Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso: Ururuka Qareennada oo qaadacay go’aanka ay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Qoraal kasoo baxay Ururuka Qareennada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qaadacay ganaax ay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir dul dhigtay ilaa 8 qareen.
Qareenada ayaa sheegay in ganaaxaasi uu yahay mid ka hor imaanaya sharciyada, waxa ayna ku doodeen keliya in lagu eedeeyay iney diideen u doodista siyaasi C/raxmaan C/shakuur.
Qareenada uu ku dhacay ganaaxa ayaa si faahfaahsan u sharaxay sharci ahaanshiyaha go'aankaasi, mudada loo sheegay iney u doodayaan Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.
Ururka Qareenada ayaa sidoo kale sheegay in maalin ka hor balanta Maxkamada uu qaadacay C/raxmaan C/shakuur inay ku matalaan dooda kiiska horyaal Maxkamada, taana ay ugu wacneyd inay ka hor imaadaan u doodista C/raxmaan.
Sidoo kale, waxa ay Qareenada uu ganaaxa ku dhacay sababta diidmada dooda ku sheegen inay aad isugu dhaweyd xiliga loo magacaabay kiiska iyo xiliga la furaayay ay aad isugu dhawaayen.
HOOS KA AKHRISO GO'AANKA UU SOO SAARAY URURKA
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xog culus: Yaa ka dambeeyey in Cabdi Maxamed Sabriye...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Yuusuf Garaad Cumar, Qadra Axmed Ducaale iyo Cabdi Faarax Juxa ayaa waayay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad.
Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan cidda ka dambeysay in Cabdi Maxamed Sabriye loo magacaabo wasiirka Arrimaha Gudaha booskaas oo laga qaaday Yuusuf Garaad Cumar.
Xildhibhaan Saciid Nuur Gariish oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn u taageersan dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah maxkaxdii ka dambeysay in xilkaan loo magacaabo Cabdi Maxamed Sabriye.
Dadaal badan oo uu sameeyey Gariish ayuu ku guuleystay in xilkaan loo magacaabo ninkaan oo ay isku beel yihiin sidoo kalana ay qaraabo dhow yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Golaha Wasiirrada Somalia oo isbedel lagu sameeyay...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa sheegay in Raii'sul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre uu xilka qaadis ku sameeyay saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda, isla markaana lagu bedelay saddex wasiir oo kale.
Wasiirrada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin;

  1. Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Yussuf Garad Cumar Axmed
  2. Wasiiraddii Ganacsiga iyo Warshadaha, Khadra Axmed Ducaale
  3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Saciid Faarax (Juxa)

Saddexda Wasiir ee lagu bedelay ayaa kala ah;

  1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  2. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha
  3. Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirada cusub ee kusoo biiray golaha wasiirrada xukumadda Khayre ayaa lagu amray inay si deg-deg ah xilalkooda ula wareegaan, iyadoo saddexaan wasiir laga dalbaday inay la yimaadaan hawl-karnimo iyo shaqo wacan.
Dhanka kale, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ra'iisul wasaaraha Somalia aanu weli buuxin jagooyinkii ay banneeyeen Wasiirradii Gargaarka iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Isbeddelkaan lagu sameeyay golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay, iyadoo mudooyinkii dambe si weyn loo hadal hayay isbedel lagu sameynayo Xukuumadda Federaalka.PUNTLAND POST
The post Golaha Wasiirrada Somalia oo isbedel lagu sameeyay iyo Wasiiirro Xilalkoodii Waayay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray tirada ay ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online )-War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu bayaaniyay weerar cirka ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliska ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in duqeyntaasi ay dhacday 2-dii January 2018, waxaana lagu sheegay in qasdiga weerarka uu hirgalay.
Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaan 50-KM u jira magaalada Muqdisho ee - Somalia, waxaana sidoo kale lagu dilay 2 maleeshiyo oo aad loo doon doonaayay.
Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in maleeshiyaadka la dilay ay saarnaayeen Gaari walxaha Qarxa ay saaran yihiin oo ku soo jeeday Muqdisho, kaasi oo isaguna la burburiyay.
Waxaa kaloo lagu sheegay in diyaaradaha ay ka hortageen khatar ku soo wajahneyd shacabka Muqdisho, waxaana la burburiyay qalabka.
Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo uu fuliyo Mareykanka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ex Wasiir Juxa” Aniga oo Puntland ku Wajahan Si aan...

$
0
0

Wasiirki Hore ee Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa Qoraal uu soo Dhigay Baraha Bulshada kaga hadlay Xil ka qaadistii lagu Sameeyay.
"Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday.
Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.
Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah.
Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo.
Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay'adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.
Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba."PUNTLAND POST
The post Ex Wasiir Juxa" Aniga oo Puntland ku Wajahan Si aan u agaasimo Safarka Madaxweynaha ayaan maqlay Xil ka qaadisteeyda" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Somaliland slams Federal Minister’s visit to Sool...

$
0
0

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v80), quality = 82
Somaliland has condemned the recent visit by Somalia's Federal minister of planning and international corporation Jamal Mohamed Hassan to Sool and Sanaag regions.
The Minister of foreign affairs of Somaliland Sa'ad Ali Shire described the visit as clear violations of the talks between his state and the Federal government of Somalia.
He said Somaliland has a distinctive border with Somalia and it will not tolerate any intervention from the Federal government and other administrations.
The Minister added that Hassan's trip will upset the communication between Somaliland and Somalia, as well as it affects the security in the contested regions.
This remarks came a day after the Planning Minister accompanied by Puntland officials visited towns in Sool and Sanaag, where he had met with the local leaders and the people.
storvideo: 

11-Qof oo ku geeriyootay weerar ka dhacay Naigeria 

$
0
0


Weerar naftii halignimo ah oo ka dhacay Masjid ku yaalo Waqooyi bari dalka Nigeria ayaa dilay ugu yaraan 11-Qof,sida wararka ka imaanaya dalkaasi ay sheegayaan.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Gamboru,Gobolka Borno oo ku dhow xuduuda dalkaasi uu la wadaado dalka Cameroon,waana halka weeraro dhowr ah ay ka fuliyeen Kooxda Boko Haram.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhacay xilli dadka ay ku jireen Tukashada Salaadda Subax.
" Waxaan ku sii socday Salaadda Subax,ka dib waxaa maqlay dhawaqa Qarax culus oo ka dhex dhacay Masjidka," sidaasi waxaa Reuters u sheegay Ali Mustapha oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka.
Wuxuu yiri dib ayaan guriga ugu soo laabtay si aan uga badbaado Howlgalka Boko Haram,sida uu yiri Ali Mustapha.
Isagoo hadalkiisa sii wata Ali Mustapha ayaa Yiri" Masjidka wuu bur buray,sidoo kalena gabi ahaantiisa wuu gubtay,"
Saacado ka dib ayaa dadkii goobta ka agdhawaa waxay bilaabeen howlgal badbaadin ah,waxaana goobta laga soo saaray meydka 11-Qof oo uu ku Qofka ismiidaaminta sameeyay oo tirada guud ka dhigaya 12-Qof.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka,balse marka loo eego goobta uu ka dhacay iyo nuuca weerarka ayaa calaamad u ah Boko Haram,sida warbaahinta dalkaasi ay qorayaan.
storvideo: 

Juxa “Aniga oo Airport-ka u socda ayaan Idaacadda ka...

$
0
0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa hadal uu ku soo qoray bartiisa Facebooka wuxuu kaga hadlay xilka qaadistii saakay uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.Hadalka ayaa u qornaa sidatan:-
Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday.
Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.
Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah.
Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo.
Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay'adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.
Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Guul iyo Gobanimo dhammaan
storvideo: 


 Magacaabista Wasiirada cusub maxay siyaasada ka...

$
0
0


Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah xilalkii ka xayuubiyay Saddex Wasiir oo Xukuumadda ka tirsanaa, sidoo kalena magacaabay kuwa cusub oo booskooda buuxinaya.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa xilalkii ka qaadaay Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale iyo Wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS iyo Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cusmaan (Eng. Yariisow) oo warbaahinta u aqriyay wareegtada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa sheegay Wasiirada cusub ee la magacaabay in la faray inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda.
Hadaba waxaan eegeynaa magacaabista Wasiirada cusub waxa ay ka bedeli karto siyaasadda Soomaaliya oo hada ku jrita xaalad aanan laheyn sal fadhiya.
Dadka qaar ayaa qaba aragtida ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan mowjado xoogan oo dhanka siyaasada ah kala kulmeysay mucaaradka iyo Dowladaha qaar ee ka soo horjeeda siyaasada in Khayre ay ku qasabtay inuu isbedel ku sameeyo Saddex Wasaaradood oo muhiim ah.
Tusaale Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay nin reer Muqdisho ah oo ku dhow siyaasiyiinta Dowladda Mucaaradka ku ah, Dowladduna ay aaminsan tahay inuu wax badan ka qaban doono culeysaadka siyaasadeed ee kaga imaanaya siyaasiyiinta Mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, Cabdi Maxamed Sabriye hadii aan hal iyo laba ka dhahno waa nin aqoonyahan ah, sidoo kalena ah Ganacsade kana mid ahaa Aas aasayaashii Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink.
Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS waxaa la aaminsan yahay inuu wax badan ka qaban doono xildhibaano Mucaarad ah, gaar ahaan kuwa isku degaan Doorashooyinka ay yihiin, maadaama uu galaangal siyaasadeed kulahaa Baarlamaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad oo ah isaguna nin wax badan ka yaqaana arrimaha Dibadda, isbedel weyna ku sameyn kara xiriirka Dowladda Federaalka ee dhanka Dibadda.
Prof. Maxamed Cumar Meyre oo la hadlay Risaala ayaa qaba aragtida ah in xaalada siyaasadeed ee dalka ay wax badan ka bedeli karaan Wasiiradan cusub, maadaama xubnaha la magacaabay ay yihiin kuwa galaangal ku dhexleh xubnaha Mucaaradka ku ah Dowladda.
Tan iyo markii 21-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii la magacaabay Golaha cusub ee Wasiirada Somaliya, ayaa Wasiiradaasi waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo Siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah Wasiiradii magacaabistaasi ka soo dhex muuqday xilalkii laga qaaday, qaarna ay iscasileen.
Xukuumadda Khayre oo jirta ku dhawaad 9 bilood ayaa waxaa xilalkii laga qaaday Afar Wasiir, halka laba kalena ay iscasileen, iyadoo Wasiir ka mid ah Xukuumaddii Khayre lagu dilay Muqdisho.
storvideo: 

Kenya oo adkeysay ammaanka Waqooyi Bari Kenya 

$
0
0


Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.
Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.
Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi Bari.
"Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab". Ayuu yiri Mr Daniel Bundotich.
Dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Talaadadii la soo dhaafay dilay Afar sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya oo ku roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.
Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin, kuwaas oo u dhameystiran qalabkooda Ciidan.
Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga jirta sidii ay u soo afjari lahayd Shabaabka ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya, waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan degaanadaasi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ministry of Finance says progress made in 2017

$
0
0

The Minister of Finance for Somalia’s Federal government Abdirahman Dualle Beyle has announced that his Ministry has Ministry has made a tangible progress during 2017.
Speaking at an event held in Mogadishu, Minister Beyle noted that he has achieved an important step of raising revenues in order to provide basic services to the public.
The Federal government of Somalia managed to pay the salaries of the public servants and the soldiers who had not been paid well by the past governments.
Somalia is making an economic development despite challenges as the country is now recovering from decades-long conflict and fighting against Al Shabaab for years.
The post Ministry of Finance says progress made in 2017 appeared first on Shabelle.

Qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku wajahan magaaladaasi maalmaha soo socda.
Sidoo kale,waxaa maanta magaalada Muqdisho ka baxay Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya,iyo Xildhibaan hordhac ah u ah booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Puntland,kuwaasoo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo u ambabaxaan magaalada Garowe,iyadoo sidoo kale madaxweynaha deegaano kale oo ka tirsan Puntland uu booqon doono.
Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Garowe wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland,kuwaasi oo uu kala hadli doono Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa.
Booqashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tagayo Puntland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 8-february ee sanadkii 2017.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRW Kheyre" Si amniga,caafimaadka iyo Waxbarashada wax looga qabto waa in dhaqaalaha Wadanka kor loo qaado"

storvideo: 

Ministry of Finance says progress made in 2017

$
0
0

The Minister of Finance for Somalia's Federal government Abdirahman Dualle Beyle has announced that his Ministry has Ministry has made a tangible progress during 2017.
Speaking at an event held in Mogadishu, Minister Beyle noted that he has achieved an important step of raising revenues in order to provide basic services to the public.
storvideo: 

Ganacsade Soomaali ah oo daqiiqado ka hor lagu dilay...

$
0
0

Warar naga soo gaaray xaafada Khaliija ee magaalada Cape Town waxaa ay sheegayaan in daqiiiqado ka hor halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaali ah oo lagau magacaabi jiray Abuubakar Macalin Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano deegaankaasi. Koox burcad ah oo dooneysay in ay dhac u geystaan muwaaadinkaan ayaa la sheegay in ay ku sugeysay [...]
storvideo: 

Shiinaha oo albaabada u furay dadka xirfadooda ku xeeldheer

$
0
0

Dawladda Shiinaha ayaa dadka xirfadaha sare leh ee dibadda ku nool siin doonta dal ku gal wakhti dheer ah.


Shiinaha oo albaabada u furay dadka xirfadooda ku...

$
0
0

Dawladda Shiinaha ayaa dadka xirfadaha sare leh ee dibadda ku nool siin doonta dal ku gal wakhti dheer ah.
Dal ku galkan oo shaqayn doona shan ama 10 sano ayaa qofka la siiyo u saamixi doona in uu dalka galo kana baxo marka uu doono muddadaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.
Hogaamiyeyaasha teknoolajiyadda, hal abuureyaasha ganacsiga iyo saynisyahannada ayaa ka mid ah dadka ay u furan tahay in ay codsadaan.
Shiinaha ayaa dajistay himilooyin uu ku hiigsanayo hormartinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, wuxuuna u arkaa in xaqiijinta arrintaas ay fure u tahay shaqo siinta dad khuburo u ah.
Markii arrintan la dajinayay Shiinuhu wuxuu qorsheeyay in ay arrintan ka faa'iidaytaan 50,000 oo ajaaniib ah.
Soo dhawaynta dadka abaalmarinta Nobel-ka ku guulaysta
Dal ku galkan waxaa laga codsan karaan online-ka, waa bilaash si dhakhso ah ayaana loo bixin doonaa ayay tiri xukuumadda Shiinuha.
Dadka dal ku galkan hela waxaa loo ogolaan doonaa in ay dalka ku sugnaadaan 180 maal mood oo xiriir ah halkii marba, waxayna xaq u yeelan doonaan in ay keensadaan lamaanahooda iyo carruurtooda.
Sannadkii 2016kii Shiinuhu wuxuu soo saaray in uu darajo u kala yeelo shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalkiisa ka shaqeeya, arrintaas oo loogu talagalay in lagu ogaado xirfadleyaasha dalka looga baahan yahay ee ay tahay in la soo jiito iyo dhimidda ajaaniibta laga maarmo ee shaqaale hoosaadka ah.
Xogta wakhtigaas la sii daayay dadka darajada sare la siiyay ee ajaaniibta ah waxaa ka mid ahaa dadka ku guulaystay abaalmarinnada Nobel Prize, dadka Olambigga meel sare ka gaaray, madaxdda koleejyada caanka ku ah muusigga iyo farshaxanka.
Waxaa sidoo kale arrintan ka faa'iidi doona saynisyahannada, masuuliyiinta waaxaha dhaqaalaha iyo bareyaasha sare ee "jaamacadaha caalamiga ah".
storvideo: 

Faah Faahin:- Weerar xalay ka dhacay Heliwaa

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad hubeysan oo fiidnimadii xalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin Ciidanka Dowladda Federaalka.
Weerarkan oo socday mudo badan oo Daqiiqado ah ayaa hubka la isku adeegsanayay waxaa si aad ah looga maqlayay inta u dhaxeyso Isgoyska SOS iyo xaafadda Suuqa Xoolaha, iyadoo markii hore uu rasaas goos goos ah ku bilowday, balse uu dib ka xoogeystay.
Ciidanka Dowladda, ayaa iska caabiyay raggii soo weeraray, iyadoona ay dib ugu celiyeen halkii ay weerarka ka soo qaadeen, Ciidanka ayaana isu fidiyay wadooyinka soo gala saldhigooda la weeraray.
Ciidanka Dowladda, ayaa gaaray halka loo yaqaano Ceel Militari oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaas oo ay ka sameeyeen hawlgal ka dhan ah Shabaabkii weerarka soo qaaday, inkastoo aan la soo sheegin cid ay weerarkaasi u soo qab qabteen.
Waxaa aad u adag ilaa hadda in la helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, ee soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo hadii ay jiraan ku waxyeeloobay.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen rag iyaga ka tirsan in ay weerareen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, waxayna tilmaameen in ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda.
Degmada Heliwaa oo dhacda Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku badan weerarada gaadmada ah, ee ay xilliyada habeenkii ku soo qaadaan Shabaabka.
storvideo: 

Maamulka Gobolka Gedo oo sheegay in aan la aqbali...

$
0
0

Baladxaawo ( Sh. M. Network):-Maxamed Xuseen Al Qaadi Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali Karin tallaabada ay darbiga kaga dhiseyso Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa uu xusay Mr Al Qaadi in Kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen degmada Doolow ee Goblka Gedo ay uga arrinsadeen arrinta Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go'antahay in taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed in dal shisheeye uusan qabsan arrinta darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadkana ay haatan ka war sugayaan go'aanka dowladda dhexe ay iska taagto.
Kenya ayaa dhawaan dib u bilowday dhismaha Darbiga Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoona la sheegay in darbigaasi laga dhisayo qeybo ka mid ah degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
storvideo: 

Kuuriyada Koonfureed Oo Aqbashay wado Hadallada...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Kuuriyada Koonfureed Oo Aqbashay wado Hadallada Olambigga.
Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbashay in ay ka qaybqaadato wadahadallo heer sare ah oo toddobaadka soo socda dhici doona, sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.
Kulanka 9 Janaayo ayaa diiradda saari doona sidii loo heli lahaa jid ay ciyaaaryahannada Kuuriyada Koonfureed uga qaybqaadan lahaayeen ciyaaraha Olambigga ee xiliga qaboobaha oo bisha Feebaraayo ka dhici doona Kuuriyada Koonfureed.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay toddobaadkan in ka qaybqaadashada ciyaarahaas ay "noqon doonto fursad wanaagsan oo lagu muujiyo midnimada" dadka Kuuriya.
Kulanka ayaa la filayaa in uu ka dhaco Panmunjom oo xadka ku taalla.
Tuuladan loogu yeero nabadda ayaa ku taalla xadka milatariga ka caagan ee aadka loo ilaaliyo, halkaas oo taariikhiyan labada dhinac ay wadahadallo ku yeelan jireen.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed kulankani wuxuu ahmiyadda siin doonaa ciyaaraha xiliga qaboobaha.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap u sheegay in uu rumaysan yahay "in ay jiri doonto wadahadallo la xiriira sidii loo hagaajin lahaa calaaqaadka Koonfurta iyo Waqooyiga, ka dib marka ay Kuuriyada Waqooyi ka qaybqaadato Olambigga.
storvideo: 

Sanduuq lagu horumarinayo dhalinyarada oo la abuurayo 

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay qorshaha Wasaaradda kaga aadan shaqo abuurka dhalinyarada sanadkan cusub ee 2018-ka.
Waxa ay sheegtay ujeedooyinka Wasaaradda Dhalinyarada ay ka leedahay horumarinta Dhalinyarada in ay ka mid yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa Maalgashiga Dhalinyarada, in la sameeyo Sanduuq lagu horumarinayo Dhalinyarada iyo in la kordhiyo hal abuurka dhalinyarada.
Waxa ay sheegtay qorshooyinkan iyo kuwo kale oo uu ugu horeeyo abuurista Sanduuq Dhaqaale oo quseeya Dhalinyarada Soomaaliyeed inuu xog ogaal u yahay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre.
Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay dhalinyarada Soomaaliyeed inta badan in loo adeegsado falalka qaldan, balse Wasaaradda ay xoojineyso sidii Dhalinyarada loogu soo toosin lahaa wadada saxda ah, muhiimna ay tahay inuu ka qeyb qaato qof walba.
Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka qeyb qaataan shaqo abuurka loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dayacan dunida dacaladeeda, kuwaasi oo Tahriib ku tagay wadamadaasi, kadib markii dalka ay uga carareen shaqo la'aan iyo sababo la xiriira amni daro.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live