Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Filim Laga Sameeyay Weerar Shabaab ay Geysteen oo...

$
0
0

Filim uu soo saaray arday u dhashay dalka Jarmalka oo ku saabsan weerar lagu qaaday bas mararay Mandheera gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, sanado ka hor, ayaa u sharaxan abaal marinta loo yaqaan Oscar award.
Filimkan gaaban oo lagu magacaabo "Watu Wote" oo ah erey Sawaaxi ah, Af Soomaaligana ku noqoneysa "Dhamaanteen" waxa uu ka hadlayaa sida dadka Kenyanaka ee caadiga ah ay uga soo horjeesteen al-Shabaab.
Filimkan oo abaal marinta u sharaxan, ayaa lagu maamuusay todobaadkan Nairobi, waxaana warbixintan nooga soo dirtay wariyaha VOA Rael Ombuor, waa kan Xuseen Barre Aaden oo inoo soo jeediya.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:36
0:00:00 /0:03:36
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Dublamaasi Mareykan ah oo sheegay in Aung San Suu...

$
0
0

Dublamaasiga rugcaddaaga ah ee u dhashay dalka Mareykanka Bill Richards ayaa iska casilay guddi loo saaray in ay hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi kala taliyaan dhibaatada Rohingya.
Waxa uu ku andacooday in guddigani uu yahay "mid guuldaraystay ".
Waxa uu ku eedeeyay Ms Suu Kyi,oo muddo dheera ay saaxibo ahaayeen "in aysan lahayn damiir hogaamineed ".
Xukuumadda Myanmar oo ka jawaabtay hadalkiisa ayaa ugu baaqday in uu ka dhowrsado "weerar shaqsiyadeed ".

  1. Sawirrada Muslimiinta Rohingya ee ka cararaya Myanmar
  2. Ma taqaan hogaamiyaha ciidanka badbaadinta Rohingya?
  3. Maxaa soo cusboonaysiiyay qaxa Muslimiinta Rohingya?

In ka badan 650,000 oo ah qaxootiga muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya ayaa u soo qaxay dalka Bangladesh sanadkii aanu soo dhaafnay.
Qaar badan oo ka mid ah qaxootigani ayaa imika ku nool xerooyiin ku yaalla dalka Bangladesh.
Mr Richardson ayaa sheegay in Ms Suu Kyi ay si aad "uga carootay " markii uu ku soo qaaday arrinta laba saxafi oo u shaqeeya wakaaladda wararka Reuters oo halkaasi lagu xiray.
Mr Richardson, oo ahaan jiray la taliyihii madaxwayne Clinton ayay muddo toboneeyo sano ah aqoon isu lahaayeen Ms Suu Kyi , waxa uuna booqday mar ay xabsi guri ku jirtay 1990.
storvideo: 

Shirkadaha Iyo Shaqaalaha Ka Shaqeeya Dhismaha Dalka...

$
0
0

Shir Jiraa'id uu xafiiska ku qabtaay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib dhiska iyo Guryeynta Xukuumadda Soomaaliya Eng; Saadaq Cabdulahi Cabdi ayaa ahaa mid uu ugu hadlayaay waxqabadka Wasaaradda mudada Sideeda bilood ee la soo dhaafay, isagona sheegaay iney waddaan qorshayaal lagu horumarinaayo dhismiyaasha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa marka hore sheegay in mudada kooban ay xafiiska joogaan u qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tayeenta iyo qiimeynta shaqaalah sii loo ogaado iney qaban karaan fuulin karaan mashaariicda waaweyn ee dalka
Sidoo kale, Wasiirka Saadaq oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri" Waxan fulinaay mashaaric oo ay ugu horeysaay tijaabooyin iyo daraasad lagu sameeyay dhismiyaashi bur buray oo ugu horeysaay bankagi ganacsigi keydka Soomaaliyeed iyo Wasaradda Waxbarashada.waxa inoo soo baxdaay in Wasaradda iyo injineerada iyo dhamaan qeybaha kala duwaan ee waxaahaha kale iney fuliyaan howlaha loo igmaday Wasaaradda ,waxa jiro in wasaaradda mudada ay jirtaay daahfuurtay waddo 4k iyo bar oo isku xirto afgooye iyo carbiska oo ay iska kaashadeen dowlada norwey iyo ganacsato Soomaaliyeed waa marki ugu horeysay dadka soomaaliyeed isku tashaadan iney dalkooda dhistaan uu soo istaagaan.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng; Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in heer gaba gaabo ah maraayo dhameystirka Mashruuca dhismaha Muqisho iyo Afgooye,isagoo dhanka kale tilmaamay in dhawaan daahfurmi doona mashruucaas oo ka koobaan 23km oo ka bilabanayo E- control Afgooye ilaa iyo Carbiska.
Dhanka kale,Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Xukumadda Soomaaliya Eng; Saaadaq C/llaahi Cabdi ayaa ugu baaqaay Hay'adaha caalamiga iyo shirkadaha dhismiyaasha ee ka howl gala dalka iney iska soo diwaan galiyaan Wasaradda si loola socdo waxqabadkooda.
"Dhamaan shirkadaha iyo shaqalaha ka shaqeyo dhismaha dalka ee an wali iska soo diiwan galinin wasaradda waxa la faraya iney isa soo diiwaan galiyaan waxan kalo baaqa uu diraya shirakadaha ajaanibta ee ku howlaan dhismiyasha guriyaha iney ayagona isa soo diiwan galiyaan",Ayuu yiri Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Qaar Ka Mid Ah Dhaawacyadii Qarixii Zoobe Ee Loo...

$
0
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.
9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.
Sidoo kale,caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo ku saleysan.
Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah,waxaana dib loo soo celiyay iyadoo iyada iyo Hooyadeed farxad ka muuqada waliba caafimaad qabta Alle mahadii.
Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-
Hussein Hassan Ahmed.
Samira Sheikh Mohamed.
Adam Muse Hassan.
Alas Elmi Qobey.
Mumtaz Hassan Ali.
Abdalla Omar Mayew.
Bille Adan Farah.
Said Abdi Jeele.
Ali Diriye Farah.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wareysi: Xaaladda Cudurrada Dhimirka ee Soomaaliya

$
0
0

Dr. Faadumo Sheikh Cali Jimcaale Baraale oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh cudurada dhimirka, oo dhawaan meelo ka  mid ah Soomaaliya booqatay, ayaa sheegtay inay Baladweyne ka sameyn doonaan xarrun dadka qaba cudurrada dhimirka laga hergalin doono.

Wasiirrada A. Dibadda Afrika oo Cambaareyay Trump

$
0
0

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmay shir laba maalmood soconaya oo ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Afrika.

Waddo Halaq! W/Q: Xamse Cumar Kujoog

$
0
0

Waddo Halaq! W/Q: Xamse Cumar Kujoog"Haddii aad rabto inaad Bulsho burburiso, Qoyska weerar, Waxbarashada dhaawac, Haldoorka ka dhaqaaqayana hiif oo haaraan" Hadal xikmad ah oo hore loo yidhi.Bulsho kasta sida in badan oo dhiskeeda u taagani ay u jirto, ayaa in kale oo burburkeeda iyo duminteeda ku fooganani ay u jirtaa. Inta burburka iyo duminta ka shaqaynaysaana mararka qaar laga yaabaa in aanay islahayn wax xumeeya se ay ula ekaatay waddada ay ummaddooda ku burburinayaan mid toosan oo wax lagu hagaajin karo, sidoo kalana waxa dhici karta amaba jirta qayb u badheedha dumintaas, hase yeeshee isha aqoonta iyo waayo-aragnimada ayaa kala saaraysa dhiska iyo duminta.Sideedaba dhisku waa uu ka adag yahay duminta, muddo dheer wax la dhisayay ayaa waxa laga yaabaa in daqiiqado kooban gudahood lagu dumiyo, sidaas awgeed, ayay waajib tahay in mar kasta ilaalo iyo badbaadin lala daba joogo wixii wanaagsan ee la dhisay.Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa kolka la rabo in bulsho dhisan oo hagaagsan hilfaha loo laabo, jiritaankeedana la saqiiriyo meelaha ugu fudud ee laga soo geli karo, waa meelo ku fudud duminta, waa se meelo aad ugu qaali ah uguna culus bulshada. Meelahaasi waa saddex meelood oo mid waliba ay mudan tahay in qormo u gaar ah laga diyaariyo, se intii karaanka ah waxa aynu isku dayi doonnaa in aynu soo koobno, waxa aynu si faahfaahsan isha u marin doonnaa saddexdaa qaybood ee aynu ku ballaysinnay qormada ee kala ah Qoyska, Waxbarashada iyo Haldoorka ummadda.Haddaba si aynu hoos ugu dhaadhacno, nolosheennana aynu u barbar dhigno, waxa inta kharribka iyo duminta bulshada ka shaqaynaysaa ay maraan waddooyinkan soo socda:1. Qoyska: Qoysku waa xuddunta bulshada, waa halka ummadi ka dhisanto, qoys la'aantiina qaran iyo qof midna ma jiri karo, haddaba xumaan oogayaasha iyo inta ku bahawday duminta bulshooyinku waxa ay dagaal cir iyo dhul ah la galaan qoyska iyo sidii loo kala firdhin lahaa, qoyskuna sii kala muhimsan'e waxa ay dagaalka intiisa u badan ku jiheeyaan hooyada oo ah bud dhigga qoyska, waxa ay gaadhsiiyaan heer ay hooyadu ka xishooto sheegashada in ay hooyo tahay.2. Waxbarashada: Ummad kastaa si ay usii jirto, timaaddo fiicanna u yeelato waxa ay dhisataa manhaj waxbarasho oo soo saara jiilka ay ummaddaasi doonayso inuu mustaqbalka la wareego, manhajkaasna waxa loo carbiyaa ciddii ubadkaas maskaxdooda ku beeri lahayd oo ah macallinka, kolkaa si loo wiiqo jiritaanka ummadi leedahay waxa ay bahda ku foogan duminta ummaduhu la wareegaan manhajka oo ay nuxurka ka siibaan, sidoo kalena waxa ay liidaan oo hoos u dhigaan macallinka, waxa ay gaadhsiiyaan heer aanu wax qiimo ah ku dhex yeelan bulshadiisa, waxa ay dhaxal siiyaan in ardaygiisu aanu u arag inuu wax yahayba.3. Haldoorka ummadda: Cid kasta oo dunidan ku nooli waxa ay leedahay haldoor ay ku hirato, haldoorkaasi waxa uu u yahay ummaddiisa iftiin u baxaya oo inta kale ee bulshaduna ay ku dayato, jiil kasta oo ummaddaas u kacayana waxa la baraa dadkaas halyeeyada ah ee ummaddooda u kacay, waxana ay u noqdaan inta soo kacaysa himilo ay hiigsadaan. Haldoorrada ummad kastaa waa Culimadeeda, Aqoonyahankeeda iyo Xeel dheerayaasheeda.
Si haddaba ummaddaas loo jebiyo waxa haldoorkeeda lagu sameeyaa magac dil iyo maamuus ka xayuubin, si qiimahooda loo wiiqo, bulshadana loogu muujiyo in aanay mudnayn kaalinta hoggaamineed ee ay joogaan waxa loo isticmaalaa qaababka cayda, xajiimaynta iyo in ceebo loo raadiyo.
Kolka aad haddaba bulshadeenna dib u milicsato waayaha nololeed ee ay ku jirto waxa kuu bidhaamaysa in muddo aan yarayn, si aynaan dhaadayn looga shaqaynayay burburkeenna, waxa aynu qiraynaa in dagaal adag lala galay qoyska soomaaliyeed, waxana muuqanaysa in la abbaaray Hooyada oo ah xuddunta qoyska, waxa maanta boqollaal ha'ayadood iyo inta la shaqaysaa ay ku hawllan yihiin sidii gabadh kasta qoyskeeda looga soo saari lahaa, waxa xaqiiqo ah marka laga yimaaddo inta dantu soo saartay in kumannaan kale laga shaqeeyay sidii hir beena loogu maaweelin lahaa, waxana laga dhaxlay in maanta bulshada lagu arko malaayiin haween ah oo ka xishoonaya in ay ku faanaan Hooyonnimo.Dhanka kale waxa qof kastaa qirayaa manhajka waxbarasho ee maanta bulshadeennu leedahay, ubadkeennana loo dhigaa inuu yahay mid aan wax tayo ah lahayn, sidoo kalena waxa muuqata in diyaarinta manhajka waxbarasho aan kolka horeba laga lahayn wax ujeeddo ah, sidaas si la mid ahna aan laga fekerin in la diyaariyo manhaj soo saaraya qofka aynu doonayno, waxa arrinkaas caddayn u ah in dugsiyo badan oo dalkeenna ku yaallaa ay leeyihiin ama soo ergistaan manhaj dal kale laga leeyahay, waxana magaalooyinkeenna lagu carbiyaa ubad maskax ahaan loo dhisayo dalal aan ahayn dalkeenna. Isla jeerkaasna waxa bulshadeenna ku dhex dulman baraha ama macallinka ubadkeenna wax bara, iyaduna waa qiraal in aynaan qiimayn barayaasha dugsiyadeenna wax ka dhiga, macallimiinta dalkeennuna marka la barbar dhigo inta kale ee bulshada waxa ay badankoodu ka tirsan yihiin dabaqadda hoose ee bulshada, dawlad daryeesha, waalid qiimeeya iyo arday uu macno ugu fadhiyo ayaa yar haddii uu jiraba.Ugu danbayn waxa aynu hadh iyo habeen ka warqabnaa dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee lagu hayo haldoorka bulshadeenna, Culimo la caayayo iyo Aqoonyahan la hagardaamaynayo intee in le'eg ayaynu ku aragnaa saxaafaddeenna iyo baraha bulshada? Qiime tirka haldoorrada ummaddu waa ta keentay in qof kastaa ka hadlo wax aanu aqoon u lahayn, waa ta inna dhaxalsiisay in qof kastaa uu muran iyo anigana waxa ay ila tahay geliyo arrimo xasaasi ah oo aan ra'yi geli karin, sida arrimaha Diinteenna suubban, caafimaadka, dhaqaalaha iyo wax kasta oo aqoon iyo xeel dheeri u baahan.Haddaba marka bulshada inta haldoorka ah ee Culimo iyo Waxgaradba leh iyagoo nool maamuuska laga qaado, waxa looga dhaadhacaa in ay dad liita oo maangaab ahi ay bulshada cumaamadda u duubtaan kaddibna ay meel baas kala dhacaan, ummadduna ay afwaynta goosato.Bulsho ahaan waxa innagu waajib ah in aynu samaha difaacno, xumahana bushinno, in inta samaha iyo wanaagga ummadda wadda aynu garab istaagno, inta xumaanta, xiqdiga iyo duminta ummadda ku fooganna aynu yur iska nidhaano.W/Q: Xamse Cumar KujoogHkujoog@gmail.com
storvideo: 

Wareysi: Xaaladda Cudurrada Dhimirka ee Soomaaliya

$
0
0

Dr. Faadumo Sheikh Cali Jimcaale Baraale oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh cudurada dhimirka, oo dhawaan meelo ka mid ah Soomaaliya booqatay, ayaa sheegtay inay Baladweyne ka sameyn doonaan xarrun dadka qaba cudurrada dhimirka laga hergalin doono.
Dr. Faadumo ayaa waxyaabaha keena cudurada dhimirka uga warantay wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:11
0:00:00 /0:06:11
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo iyo Taabit oo caawa kulan kuleh...

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo iyo Taabit oo caawa kulan kuleh Xarunta Madaxtooyada Soomaliya
Jan 25, 2018 -
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu caawa kulan la qaadanayo Gudoomiyihii uu xilka ka qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii ugu horeeyey ee dhexmara labada nin tan iyo intii xilka ka qaadistu dhacday, iyadoo la xusuusan yahay in Taabit uu ka mid ahaa kooxdii ololaha u waday Madaxweyne Farmaajo xiligii tartanka doorashada.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, waxaa kulankan ka shaqeynaya xubno isugu jira Wasiiro, Siyaasiyiin, iyo odayaal dhaqameedyo dedaal ugu jira sidii labada nin la iskugu soo dhoweyn lahaa.
Farmaajo ayaa xilka ka qaaday gudoomiye Taabit isagoo ku maqan safarkiisii gobolada dalka ka dib markii Taabit doorasho yaab badan dhalisay oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir loogu caleemo saaray inuu xilka sii hayo labo sano.
Doorashadan sharci darada ah ayaa waxaa ka horeeyey khilaaf salka ku hayey shir looga hadli rabay maqaamka Muqdisho oo gudoomiye Taabit uu abaabulayey iyo eedeymo la xiriira dhul dan guud ah oo la bixiyey.
Lama oga in Madaxweyne Farmaajo iyo Taabit oo saaxiibo dhow ahaa ay sii wada shaqeyn doonaan iyo in kale, balse wax kasta waxay kala cadaan doonaan marka la ogaado natiijada ka soo baxda kulanka caawa labadooda dhexmari doona. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Khayre: Soo laabashada Soomaaliya ee marxaladda...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku baaqay in gargaar degdeg ah lagu caawiyo Soomaaliya si ay u hirgaliso dib-u-habeyn ku dhisan, iyada oo la tixgelinayo in dib-u-noqoshada Soomaaliya ee marxaladda caalamku ay ahayd mid aan la hurin.
Khamiis oo ka hadlayey kulan gaar ah "Iskaashiga Nabadgelyada: Focus on Somalia", Khaire ayaa yiri: "Dowladnimada Soomaaliya iyo doonisteeda siyaasadeed si ay u gaarsiiyaan ballanqaadyadeeda dadka Soomaaliyeed waa ka shakisan yahay. Laakiin waxaan sidoo kale ognahay in hirgelinta guulaha dib-u-habeyn iyo qorshe horumarineed oo ay ku jirto horumarinta amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay'adaha, iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha, waxay u baahan tahay khayraad. "
"Soomaaliya waxba ma qaban karto. Ma ahan khayraadka xadidan iyo deynta dhaxaltooyada ah oo qiyaastii lix bilyan oo doolar ah, "ayuu yiri, isaga oo hoosta ka xariiqay in dardargelinta deynta degdegga ah iyo dib-u-xoojinta hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si ay u helaan maalgelinta isla markiiba ay muhiim u tahay horumarinta.
"Xukuumaddaydu waxay mar hore ku hawlan tahay hay'adahaan waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u dabooli lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u abaabulaan xiriirka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed," ayuu yiri, isaga oo sheegay in kalsooni uu ku qabo in dadaalka socda uu si guul ah u soo gabagabeyn doono.
In la xoojiyo waaxyaha gaarka ah ee Soomaaliya ee doorka ay ka qaadato helitaanka dalka, ayuu yiri:
"Iyadoo ay jirto caqabado badan, haddana waaxda gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sii waday in ay bixiso adeegyo muhiim ah oo ku saabsan badbaadada iyo dib u soo kabashada dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri, isaga oo tilmaamay in xawaaladaha ay yihiin ilaha muhiimka ah ee maalgashiga kaas oo ugu baaqay iskaashigooda wax ku oolka ah ee dawladda iyo ganacsiga.
Xaqiijinta bangiga adduunku wuxuu ku qeexayaa in kororka Soomaaliya uu sii korayo boqolkiiba 5 sannadka 2015 iyo 6 boqolkiiba sannadka 2016, wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida degdegga ah ee sahaminta qaybaha kale ee aan la xakameynin ee Soomaaliya.
"Biyaha Soomaaliya waxay hoy u yihiin qaar ka mid ah dhulalka ugu badan ee kalluumeysiga ee Afrika iyo qaar ka mid ah kaydka kalluunka ee adduunka ah oo la daboolay ayaa ku jira biyaha dheeraadka ah ee 3,330 km ee xeebaha dalka," ayuu yiri, isaga oo sheegay in khayraadka kale ee wax soo saarka ah ay ka mid yihiin 8.5 milyan hektar oo dhul beereed la beero iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan la wehelin.
"Haddii si khaas ah loo isticmaalo dhammaan khayraadkaas la isku daro waxay Soomaaliya u suurtagelin doontaa helitaanka ammaanka cunno, abuurista shaqooyin, kor u qaadista dakhliga dawladda, iyo inuu gacan ka geysto ganacsiga caalamiga ah," ayuu yiri.
"Waxaan samaynay bartilmaameedka lagu yareynayo fakhriga iyada oo la adeegsanayo hirgalinta siyaasadaha lagama maarmaanka u ah iyo qaab-dhismeedka habboon ee sharciyeynta iyo bay'ad awood u leh maalgashiga," ayuu yiri.
"Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay dib uqaato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee Gateway iyo Xarunta Ganacsi ee Afrika iyada oo u maraysa Waddada Badweynta Hindiya iyo Waddooyinka Badda," ayuu yiri.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in inkastoo dunidu ay ku jirtay da 'aan hubin, xasillooni darro iyo jilicsanaan, waxaa sidoo kale jiray fursado aan xad lahayn oo ay ugu wacan tahay tiknoolojiyada soo jiidashada, casriyeynta aan hore loo arag, iyo horumarinta sayniska.
"Waa arrin qarsoodi ah oo bini-aadannimo ah oo garaacday rajada, waxaanan rajeyneynaa in aan wadaagno wax badan oo nagu filan oo wax ka qabta caqabadaha aynu wajahayo si aan u dhisno adduun wanaagsan oo mustaqbalka mustaqbalka," ayuu yiri.
Wuxuu yiri: "Soomaaliya waxay soo bandhigaysaa khatarta dhabta ah ee khatarta iyo fursadaha iyo inkasta oo ay sii xumaatay, ay weli tahay tusaale nololeed oo ku aaddan bini'aadamka, adkeysi aan xadidnayn iyo rajo aan lahayn."
"Inkastoo dhallinyaro badan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay, "Soomaaliya waxay noqon kartaa fursad wayn oo tartan ah haddii ay suurogal ka dhigayso xaaladaha, oo ay ka mid yihiin siyaasadaha horumarka ah si aad ah loogu wajaho inay keenaan isbeddel dhaqaale," iyada oo la raacayo in adeegyo tayo leh oo ay ka mid yihiin fursadaha waxbarasho iyo hab-nololeedku, wax ka qabashada jaahwareerka iyo qorista shabakadaha dambiyada iyo argagixisada.
Waxa uu tilmaamay in dawladdu ay ku dadaalaysay sidii ay u gaari lahayd amniga waarta, iyo isbedel siyaasadeed iyo dastuuri ah.
Wafdi uu hogaaminayo wafdi ka socda Waddanka Soomaaliya markii ugu horreysay ee Wafdiga Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Adduunka (WEF2018) ee kuyaala Davos, ayaa Ra'iisul Wasaaruhu yeeshay kulamo dhowr ah oo wada-jir ah oo lala yeeshay madaxda sare ee hay'adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka.
Kuwa ka mid ah kuwa uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Christine Lagarde, IMF Managing Director, madaxda sare ee IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Baanka Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, WEF Madaxwayne Borge Brende iyo sidoo kale hogaamiyayaasha adduunka sida Norway Ra'iisul Wasaaraha Ernest Solberg, Raiisul Wasaaraha Ruushka, Wasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare Qadaafi iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo hogaamiyeyaasha kale.
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire today called for an accelerated debt relief to help Somalia to implement its ambitious reforms, noting that Somalia's return to the global stage was inevitable.
Talking today at a special session "Partnership for Peace: Focus on Somalia", Khaire said: "Somali government's commitment and political will to deliver its promises to the Somali people is undoubted. But we are also aware that successful implementation of our ambitious reforms and development agenda including improving security, infrastructure projects, institutional building, and economic recovery, requires resources."
"Somalia cannot do it alone. Not with the limited resources and the inherited and over-burdened debt of about six billion dollars," he said, underlining that accelerated debt relief and re-engagement with international financial institutions to access immediate funding were critical for development.
"My government is already engaged with these institutions and is striving hard to meet the set benchmarks to normalize relations and improve financial management," he said, noting his confidence that the ongoing efforts will be concluded successfully.
Praising Somalia's private sector for its role in the survival of the country, he said:"Despite considerable challenges, Somalia's private sector has continued to provide critical services in the survival and recovery of the Somali people," he said, pointing out the remittances as key investment resource that called for effective public-private partnership.
Citing World Bank estimates showing that Somali GDP growing by 5 percent in 2015 and 6 percent in 2016, he emphasized the urgent need to explore Somalia's other untapped sectors.
"Somalia's waters are home to some of the richest fishing ground in Africa and some of the only fish stocks in the world that are underfished are in the deep waters of the country's 3,330 km coastline," he said, noting other productive resources included 8.5 million hectares of arable agricultural land and more than 50 million livestock in addition to untapped minerals.
"If properly utilized all these resources combined will enable Somalia to attain food security, create jobs, increase government revenue, and contribute international trade," he said.
"We made our target to reduce poverty by adopting and implementing the necessary policies and the necessary regulatory frameworks and enabling environment for investment," he said.
"Somalia is ready to resume its historical role as the Gateway and Business Centre of Africa through the Indian Ocean and Red Sea corridor," he said.He underlined that although the world was in an age of uncertainty, instability and fragility, there were also limitless opportunities due to cutting edge technology, unprecedented innovation, and scientific breakthroughs.
"It is this human ingenuity that beats the despair and gives us hope that together we are more resourceful and can address the challenges we face to shape a better world for future generations," he said.
He said: "Somalia presents a precise intersection of risks and opportunities and despite its turbulent past, remains a living example of human ingenuity, unlimited resilience and unceasing hope."
"With a youthful population," he continued," Somalia can be at great competitive edge if enabling conditions, including progressive policies is aggressively pursued to bring about economic transformation," underling that providing quality services including education and livelihood opportunities, will contribute significantly to addressing disillusionment and recruitment into criminal and terrorist networks.He pointed out that the government made strides in achieving sustainable security, and political and constitutional transformations.
Leading a Somali delegation for the first time to the World Economic Forum (WEF2018) in Davos, the Prime Minister had several bilateral meetings with executives of international institutions and world leaders.
Among those he met included Christine Lagarde, IMF Managing Director,executives of the IMF, Kristalina Georgieva, Chief Executive Oficer of the World Bank, Akinwumi Ayodeji Adesin, President of African Development Bank, WEF President Borge Brende as well as world leaders such as Norwegian Prime Minister Erna Solberg, Russian Deputy Prime Minister, Minister for industry and energy Arkady Dvorkovich, Qatari Depuy Prime Minister & Foreign Minister Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani, and other leaders.
-- DHAMMAAD ---
Share this:
Related
storvideo: 

Wasiirrada A. Dibadda Afrika oo Cambaareyay Trump

$
0
0

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmay shir laba maalmood soconaya oo ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Afrika.
Shirkan ayaa gogol xaar u ah shir madaxda dalalka Midowga Afrika uga furmaya 28-ka bishan magaalada Addis Ababa.
Shirkan oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo Afrika quseeya, ayay wasiirrada kulmey waxay cambaareeyeen hadal uu dhawaan ugu gefay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waddamada Qaaradda Afrika.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa shirkan ka wareystay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:12
0:00:00 /0:05:12
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Ma Jiraa Xilldhibaan Ka Mudan Maayarka Gabiley...

$
0
0

Ma Jiraa Xilldhibaan Ka Mudan Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi Oo lagu Badalaa?
Ma Jirtaase Talaabo Bulshada G/Gabiley Farxad Galisa Oo Ay Qaadeen Xilldhibaanada Warbaahinta Ka Dhaliila Maayarku ?
Daljir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha
Nin daneeya baahida dadkoo danaha guud eega
Dakhligiyo cashuuraha ninkaa nagu daryeelaaya
Dariiqyada nin noo wada dhisoo dawga ku hagaaja
Dufan jecel danaystaha u badan naga dabaalaaya
Gabaygii Daljir Erayadii iyo Qalinkii :- Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Waa hubaal in dadka guusha gaadhaa aanay Guul wayn ka bilaabin,balse wax yar ayay si wanaagsan u qabtaan, inkasta oo Mudanayayaasha qaarkood Shaqo ka dhigteen in ay dhaliilaan Maayarkii ay doorteen,iyagoo Mudanayaashani ku dhaliila Maayarkii ay doorteen maalinta Jawiga Cimiladu kulul yahay, halka marka jawiga Cimiladu qaboobana ay ku dhaliilaan Maayarkii ay doorteen,iyagoo Xilldhibaanadani maalin kasta Warbaahinta u mariya Dhaliilo Maayarkii ay doorteen,waxaase iswaydiin mudan,miyaanay Dhaliisha Warbaahinta ka mudnayn in ay noqdaan Xilldhibaano Xill-gudasho la yimaada oo sida Xeerku siiyay Jaangoonta Siyaasadda Maamul iyo Horomarineed ee Deegaanadii laga soo doortay.
Waxayna Bulshada ku dhaqan G/Gabiley,sida dayax iyo Shann Tobnaadka ugu muuqda,Waxqabadka iyo Horomarka uu ku suntan yahay Maayar Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi,isagoo ka fuliyay Muddo Laba Sannadood iyo badh ah uu xillka hayay,Mashaariic tiro badan oo aan Qormo kaliya laga soo koobi Karin,isla-markaana aan laga fulin - Labaad ee S/land ama Dagmooyinka waawayn ee Dalka sida Dagmada Burco,waxaana ka mida :-
1: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu Magaalada Gabiley ka hirgaliyay Garoonka Kubada Cagta ee loogu magac daray Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farax oo uu ka dhisay Magaalada Gabiley,waxaanay Bulshada Gabiley ka warhaysaa in Garoonkii kubada Cagta ee Dagmada Burco wali dunsan yahay .
2: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu Magaalada Gabiley ka hirgaliyay Wado Afar haada oo Badhtamaha Magaalada dhex marta,waa markii u horaysay ee Dagmo aan - Hargaysa ahayn laga hirgaliyo Dagmooyinka dalka S/land, Wado Afar haada .
3: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waa Maayarkii u horeeyay ee dhisa Biriishka isku xidha Daafaha Magaalada Gabiley oo dhibaato badan ku hayay Bulshada Gabiley halka, Garoonka Kubada Cagta ee sida Casriyaysan loo dhiso ee Mo Faarax uu Magaalada Gabiley ku xidhayo.
4: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu ka qaybqaataa xalinta Khilaafaadka iyo Korinta Horomarka iyo Waxqabadka Dagmooyinka kale,ee G/Gabiley hoos yimaada,waxaanu dhaqaale badan ku bixiyaa sidii ay u dabooli lahaayeen Adeegyada Aaasaasiga ah ee Nolosha Aadamuhu ka maar Karin .
Muddo Shan iyo Toban Sannadood ayaa laga joogaa markii ay S/land cagta saartay Geedi Socodka Dimuquraadiyada,waxaana ka dhacay Dalka S/land,Laba Doorasho oo Golayaasha Deegaanka lagu soo doortay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka,iyadoo maanta Bulshada G/Gabiley iswaydiinaysa,Maxay Xilldhibaanadii Codkooda sida tooska ah ugu soo doorteen kaga duwan yihiin Masuuliyiintii Dagmooyinkooda loo soo Magacaabi jiray ? Waa sidee Hanaanka Xiilgudasho ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley? Imisa Xeer ayay dajiyeen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley muddo Shann Sannadood ah oo ay xillkaasi hayeen ? Imisa kallfadhi ayay isugu yimaadeen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ? Xog-ogaal ma u yihiin Baahiyaha ka jira Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Deegaamadii laga soo doortay ? Haday Xog-ogaal u yihiin ma buuxiyeen inta karaankooda ah ? Muddo Shann Sannadood ah oo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Xillka hayeen ma qaadeen Talaabo kaliya oo Bulshada G/Gabiley farxad galisa ? Muxayse salka ku hayaa Khilaafka iyo Muranka ka soo noqnoqda Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo ku fashilmay Xeer Dajintii loo soo doortay
Dhamaan Su"aalahaa Jawaabahooda waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan Xilldhibaanada Golaha Gabiley inta Warbaahinta Maayarka ka Dhaliishaa , waxay Dadka Arimaha Siyaasada u kuur gala xog-ogaal u yihiin in ay dull hoganayso Xillgudasho La"aan oo aanay Gabi ahaanba moog yihiin in aanay Masuuliyadi ka saarnayn Deegaanadii laga soo doortay,waxaanay uga faa"iidaystaan Warbaahinta, Bulshada G/Gabiley oo inta badan ay ku yar tahay fahanka guud ee ay ka haystaan,Maamul daadajintii iyo sabobahii loo soo doortay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka,ball aan wax yar ka iftiimiyo Qodobada Xeer Lr, 23,oo si cad u kala qeexaya Awoodaha Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley .
Gole Deegaan:Waxa loola jeedaa (Gole Degmo) Xubnaha Dadweynuhu si sharci ah ugu doorteen hogaaminta Maamulka iyo sharci Dejinta Degmada.
Duqa/Mayor: Waxa loola jeedaa Xubinta Golaha Deegaanka Ee Degmo iska dhex doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada iyo kan Golaha Deegaanka .
1: Xilldhibaanada Golaha Deegaanku,waa Golaha Xeer dajinta ee Dagmada,waxaase iswaydiin mudan, Xeerka ay dajiyaan Golaha Deegaanku,Ma Gabiley uunbuu ka shaqaynayaa.mise waxuu ka shaqaynayaa Deegaanadii laga soo doortay ee Lix dagmo ee G/Gabiley ka kooban yahay ee Dagmada Gabiley ka midka tahay .
2: Waxay u kuur galaan Xilldhibaanada Golaha Deegaanku Xaalada dhabta ah ee Deegaanadii laga soo doortay, waxaanay hubiyaan Adeegyada Aasaasiga ah sida:- Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada Hoose Dhexe, Laydhka,Nadaafada iyo Fayo dhawrka guud,waxaase iswaydiin mudan,maxaa ka hor-taagan Xilldhibaanada Golaha Deegaanka in ay jaangooyaan Siyaasada Maamul iyo horomarineed ee Deegaanadii kale ee laga soo doortay ee Xeerku siiyay,mise Gabiley uunbaa laga soo doortay?
3: Waxay Qorsheeyaan Xilldhibaanada Golaha Deegaanku Kharashaaka ugu jira miisaaniyada,waxayna u kala hor-mariyaan sida ay u kala baahi badan yihiin,Deegaanadii laga soo doortay.
4: Waxay wax kabadal iyo kaabis ku sameeyaan Miisaaniyadaha Fulintu soo diyaariso,ee Dagmooyinkii laga soo doortay,iyagoo ku Ansixiya Cod hall dheeri ah,ka dibna waxay ku kormeeraan Gudoonkooda Fulinteeda,waxaase iswaydiin mudan,maxaa ka hor-taagan Xilldhibaanada Golaha Deegaanka in ay Miisaaniyadaha Dagmooyinka kale ee Xeerku siiyay Saamayn ku yeeshaan.
Isku soo wada duuboo,waxay Bulshada G/Gabiley ka warhaysaa Horomarka iyo Waxqabadka uu ku talaabsaday muddada uu Xillka hayay Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxaan ku soo gunaanadayaa Qormadayda:-Ma mudna in ay Bulshada G/Gabiley dhagaysato Xilldhibaanada Warbaahinta ka dhaliila Maayarka Gabiley ee Waxqabadka iyo Horomarka ku suntan.
Erayadii iyo Qalinkii :- Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo kulankiisii ugu...

$
0
0

Addis Ababa (PP) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa kulankiisii ugu horreeyay kula yeeshay Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa Dhiggiisa dalkaas, Workneh Gebeyehu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada waddan.
Danjire Cawad iyo Gebeyehu ayaa si qoto-dheer u Fallanqeeyay Arrimaha ammaanka, ganacsiga , maal-gashiga iyo suuro-galnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kae, Waxaa lagu wadaa in bisha March ee sannadkan 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan guddi heer wasiir ah oo Qaadaa-dhiga halwo badan oo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Diabdda Somalia Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xilka loo magacaabay horraantii bishan lagu jiro ee Jannaayo, kaddib markii xilka laga qaaday wasiirkii jagadan uga horreeyay Yuusuf Garaad Cumar Axmed.PUNTLAND POST
The post Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo shir uga qeybgalaya ...

$
0
0

Addis-Ababa(SONNA) Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wada in maalinta beritu ah uu ka furmo shir u dhexeeya Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD,kaasi oo horudhac u ah shir madaxeedka madaxda wadamadaasi oo dhamaadka bishan ka furmaya halkaasi.
Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo isagu gaaray magaaladaasi Addis-Ababa.
Wasiir XAmed Ciise Cawad wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshey madax kaladuwan,waxaana kamid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Soreide, kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.
Waxaa looga hdalay Kulankaasi xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Norway,iyo sidii dowladda Norway u sii xoojin lahayd taageeradeeda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka Axmed Ciise Cawad waxaa uu la kulmay Dhigiisa Dalka ethopia Dr. Workneh Gebeyehu,Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Itoobiya.
storvideo: 

Shirka ka faa’iideysiga qayraadka Dalka oo lagu soo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa Magaaladan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir weyne Qaran oo looga hadlayay siyaasadda sugnaanta cuntada iyo horumarinta Beeraha Dalka Soomaaliya.
Shirkan oo socday muddo Saddex Cisho ayaa si weyn looga dooday sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Beeraha , la dagaalanka farqiga, sare u qaadidda ka faa'iideysiga qeybraadka beeraha xoolaha iyo kaluumeeysiga Dalka.
Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka xukumadda soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhul beereedka Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo, wuxuuna dardaaran xooggan usoo jeediyay maamullada Dalka inay dardar geliyaan qodobbada heshiiska ku aaddan xoojinta wax soo saarka iyo la dagaallanka faqriga.
Qaar ka mid ah Wasiirrada beeraha ee maamullada Dalka ayaa iyaguna ballan qaaday dhankooda inay samayn doonaan wacyi gelin dhinaca bulshada ah, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah, si loo gaaro isku filnaansho xagga dagalla iyo wax soo saarka Beeraha ah.
Wakiillo ka socda hay'adda cunnada Adduunka ee FAO iyo samafalayaasha caalamiga oo qayb ka ahaa kulanka ayaa iyana dhankooda waxay sheegeen inay door muhiim ah ka ciyaari doonaan taakulaynta beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri gelinta muruq maalka.
Gabagadii shirka ayay halkaasi ku kala saaxiixdeen hishiis wasaarada Beeraha xukumada Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka, kaasoo ku saabsanaa , sare u qaadidda ka faa'iideysiga qeyraadka Beeraha xoolaha iyo kaluunka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiir Axmed Ciise Cawad oo shir uga qeybgalaya Addis-Ababa

storvideo: 


Heesaaga 50 Cent oo hilmaamay malaayiin doolar oo meel u tiiley

$
0
0

Muddo kadib waxaa sanduuqiisa soo gashay 700 oo Bitcoin ah, taas oo marka lagu sarifo sicirka suuqa ee maanta noqonaysa $8 milyan oo doolar.

Heesaaga 50 Cent oo hilmaamay malaayiin doolar oo...

$
0
0

Heesaaga caanka ah ee dalka Maraykanka ee lagu magacaabo 50 Cent ayaa sheegay in uu hilmaamay lacag $8 milyan doolar ah oo uu isaga leeyahay.
Lacagtan ayaa kasoo gashay album hees ah oo uu sameeyay 2014-tii, laguna magacaabo Animal Ambition, kaas oo uu sheegay in Aqbalayo in lagu iibsado habka loo yaqaano Bitcoin ee internetka wax looga iibsado.
Muddo kadib waxaa sanduuqiisa soo gashay 700 oo Bitcoin ah, taas oo marka lagu sarifo sicirka suuqa ee maanta noqonaysa $8 milyan oo doolar.

  • 2017: Sanad ay soo baxeen tirooyin lama filaan ah
  • Dhoollacaddayn ku bixi: hanaan aad wax ku iibsanayso kaash la'aan

"Ma ahan arrin ku xun kurey ka yimid xaafadda South Side, waanan ku faraxsanahay" ayuu yiri 50 Cent oo magaciisa rasmiga yahay Curtis Jackson oo fariin ku qorey boggiisa Instagram. Curtis ayaa mar dambe ogaaday lacagta ugu keydsan meesha ee uuba iska halmaamay kal hore.
Arrintan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli dad badan oo xagga fanka caan ku ah lacago lagu siiyay in ay xayaysiiyaan habka Bitcoin oo sicirkeeda sabaynayo.
Balse dowladdo badan ayaa ka digaya halista Bitcoin , iyada oo xitaa muftiga jaamacadda Azhar uu ku tilmaamay in ay xaaraam tahay.
storvideo: 

Madaxweyne Trump oo laga codsaday in xayiraadda uu...

$
0
0

Ergayga gaarka ah ee hay'adda qaxootiga adduunka ugu qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato go'aankaas, isagoo sheegay in dadka Mareykanka loo qaadayo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxootiga. Danjire; Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tan iyo intii la doortay Donald Trump [...]
storvideo: 

(Sawirro) Shirka ka faa’iideysiga qayraadka Dalka oo...

$
0
0

Magaaladan Muqdisho Waxaa lagu soo gabagabeeyay shir weyne Qaran oo looga hadlayay siyaasadda sugnaanta cuntada iyo horumarinta Beeraha Dalka Soomaaliya. Shirkan oo socday muddo Saddex Cisho ayaa si weyn looga dooday sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Beeraha , la dagaalanka farqiga, sare u qaadidda ka faa'iideysiga qeybraadka beeraha xoolaha iyo kaluumeeysiga Dalka. Wasiirka wasaaradda Beeraha [...]
storvideo: 

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war ka soo...

$
0
0

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa khamiisti so dhoweeyey horumarka ka socda Soomaaliya,wuxuuna xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ku boorriyey in sannadka 2018 uu noqdo,sannadkii fulinta isbeddelo kala duwan.
War-saxaafadeedka uu soo saaray Golaha Amniga ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey ballanqaadkii xukuumadda Soomaaliya ee dhinacyada amniga,dib u-habeynta dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Golaha ayaa walaac ka muujiyey khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo loogu diyaar garoobo doorashada sannadka 2020/2021.
PUNTLANDPOST
The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>