Dagaalo iyo duqeymo daba socday ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo uu illaa iyo maanta duhurkii soo gaaray dagaalku.
Dagaaladan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 4-qof, 8-qof kalana waa ay ku dhaawacmeen kwuaaasi oo dhmaantood ahaa dad rayid ah, dagaalo iyo duqeymo xalay galinkii dambe ilaa saakay degmooyinka ka mid ah gobolka Baanadir ku dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM.
Sidoo kale dadka dhimatay iyo kuwa dhaawacantay ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen madaafiicda dhinacyadii dagaalamay ay isku weedaarsanayeen dagaalka, hase ahaatee waxaan la’ogayn khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.
iska horimaadkan ayaa waxaa uu xoogiisa ka dhacay xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Howlwdaag iyo Boondheere kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinkaasi.
Hase yeeshee dagaalkii xalay saqdii dhexe bilowday ayaa waxay dhinacyadii dagaalamay mar kale dagaal rogaa celis ay isku soo qaadeen saakay, iyagoo is weedaarsanayay Madaafiic iyo raasaas kala duwan oo laga maqlayay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir.
Dhanka kale waxaa iminka lagu soo waramayaa in xaaladoodu ay degan tahay inkastoo ay wali is horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay , waxaan halkaasi laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac, iyadoo saacadkasta lafilan karo in mar kale uu halkaasi dagaal ka qarxo.