Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kumaandooska Soomaaliya oo sheegay in ay burburiyeen...

$
0
0

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka,G/sare Ahmed Cabdullahi sheekh oo Caawo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya,ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaan Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu burburiyey Saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolkaasi,islamarkaana lagu dilay in ka badan 10 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.
Saldhigga la burburiyey ayaa Al-shabaab ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada qorshaysan ee ka gaystaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,sidoo kalena waxay ku uruurin jireen lacago ay ku magacaabeen"Sakawaad" oo laga qaado dadka Shacabka ah,sida ay ku warrantay Idaacadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya.
sawirro ay baahisay Idaacadda ayaa muujinaya wax u muuqda xarun ciidan oo la burburiyey,balse lama xaqiijin karo in Al-shabaab leedahay,sidoo kale waxaan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay hawlgalkan ee la gaarsiiyey Al-shabaab oo aan dhankooda weli wax war ah ka soo bixin.
PUNTLAND POST
The post Kumaandooska Soomaaliya oo sheegay in ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolka SH/Hoose. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Siyaasi sheegay in Zimbabwe noqon doonto sida...

$
0
0

Wasiirkii Hore Tacliinta Sare dalka Zimbabwe,Jonathan Moyo oo haatan dhuumasho ku jira,kadib markii waddanka laga musaafuriyey,ayaa sheegay in Zimbabwe ay noqon doonto sida Soomaaliya,haddii Madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu talada sii hayo.
Mr.Moyo oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay gacan ka geystaan sidii xilka looga tuuri lahaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Emmerson Mnangagwa oo uu ku tilmaamay"dowlad militari".
Sidoo kale Mr.Moyo ayaa sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Madaxweynihii hore Zimbabwe,Robert Mugabe uu xilka si iskiisa uga degay,kadib markii militariga uu la wareegay dhammaan xarumihii dowladda,laakiin Af-hayeenka Xukuumadda Zimbabwe,George Charamba oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa Mr.Moyo ku tilmaamay"Siyaasi si xun loo jebiyay".
Siyaasigaan baxsadka ah ee Jonathan Moyo ayaan ilaa iyo haatan la aqoon halka uu ku suganyahay,kadib markii ay dalka ka musaafurisay Xukuumadda Cusub ee Zimbabwe ee uu hoggaamiyo Emmerson Mnangagwa.
PUNTLAND POST
The post Siyaasi sheegay in Zimbabwe noqon doonto sida Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kacdoon looga horjeedo Kenya oo laga dareemayo...

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawo halkaas laga dareemayo kacdoon ballaaran oo looga horjeedo dowladda Kenya oo Ciidankeedu Maanta degmadaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Dagaal kooban ayaa Maanta dhexmaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo ka soo tallaabay xadka,waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case).
Mas'uuliyiinta gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu ka dhashay,kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan. Mas'uuliyiinta ayaa Shacabka magaalada iyo Ciidankaba ugu baaqay in ay is-dejiyaan,laakiin wararka aan haatan degmadaas ka helayno ayaa sheegaya in caawo shacabku ay qoryaha guranayan,islamarkaana uu kacdoon xoog leh socdo.
Shacabka ayaa aad uga kacay dilka ay Ciidamada Kenya u geysteen G/sare Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo si weyn looga yaqaannay degmada Ceelwaaq,kana mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayey dagaalka Al-shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Gedo.
Xiisaddan ayaa ku soo beegmatay,xilli dhowaan Shacabka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ay si weyn uga horjeesteen derbi ay dowladda Kenya dhisayso,kaasoo qeyb kamid ah magaalada ku daraya dhinaca waddanka Kenya.
PUNTLAND POST
The post Kacdoon looga horjeedo Kenya oo laga dareemayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ciidan baa Soomaaliya Laga Keenay

$
0
0

13th January 2018 admin Category :
Ciidanka Puntland oo maamulka Hargeeysa ulla ekaaday ciidan laga kalla keenay Soomaaliya oo dhan. Waxeeyna billaabeen ineey eedeeyaan Farmaajo oo booqasho ku joogay Puntland. Waxaa dhab ah in daggaal aan marnaba laga fursan doonin waayoo ah Isaaq joojin maayaan sheegashada dhul aysan laheen.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Baarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay Colaadda Tukarraq

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kadib marki uu todobaadki hore Golaha Wakiilada Somaliland kulan aan caadi aheyn ka yeesheen xaalada colaadda ka oogan xadka gobolka Sool ee ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Puntland, ayuu baarlamaanka Puntland isna maanta ka hadlay.
Faah-faahinta warkaan waxaa Garoowe kasoo diray, Nuux Muuse Birjeeb.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:50
0:00:00 /0:02:50
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo: Soo dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo iyo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxammed cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo maanta ka soo amba baxay Boosaaso ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Shacabka iyo mas'uuliyiinta magaalada Gaalkacyo ayaan u kala harin soo dhoweyna madaxweyne Farmaajo,waxaana waddooyinka buuxiyey kumanaan isaga yimid xaafadaha magaalada oo ruxaya Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Puntland.
Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel ku labisan astaanta Calanka Qaran,iyagoo ka jawaabaya hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxammed cabdullahi Farmaajo oo si wadajir ah shacabka ula hadlay ayaa bulshada reer Gaalkacyo uga mahadceliyey soo dhoweynta.Halkaan ka daawo soo dhoweynta.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Soo dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo iyo Gaalkacyo oo dhaqaaqday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dahabkii Dalka oo la Dhoofinayo

$
0
0

13th January 2018 admin Category :
Siyaasiyiinta Isaaq ee aan naxariista u laheen shacabkooda ayaa haddeer billaabay ineey macdantii dalka uu lahaa ay si suuq madoob ah ugga dhoofiyaan dekedda Berbera. Siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa iibsaday dhamaan wixii hanta guud oo ay ka tagtay dawladii Kacaanka, waxaana uggu danbeeyay dekedda Berbera oo ay ku wareejiyeen dawladda Imaaraadka. Hadaba, dawladdii Kacaanka maka suuroowday ineey waxaan oo kalle ay ku kacdo? Waxaana muuqata in Maxamed Siyaad Barre allaha u naxariistee uu ahaa nin dalkiisa aan iibsan, balse kuwii lahaa angaa beesha Isaaq barwaaqo gallineena waa kuwaa aan waxba reebeen.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Maamulka Ahlusunna Oo Xabsiga Ka Sii Daayay Xaliimo...

$
0
0

ma jirto wax war ah oo ay Warbaahinta siisay "Xaliimo Yarey" markii laga sii daayay xabsiga balse waxaa la sheegay in maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan ay ka sii bixi doonto Dhuusamareeb,
Xiriira Kala duwan oo aan la sameenay "Xaliimo Yarey" ayaa inoo xaqiijisay in xabsiga ay kasoo baxday wixii soo kardhana ay la wadaagi doonto warbhinta iyada oo sidoo kale umahad celisay masuuliyiintii ka qayb qaadatay sii deenteeda.
Mamulka Ahlusunna oo dhawaan la midoobay maamulka Galmudug ayaa wali ka hadlin xariga iyo sii deenta gudoomiyaha gudiga doorashooyinka "Xaliimo Yarey" Sidoo Kale Ahlusunna ayaa wali, waxaa u xiran ilaa 5 qof oo kale oo ay habeen hore ka qabtayn dhuusamareeb kuwaas oo ahaa Dumar caan ka ah magaalada waxaana aan la ogeyn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeesa xernaan shiyaha dadkaasi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


DEG DEG:-Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Dil Ka Geystay...

$
0
0

Kooxo ku hu beysan Bustoolado ayaa Goordhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Nin Dhalinyaro ah.
Ninkan Dhalinyarada ah ayaa kooxda ka dambeysay dilkiisa oo watay Mootada nooca labada lug leh ayaa waxaa la sheegay in ay ugu tageen Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Ceel Qode ee degamda Afgooye iyaga oo in taasi kadib Goobta ka baxsaday.
Ninkaan la dilay ayaa waxaa lagu Magacaab jiray Abuukar Qaasim oo loo yaqaanay Tushiiba,iyada oo dilkiisa ay ka soo baxayaan Warar kala duwan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

SAFARKA DIB-UHESHISIINTA SOOMAALIYEED

$
0
0

SAFARKA DIB-UHESHISIINTA SOOMAALIYEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo ku guda jira Safarka Dib-usheshisiinta Soomaaliyeed ee uu ku marayo qeybo kamid ah gobollada dalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Opslaet af Villa Somalia pa 13. januar 2018
storvideo: 

President Farmajo arrives in Galkayo on first leg of Galmudug tour

$
0
0

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and a high-level delegation he was leading have arrived in Galkayo, the regional capital of Mudug on Saturday.
President Farmajo accompanied by ministers, Federal MPs, and other key government officials received a warm welcomed from cheering resident clan in the national flag.
The overall security of Galkayo has been extremely beefed up by Puntland and Galmudug forces ahead of the President’s arrival, according to Radio Shabelle’s reporter in the city.
This is the first leg of Farmajo’s trip to several towns in Galmudug state in central Somalia after wrapping up his week-long visit to the neighboring Puntland.
The post President Farmajo arrives in Galkayo on first leg of Galmudug tour appeared first on Shabelle.

Suuriya oo la sheegayo inay gaas sun ah adeegsatay

$
0
0

Wararka horu dhaca ah ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in deegaanka uu weerrarka ka dhacay laga dareemay urta gaaska.

President Farmajo arrives in Galkayo on first leg of...

$
0
0

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and a high-level delegation he was leading have arrived in Galkayo, the regional capital of Mudug on Saturday.
President Farmajo accompanied by ministers, Federal MPs, and other key government officials received a warm welcomed from cheering resident clan in the national flag.
The overall security of Galkayo has been extremely beefed up by Puntland and Galmudug forces ahead of the President's arrival, according to Radio Shabelle's reporter in the city.
This is the first leg of Farmajo's trip to several towns in Galmudug state in central Somalia after wrapping up his week-long visit to the neighboring Puntland.
storvideo: 

Muxuu Farmaajo maanta kala hadli doonaa waxgaradka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Gaalkacyo (- Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku guda jira booqashooyinkiisa, ayaa maanta lagu wadaa in dadka ku nool magaalada Gaalkacyo uu la qaato kulamo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa dadka reer Gaalkacyo kala hadlaaya arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Nabada iyo wada noolanshiyaha labada dhinac.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo heshiisiin ah u furaaya maamulada iyo Odayaasha labada dhinac, waxa uuna xooga saari doonaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan Mudug.
Farmaajo ayaa sheegay mudada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada.
Sidoo kale, waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas'uuliyiinta heer Gobol iyo mid degmo, oo ay wehlin doonaan Siyaasiyiinta kuwooda laf-dhabarka u ah nabada.
Waxa ay ka dhici doonaan kulamadaasi qeybta Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana saaka aad loo sii adkeeyay amniga magaalada.
Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa saacadihii ugu danbeeyay ee shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug.- OnlineXafiiska Gaalkacyo-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somaliland oo shaacisay qorshaheeda ku aadan ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (- Online)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan ay ka guuri doonaan furaha Teleefoonada oo ay la wadaagan Somalia inteeda kale.
Maamulka ayaa sheegay in heer gabogabo uu maraayo qorshaha looga guuraayo furaha ay la isticmaalan Somalia, waxa ayna tilmaantay inay buuxinayaan shuruudaha la doonaayo.
Wasiirka wasaarada isgaarsiinta iyo technology-yada maamulka Somaliland C/weli Sheekh, ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay ka dhabeyneyso sameysiga furo cusub.
Wasiir C/weli Sheekh ayaa yiri ''waxaan wadnaa qorshihii Somaliland loogu sameyn lahaa furo gaara oo ka madaxbanaan kan ay isticmaasho Somalia inteeda kale''
''Qorshaha aan hadda wadno waa inaan Somalia uga guurnaa furaha 252, maadaama aanu waxba la wadaagin Somalia waxan garanay inaan helno furo gaar noo ah''
Wasiirka maamulka ugu magacaaban Isgaarsiinta waxa uu intaa raaciyay in howsha hortaal ay ku fulin doonaan muddo kooban, inkastoo uu muujiyay inay jiri karaan culeysyo dhowr ah.
Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya xili maamulkii hore ee Somaliland uu horay u sheegay inay ka guuri doonaan furaha Somalia, waxaana xiga raja muujinta maamulka cusub ee uu Hogaaminaayo Muuse Biixi.- OnlineXafiiska Hargeysa-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


A World Bank economist apologized for unfair country...

$
0
0

The World Bank's annual ranking of countries by ease of doing business has been compromised by politicized methodology, the bank's top economist told the Wall Street Journal (paywall). The primary victim? The country of Chile.
The high-profile rankings are intended to encourage governments to remove obstacles to business and incentivize economic development. The report combines measures of how easy it is for an entrepreneur to start a business, obtain credit, pay taxes and enforce contracts, among other things.
Paul Romer, the World Bank's Chief Economist since late 2016, found irregularities in how the survey's methodology was updated from year to year, and intends to correct and republish the ranking for the past four years.
Romer said the irregularities manifested themselves in shifts to Chile's ranking, which was 55th in the 2017 rankings, but as high as 25th a decade ago.
In fact, the Chile's position in the rankings seemed to mirror the country's politics: During the period in question, Chile alternated between electing socialist Michelle Bachelet and conservative Sebastian Pinera to the presidency. When Pinera was in office, Chile would climb in the rankings; when Bachelet was in office, the country would fall.
According to Romer, the volatility resulted from new metrics added to the ranking that dragged down the country's score, rather than a meaningful change in Chile's business environment.
"I want to make a personal apology to Chile, and to any other country where we conveyed the wrong impression," Romer told the Journal. "Based on the things we were measuring before, business conditions did not get worse in Chile under the Bachelet administration."
The former director of the report, Chilean economist August Lopez-Claros, is on leave from the World Bank this year. In a statement e-mailed to Quartz, he defended the changes to the ranking method as improvements, implemented transparently and designed to make the product more useful. "The claim that the above methodological changes somehow targeted Chile is wholly without merit," he writes.
"In light of the concerns expressed by World Bank Chief Economist Paul Romer in the media and our commitment to integrity and transparency, we will conduct an external review of Chile's indicators in the Doing Business report," the bank said in a statement.
Other countries' positions in the rankings are likely to shift once the methodology is revised. In the current rankings, the top performers are New Zealand, Singapore, and Denmark, while the lowest were Venezuela, Eritrea and, coming in last, Somalia. The widely covered report provides guidance to global investors and governments alike. Some countries, like Nigeria, make improving their rank in the report a matter of explicit public policy.
The World Bank has struggled in recent years to find a place in a world where development loans have largely been replaced by private investment in emerging markets--which are not called developing economies anymore. World Bank president Jim Kim has worked to re-orient the institution toward providing independent expertise and advice as much as capital. However, the suggestion that ideology, rather than data, is driving key World Bank communications will not make the institution's job any easier
Source: - Quartz
storvideo: 

Dhageyso Baalamanaka Puntaland Xaduudeenu waa Burco...

$
0
0

Magaalada Garoowe ee - Puntland Waxaa manata shirjaraa,id ku qabtay Xubnobaarlamanka Puntland ka mid ah Xuldhivaanadaas waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo laga Sooo doorto Degaana kamid ah Sool
Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay dhulkeeeda difaacato wuxuu sheeeay in Soomalailand iyo Puntland Xuduudkoodu uu yahay Tuula Waqooyiga ah Degmada laascaanood oo kamid ah gobolka Togdher waa sda uu Hadalka u dhigaye.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/01/Burco-Saadiq-Abshir-Gara...
Share this:
Related
storvideo: 

Militariga Israa'iil oo sheegay in ay burburiyeen god dhulka hoostiisa ku yaallay

$
0
0

Militariga Israa'iil ayaa waxa ay sheegeen in ay burburiyeen God dhulka hoostiisa mara oo ay ka tuhunsan yihiin in ay halkaasi ak qoteen mintidiinta Falastiiniyiinta.

Militariga Israa'iil oo sheegay in ay...

$
0
0

Militariga Israa'iil ayaa waxa ay sheegeen in ay burburiyeen God dhulka hoostiisa mara oo ay ka tuhunsan yihiin in ay halkaasi ka qoteen mintidiinta Falastiiniyiinta.
Godkani ayaa waxa ay Israa'iil sheegtay in uu ka bilaabmo Qaza uuna isku xiro ilaa dalka Masar.
Afhayeen u hadlay militariga Israa'iil ayaa sheegay in in burburinta Godkani loo isticmaalay duqaymo dhanka cirka ah iyo farsamooyiin kale.
Godkani ayay Israa'iil sheegtay in la doonayay in loo isticmaalo weerarada ka dhanka ah Israa'iiliyiinta.
Afhayeenka u hadlay militariga Israa'iil ayaa sheegay in godkani uu ahaa kuwa dhulka hoostiisa mara.
Israa'iil ayaa marar badan ku eedeeyay kooxaha Falastiiniyiinta in y go'dad ka qotaan dhulka hoostiisa si ay uga soo agaasimaan weeraro lagu qaado Israa'iil.
Israa'iil ayaa dagaalkii 2014 waxa ay ku burburisay in ka badan 30 ah godadka ay dhulka hoostiisa ka qoteen mintidiinta magalada Qaza.
storvideo: 

Maxaa kala socotaa Isbedelka dhanka Cimilada ah ee...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada oo wayn, iyadoo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay dareemayaan isbedelkaan ku yimid dhanka Cimilada Somaliya.
Isbedelka wayn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka reer Muqdisho ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah.
Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa, shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay.
Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore.
Qaybaha Bulshada oo isugu jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-ka Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada.
Shaki kama taagna qofka ku nool Muqdisho haddii aad tahay inaad dareentay qabow badan oo kugu kalifay inaad aroortii hore aad hurdada ka kici waydo ama aad qubeysan waydo, laakiin sababta ay tahay isbedelka dhanka Cimilada ee Muqdisho lagu arkay.
Marka laga hadlaayo dhulka Somalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay.
Deeganada Somalida waxaa aad ugu qabow dhulka ku xayndaaban Buuraha, sida Magaalooyinka Ceerigaabo, Sheekh, Wajaale, Boorama, Hargaysa iyo deegano kale oo intooda badan dhaca Waqooyiga dalka, dadkana ay la qabsadeen qabowga xoogan ee ka jira deeganadaasi.
Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho.
Heerkulka Muqdisho ayaa maraya 23, markii hore wuxuu ahaan jiray 34 illaa 30 inta u dhaxeysa, balse hadda farqi wayn ayaa u dhaxeeya.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live