Cabdiraxmaan Faroole, Hogaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta ka hadlay hadal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaalidu ka yiri go'aankii ay maamulka Puntland ku gaareen in ay kalsoonida iyo wadashaqeynta intaba kala laabtaan Dowlada Soomaaliya.
"Waa inan yar oo meesha la keensaday, wuxuuna ka hadlay wax uusan waxba kala socon marka waxaan leenahay, war xeradaada ku ekoow" Hadalkaas waxaa laga soo xigtay Faroole xilli uu ka jawaabay su'aa ku saabsaneyd hadal uu Ra'iisal wasaare Farmaajo ka yiri go'aankii maamulka Puntland.
Hogaamiyaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garowe isagoo ay wehliyan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in ay ku sii jeedaan dhanka Jibuuti si ay ula kulmaan hay'adaha Caalamka ee daneeyay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan QM.
Hadalka Madaxweynaha Puntland oo u muuqday mid caro xambaarsan ayaa la jaanqaadaya xurguf iyo xiiqtan tan iyo magacaabistii Ra'iisal wasaare Farmaajo ka dhex jirtay maamulka Puntland iyo dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif sida dad badani qabaan xurguftaas iyo xiiqtankaas oo hadda daaha ka rogmay.