Gudi dhowaan Xarakada al Shabaab u magacawday abaaraha ka jira
deegaanada ay mamusho xarakada ayaa maanta sheegay inay gurmad niyo
dhaamin ah ka bilaabeen degmooyin ka tirsan gobalka shabeelaha hoose
halkaaso ay ka jirtay biyo la;aan.
Shiikh Maxamed Suldaan oo ah gudoomiyaha gdigaasi aya sheegay in
illaa 10 booyadood ay u kireeyeen degmooyin ka tirsan Shabeelaha hoose
ana hadda bilaabeen biyo dhaaminta oo ka socota deegaanadaasi.
Gobalka shabeelaha hoose ayaa ka mid ah meelaha xaaladaha abaareed ee
ugu darani ay ka jiraan iyadoo caruur la sheegay in abaarta darteed ugu
geeriyoodeen halkaasi.
Gudoomiyaha gudiga abaarta ee xarakada ayaa sheegay in illaa 5 dagmo iyo
tuulooyin hoos yimaada ay ka soconeyso biyo dhaaminta, wuxuuna sheegay
in hawshan uu rajeynayo inay wax badan ka tari doonto haraadka baahsan
ee dadka haya.
Sidoo kale waxaa uu Shiikh Suldaan sheegay in gobalada kalana ay ka
bilaabi doonaan gurmad biyo dhaamin oo la mid ah kan ay maanta bilaabeen
si ugu yaraan loo kaafiyo baahida biyood ee deegaanada abaaruhu ka
jiraan.
Gudiga oo kormeer ku soo maray deegaano ka mid ah gobalada abaaruhu ka
jioraan ayaa sheegay in gobalada Bay, Bakool, Jubooyinka iyo labada
Shabeele ay ku soo arkeen xaalado aad u daran oo laga naxo taasoo dadka
ay ku sugan yihiin.
Gurmadkab iyo dhaaminta ayaa ah talaabadii ugu horaysay ee gugidaasi ay qaadaan tan iyo intii la magacaabay bil ka hor.