Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sheekh Cali Dheere “Waxay, Soomaaliya oo dhan kaga sugan yihiin hal kilo-mitir, waxayna ku wareejiyeen toban shirkadood"

$
0
0

Afhayeenka
Xarrakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh
Cali Dheere), oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho
shalay, ayaa ku eedeeyay dowladda KMG inay qaybaha yar ee ay kaga sugan
tahay Muqdisho ku wareejisay shirkado shisheeye oo calooshood u
shaqeystayaal ah.

“Waxay,
Soomaaliya oo dhan kaga sugan yihiin hal kilo-mitir, waxayna ku
wareejiyeen toban shirkadood, kuwaasoo loogu talogalay inay ciqaabaan
dadka ay sunnada ka muuqato ee doonaya inay caqiidadooda sida saxda ay
ugu dhaqmaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in deegaannada ay dowladdu ka taliso ay ka carareen dadkii            ay
ka muuqatay sunnada iyo macallimiintii dugsiyada Qur’aanka, taasoo uu u
sababeeyay shirkadaha uu sheegay in lagu wareejiyay deegaannada ay
dowladdu ka taliso.

“Shirkadahan
calooshood u shaqeystayaasha ah, waxaa lagu wareejiyay garoonka,
dekedda, KM-4 iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso, taasina
waxay caddeyn u tahay inay doonayaan in dalka oo dhan ku wareejiyaan
shirkado shisheeye, si ay uga hortagaan ku dhaqanka sharciga Islaamka,”
ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Heshiisyada
lala galay shirkadahan, Shariif waa inkiray, Farmaajo waa inkiray,
Sharma’arke waa inkiray, Shariifka kalena waa inkiray, marka dalka waxaa
haysta shirkadaha shisheeye ee iyagu waxba kama ahan,” ayuu hadalkiisa
raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Dhanka
kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu ka hadlay codsiyada ay
dowladdu kaga dalbatay caalamka in laga taageero dagaalka ay Xarrakada
kula jirto, isagoo sheegay in inta aysan soo qaadin weerarro, ay ka
saari doonaan goobaha ay kaga sugan tahay Muqdisho.

“Shirkii
ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay, waxaa lagu codsaday taageero
ciidan, waana mid lagu doonayo in lagula dagaalamo diinta Islaamka iyo
dadka rumeysan, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay ka qaybqaataan sidii
looga hortegi lahaa qorshayaasha gurracan,” ayuu yiri Sheekh Sheekh
Cali Dheere.

Afhayeenka
Xarrakatul Shabaab, wuxuu gabagabadii shirkiisa jaraa’id kaga hadlay
abaaraha ka taagan dalka isagoo sheegay in Xarrakadu ay kaalmooyin isugu
jira raashin iyo biyo ay siiso dadka ay abaaruhu waxyaallada u
geysteen, ayna wadaan qorshayaal ay biyo ku gelinayaan goobaha oomanaha
ah ee ay abaaruhu ku dhufteen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>