Muwaadiniin somaliyeed oo lagu eedeeyey argagaxiso ayaa laga sii daayey xabsi kadib markii lagu waayey wax dambi ah.
Soomaali lagu eedeeyay argagixisnimo oo labo habeen kahor laga qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa laga sii daayay xabnsiyada dalka Holland kadib markii la waayey wax cadeyn ah.
Dadkaas Soomaalida ah ee la qabqabtay oo gaarayay 12 ruux ayaa horay waxaa loo sii daayay Shan ka mid ah, waxaana xabsiga lagu reebay Todobo qofood oo baaris ay ku socotay kuwaasoo iyagana xalay la sii daayay kadib markii lagu waayay dambiyada lagu eedeynayay.
Raggan Soomaalida ah ee lagu xiray dalka Holland ayaa waxaa ku jira dad booqasho ku tagay dalkaas iyo kuwo deganaa dalka Holland, waxaana la xiray kadib markii lagu tuhmay inay damacsanaayeen falal argagixiso sida lagu eedeeyay.
Soomaalidaas dib u helay xoriyaddooda ayaa waxay sheegeen in aan wax dhibaato ah loo geysan muddadii ay ku jireen xabsiga.