Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirka dhaqan gelinta heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusunna.
Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska,islamarkaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.
Ciidamada ku jira Xerada 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb oo ka tirsan Ahlusunna ayaa lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya ,waxaana maanta booqday madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah looga taagay calanka Maamulka Galmudug,waxaana madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ka shaqa bilaabaya madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
The post Shirka dhaqan gelinta heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb appeared first on Shabelle.


Dhaktar u ololeynaysa in Gudniinka farcooniga sharci laga dhigo

$
0
0

Dhakhtar u dhalatay dalka Kenya ayaa maxkamada sare ee dalkaasi geeysay kiis ay ku dalbanayso in gudniinka fircoonga laga dhigo sharci.

Baarlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah S/land

$
0
0

Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalkii Ciidamada Soomaaliland ay kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee g/ Sool.
Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanku ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah maamuulkaasi Soomaaliland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin faragalin uu sheegay in Soomaaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka Maamul ahaan ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkaasi.
Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay aaga dagaalka ee deegaanka Tukaraq, waxaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Sool.
The post Baarlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah S/land appeared first on Shabelle.

Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub U...

$
0
0

Hargeysa(ToggaHerer)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta oo jimce ah taariikhduna ay tahay 19/01/2018 la kulan la qaatay safiirka midawga yurub, u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, oo dalka ku sugan, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee midawga yuurb iyo Somaliland.Waxa kale oo ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirku sidii laysaga kaashan lahaa, loona adkayn lahaa wada shaqaynta amniga iyo arrimaha budhcad badeeda, midawga yurubna ay sii wadan taageerada ay Somaliland, awalba ka siin jirtay arrimaha la xidhiidha, maalgashiga, qorshaha mashaariicda horumarineed ee dalka lagu horumarinayo iyo inay xooga saaraan, mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale loona yaqaan (Berbera Corridor), waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in sare loo qaado xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Midawga yurub, sidoo kalena ay Somaliland ka taageeran dhinacyada maalgashiga, qorshaha horumarineed iyo tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta.
storvideo: 

Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo...

$
0
0

Wafdigani uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Madane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka, waxgarad iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaaladaasi si weyn loo adkeeyey. Madaxweynaah Soomaaliya waxaa ku wehliya [...]
storvideo: 

Dowladda Ghana oo digniin u jeedisay Shirkadda British Airways

$
0
0

Wsaiirka duulista hawada ee Ghana Cecelia Dapaah ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways in ay wajihi karto mamnuucid, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaheeda lagu arkay Kutaan.

Daawo: ” Hadeer Waad ogtihiin Sheekada ay soo...

$
0
0

Daawo:" Hadeer Waad ogtihiin Sheekada ay soo saareen Salaadiintan Qaarkood dibjirada u eegyihiin... Sidoo kalena Xukuumada Waxaan ka sugaynaa inay uga waramaan Dadka Dagaalka Bariga" Faysal Cali Oo Arrimo badan ka hadlay

storvideo: 

Daawo: Xildhibaan Bidhi Oo Lagu Soo dhaweeyey...

$
0
0

Daawo: Xildhibaan Bidhi Oo Lagu Soo dhaweeyey Magaalada Boorama Sheegayna Madaxdii dalka Soo martay in ay ka yimaadeen Labadaa magaalo.
storvideo: 


Dowladda Ghana oo digniin u jeedisay Shirkadda...

$
0
0

Wsaiirka duulista hawada ee Ghana Cecelia Dapaah ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways in ay wajihi karto mamnuucid, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaheeda lagu arkay Kutaan.
Wargays ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda British Airways oo duulimaad ku kala bixinaysay London iyo Accara la hakiyay muddo 4 saacadood ah ka dib markii kuraasta diyaarada lagu arkay cayayaan qulqulaya.
Shirkada diyaaradaha ee British Airways ayaa sidoo kale bayaan ka soo saartay arrintan.
Shirkadda ayaa sheegtay in dhacdadani ay tahay mid dhif iyo naadir ah islamarkana khubaro loo saaray si ay tillaabo degdeg ah u qaadaan.
Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ugu kala gooshta UK iyo Ghana.
Saraakiisha shirkadda ayaa BBC u sheegay in Ghana ay u tahay goob muhim ah oo ay diyaaradahooda duulimaad ku tagaan.
storvideo: 

Maxaabiis laga keeney Dalka India oo garoonka...

$
0
0

Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay Dalka India, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamada ku taala Dalkaasi. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad [...]
storvideo: 

Madaxweynaha Jubbaland oo bogaadiyay hawlgallo lagu...

$
0
0

Kismaayo, Jan, 19, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. In ka badan 40 Argagixisada ka mid ah ayay Ciidamadu ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deeganada Beerxaani Kaamjaroon Araare iyo Jamaame. [...]
storvideo: 

Amnesty oo Cambaareysay Bur-burinta Xarrun Barakacayaal

$
0
0

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in burburka lagu sameeyay xarun ay barakacayaashu daganaayeen oo ku taalla duleedka Muqdisho iyo xoogga dadkaasi meesha looga saaray ay ahayd arrin aad u daran oo xitaa muuqaal ahaan laga arkay dhinaca hawada sare.

Amnesty oo Cambaareysay Bur-burinta Xarrun Barakacayaal

$
0
0

Hay'adda Amnesty International ayaa sheegtay in burburka lagu sameeyay xarun ay barakacayaashu daganaayeen oo ku taalla duleedka Muqdisho iyo xoogga dadkaasi meesha looga saaray ay ahayd arrin aad u daran oo xitaa muuqaal ahaan laga arkay dhinaca hawada sare.
Hay'adda ayaa soo bandhigta muuqaallo setalite ah oo muuujinaya burburkaasi. Nuur Bukhaari ayaa warbixintan soo akhriyay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:01:43
0:00:00 /0:01:43
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

K/Koonfureed oo ka dalbatay K/Waqooyi inay sharaxaad ka bixiso xubno ka baaqday shir

$
0
0

Kuuriyada Koonfureed ayaa ka dalbatay Kuuriyada Waqooyi inay sharaxaad ka bixiso sababta ay u hakisay kulan horey loo qorsheeyay oo looga hadlli lahaa ciyaar dhaqameedyo loogu talla galay in lasoo bandhigo xilliga ay socdaan ciyaaraha qaboobaha ee bisha soo socoto qabsoomaya.

K/Koonfureed oo ka dalbatay K/Waqooyi inay sharaxaad...

$
0
0

Kuuriyada Koonfureed ayaa ka dalbatay Kuuriyada Waqooyi inay sharaxaad ka bixiso sababta ay u hakisay kulan horey loo qorsheeyay oo looga hadlli lahaa ciyaar dhaqameedyo loogu talla galay in lasoo bandhigo xilliga ay socdaan ciyaaraha qaboobaha ee bisha soo socoto qabsoomaya.
Xukuumadda Pyongyang ayaa horey u ogolaatay inay u dirto ergo 7 xubnood ah oo soo eegta xarumaha lagu qabanayo ciyaar dhaqameedka, balse maalintii Jimchaha ayay ku wargalisay Seoul in booqashada ergadaasi la hakiyay.
Dalabka Kuuriyadda Koonfureed ee ah in sharaxaad laga bixiyo sababta loo hakiyay booqashada xubnahaasi oo la sugayay ayaysan wali Kuuriyadda Waqooyi jawaab ka bixin.
Dhanka kale, saraakiisha labada Kuuriya waa Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa kula kulmaya magaalada Geneva xubno ka tirsan guddiga caalamiga ee ciyaaraha qoboobaha si ay uga gaaraan go'aan heerka uu gaarsiisan yahay rabitaanka ka qeybgalka Kuuridyada Waqooyi ee ciyaarahan.
storvideo: 


Kulan loga hadalayay Sugida Amaanka oo lagu qabtay...

$
0
0

kulan looga hadlaayay Amniga Gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu qabtay Degmada Baraawe ee Gobolkasi waxan ka qayb galay masuuliyinta gobolka shabeelaha hoose. Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda C/fitaax Cabdulle ayaa xili u la hadalayay radio muqdisho waxa u ka warbixiyay xaladda gobolka shabeelada hoose iyo kulamaada ay yeelanayan masuuliyiinta kusugaan magaalada Baraawe. wasaarad arimaah gudaha ee [...]
storvideo: 

AU and UN Envoys on the AMISOM Funding Consultations

$
0
0

The African Union (AU) Commissioner for Peace and Security, Amb. Smail Chergui, met with the AU and the UN Special Envoys on the African Union Mission in Somalia (AMISOM) funding consultations, respectively Mr. Ramtane Lamamra and Mr. Jean-Marie Guehenno.
The Commissioner for Peace and Security briefed the Special Envoys on challenges facing the mission and some of the efforts that have been undertaken to secure predictable, sustainable and flexible funding. He further highlighted that securing funding for AMISOM must go in tandem with securing financial and material support to the Federal Government of Somalia. The Commissioner further thanked the European Union for its support since the deployment of the mission in 2007.
The Special Envoys were then briefed by the technical teams on the recent political and security developments in Somalia, accountability mechanism put in place for the mission, recent discussions on the transition plans and the overall funding challenges for AMISOM and the Somali security forces.
The Special Envoys then met with the Permanent Representatives of the AMISOM Troop and Police Contributing Countries where they exchanged views on challenges facing the mission.
The discussions were held against the backdrop of the United Nations (UN) Security Council Resolution 2372 (2017) where the Security Council requested the UN Secretary-General, the AU, and partners to explore, in earnest, funding arrangements for AMISOM, bearing in mind the full range of options available to the UN, the AU, the European Union (EU), and other partners.
Following a series of consultations, the Chairperson of the AU Commission appointed Mr. Ramtane Lamamra, his Special Envoy on Silencing the Guns, to lead the AU efforts, while the Secretary-General appointed Mr. Jean-Marie Guehenno on the part of the UN.
The two Envoys are scheduled to consult widely with key stakeholders, including the leadership of the AU Commission, Federal Government of Somalia, AMISOM Troop and Police Contributing Countries, UN Security Council members, the European Union and other partners to seek their views, and obtain a broad consensus on the best options for funding for AMISOM and Somali security forces.
storvideo: 

Maamulka Khaatumo Oo Baaq u Diray dowladda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Tukaraq-(Caasimadda Online-)Maamulka Khaatumo State ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay'adaha samofalka ah in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadkii dhowaan ka baracay dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Wasiirka arrimaha dibadda Khaatumo, Caynaanshe C/raxmaan oo la hadlay idaacadda goobjoog ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xiisadda ka taagan deegaanka tukaraq.
dhawaan ayay ahay markii ay ku dagaalameen deegaanka tukaraq maamul labada maamul goboleed ee Puntland iyo Somaliland. waxaana halkaas kubarakacay Shacab aad u badan.
Caynaanshe ayaa tilmaamay in dadkii ka barakacay ay xaalad adag ku sugan yihiin, loona baahan yahay in lalasoogaaro gurmad degdeg ah.
"Annaga wixii wixii karankeena ah ee aan ka geysan karnay waan ka geysannay, waxaan sugaynaa dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka iyo hay'adaha kheyriga ah waxaan ku ugu baaqaynaa in dadkaan ay u gurmadaan, sidoo kale cid walbo oo Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in shacabkaasi la taageero" ayuu yiri wasiir Caynaanshe.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Cabudwaaq

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Guriceel ayaa kulan la qaatay Maamulka degmada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,waxa uuna Shacabka iyo Maamulka Guriceel ku amaanay sida ay ula dagaalameen Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.
Magaalada Cabudwaaq Wararka aan ka heleyno ayaa Maanta waxa ay sheegayaan in uu ka socdo diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha,waxana Magaalada laga taagay Calanka Soomaaliya iyo kan Galmudug,waana Magaalada uu deegaan ahaan ka soo jeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Maxaabiis Soomaali Ah Oo Sanadkaan Gudihiisa Lagu...

$
0
0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo gelbinayay 42 ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xirnaaa dalka Hindiya oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa qiray in ay jiraan kuwo kale oo xiran.
Waxa uu sheegay in in ka badan kun qof oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin Wadamada Caalamka kuwaas oo u baahan in ay xurriyadooda helaan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu rajeynayo Sanadkan Gudihiisa dalka lagu soo celiyo kuwo kale kadib dadaal ay wado dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee Sanadkii 2017 waxa ay dalka ku soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xirnaa dalal kala duwan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live