof ayaa halkaa ku dhintay Sabtidii.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhacdooyinka Caalamka ee Sanadka 2017

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Waa barnaamij gaar ah oo ku saabsan waxyaabihii ugu waaweynaa ee caalamka ka dhacay sanadka 2017ka, waxaana soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan iyo Sahra Cabdi Axmed
storvideo: 

AMISOM oo Booliska Soomaaliya u tababareysa ka...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano "Improved Wired Explosive Devices (IEDs)"
Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Kooxda Al-Shabaab.
Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Kooxda Argagixisada ay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.
Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi,ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs),islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.
" Waxa ugu muhiimsan ay hadda barteen waa in loo diido Kooxda Nabadiidka fursada lagana hortago iney sidaasi sameeyaan,iyadoo loo marayo si xeeladeysan," ayuu yiri Sarkaalka tababarkaan fulinaya.
Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).
Tababaro nuucaani oo kale ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ku qabteen qaar ka mid ah maamul Goboleedyada sida Maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
storvideo: 

R/wasaare Khayre oo hoygiisa ku booqday Senator...

$
0
0

Mudane Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ujeedka booqashada Ra'iisul Wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Mudane Cabdi Qeybdiid. Ra'iisul Wasaaraha [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live