Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada K/...

0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada MaamulkaKoonfur Galbeed ayaa haataan ka socda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof Gaduud Buurey oo 30 KM u jira magaaladaasi Baydhabo.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in deegaankaasi ay la wareegeen Al Shabaab.
Balse wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dagaalka uu weli socdo, islamarkaana Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ay gaareen deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Baay.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay in la'isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Illaa iyo hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.Halkan kala soco wixii soo kordha:-
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Dhuusamareeb

0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed " Farmaajo" iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Waxaana qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo si weyn looga dareemayaa magaaladaasi Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maanta magaaladaasi lagu qabto Munsaabad lagu dhameystirayo heshiiska ay dhawaan wada gaareen Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta G/ Galgaduud.
Waxaana magaalada ka sugan mas'uuliyiin kala duwan oo ka mid yahay guddoomiyaha G/ Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, iyadoona maanta ay ku wajahanyihiin qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar dhinaca dhulka ah ku bixinayay deegaano ka tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.
Waxaana shalay gelinkii dambe, si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi Galmudug.
storvideo: 

Madaxda Dowlada Dhexe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada...

0
0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Fedralka soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.
Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ka soconeysa qaban qaabada Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdigiisa.
Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.
Sida la ogsoon yahay maalmahan magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku qul qulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlusuna.
Shalay oo ugu dambeysay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska dhameystirka ah ee ka dhacaya magaaladaasi.
Maanta ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Dhuusa-mareeb in ay gaaraan madaxda maamul Goboleedyada Dalka kuwaas oo qeyb ka noqon doono shirkaan dib hashiisiinta ah ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna.
Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa xalay sameeyay Howlgallo amniga lagu xaqijinaayo.
storvideo: 

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeerey...

0
0

Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa kormeerey xaafiisyada hay'addu kuu leedahey magaalada Cadaado, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada degmada. Agaasimaha oo uu wehlinayo madaxa howlaha hay'adda ayaa kormeeray xafiiska, kaasi oo ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha [...]
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo...

0
0

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Md:Ahmed Mohammed Silanyo ayaa Maanta Booqasho Tacsi ah Guriigasa ugu Tagay Gud:Faisal Ali Warabe.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxa Tacsi ugu Yimid Badiba Siyaasiyiinta,Ganacsatada Culimada Madaxdhaqameedka iyo Wax Garadka Reer Somaliland.
Wiil uu dhalay Gudoomiye faysal oo lagu magacaabi jiray Sayid Xuseen ayaa bishii hore ku geeriyooday Dalka Suuriya .

storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Addis Ababa...

0
0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo safar ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn.
Labada dhinac, ayaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay kadib kulankoodaasi. Wax-yaabihi ay labada dhinac ka wada hadleen, waxa Hargeysa ka soo direy wariyaha VOA Barkhad Maxamuud Khaariye.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:00
0:00:00 /0:02:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle

In ka badan Kun Tahriibayaal ah oo Laga Soo Bad-baadiyay Badda Mediterranean

0
0

Muhaajiriin gaaraya 1,400 ayaa laga soo badbaadiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, badda Mediterranean, sida ay sheegeen Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga .


Daawo:Shirweynaha afraad ee dib u eegista...

0
0

Shirweynaha 4aad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo ay ka soo qayb galeen mas'uuliyiinta Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Shirweynahan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Waxbarashada Puntland sannadkii tegay ee 2017 iyo qorshaha sannadkaan bilowga ah ee 2018,taasoo qeyb ka ah qorshaha guud ee Wasaarraddu dejisay 5 sano ee soo socota.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland,Maxammed cabdulqaadir Cismaan ayaa sheegay in sannadkii dhammaaday ee 2017 ay Wasaaraddu hawl ballaaran ka qabatay horumarinta waxbarashada guud ahaan degaannada Puntland,sidoo kalena sannadka cusub la dejiyay qorshe weyn oo ku aaddan sare u qaadidda tayada waxbarashada.Halkaan ka daawo.
PUNTLAND POST
The post Daawo:Shirweynaha afraad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Gudoomiyey Kulan...

0
0

Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Gudoomiyey Kulan Looga Hadlayay Arrimaha Gargaarka Soomaaliya
Jan 17, 2018 -

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirka ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018.
Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay'addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.
Ra'iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.
"Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas'uuliyada ka hor-tagida abaaraha" Ayuu yiri Ra'iisul Wasaarha Soomaaliya.
Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.
Dhanka kale hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.
Ugu dambayntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini'aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Gudoomiyaha Cusub Ee Magaalada Baladweyne Oo Maanta...

0
0

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Qallaafoow ayaa dib loogu magacaabay xilka Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxaana uu xilkaas Uu kala wareegay Manta Aadan Xeeyfow oo xilkan hayay bilihii ugu dambeeyay.
Qallaafoow horay waxaa uu u ahaa Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu mar kale dib u noqday Guddoomiyaha Magaalada.
Munaasibadda ay xilka ku kala wareegayeen Aadan Xeeyfow iyo Cismaan Qallaafoow ayaa maanta ka dhacday Magaalada Belebweyne,iyada oo ay ka qeyb galeen Maamulka Gobolka Hiiraan.
Qallaafoow ayaa xilka Guddoomiyaha Beledweyne waxaa 9kii Bishii January 2017kii ka qaaday Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Diiradda Shabelle Qeybta Garsoorka

Wasiirka amniga iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo...

0
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo xubno kale ayaa maanta socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas'uuliyiinta maamulka Degmada Balcad oo uu horkacayo Guddomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali [...]
storvideo: 

Ethiopia Committed to Somaliland Peace, Stability, says Hailemariam

0
0

Prime Minister Hailemariam Desalegn and Somaliland President Musa Behi Abdi held discussions on various issues here in Addis yesterday.
Prime Minister Hailemariam stated his country’s commitment to Somaliland’s peace and stability, saying, “Ethiopia is working aggressively to dismantle Al-Shabaab from the surrounding since it is our common enemy.” The PM also underscored that any incident in Somaliland will have direct and indirect impact on Ethiopia.
As part of its effort to ensure sustainable peace and stability in the region, Ethiopia has offered numerous scholarship opportunities to Somaliland students, he added.
“We discussed thoroughly and agreed on accessing Port Berbera, and we have already started developing infrastructure in the corridor to facilitate the growing import-export trade of Ethiopia.”

According to him, this move will strengthen Ethiopia’s and Somaliland’s economic cooperation. “We benefit from this development in a win-win manner,” he added. The Premier also mentioned that both countries have agreed to develop additional new ports.
Moreover, the Prime Minister said that the political question of Somaliland will be solved as per the guiding principles of IGAD (Inter Governmental Association for Development) and African Union (AU).
Musa Behi Abdi for his part said the two discussed several issues regarding security, economical development cooperation and political issues of the Horn of Africa. “We are greatly thankful to Ethiopia’s sustained support”, he added.

The post Ethiopia Committed to Somaliland Peace, Stability, says Hailemariam appeared first on Shabelle.

Maxay baraha bulshada ugu faaftay heesta Barbar?

0
0

Caruur iyo cirroole iyo dhallinyaro looma kala harin in muuqaal la iska soo duubo iyadoo barbar loo daadanayo.


MD Farmaajo oo booqday Xerada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.
Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lafilayaa in ay ka qeybgalaan shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug,kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb
The post MD Farmaajo oo booqday Xerada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka appeared first on Shabelle.

Rohingya ma badbaadi doonaan haddii Myanmar lagu celiyo?

0
0

Qaramada Midoobey ayaa ficilka Myanmar ee lagu soo barakiciyay boqollaal Rohingya ah in uu la mid yahay "isir sifeyn" iyo sidoo kale "in ay sii badineyso tirada dadka qaxootiga ku ah dafaha caalamka".

Faah faahinno ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay G/ Jubbada Hoose

0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Kenya Barqanimadii maanta lagu eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Difaaca Dowladda Kenya, xilli ay ku sii jeedeen Xero ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Gaduud ee gobolkaasi Jubbada Hoose.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Kenya ay la socdeen kuwa Mareykan ah, islamarkaana ay Sahay u sideen Xero ku taalla deegaankaasi Buulo Gaduud.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxyadaasi.
Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Jubbooyinka.
The post Faah faahinno ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle.

Soomaaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dagaalka Al Shabaab

0
0

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay, sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalka Al Shaabaab.
Mr Desalegn Ra’iisul WasaAraha Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliland  ay saameyn karaan Itoobiya, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan Nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliland iyo Itoobiya ay leeyihiin Iskaashi dhanacyo badan leh oo ay ka mid tahay Deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya ay siiso Ardayda maamulka Soomaaliland.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay heshiiska Dekadda Berbera, dhisida Waddooyinka isku xira Soomaaliland iyo Itoobiya, taas oo ay Dowladda Itoobiya sheegtay in ay horay u bilaawday.
Dhankiisa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ay uga mahadcelinyaaan Itoobiya taageerada joogta ah oo ay siiyaan Soomaaliland.
Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kiisii ugu horreeyay ee uu ku tago Dalka Itoobiya,tan iyo markii la doortay.
Waana safarkiisa 2-aad ee uu uga ambabaxo Soomaliland, isagoona dhawaan booqasho ku tagay Dalkaasi Jabuuti.
The post Soomaaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle.

XFS oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaana looga hadlay kulankan qodobo muhiim ah, sida xaaladda ammaan ee Dalka iyo arrimo kale.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbixin ku aadaan xaaladda amni ee gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Banaadir lAga dhageystay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Waxaana uu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolladaasi lagu soo qab qabtay illaa iyo 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/01/cod-onkod-golaha.mp3
The post XFS oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live