Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddoomiye Taabid oo gaaray Caasimadda Galmudug 

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Wafdiga Gudoomiyaha ayaa ka qeyb gali doona dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.
Waxaa ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda booqasho ku maraya degaano ka tirsan Galmudug.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Ganacsatadda Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan yeelanaya

$
0
0

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar Shaqo oo uu ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay yeelan doonaan xiriir ganacsi oo ballaaran.
Waxaa uu sheegay in dhawaan ay yeelan doonaan kulan ganacsatadda dowladda Turkiga iyo sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed, kasoo ku aadan horumarinta Ganacsiga labada dal.
Mudane Mahdi ayaa sheegay in Shirkaasi ay Soomaaliya kusoo bandhigi doonto waxyaabaha ay dibadda u dhoofinkarto.
Dhawaan ayay aheyd Markii Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gaareen dalka Turkiga si ay heshiis Ganacsi ula soo saxiixdaan dowladda Turkiga.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Maxakamada Gobolka Saaxil Oo Xukuno kala...

$
0
0

Daawo: Maxakamada Gobolka Saaxil Oo Xukuno kala Duwan ku riday Laba Wariye oo Xidhnaa.. Gudoomiyaha Xuquuqal insaanka Somaliland Oo Arintaasi ka dareen Celiyey
[embedded content]
storvideo: 

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka...

$
0
0

Wafdigii Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee dhowaan gaaray Puntland ayaa booqday Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda ee Eneeye Boosaaso oo ka mid ah adeegyadada Qaranka ee wali shaqeynaya. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiir ku-xigeenka Amniga Cabdinaasir Siciid Muuse, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise (Maas) iyo masuuliyiin kale. Agaasimaha [...]
storvideo: 

Sh. Umal oo Kismaayo ka degay

$
0
0

Kn: Caalimka weyn ee Soomaaliyeed, Sh. Maxamed Macalin Cabdi (Sh. Umal) iyo wafti culimo ah uu hogaaminaayo oo ka tagay dalka Kenya ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha ee garoonka Caalamiga ee Kismaayo.
Sh. Umal ayaa ku soo biiray ducaad tiro badan oo sadexdii maalmood ee ugu danbaysay ku soo qulqulaysay Kismaayo si ay shacabka magaalada uga wacyigaliyaan xumaanta oo marka dhinaca Soomaalida la eego ay qabyaaladda iyo quursigu hooyo iyo aabo u kala yihiin.
Sheekha iyo waftigiisa ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland iyo, culimo iyo akhyaar kale.
Kismaayo ayaa martigalinaysa culimadii ugu tiro badnayd abid ee taariikhda Kismaayo isugu timaadda si ay dadka uga wacyigaliyaan xumaanta una faraan wanaagga, walaalnimada iyo wada noolaanshaha.
storvideo: 

Somalia and Turkey Sign Trade Agreements and Form...

$
0
0

Muqdisho, January 15 , 2018--The Federal Government of Somalia and Turkey signed a number of trade agreements that will further cement the already thriving economic cooperation between the two countries In a meeting held in Anakara, the Somali delegation led by Somali Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Gulaid and his Turkish counterpart Recep Akdag, signed [...]
storvideo: 

Mareykanka oo Laga Xusayo Maalinta Martin Luther King

$
0
0

Dalkan Mareykanka waxaa maanta looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Lutherking.

Golaha Aqalka Sare oo ka tacsiyadeeyay geerida...

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga tacsiyadeeyay bulshada Soomaaliyeed, fanaaniinta iyo Ehelada geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Khadiijo Cabdullaahi Nuur Dalleys oo ku geeriyootay dalka Canada. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay horey u soo wada shaqeeyaan Marxuumadda, xilli uuu ahaa Maareeyaha Golaha Murtida iyo Maddadaalada, waxaana uu [...]
storvideo: 


Daawo: Dowlada Turkiga Oo Ciidamadii ugu Badnaa u...

$
0
0

Daawo: Dowlada Turkiga Oo Ciidamadii ugu Badnaa u Tobabaraysa Dawlada Fedelka Somaliya iyo Shardiga ugu Horeeya Ee lagu Xidhay oo Ah in Afka Turkiga uu barto.
[embedded content]
storvideo: 

Taliyaha Qeybta 27aad ee CXD oo faah faahin ka...

$
0
0

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeyso Jowhar iyo Balcad. Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka oo u warramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladen ay sameynayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar [...]
storvideo: 

Mareykanka oo Laga Xusayo Maalinta Martin Luther King

$
0
0

Dalkan Mareykanka waxaa maanta looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Luther King.
Luther King ayaa dalkan Mareykanka lagu xusuustaa hal-gankiisii soo shaac baxay sanadkii 1955tii illaa iyo lixdamaadkii ee uu ku doonayay xuquuqda dadka madow, iyo khudbadiisii caan baxday ee ( Waan Riyoonayaa, ama I have a dream) ee uu ka jeediyay socodkii dhaq dhaqaaqii xuquuqda madaniga uu ka sameeyay magaaladan Washington bishii March sanadkii 1963dii.
Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa taariikhda Luther King iyo dhaq-dhaqaaqii xuquuda Madaniga ka wareystay Professor Maxamed Xaaji Mukhtaar oo barre ka ah Jaamacadda Savana ee dalkan Mareykanka.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:08:10
0:00:00 /0:08:10
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Taliska Qeybta 27aad ee CXD oo ka hadlay howlgallo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeyso Jowhar iyo Balcad.
Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka oo u warramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladen ay sameynayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galeen, balse howlgallo ay ciidamada halkasi ka fuliyeen qasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.
Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo sheegayay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga ku soo dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasaaradda Beeraha oo walaac ka muujisay cayayaan fara ba'an ku haya beeraleyda Soomaaliyeed {Sawirro}

storvideo: 

Daawo: Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay in ay Dabar...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay in ay Dabar u samayn doonaan Warbaahinta Faraha ka baxday Kuna Soo Celin doonaan Xayndaabka ... Halka Madaxda Xukuumaduna Ay Si Toos ah U isticmaali doonaan Warbaahinta Qaranka
[embedded content]
storvideo: 

Madaxwaynaha Shiinaha: wadaxaajood ha lagu dhameeyo xiisadda K/Wuqooyi

$
0
0

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa sheegtay in madaxwayne Xi Jinping ugu baaqay dhigiisa Mareykanka in laga wadaxaajoodo hormaradii laga gaaray muranka barnaamijka Niyukleerka ee Kuuriyada Wuqooyi.

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle


Dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada K/ Galbeed oo ka socda G/ Baay

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada MaamulkaKoonfur Galbeed ayaa haataan ka socda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof Gaduud Buurey oo 30 KM u jira magaaladaasi Baydhabo.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in deegaankaasi ay la wareegeen Al Shabaab.
Balse wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dagaalka uu weli socdo, islamarkaana Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ay gaareen deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Baay.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay in la’isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Illaa iyo hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.
Halkan kala soco wixii soo kordha:-
 
The post Dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada K/ Galbeed oo ka socda G/ Baay appeared first on Shabelle.

Madaxwaynaha Shiinaha: wadaxaajood ha lagu dhameeyo...

$
0
0

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa sheegtay in madaxwayne Xi Jinping ugu baaqay dhigiisa Mareykanka in laga wadaxaajoodo hormaradii laga gaaray muranka barnaamijka Niyukleerka ee Kuuriyada Wuqooyi.
Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in madaxwaynaha Shiinaha uu u sheegay madaxwayne Trump in xiisada hoos u dhacday ee Kuuriyada Wuqooyi ay tahay in la sii wado.
Madaxwayne Xi ayaa sheegay in ay tahay in la abuuro xaalado ay dib ugu soo cusboonaan karaan wadahadalada iyo midnimada maadaama ay arrinta ay tahay mid muhim.

  1. Kuuriyada wuqooyi oo weerar ugu hanjabtay Maraykanka
  2. Mareykanka: 'anagu ma shaacin dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi'
  3. Gariir laga dareemay K/ waqooyi iyo shaki ah in ay tijaabisay Niyukleer

Mr Xi ayaa xusay in Shiinaha ay diyaar u yihiin in iyaga oo kaashanaya Mareykanka arrinta Kuuriyada Wuqooyi xal loo helo.
Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Wuqooyi ayaa lahaa wadahadalo ku saabsan sidii ay Pyongyang uga qaygali lahayd ciyaaraha Olambikada ee xilliga qaboobaha.
Ciyaarahan ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ay ka dhcaan dalka Kuuriyada Koonfureed.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Dhuusamareeb ku Wajahan

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalo ku maraya Gal-Mudug ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo waxaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf oo markii ugu horeeysay tagaya Dhuusamareeb tan iyo Markii loo doortay Madaxweynaha Gal-Mudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ka dhacaya Xaflad balaaran oo ku saabsan Dhaqan Galintii heshiiskii maamulada Ahlusunno iyo Gal-Mudug.
Amaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob waliba lagu arkaa ciidamo feejigan.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta Dhuusamareeb ku Wajahan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed “ Farmaajo” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Waxaana qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo si weyn looga dareemayaa magaaladaasi Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maanta magaaladaasi lagu qabto Munsaabad  lagu dhameystirayo heshiiska ay dhawaan wada gaareen Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta G/ Galgaduud.
Waxaana magaalada ka sugan mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid yahay guddoomiyaha G/ Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, iyadoona maanta ay ku wajahanyihiin qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar dhinaca dhulka ah ku bixinayay deegaano ka tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.
Waxaana shalay gelinkii dambe, si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi Galmudug.
The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Dhuusamareeb appeared first on Shabelle.

Ciidamada dowlada Federaalka oo isku fidiyey wadada...

$
0
0

Ciidamada dowlada Federaalka oo isku fidiyey wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar
Jan 16, 2018 -
Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeyso Jowhar iyo Balcad.
Wadadan oo aheyd mid amaan ah sanadihii la soo dhaafay ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro xooggan ka geystay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladeyn ay sameynayeen kooxda Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galayey, balse howlgallo ay ciidamada halkaasi ka fuliyeen ayuu xusay iney qasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.
Waxaa uu beeniyay warar agu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga ku soo dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah sida uu warka u dhigay.Xafiiska Shabakada Allbanaadir. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live