Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wareysi: U kuur Gelidda Xaaladda Tahriibayaasha...

$
0
0

Xubno xaqiiqo raadin ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay dalka Libya si ay u soo baaraan xaaladda dhalinyarada Soomaalida ee tahriibka ah ee halkaasi ku dhibaateysan, ayey u suuragali weysay inay tagaan Libya, ka dib markii uu dagaal ka dhacay garoonka Magaalada Tripoli.
Ergeyga gaarka ah ee arrimaha socdaalka ee dowladda Soomaaliya, Maryan Yaasiin iyo danjire Cali Saciid Faqi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, ayaa tagay dalka ay Libya deriska yihiin ee Tunisia.
Waxa halkaasi uga sii horeeyay wafdi kale oo xaqiiqo raadin ah, kaas oo uu ururka Midowga Afrika u diray Libya, islamarkaasina uu hogaaminayo safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Dr. Maxamed Cali Nuur.
Maxamed Colaad Xassan ayaa arrinta ka wareystay, Danjire Cali Saciid Faqi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:06
0:00:00 /0:06:06
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay...

$
0
0

Jeddah (SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalistik ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sacuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir, Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.
Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.
Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas'uuliyiintaasi kala duwan danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan.
storvideo: 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Mashaariic...

$
0
0

Tuka-rag-22.01.2018-(ToggaHerer)Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti oo hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool, Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq ayaa ka waramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka Tuka-raq oo aanay hore u gaadhin dawladnimada Somaliland.
Caaqil Faysal Muuse Diiriye, Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabbe iyo Caaqil Maxamud Axmed Ducaale (Wilyan) oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi ayaa ku dheeraaday baahiyaha deegaanka Tuka-raq iyo Xaaladda deegaanka guud ahaanba.
Odayaasha deegaankani ayaa maamulkii hore ee Puntland ku sifeeyay dhiigmiirato aan bulshada Tuka-raq kusoo celin cashuuraha ka soo xerooda Kastamka Tuka-raq balse waxa ay sheegeen in lacagtaasi lagu dhisi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda horumarinta khayraad biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa si wadajir ah u balanqaaday inay Xukumadda Somaliland wax ka qaban doonto baahiyaha isbiirsaday ee degmada Tuka-raq.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa isna balanqaaday in dayactir lagu sameyn doonno dugsiga deegaanka Tuka-raq loonna dhisi doonno goob caafimaad oo MCH ah, taasi oo ay yeelan doonto magaaladda Tuka-raq waxaannu yidhi " Waxaa aan balan qaadaynaa in MCH-gan la weyneeyo oo qaybtii dhalaanka iyo umulaha lagu kordhiyo, Waxaannu kale oo aanu u sidnaa dawooyin ay noogu deeqday hay'adda ARC oo runtii gobolka sool wax badan nalaga qabatay ".
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa daawooyin loogu talo galay ka hor taga shubanka iyo daawooyin kale ku wareejiyay maamulka caafimaadka ee deegaanka Tuka-raq kuwaasi oo ay ku deeqday hay'adda ARC.
Gebagebaddii Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed kuwaasi oo ay ka mid yihiin MCH-ka Tuka-raq iyo dayactir lagu samayn doonno dugsiga hoose ee deegaanka tuka-raq.
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay...

$
0
0

Caabudwaaq, 22 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u [...]
storvideo: 

“Seygeyga waxaa loo daldalay in uu i jeclaaday awgeed”

$
0
0

Bishii March 2016, ayay ahayd markii nin 22 jir ah maalin cad lagu dilay goob waddo ah oo ay dad badan isugu soo baxeen.
Dhacdadani oo ka dhacday Koonfurta dalka Hindiya ayaa sababta loo dilay ninkani waxa ay ahayd in uu guursaday gabar ka dabaqad sareysa.
Xaaskiisa ayaa ka badbaaday weerarkaasi,waxa ayna aaday maxkamad si ay ugu marqaati firto waalidiinteeda .
Waxa ay haweenaydan sidoo kale wadaa olola ka dhan ah dhibaatada ay gaystaan dadka dabaqada sare,sida uu ku waramayo wariyaha BBC Soutik Biswas.
Maalinkii ugu dambaysay noolashiisa, Shankar iyo Kausalya, ayaa waxay soo kaceen sagaalkii subaxnimo.
Waxa ay is guursadeen 8 bilood ka hor.
Waxa ay ahayd Axad, waxa ayna ku safrayeen mid ka mid ah Basaska dadwaynaha iyaga oo u jeeday suuqa Udumalpet, oo 14 kiilomitir u jira goobtii ay daganaayeen.
Waxa ay doonayeen in ay soo tukaamaystaan oo ay soo iibsadaan dhar cusub oo uu Shankar, doonayay in uu uga qaybgalo xaflad uu qabsanayay saaxibkii.
Qorraxda ayaa aad u kululayda markii ay galeen dukaan lagu iibiyo dhar.
Waxa ay aragtay shaarti islamarkana waxa ay ula muuqatay in uu ku haboon yahay ninkeeda oo uu ku soo baxayo haddii uu xirto.
Markii ay dukaanka ka soo baxeen, Shankar waxa uu arkay shaati kale oo cagaar ah.
"Waxaan u malaynayaa in uu shaatigaas ka fiican yahay," ayuu yiri.
Dil arxan darro ah
Markii ay dukaanka ka so baxeen ayaa waxa ay soo gooyeen waddo aad u masquul badan si ay gurigooda dib ugu laabtaan.
Balse marka, Shankar ayaa u sheegay Kausalya, in uu doonayo in uu u gado cunno fudud oo leh basbaas taasi oo ay si aad ah u jecleyd.
"Maalin kale ayaad ii iibinaysaa," ayay tiri Kausalya.
Waxa ay haysatay oo kali ah 16 Rupee islamarkana ma aysan awoodin in ay soo iibsato.
Waxa ay go'aansadeen in ay guriga dib ugu laabtaan, halkaasi oo Shankar uu u balanqaaday in uu u Karin doono cunno macaan.
Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon ayaa muujinaya lamaanahani oo wadada socda.
Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon ayaa muujinaya lamaanahani dhanka wadada u socdeen.
Balse ka hor inta aysan wadada goy'nin ayaa waxaa isku hor gudbay 5 nin oo wata Mootooyiin.
Afar ka mid ah ragaasi ayaa mindiyo dhaadheer ku weeraray lamaanahani.
Qaabka arxan darada ah ee ay u dileen ayaa ah mid arggagax leh.
Isaga oo aad u dhiigaya, Shankar ayaa waxa uu isku dayay in uu baxsado.
Kausalya ayaa ku carartay goob buugaagta lagu iibiyo.
Waxaaani oo dhan waxay dhacdeen muddo 36 ilbiriqsi gudahood ah.
Ragga weerarka fuliyay ayaa ku laabtay mootooyiinkii ay wateen ka dib markii ay dad badan isu soo baxeen.
Booliiska ayaa markii dambe ogaday in ragga weerarka gaystay ay ahaayeen 6 qof oo wata saddex mooto oo laba ka mid ah ay ku dhagnaayeen Taargo been abuur ah.
Kausalya xilligii ay isbataalka ku jirtay
Shan ka mid ah raggaasi ayaa weerarka fuliyay , halka midka lixaad uu daawanayay.
Waxaa goobtii falka ka dhacay markiiba soo gaaray gaari ah nooca gurmadka degdega halkaasi oo goob laami ah laga qaaday lamaanahani oo dhiig badan uu ka socdo.
Balse markii isbataalka la geeyay ayaa waxa ay dhakhaatiirta xaqiijiyeen in Shankar uu dhintay.
Kausalya ayaa isbataalka ku jirtay 20 maalmood waxaana wajiga looga duubay faashad ,waxa ayna ku qaadatay 36 maalmood in ay uga bogsato dhaawacyadii soo gaaray.
"Maxaad u jeclaatay?" mid ka mid ah ragga weerarka fuliyay ayaa sidaasi ku dhawaaqayay isaga oo mindida la dhacaya.
'Saaxibo is xushmeeya'
Kausalya ayaa sheegtay in markii hore ee ay is jeclaadeen ay qarinayeen jeceylkooda oo ay dadka u sheegi jireen oo kali ah in ay saaxibo cadi ah yihiin.
Waxa uu ahaa jeceyl adag ,maadaama aysan guriga xilligaasi ka bixi Karin marka ay xitaa telefoonka ku hadlayso.
Muddo 18 bilood ah ayay is dhaafsanayeen fariimo WhatsApp ,waxa ayan ka hadli jireen rajadooda iyo mustaqbalkooda.
"Waxa aan leeyahay laba riyo," ayuu maalin u soo qoray. "in aan guri wanaagsan dhisto aana ku jeclaado inta aan noolahay."
Sanadkii labaad ayaa waxa ay iska diiwaangalisay iskuul lagu barto luuqada Japan si ay dibadda ugu so baxdo ayna isu arkaan wiilka ay jeceshahay.
Shankar ayaa sugi jiray waxa ayna isla soo raaci jireen Baska halkaasi oo ay ku soo sheekaysan jireen.
Balse maalin ay taariikhdu ku beegnayd 25 July 2015 ayaa kariishbooygii Baska waxa uu arkay labadooda oo sheekaysanaya,waxa uuna garanayay halka ay ku nooshahay Kausalya markaasi oo hooyadeed uu u sheegay.
Isla maalintii ayaa waalidiinteeda waxa ay ka qaadeen taleefoonka , waxa ayna waceen Shankar oo ay uga digeen in gabadhooda ay mar dambe ku daba arkaan.
Waxa ay u sheegeen in Shankar "uu uur u yeeli doono ka dib na uu baxsan doono ".
Maalinki xigtay waxa ay waalidiintooda ka saareen iskuulkii ay dhiganaysay.
Kausalya ayaa habeenkii oo dhan aan oohin seexan waxa ayna soo kacday subaxii markaasi oo ay raadisay telefoonka ka dibna ay heshay.
Waxa ay wacday Shankar oo ay u sheegtay wixii qabsaday, waxa ay waydiisay in uu qorshaynayay in inta uu uur u yeelo ka dib na uu baxsado.
"Haddii aad sidaa aaminsan tahay, hadda ayaan isla baxsan karnaa, aanna is guursan karnaa," ayuu yiri Shankar.
Kausalya ayaa Boorsadeeda soo qaadatay waxa ayna aaday goobta gaadiidka laga raaco.
12 bishii July 2015, waxa ay aadeen goobta ay ku cibaadaystaan dadka Hindida halkaasi oo ay isku guursadeen.
Ka dib ayaa waxaa ay Kausalya iyo Shankar aadeen saldhig booliis iyaga oo u sheegay xaaladooda iyo in la isu diidan yahay ayna doonayaan in la difaaco.
In qabiilka iyo dabaqada noolasha la isku cadaadiyo ayaa ku badan gobolka Tamil Nadu:
Waxa jira in ka badan 1,700 oo kiis oo fal danbiyeed ah oo ka dhacay halkaasi isla sandkaasi 2015.
storvideo: 

XAALAD CUSUB: Muse Bixi oo kursigii madaxtooyada ku...

$
0
0

XAALAD CUSUB: Muse Bixi oo kursigii madaxtooyada ku cusub iyo colaadda Dararweyne oo lagu eedeeyey in ay dawladdiisu hubaynayso beelaha dagaallamaya mid ka mid ah.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 22nd, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Suldaan Mohamed Abdiqaadir oo ah suldaan miisaan weyn ku leh Somaliland ayaa oogta ka caddeeyey in dagaalku u dhexeeyo beesha Habar Yonis iyo ciidammada dawladda Somaliland. Balse aanu dagaalku u dhaxayn laba beelood.
Xaalku meel adag ayuu marayaa, Muse Bixina waxa uu mashquul ku yahay sidii uu u hawl gelin lahaa dawladdiisa jeegaanta la baxday. Carqalado dagaal oo aanu filayn ayaana hoostiisa ka holcaya.
Bal aan dhegeysanno sirtan uu Suldaanku qarxiyey.
[embedded content]
This post has been viewed 165 times.
storvideo: 

Hooyo Soomaliyeed oo uruuriso agabka hidaha iyo dhaqanka

$
0
0

Raxo Maxamed Cisman waa hooyo u istaagtay in ay agabka dhaqanka uruuriso iyo in ay qorto oo ay diiwaan galiso magacyadooda.

Xubnaha Aqalka sare ee Mareykanka oo si ku meel gaar ah usoo afjaray xanibaada miisaaniyada xukuumadda

$
0
0

Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa si kumel gaar ah isugu raacay in lasoo afmeero xanibaada kajirta miisaaniyadda Mareykanka.


Xubnaha Aqalka sare ee Mareykanka oo si ku meel gaar...

$
0
0

Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa si kumel gaar ah isugu raacay in lasoo afmeero xanibaada kajirta miisaaniyadda Mareykanka.
Xlibaanada Jamhuuriga iyo kuwa Dimoqraadiga ayaa u codeeyay doodii ka tagneyd miisaaniyadda Mareykanka, taaso sahleysa in dowladda ay hesho dhaqaalaha ay u baahantahay.
Kahor inta aanay codeynta dhicin ayaa xildhibaan Chuck Schumer oo katirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka, kana mid ah kuwa ugu sarsareeya ayaa waxaa uu sheegay in taageerada ay u muujiyeen miisaaniyadda ay ku bedelanayaan in laga dodo waxa ay noqoneyso xaaladda kumanaan muhaajiriin ah oo Mareykanka yimid iyagoo ilma ah, kuwaa oo haatan wajahaya in la tarxiilo.
storvideo: 

Toboneeyo lagu laayay Yemen

$
0
0

Wararka ka imanaaya Yemen ayaa sheegayaa in dad ka badan 20 qof ay ku dhinteen weerarro ay qaadeen dhinacyada isku haya colaadda dalkaasi ee kala aj dagaalyahannada Xutiyiinta iyo xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Toboneeyo lagu laayay Yemen

$
0
0

Wararka ka imanaaya Yemen ayaa sheegayaa in dad ka badan 20 qof ay ku dhinteen weerarro ay qaadeen dhinacyada isku haya colaadda dalkaasi ee kala aj dagaalyahannada Xutiyiinta iyo xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga.
Dadka degan magaalada Sacada ee ku taal woqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in toddobo qof oo shan ka mid ah ay yihiin carruur ay ku dhinteen weerarka dhanka cirka ah oo diyaaradaha Sacuudiga ay ku qadeen xarun caafimaad.
Gobjoogayaal ayaa sheegay in labo qof oo kale lagu dilay goob aan ka fogeyn aggaasi oo la duqeeyay.
Dakhaatiir ku sugan konfurta galbeed ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahannada Xutiyiinta ay dileen 12 qof.
Sidoo kale dalka Yaman ayaa la dalaa dhacaya cudurka Daacuunka oo ka dilaacay dalkaasi, waxaana u dhintay muddo sanad ah in ka badan 2,244 qof.
Xulufada uu Sacuudiga hoggaamiyo ayaa Yaman kula dagaallamaya kooxda Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan dowladda Iiraan.
storvideo: 

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka farxiyey reer Cadaado
Jan 23, 2018 -
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Maqaam cusub oo yeelan doonto Magaalada Cadaado.
Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ku dhawaaqay wax yar ka dib markii uu saaka dib ugu laabtay Magaalada Cadaado isagoo ka soo ambabaxay degmada Caabudwaaq oo uu maalmahan ku sugnaa.
Farmaajo ayaa sheegay in Cadaado ay noqon doonto xarunta Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana arintan si weyn u soo dhoweeyey waxgaradka degmadaas.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in magaalada Cadaado laga fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameynayo garoonka dayuuradaha dhismaha xabsi cusub iyo dekeda Hobyo oo maanta uu dhagax dhigi doono.
Maqaamka cusub ee loo sameeyey degmada Cadaado ayaa soo afjaraya tabashadii beesha degmadaas ay ku diideen heshiiskii ahlu suna iyo Galmudug oo sababay in maamulka Galmudug uu u guuro magaalada Dhuusamareeb.
Cadaado ayaa muddo dhowr sano ah aheyd xarunat KMG ah maamulka Galmudug, waxaana degmadaas ku shaqeynayey madaxda sare ee maamulkaas iyo baarlamankooda. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay...

$
0
0

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa Ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ka howlgalaya qaar ka mid ah goobaha ugu khatarta badan ee Dunida oo dagaaladu ay aafeeyeen ayaa loogu baaqay in ay diyaar u noqdaan isla markaana ay awood isticmaalaan si ay isu difaacaan haddii ay halis dareemaan. Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Gutters Warbixin cusub [...]
storvideo: 

Daawo: Muuse Biixi oo lagu eedeeyay in uu hal dhinac...

$
0
0

In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay,ugu yaraan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaal Maalintii Axadda ka dhacay degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag,sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka.
Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka bilowday nin si bareer ah loogu dilay halkaas,wuxuuna salka ku haya aanooyin qabiil oo mar heshiis laga gaaray,laakiin dib u soo cusboonaaday.
Wararka aan degaanka ka helayno ayaa tibaaxaya in dhimashadu ay hal dhinac u badantahay,taasoo sii adkaynaysa xal nabadeed oo laga gaaro colaadda.
Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ciidan la dhexdhigay beelaha dagaallamay,balse nabadoonnada iyo cuqaasha degaanka ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu hubaynayo hal dhinac.
Suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu hubaynayo hal dhinac oo ah beeshiisa,islamarkaana uu ciidankii dowladda u adeegsanayo dagaal beeleed.
Suldaan.Maxammed Suldaan Cabdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa Muuse Biixi ku tilmaamay madaxweyne qabiil oo aan u dhexayn dhammaan shacabka Somaliland,waxaana Suldaanku ku hanjabay dagaal ka dhan ah Muuse biixi iyo beeshiisa.Halkaan ka daawo.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Muuse Biixi oo lagu eedeeyay in uu hal dhinac la saftay dagaalkii Dararweyne appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Cadaado ay...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi "Farmaajo" ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen. Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in [...]
storvideo: 

Dowladda Myanmar oo burburisay Masjid 100 Sano dhisnaa

$
0
0

Dowladda Myanmar ayaa burburiyay Masjid weyn oo Taariikhi ah oo ku yaal magaalada lagu magacaabo Mango, talaabadaasi oo la sheegay inay salka ku hayso ololaha baabi'nta meelaha Taariikhiga ah ee Islaamka oo ku yaal dalkaasi Myanmar. Wakaaladaha wararaka ayaa soo tabiyay in Masjidkaasi ay Ciidamada dalka Myanmar dumiyeen oo dhisnaa in ka badan 100 sano [...]
storvideo: 

Cadaado oo noqonaysa xarunta baarlamaanka Galmudug

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in khilaafka lagu xalliyay in Cadaado aan laga wada guurin.

Fariin Caafimaad. Waa in awooda shaqo fayadhowr...

$
0
0

Fariin Caafimaad.Waa in awooda shaqo fayadhowr mushahar guno kor loo qaada dalka si loo guto waajibaadka shaqo shaqaale caafimaad si wax looga qabto tayo darada daawooyinka cuntooyinka dalka dibada uga yimaada oo aan lagu soo baadhin dekedaha airport dalka dawladaha hoose ee dalka iyo hayada tayada dalka iyo wasaarada caafimaadka dalka waa in ay ku shaqeeyaan sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka dalka u dajisan si kor loogu qaado tacriifada ganaaxyada laamaha dawliga ah Madaxwayne muuse bixi abdi waa in ay bulashadeenu helaan cuntooyin wanaagsan iyo dawooyin tatadooda ay hubaan hayada dhawrista tayada dalka iyo gud gudida minhadlayaasha caafimaadka oo ka seexday xilkii wajibaadkii shaqo ee dadka dalku xukumada iyo ilaahay u igmaday inay sideeda u gutaan bulashada ka shaqaysa caafimaad qabka bulshadoodu waxay ku talaabsadaan horumar deg deg dalkeenu waxa uu noqday dal loo iib geeyo rashin cuntooyin daawooyin dhacay oo sababay soona gaadhsiiyey bulashadeena cuduro waxyeeleya caafimaad qabkoodii gaarka oo dalka hore aan uga jirin sida noocyada cudurka cancerka oo maalin kasta ay u dhimanyaan dad badan oo ah muwaadinin rayid ah waxa sidoo kale samaysmay in ay hoos u dhacdo awoodii iyo haybadii shaqaalahii caafimaadka sida mushahar aan ku filnayn guno la an maamul taas oo keentay in laga doorbido musuqmaasaq laalush naafeeyey hawlihii ay u xilsaarnaayen ee tayada daawooyinka iyo cuntooyinka dalka dibada uga yimaada lagu soo ururinaayey iyadoo ay samaysmeen farmasiyo iyo ruga caafimaad dhamaan gobolada dalka oo ay ka shaqaynaayan shaqaale ajanib ah oo aan lahayn aqoon caafimaad iyo sharci u fasaxaya in ay ka ganacsadaan caafimaadka iyo daawaynta muwaadininta dalka jahawareerkaa caafimaad ee lasoo darsay bulshadeena rayidka waxa abuurmay goobo iclaajya oo ay naftu ku khasabtay in ay caafimaad ka raadiyaan oo ay haystaan dad aan waxba dhaamin aqoon ahaaneed bukaha caafimaad qabka raadinaya waxa abuurmay halkii laga raadinaayey caafimaadka bulshada oo sugma in ay si fudud u faafan cuduro badan bulshada dhexdeedaIyadoo dekadaha iyo airport dalka aanay jirin qalab lagu ogaan karo nooca dawooyinka dalka dibada uga imanaya iyo sifaha tixraac sharci ee lagula socon karo nooca daawooyinka dalka sameeyey daawadu noocyada ay ka kooban tahay iyo sifa sharci ee dal ku galinta daawooyinka dalka dibada uga yimaadaIyadoo daawooyinkii dalka dibada uga imanayey la ogaaday bukahii loo qoray markuu arimo baadhis caafimaad dalka dibada ugu baxay in xanuunkii uu ka cabanayey ay ka badnaatay waxyeelada caafimaad daro ee bukaha caafimaadkiisi ka soo gaadhay daawooyinkii uu isticmaali jiray waqtigii dalka uu joogay taas oo ay sababtay field caafimaad ee dawliga ahaa oo meesha ka baxayMushkuladaha iibka dawooyinka dalka oo sii batay waxay sababeen in sii bataan pharmacyadii iyo rugahii caafimaadka daka iyagoo aanay jirin aqoon caafimaad oo ay ku shaqaysanayaan ama sifo sharci dawladeed oo lagula socdo furnaantooda sharci meheradeedDawooyinkii oo aan la garanayeyn in ay dalka dibada uga yimaadanan iyadoo taarikhdii hore laga soo badalay oo tariikh cusub lagu soo dhuftay iyadoo aanu jirin qalab casriya oo lagula socon kara tayada dawooyinka dalka dibada uga yimaadaGanacsatadii dalka dibada uga keenayey daawooyinka iyo cuntooyinka aynu isticmaalo oo ka door biday fayaqabka dadkoodu in ay helaan cuntooyin nadiif iyo daawooyin cusub faa ido raadin ganacsi xaaran ah oo shilin lacageed markii hayadii u xilsaara masuuliyada hawshan shaqo sida hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadku ay ka seexdeen wajibaadkii shaqo ee xukumada dalku u igmatay in ay qabtaan
WQ: Dr Buux Ibraahin AadanFayo-dhawre madax bannaanbuux2010@gmail.com 063 4130821
storvideo: 

Wareysi-Xildhibaan Cali OBsiiye Diiriye Ayaa fariin...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi-Xildhibaan Cali OBsiiye Diiriye Ayaa fariin Adag U Diray Salaadiinta Wadanka.
Daawo- wareysigaasi Oo faahfaahsan:
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live