Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cadaado oo noqonaysa xarunta baarlamaanka Galmudug

0
0

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamad Cabadullahi Farmaajo ayaa xal ka gaaray cabashadii ay odayaasha Cadaado ka qabeen heshiiskii horay u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-Sunna.
Madaxweynaha ayaa odayaasha u sheegay in Cadaado noqon doonto xarunta baarlamanka Galmudug. "Xikmadda waxay noqotay, markii aan dhinac walba ka fiirinay, in qeyb ka mid ah dowladda halkan ku shaqeyso taas oo ah baarlamaanka", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo .
Wuxuu sidoo kale sheegay in aan Cadaado laga wada guureyn illaa uu xalka heshiiska si rasmi ah uga dhameystirmaayo.
Wadahadalka xalka lagu gaaray ayaa qaatay habeen iyo maalin, sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

  • Ahlu sunna iyo Galmudug oo midoobay
  • Maxay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlu sunna?

Madaxweynaha ayaa sheegay in Cadaado dadkeena oo cabanaya aan la dhameystiri karin heshiiskii ay wada saxiixdeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.
Cadaado waxay hadda xarun ku meel gaar ah u tahay maamulka Galmudug, balse waxaa la qorsheynayaa in Dhuusa-mareeb loo raro madaxtooyada ka dib marka uu heshiiska si rasmi ah u dhaqan galo.
Cadaado "waa dhab waxaa tihiin hooyada, meeshii lagu aasaasay Galmudug, iidiinkuma caasin karo," ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay odayaasha.
Wuxuu intaa ku daray "ciddii wax tirsaneysa, anagaa iska leh masuuliyadda waana in aan soo celino oo aan la hadalno".
storvideo: 


Dadka Shabeellaha Hoose Somalia Ayaa Ka Barakacaya...

0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Dadka Shabeellaha Hoose Ayaa Ka Barakacaya Guuxa "Diyaarado Dagaal"
Boqolaal qoys oo ka baxsanaya colaadaha iyo abaaraha ka jira gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala daafaha caasimadda Muqdisho dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay.
Qoysaskan oo aan wadan wax hantiya ayaa ku biiriya boqolaalka kun oo qof oo ku jira xerayaha ku yaala magaalada Muqdisho.
Dadkii horay ugu noolaa xeryahaas iyo kuwa hadda ku biiray waxay wajahayaan cunto yari, hoyga oo aan wanaagsanayn iyo cafimaad daro.
Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ka mid ah gobolada ugu qanisan Soomaaliya wuxuuna leeyahay dhul beereed iyo xoolo.
Balse dadkiisu waxay wajahayaan gaajo iyo colaad aanay garanayn waqtiga ay dhamaanayaan.
"Naftu waa qaali ee ma og tahay," ayey tiri mid ka mid ah dadka ka baracakay colaadda gobolka Shabeellada hoose oo la hadashay BBC Somali.
"Haddii caawa lagu guulguulo (lagu handado) oo habeen dambe meel agagaarkaaga ah wax lagu sheego, waa in aad ka dhaqaaqdaa oo ka fogaataa; ma ogtahay?" ayey hadalkeeda ku dartay, Xaawo Sheekh Maxamad Nuur.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay abaarta iyo colaadda is biirsaday waxay sababeen in qoyasas horleh ay nolol ka raadiyaan xeryo qoxooti oo nolosha ka jirto ay markii horeba adkayd.
Dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Al-Shabaab.
Waxaa dagaalka dhulka sii dheer duqeyn dhanka hawada ah oo Maraykanka uu ku hayo saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka.
Waxaa waxay qeyb sii holceysa ka noqotay colaadaha sokeeye ee dhexmaraya beelaha deegaanka kuwada nool ayaa waxay quus gelisay qoysaskii rajada ka lahaa in ay dhulkooda ku noolaadaan oo ay ka shaqaystaan.
Abaarta ayaa ah musiibo kale oo dadka deegaanka u diiday in ay ka sii shaqaystaan dhulkooda. Wobiga Shabelle ayaa sidoo kale engegay taas oo sababtay in wax la beeran waayo, xoolahana ay le'daan.
"(Xannuunka) Nafta baan dareennay, biyo yarina way na qabsatay," ayey tiri haweeneyda ka qaxday gobolka.
Xaawo Sheekh Maxamad Nuur ayaa sheegtay in diyaaradaha ay sabab u noqdeen in ay ka soo cararaan guryahooda.
Guuxa "Diyaaradaha ma maqlin miyaa idinka? oo waxkasta duqeynaya, ma maqlin miyaa idinka?" ayey tiri Xaawo oo la yaab uu ka muuqday.
"Dhibkaas baa na qabsaday anaga; dadka dhaqso ka soo qaxay ee xilli hore imaaday magaalada waa anaga. Dhib wayn baa jiro oo dhegeheena aan ku maqalnay".
"Iyagoo dariishadaha saaran oo tuuteysan ayaa albaadada laga arkaayaa. Dadka guryaha kama soo baxaan xitaa haddii musqul ay u baahan yihiin," ayey tiri:
Abaarta iyo biyo la'aan ayaa usii dheer colaaddaasi sida ay sheegeyso Xaawo Sheekh Maxamad Nuur oo hadda ku nool xero ku taalla Muqdisho.
Balse abaarta kumaysan qasbin in ay guryahooda ka qaxaan, colaadda iyo "guuxa diyaaradaha ayaa sabab u ah in ay barakacaan", sida ay u sheegtay BBC Somali.
"Waxaa nafta nookeenay diyaaradda oo guuxeeda markii aad maqasho waxaad isdheheysaa duufaan maa jirto mise waa iyada. Qeylideeda ayey dadka oo dhan la jareynayaan".
Qoysaska cusub ee yimid waxay u badan yihiin haween, caruur iyo waayeel ay ka muuqato diifta iyo raadadka uu ku reebay safarkii dheerii ee ay soo galeen iyo gaajada haysa.
"Ilmihii sidii xoolo ay u foofiyeen illaa iyo hadda waan sugeynaaa", ayey tiri Faadumo Ibraahim oo sheegtay in baqdinta iyo culeyska ay ku hayeen diyaaradaha dagaalka ee habeen iyo maalin dul heehaabaya tuuladii ay ku nooleyd iyo cabsida ay ka qaadeen duqeynta ay gaystaan.
"Halkii canug ee gacanta aan ku hayay baan la soo cararay, kuwii kale illaa iyo hadda waan sugeynaa; dhibkaas baan halkan na keenay," ayey tiri Faadumo.Inkastoo qoysaska cusub ee barakacayaasha ah aanay helin wax gurmad ah haddana xeryaha ay ku soo dageen qoysaskii ugu soo horeeyay ayaa ku caawinaya waxa ay haystaan.
Dadka nugul ee aan socon karin ayay uga soo tageen goobihii ay ka soo barakeceen waxayna filayaan in ay iyaguna gaaraan xeryaha barakacayaasha, sida uu sheegay Cusmaan Xuseen oo soo qaxay.
"Odayaal, ilmo iyo ayeeyooyin baan jidadka uga soo tagnay markii ay socon waayeen. Weli way soo socdaan oo hadda meel dhow baa lagu sheegay," ayuu yiri.
Qaramada midoobay ayaa toddobaadkan sheegtay in 6.2 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo.
Tiradaasi waxay u dhigantaa kala bar shacabka Soomaaliya, sida warbixinta lagu xusay.
Sidoo kale 3.1 milyan oo kamid ah dadkaasi waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Tirada dadka gudaha ku barakacay ayaa hadda la qiyaasayaa in ay kor u dhaaftay labo milyan oo qof.
storvideo: 

Madaxweynaha Farmaajo oo dhagax-dhigay dhismaha...

0
0

Hobyo (PP) - Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyey shacabka isugu soo baxay soodhaweyntiisa ayaa sheegay in Hobyo oo deked ay saldhig u noqoneeyso horumarka Galmudug iyo guud ahaan Gobollada Dhexe ee dalka.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa kahor inta uusan gaarin Hobyo, waxa uu ku hakadey magaalada Cadaado, halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wadatashiyo uu la yeeshay madaxda iyo wax-garadka Galmudug, waxa uu sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu kusii shaqeynayo magaalada Cadaado, isagoona ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug in ay sii amba qaadaan dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka bulsho ee deegaanka, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.
"Waxaan rabnaa in aad ogaataan in aan la idin ka tagin, Baarlamaanka Galmudug halkan ayuu ku sii shaqeynayaa. Sidoo kale Wasaaradaha Dowladdu waxa ay ku shaqeynayaan halkan iyo deegaanno kale oo kamid ah Galmudug, annagoo taas uga dan leh in uu noqdo maamul la wada leeyahay."
Madaxweynaha Somalia, ayaa ku bogaadiyey wax-garadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida ay ugu heellanyihiin wada-hadalka, isu tanaasulka iyo is-ogalaanshaha, taas oo horseedaysa midnimo iyo wadajir.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Tobankii casho ee u dambeysay ka waday Gobollada Mudug iyo Galguduud, Dadaallo iyo Wada-tashiyo ku saabsan dardargelinta Nabadeynta iyo dib-uheshiisiinta, oo asaas u ah socdaalka uu Madaxweynuhu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka.PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Farmaajo oo dhagax-dhigay dhismaha Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Gabadh xijaabka wax ku xayaysiisa oo isaga baxday...

0
0

Gabadh muslimad oo u dhalatay dalka Britain islamarkana waxyaabaha la isku qurxiyo ku xayaysiiso baraha internet-ka Amena Khan ayaa shaacisay in ay isaga baxday ololaha L'Oreal.
Gabadhan ayaa lagu waday in ay ka qayb qaadato olola lagu xayaysiino waxyaabaha jirka lagu qurxiyo gaar ahaan timaha.
Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayaa waxay ku sheegtay in ay isaga baxayso ololahaasi xayaysiinta "sababtoo ah waxyaabaha imika la hadal hayo ee ku saabsan ololaha".
Go'aankeeda ayaa ka dambeeyay ka dib markii la helay qoraalo ay 2014,soo dhigtay Tweeter-ka taasi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa Israa'iil.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uu ka dib markii BBC Newsbeat ay u sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay noqoto gabadhii ugu horreysay oo iyada oo xiran xijaabka qayb ka noqota xayaysiis nafaqada timaha.

  1. Gabadh Muslim ah oo la qiirootay hadiyad la siiyay
  2. Gabadh Dooli uu cunay oo xaaladeeda laga dayrinayo
  3. Jilaa Faransiis ah oo lagu khalday argagixiso

Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayay ku tiri: "waxa aan dhawaan ka qayb qaatay olole , kaasi oo aad uga farxay sababtoo ah waxa uu ahaa mid ka turjumaya in loo dhan yahay."
Amena Khan ayaa lagu eedeeyay 2014 in ay tweeter-ka soo dhigty dhowr qoraal oo ay Israa'iil ku cambaareynayso.
BBC uma aysan suuragalin in ay aragto qoraaladaasi maadaama imika laga saaray oo halkaasi laga tiray.
Amena ayaa raaligalin ka bixisay qoraaladaasi waxa ayna sheegtay in aysan doonayn in cidna ay qalbi ahaan dhaawac u gaysato.
Amena ayaa rajaynaysay in ka qaybgasho ololahani oo ku dhiiri galin lahaa haweenka kale ee xirta xijaabka.
storvideo: 

Tartankii ciyaaraha degmooyinka oo kabilawday Kismaayo

0
0

Kn: Xarunta ku meel gaarka Jubbaland ee magaalo xeebeedka Kismaayo waxaa si habsami leh uga furmay tartanka ciyaaraha kubadda cagta oo ay ku hardami doonaan xulalka darajada sare (Zero A) ee xaafadaha Kismaayo.
Tartanka ciyaaraha oo ka bilawday garoonka cayaaraha ee Waamo ayaa waxaa shalay goobjoog ahaa kulankii furitaanka ee labadii kooxood ee ugu horaysay ay isku hardiyayeen qaar kamid ah madaxda maamul gobolleedka Jubbaland.
Magaalada Kismaayo oo amaankeedu aad u sareeyo, kuna talaabsatay horumar dhinac kasta ah ayaa dhalinyaradu ay hamuun iyo xiiso gooni ah u qabaan ciyaaraha, waxay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee Jubbaland dadaal dheer ku bixisay sidii ay u dhiirigalin lahayd dhalinyaradaasi.
Kooxda ku ciyaarta magaca rugta ganacsiga ayaa maanta gadatay tababarihii xulka maamul gobolleedka Jubbaland si ay u hantiyaan koobka kooxaha ee ka furmay caasimadda ku meel gaarka ah ee Kismaayo.
Nabaddu waa furaha horumarka, ciyaaruhuna waa halbowlaha isdhexgalka bulshada, waxaana muuqata in Kismaayo ay u jihaysatay dhinaca samawadka iyo waxwada qabsiga taasi oo bilow fiican u ah inay la jaanqaado magaalooyin badan oo daafaha caalamka horumaray ku yaalla.
storvideo: 

Madaxweynaha oo dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo...

0
0

Hobyo (SONNA), 23 Jan. 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyey shacabka isugu soo baxay soodhaweyntiisa ayaa sheegay in Hobyo oo deked ay saldhig u noqoneeyso horumarka Galmudug iyo guud ahaan Gobollada Dhexe ee dalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor inta uusan gaarin Hobyo, waxa uu ku hakadey magaalada Cadaado, halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa wadatashiyo uu la yeeshay Madaxda iyo Wax-garadka Galmudug, waxa uu sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu kusii shaqeynayo magaalada Cadaado, isagoona ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug in ay sii amba qaadaan dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka bulsho ee deegaanka, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.
"Waxaan rabnaa in aad ogaataan in aan la idin ka tagin, Baarlamaanka Galmudug halkan ayuu ku sii shaqeynayaa. Sidoo kale Wasaaradaha Dowladdu waxa ay ku shaqeynayaan halkan iyo deegaanno kale oo kamid ah Galmudug, annagoo taas uga dan leh in uu noqdo maamul la wada leeyahay."
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wax-garadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida ay ugu heellanyihiin wada-hadalka, isu tanaasulka iyo is-ogalaanshaha, taas oo horseedaysa midnimo iyo wadajir.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo tobankii maalmood ee u danbeysay ka wadey gobollada Mudug iyo Galguduud, dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta Nabadeynta iyo dib-uheshiisiinta, oo asaas u ah socdaalka uu Madaxweynuhu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka, ayaa maanta soo gabagabeeyey socdaalkaasi, isaggoo ku soo laabtay Magaaladda Muqdisho.

storvideo: 

“DAAWO SAWIRADA” Madaxweynaha oo dhagax dhigay...

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq. Madaxweynaha oo uga mahadceliyey shacabka isugu soo baxay soodhaweyntiisa ayaa sheegay in Hobyo oo deked ay saldhig u noqoneeyso horumarka Galmudug [...]
storvideo: 

Madaxda Kurdiyiinta oo shacabka Afrin ugu baaqay in ay Turkiga la dagaalamaan

0
0

Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta gacanta ku haya magaalada Afrin ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Turkiga.


Madaxda Kurdiyiinta oo shacabka Afrin ugu baaqay in...

0
0

Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ee gacanta ku haya magaalada Afrin ee Suuriya ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Turkiga.
Maamulka magaaladaasi ayaa waxay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan abaabul guud.
Ciidamada Turkiga ayaa maalinkii afraad wada duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta ku sugan magaalada Afrin ee wuqooyiga Suuriya ku taalla.
Turkiga ayaa bartilmaameedsanay saldhigyo ay leeyihiin kooxda Kurdiyiinta ee YPG.
Militariga Turkiga ayaa sheegay in ay ilaa 8 kiilo mitir dhanka wuqooyi u jiraan magaalada Afrin.

  1. Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Mareykanka iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta
  2. Turkiga oo Mareykanka uga digay taageerada uu siiyo Kurdiyiinta
  3. Mareykanka oo ka digay faragalin Lubnaan lagu sameeyo

Dhanka kale Turkiga ayaa Mareykanka ku baraarujiyay in uu joojiyo taageerida uu siiyo Kurdiyiinta YPG ee Suuriya. Wuxuuna sare u sii qaaday duullaanka uu ku hayo malleeshiyada oo ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.
Afhayeen u hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda YPG ay hubka Mareykanka ay ka hesho u adeegsato ciidammada gobolka Cafrin nadiifinaya.
Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.
Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Dhagax Dhigay Dekadda Hobyo

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay deked ay yeelaneyso degmada Hobyo.

VIDEO Suldaan Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax: “Madax...

0
0

"Hargeysa, January 23, 2018 () - Suldaanka Guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu sidoo kale baaq u diray saalaaddiinta Somaliland, oo uu u soo jeediyay inay ka ekaadaan xayndaabka dhaqanka, isla markaana ay dawladda uga dambeeyaan hawlaha ay u xilsaaran tahay oo aanay wakhti isaga luminnin sii-kala-fogaynta iyo collaysiinta shacabka Somaliland ee walaalaha ah.
Suldaan Cumar waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta ka hadlayay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha Somaliland Wasaaraddaas u soo magacaabay Md. Maxamed Faarax Xareed.
"Xukuumadda ayaa u xil saaran inay gacan adag ku qabato (beelaha diriraya). Waxan laysku haystaa waa dhulkii dawladdu xukumaysay... Wax Alle wax laysku dilayo cidi garan mayso. Intii innaga dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, inta innaga dhaawacantayna Allaah ha caafiyo. Meeshaa yaan cid dambe innagaga dhiman. Dawladdu gacan adag ha ku qabato, bulshaduna ha ku garab gasho" ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.
Suldaan Cumar waxa uu sidoo kale baaq u diray Salaaddiinta Somaliland oo maalmihii u dambeeyay qaarkood ku baaqeen hadallo waxyeello u geysan kara nabadgalyada iyo midnimada guud ee bulshada, waxaanu yidhi: "Qodobna waxaan leeyahay odayaashan madax-dhaqameedka ah. Madax-dhaqameedka waxa lagu ogaa nabad. Ummadda inay nabaddeeda iyo nolosheeda ka shaqeeyaan baa la doonayaa. Maaha inay nabadda iyo nolosha ummadda burburiyaan. Waxaan leeyahay, ku soo noqda dariiqii aad hore u hayseen oo nabadda ka shaqeeya".
Dhinaca kale, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka warramay shakhsiyadda iyo hoggaaminta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Abokor Maxamed, isaga oo Madaxweynaha ku bogaadiyay xulashada uu mar kale Agaasime Abokor ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.
"Axmed Abokor waa nin dhallinyaro ah. Laakiin waa nin intiisa ka weyn. Waa tusaale fiican oo bulshada iyo dhallinyaraduba ku dayan karaan. Waxaan u rejaynayaa in uu noqdo mid meesha uu tegayana (Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga) noqdo mid ku filan oo ku firfircoon. Madaxweynaha waan ku hambayaynayaa inuu abuuro Wasaaradda Maalgashiga, waayo waxaynnu nahay dal kobcaya oo maalgashi u baahan" ayuu hadalkiisa raaciyay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.https://www.youtube.com/watch?v=dbltd_D1WBg
Share this:
Related
storvideo: 

Daawo :Odayaasha Iyo Madax-Dhaqameedka Beelaha...

0
0

Odayaasha Iyo Madax-Dhaqameedka Beelaha Ciidagale Oo Raalli-Galin Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Suldaan Maxamed, Sidoo Kalena Baaq-Nabadeed U Diray Beelaha Ku Diriraya Deegaanka Ceel-Afwayn .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan .
[embedded content]
storvideo: 

Shir ka dhan ah adeegsiga hubka kiimikada oo ka socda Fransiiska

0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo Fransiiska uga qeyb galaya shir ku saabsan adeegsiga hubka kiimikada ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay weli adeegsaneyso hubka kiimikada kadib markii maalintii isniinta looga shkiyay in magaalada Ghouta ay u adeegsatay hub kiimika ah.

Shir ka dhan ah adeegsiga hubka kiimikada oo ka...

0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo Fransiiska uga qeyb galaya shir ku saabsan adeegsiga hubka kiimikada ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay weli adeegsaneyso hubka kiimikada kadib markii maalintii isniinta looga shkiyay in magaalada Ghouta ay u adeegsatay hub kiimika ah.
Mr Tillerson ayaa intaa ku daray in haddi tani ay run noqoto ay dowladda Ruushka dhabarka u ridaneyso mas'uuliyadda weerarka.
US: Dowladda Suuriya waxay qorsheyneysaa weerar kale oo kiimiko ah
Maraykanka oo Suuriya uga digay weerar kiimiko loo adeegsado
Muran ka dhashay weerarkii Maraykanku ku qaaday Suuriya
Safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay Nikki Haley ayaa iyaduna sheegtay in haddii arrintani ay dhab tahay ay dhabarka u ridan doonto dowladda Ruushka.
Sagaal iyo labaatan dal ayaa ka qeybgalay shirka Paris, waxaana in halkaasi lagu gaaro heshiis ku saabsan sidii looga hortagi lahaa kuwa adeegsada hubka kiimikada, cunaqabateyn na loogu soo rogi lahaa.
storvideo: 

Oday dhaqameedyadii Garxajis oo kala socda iyo aniga...

0
0

Oday dhaqameedyadii Garxajis oo kala socda iyo aniga oo talo la'aani daleedda I dhigtay.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 23rd, 2018 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Marka taladu kaa qalloocdo, waxa lagu gartaa tafaraaruqa, tala xumada iyo kala hadalka. Waxanad u jabtaa dhiggaaga kale ee aad tartamayseen ama isku muuqataan. Sidaa marka aan leehay uma jeedo reer aan dhalliilayo iyo wax la mid ah, ee waa iga toosin. Waayo Garxajis waa qayb iga mid ah oo aan ehel iyo walaalo nahay, oo aan tabayo. In aan wanaaggooda arko ayaana farxaddayda ah. Ta maanta iyaga haysataana waa mid anigaba igu mudan oo aan iga maqnayn, oo weliba iyagu wayba hadlayaane, aniga afkiibaa juuqda gabay, tu ka daran ayaana I haysata.
Tartan ciyaareed amma mid siyaaso waa la kala badiyaa, sida maanta aniga iyo Garxajis la iiga badiyeyse waa mid aanan filayn. Ha la iga badiyee, sida aniga iyo Garxajis la noogu tiiq tiiqsanayo, ayaa ah waranka igu taagan ee la igu sii gugujinayo. Odayada kala hadlayaana isku wax uun bay ka hadlayaane, isma oga oo kooma ayey ku jiraan.
Mid lala yaabo miyaanay ahayn marka aad goob joog u tahay odayga 80 jirka ah oo yidhi waa in aan talo isugu nimaadno haddaan Garxajis nahay iyo ka kala hor yimid talo waa loo baahan yahay ee ma wax baan garanaynaa kkkkkk. Reerka aan ka hadlayaa ma sidaasay ahaan jireen? Waa maya.
Bal hadda muuqaalladan daawo, wax baa kaaga bixiye
[embedded content]
[embedded content]
Doorashadii dhacday ee aan xisbiyada iyo calammada kala geddisan arkaynay, waxa ka hooseeyey beelo tartamaya, oo ka guulaystaa uu LAAN-DHEERE noqonayo, ka laga badiyaana uu GUN noqonayo. Laakiin siyaasiyiin iyo waxgarad badan ayaa is lahaa kolba wiilkii hoggaanka qabtaa inta kale ayuu xambaari, oo la ogaan maayo mid guulaystay iyo mid laga guulaystay. Wayse noqon weydey, waxana ay natiijadii noqotay in la isugu faano HADDAAN REER HEBEL nahay GARAB IYO GAASHAAN ayaan hellay oo JEEGAAN BAA LA NA YIDHAA. Xukunkana sidaa ayaan isku bed beddeli doonnaa.Bal Suldaannadanna nala daawada.
[embedded content]
[embedded content]
Holaca maanta shidmayaa maaha mid la bilowday kursiga la saaray Muse Bixi iyo faan faanka oday dhaqameedkiisa, balse wax baa ka horreeyey. Waxana xusid mudan doorkii ay oday dhaqeedyada reer Somaliland ku lahaayeen doorashadii dhammaatay. Oday dhaqameedyadaasi oo aan maanta waxba ka qaban karin dagaalka ka dhex oogan labada beelood ee walaalaha ah, ee ay wiilashoodii isku dhammaanayaan. Hadalka xanafta leh ee dhallinta xabbada ku rartayna, waxa keenay hadallada dhiillada leh ee afkooda ka soo baxaya iyo sida ay innamadoodii ugu kala abtirinayaan, ugu kala hiillinayaan ee ugu baanayaan.....Haddii aan reer hebel nahay waxa hiillimaad innooga baahan wiilka reer hebel.
Uma baahna in aan sawirro kale amma Video kale idiin soo qabto, waayo horaad uga soo dheregteen. Sidoo kale waxba isku daalin maayo, siyaasiyiinta iyo salaadiinta heellada ku qaadayey reerkayow guulaysta.
Xanuunkaasi ay oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta qaar hurgufayeen oo aan Somaliland meel keliya ku egeyn, balse caam yeelay bari iyo galbeed ayaa keenay in maanta la waayo oday amma siyaasi gurmad ka gala dhiillada dagaal ee ka jirta Somaliland. Sidaasay weliba weli ku maqan yihiin heestii lagu raashimin jiray ee ahaa REERKAYAGOW GUULEYSTA.
Somaliland maanta ceella uma qodna, cidina uma maqna, talana waxaba ay sidaa hortaallaa Muse Bixi, oo dagta ku sita taladii dalka iyo dadka ee la wadaagayey, oo uu cid kale ku aammini waayey. Waxana malaha habboon in uu talada culayskeeda dib ugu soo celiyo inta waxgaradka ah ee aan ku milmin ololayaasha qabyaaladeed, ee calool xumada ka dhex abuurtay shacabkii walaalaha ahaa, ee isku mabda'a ahaa.
Muse Bixi malaha waxa la gudboon in uu beddelo dawaladda uu ku dhisay ABAAL CELINTA, KU XUMEE, HEBEL KU TIXGELI....ee inta ka xalaasha ahi ay tahay 2, 3 ama 4. Amma aan idhaahdee dawladda aan u bixiyey HORTA KU AAR GOOSO. Oo ka ilaali reer hebel iyo xisbi hebel. Laakiin Muse doqon maahin oo marka uu sadarradaa akhriyayo wuu og yahay in qoraalka uu akhriyayaa run yahay.
Fiiro gaar/Anigu markaan leehay reerkayga uun uma jeedo, ee waa mid caam ah, reer Sool, reer Saaxil, Reer Hargeysa, reer Galbeedka oo dhan. Waayo Garxajis waa innoo wada tol, dhiillada dagaal ee bariguna waa mid innagu wada taagan.
Awdalpress
This post has been viewed 135 times.
storvideo: 


Somali military convoy targeted in IED blast near Mogadishu

0
0

At least five Somali government soldiers are reported to have been killed and several others wounded in a landmine blast near Mogadishu on Tuesday.
According to witnesses, the explosion which has resulted from a roadside bomb has ripped through a convoy ferrying Somali troops at Taredishe area, about 13Km west of the capital.
Al Shabaab has claimed credit for the attack and said it killed the commissioner of Elbur district and his security guards after their vehicle was hit by a remote-controlled IED.
Radio Shabelle, however, could not independently verify the claim of Al-Shabaab over the death of the DC. The Somali military did not respond to calls for comment.
The post Somali military convoy targeted in IED blast near Mogadishu appeared first on Shabelle.

Somali military convoy targeted in IED blast near...

0
0

At least five Somali government soldiers are reported to have been killed and several others wounded in a landmine blast near Mogadishu on Tuesday.
According to witnesses, the explosion which has resulted from a roadside bomb has ripped through a convoy ferrying Somali troops at Taredishe area, about 13Km west of the capital.
Al Shabaab has claimed credit for the attack and said it killed the commissioner of Elbur district and his security guards after their vehicle was hit by a remote-controlled IED.
Radio Shabelle, however, could not independently verify the claim of Al-Shabaab over the death of the DC. The Somali military did not respond to calls for comment.
storvideo: 

Maantana ma Maqaamka Cadaado baa?

0
0

24th January 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Maqaam noocee ah ayeey yeelan kartaa degmo ka mid ah degmooyinka Soomaaliya.
Dastuurkii Soomaaliya waxa loo jebiyey, oo gobol iyo nus looga dhigay maamul goboleed, bal in hal mar Fiqi iyo Mahad Salaad beeshooda ay yeeshaan maamul goboled.
Markii la ansixiyey sharci darada ah in gobol iyo nus uu maamul goboleed noqon karo, Mahad Salaad beeshiisu waxay ku heshiin waayeen hogaanka sare ee maamul goboleedkaas . Shirkii Jabuuti ee dhowaan la qabtay waxa lagu heshiisiiyey in beesha Sacad ay madaxweyne ka noqoto maamul goboleedka gobolka iyo Nuska ah ee Galmudug, halka Beesha Cayr ay maamul goboleedka ay ka qabanayso xilka Raisawasaaraha.
Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi "Farmaajo" ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka beesha Saleemaan ee Habargidir, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen.
Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Odayaasha iyo Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Soo jeedintiisa, waxayna kaga mahad celiyeen sida Madaxweynaha uu diyaar ugu yahay qancinta dadka tabashooyinka qaba.
Ugu danbayntii Hadddi beesha Sacad ee Habargidir ay qaateen madaxweynhii, Beesha Cayrna Raisawasaarihii, Beesha Saleemaana ay qaateen xaruntii Baarlamaanka ee Cadaado. Beesha Mareexaan ee degta inta badan gobolka Galguduud iyagu ma marti ayeey ku noqon doonaan maamulkaas
Allsanaag.com

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waa maxay shaqadiisu

Post navigation
- Awad oo ka qeybgalay shir gaar ah oo Ururka Islaamka ku yeeshay Jeddah "SAWIRRO" Alshabaabka gobolka Togdheer -
storvideo: 

Gudoomiyaha Gobolka Haylaan ayaa daah-furay layrarka...

0
0

Asc fadlan wadada laasqorey ilaa calmadow iyo badhan iskutashi halagu Dhiso si gobolka sanag uuu isugu furmoKadib markaa dekada laasiqrey na wasirka qorshanya qaranka somalia ay shacabku uga dalbadan inuu u dhiso dekada laasqorey oo ayka mid tahay mashariicda somaliya loo qaybinayo gobolada ee ay qatar bixinaysoIsku socodka ganacsiga beeraha calmadowna uu u socdo wayo maxsyulku wuxu ku qasarobaa Dhulka
Amaba waala hayaa qalabkii buurta jabinayay ee wadada dhisayay wadada ceeldahir iyo cerigabo calmadow wadada haloo jeexo sidu u fuduudo isu socodka ganacsigu
storvideo: 

Alshabaabka gobolka Togdheer

0
0

24th January 2018 admin Category :
Alshabaabka ku sugan degaanka Beer ee gobolka Togdheer ayaa taageeray in dagaal lagu qaado Puntland.Sawirka sare waa Odaygii Isaaq ee hogaaminayey maleeshiyaadkii Alshabaabka ahaa ee lagu jebiyey Togga Suuj Iyo Garmaal ee Nugaal iyo Mudug
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live