Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota reer Siciid Qalinle...

$
0
0

Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota reer Siciid Qalinle Samatar.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 3rd, 2018 and filed under Daily Somali News, Tacsi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Annaga oo kala ah.

  1. Dr. Mohamed Nuh Ali
  2. DR. Sacad Haji Hirsi
  3. Bashir Sh. Omer Goth
  4. DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani
  5. Ali Sh. Omer Sh. Muse
  6. Rashid Abdillaahi Qalib
  7. Ex. Wasiir Mohamed Abdillaahi Obsiye
  8. Abdillaahi Ibrahim Fanax
  9. Abdikarim Haji Ibrahim
  10. Ibrahim Aw Ahmed Absiye
  11. Hassan Bile Amir
  12. Abdillaahi Maah.
  13. Abdi Barkhad Ismail
  14. Harawe Sh. Omer Goth
  15. Mustafe Daud Aw Hassan
  16. Mohamed Osman Dhirane
  17. Omer Ismail Sh. Muhumed
  18. Omer Aden Liibaan
  19. Mohamed Aden Egeh
  20. Abdilxamid Sh. Muhumed Farax
  21. Ahmedweli Sh. Omer Goth
  22. Abokor Nuh Ali

Waxan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa reer Siciid Qalinle Samatar meel kasta oo ay joogaan, waxanan ka tacsiyadaynaynaa geerida ku timid wiilkooda Marxuum Cisman Siciid Qalinle, oo maanta ku geeriyooday magaalada Djabouti.
Allaha u naxariisto marxuumka, eheladiisiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Aaammiin
This post has been viewed 315 times.
storvideo: 


Warqad Gacanta uu ku Qoray, Dardaarankii Cali...

$
0
0

Sam Al-Ghabari, oo ah suxufi Yemeni ah oo ka ag dhawaa madaxweynihii Yemeni Ali Abdullah Saleh, ayaa daabacay nuqul warqad ah oo uu sheegay inay tahay dardaarankii ugu dambeeyey ee uu soo gudbiyey wiilashiisa iyo Shacbigiisa."Haddii aad heshaan waraaqdan, waxaad ogaataan inuu dalku qaali yahay" ayuu ku yidhi waraaqda Salih una muuqata mid si degdeg ah loo qoray.
Waxaanu kula dardaarmay Caruurtiisa , Shacabkiisa iyo ninka uu warqada u soo dirayba kulana taliyay inaysan is dhiibin, Iyo in aanay hoos u dhigin Jamhuuriyadda Yemen, Xilligan la joogo waxaan arkayaa naftayda kali ah iyo qaar badan oo ka mid ah Khaa`imiinta Qiimaha jaban ku iibiyey Yemen."
Farriinta ayuu ku soo gabagabeyay "salaanta dadka Yemen", hadday farriintu sax noqoto, wuxuu dareemayay wakhtiga soo socda: "Waxaynu ku kulmi doona Jannada Fardawsa Al-Acla."
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Nin La Badbaadiyey Ka dib Markii Gaadhigiisu ku...

$
0
0

Fiidyaw la qaaday ayaa muujinaya ilbidhiqsigii la badbaadinayay nin gaadhigiisi ku qaraqmay Dekada Gacanka Mexico, Florida, sida laga soo xigtay ilaalada xeebaha, Samata bixiyayaashu waxay ku degdegeen inay badbaadiyaan Nafta ka dib markii gaadhiga ku dhacay biyaha.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Eeg : Mas Naf ahaantiisa Is-Liqaya !

$
0
0

Baraha Bulshada ayaa waxa la soo dhigay fiidiyoow ku saabsan Mas isku dayaya inuu is liqo isagu gudaha sanduuq quraarad oo yaal guri.
Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa qof u muuqda inuu yahay raga rabaysada xayawaanka oo ku qoslaya Mas-ka isaga oo sudhay qoortiisa.
Khubarada ayaa sheegtay in heerkul-ka sarreeya kor u kiciso maskaxda masaska, taas oo keenaysa dareen been ah oo gaajo ah, iyada oo u keenaysa inay waxa ugu horeeya ee hortooda yaala cunaan, waana ta keentay in maskani dabadiisii liqo isagina isku bilaabo.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Degmada Doolow oo uu ka socdo shir dib u heshiisiineed

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Gedo(SONNA) Shirkani dib u heshiisiinta ah oo loo qabtay bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maalintii labaad ka soconaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya wakiilo ka kala socoday degmooyinka Gobolka gedo,kuwaasi isdhaafsanaya argti ku aadan sidii loo xoojin lahaa dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka baulshada,taasi o horseedeysa in la dhiso Golaha Deegaanka.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa hormud ka ah habsmai u socodka shirkani ka socoda Degmada Dolow,iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay Xalinta Qilaafadka,nabadgalyada iyodib uheshisiinta Dadka Wada dega Gobalka Gedo,wuxuuna socodoona muddo ku siman 5 maalmood.
Shirkan dib u heshiisiinta ayaa qeyb ka ah dadaalo Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii loo dhisi lahaa Golayaashi deegaanka ee Gobolada Dalka.
Cabdi Faarax Siciid(Juxa) Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya oo dhawaan safar ku tagay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe guud oo ku aadan dhismaha dowladaha Hoose,isagoo tusaale u soo qaatay in degmooyinka qaar ee Koonfur Galbeed laga dhisay Golayaasha Deegaanka,taasi oo horseedeysa in shacabku ay helan fursado.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMas'uuliyiin Soomaali ay ku jirto oo loo dhaariyay xilalkii loogu doortay Minnesota

storvideo: 

Hindiya: Wiil Muslim ah oo loo dilay muran ka dhashay dabaal-degga Sanadka Cusub

$
0
0

Wiil Muslim ah ayaa sida loo garaacayay lagu dilay gobolka bariga Hindiya ku yaalla ee Jharkhand, kaddib markii la sheegay in koox uu ka codsaday inay joojiyaan muusigga dhawaaqa dheer ee ay ugu dabaal-degayeen Sanadka Cusub.

Degmada Doolow oo uu ka socdo shir dib u heshiisiineed

$
0
0

Shirkani dib u heshiisiinta ah oo loo qabtay bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maalintii labaad ka soconaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya wakiilo ka kala socoday degmooyinka Gobolka gedo,kuwaasi isdhaafsanaya argti ku aadan sidii loo xoojin lahaa dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka baulshada,taasi o horseedeysa in la dhiso Golaha [...]
storvideo: 

Dhageyso Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku Gacan...

$
0
0

Iyadoo maanta maxkaamda racfaanka gobolka banaadir lagu balansan yahay dhagaysiga dacwada siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur warsame ayaa siyaasiga waxa uu sheegay in maanta maxkamada uusan hortagi doonin.
Cabdi Raxman Cabdi Shakuur warsame ayaa tilmaamay in maxkamada goboka banadir ay fulisay xukun cadalad ah, Islamarkaan aysan jirin wax dacwad ah oo uu ka qeyb galayo maanta,isagoo intaa ku daray in uusan wakiilan doonin qareena ku matala dacwadaas .
Todobaadkii hore ayay aheyd markii maxkamada racfaanka gobolka banadir ay dhagaysatay dacwada siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur,iyadoo xiligaas loo balamay 3 bisha koowad oo maanta ku beegan.
Hayeeshee Waxaana la ogeyn go'aanka ka soo baxay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaan la ogeyn Hadalka ka soo bixi Doono Maxkamada racfaanka gobalka banaadir.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/01/Diidmo-maxkada.mp3
Share this:
Related
storvideo: 


Dhageyso Magacyada Alshabaab oo 5 Qof ku toogtay...

$
0
0

Maxkamada Al Shabaab ayaa markale dil wadareed ku fulisay Kooxo ay sheegtay in ay Jawaasiis u Ahaayeen dowlado ay kamid yihiin Kenya iyo Ethiopia isla marakaana isku dhax qarinayey shacabka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallo degaanka Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis sida Shabaabka ay sheegeen.
Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan.
waxaana dilka alshabaab ku fuliyeen Fagaara weyn oo ka tirsan Shabeelada hoose oo lagu dilay Shan ruux oo la shaqeynayey sida ay sheegeen sirdoonada dowladaha Ethiopia, iyo Dowlada Kenya iyo dowlada fadaraalka ee Somalia.
Qaadiga Maxkamada Islaamiga ah ayaa goobta fagaaraha ka aqriyay Xukunka dilka ah ee lagu xukumay Shanta kuwaasi oo goobta fagaaraha lagu toogtay.
Magacyada Shanta Jawaasiista ayaa kala ahaa .
1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan Oo Da'diisu tahay 23 Jir Lana Shaqeynayay Maamulka dowladda Federaalka ugu magacaaban degmada Qoryooley.
2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan Oo Da'diisu Tahay 30 Jir wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka
3-Muxamed Abshir Cali Oo Da'diisu Tahay 35 Jir wuxuu la shaqeynayay Taliska Ciidamada Xabashida Itoobiya Ee duullaanka Ku Jooga Qeybo Ka Mid Ah Gobalada Baay iyo Bakool.
4-Cali Axmed Sheekh Cali Oo Da'diisu Tahay 30 Jir wuxuu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka
5-Cali Yuusuf Axmed Oo Loo Yaqaano Jacfar Dheere Oo Da'diisu aheyd 36 Jir wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.Hoos ka dhageyso Xukunka iyo Magacyada
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/01/Xukun-5-Qof-ladilay.mp3
Dhanka kale Al-shabaab ayaa Dilay Shan sargaal oo ka tirsan Booliiska Kenya waxayna gubeen Gaari ay Booliisku lahaayeen, kadib weerar ay ku qaadeen Magaaladda Ceel-waaq ee xuduudda ku taalla.
"Waxaa weeynay Shan Sargaal oo Booliis ah kadib weerar na qabsaday Xilli aan gaaf-wareegeeynay Wadada Katulu ee ceel waaq, Ciidamo gurmad ahaa ayaa sidoo kale laweeraray waxaana la gubay gaari xamuul ah oo ay wateen" ayuu yiri Gudoomiye ku xigenka Mandera Daniel Bundotich oo Warbaahinta Maxaliga ah la hadlay.
Wakaaladda Anadolu oo soo xiganeeysa Dadka Deegaanka ayaa Baahisay in Maleshiyaad ka Weerarka qaaday ay silama Filaan ah u Weerareen Cidamo Howlgal ku jiray oo aan qabin Tuhun Weerar.
Weeraradda Al-shabaab ay Kenya ka geeystaan waxaa ay sababeen in ay lamamnuuca Gaadiidka rakaabka ah ee Habeenkii ku Socdaala gobolka Woqooyi bari kenya
Share this:
Related
storvideo: 

Garab ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Awdal iyo...

$
0
0

Garab ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Awdal iyo Sheekhul baladka Borama oo booqday Jig jiga. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 3rd, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Oday dhaqameedyada gobolka Awdal garab ka mid ah, shakhiyaad dalxiil ahaa oo qurba joog ah iyo Sheekhul baladka Borama Sh. Abdillaahi Sh. Ali ayaa maalintii shalay ahayd ka soo laabtay magaalada Jig Jiga.
Wafdigan odayada ah ayaa ujeedkoodu ahaa in ay wada xaajood iyo arrimaha cakiran ee gobolka kala soo hadlaan Madaxweynaha degaanka Somalida Ethopia. Laakiin mar ay warsaxaafadeed kaga warramayeen socdaalkoodan, si cad uma ay sheegay ujeeddada socdaalkooda ee xilligan yimid.
Dhinca kale waxa wafdiga aan ka mid ahayn salaaddiin miisaan ku leh gobolka amma galbeedka Somaliland oo matala shacab aad iyo aad u luxdan. Sababta ay weli salaadiintu u kala qaybsan yihiinna lama garanayo.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 30 times.
storvideo: 

Hindiya: Wiil Muslim ah oo loo dilay muran ka...

$
0
0

Wiil Muslim ah ayaa sida loo garaacayay lagu dilay gobolka bariga Hindiya ku yaalla ee Jharkhand, kaddib markii la sheegay in koox uu ka codsaday inay joojiyaan muusigga dhawaaqa dheer ee ay ugu dabaal-degayeen Sanadka Cusub.
Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Mandar, oo u dhow caasimadda gobolkaasi ee Ranchi.
Dadka ayaa Talaadadii xiray waddooyinka waaweyn iyagoo codsanaya in la soo xiro dadka looga shakisan yahay dilka ninkaasi, balse waxaa isla markiiba kala cayriyay booliiska.
Ciidamo ammaanka suga oo dheeri ah ayaa goobta lagu daad-gureeyay si ay u ilaaliyaan nabadda qowmiyadaha Muslimiinta iyo Hinduuga halkaasi ku wada nool.
Waseem Ansari, oo 19 jir ahaa, ayaa ka shaqeynayay magaalada Pune wuxuuna xaafaddiisa dib ugu laabtay labo maalin uun kahor.
Sarkaal sare oo booliis ah ayaa Laanta Afka Hindiga ee BBC u sheegay in baaritaan horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in kooxda wiilka dishay ay shiteen muusig ay ugu dabaal-degayeen Maalinta Sanadka Cusub.
Wuxuu sheegay in Waseem Ansari iyo labo saaxiibbadiis ah ay u tageen kooxda una sheegeen inay joojiyaan muusigga dhawaqa dheer. Arrinta ayaa muran isku beddeshay kaddibna kooxda ayaa weerartay Waseem oo dishay. Saaxiibbadiis ayaa la sheegay inay baxsadeen.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in labada qowmiyadood ay ka codsadeen inay nabadda dhowraan, dadka dilka geystayna la soo qaban doono.
Hasibul Ansari, oo isla xaafaddaasi ku nool ayaa BBC Hindi u sheegay in kooxdu ay xaflad ku dhigteen meel u dhow qabri Muslimiinta lagu aaso, sidaa darteedna uu Waseem ugu sheegay inay joojiyaan, kaddibna ay dileen.
storvideo: 

Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10...

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii tegay ee 2017 siyaadisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku qaadayso mintidiinta Xagjirka ah ee Soomaaliya,waxayna qaadday in ka badan 30 weerar oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish.
Inta badan weerarradii dhacay sannadkii 2017 waxaa lagu beegsaday Al-shabaab,marka laga reebo laba kamid ah oo lagu qaaday koox yar oo ku sugan buuraleeyda degmada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish.
Horraantii bishii Nov ee sannadkii 2017 ayaa Maraykanku Soomaaliya ka fuliyey weerarkii ugu horreeyey ee lagu qaado Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland,balse wax khasaare oo weyn ma geysan.Haddaba aan idiin soo bandhigno tirada duqeymihii Maraykanka ee 10 sano ee dambaysay ka dhacday Soomaaliya.2007 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.2008 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.2009 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya.Sannadihii 2010 iyo 2011 midna wax duqeyn ah Maraykanku kama geysan Soomaaliya.2012 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya.Sannadkii 2013 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.2014 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo lagu qaaday Koonfurta.2015 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.2016 Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fulisay 15 duqeymood oo dhammaantood ka dhacay koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.Sannadkii tegay ee 2017 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay duqeymihii ugu badnaa oo gaaraya 35 weerar,waxaana 33 kamid ah lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya,halka labada kale lagu beegsaday Daacishta ku sugan degaannada Puntland.
PUNTLAND POST
The post Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10 sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Mas’uuliyiin Soomaali ay ku jirto oo loo dhaariyay...

$
0
0

Minnesota(SONNA) Soomaalida kunool Mareykanka yaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay uga soo dhex muuqan lahaayeen bulshooyinka kale ee Mareykanka ah ee kunool Dalkaasi,gaar ahaan dhinacyada maamulka,shaqo abuurka iyo la dhaqanka bulshada.
Waxaa dhawaan dalkaasi Gobolo kamid ah ka dhacay doorashooyinkii Golaha Deegaanka,oo dadkii ku guuleystay ay qeyb ka ahaa yeen muwaadiniin Soomaaliyeed,kuwaasi oo degan Gobolka Minnesota.
Musharixiintii ku guuleystay xilkaasi oo ay dada Soomaali ah ay kujiraan ayaa si rasmi ah loogu daariyay masuuliyadihii loo igmaday,si ay u guda galaan gudashada waajibaadkoda shaqo.
Mas'uuliyiintii la dhaariyay waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Xasan oo loo yaqaano "AK Hassan"Cabdulqaadir AK ayaa waxaa loo doortay xubin ka tirsan Guddoonka Goobaha lagu nasto iyo Garoomada Ciyaaraha dadweynaha ee magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka.
Waxaa munaasabadda dhaarinta ha goob joog ka ahaa Dhaarta Duqa magaalada Minneapolis, Guddoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga ee gobalka Minnesota iyo Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida, ayaa waxaa lagu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Xasan C/qaadir ayaa VOA u sheegay in uu ku faraxsanyahay xilkaasi oo loo doortay islamarkaana uu muujin doono dadaalkiisa ku aadan ka shaqeynta horumarka bulshada.
storvideo: 

DFS oo farriin u dirtay Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto ee dalka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa soo saartay War saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto ee ku yaalla Magaaladda Muqdisho iyo dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya.
Qoraalka War saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo lasoo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sidan u qornaa:-
Halkaan Hoose ka Akhriso:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/Warsaxaafadeed-1-001... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/Warsaxaafadeed-1-001... 745w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/Warsaxaafadeed-1-001... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/Warsaxaafadeed-1-001... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/Warsaxaafadeed-1-001... 305w" sizes="(max-width: 441px) 100vw, 441px" />
The post DFS oo farriin u dirtay Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto ee dalka appeared first on Shabelle.

Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha JSL, Md. Muuse Biixi Oo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaana loo sii xoojin lahaa.
Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siiyey sidii uu xidhiidhka labada dal u noqon lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey is-kaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.
Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somalilnad, ayaa kusoo beegmaya xilli uu xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo, isla markaana ay bulshada labada dhinac yihiin kuwo dhaqan iyo isir wada dhalasho wadaaga wakhtigana si habsami leh isugu tallaabaan dhinaca xuduudaha labada dal.

storvideo: 


Gudaha Ka Eeg :Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay...

$
0
0

Waxaaa Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag safar ku yimid Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan .
Hadaba Waxaa Socdaalka Wasiirkaasi si adag uga hadashay Xukuumadda Somaliland, iyadoo si adag uga biyo-diiday Socdaalkaasi .
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire oo ka hadlay Socdaalkan Wasiirka Somalia Ee uu ku yimid Gudaha Somaliland ayaa waxaa uu yidhi .
" Arrinka aad iyo aad ayaanu uga biyo-diidsanahay, Somaliland iyo Somalia waxaa u dhaxeeyaa xad-caalami ah oo la yaqaano, in xad-ka laga soo gudbo, xad-gudub ayay ku tahay Somalia, arrinkaasina waxaa uu khal-khal-galinayaa cilaaqaad-kii Somaliland iyo Somalia, Waxaanu ku dambayn-doonaa iska hor imaad, taas oo aan dan u ahayn dadka Deegaanka iyo Gobolka Toona " Ayuu Yidhi Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire .
Waa Markii kowaad ee Wasiir Somalia ahi uu Socdaal ku yimaado Deegaan ku yaalla Gudaha Somalia, ka dib bur-bukii Dawladii Somalia .
Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Ee WADDANI ayaa isna Socdaalkaasi aad u cambaareeyay, eedeedana Xukuumadda Cusub dusha u saaray .
storvideo: 

US Airstrike in Destroys Al Shabaab Vehicle Carrying Explosives

$
0
0

The U.S. military says it has carried out an airstrike in Somalia that killed two al-Shabab extremists and destroyed a vehicle carrying explosives, “preventing it from being used against the people in Mogadishu.”
The U.S. Africa Command statement says the airstrike occurred early Tuesday about 50 kilometers (31 miles) west of the capital. It says no civilians were killed.
Mogadishu is frequently targeted by the al-Qaida-linked al-Shabab. The extremist group was blamed for the October truck bombing that killed 512 people in the capital.
The U.S. military carried out more than 30 drone strikes last year against al-Shabab and fighters linked to the Islamic State group after the Trump administration approved expanded operations in the Horn of Africa nation.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/usa-300x244.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/usa-768x623.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/usa-696x565.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/usa-517x420.jpg 517w" sizes="(max-width: 797px) 100vw, 797px" />
The post US Airstrike in Destroys Al Shabaab Vehicle Carrying Explosives appeared first on Shabelle.

Xildhibaan C/qaadir jaamac xamud Ayaa Dhibsaday...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Xildhibaan C/qaadir jaamac xamud Ayaa Dhibsaday Warar Ay Warbaahintu ka fideen .
Daawo :
[embedded content]
storvideo: 

kulankagayu wuxuu daaranaa xisaabxidhadii 2016ka iyo...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-kulankayagu wuxuu daaranaa xisaabxidhadii 2016ka iyo waxyaabaha ku gadaman-Xil Naasir Cali shire.
Daawo warkaasi Oo faahfaahsan:
[embedded content]
storvideo: 

waxaanu ka Wado Hadalay koncinta Miisaaniyada...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-waxaanu ka Wado Hadalay koncinta Miisaaniyada Qaranka.-Hanti dhowrka Guud Qaranka .
Daawo muuqaalkaasi hantidhowraha qaranka somaliland:
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live