Ciidamada iyo maamulka dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal ay ku qaadayaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaas, degmooyinkaas oo gacanta al-Shabab ku jira.
Maxamed Cabdi Kaliil, gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa saxaafada u sheegay in ay diyaariyeen islamarkaana isku dubarideen duulaan ka dhan ah al-Shabaabka maamula degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo.
Gudoomiye Kaliil ayaa dhanka kale tilmaamay in duulaanka ay hadda qaadayaan uu ka gedisan yahay duulaanadii ay horay u qaadi jireen, kuwaas oo intooda badan fashil ku dhamaaday sababo uu gudoomiyuhu ku sheegay xagal-daacin ay rag al-Shababaabka hoos kala shaqeyay ka dhex wadeen ciidamada dhexdooda dartood.
Si kastaba ha ahaatee waxaa loo joogayaa waxa ka soo baxa dagaalka ay dowladu sheegtay in ay ku qaadeyso deegaanada ay hadda maamulaan al-Shabaabku ee gobolka Gedo.