Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saraakiisha ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka Mareykanka oo loogu baaqay inay iscasilan

$
0
0

Saraakiisha ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay iscasilaan, taasi oo salka ku heysa qaabka ay u wajaheen fadeexad dhanka xadgudubyada galmada oo uu ku dhaqaaqay dhaqtarkii hore ee kooxda oo lagu magacaabo Larry Nassar.


Saraakiisha ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka Mareykanka...

$
0
0

Saraakiisha ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay iscasilaan, taasi oo salka ku heysa qaabka ay u wajaheen fadeexad dhanka xadgudubyada galmada oo uu ku dhaqaaqay dhaqtarkii hore ee kooxda oo lagu magacaabo Larry Nassar.
Guddiga Olympikada ee dalka Mareykanka ayaa ku hanjabay inay xilka ka qaadi doono dhamaan mas'uuliyiintaasi, waa haddii bay yiradeen aysan iscasilin. Shan kamid ah saraakiishaasi ayaana durba iscasilay.
Nassar oo ah dhaqtarka lagu helay fadeexadda ayaa lagu xukumay xabsi dhan 175 sano, isagoona lagu helay dambi ah inuu ku xadgudbay inkabadan boqol iyo konton gabdho oo uu isaga dhigay inuu daweynayo.
Faraxumeynta loo geystay gabdhahani ayaa dhacday labo sano kahor, waxaana madaxda ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka Mareykanka ay qirteen in aysan wax badan ka qabanin arrintani markii ay ka warheleen xadgudubyada uu ku dhaqaaqay dhaqtarka.
storvideo: 

Faallo: Maxaa horyaala guddoomiyaha cusub ee gobolka...

$
0
0

Siyaasi Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Yariisoow ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynayey dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Soomaaliya isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo wasiirnimo oo dhawr ah. Sidoo kale, Mudane Yariisoow waxa uu muddo ka soo shaqaynayey arrimaha bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday Wasiirka lacagta, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xukuumadda, Agaasimaha Madaxtooyada, La-taliye Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka shaqaynayey Dawladda Hoose ee magaalada London ee dalka UK. Marka la eego khibraddiisa shaqo waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay qof ku habboon xilka loo magcaabay, gaar ahaan khibraddiisa dhinaca Dawladaha Hoose. Sidoo kale, waa nin aqoon durugsan u leh maaraynta iyo maamulka, waxana uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.Siyaasi Qaan-gaar ah
Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray oo si wanaagsan u garanaya waaqica dalku marayo iyo duruufaha caasimadda iyo dalka guud ahaan ku geedaaman. Waa siyaasi qunyar-socod ah oo waxa uu doonaya dood iyo is-qancin ku dhamaysta, mana aha qof khilaaf badan abuura oo dadkana ay iska hor yimaadaan, waana sababta aan is leeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tagon aqoontiisa iyo xirfadihiisa tirade badan.
Runtii, dhammaan xilalka uu soo qabtay waa nin lagu soo ammaanay oo aysan eed iyo xurguf ka iman, waxana sidoo kale xusid mudan in lagu tilmaamo qof ceeb ka saliim ah dhinaca musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha. Mudanaha waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa qof saaxiibbo badan oo Soomaali iyo caalami ah leh, waxana uu ku kasbaday shaqada iyo dabcan shakhsiyaddiisa qof ahaaneed ee ku dhisan mutawaadicnimo ama isla-weyni la'aan, ixtiraam, daacadnimo, xanaf la'aan, deganaan iyo bisayl, aragti dheeri iyo fahmidda bii'adda iyo cidda uu ku shaqaynayo.
Marka la eego siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa inta badan iska horkeena damac iyo danaha gaarka ah ee loo baratamo ama la kala badsanayo, laakiin waxa lagu bartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waa in uu mar walba hor mariyo danta guud, waxana laga dheehan karaa qaab nololeedkiisa oo aysan wax weyn iska beddelin isagoo xilal kala duwan soo qabtay. Waxaa muuqata in aan la filayn inay iska hor yimaadaan madaxda sare ee dalka iyo qaybaha kale ee wax kala dhexeeyaan.Maxaa laga fili karaa?
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya marayso meel is-bedel ah. Marxaladdan waxaa la jaanqaadi kara qof garashadeeda leh oo xaaladaha iyo duruufaha taagan si waaqici ah u darsi kara, una samaysan sidii uu ula falgeli lahaa caqabadaha tirada badan ee soo foodsaara.
Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay'adaha dawladda dhexe, waxana ay leedahay xaaladaheeda iyo caqabadaheeda u gaarka, waana meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu badan ee dalka oo u baahan inay adeeg dawladeed helaan.
Guddoomiye Yariisoow caqabadaha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto waxaa ka mid ah:

  1. Ammaanka

Magaalada Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, waxana hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo in ammaanka caasimaddu soo hagaago. Guddoomiye Yariisoow waxaa laga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

  1. Horumarinta iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiye Yariisoow oo aqoon durugsan u leh dhinaca maamulka iyo horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto -ha kale ee gobolka iyo adduun kaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bixinta adeegyada bulshada, maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.

  1. Xal Siyaasadeed

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u waajaho arrinta ku saabsan xal-u-helidda meeqaamka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen dadka ku nool caasimadda. Arrintan oo ah mid dastuuri ah oo caqabadeeda leh, kuna xiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada baarlamanka, haddana, waxaa loo baahan yahay in loo helo caqli iyo xal maangal ah oo aarintan laga gaaro.Gunaanad
Marka la eego xilliga uu ku soo aaday Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo waxaa la fili karaa is-bedel sal ballaaran oo la taaban karo. Sidoo kale, marka la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyahay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga qabaa in uu si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha jira ee soo faadsaari doono, isla markaana uu waajibaadka loo igmaday u guto.
Waxaa xusid mudan, in guddoomiye Yariisoow uu u baahan yahay taageero iyo inay gacansiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho dad karti iyo aqoon leh oo kala shaqeeya arrimaha faraha badan ee culus oo hor yaalla...Waxaan u rajaynayaa Guul iyo Waxqabad Waara.W/Q Ahmed-nur Mohamede-mail axmednuur59@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Raiisul-wasaaraha oo kulan la qaatay Jaaliyadda...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Davos(SONNA)-Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay kulan la qaatay Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda.
Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Raiisul-wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan dawladnimo.
Mudane xasan Cali Kheyre oo la hadlaayay Dadkii ku noolaa Wadanka Switzerland iyo Nawaaxigeeda ayaa yiri, "waxaannu isla garanay in Soomaaliya jidkii dawladnimada hayso, iyaguna ay taageeraan dawladdooda".
Raiisul-wasaaraha ayaa beryahaanba ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo Addis-Ababa ka furmaya

storvideo: 

Kheyre ”Qorshaheenu waa inaan Somalia ku celinaa...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.
Isagoo ka hadlayay kulan maanta ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre "Dowladda Soomaaliyeed way ka go'antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay'adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti ."
"Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheegu xaddidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaadhsiisan yahay ilaa lix bilyan oo doolar," ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre, isaga oo hoosta ka xariiqay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xidhiidhka hay'adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka."
"Xukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hay'adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xidhiidhka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada," ayuu yidhi, isagoo timaamaya in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.
Isaga ku ammaanaya ganacsatada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka, wuxu yidhi: "In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku-ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.
Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.
"Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan ."
Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.
Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.
Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.
"Soomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas," ayuu yidhi Mudane Khayre.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeena u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa'iidaysan karto fursadaha jira, fulin karto siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.
"Adeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi," ayuu yidhi Mudane Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastuuriya.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hay'adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lagarde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida Ra'iisul Wasaaraha Norway Ernest Solberg, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ahnaWasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo kuwa kale.
Waa markii ugu horaysay uu wafti Soomaaliyeed ka qaybgalo shirkan caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

UNICEF worker killed in Mogadishu

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
A Somali staff member with UNICEF shot dead one of the aid agency's foreign workers in Somalia's capital Mogadishu on Friday.
The victim whose name and nationality have not yet been released was killed inside agency's compound in Wadajir district.
Reports say the deceased was the head chef in the compound.
The murderer reportedly escaped from the scene before the security forces the area could arrive.
Sources say African Union troops who man the base near the UNICEF headquarters reached the scene where the first on the scene.
Aid workers and journalists have often been kidnapped in Somalia, although kidnappings have become less frequent in recent years.
In 2016, 158 major attacks against aid operations occurred, in which 101 aid workers were killed, 98 wounded and 89 kidnapped. The number of attacks and victims increased only slightly from 2015.
According to the 2017 Report on aid worker security, most aid worker attacks are perpetrated by 'national-level' non-state armed groups (NSAGs) seeking control of the state
Neither Somali government nor UNICEF has commented on the incident, nor has any group claimed responsibility for the kidnapping.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wiil sabab cajiiba ugu dhex dhintay Xabsiga Dhexe ee...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Wararka ka imaanaya Xabsiga Dhexe ayaa sheegaya in halkaa uu ku dhex dhintay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka ku xirnaa Xabsiga.
Marxuumkan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal, isla markaana lagu eedeeyay inuu xubin ka ahaa maleeshiyaadka al-Shabaab, sida laga soo xigtay adeerka marxuumka.
Marxuumka ku dhex dhintay Xabsiga ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan, waxaana la xaqiijiyay in maalmahaani danbe uu ahaa mid xanuunsan.
Nin adeer u ah wiilka ayaa sheegay in geerida wiilkiisa ay soo degdegtay kadib markii ay kubad wada cayaareen mid ka mid ah dhalinyaradda xabsiga ku xiran ka dibna ay is dagaaleen sidaasna lagu geliyay Konteenar , islamarkaana uu kusoo kacay xanuunka sidaana ku dhintay.
Adeerkan oo ka hadlaayay qaabka loo soo qabtay wiilkiisa marxuumka ah ayaa sheegay in Markii lasoo qabtay la waydiistay Laaluush, islamarkaana ay diideen in ay bixiyaan sidaasi lagu xukumay wiilka.
Adeerka oo arrintaa ka hadlaayay ayaa yiri ''Markii aan diidnay bixinta lacago laaluush ah, waxaa naloo sheegay in wiilkooda aysan dib u arki doonin waxaana xigay xukun degdeg ah oo lagu riday''
Waxa uu intaa raaciyay ''Geerida wiilkeyga ka sokoow xanuunka waxaa u sabab ah garsoorka waayo si bareer ah ayaa la ii weydiiyay laaluush, markii aan dhahay mahayi waxaa ku dhacay xukun''
Dowlada Somalia weli kama aysan hadal geerida wiilkaan dhalinyarada ah, waxaana horay u jiray maxaabiis badan oo Xabsiga ku geeriyootay.
Dhinaca kale, Garsoorka Somalia ayaa lagu eedeeyaa inuu ku dhisan yahay hanaan qabiil iyo mid laaluush, sida ay qabaan inta badan shacabka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xog: Akoonada qaar kamid ah mas’uuliyiinta G...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la hakiyay dhaqdhaqaaqyad Akoono dhowr ah oo ay lahaayen Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee aan weli xilka wareejin iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka qaarkood.
Akoonada ugu badan ee la xiray ayaa la sheegay in mas'uuliyiintaas ay uga furnaayen ilaa laba shirkadood, oo qaar kamid ah laga helay dhaqaale xoogan.
Hakinta dhaqdhaqaaqa Akoonada ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka danbeeyen guddi ay madaxtooyada Somalia u xilsaartay, iyadoo baaritaano degdeg ah kadib la hakiyay dhaqaalaha ku jiray.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in dhaqaalaha ugu badan laga helay ilaa Shan akoon oo sababo jira aawgood aan halkaan lagu sheegi Karin.
Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inay ka hortageyso dhaqaalaha keydsigooda loo maro qaabab khaldan, waxaana lagu wadaa in Akoonada la xiray ay dowladu kasoo saarto war cad.
Geesta kale, Akoonada dhaqdhaqaaqooda la xanibay ayaa ilaa iyo hadda loo la' yahay shaqsi difaacda, kadib markii baaritaanka uu ku dhacay si kadis ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


DF oo cadeysay Mowqifkeeda ku aadan duulaanka uu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan duulaanka ay dowlada Turkiga ka waddo gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.
Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay ku garab tahay dowlada Turkiga oo iska difaaceysa Kooxaaha daandaansiga ku haya ee Saldhigyada ku leh gobolka Afrin.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka Anadolu ee dalka Turkiga in Somalia ay taageersan tahay si walba oo ay suurtagal u tahay in looga hortago qataraha kusoo wajahan dal weynaha Turkiga.
Wasiir Cadaw, waxa uu tilmaamay in dowladda Somalia ay si buuxda u taageersan tahay howlgalka ka dhanka ah Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya, waxa uuna sheegay inay sii kordhin doonaan taageeradooda.
Nuqul kamida hadalka Wasiir Cadow ee taageerada Turkiga ayaa ahaa "Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Somalia ay u hayso howlgalada ka dhanka ah Kurdiyiinta"
Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa "Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin dowlada Soomaaliya waxay garab taagan tahay dowladda Turkiga"
Haddalka Wasiir Cadow ee lagu qeexaayay Mowqifka Somalia ee Dagaalka Kurdiyiinta, ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq ay sii xoojin doonaan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Raila oath will show world that Africa is a shithole...

$
0
0

Machakos Governor Alfred Mutua has disparaged Nasa leaders Raila Odinga and Kalonzo Musyoka's planned swearing in.
Raila's oath-taking is scheduled for Tuesday but Mutua termed it a recipe for chaos.
He further described it as the planting of seeds of civil war "which will turn our nation into another Somalia and Sudan'.
On Thursday, Wiper boss Kalonzo Musyoka, who is also to be sworn-in, pushed for dialogue and said only God can keep Kenya from the circumstances of these two countries.
NASA leaders have not backed down and have released a document with details of the August 8, 2017, election, which they say shows why Raila must be inaugurated.
The Maendeleo Chap Chap party leader said Kenyans should learn from the experiences of their war-torn neighbours.
"As Kenyans, we should start questioning ourselves on where we are going as a nation. Politics should be done to achieve development, not scare away investors," he said.
"This swearing-in business by NASA is another example of why some people consider our continent to be a shithole continent. How do you get sworn-in when a tough Chief Justice [David Maraga] has already sworn-in another leader? Only in Africa. Shame!"
President Uhuru Kenyatta and DP William Ruto were sworn-in on November 28, 2017, and hours later in Eastlands, Nairobi, Raila announced that he would also be inaugurated.
The governor noted the country cannot have two presidents and added a deputy president is also in office and that counties are in operation.
"This talk of two presidents is bad for the nation. We are going to have a dangerous situation," Mutua said.
"This talk of swearing-in is not only bad for our people but makes us look bad to the international community. If other people out there hear that Kenya is having another swearing-in, so that we have two presidents, they will look at us and will say 'there goes another failed nation'."
Mutua spoke at his office flanked by deputy governor Francis Maliti and Machakos MCC chairman Timothy Kilonzo.
He said those pushing for the inauguration, that will be considered treason, have accumulated property unlike the millions of poor Kenyans.
"Urge our friends to please forget about these shenanigans and work towards developing our country," the governor said.
Source: - The Star
storvideo: 

Trump-Russia inquiry: President ‘tried to fire...

$
0
0

US President Donald Trump ordered the firing of special counsel Robert Mueller last June, only to back down when his own White House lawyer threatened to resign, US media claim.
White House counsel Donald McGahn said the sacking would have a "catastrophic effect" on the presidency, the New York Times reports.
Mr Mueller is leading an inquiry into whether the Trump campaign colluded with Russia to influence the election.
Both Moscow and Mr Trump deny this.
Mr Mueller, a former FBI director, was appointed special counsel last May to look into the collusion allegations.
His appointment came after Mr Trump had fired FBI director James Comey, saying in an interview it was because of "this Russia thing". Mr Mueller is also looking into whether that represented an obstruction of justice.
Mr Trump is currently at the World Economic Forum in the Swiss town of Davos, where he is due to give a speech laterSpecial Counsel Mueller learned of his near-dismissal in recent months, while his team interviewed past and present White House officials, the New York Times reports..As speculation mounted that Mr Mueller could be building an obstruction case against the president, Mr Trump allegedly argued that the special counsel had three conflicts of interest that should stop him heading the inquiry.
These were said to be:

  • That Mr Mueller abandoned his membership of the Trump National Golf Club in Sterling, Virginia in 2011, over a fee dispute
  • That Mr Mueller could not be impartial as he had worked for a law firm that previously acted for Jared Kushner, the president's son-in-law
  • That the investigator had been interviewed to return to his former job as FBI director the day before he was appointed special counsel in May 2017

The White House did not immediately comment on the New York Times report, which cited four unnamed sources.
A later story in the Washington Post cited two people familiar with the episode.
Hints have continued n US media, including this December, that the president might fire the special counsel. His opponents in the Democratic party would see any such move as a bid to stifle justice, and it could trigger an effort to impeach Mr Trump.
However, Mr Trump in December denied that he was planning to fire Mr Mueller.
In response to the latest reports, Senator Mark Warner, the Democratic vice-chairman of the Senate intelligence committee, warned that "firing the special counsel is a red line that the president cannot cross".
"Any attempt to remove the special counsel, pardon key witnesses or otherwise interfere in the investigation would be a gross abuse of power," he said.Mr Trump said on Wednesday that he was willing to be questioned under oath by the Mueller inquiry.
He told reporters he was "looking forward" to it, subject to the advice of his lawyers, and that an interview could happen within two to three weeks.
Source: - BBC NEWS
storvideo: 

Kulan looga hadlaayay Xuquuqul-insaanka oo lagu soo...

$
0
0

Shalay ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya kulan ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira. Kulankaasi oo socday muddo shan Maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wada tashiyo iyo wada shaqeyn [...]
storvideo: 

Dagaal u dhaxeeya Shabaab & ciidanka Jubbaland oo ka...

$
0
0

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Al Shabaab iyo ciidanka Jubbaland, ayaa hadda wuxuu ka socdaa duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamo Sahan ah oo ka tirsan Jubbaland dagaal ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, wuxuuna dagaalka hadda ka socda deegaanka Wirkooy oo u dhaw deegaanka Buulo Gaduud.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay ciidanka oo ku guda jira sahminta dagaalyahano Shabaab oo laga soo sheegay aagga Buulo gaduud inuu qabsaday dagaalkaan.
Dagaalka oo socda ayaanan la ogeyn khasaaraha labada dhinac halkaasi ku soo kala gaaray, inkastoo ciidamo gurmad ah oo Jubbaland ka tirsan ay ka ambabaxeen Magaalada Kismaayo.
Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah u dhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom ee dhaqdhaqaaqyada Militari ka wada duleedyada Magaalada Kismaayo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Guddiga doorashooyinka oo kulamo ka wadda Boosaaso 

$
0
0

Kulamadii wadatashiyada dadweynaha ee geedi socodka hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ayaa maanta ka furmay Magaalada Boosaaso.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Magaalada waxaana kulanka si wada jir ah u daahfuray G/kuxigenka Gobalka Mudane, Axmed Cali C/lle iyo G/kuxigenka Degmada Bosaaso Mudane,Siciid Cabdi C/raxmaan.
Guddoomiye kuxigeenka guddiga ayaa u sheegay in wadatashiyadaan horay loogu soo qabtay 22 Degmo oo dalka ah maalmihii u danbeeyayna uu guddigu ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Qardho hadana maanta ay ka fureen Magaalada Boosaaso.
Guddiga doorashooyinka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanaayayay bulshadda kunool degaanada maamulka Puntland.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Bulshadda...

$
0
0

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga Waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.
kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .
Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.
Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirka AU ee...

$
0
0


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxaa lagu waddaa Wafdiga Madaxweynaha saacaddaha soo socda in ay ka ambabaxaan Magaalada Muqdisho.
Shirka oo uu socon doono muddo labo maalmood ayaa looga hadlaya xoojinta nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in kulamo uu la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika ka socda.
Shirkaasi ayaa lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin iyo Israel,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go'aankii madaxweyne Trump ee Qudus.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Mahad salaad oo xarigii loo gaystay Kamaal Guutaale...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa goordhaw xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali oo labaduna oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbigaasi.
Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas'uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
xilibaan mahad salaad ayaa canbaareeyay falka ay ciidamada nabadsugidda kula kaceen masuul ka tirsan xisbiga wadajir Xilibaanka oo firiin uu soodhigay bartiisa facebooga waxa uu kusheegay in uu yahay mid shaci daro ah
" Waa wax aad iyo aad looga xumaado in dalka dib loogu celiyo nidaamkii kaligiis taliyaha ahaa. Waxaa sidoo kale ayaan daro labaad ah in ciidamadii amniga ee loo tababaray difaaca shacabka iyo la dagaalanka cadowga in loo adeegsado caburinta siyaasiinta iyo burburinta nidaamka dimuquraadiga ah ee ka hano qaaday Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay" ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ciidamada Amniga oo xiray Mas’uuliyiinta Xisbiga...

$
0
0

"Waxaa goordhow ciidanka Nabadsugida ee NISA xarig sharci daro ah u geysteen Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Sayid Cali Macalin Cabdulle. Ciidanka xariga gaystay waa kuwii soo weeraray xarunta Xisbiga 17 December. " ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.
Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas'uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
storvideo: 

Taliska Asluubta oo Faahfaahin ka bixiyay wiil...

$
0
0


Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay wiil dhalinyaro ah oo Xabsiga dhexe ee Xamar ku geeriyooday kasoo ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu geeriyooday ka dib markii ay is dagaalleen wiil ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.
Xasan Maxamuud Xasan ayaa lagu magacaabi jiray wiilka geeriyooday.
Wiilka dhintay oo la soo xiray sanadkii 2014-kii ayaa ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana lagu riday xukun sanado ah oo uu xabsiga ku qaatay, walina u dhinaa.
Maydka Marxuumka ayaa wuxuu yaallaa xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la aaso.
Ninkaan ayaa waxaa laga soo qabtay Degmada Hawlwadaag, sanadkii 2014-kii waxaana maxkamadda ay ku xukuntay xukun sanado ah, kadib markii loo soo jeediyay eeda ah inuu Shabaab ahaa.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Khasaare ka dhashay Bam-gacmeed lagu weeraray...

$
0
0


Inta la xaqiijiyay 5 qof oo isugu jira Shacab iyo Askar ayaa ku dhaawacantay ka dib markii Bam gacmeed lagu weeraray Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Qof goobjooge ah ayaa Risaala u sheegay in ciidamada la weeraray ay ahaayeen ciidamada Nabad suggida ee saldhigga ku leh Igoyska Fagax.
Bam gacmeedka ka dib ayaa ciidamada dowladda waxa ay fureen xabado ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay.
Dadka ku sugan Igoyska Fagax ayaa waxaa soo wajahday Cabsi badan, waxaana halkaasi ciidamada dowladda ay ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinaayay ammaanka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live