Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xisbiga Waddani oo Tacsiyeeyey Maxmed Axmed Kuluc

$
0
0

 
JAMHUURIYADA SOMALILAND                                                                    REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga WADDANI                                                                                        Somaliland National party
Tacsi:
Aniga oo ku hadlaya afka rasmiga ah ee guud ahaanba Xisbiga Waddani, waxaanu halkan Tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan fannaniinta meel kasta oo ay joogaanba. Waxaanu si gaar ah tacsidan ugu diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo saaxiibbadii uu ka baxay Maxamed Axmed kuluc. Ilaahay waxaanu ka baryaynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iiman inaga siiyo. Aammiin,
 
Boobe Yuusuf Ducaale,
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani,
17/1/2015ka, Hargeysa,
 
 
 
 
 
 
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Hoobalkii, Horseedkii, Higsigii Hayaanka Faneed Maxamed Axmed Kuluc (1939kii – 2015ka)

$
0
0

 
 
Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:
 
“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”
 
Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
 
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
 
Hargeysa, 18/1/2015ka,
 
Qormadii: 1aad
 
Maxamed Axmed Kuluc oo beryahanba ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurkii ku geeriyooday Cisbitaalka Guud. Maxamed Axmed wuxu u dhintay xanuunka neefta oo uu beryahanba la il-darraa isga oo dhawaan ka yimid dalka Ingiriiska. Dadka Soomaaliyeed ayaanu guud ahaanba ka tacsiyadeynaynaa geerida xaqa ah ee ku timid fannaankaa Soomaaliyeed. Waxa kale oo aanu ka tacsiyadaynaynaa dhammaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaanu si gaar ah halkan tacsi uga gudbinaynaa dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka dhintay meel kasta oo joogaanba. Waxaanu leenahay samir iyo iimaan, isgana Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo.
 
Maxamed Axmed Kuluc, maalintaa aanu wada joognay ee 11/12/2005tii, wuxu ii sheegay in uu ku dhashay magaalada Oodweyne, 1942kii in kasta oo uu ii raaciayay in taariikhda dhalashada ee ‘Passport-ka’ ugu qorani ay tahay 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Cambaro Cigaal Yuusuf.
 
Maxamed Axmed Kuluc, waxay wada dhasheen afar wiil iyo 3 hablood. Mid ka mid ah walaalladii oo aan filayo in Cabdillaahi la odhan jiray muddo toban maalmood ku siman ka hor ayuu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Hargeysa.
 
Maxamed Axmed Kuluc shan goor ayuu guursaday, waxaanu dhalay 4 wiil iyo 15 hablood. Wuxu maalintaa ii sheegay in wiil ka dhintay.
 
Maxamed Axmed wuxu ku soo koray magaaladan Hargeysa oo uu fanka ka bilaabay waqti ku sinnaa 1954kii. Waxay u muuqataa in uu waxooga ka yar horreeyay dhiggisii ballaysimay fanka heellooyinka iyo miyuusigga ee ay ka midka ahaayeen: Cumar Dhuulle Cali iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo aan filayo in ay caalamka fanka ku soo biireen 1956kii. Waxa kale oo labadooduba ii sheegeen in markii ay Radio Hargeysa ku soo biirayeen imtixaanka lagaga qaaday heellada Isku-shuban ee uu laxankeeda iska lahaa Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi o loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe.
 
Maxamed Axmed Kuluc, marka aynu ka hadlaynno, waxaynu ka hadlaynaa guud ahaan fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna fanka heesaha, miyuusigga iyo masraxa oo uu intaba horseed ka ahaa.
 
Xilligan uu Maxamed Axmed ku soo biirayo fanku, waxay ahayd markii uu tisqaadayay Qaraamku ama Heelloyinkuba oo uu ballaysimay Cabdillaahi Qarshe. Markan uu Cabdillaahi Qarshe curinayo Heellooyinka oo isla markaana loo yaqaannay qaraamku ama Qaraamiguba, waxa socday oo casri ahaa Balwadii oo ka hano-qaadday Gobolka Awdal, calan-sidayaalna ay ka ahaayeen Cabdi-sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loo yaqaannay Qadiija-balwo. Balwadu waxay curatay 1943kii iyo Banka Geeriyaad oo Cabdi-sinimoo baabuur kula jabay.
 
Maa-daama ay Balwadu ahayd wax ku cusub ummadda, iyada oo lala xidhiidhiyay wax ay dumar iyo ragba wadaagaan, isla markaana ay ku ladhnaayeen qaadka iyo sigaarku, ma ay noqon wax la jeclaysto dadkuna waxay ka muujiyeen diidmo xoog leh. Waxa ka darnaa magacii ahaa Balwo oo isagana lala xidhiidhiyay belaayo. Xaaladda oo halkaa maraysa ayuu Cabdillaahi Qarshe ka yimid magaalada Cadan oo uu deggenaa.
 
Markii uu arkay in ay xaaladdu cakiran tahay, ayuu curiyay Heellada oo miisaan ahaan aan ka duwanayn Balwadii oo labaduba ka soo jeedaan Badda suugaaneed ee Dhaantada.
 
Waa marxaladdan iyo halkan meesha uu Maxamed Axmed Kuluc ka soo gelayaa guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, isaga oo ku soo galay heesaa. Markii dambe ayuu noqonayaa hal-abuur alxaanta ah iyo jilaa la yaab leh oo lagu majeerto gole-joogga iyo jiliddaba.
 
Laxankiisii ugu horreeyay wuxu curiyay 1963kii. Waa hees la odhan jiray: Markaan Khadar haleelaa, midhaheedana waxa iska lahaa Maxamed Cumar Huryo.
 
Maalintaa aanu wada joognay wuxu Maxamed Axmed Kuluc iiga sheekeeyay Kooxdii Walaalo Hargeysa ee sababta u ahayd curinta, korinta iyo faafinta fanka Soomaaliyeed. Waa taariikh waxan aynu ka wada hadlaynaa, waxaana fiican in qof waliba inta uu ka og yahay sheego si aynu isugu minguurinno oo hadhow wax saxan oo la taaban karo uga soo saarno.
 
Maxamed Axmed Kuluc, wuxu aamminsanaa oo uu ii sheegay in fannaaniinta hadba intii fanka ku jirtaa ahayd Walaalo Hargeysa, laakiin ay jireen fanaaniin cayiman oo iyagu ahaa aasaasayaashii kooxdii caan-baxday ee Walaalo Hargeysa. Sida aan Maxamed Axmed, ka soo xiganayo, Kooxdaa Walaalo Hargeysa waxa lagu aasaasay Xaafadda ‘New Hargeysa,’ 1954kii.
Aasaasayaashii Raacii 1aad ee Kooxdii Fanka ee Walaalo Hargeysa:
 

  1. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe),
  2. Maxamed Xaaji Ismaaciil “Baa-sarce” (Barkhad-cas),
  3. Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf),
  4. Maxamed Axmed Muxumed (Kuluc),
  5. Maxamed Faarax (Makarroone),
  6. Cumar Dhuulle Cali,
  7. Axmed Shiil,
  8. Xasan Cali (Gidhin),
  9. Maxamed Cilmi (Baaniyaal),
  10.  Cabdillaahi Magaalo-joog-xume,
  11.  Jeeni-cadde,
  12.  Xasan Samatar,
  13.  Faro-jebis,
  14.  Cabdi Ibraahin,
  15.  Xuseen Nuur Qaloombi,
  16.  Cali Wacays,

 
Maxamed Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, intaas ayuu iigu sheegay Raacii !aad ee Aasaasayaashii Kooxdii Walaalo Hargeysa. Waa aragtidii iyo aqoontii Maxamed Axmed. Waa intii uu ogaa, waa sidii ay isaga la ahayd. Muran badani in uu ka dhaco ma aha, waxa se furan inta xogogaalka u ihi in ay wixii ay ku kordhin karayso ku kordhiso ama saxdaba haddii ay wax qaldani ku jiraan. Taariikhdanna idiin kuma soo gudbinayo si aad murannada qaarkood uga gashaan oo immika meelihii iyo surinnadaii xaaraanta ahaa la isla marno.  Haddii ay doodi ka dhalanayso, waa in ay ka dhalataa mid xariir ah oo taariikhda culaysa oo udgooni. Ma aha in ay ka dhalato dood naxli iyo nacaybba cokani.
 
Aasaasayaashii Raacii: 2aad:
 

  1. Xuseen Aw Faarax,
  2. Saxardiid Maxamed,
  3. Cabdillaahi Nuur (Cunaaye),
  4. Ismaaciil Cabdi (Basbaas),
  5. Maxamed Cumar (Huuryo),
  6. Maxamed Yuusuf Cabdi,
  7. Cali Sugulle Dun-carbeed,
  8. Axmed Cali Haaruun (Dararamle),
  9. Xasan Xirsi (Dheg-jar),

 
(La soco berri, haddii eebbe idmo)
 
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo” 4 Qof Ayaa Dhintay 179 Kalena Waxay La Jiifaan Xanuunka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Qaar Ka Mida Degmooyinka Gobolka Sana‏

$
0
0

MU’AAMARAADKA SALIIBKA IYO MOOGANAANTA MUSLIMIINTA

$
0
0

MU’AAMARAADKA SALIIBKA IYO MOOGANAANTA MUSLIMIINTAWaa amin adag oo aan asraartan lahayn halka uu xaal marayo. Muslimiintu way galiilyoonayaan; gaaladuna way guuxayaan. Waxa la garan laayahay halka Muslimiinta laga raacay, waayo Alle SWT wuxuu Quraanka ku sheegay in Muslimiintu mar walba ay yihiin kuwa sareeya. Waxa aad loo amaanay Muumiinta; waxa lagu sheegay kuwo aan qunbucanin ee si quman wax u fahma. Waxa Muuminiinta loogu nuux-nuuxsaday in hadalka aanay saafin ee ay sogordahaan. Ku dhiiranaanta gaalada iyo ka guluf la’aanta walaalahooddu waa mid lagu majeerto, baanisna maaha ee wax banaanka yaala. Muuminka dhabtaa wuu sariigtaa; ceebtuu ka siqsiqaa; xurmadda kama tago xajiintana wuu ka dhawrsadaa.
Haddaan ku soo durko waxaan uga gol leeyahay, waxa maalmahan isa soo tarayay wariyayaal Faransiis ah oo Nebi Muxammed SCW wax ka sheegay. Alle SWT wuxuu ku yidhi Quraanka Kariimka ah, “ Annaggaa soo dajinay Quraanka Annagaana ilaalinayna.” Sidaa si lamid ah Alle Sunnadda wuu ilaaliyaa oo aqoonyahan ayaa uu u diraa sida xadiith yaqaanannada ama xadiith ruugga. Nebi Muxammed SCW xaqa uu inagu leeyahay maanta waa wax la ilaaway, waxaana cadaynaya taas:

  1. Suuqyadda Muslimiinta ayaa lagu caayaa Nebi Muxammed SCW yadoo askariga loo sheegaana si fudud ugu jawaabo, “ Ma Nebigaagga ayaa uu caayay maxaa kaa galay.”
  2. Waxa laga fogaaday barashadda Kutubta Sunnadda ee lagu uruuriyay axaadithta Nebigga SCW.
  3. Badanka dadka barta oo si fiican u dhammaystirtanna CILMIGGA uma bedalaan CAMAL.
  4. Aamusnaanta dawladaha Muslimiinta.
  5. Aqoonyahannadda diinta baratay oo qaar badani haddii ay ka hadlaan uga baqa in liiska argagixisadda lagu daro.
  6. Tan ugu xanuunka badan waa Sawirraddii ay ka soo saareen dalka Faransiiska.

 
Su’aashu waxay tahay, “ Maxaa la gudboon Muslimiinta?”
Warcelin ayaa igu habsatay aad u kakan, laakiin cid taa laga sugo, waxa ugu haboon aqoonyahannada macluumaad dheeraad ah hela. Dhinaca kale, guluf la alooso iima muuqato; xafiif qaadashonna igama dheera. Sidee la isu waafajinayaa labaddaa tiraabood. Waxaad iga sugtaanba waa warcelintiiye: wadajir ayaa ah qodob muhiim ah. Soomaaliddu waxay tidhaahdaa, “ Shan nin oo isku calool ahi ceel way biyeeyaan; colna way jabiyaan.”
Tan labaad waxa ah xadiithka aadka u sugan ee Nebiggu SCW uu yidhi,” Haddaad ciinadda wax ku kala iibsataan( Inta uu ganacsaduhu wax iibiyo, uu qofkii uu ka iibiyay qiimo kii hore ka jaban ka soo siisto), oo aad lo’ada dubka qabsataan( Lo’ raacato aad noqotaan) beerahanna aad ku raali noqotaan, jihaadkanna iska deysaan, Alle wuxuu idinku salidayaa dulinnimo ay daan ka baxayn illaa inta aydun diintiina u noqonaysaan.”
Xadiithka waxa weriyay Ibnu Cumar Alle ha ka raali noqdee, waxaana soo saaray Abuu Daauud. Sheekh Albani wuu sugayaa; waana xadiith sugan oo gaadhay darajadda Saxiix Liqayrihi)
Dulucda xadiithka: Waxa uu xadiithku si qumaati ah oo 90 digrii ah u haystaa Muslimiinta maanta, waana hawraar aan hadal laga keeni Karin. Waa gooddi Alle oo guhaadiisunna ku jilbaabantahay.
Isku soo wada xooriyoo, Muslimiinta dib ha isugu noqdaan; dawaddii waan soo sheegnay. Oo waa diintii oo loogu noqdo CILMI iyo CAMAL labadiiba, taas ayaan maanta weyney oo waa la dhiganayaa laakiin waxa maqan ku camal falkii. Waxa kale oo la gudboon Muslimiinta in culimadda ay diintooda ku kalsoonyihiin ay la socdaan fataawadda ay arimahaas ka bixinayaan. Wiil Waal ayaa berri culimo la kulmay oo ku yidhi, “ Kitaab casihii waan arkaa ee mee leebkiinnii; ama hootadiinnii ama jikrihiinnii ama warankiinnii?” Waxay ugu jawaabeen, “ Naxnu Mutawakilluuna cala Allah.” ( Annagu Alle ayaanu talo saarannaa)
Maalin ayuu isugu yeedhay culimaddii goor fiid ku dhaw oo meesiggii la soo carraabinayayay; geelunna duleedka mayracanayay. Buul yar oo kunbiska u dhawaa ayuu amray inay halhaleel u galaan. Hawraarsan ayaa xigtay wayna iska fadhiisteen.
Wuu u soo galay isagga oo sita mindi aad hooto mooto; oo salaxa lagu soofaynaayay dharaartaas oo dhan. Mid ka mid ah ayuu amray inuu soo baxo, dibadda ayaa uu fadhiisiyay; isla markiibanna wuxuu qudha ka jaray wan galaalnaa. Wuxuu ku soo noqday wadaadaddii isagoo mindi dhiig ka huugaabaayo sitta. Mar kalya ayay irridda ama illinka jabsheen oo yaaceen.
Wiilal ay qaraabo ahaayeen Garaad Wiil Waal ayuu amray inay wadaadadda soo celinyaan warkanna duuduub ugu sheegaan.( Midhe Daray Duuduub baa loo liqaa). Wiil Waal wuxuu yidhi,” So’idinkii lahaa anaggu ma cabsanno; Alle ayuun baan talo saarannaa.” Maalintaa laga bilaabo wadaadaddii waxa lagu arki jiray yaggoo kitaabkoodda sita, fara laabkoodanna aan halmaansanayn.
 
Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa)
4839797dalxaauthor@gmail.com
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Barashada Siirada Nabiga Csw 4aad Sh Abu Dalxa

Barashada Siirada Nabiga Csw 4aad Sh Abu Dalxa

Barashada Siirada Nabiga Csw 1aad Sh Abu Dalxa

Koobkii K. Cagta ee Qaaradda Afrika oo Bilowday

$
0
0

Shir looga hadlayo Daacish

$
0
0

Shir looga hadlayo Daacish ayaa lagu qabanayaa London Khamiista waxaana hogaaminaya Maraykanka iyo Britain.

Maraykanka oo wafdi u diray Cuba

$
0
0

Wafdigii ugu horeeyay oo maraykan ah ayaa booqday Cuba iyadoo lagu soo celinayo xiriirka Cuba iyo Maraykanka.

Xildhibanada badbaado qaran oo arrin lagu farxo u sheegay shacabka (Aqri)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo shalay ku shirey Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii uu dhawaan qaatay Ra’iisul wasaaraha kaasoo ahaa inuu kala direy wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay.
Xildhibaanada oo u badan kuwa Kutlada Badbaado Qaran ayaa warbaahinta u sheegay inay aad u soo dhaweynayaan go’aanka Ra’iisul wasaaraha uu qaatay taasoo loo baahnaa, sida ay sheegeen, iyaga oona farrin u diray shacaba.
Xildhibaan Bishaar oo nala hadlay ayaa sheegay inay shacaba ugu bishaareynayaan inay hada kaddib heystaan Baarlamaan la isku haleyn karo oo danaha shacabka ka shaqeynaya.
“Shacabkeena waxaan u sheegeynaa inay heystaan xildhibaano ay isku haleyn karo kuwaasoo u taaggan badbaadinta Dalka, marnaba yaysan ka baqin in nala kala fur furo” ayuu yiri Xildhibaan BishaarCaasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: JAWAARI oo digniin bixiyey

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiyada Cadaalada iyo arrimaha gudaha loogu baahan yahay in ay soo gudbiyaan Barnaamijyada laga doonayo ka hor bisha Febraayo.
Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka loogu baahan yahay in ay si adag u shaqeeyaan inta ka dhiman bisha Janaayo maadaama sida uu sheegay in dib loo dhigay Xeritaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shaqo badan ay hortaalo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, lana doonayo inay galaan fasax xildhibaanada ay xaqa u leeyihiin.
Labada gudi ee Cadaalada iyo arimaha gudaha ayuu ugu baaqay inay islamaanta ay shaqadooda bilaabay ayna si joogta ah u shiraan maalin kastaa, si ay usoo gudbiyaan waxyaabaha laga doonayo.
Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanada ay ogolaadeen codsi kaga yimid Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxana Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iminka horyaallo shaqooyin adag sida ansixinta hindise sharciyeedyada iyo sidoo kale ansixinta golaha wasiirada ee la soo dhisayo.http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2015/01/cod-jawaari-1.mp3Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

WAFTI IGAD ah oo tagaya KISMAAYO

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay gaaraan magaalada Kismaayo.
Muhiimada socdaalka wafdiga IGAD ee Kismaayo ayaa ah inay goobjoog ka noqdaan barnaamijka lagu soo xulayo Baarlamaanka maamulka KMG ee Juba oo lagu wado in maalinta taladaada la billaabo.
Nabadoonada beelaha Kismaayo kasoo jeeda ayaa soo xuli doono xubnaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland, iyadoo degmo kasta oo ka tirsan Jubaland 4 xildhibaan loo qoondeeyay.
Qorshaha xulista xildhibaanada ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo horaanta bisha February.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kenya: Waxaan dilnay xubno Shabaab

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada difaaca Kenya ay dileen dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Maleeshiyadaan la dilay xili ay ku howlanaayen weerar rogaal celin ah oo ay ku qaadan Jasiirada Lamu oo ku dhow xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Afhayeenka ciidanka meletariga Kenya Col David Obonyo ayaa sheegay in 5-shan ruux oo hubeysan kana tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab ay dileen, halka seddex kalana ay ku dileen keynta Boni oo ku dhow deegaanka Basuba.
Waxa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay dileen xili ay xog ka heleen ka hor inta aysan dilen, sidaa awgeedna ay ku toogteen inta aysan weerarka geysan.
Dhanka kale, afhayeenka ciidanka meletariga Kenya waxa uu farta ku goday in qaar kamid ah Alshabaab ay ka baxsadeen goobta iyagoo dhaawac ah, sida uu hadalka u dhigay.
Seddex kamid ah ciidamada kenya oo weerarka ku dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Mombasa, sida uu sheegay afhayeenka meletariga Kenya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Country Finance Manager - Somalia - Danish Demining Group

$
0
0

Danish Deming Group (DDG) is a department under Danish Refugee Council (DRC). Danish Demining Group’s (DDG) mandate is to recreate a safe environment where people are free from the threat of landmines, explosive remnants of war and small arms and light ...
Weblinks: 


Somalia: Three Wheeler Motorbike Explosions Kills Two in Mogadishu

$
0
0

Three wheeler motorbike explosion known as Bajaj in Somali capital Mogadishu has killed three people. Eyewitnesses have confirmed to Dalsan that the explosion occurred near ex-control road in the city of Mogadishu. This blast comes days after a car bomb ...
Weblinks: 

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Jawaari oo khilaaf xooggan uu ka dhex curtay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex curtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.
Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay fashilkii Xukuumada R/W CCC kaga imaaday dhanka BF, kaasi oo Xasan Sheekh uu aaminsan yahay inuu gadaal ka riixaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa rumeysan in Jawaari uu taageersan yahay caqabadaha heysta Xukuumada cusub, oo sida la sheegay laga reebi doono wasiiro badan oo taagersan Xasan Sheekh.
Sida ay xogtan sheegeyso, Madaxweynaha ayaa ugu carreysan Jawaari inuu siin diiday waqti dheeri ah xukuumaddii dhacday, s ay xildhibaano badan taageero uga raadiyaan, taasi oo keentay in xukuumadda la kala diro.
Siyaasada cusub ee Jawaari ayaa la sheegay inay ka dhalatay markii uu Xasan Sheekh aqoonsaday Maamulka Koofur Galbeed ee Shariif Xasan oo uu Jawaari horay u diiday iyadoona ay xusid mudan tahay in Jawaari uu ku gacanseeray dhowr codsi oo kaga imaaday dhanka Madaxweynaha kaasi oo ku saleysnaa xalinta Buuqa wasiiradii la kala diray ka heystay dhanka Xildhibaanada.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Dam-Jadiid ay wadaan olole xil ka qaadis loogu sameynaayo Jawaari, taasi oo sida la sheegay uu ka war-hayo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

4-ta sir ee ka dambeysa in BF Somalia uu diido xukuumadda CC Sharmaarke

$
0
0

SIRTA KADAMBEEYSA IN BAARLAMAANKU DIIDO XUKUUMADA RA’ISULWASAARUHUNA LA NOQDO!HORDHAC/GOGO-DHIG
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristoow, waloow dadka aan waxbadan lasocon wixii ladoono la isaga qufulayo iyagoo caadifad loogu soo gambanayo, ayaa xaqiiqdu waxeey tahay hadana”Oohinta Orgiga kaweyn”.
Dhowr sababood oo isbiirsaday ayaa keeney in Baarlamaanku kahoryimaado xukummada uu soodhisey RW CCC Sharmaarke. Waxaana kamid ah kuwan soo socda.
1-Waa marka koobaade waxaa sabab u ah arintaa “Xil-Madhibayaal” xilligii laridayey Ex RW Cabdiweli Sheekh lacagta laaluushka ah eey qaateen kasokoow loo ballanqaadey Jagooyin, sida in laga dhigidoono: Wasiir, Wasiir-Kuxigeen, Wasiiru-Dowlo, iyo waliba Ra’isulwasaare, balse markii dantii laga lahaa laga gaarey, ayaa sidii la rabay laga yeeley, oo ballanqaadkii ayaa gabi’ahaanba looga baxay, iyagoo waliba markii hore dadaal aad udheer ku bixiyey in la rido Ex-RW Cabdiweli sheekh. Waxeey sidoo kale dadaal dheer ugaleen in eey xukuumada cusub soogalaan kadib markii laridey Ra’isulwasaarihii, taasoo eey iyana ku guuldarreeysteen, markaana abuurtey cuqdad, xanaaq eey laqarxaan, shallaay iyo isciilkaambin aad udaran, tasoo sababtey in eey markale dadaal dheer ugalaan in xukuumadan cusubi dhacdo oo Baarlamaanku rido, iyagoo qolooyin kale oo aan sheegidoonana taageero kahelaya, si darsi fiican oo lama ilaawaan ah eey ugu dhigaan Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxdiisa, dhinaca kalana si eey ugu noqoto aargoosi ugu yaraan nafta ugu qaboowdo, wixii kudhacayna eey ku iloobaan.Dankase waxaa looga dhigayaa diidmadu in eey dan qaran tahay.
2-Kooxda labaad waa Koox Madaxweyne Xassan katakhalusidiisa siyaasad ahaan usocota, waliba eey ka go’antahay, balse usiimaraya iskadhigida in eey yihiin dad arki la’ nimankan lama taabtaanka ah-Waa sida eey kudoodayaane-ee Madaxweynuhu ku dhagan yahay, ama uuba ku taaganyahay. Kooxdan “Xil-Madhibayaasha” ah ayaa waxaa ka go’an in Madaxweyne Xassan Sheekh garbadha laga rifo, lagana dhigo shimbir biyo ku dhexdhacday ama baalashaba laga tifay/rifay, si ugu dambeeyn uu unoqdo magac-uyaal lagu dulsoconkaro, wixii la doonana laga sameeysankaro , si taasi u dhacdana waxaa ka go’an in eey meesha ka saaraan guud ahaan asxaabtiisa siyaasada, gaar ahaanna ragga Isbaheeysigiisa katirsan. Raggaa waxaa ugu muhiimsan hada sadexda nin ee kala ah: Faarax Cabduqadir Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Cabdi Kariim Guleed -Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka, Cabdullahi Sanbaloolshe Wasiirka Amniga.
Waxaana sidoo kale kamid ah rag xilliyadii dambe eey madaxweynaha isku soo dhawaadeen, aadna isugu fiicanyihiin. Dadkaa waxaa kamid ah: Cabdirahman Beeyle Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka, Xuseen Cabdi Xalane,Wasiirka Maaliyadda ,Mohamed Sheekh Cismaan ,Wasiirka Gaashaandhiga , iyo Nadiifo Mohamed Osman Wasiirada Hoowlaha guud.
Waxeey kooxdan dooneeysa in eey Madaxweyne Xassan Sheekh udhameeyaan, si gaar ah isha ugusiihayaan ama Target-kooda koobaad u ah: Faarax C/Qaadir, oo ah saaxiibka Madaxweynaha ugu dhow dadkoo idil, ahna garabka midig, iyo Udub-dhaxaadka uu kutaaganyahay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud siyaasad ahaan, farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaanba.Ogoowna Faarax Cabdulqaadir waa muwaadin Soomaaliyeed xaq buuxana u leh in uu dalkiisa hooyo wasiir iyo wax kasareeyaba ka noqdo, waliba waa mas’ uulka dib uhabeeynta baaxada weyn kusameeynaya Garsoorka dalka, horeyna dalka wax weyn ugu sooqabtey waliba xilli adag, isagoo ahaa Mas’ uulkii hey’adaha Muslimii Ifriiqiya, Aasaasihii Machadka SIMAD ee hadda jaamacadda ah, Iskulka Ummul-Quraa….IWM.Waxaa Cadowgiisa iyo Saaxiibadiisba isku wada raacsanyihiin in Faarax yahay nin aad u karti badan, oo hadii uu kala jirana wax weyn kuu qabankara, kuna qabta, haduu kaasoo horjeedana wax weyn kuu dhimikara, kuuna dhima.Waana waxa afka loogu hayo oo Target-ka uu uyahay.
Kooxdan tool kooda dambe Xassan Sheekh yahay, balse meelaha usoo marmaraya, waxaa hogaanka u haya oo shaxda danaha gaarka ah laga leeyahay udajinaya “Xil-Madhibayaal” kasoojeeda Maamul-Beeleedka Puntland, kuwaasoo kaduulaya danaha Siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee Maamul-Beeleedkooda.
Waxaa hadafkoodu yahay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ugu dambeeyn noqdo, mid meel bannaan ah kaligii lasoo istaajiyo, kadib marka dhamaan saaxiibadiisa siyaasad ahaan laga wada takhaluso, si ugu dambeyn xaalkiisa uu unoqdo, xaalkii nasiibdarrada weyn ahaa ee uu kusugnaa Madaxweynihii hore: Sh.Shariif Sheekh Axmed sanadkiisii ugu dambeeyey xukunkiisa, kadib markuu meel cad uga wada dhaqaajiyey Isbaheeysigiisii Ruugcadaayaashii ugu dhawaa sida:Sh.C/Qaadir Cali Cumar, Sh.C/Raxmaan Janaqoow, Sh.Geele…IWM
3-Kooxda sadexaad waa Kooxdii EX Ra’isulwasaare Cabdiweli taageersaneyd balse laga itaal roonaadey, raggii ololihii looga adkaadey hogaaminayeyna ka dhex arkey golahan cusub.Waxeey kooxdan aad ujeclaan lahayeen, una ololeeynayaan in wasiiradii horoo dhan meesha laga wadasaaro, kuwaasoo ubadan tageerayaashii Madaxweynaha xilligii khilaafka, waloow kuwii taageersanaa ex RW Cabdiweliba kujiraan.Xaalkuse waa: Qorey iyo qaaciisaba waa leeysla turaa.Dan guudse cidi ka fikirimeeyso, shacabka wax lagu shubaba.
4- Ugu dambeyn, waxaa iyana kasoo horjeestey xukuumada lakala diray Jawaari iyo CCC Sharmaarke: Waloow eey si xirfadeeysan game ucayaarayaan oo isqarinayaan, hadana Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaarahaba midba waxbuu gariifsanyahay.Gudoomiye Jawaari wuxuu lagunuunacayaa in Beelweeyntiisa aan si wanaagsan wax looga siin golahan cusub, kuwa lagu soo darayna yihiin niman uu keensaday Shariif Xassan oo ah cadowgiisa siyaasadeed ee ugu weeyn hadda.Waloow lagala tashadey oo uu wuxuu tabanayey sheegtey, hadana waxbadan lagama qaban, waloow tillaabooyin lagu qancinayo laqaaday.
CCC Sharmaarke isaga wadnaha ayuu farta ku hayaa, oo wuxuu dareensanyahay in khilaaf siyaasadeed imaanayo sida caadada inoo noqoteyba Dastuur-ku-sheega la inoosoo dhoodhoobay dartiis, hadana waloow rag isaga uuwato uu golaha wasiirada kusoo darsadey, oo waliba meelo muhiim ahna ukala dhiibtey, hadana walwal baa ka haya farsamada ragga eey Faarax C/Qaadir iyo C/Kariin Guuleed ugu horeeyaan marka isku dhaca yimaada mustaqbalka dhow.Waxaa sidoo kale xanuun kuheeysa waxa suuqa loogalinayo oo ah in uu yahay nin jilicsan, Liis loosoo qoreyna magacaay lagu yiri, waliba nimankaa ah xulufada Madaxweynaha ah kusoo dar. Wuu jeclaan lahaa in uu uhelo marmarsiiyo uu meesha uga saaro, isagoo ku andacoonaya in uu isaga soo magacaabay, balse Baarlamaanku ku diidey, iyadoo ragga RW Sharmaarke uuwatana cidi aaneey tooshka ladabataagneyn.Xaalka dhabta ahi waa kaas, Dan guud ayaase shacabka waxwalba looga dhigayaa.GUNAANAD
Si kastoo natiijadu noqotaba hadana ragga xooga lasaarayo ee larabo in meesha laga saaro, waxeey madaxweynaha kula shaqeeyn karaan siyaabo kala duwan, xitaa hadii aan wasiiro laga dhigin. Wuxuu madaxweynaha si rasmi ah uga ka wada dhigi karaa lataliyeyaashiisa, xaq buuxa ayuuna uleeyahay, waxaa intaa kuusiidheer in eey xildhibaanno yihiin.Siyaaaduse waxeey leedahay xulufo, iyo Asxaab aad is aaminsantihiin, kalsooni buuxdana aad isku qabtaan, waliba aad dhib iyo dheefba isku garab istaageysaan, ileyn Far kaligeed Fool madhaqdo’e.
Xaqiiqda biyo kama shibcaanka ahse waa in cidda loosocdo uuyahay Madaxweyne Xassan Sheekh, howsha meesha laga bilaabayana tahay ragga kudhowdhow, gaar ahaan ruuxa ugu kartida badan, teamka Madaxweynaha. Maalinta Faarax C/Qaadir laga takhaluso, Madaxweyne Xassanna ogolaado, waa maalinta uu Xassan Sheekh cadowgiisa siyaasadeed uu cidlo ugu soo dhacay, una jabay.Hadaanse isaga ahay “Biyo inta aaneey isoo gaarin ayaan iska moosi lahaa”. Mahadsanidiin.Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”Maamule kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, Isla Kulliyadana Macallin ka ahaa,Al-Madinah International UniversityAbdulkadirphd@hotmail.comMN, USA
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

FADEEEXAD: Markabkii ay DF sheegtay in la qabtay oo si qarsoodi loo fasaxay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay 15-kii Bishan inay qabtay Markab si sharci darro ah uga kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya, siiba meel ka fogeyn Magaalada Muqdisho, markabkaas oo sahaydu ka go’aday ayaa ku soo xirtay dekadda Muqdisho si uu sahay uga qaato, laakiin waxaa ka war helay dowladda oo qabtay markabkan, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Agaasimaga Guud ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka dalka mudane Axmed Maxamed.
Agaasimaha guud ee Kaluumeysiga iyo Kheyraadka dalka ayaa intaasi ku daray in Dekada Muqdisho in Markabka ay saaran yihiin shaqaalo gaaraya 37-shaqaale oo la shaacin halka ay u dhasheen iyo 130-tan Markabka saarnaa. Kaluunka saaran markabka ayuu agaasimuhu ku qiyaasay 1.7 Milyan oo Doolar. Agaasimaha iyo xeer ilaaliyaha ayaa booqday markabka wuxuuna caddeeyay in Maxkamad la soo taagi doono, dowladuna la wareegtay kaluunka saaran oo ahaa sida uu yiri hanti Soomaaliyeed.Codka Agaasimaha hoos ka dhageyso
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2015/01/kalluumeysi.mp3HADDABA MARKABKII  HALKEE KU DANBEEYAY MAXAASE XAALKIISA KA SOO KORDHAY?
Waxaa la xaqiijisay in markabkii la sii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la keenin, saxaafadda loo soo bandhigin wixii keenay in la fasaxo, isla markaana aan wax war ahi ka soo bixin wasaaradii howshan qaabilsaneyd iyo Xeer ilaalinta amarka soo saartay!!!!.
Markabka oo lagu magacaabo Amal Amiira lagana lahaa dalka Yeman, waxaa saarnaa shaqaale gaaraya 37 ruux oo 4 kamida ay Kenyaati tahay inta kalena Filibiin iyo Asian Shaqaaalaha dekadda waxay noo sheegeen in Markabka oo xayiran ayna saaran yihiin askar ilaalo ah, amar kale ka soo baxay hay’adihii markii horeba heystay, sarkaalka Turkiga ah ee Dekaddana uu amar ku bixiyay in la fasaxo markabka sidaasina uga furta dekadda. Waxaa xusid mudan markaas ka hor in shixnadii kalluunka  ahayd ee markabka lagu qabtay lagu wareejiyay markab kale.
Warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in markabka fasixiisa laga amray madaxtooyada isla markaana u jiro heshiis hoose oo dhaqaale lagu bixiyay, taasi oo haddii ay jirto noqon doonta fadeexad kale oo dowladda Soomaaliya lugaha la gashay. Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan halka la mariyay markabkii ay dowladu ku faantay inay maxkamad soo taageyso.
Waxaa jawaab looga fadhiyaa Wasaaradda  Kaluumeysiga, siiba agaasimahii guud ee warkan umadda u sheegay iyo xeer ilaalinta inay shacabka u caddeeyeen halkii Markabkaasi ku danbeeyay, sidoo kale waxaa saxaafada Muqdisho saaran waajib weyn oo ah inay daba galaan arrimahan oo kale si ay umadda ugu soo bandhigaan waxa ka dhacaya dalka, waxaa kaloo mas’uuliyadda koowaad ka saaran tahay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Isha: Goobjooge
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Hawiye oo war kasoo saaray wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono R/W CCC

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa ay kula taliyeen inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay ka horyimaadeen Xukuumaddii 12-kii Bishan uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Iyo midnimada Beelaha Hawiye, ayaa wuxuu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhiso Xukuumad laga fekeray oo shacabka Soomaaliyeed u shaqeysa.
Wuxuu sheegay hadii ay yihiin Odayaasha Dhaqanka, mar waliba ay tixgelinayaan fekerada iyo aragtida madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse muhiim ay tahay ayuu yiri in la eego danta guud oo laga tago mida gaarka ah.
“Si wadanka dowlad uu u helo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madxweynaha anagoo garab taagan fekerkooda iyo dadaalkooda soo dhaweynayna hadana ay ka fekeraan wax un dadka wax u taraayo, Baarlamaanka iyo Bulshada ay ku qancin karaan, Baarlamaanka wax ha fududeeyaan mida qaaska mida caamka halaga horumariyo”Ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada ku mashquulsan wax ka bedelida Xukuumadda, maadaama ay diideen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumada, taasina ay keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqo inuu dib u habeyn ku sameynaayo Xukuumadiisa.
Dowladda Xasan Sheekh oo oo wax ka yar 2-sano ay u harsan yihiin, ayaa la kulmaysa caqabado badan iyo dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaayo Bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta, maadaama dowladda Soomaaliya ay noqotay mid un ku kooban hal dhinac.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa sugeysa Xukuumadda cusub qaabka ay noqon doonto, iyo inay mar kale kasoo dhex-muuqan doonaan xubnihii sababta u noqday in la diido Xukuumadii Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhisay.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>