Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga mamnuucay safarada dibadda

$
0
0

Maxkamadda racfaanka ayaa maanta soo saartay go'aan ay safarada dibadda uga mamnuucday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga mamnuucay safarada...

$
0
0

Maxkamadda racfaanka ayaa maanta soo saartay go'aan ay safarada dibadda uga mamnuucday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, inta uu socdo baaritaanka.
Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go'aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka gaaray dacwadda loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Go'aankii hore ee maxkamadda wuxuu dhigayay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin go'aankii maxkamaddaasi oo ahaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan geysan wax dambi, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhaw maxkamadda racfaanka.
Maxkamadda oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go'aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.

  • Soomaaliya siyaasad noocee ah ayay u baahan tahay?
  • Laba arrimood oo aan looga hadlin warmurtiyeedkii Muqdisho

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay in ay diideen in ay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.
Shan ka mid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo in ay bixiyaan lacag gaareysa $2,000 oo dollar.
Saddexda qareen ee kale waxa lagu xukumay oo keli ah in ay bixiyaan ganaax lacageed oo u dhigma $2,000.
Qareennada difaacaya siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaanan xaadirin fadhigii maxakamadda oo sidoo kale laga mamnuucay warbaahinta.
Muxuu galabsaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur?
Sida lagu qoray warbixin ay dowladda soo saartay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan waxaa lagu sheegay in ay yihiin "qiyaano qaran, khal-khal gelin iyo burburinta hannaanka dowladnimo, iyo u adeegis danno dowladdo shisheeye". Lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda loo adeegayo.
Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo "ay cid kasta ku qanci doonto" sida uu hadalka u dhigay ka dib markii la weeraray guriga siyaasiga.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaanan la xirin ka hor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo eedeymaha loo jeediyay xildhibaanada, wuxuuna ku tilmaamay talaabo lagu doonayo in lagu burburiyo dimoqoraadiyadda.
Xisbiga Wadajir ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xariga siyaasiga.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Guddoomiyaha Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed oo ku...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Xasan Abshir Maxamed Guddoomiyaha Guddiga SHaqaalah Rayidka Soomaaliyeed oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku so bandhigaysay waxqabadkeeda ayaa ka hadlay sida ay shaqaalaha Rayidka ay u heleen xuquuqdooda iyo kaalinta Wasaaradda Maaliyadda.
Wuxuu ku ammaanay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya sida ay u joogtaysay bixinta mushaharadka Shaqaalaha Dowladda mudadii sanadka ahayd,isagoo ugu hambalyeeyey guulaha maamulka maaliyadeed oo ay gaartay Wasaaradda.
"Hablayo iyo bagaadin ayaan udirayaa Wasaaradda Maaliyadda Mushaarka shaqaalaha waa labixiyay waana arrin amaan mudan,shaqaalaha walwalkii ay ka qabeen mishaar la'aanta in wey ka baxeen. shaqaalaha waxaa lagarabaa oo waajib ku ah in adeeegga shacabka ay u hayaa in si dhab ah ay u qabtaan,musuqana waxaa qeyb ka ah in adiga oo lacag qaadanaya aadan shaqeyn oo aadan soo xaadirin, Hay'adaha Dowladda waxaan ka codsnayaa in shaqlaalaha la howlgaliyo si ay shaqadooda si fiican igu gutaan", Ayuu yiri Xasan Abshirow .
shaqaalaha waxaan ka shaqeyneynaa in aqoontooda kor aan u qaadno waan bilownay. Xukuumadda Soomaaliya waxaan laga rabaa in barnaamijo shaqo abaaur ah loo sameeyo dadka dhalinyarada ah taasi waxay keeneysaa in Aminiga ay qeyb weyn ka qaadato waxaa kaloo ay u noqoneysaa shaqo abaaur.
Guddoomiyaha guddiga SHaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed Xasan Abshir Maxamed (XasanAbshirow) ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii shaqalaha ay u heli lahaayeen tababaro ku filan sis are loogu qaado aqoontooda iyo xirfadooda,si adeeg tayo leh ay ugu qabtaan bulshada Soomaalyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKalfadhigii 2-aad ee Golaha Aqalka Sare oo Maanta soo xirmay+Sawirro

storvideo: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018 uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay'adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya

  1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,
  2. Hay'adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
  3. Wasaaraddaha loo bedelay hay'ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay'ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  4. Hay'adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
  5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu: Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;Markaan Arkay:Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay'adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;Markaan Arkay; Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya'daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;Markaan Go'aansaday;In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;Waxaan Soo-saaray
Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay'adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.ALLAA MAHAD LEHMuuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
storvideo: 

Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen Xubno...

$
0
0

Militeriga Maraykanka ayaa sheegay in laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Soomaaliya ka geysteen Salaasadii Shalay.
Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in queynta oo ka dhacday meel 50km galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ay ku dhinteen laba ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalena lagu burburiyey gaarigii ay saarnaayeen.
Taliska ayaa qoraalka ku susay in duqeynta looga hortagay qaraxyo loo waday dhinaca magaalada Muqdisho oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka magaaladaasi.
Ma jiraan wax rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta,sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee(AFRICOM)
PUNTLAND POST
The post Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag

$
0
0

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaaddacay go...

$
0
0

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame oo goor dhoweyd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa qaaddacay dhammaan go'aannadii Maanta ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir."Waxaan cadeynayaa inaan aqbalsanayn go'aanka ay maxkamadu maanta ku siisay xeer ilaalinta muddo sagaashan casho ah taasoo xeer ilaalintu ku dooneyso inay ku soo dhoodhoobto waxyaabo been abuur ah, waxaana cadeynayaa in la gaari doono maalin lala xisaabtami doono dhamaan xafiisyada haysta awooda ku takrifalaya, sida xafiisyada garsoorka iyo kuwo fulintaba,"ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.
Sidoo kale Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay cabburin xooggan ku hayso Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ka horjeeda,islamarkaana ay faro-gelinayso Nidaamka Garsoorka dalka.
Dhammaan taageerayaashiisa ayuu ugu baaqay in ay is-dajiyaan"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya".
The post Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaaddacay go'aannadii Maxkamadda Rafcaanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Xog: Baaritaankii Weerarka Guriga Cabdi Qeybdiid oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Baaritaankii dowladda Soomaaliya ku sameysay weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababaray ayaa soo dhammaaday iyadoo la filayo in la shaaciyo natiijada kasoo baxay.
Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in weerarka ay ka danbeysay dowladda Imaaraadka, isla markaana amarkiisa uu bixiyey sarkaal Imaaraadka Carabta u jooga Muqdisho, kaasoo madax ka ah howlgalka UAE ee Soomaaliya.
Warbixin ay Imaaraadka bixiyeen ayaa sheegeysa in baaritaanka uu ka mid ahaa shaqo argagixiso la dirir joogto ah oo Dowladda Soomaaliya ay heshiis ula galeen, waxaana ay ciidamada ku daba jireen qof telefoon lambar watay oo laga soo raad-raacay degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, balse lagu waayay markii uu telefoonka ku densaday agagaarka Guriga Cabdi Qeybdiid.
Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa urursada telefoono, waxayna Sheekhada Imaaraadka ee kiiskani sheegeysaa inaysan helin qofkii ay telefoonkiisa baadi goobayeen, isla markaana ay cudurdaar ka dhigteen inaysan ciidamada weerarka qaaday ogeyn inuu Guriga deganaa Senator Cabdi Qeybdiid.
Arrintan ayaa shaki badan ku dhalisay dowladda federaalka iyo hay'adaheeda ammaanka, waxaana natiijada baaritaankooda ay la wadaageen madaxda sare ee dowladda, iyadoo aan la ogeyn qaabka loo shaacin doono.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Cabdiraxmaan Cabdishakur: Ma aqbalsani go’aanka...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta xisbiga Wadajir ayaa sheegay in aanu aqbaleyn go'aanka maxkamadda racfaanka ee safaradda looga mamnuucay, lagu amray in la sii wado baarista dacwadiisa muddo 90 cisho ah isaga oo intaasi raaciyay in arrinkan ay tahay fursad xeer ilaalinta loo siiyay in ay soo dhoo-dhoobaan eedeymo been-abuur ah.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa go'aanka ku tilmaamay mid siyaasadeysan, oo la doonayo in isaga lagu sumcad dilo, lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqiisa iyo hankiisa siyaasadeed, isaga oo cambaareeyay waxa uu ugu yeeray ciqaab wadareed loo geystay qareenno diiday in ay u doodaan.
Siyaasiga Shakur waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sida madaxda dowladda iyo garsoorka isaga indho-tireen weerarkii lagu soo qaaday xarunta xisbigooda iyo dilkii goobtaasi ka dhacay.
Mar uu ka hadlayey go'aanka ay maxkamadda gaartay waxaa uu sheegay in ay ka dhigan tahay in mugdi gashay sareynta sharciga, isaga oo madaxda dowladda ku eedeeyay aabulka dilal qorsheysan iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Siyaasiga Warsame waxaa uu soo qaatay in laga gaari-doono maalin lala xisaabtamo Xeer ilaalinta iyo madaxda dowladda .
Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, Taageerayaashii ayuu u soo jeediyay in ay isdejiyaan, isaga oo u mahadceliyay odoyaasha dhaqanka iyo cid walba oo gacan ka geystay arrinkiisa.
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo la kulmay...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Devid Concar, ayaa waxaa looga hadlay howlaha golaha Shacabka iyo kaalinta Dowladda Ingiriiska.
Ugu horeen guddoomiyaha Golaha shacabka, ayaa safiirka uga warbixiyay howlaha golaha shacabka oo hadda ay hakad ku jiraan fadhiyada guud ee golaha ,maadaama uu dhowaan xirmay kalfadhiga labaad ee golaha.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa aad u ammaanay howsha golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka, isaggoo sheegay dowladda UK inay mar walba diyaar u tahay taageerida Baarlamaanka Soomaaliya iyo horumarintiisa.
Kulanka ayaa inta uu socday waxa ay isla soo hadal qaadeen waxyaabihii golaha shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha u degsan iyo sidoo kale doorka deeq bixiyaasha caalamka.
Sidoo kale xoojinta xiriirka iyo Horumarinta iskaashiga Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa looga hadlay kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS iyo Danjiraha Dowlada Britian u fadhiya Soomaaliya.
Ugu dambeyn Danjire Divid Concar Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay boggaadinta howlaha adag iyo shaqooyinka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
storvideo: 

Aabaha Dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada...

$
0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Gudoomiye Jawaari Oo La Kulmay Safiirka Dowladda...

$
0
0

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ''Jawaari'' uu la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar ayaa waxaa looga hadlay howlaha golaha Shacabka iyo kaalinta Dowladda Ingiriiska.
Ugu horeyn guddoomiyaha golaha shacabka ayaa safiirka uga warbixiyay howlaha golaha shacabka oo hada ay hakad ku jiraan fadhiyada guud ee golaha ,maadaamaa uu dhawaan xirmay kalfadhiga labaad ee golaha.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa aad u amaanay howsha golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka isago sheegay dowladda Uk ay mar walba diyaar u tahay taageerida Baarlamaanka Soomaaliya iyo horumarintiisa.
Kulanka ayaa inta uu socday waxa ay isla soo hadal qaadeen waxyaabihii golaha shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha u degsan iyo sidoo kale doorka deeq bixiyaasha caalamka.
Sidoo kale xoojinta xiriirka iyo Horumarinta iskaashiga Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa looga hadlay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS iyo Danjiraha Dowlada Britian u fadhiya Soomaaliya.
Ugu dambeyn Danjire Divid Concar Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliy ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay bogaadinta howlaha adag iyo shaqooyinka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Oo Goordhow Ka...

$
0
0

Shir Jaraa'id uu goordhow Warbaahinta ugu qabtay Xarunta Xisbiga Wadajir ayaa waxa uu ka soo horjeestay Go'aanka Maxkamada Racfaanka gobolka banaadir uga mamnuucday in uu dalka ka dhoofo.
Waxa uu shegay in dhibaatooyin horay loogu geystay weli lala daba joogo isla markaana ay masuul ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sid Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Waxa uu sheegay in go'aanka Maanta Maxkamada Racfaanka ay ku burisay Go'aankii Maxkamada Gobolka Banaadir uu yahay mid Siyaasadeysan isla markaana laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu shegay in Garoorka dalka uu iska indho tiray dhibaatadii loo geystay ee lagu laayay 5 ka mid ah ilaaladiisa oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

War deg deg ah Aqriso Magacyada Wasiirada RW Kheyre...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:
1.
Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah
2.
Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha
3.
Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.
Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;
Waxuu magacaabay:Qodobka 1aad - Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.
Qodobka 1aad - Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.Qodobka 2aad;Qodobka 1aad - Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.
Qodobka 2aad;
Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda
Qodobka 3aad;Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;
Share this:
Related
storvideo: 


Somali returnees worry about amenities

$
0
0

Aden Abdiraman Warsama, a Somali refugee who has been living at the Dadaab camp in Garissa County in northeastern Kenya since 2008, is optimistic about returning home.
We met him on December 19 at the county airstrip with his wife and three children waiting to be flown to the port city of Kismayu under a voluntary repatriation programme.
The media had accompanied the United Nations High Commissioner for Refugees, Filippo Grandi to the Dadaab refugee complex. Mr Warsama was among some 20 families and 80 individuals being airlifted to Somalia.Voluntary repatriation
"I need my country," he said of Somalia, which has suffered two decades of civil war that has brought the country to its knees.
While Mr Warsama felt Somalia was stable enough for him to return, he still appealed to the international community to help the government to provide basic amenities such as security and shelter as well as a source of income.
The voluntary repatriation programme was launched in December 2014 after the Kenyan government threatened to close the Dadaab camp that has been in existence for 26 years. Since then some 71,792 of 369,656 Somali refugees have returned to their homes.
This year alone, 32,478 returned to their homes mainly in Kismayu, Mogadishu and Baidoa, that are considered safe. Another 4,949 non-Somalis have been relocated to Kakuma Refugee Camp in Turkana County that mainly houses South Sudanese refugees.
The Kambioos camp in Dadaab that used to hold over 19,000 refugees has been closed. It was one of five camps that made up the Daadab refugee complex. The remaining are Dagahaley, Hagadera, Ifo and Ifo II.
However, not all the remaining refugees are enthusiastic about returning home, citing insecurity, lack of infrastructure, health and educational facilities.Returnees
About 400 Somalia refugees, who had signed up for voluntary repatriation have returned to Dadaab, posing a challenge to the UNHCR on how to help them because they had surrendered their refugee status and are not entitled to ratios.
Particularly, those who were born in Kenya are not even considering the option of returning, because they have no links with Somalia. Among them is 23-year-old Ayan Abdullahi Osman who is now married with four children. Ms Osman, a housewife, stays with her family at Ifo 1 camp.
"If the camp is closed, it is up to the UNHCR to transfer me to another country because I have no links with Somalia, and it is not safe," she said.
Sirat Mohammed, a 51-year-old mother of two from Afmadou, whose son Anas Hassan Abdullahi is disabled, rules out any possibility of returning to Somalia, and would rather the government and UNHCR relocate her to another camp.
Equally Osman Noor Hussein, an 18-year old orphan, who sat for his Kenya Certificate of Primary Education national exams in November at Ali Hulheab Academy in Garissa Township, is instead looking for sponsorship to enable him join secondary school. He has been living with an aunt ever since his parents died in 2002.Donor support
Those who opt to return receive counselling and briefing for two weeks to ascertain that their return is voluntary.
"We also allow them to consult with family and relatives in case they want to change their minds," said James Taban, the repatriation officer.
Once cleared, the returnees receive a cash grant of $200 and a World Food Programme card lasting six months. The package also includes $25 per month for education for the same duration, while those with special needs receive additional $30.
Mr Grandi expressed concerns over diminishing donor support saying that it is difficult to mobilise resources despite the continent hosting many refugees. He said the UNHCR has asked for support for 40,000 new settlements but only resources for 13,000 settlements are available.
"We appeal to the international community not to give up on Dadaab. We have also held discussions with the Kenyan government to help rehabilitate the infrastructure which is shared with the local community," he said.
Source: - Theeastafrican
storvideo: 

Madaxwayne Buhari oo cambaareeyay isku dhacyo ka...

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa cambaareeyay isku dhacyo dhexmaray dad beeralay ah iyo dad xoolo dhaqato ah.
Hadalka madaxwayne Buhari ayaa ka dambeeyay ka dib markii boqolaal qof ay isugu soo baxeen magaalada Makurdi oo ah - gobolka Benue.
Dadkani dibad baxa dhigay ayaa ka soo horjeeday isku dhacyadaasi u dhaxeeya xoolo dhaqatada iyo Beeralayda.
Saraakiisha dalka Nigeria ayaa waxay sheegeen in isku dhacyadani ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof .
Xoola dhaqatada qoomiyada Fulani ayaa waxa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay la dagaalamayeen dad beeralay ah.
Dadkani xoola dhaqata oo intooda badan ah dad Muslimiin ah ayaa waxay dagaal kula jiraan beeralayda oo ah dad u badan masiixiyiin.
Isku dhacyada ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin dhul daaqsimeeed.
Qaar ka mid ah dadka reer Nigeria ayaa waxa ay ku eedeeyeen madaxwayne Buhari in uu iska indha tirayo arrintani .
Madaxwaynaha ayaa soo jeeda qoomiyada xoolo dhaqata ah ee Fulani.
storvideo: 

Ethiopia to release political prisoners, says prime...

$
0
0

In a surprise move, Ethiopia's prime minister has announced the release of political prisoners and the closure of a notorious detention centre, allegedly used as a torture chamber.
Hailemariam Desalegn told a press conference the move was designed to allow political dialogue.
But it is unclear exactly who will be released - or when it will take place.
Ethiopia, a staunch ally of the West, is accused by rights groups of using mass arrests to stifle opposition.
Amnesty International welcomed Mr Hailemariam's announcement, saying it could signal "the end of an era of bloody repression in Ethiopia" - although warned the closure of Maekelawi detention centre should not be used to "whitewash" the "horrifying" events which took place under its roof.Who are the political prisoners?
Those held in jails across the country include opposition activists from the Amhara and Oromia regions, which were at the centre of anti-government protests in 2015 and 2016, as well as the Southern Nations and Nationalities Peoples Region, and journalists who have criticised the government, says BBC Ethiopia correspondent Emmanuel Igunza.
The prisoners also include UK citizen Andargachew Tsege, who was seized in 2014 when changing planes in Yemen and forced to go to Ethiopia, where he had been sentenced to death in absentia for his political activities against the state.
It is difficult to know exactly how many "political prisoners" there are, but our correspondent estimates there are about 1,000 held under the country's anti-terrorism proclamation, including high profile leaders from the opposition.
However, there are another 5,000 cases still pending, made up of those arrested after a state of emergency was declared in October 2016, he adds.Will they actually be released?
The government has given no timeline on the release of the prisoners - including those still awaiting trial - or explained exactly who is considered "political" and who is not.
Our reporter notes a number of cases have political backgrounds, but are also linked to groups the government considers to be terrorists. Nineteen people linked to Ginbot 7 - deemed a terror group - were sentenced to prison terms just this week.
Whether they will all be released remains to be seen.
Any dialogue would have to include legitimate opposition groups like the Oromo Federalist Congress, whose leaders would have to be freed to fully participate in the process, our correspondent says.What about the detention centre?
As well as releasing the prisoners, Mr Hailemariam announced the closure of Maekelawi - a detention facility in the capital, Addis Ababa, which Amnesty International described as a "torture chamber used by the Ethiopian authorities to brutally interrogate anybody who dares to dissent, including peaceful protesters, journalists and opposition figures".
"A new chapter for human rights will only be possible if all allegations of torture and other ill-treatment are effectively investigated and those responsible brought to justice," Amnesty International added.
The government strongly denies the torture allegations, but it has now decided the prison will become a "modern museum" - a move the privately-owned Addis Standard newspaper called for in an editorial in 2016.
A new detention centre will be opened, Mr Hailemariam said, which would comply with international standards.Why now?Our correspondent says the detention of political prisoners has always been a major concern. In December, social media users staged a day of action to remember those held behind bars.
But this decision comes hot on the heels of a meeting between the parties which make up the ruling Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (EPRDF) coalition.
Over the past months, infighting within the coalition, which has been in power for more than 25 years, has led the prime minister to acknowledge the need for change.
The Oromo Peoples' Democratic Organization and the Amhara National Democratic Movement, which are part of the coalition, have been pushing for increased political space and the "respect of their people" following the massive anti-government demonstrations that have been witnessed in the country.Who is Hailemariam Desalegn?
A trained engineer, Mr Hailemariam took the reins of power in 2012, after the death of Meles Zenawi, who had ruled since 1991.
However, while the former deputy prime minister was a close ally of Mr Meles, he struggled to gain approval of the other EPRDF leaders in order to assume his new role.
He is not known for tolerating dissent well, despite statements to the contrary, his critics say.
In 2016, he blamed "anti-peace forces" for the violence in the Oromia region, a year after he told the BBC that bloggers and reporters arrested were not real journalists and had terror links.
Source: BBC
storvideo: 

Daawo: Qodobada adkaa ee CC Shakuur uu u cuskaday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay go'aanka maxkamada Racfaanka Gobolka banaadir ay ku laashay warkii Maxkamada Gobolka banaadir ka soo baxay Bishii hore ee December.
Maxkamada Racfaanka ayaa shalay sheegtay in CC Shakuur aanu ka bixikarin dalka, isla markaana Xeer ilaalinta la faray inay wado kiiskeeda baaritaanka ahaa oo ay ku heysay CC Shakuur.
Go'aanada Maxkamada Racfaanka waxaa kamid ahaa inay waxkama jiraan kasoo qaaday hadalkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh uu ku sheegay inuusan wax danbi ah leheyn Siyaasigan oo weerar lagu qaaday gurigiisa lagu soo qabtay.
CC Shakuur ayaa diidmadiisa go'aanka Maxkamada Racfaanka u daliishaday qodobo dhowr ah oo uu sheegay inaanu qabin sharciga ay Maxkamada Racfaanka kusoo nooleysay kiiskiisa.
Muuqaal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey Xeer illaaliyaha inuu ku xadgudbay xeerka iyo sharciga dalka isagoo sheegay in xarigiisii sharci darada ahaa uu keenay dilka shan kamid ah illaaladiisa.
Hoos ka daawo qodobada uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku beeniyay go'aanka Xeer ilaalinta iyo Maxkamada:
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin soo gudbineyso beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada xilka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay:

  1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah, Habargidir/Ceyr waxaa booskiisa lagu badalay: Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo u dhashay Beesha Habargidir/ Ceyr/ Habaraji kaasoo loo magacabay Wasirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha

  1. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Isaaq/Habar Jecle, waxaa lagu badalay Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) oo u dhashay isla Isaaq/Habar Jecle.
  2. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Majeerteen, waxaa lagu badalay Danjire Axmed Ciise Cawad oo isna isla Majeerteen ah, waxaana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Debadda.

Booska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa mar kale lagu soo celiyey Hawiye, gaar ahaan Habargidir.
Dhanka kale Majeerteen ayaa loo weeciyey Wasaaradda Arrimaha Debadda, halka Booska seddexaad isla beesha Isaaq lagu celiyey.
Arinta waxay imaaneysaa iyadoo wali ay banaanyihiin boosaskii ay baneeyeen labo kamid ahaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, oo kala ahaa wasiirkii gargaarka iyo wasiirkii diinta iyo Awqaafta.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live