Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Suugaanta Loo Sameeyey Calankeena Sharafta Leh Iyo Keydka Qaranka Ee Radio Muqdisho(Dhageyso)

0
0

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 12ka Octobar waa maalin ku weyn guud ahaanba Shacbiga Soomaaliyeed waa maalintii la unkay Calankeena Sharfa Leh waxaana aqristayaasha radiomuqdisho.net horey ugu soo gudbinay Qoraallo ama Barnaamijyo maqal ah oo aynu kaga hadleynay qiimaha maalintan ay inoo leedahay.
Markii hadaba barnaamijyadaasi aan Bogga soo gelinay ayaa inta badan dhageystayaasha waxa ay inaga dalbadeen inaan usoo gudbino ama Bogga radiomuqdisho.net soo gelino heesaha ama suugaanta Sharafta uu Calanka inoo leeyahay looga hadlayo ayadoo inta badanna si gaar ah uu dalabka aqristayaashu ugu badnaa heesta gunaanudka u aheyd mid ka mid ah Barnaamijyada aan kasoo xulnay Keydka Qaranka.
Hadaba anaga oo tixgelineyna Codsigiina ayaa waxaa aan keydka Radio Muqdisho idinkaga soo xulnay qeyb ka mid ah Suugaanta Calankeena loo Sameeyey maadaama uu Radio Muqdisho yahay raadiye u dhaxeeya guud ahaanba Shacbiga Soomaaliyeed islamarkaana qof walba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay wuxuu doono in uu ka helo waa hadii aanay Qarannimada, Jiritaanka,Sharafka iyo Midnimada Umaddu wax u dhimeyn ayadoo intaa oo dhan ay hormuud u yihiin marka ilaalinta laga hadlayo Diinteena Suuban iyo Dhaqankeena soo jireenka ah.
Heesta ugu horeysa ee aan idiin soo xulnay waa heesta uu dalabkiina u badnaa oo Barnaamijka maanta aad dhageysateen gunaanudka u ah ee Qaasim Hilowle Ku Luqeynayo Rabi Naxariistii jano hasiiyee.
Heesta Koobaad:- Magaca Heesta Waa Calanka, waxaa ku luqeynaya Qaasim Hilowle,Ereyadana waxaa iska leh Abwaan Maxamed Nuur Shareeco, Laxankeedana waxaa iska leh Isla Qaasim Hilowle.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Heesta Calanka oo ah Heesta Koobaad ee Aan Heesaha Calanka idinkaga soo xulnay
Heesta Labaad:- Magaca Heestu Waa Calanyahow Ha Dhicin waxaana ku luqeynaya Kooxdii Xoogga Dalka waxaana Keyda Qaranka ay soo gashay sanadkii 1969kii.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Heesta Labaad Oo Ah Heesta Calanyahow Ha Dhicin
Heesta Seddexaad:-Magaca Heestu Waa Calan Yaa Leh waxaana wadajir ugu Luqeynaya Cumar Dhuulle Cali Rabi Naxariistii Jano Hasiiyee iyo Fanaanada Hibo Nuura,ereyada Iyo Musiga Heestan Waxaa Iska Leh Cumar Dhuule waxaana Keydka Qaranka ee Radio Muqdisho ay soo gashay 26-06-1968
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Heesta Seddexaad Oo Ah Heesta Calan Yaa Leh
Heesta Afaraad:-Magaca Heestu Waa Calan Buluglaw waxaana ku luqeynaya Maxamed C/laahi Gujis ayadoo ay La Jiibinayaan Hobolada Waaberi,ereyada iyo Laxankaba Waa isla Maxamed C/laahi Gujis.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Heesta Afaraad Oo Ah Calan Buluglow
Heesta Shanaad:- Magaca Heestu waa Calanka waxaana ku luqeyneysa Maryan Mursal Ciise Bootaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Heesta Shanaad Oo Ah Heesta Magaceedu Yahay Calanka
Heesta Lixaad:-Magaca Heestu Waa Calanka Waxaana Ku luqeynaya Baashi Maxamuud Macalin Miraha iyo Muxigana waxaa iska leh isla Baashi Maxamuud Macalin
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Heesta Lixaad Oo Halkudhigeedu Yahay Calanka
Magaca Gabaygu Waa Calanyahow waxaana Codkiisa nagusoo gaarsiinaya Gabyaaga Cali Xuseen Xirsi waxaana keydka Qaranka uu soo galay 1965Kii.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Gabayga Calanyahow
Xusuusin.
Waxaa Xusid Mudan in Suugaanta lagu muujinayo Qiimaha,Sharafta iyo Maamuuska Calankeena inaysan intaan ku koobneyn oo ay tiro badan yihiin balse intii aan kari karnay aan sameynay dalabkiina kadib.
 
 
 
 
 
 


Mayd Wali dhexyaalla Cisbitaalka SOS

0
0

Hay’adda SOS ayaa sheegtay in maydka mid ka mid ah shaqaalaheeda uu ku xayiran yahay gudaha cisbitaalka SOS ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Cali Shabaaye oo ka tirsanaa shaqaalaha SOS ayaa dhintay kaddib markii cisbitaalka SOS uu saameeyay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada DKMG/AMISOM iyo ururka al-Shabaab.
Tommy Standun oo ka tirsan SOS ayaa wareysi uu siiyay VOA ugu baaqay DKMG iyo AMISOM in loo ogolaado sidii ay maydka uga soo qaadi lahaayeen Cisbitaalka.
Tommy wuxuu kaloo ku baaqay in shaqaalaha SOS dib loogu oggolaado cisbitaalka si dib loogu furo adeegyada Cisbitaalku u hayo caruurta iyo dumarka Soomaalida.

Mayd Wali dhexyaalla Cisbitaalka SOS

0
0

Hay’adda SOS ayaa sheegtay in maydka mid ka mid ah shaqaalaheeda uu ku xayiran yahay gudaha cisbitaalka SOS ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Cali Shabaaye oo ka tirsanaa shaqaalaha SOS ayaa dhintay kaddib markii cisbitaalka SOS uu saameeyay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada DKMG/AMISOM iyo ururka al-Shabaab.

Tommy Standun oo ka tirsan SOS ayaa wareysi uu siiyay VOA ugu baaqay DKMG iyo AMISOM in loo ogolaado sidii ay maydka uga soo qaadi lahaayeen Cisbitaalka.

Tommy wuxuu kaloo ku baaqay in shaqaalaha SOS dib loogu oggolaado cisbitaalka si dib loogu furo adeegyada Cisbitaalku u hayo caruurta iyo dumarka Soomaalida.

Dhaqanka iyo Hiddaha Q-79aad (Sheekooyinka Sarbeebta)

0
0

Barnaamijkan waxaad ku maqlaysaan gabay iyo sheekooyin sarbeeban.

Dhaqanka iyo Hiddaha Q-79aad (Sheekooyinka Sarbeebta)

0
0

Barnaamijkan waxaad ku maqlaysaan gabay iyo sheekooyin sarbeeban.

Burcad badeed Soomaali ah oo Maxkamad ku taal Seychelles ku xukuntay 10-sano xabsi

0
0

11-Burcad badeed Soomaali ah oo bishii Marso ay qabteen Ciidamada Badda Spain ayaa maanta lagu soo taagay Maxkamad ku taal Jaziirada Seychelles, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Maxkamada oo ahaa Ugandes uu raggaas Soomaalida xabsi dhan 10-sano ku riday. Maxkamada oo ay iska kaashadeen Qaramada Midoobey iyo Dowladda Seychelles ayaa dhowaan waxaa ansixiyay Baarlamaanka Seychelles, kaasoo maamulkiisa [...]

Shukulaatadii Ugu Weyneyd Ee Caalamka Soo Marta Oo La Soo Bandhigey.

0
0

Shukulaatadii ugu weyneyd abid ee caalamka lagu farsameeyo ayaa lagu soo bandhigey xarun ay ku leedahay magaalada Alfreton ee dalka Ingiriiska shirkad soo saarta macmacaanka. Shukulaatadan ayaa culeyskeeda waxa uu noqday 6tan ama 5,792.5kg waxaana dhererka shukulaatadan ay gaareysaa 4mitir. Shukulaatadan oo ka samaysan caano ayaa waxa ay jebisey rikoorkii hore ugu yiil shukulaatada caalamka. [...]

Wiilkii Nigerian-ka doonayay inuu qarxiyo Diyaaradii ku socotay Detroit oo si layaab leh u qirtay dambigiisa

0
0

Inankii Nigerianka u dhashay ee lagu soo eedeeyay isku daygiisa ku wajahnaa inuu ku qarxiyo Diyaaradii ku socotay Detroit cidii Chrismas-ka sanadkii 2009-kii ayaa si layaab leh u qirtay dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyay. Maxkamadii maanta la hor keenay ayuu Cumar Faaruuq Cabdul-Mudalib ka hor qirtay dambiyo la xiriiray falal argagixiso iyo qorshe uu ku [...]


Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta qaabilay wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika “Daawo Sawirada”

0
0

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu maanta uu qaabilay wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika, waxayna ka wada hadleen dhawr qodobo oo ku saabsan Dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.
Wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay maanta soo gaareen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu wefdiga uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo xiriirka u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo koonfur Afrika.
Kullankaan oo dhawr saacadood oo xiriir ah soconaayay, ayaa waxay labada dhinac ay si weyn uga sheekeysteen qodobada ay maanta ka wada hadleen, waxayna isku waafaqeen in qodobadaasi la-meel mariyo.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu mahad-celin uu u jeediyay Madaxda Dowladda Koonfur Afrika iyo wefdiga ka socda ee ay maanta u soo direen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.





Madaxweyne Shariif oo la kulmay Ergey ka socday Dowladda Koofur Afrika

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmay Ergeyga Madaxweynaha Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr Charles Nqkula oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Shariif ayaa ka gudoomay Ergeyga fariin uu ka siday Madaxweynaha Koofur Afrika Mr Jacob Zuma, iyagoo Ergeyga ka wada hadleen arrimo badan oo ku qotomay xiriirka [...]

Gudoomiye Cirro & Aw Sahal isu-aragti & ficil ekaah. By: Mohamed Adan Omer

0
0

 
Salaan wacan mareegaha warbaahinta.
Aw Sahal waxaa uu ahaa Oday ka  mid ah Xoolo dhatada S/land. Nin afgaaban,degenaansho lagu yaqaana waa uu ahaa balse laga garasho roon yahahy. Sanad barwaaqo ah ayaa waxaa la soo degay oo guriga la yagleeshay gabadh ama inan uu dhalay iyo Saygeedii oo Geel badan leh,waxaanay ku wargeliyeen in ay jecelyihiin sanadka in reeerku wada yaalo. Aw  waa uu soo dhoweeyey maadaama ay ubakiisii yihiin,gurina waa la wada yagleeshay.Aw Sahal waxa u tashaday niman ay ilmadeer ahaayeen oo aqoon fiican u lahaa. Waxaay yidhaahdeen Sahalow  magac  iyo raganimo maanta ayay kuugu dhow yihiin haddiiba aad naga aqbasho talada aanu kuula socono oo ah mid aad u miihiim ah. Rag damac ku wada abuurane ,Aw Sahal waa soo dhoweeyey weedhaha loo soo jeediyey.  Waxaanay u soo bandhigeen in Wiilkan la soo degay ee uu sodoga u yahay ka soo jeedo beel heblaayo,isla beel heblaayana ay jirto Colaad dhab ah oo ka dhaxaysa. Waxaa kale oo ay ku beer laxawsadeen in Gabadhi mar walba dhaxdin tahay.  Taasi awgeed, Geelani yahay mid reer hebeloowe. Mar haddiiba xaalku sidaas yahay,waxaa ay aw Sahal u soo jeediyeen in ay haboon tahay in Geelan la qaado. Waxaa kale oo ay ugu ballan qaadeen in isla Aw Sahal qaato oo aan cidi kula tartami jagadda Abaanduulenimo iyo Hasha Geela u mudan ee loo yaqaano "Hal  Jileeda".  Aw Sahal arrinkaasi si qumman ayuu ugu dhoolo caddeeyey ,waanu ka aqbalay in uu Geeliisa Col geliyo,kana hormood noqdo raga qaadaya,weliba qoorta loo sudho astaanka abaan-duulka oo u jeeni qaarto. Maalinkii loo ballamay ayaa yimid,si fiican ayaana cagta loo mariyey,waana la  qaaday geelii.   Goor gelin dambe ah ayaa Beeshi ka war heshay in shil dhacay,geeli Wiilka Sahal Sodoga u yahayna la qaaday. Waxaa degdeg loo diyaarshay gurmad aad u culus madamaa la filayey in colka geela qaaday ka soo duulay dhul durugsan,isla markaas si aad ah u qalabaysan yahay. Raadkii ayaa cagta la saaray,waxaana lagu gaadhay dhul durugsan. Waa laga wareegay,waxaana la is huwiyey rasaas goo-goos ah. Si dhib-yar ayaa looga xoog roonaaday Kooxda aw Sahal,gacanta ayaana lagu dhigay.   Hadaba, waxaa gurmadii amakaag iyo layaab ku noqotay in uu ka mid noqday raga la qabtay ninkii Geelaba iska lahaa ee Aw  Sahal.  Su'aal ayaa la  waydiiyey ah, waar Aw Sahal garanay budhcada kale ee adigu ayaad Geela ka  qaadaysay.? Jawaab waa uu  u waayey Aw Sahal. 
 
Dulcuda qormada aan u noqdo ee waxaa ay la socota bulshada Bulshada S/land guud ahaan in Mudane Abdirahmaan A. Ciro ka mid ahaa xubnaha sare ee Xisbi Qarameedka Uicd. Waxaa kale oo aynu la soconaa in uu ka mid ahaa Xildhibaanada Xisbiga uga soo baxay Gobolka Saaxil. Waxaa iyana laba ilaawaan ah in Mudane Cirro ku guulaystay in uu ku fadhiisto Kursiga ugu qiimaha badan dalka S/land marka laga reebo Madaxwaynaha dalka. Waxaa iyana aan la moogayn in isla Kursiga qaaliga ah in Ciiro ku fadhsiito in uu sabab u ahaa dagaal culus iyo dadaal uu u horay hogaanka Xisbiga ucid Mudane Faisal Ali Hussein oo ku dhaar maray in aan nin aan Ciro ahayni ku fadhiisan doonin Kursiga Gudoonka Xildhibanada,kuna guulaystay .
 
Hadaba, waxaa xusid mudan in Bulshada S/land ku waabariisatay in Xaruntii  Xisbiga Ucid guuto uu hormood ka yahay Mudane Cabdirahmana Ciiro ay hab inqilaab ah kula wareegeen. In ay Jabsadeen Qasnadii dhaqaalaha xisbiga,lana baxeen dhaqaalahii islla xisbiga. In ay isla jabsadeen oo ay burburiyeen qalabkii Xarunta Xisbiga ,sida Computers iwm. Iyo in ay isu caleemo saareen gudoonkii Xisbiga intaba. Dhacdadan oo ku ugub ah dalka S/land oo ku dhisan habka wada tashiga iyo ku kala baxa doorashooyin distoori.
 
Ka dib markii loo kuur galay shilka dhacay,waxaa la ogaaday in Mudane Cirro ay u adeegsadeen duulaanka uu ku qaaday isla Xibigiisii dhinacyo is kaashaday oo ujeedadoodu keliya ahayd in Xisbi  Qarameedka ucid la burburiiyo,lana tirtiro.  Dhinacyadaasi oo haatan ummadu ka war qabto,isla markaas aanu u baahnayn faah-faahin dheeraad ah.   Hadaba, iyada oo ummada S/land ka si fiican uga war qabto Mudane Cabdirahmaan oo ay ku cadahay fal-dembiyeedka ah tuugo,boob iyo ku tumasho shuruucda dalka iyo in uu xata ku fashilan yahay Kursiga loo doortay ee gudoonka aqalka xildhibaanada,in uu isla maantana bulshada kula dhiirado damac madaxnimo doon iyo  Xisbi hor leh ayaan furtay,ayaa waxay noqonaysaa mid meel ka dhac iyo cay ku ah guud ahaan bulshada S/land.  Waxaanan ku soo gunaanadi lahaa qormada in Cabdirahmana Ciro loo aqoosado  Aw Sahalka Sanadan ee S/land maadaama ay meelo badan isku aragti ka yihiin labada Oday.
 
Mohamed Adan Omer
sharrif5@aol.com
—————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 
 

Maryan Mursal” Al-Shabaab Qabuuraha Waxay u Faagayaan Anigaa u Diray Waraysi VIDEO

Ina biixi iyo ina samaale, ma waxay leeyiin madaxwaynaha anagaa dooranay, oo cid xagiisa naga xigta ma jeclin,.. By: CABDI RAXMAN MAXAMED

0
0

WAA SALAMANTIIN WARBAAHINTA MADAXBANAAN.
SIDAYNU LAWADA SOCONO MADAXWAYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUD, IYO WAFT UU HOGAAMINAAYO AYAA MODO WEAK AH WAXAY SAFARKAA KU SOO MAREEN, MEELA BADAN OO KA MIDA GOBOLADA BARRIGA SOMALILAND SIDA OODWAYNE, TOGDHEER, SARAAR, SOOL, SANAAG, SAFARKA WAXAA WEHELINAYAY KOOX KA TIRSAN GOLAHA WASIIRA IYO MUUSE BIIXI, IYO WALIBA CABDI CASIIS MAXAMED SAMALE, OO AH GUDOOMIYAHA LABAAD EE GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND, SIDAYNU WADA ARKAY NAY, SAFARKII MADAXWAYNAHA SOMALILAND WUXUU ISU BADALAY OLOLE XISBI WAAYO SAFARKA DEE WAXAA XAQ ULEH, GOLAHA XUKUUMADA OO KALIYA LAKIIN, XISBIGII KULMIYE AYAA MEESHA AAD OLOLE BALAADHAN KAGALAY OO LAHAA MAR WALBA XISBIGII KULMIYE CODKII WUU IDINKA SUGAYAA MEELKASTA OO AY ISTAAGAANBA, TAAS OO QALAD AH, WAAYO WALI LAMA FASIXIN XILIGII OLOLAHA AXSAABTA LAMA GAADHIN, WAAYO INA BIIXI IYO INA SAMAALE BA DEE OLOLE XISBI AYAY WADEEN, WAANA AYAAN DARO ISAGOO MADAXWAYNIHII DHAMAA EE QARANKU MARAYA, IN AY KOOXO DAN XISBI KA SHAQAYNAYAA IN AY DHINAC YACAAN, MADAXWAYNU IN UU WAXAAS OO KALE OGOLAADO MAAHA, WAAYO DEE ISAGAA XISBIYADOO DHAN DHAX U AH, MARKAA IN AY REER KULMIYE KA DHINAC OLOLEEYAAN WAA KHALAD, MADAXWAYNA MARKUU MEEL TAGO AAD AYAA LOO SOO DHAWAYNAYAY, HALA SOO DHAWEEYEE DADKU MADAX WAYNE AHAAN, AYAY UGU SOO BAXAYEEN EE LAKIIN DEE UGU MAY SOO BAXAYN KULMIYE AHAAN, LAKIIN INA BIIXI IYO INA SAMAALE WAXAY U HAYSTEEN, IN KULMIYE AHAAN UGU SOO BAXAYEEN, DAD KA SOMALILAND NA WAY OG YIIIN CIDA SHANTA SANO EE DAMBE MADAXWAYNE KA NOQONAYA SOMALILAND, EE MADAXWAYNE SILANYO LABADAN NIN EE KU DOODAYA ANAGAA SILANYO DOORANAY, EE WAA IN AY BEESHA MADAXWANUHUNA CODKA NASIIYAAN, TAASI AYAY KA DHAXWADEEN EE IYAGO MAY AHAYN BA IN AY MACAA FAGARA YAASHA KA HADLAAN, ILEEN IYAGU MASUULIYAD MAHAYAANE, EE MACNU WUXUU AHAA UUN ANAGA SIILANYO DOORANAY,INA SAMAALE SHAQADIISU WAA SHARCI DAJIN , EE IN UU SHAQADII FULINTA GACMAHA LAGALO ISAGOO KU FASHILMAY TII WAKIILADA, OO SIDAY UMADU LAWADA SOCOTAY KULMIYE UGA DHEX ULOLEYN JIRAY GOLOHA WAKIILADA, TAAS OO SHABAD AAN WALIGII KA GO AYN KU NOQOTAY, SIDII UU U XAASIDI JIRAY XUKUUMADII TAN KA HOREYSAY, OO UU MACAA AAYADU USOO DALIILIN JIRAY MARKUU IS LEEYAY DHALIIL DAHIR RIYAALE AMABA XUKUUMADA, HADABA DAD WAYNU HU HA OGADAAN IN UU SAMALE IYO CIRROBA, AY U SHAQAYN JIREEN, DAN GOONI AH OO TII QARANKA LAYSKA ILAAWAY, OO AY WALIBA LABADOODUBA LEEYIIN WAANU SHARAXANAY EE NADOORTA, YAA IDIN DOORANAY, NIN KITAAB KU DHAARTAY OO HADANA WIXII LOO DHAARIYAY, BEEN KA SHEEGAY OO CID LA BA HOOBAY AMA SHURAAKO KULA AHAA MARKAAN MADAXWAYNE NOQDO AYAAN WAXAA IYO WAXAA IDIN SAMAYNAYAA, YAA MAANTA AAMINI KARA, MEEDAY DHAARTII AY UMADA U DHAARTEEN, ANIGU WAXAAN QABAA IN AY UGU DHANTAY, IS AGTAAGAA AY KA AG MUUQANAYAAN UUN OO KALIYA, WAAR NIMANKII XAKA MAYN LAA MADAXWAYNA WAA IDINKA EE SHAQADIINA QABSADA, WAYNU ARGNAA IN UU MAR WALBA CIRO IYO SAMALE AY HOOSTA KAGA JIRAAN MADAXWAYNAHA,, WAXAAN KO SOO KOO BAYAA, SHAQA LE DIIN EE QABSADA OO NACABLAYNTA ISKA DAAYA
WABILAHI TOWFIIQ
CABDI RAXMAN MAXAMED 
HARGEISA SOMALILAND 
redsea05@hotmail.com
—————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

HAMBALYO URURKA CUSUB EE WADANI By: Asad Ibrahim

0
0

 
Anigoo ah dhamaan ardayda Jaamacdaha Dalka sida Hargeisa University, Admas University, fairland University, Golis University, New Generation University, Burco University, Camuud University. 
Waxaa hambalyo iyo bogaadin u diraynaa aasaasayaasha ururka WADANI ee la ugu dhawaaqay khamiistii aan soo dhaafnay ee taarikhdu ahayda 6-10-2011, waxaanu si gaar ah u soo dhawanayanaa  Gudoomiyaha ku-meel  gaadhka ah ee wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland mudane C.rahmaan cabdilaahi (ciro); anigoo u aragna in uu yahay hogaamiye Somaliland gaadhsiin kara Horumar iyo Isbadal la taaban karo dhamaan dalka  gaarahaan dhalinyarada Somaliland.
Waxaa halkan ka cadaynaynaa in aan la garab taaganay taageero hiil iyo hooba  markaa aragnay xeerarka ururkana iyo himilada ururkana kaasoo u sahali kara dhamaan  dhaiiyarada somaliland in ay ku soo biiraan saaxadada siyaasada dalka.
Waxaa mar kale leenahay Hambalyo  Aaasaasayaasha ururka WADANI
LIISKA ADAYDA JAAMACADAHA  DALKA:
Khaalid Cabdilaahi Ducaale. 
Cabdirakiim Maxamed Cabdilahi.
Maxamed Cabdilaahi Aqali.
Cabdinaasir Axmed Jaamac .
Axmed Maxamed Hashi.
Deeqa Maxamuud Warsame.
Sahra  Axmed Cumar.
Ayaan Aadan Axmed.
Shukri Axmed Idiris.
Ifraax Maxamed Madar.
Umulkhayre Baashe Axmed
Niciima Axmed Muxumed 
Maxamuud Maxamed Muuse .
Habiiba Faarax Muuse.
Khadar Daahir Faarax.
Siciid Mawliid Axmed.
Ayaan Axmed Muuse.
Asad  Ibraahim Aadan.
Xariir Maxamuud Ibraahin
Maxamed Jaamac.
 
 
Dhamaan ardayda kale ee aan Qoraalka ku xusnayna diba yaa ka arki doontaan ishalah.
Allaa Mahad Leh
asad ibrahim

qube_99@hotmail.com
——————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla

Waa Axmad Samatar oo reer Somaliland si qurux badan uga hadlay dabadeedna ku yidhi: Ma is dhegeysanaa?


Idaacad Madax Banaan Oo Markii Ugu Horeysay Laga Hirgeliyey Guriceel…SAWIRRO

0
0

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu furayey Idaacad madax banaan oo markii ugu horeeysay taariiqda laga hirgeliyo magaaladaasi.
Xaflada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa’udiin,waxgarad,ganacsato, haween,dhalinyaro iyo xubno ka kala socday ururrada bulshada ee ka dhisan gobolka Galgaduud waxaana dhamaanba xubnaha kasoo qeybgalay Xaflada furitaanka idaacadan oo loogu magac daray Radio Galgaduud ay madasha ka sheegeen aragtidooda ku aadan in magaalada Idaacad laga hirgeliyo.
Gudoomiye kuxigeenka maamulka degmada Guriceel Cali Baashi Aadan Diiriye oo khudbad ka jeediyey xafladii furitaanka Idaacadda oo lagu qabtay xarunta Radio Galgaduud ee magaalada Guriceel ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad ugu farax sanyihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaan in magaalada ay hesho idaacad bulshada u tabineysa waxyaabo kala duwan.
Sidoo kale Sheekh Saciid Sheekh Maxamed Sheekh C.raxmaan Madaxa guud ee Garsoorka Culumaa’udiinka Ahlu Suna waljamaaca oo isna xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay in baahi warbaahineed deegaanka ay ka jirtay waxaase uu kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeenada Idaacadubba inay ahmiyad siiyaan wacyi gelinta bulshada ee ku aadan xaga Diinta.
Ustaad Axmed Cismaan Cabdi Agaasimaha idaacadan cusub ee Radio Galgaduud iyo Tafaftiraha Idaacadaasi C/fitaax Xasan Faarax oo labaduba hadal ka jeediyey xafladii furitaanka aheyd ayaa tilmaamay in idaacadu tahay mid dhex dhexaad ah islamarkaana ku dadaali doonaan in bulshada reer Guriceel ay ka haqab tiraan baahidooda dhanka warbaahinta la xiriirta.
Idaacadan cusub ee Radio Galgaduud oo noqoneysa idaacadii ugu horeysay ee madax banaan oo laga hirgeliyo magaalada Guriceel ayaa waxaa ay ka hadleysaa mowjada FMka 97.7MHZ ayadoo marka laga reebo baahinta barnaamijyadeeda ay dadka magaaladaasi ku nool u gudbin doonto laanta Afka Soomaaliga ee VOAda.



Halkan Ka Daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Ee Dalka Maraykanka

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 12-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 12-Octobar
 

Heesta Nasashada Caawa: Waa Fanaan Axmed Biif Iyo Heestii Nacab Jaceyl

SAWIRKA MAANTA. Nin Iyo Xaaskiisa Oo Awr Haamo Ku Raraya.

0
0

 
Sawirka Maanta ee shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir aad u qurux badan oo muujinaya Nin Iyo Xaaskiisa  oo laba Awr ku kala raraya Haamo dhaan ah, Reer- miyiga oo   Geella  u isticmaala gaadiid ahaan, Awrka oo ah gaadhiga ugu fiican ee ay dadka miyigu u isticmaalaan. Hadaba wax ka xasuuso dhaqankeena fiican.DAAWASHO WACAN.


 
SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live